-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland), gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi hoggaamiyo ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn shirka wadatashiga dooarshada ee Muqdisho. Qoraal ay caawa soo saareen siyaasiyiintan ayay ku cadeeyeen in aysan qeyb ka ahayn go’aamada ka soo baxa shirka, dibna faahfaafin kala wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta. Labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi oo ay kala hoggaamiyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku heshiin waayay guddiga doorashada xildhibaannada Waqooyi. Qoraalka garab kamid ah siyaasiyiinta Waqooyi ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayay in berri la soo xiro shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo muddo 5 maalmood ah ka socday Teendhada Afisyoone. Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu wadaan dadaalo lagu xallinayo khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi, lagana yaabo in xal laga gaaro saacadaha soo socdo. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho oo weli khilaaf ka taagan yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan in shirka berri la soo gabagabeynayo ee heshiiska looga gaaray khilaafka doorashooyinka aysan cidna ku metelin, isla markaana wixii kasoo baxa aysan khusey doonin. Qoraalkaan waxay ku sheegeen in maalmahaan ay rajo ka qabeen in shirka ka socda Afisyooni laga qeyb geliyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay u arkaan inuu muhiim u yahay midnimada iyo wax ka go’aaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse taasi aysan dhicin shirkuna uu u muuqdo mid gabagabo ah. “Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan berri lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah. Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in Cadbi Xaashi uu ogol yahay sida wax loo qeybiyey, balse waxa diidan yihiin xildhibaanada ku xiran. Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho uga socday todobaadkaan teendhada Afisyooni, balse waxaa suurtagal ah in arrintaan ay sababto inaan berri lasoo xirin shirka. The post Garabka Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Yuusuf Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa eedeyn la xariirta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxa uu u jeediyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka. “Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mas’uuliyad buuxda ayaa ka saaran waxbaridda dhammaan ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha, degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Yuusuf. Wasiirka waxbarashada K/Galbeed waxa uu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay seddax qodob, kuwaas oo kala ah: 1 – In waqti hore ay mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarashada DF, sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud ay imtixaanka dugsiga sare halkooda looga qaado ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha. “Wasaaradu waxay diiday in Ceelasha Biyaha xarun imtixaan laga dhigo, iyadoo ardayda deegaankaasi ay cabasho badan ka soo gudbiyeen, ayna ku adagtahay inay Muqdisho u aadaan imtixaanka dugsiga sare, maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan jidka.” 2 – In balan ka baxyo ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dowladda federalka. “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa waxa ay cadeeyeen in Ceelasha Biyaha aysan suurtagal aheyn in xarun imtixaan laga dhigo duruufo amni awgeed. Sidaa darteed waxay soo jeediyeen in ardeyda degaankoodu yahay Ceelasha Biyaha loo wareejiyay degmada Afgooye. Taasna Wasaaraddu waa nooga baxday.” 3 – In jahwareer iyo khalkhal uu soo wajahay ardeyda Koonfur Galbeed ee wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha. “waxay weli garan la’yihiin goobta ay Imtixaanka ku galayaan, iyadoo waqtigu uu ku dhamaaday.” “Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxay ka soo horjeedaa in lagu tunto xuquuqda ardayda deegaanka Ceelasha Biyaha. cawaaqibka iyo dhibaatada ka dhalatana waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, maadaama la jahwareeriyay ardayda, waalidiinta iyo bulshada deegaanka intaba,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada maamulka K/Galbeed. Waxa uu sheegay in degmada Afgooye ay ku diyaariyeen xarumihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen ardayda wax ku baratay deegaanka Ceelasha Biyaha ee sanadkan u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda dhexe. “Wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed waxay si deg deg ah uga codsanaynaa wasaaradda waxbarashada DF in ardayda aan la geyn xarumaha lagu soo qoray ee Gahey iyo SYL Muqdisho, balse loo wareejiyo degmada Afgooye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba. Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Hadii arrintaan jawaab deg deg ah aysan ka bixin wasaarada waxbarashada federaalka, waxay saameyn ku yeelan doontaa wadashaqeyntii fiicneyd ee ka dhaxaysay labada wasaaradood ee waxbarashada u kala qaabilsan Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federalka.” Hoos ka Daawo The post DF iyo Koonfur Galbeed oo isku haysta deegaanka Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa galabta Maqribkii weerar gaadmo ah ka geystay inta u dhaxeysa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere oo kala bara magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug. Weerarkaas ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Xaayow oo ay ku sugnaayeen ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo isku baheystay in wadada laamiga ah ee xariirisa Gurceel iyo Dhuusamareeb ay ka difaacaan Al-Shabaab. Ugu yaraan seddax nin oo ka tirsanaa ciidanka Macawiisleyda ah ee iska abaabulay deegaankaas ayey Al-Shabaab dileen, halka dhaawacyo kalena la gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb, sidoo kale waxa ay gubeen gaari uu Saad u saarnaa. Wararka aan ka heleyno dadka deegaanka waxay intaas ku darayaan inay jiraan askar Macawiisley ah oo la weysan yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo laga cabsi qabo inay Al-Shabaab afduubteen. Weerarka ayaa dhacay intii lagu jiray salaadii Maqrib, waxayna Al-Shabaab soo gaadeen raggaan oo aad u tira yaraa, waxaana la sheegay inay kala kulmeen iska cabin xoog leh, iyadoo ugu dambeyn laga taag roonaaday ciidankii lasoo weerar ee deegaanka. Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas waxay sheegayaan in saraakiil iyo ciidan xoog leh oo ka tirsan qeybta 21-aad ay caawa gaareen tuuladii lagu dagaalamay, balse hortood waxaa deegaanka isaga baxay Shabaabkii soo weeraray. Tan iyo markii gacan ku heynta gobollada dhexe lagala wareegay ururkii Ahlu-Sunna. Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys badan soo saartay magaalooyinka ugu muhiimsan Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo Gurceel, waxaana cabsi lagu maraa wadada uu galabta weerarku ka dhacay ee xariirisa labadaas magaalo. The post Khasaare ka dhashay weerar culus oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia is currently going through a tough time with reports of mass killings being reported from every corner. Still, the military operation in Tigray is seemingly the only one getting the most media attention. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Khamiista Berri ah lagu wadaa in heshiiska doorashada lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal socday muddo ku dhow todobaad oo guulo laga gaaray Munaasabaddan oo marka laga reebo ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir ay sidoo kale kasoo qeyb galayaan madaxweyneyaashii hore sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa lagu wadaa in marka hore war-murtiyeed laga akhriyo, kadib khudbado la galo. Xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale la casuumay. Warar horudhac ah oo aan ka helnay shirka ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii. Siyaasadda: War-murtiyeedka Khamiista soo baxaya waxaa la adkeyn doonaa in doorashada ka dhacdo labo deegaan doorasho oo maamul goboleed kasta ah iyada oo xal laga gaaray Gedo oo markii hore uu Farmaajo ku dheganaa. Waxaa kale oo sidii hore ahaan doonta tirada cod bixiyeyaasha ee dooran doonta halka kursi oo ah aheyd 101, waa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa kale oo baarlamaannada heer Dowlad Goboleed ay soo dooran doonaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Guddiyadii lagu mursananaa ay isabadal lagu sameeyey, iyada oo la filayo in ra’isul wasaaraha iyo maamul goboleedyada ay soo magacaabaan xubno hor leh. Waxaa xusid muran in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo labo guddi ah oo midka doorashada iyo kan khilaafaadka ah uu ka kooban yahay 25 xubin, oo maamul goboleed kasta mid labo xubin ku leeyahay halka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed(SEIT) uu maamul goboleed kasta dhisayo 11 xubin. Arrinta Somaliland: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo odeyga ugu sareeya siyaasiyiinta Somaliland waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa u diideen in isaga iyo Mahdi Guuleed ay mid labo xubin ku lahaadaan FEIT, waxaa kale oo loo diiday in la