Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa si adag uga digay Qabaa’ilka Gobolka Mudug, in ay wax xiriir ah la yeeshaan ururka Al-shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in ay soo baxayaan warar ku saabsan in Qabaa’ilka Mudug qaarkood ay hadda Al-shabaab heshiisyo la galayaan, taas oo uu si adag uga digay cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabadas. “ Waxa la sheegayaa Qabaa’ilada qaar oo hadda Shabaab heshiisyo la galaya. War gaari qallibmay baad dabada haysataa. Qabiilka hadda Shabaab la heshiinayow qalad baad ku jirtaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto Qabiil kasta oo lagu ogaado in uu Shabaab heshiis la galay, islamarkaana loola dhaqmi doono sida Shabaabkii. “Ciddii lagu ogaado in ay Shabaab heshiis la gashayna, ama Qabiil weyn ha noqoto ama qof ha noqotee, waxay noogu calaamadsanaan in ay Shabaab yihiin, lana macaamili mayno sidii Qabiil ula macaamili mayni” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay Qabiilada Al-shabaab heshiisyada la gala appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa maalintii seddaxaad galay olalaha doorashooyinka Somaliland, xilli deeganada maamulkaasi la filayo in dadweynaha maalmaha soo socda ay u dareeraan goobaha cod bixinta . Olalaha ay sameynayaan xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ayaa si aad ah uga soconaya deeganada maamulkaas . Bilawgii todobaadkaan ayeey aheyd markii ay si rasmi ah u bilabmeen Olalaha doorashada, iyadoo xisbiyada KULMIYE iyo UCID ay labadi maalin ee la soo dhaafay ay sameyeen Olalahooda . Maanta aya a lagu wada in mas’uuliyiinta xisbiga WADANI ay sameyan olalahooda, iyagoo taagerayaashooda kula hadli doona fagaarayaasha waaweyn ee deeganada Somaliland . Source: goobjoog.com
  3. Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka, oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii afraad ka socda xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Waxa shir-guddoominaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka iyo turxaan-bixinta heshiiski 17-September ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo tabashooyin ka soo noqdeen qaar kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qodobka ugu adag ee shirkan horyaalla, waxa lagu sheegay arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland oo ay ku heshiin waayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Wararku waxay sheegayaan, in ilaa iyo haatan aysan jirin isfaham laga gaaray muranka ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxase isu-soo dhowaansho laga muujiyay qodobada qaarkood. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ciidamo gaar ah usoo direysa Soomaaliya, si ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM uga taageeraan la dagaalanka argagixisada. Wargeyska Express ee kasoo baxa London ayaa baahiyay in UK ay udiri doonto Soomaaliya 250 ka tirsan ciidanka khaaska ah ee UK, kuwaasi oo loo daabuli doono gudaha dalka 12-ka bilood ee soo socda. Wargeyska ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto aas-qaska guutada howl-galka khaaska ah (The Special Operation Brigade) oo la howl-galiyay dhowr bilood ka hor. Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain ayaa iftiimiyey qorshaha UK ee ay ciidamada ugu soo direyso bariga Afrika. Jeneral Mark ayaa hoosta ka xariiqay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socda uu ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka, isaga oo ka gaabsaday muddada ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan gobolka. “Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith. Express oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka khaaska ugu tababaraan xeelladaha dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Wargeyska ayaa xogtaan uu baahiyey ku xusay in ciidamada khaask ah ay badeli doonaan kuwii Mareykanka ee tobabari jirey ciidanka dowladda Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in ciidaanka iyo goobtooda koowaad ee howl-galka oo xogtu tibaaxeyso inay tahay Soomaaliya lagu shaaciyo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha dalalka G7 ee bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain. Ciidamada dowladda federaalka oo kaalmo ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Shabaab, waxaana la filayaa in haddii UK si toos ugu biirto ay sarre u qaadeyso howl-galada ka dhanka ah argagixisada. The post Xog: Maxay yihiin ciidamada gaarka ah ee UK ay usoo direyso Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  5. Militariga dalka dhaca galbeedka Afrika ee Mali ayaa xiray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga ee dowladda kumeelgaarka ah . Ciidamada ayaa Xabsiga u dhaadhiciyay madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul wasaare Moctar Ouane iyo wasiirkii difaaca Mali Souleymane Doucoure. Xoogaga Militeriga ayaa la soo wariyay in mas’uuliyiintan ay ku xireen xero ciidan oo ku taalla meel ka baxsan caasimadda dalka Mali ee Bamako. Xariggooda ayaa imaanaya kadib markii dhawaan Militeriga ay xilka ka qaadeen madaxweeynihii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita. Dhawaan ayeey aheyd markii Mali laga dhisay Dowlad isku dhafan kadib xilka qaadistii Keita, Militeriga ayaana la sheegay in madaxdan ay u xireen sababa la xiriira xil ka qaadis lagu sameeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Militeriga Mali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa maalintiisi Afaarad galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd . Xukuumadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay dhankeeda shirka Afisyooni, iyadoo la sheegay in qodobo ay ka mid yihiin cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland la isku afgartay . Saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa dhankooda sheegay in ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan wax dhamaan heshiis lagu yahay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ciidamada Militariga waddanka Mali ayaa xabsiga dhigay madaxweynihii, Ra’isul Wasaarihii iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi. Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako. Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita. Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali. PUNTLAND POST The post Ciidamada Milatariga Mali oo xabsiga dhigay madaxweynihii dalkaas iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Puntland Post.
  8. UNITED NATIONS, May 24 (Xinhua) -- The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the UN Capital Development Fund (UNCDF) announced Monday that they have entered into a two-year agreement to support the harmonization of remittance policies across IGAD countries. Source: Hiiraan Online
  9. JBS USA LLC will pay $5.5 million to settle a long-running lawsuit by the Equal Employment Opportunity Commission accusing the meatpacking company of firing scores of Somali Muslims who had sought longer prayer breaks during the holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  10. Bamako (Caasimada Online) – Saraakiisha Militariga dalka Mali ayaa xiray madaxweynihii, ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii difaaca dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, taasi oo kasii dareysay qaska syaasadeed ee dalkaas, bilo un kadib markii afgambi militari xukunka loogu tuuray madaxweynihii hore. Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane iyo wasiirka difaaca Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyey xero militari oo ku taalla caasimadda Bamako, saacado kadib markii laba xubnood oo ka mid ah militariga ay xilalkooda ku waayeen isku shaandheyn lagu sameeyey dowladda, sida ay sheegeen ilo-dowaladeed iyo kuwa diblomaasi. Xarigooda ayaa daba socda xukun ka tuuristii militariga ee madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita. Dhacdadan ayaa kasii dari karta xasillooni darrada dalka ku yaalla Galbeedka Afrika, oo kooxo xiriir la leh Al-Qacida iyo Daacish ay