kala barto guddiga SEIT. Guud ahaan 15-ka xubin ee laga sugayo Somaliland waxaa la siiyey Cabdi Xaashi 5 xubin oo keliya taas oo ka dhigan in Mahdi Guuleed oo ah gacanta midig ee Farmaajo uu inta badan maamulayo doorashada Somaliland. Amniga: Wararka waxaa ay sheegayaan in amniga doorashada ay sugi doonaan AMISOM iyo ciidamada booliiska iyada oo laga ilaalin doono xoogga dalka iney ku lug yeeshaan siyaasadda iyo arrimaha doorashada, waxaa kale oo la xusi doonaa in booliiska ay noqdaan kuwii hore, ee aan aheyn kuwa gaarka ah ee dhowaan sameystay Farmaajo. Xulista: In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. Qoodada Haweenka: In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. Jadwalka Doorashada: Wararka ayaa sheegaya in la dejinayo jadwal doorasho oo macquul ah iyada oo lix bil gudaheed lagu soo gabagabeyn doono dhammaan doorashooyinka 2021-ka. Inta badan waxba iskama badalayaan shuruuradaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo lacagta laga rabo oo $20,000 aqalka sare iyo $10,000, aqalka hoose. Maalgelinta: Doorashada 2021-ka, waxaa maalgelin doona deeqbixiyeyaasha caalamka iyada oo dowladda federaalka ah ay qeyb ka noqon doonto. Xigasho: Goobjoog News The post Nuxurka heshiiska doorashada ee Khamiista lagu saxiixayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
KULMIYE Iyo WADDANI Oo Gobolka Awdal Si Weyn Ugu Loollamaya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Iyadoo dharaaro koobani ay inaga xigaan wakhtigii ay dalka ka qabsoomayeen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada Iyo degaanka, kuwaas oo toddobaadka dambe dalka ka qabsoomaya,ayaa waxa jirta loollan u dhaxeeye Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI, kuwaas oo ku laacdamaya sidii uu mid waliba u noqon lahaa xisbiga heleya aqlabiyadda Xildhibaanada Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Awdal, waxaanay Xukuumaddu halkaas u dirtay Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,halka uu Xisbiga WADDANI u diray masuuliyiin uu hoggaaminayo Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi Xisbiga WADDANI ayaa isagu ku mitidaya inuu sii haysto taageerada baaxad leh ee Gobolka Awdal,maddaama uu doorashadii ugu dambaysay uu ahaa Xisbiga ugu codadka baddan,halka ay Xukuumaddu doonayso inuu doorkan Xisbiga KULMIYE noqda mid aqlabiyad Xildhibaanada Golayaasha degaanka iyo Wakiillada gobolkaas helaya,isla markaana hoggaanka kale wareega WADDANI. Dhinaca kalena waxa muuqata in Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ay dooranka duub-ka u xidhaan,isla markaana ay dedaal ugu jiraan sidii ay taageerada reer Awdal u heli lahayeen oo ay doorashooyinka u noqon lahayeen Xisbiga helaya codadka ugu baddan Gobolkaas,waxaanay samaynayaan tallaabo kasta oo ay u arrkaan mid guul ay ku gaadhi karraan,iyadoo Madaxweynaha ku-xigeenka Saylici iyo Wasiiradda Xukuumadda ee reer Awdal ay lacago ku asqeyeen Gobolka,kuwaas oo ay soo jilaabanayaan cida ka soo horjeeda. Geesta kalene Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa masuuliyiinta Gobolkaas ka soo jeeda ee uu hoggaaminayo Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ku dedaalaya iyana inay sii adkaystaan guushii Gobolka iyagoo dadka ku wacyigelinaaya ka cuna KULMIYE oo u codeeya,WADDANI,iyo kullamo hoose oo ay la yeelanayaan Musharraxiinta iyo beelaha oo farsamooyin watta . Gunaanadkii Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka go’an doorkan inuu kaga adkaado doorashooyinka Gobolka Awdal Mucaaradka,halka Xisbiga WADDANI-na uu doonaya inuu guushiisii Gobolka sii laba jibaaro, waxaynu eegnaa waa toddobaadka dambe iyo natiijadda doorashooyinka iyo kooxda Wasiiradda KULMIYE ee Madaxweyne ku-xigeenku uu hoggaaminayo iyo Kooxda Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi midka ku adkaada Awdal Source -
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Xukuumaddiisa waxa ka bannaan muddo bilo ah xilal dhawr ah oo mihiim u ahaa Qaranka, kuwaas oo ay iska casileen Musharraxiin u tartamaya doorashooyinka dhammaadka bishan May ka dhacaya dalka oo ka sharraxan Xisbiga KULMIYE,waxaana kamid ah xilalka bannaan Wasiirka arrimaha debada, Afhayeenkii, Madaxweynaha iyo masuuliyiina Hay’adda jidadka iyo xilal kale, kuwaas oo la filayey inuu baddelkooda magacaabo, balse aanu magacaabin ilaa hadda. Xoggo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi aanu wax magacabis ah samaynayn ilaa inta doorashadu ay ka dhacayso,isla markaana la soo saarayo natiijooyinka doorashooyinka. Xoggaha aanu helnay ayaan intaas ku daray in Madaxweyne Biixi uu masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha debada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamid ah musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool inay Madaxweynaha ku ballameen in haddii uu ku guul-daraysto doorashada in uu dib ugu magacaabo xilkii uu iska casiley ee arrimaha debad,taas oo la sheegay inay tahay sababta uu mudda’daa dheer u bannaan yahay ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabi waayey. Waxa kale oo xoggu sheegeen in Afhayeenkii hore ee Madaxweyne Biixi, Maxamuud Warsame Jaamac oo isna ah Musharrax uga tartamaya Xisbiga KULMIYE golaha Wakiillada ee Gobolka Sanaag in Madaxweynuhu uu u sheegay in haddii uu ku guul-daraysto tartanka doorashada inuu dib ugu magacaabi doonno doorashada kadib booskii uu hore iskaga casiley ee Afhayeenka Madaxtooyadda,waxaana la sheegay inay tahay sababta kor loogu hayo ee uu u soo magacaabi waayey,taas oo lala sugayo guusha iyo guul-dara uu Afhayeenkii hore ka gaadho doorashada. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inuu ku dhici la’yey inuu buuxiyo xilalka ay iska casileen Wasiirkii hore ee arrimaha debada iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda Maxamuud Warsamed iyo xilalka kale,kuwaas oo dhawr bilood ka hore iska casiley si ay ugu tartamaan doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka,balse waxa muuqata in kor loo hayo oo lala sugayo guusha iyo guul-darada ay ka gaadhaan doorashooyinka,waxaynu eegnaa doorashada kadib sida uu xaal noqdo iyo in masuuliyiintaa boosaskoodii dib loogu magacaabo haddii ay guul-daraystaan iyo in kale. Source
-
(SLT-Burco)-Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa Goordhawayd ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo si weyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida. Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray. Geerida ku timid Abwaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Burco Dr. Cabdi Suudi iyo qaar kamid Eheladiisa, waxaana geerida Sooraan Ismaaciil ka tacsiyeeyay Abwaano Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan. Allaha u naxariistee Sooraan ayaa waxaa uu ahaa Majaajiliiste caan ku ahaa jilista sheekooyinka, isla markaana waxaa uu sidoo kale sameeyn jiray ruwaayadaha, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb-galay ololaha xisbiga Kulmiye ee uu guddoomiyaha u yahay ayaa fagaaraha ka sheegay arrin yaab leh, isaga oo ka jawaabaya eedeyn uga timid guddoomiyaha xisbiga Ucid. Muuse Biixi ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin. “Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri. Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu madaxweynaha Somaliland uga jawaabay eedeyntii Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhawaan sheegay in Somaliland uu xukumo Madaxweyne Badow ah, oo ula jeedo Muuse Biixi oo haya xilka ugu sareeya ee Somaliland ahna hogaamiyaha xukuumadda Kulmiye. Jawaabta Muuse Biixi ayaa ayaduna noqotay mid lama filaan ah, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka dhabta ah uu ka leeyahay iyo in macnaha kalmada uu isku sifeeyay mid ka duwan uga dan leeyahay. The post Madaxweynaha Somaliland oo arrin yaab leh isku-sifeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia said Wednesday that 22 officials from the interim administration in the country's Tigray region had been killed by forces loyal to its former ruling party during the six-month conflict there. Source: Hiiraan Online
-
Xubno ka mida goob joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socon doona doorashooyinka Wakiillada & Deegaanka oo Dalka soo gaadhay 12 Xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socon doona doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ayaa soo gaadhay Somaliland kadib markii ay martiqaad ka heleen Komiishanka doorashooyinka Qaranka. Warsaxaafadeed ay goob joogayaashani soo saareen oo Wakaalladda wararka Solna ay soo turjuntay ayay ku sheegeen inay goob joogayaashan ay maalgeliso dawlada Ingiriiska. Waxay sheegeen in shaqadoodu noqon doonto u kuurgalida habka ololuhu u socdo, hannaanka doorashadu u dhacayso iyo fulinta shuruucda doorashada iyadoo ay goob joogayaasha caalamiga ah ay arrintaas ka saacidayaan kor joogtada Maxaliga ah. Goob joogayaasha caalamiga ah waxaa kale oo ay sheegeen inay dusha kala socon doonaan Maalinta doorashada iyo tirinta codadka Waxaa kale oo ay intaas ku dareen in goob joogayaashani ay ka kala socdaan dalalka Uk, Masar, Ethiopia, France, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Africa, Maraykanka iyo Zambia. Michael Walls oo ah madaxa goob joogayaasha caalamiga ayaa sheegay in doorashadani ay ahmiyad weyn u leedahay dimuquraadiyada Somaliland maadaama la qabanayo doorashada Wakiillada oo lagu gelayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanu xusay in doorashadan ay ku lamaan tahay ta golayaasha deegaanka. Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka: “Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo” Madaxa goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland ayaa intaas ku daray in afar bilood kadib ay soo saari doonaan warbixintooda. Qaran News