maamulaan qeybo badan oo ka mid ah saxaraha waqooyi. Xasillooni darrada siyaasadeed iyo dagaalka militariga dhexdiisa ah ayaa adkeeyey dadaallada ay quwadaha Reer Galbeedka iyo dalalka deriska ah ay ku caawinayaan dalkan saboolka ah. Howlgalka QM ee Mali ayaa ku baaqay in si deg deg oo shuruudo la’aan ah loo sii daayo kooxda la xiray, waxayna sheegeen in kuwa haysta hoggaamiyayaasha ay tahay inay ka jawaabaan ficilladooda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku baaqday “sii deynta shuruud la’aanta ah ee kuwa la haysto.” Madaxweyne Ndaw iyo ra’iisul wasaare Ouane ayaa loo xil saaray maamulka xukun rayid oo 18 bilood jiri doona kadib afgambkii August, hase yeeshee waxay militariga ka qaadeen xilal muhiim ah oo ay dowladda ka hayeen. The post Ciidamo militari ah oo xirtay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dal African ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Cabdixakiin Xigis oo ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay lagu toogtay hoygiisa dhaxdiisa. Dilka oo sida la sheegay loo adeegsaday qori ayaa waxaa geysatay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah. Dilka kadib ayey wacday booliska, isla markaana isku dhiibtay ayada oo booliska ay wadaan baritaanno la xariira sababta ka dambeysay dilka ay saygeeda u geystay. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika. PUNTLAND POST The post Wiil Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  12. Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Jamhuuriyadda Ireland iyo Gobolka Waqooyiga Ireland ee UK ayaa ka cabanaya lacag dul saar ah oo ay sheegeen in looga qaato marka ay baasaboorka Soomaaliga dalbanayaan. Qaar ka mid ah Soomaalida oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa arrintan ku eedeyey shaqsiyaad uu hormuud u yahay sarkaal ka socda Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium-ka. Sarkaalkaan oo iminka ku sugan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa sida ay sheegeen magaalada Dublin ku sameystay shaqsiyaad lacago dul saar ah uga ururiya dadka, iyadoo baasaboorka Soomaaliga ah marka laguugu sameynayo wadanka Ireland lagaa qaadayo lacag dhan €320 Euro, oo lagu daray €80 Euro oo warqadda dhalashada ah, taas oo wadarta guud ka dhigeysa €400 Euro oo u dhiganta $488 Doolar, halka marka aad baasaboorka iyo warqadda dhalashada ka dalbato safaaradda Belgium lagaa qaadaayo €200 oo Euro. “In lacago dul saar ah oo aan qasnadda dowladda ku dhaceyn na laga qaado, waxaan dhihi karnaa waa mukhallisnimo heer kale gaartay,” ayuu yiri Adan Nuux oo ka mid ah dad dhowr ah oo lacagahaasi la waydiistay. Soomaalida Ireland ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato maadaama lacagahaan aynan ku dhaceynin qasnadda Dowladda, oo shaqsiyaad gaar ah qaadanayaan Ireland oo ah wdadan ay Soomaalida aad ugu yar tahay marka la barbar dhigo waddamada kale ee Yurub ayaanan laheyn wax safaarad ama qunsuliyad ah, mana ka jirto Jaaliyad Soomaaliyeed oo shaqeeysa, waana arrintaas sababta u fududeysay in shaqaiyaad gaar ah ay dadka baasaboor doonka ah ka qaataan lacago baad ah. Sidoo kale waddanka Ireland waxaa ku nool dad kasoo Jeeda Qowmiyadda Baajuunta eee Soomaaliya, waxaana sanadki hore lacago fara badan ka urursaday sarkaalkaan, isagoo u sheegay inuu baasaboor u sameynayo. Imaatinka Sarkaalkan ee wadanka Ireland ayaa waxaa ka dambeeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Soomaalida wadankaan ay horey uga dalbadeen in uu qunsuliyad u soo magacaabo ama ugu yaraan uu saraakiisha Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka usoo diro, taasi oo uu ka aqbalay Wasiirka, isagoo ujeedadiisu aheyd in dadka loo fududeeyo Baasaboorka. Si kastaba taas badalkeeda sarkaalkii Howsha loo xil saaray iyo raggii la shaqeynaayay ayaa u badalay in baahida dadka ay ka macaashaan oo ay lacago badan uga urursadaan, taas oo Soomaali badan ay culeys ku noqotay. The post Ireland: Baasaboorka Somalia oo la kala siisanayo $488 appeared first on Caasimada Online.
  13. Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan. Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers). Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood. Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii. Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed. The post Imaaraadka Carabta oo dib uga gurtay dhex-dhexaadinti Ethiopia iyo Sudan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  14. Militariga Dal Afrikaana oo Xabsiga dhigay Madaxweynaha,Ra’isul Wasaaraha & wasiirka Gaashaandhiga Dalkaa+Sababta Madaxweyne Bah Ndaw Militariga Mali ayaa xiray Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana tallaabadan ay sii muujineysaa qalelaasaha siyaasadeed ee ka jira dadka ku yaal Galbeedka Africa. Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako. Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita. Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali. Qaran News
  15. Madaxweyne Geeriyooday oo Caaqilkiisii amar ku bixiyey in la soo qufo Meydka & Lafihiisa Madaxweynihi hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ee geeriyooday Caaqil ku nool dalka Zimbabwe ayaa amar ku bixiyey in la soo qufo lafihi madaxweynihi hore ee dalkaasi Robert Gabriel Mugabe laguna aaso xabaalaha qaranka. Mugabe oo geeriyooday 2019-kii ayaa lagu aasay magaalada Kutuma iyada oo amarka in halkaa lagu aasanaa uu lahaa madaxweynihi beddelay ee Emmerson Mnangagwa, iyada aas qaranna aan loogu sameeyn caasimadda Harare si la mid ah halgamayaasha dalka Zimbabwe ee geeriyooda. Qoyska Mugabe ayaa sheegay inuu Mugabe cabsi ka qabay haddii lagu qaaso qabuuraha qaran ay hadhaagiisa ay cadawgiisa siyaasaddeed ee xukunka ka qaaday 2017-kii u isticmaalaan siyaabo kale. Isniintina Hoggaamiye Dhaqameed ku sugan degmada Zvimba, oo ku taalla galbeedka Harare, wuxuu sheegay iney cabsaha ku aaddan halka Mugabe lagu aasay ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah odayaasha qabiilka uu Mugabe ka dhashay. Wuxuuna oday dhaqameedku uu marwadi koobaad ee hore uu ku xukumay iney dambiile tahay maadaamaa ay baalmartay oo ay seygeeda ku aastay meel ka baxsan deegaankiisa. Hase yeeshee goobta uu hoggaamiye dhaqameedku garta ku qaadayey Grace Mugabe ma eysan joogin, balse wuxuu marwadu uu ku xumay iney bixiso shan neef oo lo’ ah iyo shan neef oo ari ah. “Oday dhaqameedku inuu awood u laheen inuu ka hadlo Kutama. Xataa haddii caaqilka saxda ah uu xukunkaasi sameyn lahaa waxaan racfaan ka qaadan laheen maxkamadda”, ayuu yiri afhayeenka qoyska Mugabe Leo Mugabe oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters. Geeridii Mugaabe Robert Mugabe, wuxuu ahaa 95 sano jir, wuxuuna xilka wareejiyay sannad ka hor. Wuxuu u dhintay xannuun muddo hayay, sida ay qoyskiisa BBC u xaqiijiyeen. Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano. Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayaa Twitter-ka ku qoray “nabad ku naso Robert Mugabe.” Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia. Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii. Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa. Grace Mugabe , oo ah xaaskii uu Mugabe ka geeriyooday ayaa wehlineysay naxashka Sooyaalka Mugabe oo kooban 1924 ayuu dhashay 1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian 1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib 1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu 2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka. 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay 2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga Aaskii Mugaabe Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe waxaa lagu aasay tuulo miyiga ku taalla, oo ah halkii uu ku dhashay, saddex isbuuc ka dib markii uu geeriyooday isagoo 95 jir ah. Waxaa qabrigiisa laga sameeyay deegaan lagu magacaabo Kutama oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Harare. Mugabe wuxuu 6-dii bishan September ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Singapore ka dib ku dhawaad labo sano markii laga afgambiyay xukunkii uu hayay 37-da sano. Qoyskiisa ayaa go’aansaday inay aas gaar ah u sameystaan ka dib muran ay isbuucyo kula jireen dowladda. Markii naxashka uu meydka Mugabe ku jiray qabriga la galinayay waxaa ku hareereysnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo xubno kale oo ka mid ah qaraabadiisa dhow. Laakiin tiro yar oo ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa ayaa ka qeyb galay aaska, mana jirin mas’uuliyiin sar sare oo halkaas tagay. Grace Mugabe , oo ah xaaskii uu Mugabe ka geeriyooday ayaa wehlineysay naxashka Qabrigiisa waxaa laga dhigay meel ka mid ah daaradda guriga qoyskiisa. Dad badan ma aysan fileynin in nin mar waddankiisa ka ahaa qof aad loo qaddariyo oo laga cabsado loo sameyn doono aa sheer hoose ah oo aan saas loo sii daneyneynin. Xaruunta qaran ee lagu keydiyo xasuusta halyeeyadii lasoo dagaallamay gumeysiga Laakiin dadka qaarkood waxay arrintaas u sababeeyeen fikradihiisii siyaasadeed ee ugu dambeeyay. Hase yeeshee wuxuusan shaki ku jirin in Mugabe uu yahay shakhsi ay si weyn taariikhda u xusuusan doonto. Robert Mugabe wuxuu ahaa qof guul darrada neceb oo mar kasta inuu madaxiisa korreeyo jeclaa, ka hor inta aan afgambi uusan marnaba ku fikireynin lagu sameynin bishii Nofember ee sanadkii 2017-kii Qaran News
  16. Wanla-weyn (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu bixiyay amar lagu soo xirayo guddoomiyaha degmada Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, kadib markii uu dagaal culus ku dhaxmaray degmada. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan ciidamada amniga, maxkamada ciidamada qalabka sida iyo maamulka gobalka lagu amray in la soo xiro masuuliyiintaas. Saraakiil ku sugan Balli-doogle ayaa sheegay in guddoomiyaha arrimaha Bulshada la geeyay Balli-doogle kadibna la soo fasaxay markii uu diiday guddoomiyaha degmada in uu asna tago. Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in guddoomiyaha degmada uu diiday in uu tago taasoo keeni karta in xoog lagu soo qabto. Guddoomiyaha oo halkaas ku magacaaban muddo ka badan Lix sano ayaa heesta ciidamo beeleed hubeysan. Odayaal dhaqan oo ka soo jeedo dhinacyada dagaalamay oo qaraabo ahaanna isu dhaw ayaa arrinta ku jira waxaana la sheegay in ay isku dayayaan baajinta ammarka la bixiyay ee soo qabashada ah. Maalmo ka hor degmada Wanlla-weyn oo ku taala gobalka Shabeelada Hoose waxaa ku dagaalamay ciidamo ay kala hogaaminayaan labada guddoomiye waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan. Dagaalka ayaa salka ku hayey maamulka isbaaro lacag badan ay kasoo xarooto. The post Xog: Lafta-gareen oo amray in lasoo xiro xubno ka mid ah maamulka Wanla-weyn appeared first on Caasimada Online.
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo maanta ka hadlayay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka geysto deegaanada gobolka ayaa digniin adag u diray hay’addaha ka howl-gala gobolka Hiiraan. Jeyte ayaa sheegay in xiliga ka maamul ahaan ay waxqabad uga baahan yihiin dowladda iyo hay’adaha si fatahaadaha soo noq-noqday looga hortago. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn waxyaabaha yar-yar oo ay Hay’adaha keenaan gobolka Hiiraan, balse loo baahan yahay waxqabad muuqda oo ku aadan fatahaadaha. Guddoomiye Jeyte ayaa si adag uga digay Hay’adaha ceebta uga imaan karta maamulka iyo dregaannada gobolka Hiiiraan oo uu sheegay in dadka ay waqtiga uga luminayaan waxyabao aan waxba u soo kordhineyn, iyada oo ay jiraan fatahaado. Hadalka Jeyte Cismaan ayaa imanaya xili ay magaalada Beledweyne ka socdan dadaalo looga hortagayo fatahaada webiga ee sanadkan, islamarkaana looga hortagi lahaa, si uusan saameyn balaaran ugu reeben dadka iyo deegaankaba. The post Maxay tahay digniinta kasoo baxday guddoomiye Jeyte? appeared first on Caasimada Online.
  18. There seems to be no end in sight for the political crisis in Somalia. On February 8, the mandate of President Muhammad Abdullahi Muhammad, commonly known as Farmajo, expired without a date set for either parliamentary or presidential elections. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay qorshihii ahaa in la soo gaba-gabeeyo shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya. Sida uu shalay shaaciyay wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, shirka ayaa la qorsheeyay in maanta la soo gaba-gabeeyo islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed kadibna loo dhaqaaqo doorashada Soomaaliya. Hase yeeshee Ilo wareedyo muhiim ah oo shirka ka qeybgalay ayaa Caasimada Online u sheegay in la isku mari la’yahay arrinta doorashada gobalada Waqooyi iyo arrinta gobalka Gedo. Wararku waxay sheegayaan in labadaan arrin ay aad u adagtahay arrinta gobalada Waqooyi oo dhinacyadu kala joogaan goobo adag. Xalay iyo shalay waxaa qabsoomay shirar u gaar siyaasiinta gobalada Waqooyi, kuwaasoo laga codsaday in dhaxdooda heshiiyaan, waxaana muuqato in dhinacyadu is fahmi waayeen. Xildhibaanada waqooyi ayaa u kala jabsan laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed oo ku xiran Villa Somalia, iyo Cabdi Xaashi oo ka tirsan mucaaradka, waxayna isku hayaan sida loo kala qeybsanayo xubnaha guddiga doorashada ee hagaya soo xulista xildhibaanada waqooyi. Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa caawa ka dhacay Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayey sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland. Sidoo kale arrinta gobalka Gedo ayaa maanta qaadatay saacado badan oo dood ah waxaana soo baxaya in aan ilaa hadda lagu heshiinin qodobkaas. Labada qodob ee doorashada Waqooyiga iyo mida Gedo ayaa kuwa adag ee dib u dhigay in shirka maanta la soo gaba gabeeyo. Waxaa socda dedaal badan oo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka ka ilaalinaya in uu fashilmo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada kulamo gaar ah iyo isu keenida dhinacyada si xal looga gaaro arrimaha doorashada. The post Laba qodob oo la isku hayo oo dib u dhigay in lasoo geba-gebeeyo shirka doorashada appeared first on Caasimada Online.
  20. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan codeynta doorashada. Saciid Deni wuxuu sidoo kale sheegay in aysan carqaladeyn doonin qaab walba oo ay dadka kasoo cararay durufaha ka jira koonfurta Soomaaliya ay ku helayaan xuquqda ay ku leyahiin dhulka ay ku nool yahiin. Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli uu Muqdisho uga qeyb galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana sidoo kale diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashada Puntland ay haatan ka socotaa saddex degmo oo kaliya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka ee yimid Puntland intii ay colaadu jirtay, kana mid noqday dadka deegaanka ay si xor ah uga qayb qaadan doonaan doorashooyinka soo socdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed kuna nool dhulka maamulkan xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya xaq ayuu u leeyahay inuu wax ka doorto deegaanka uu ku nool yahay ama uu ku doorto, isla markaana uu doorto hoggaamiyayaasha mustaqbalka ee saamaynta ku yeelan doona noloshiisa.” Si gaar ah isagoo ula hadlaya shacabka reer Koonfur Galbeed ee ku nool deegaanada Puntland ayuu xusay in aysan habooneyn inay idaacadaha ugu yeeraan magacaas, ayna ka haboon tahay in loogu yeero shacabka Puntland. “Mararka qaar waxaa idaacadaha ka maqlaa shacabka reer Koonfur Galbeed ee degan Puntland. ‘Ma tihidiin shacab reer Koonfur Galbeed ah, waxaa tihiin reer Puntland’ Waana ku faraxsanahay in ay isu-diiwaan-gelinayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni. Madaxweynaha wuxuu amaan dusha uga tuuray dadka reer Puntland, kuwaas oo walaashaday, soona dhaweeyay shacabka Soomaliyeed ee durufaha kala duwan uga soo cararay deegaanadooda, hadana ay gaareen inay doortaan hoggaankooda. “Waxaan shacabka ka codsanayaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga Puntland maxaa yeelay way ku barwaaqoobeen, ku shaqeysteen, ku noolaan doonan, carruur ayaad ku dhasheen halkan, waxayna ku noolaan doonaan inta ka hartay mustaqbalkooda, waxayna xaq u leeyihiin in ay u codeeyaan hoggaamiyayaashooda,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Dagmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayey ka socotaa diiwangalinta codbixiyayaasha, waxaana la diyaarinayaa dhamaadka sanadkaan doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah ee ka dhacda Puntland. Puntland waxay billowday nidaamka xisbiyada badan. The post Deni oo go’aan kasoo saaray haddii dadka kasoo jeeda K/Galbeed ay ka qeyb-gali karaan doorashada Puntland appeared first on Caasimada Online.
  21. Al-shabaab ayaa in ka badan 20 hoobiye ku garaacay tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Duqeynta oo dhacday wax yar ka hor salaadii maqrib waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan oo codsaday in aan magaciisa la xigan. Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan. Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Agoosto 2014 ayay ahayd markii ugu dambeysay oo ciidamada Puntland magaalada Galgala ka qabsadeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay tuulada Galgala appeared first on Puntland Post.