-
Dhoolatuskii & Cududii Xisbiga Ucid ee Fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargaysa . Xisbiga UCID, ayaa maanta wacdaro ka dhigay Fagaaraha Beerta xoriyada ee Caasimadda Hargaysa . Guddoomiyaha Xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe, ayaa faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kaga qayb galay ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Xisbiga UCID oo maanta guud ahaan-ba gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin sar sare oo xisbiga ah ayaa kumanaan taageerayaasha xisbiga ah iyo musharraxiinta kala qayb galay wacdaraha ay fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa ay ku soo bandhigayeen kumanaan iyo kumanaan xisbigaasi. Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacbiga Hambalyeynayaa Xuska 33 Guurrada Gudo-galkii SNM ee Burco. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maalintii labaad ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ee qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii macangegga ahaa ee Siyaad Barre. Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin, iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la bireeyo. Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la midka ahi u leedahay shacbiga Somaliland diwaankana ay ugu jirto in Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo maalmo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen hal-abuurka reer Somaliland ah oo maalintaa halganka ku jiray ama goob-joogba u ahaa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somaliland Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo madaxweynuhu uu u soo hormariyey madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada wakiilada iyo deegaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland lagu waraabiyey dhiig, una le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen oo maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee Somaliland ka hana qaaday. Qaran News
-
Jimcihii taariikhdu ahayd 27kii May sannadkii 1988kii waxay ahayd maalin taariikhi u ah halgankii ururkii SNM iyo shacbiweynihii taageerayey ay kaga soo horjeesteen, afkana ugu rideen nidaamkii Cabudhinta iyo cadaadiska ee xukunkii Keli-taliska ahaa ee Soomaaliya. 27 May oo ay SNM Burco soo gashay iyo 31 May oo ay Hargeysa kaga hilaacisay, Waxay ahayaayeen laba maalmood oo fure u noqday guushii SNM ka gaadhey Halganka iyo gobanimada caamka ah ee maanta Somaliland ku nooshahay. Dhinaca kalena, maalmo bilow u ahayaa burbur, barakac, qax, qaxootinimo iyo dhiig badan oo daatay, soona afjaray baqdintii, bandowgii, xadhiggii, xukunkii iyo xabsigii sharcidarrada ahaa, xoog sheegashadii, kufsigii, hanjabaaddii, haddidaaddii iyo cadaadiskii lagu hayey shacabka Somaliland in badan oo ka mid ah. Gulufkii xooggagii SNM ku soo galeen magaalada Burco 27kii May 1988 iyo kii xigey ee 3 maalmood kadib ay kaga hillaaceen magaalada Hargeysa oo ahaa kuwo lama filaan ah oo aan noocooda hore loo arag, waxay kaga seleliyeen caalamka oo dhan oo mar qudha dhegaha wada taagey. Waxa lagu masaali karaa dagaal ka dhacay qol mugdi ah gudihii, dadkii maqlay in meesha wax ka dhaceenna ay dibadda tuban yihiin oo ay sugayaan cid uga warranta waxa meesha ka dhacay iyo sida waxa uga dhacayaan. Dhibaatadaasi waxay haysatey dadka u dhashay goboladan ee ku kala filiqsanaa Soomaaliya inteeda kale iyo dunida dacaladeeda. Dalka kama jirin saxaafad madax bannaan, lamana ogolayn in suxufiyiin caalami ahi dalka yimaaddaan. Xorriyadda hadalka iyo xog is weydaarsiga ayaa ahaa xaaraan oo aan la ogolayn, is-gaadhsiintu noockasta oo ay noqoto waxay gacanta ugu jirtey dowladda, si xor ahna looguma wada xidhiidhi karayn, is-aaminka dadka dhexdiisa ayaa xumaaday, mana jirin qof-qof kale wax u sheegi karayey. Sidaa darteed, isha keliya ee warar madax bannaan oo xor ah laga heli jirey waxay ahayd BBC-da, laanteeda Afka Soomaaliga oo inkasta oo aanay si xor ah dalka dhexdiisa uga warrami karayn, aanayna tegi karayn magaalooyinka dagaaladu ka socdeen ee warkooda loo oomanaa haddana, waxay fursad u siisay SNM iyo dowladdii Muqdishoba inay tebiso wararkooda iyo inay waraysiyo kala yeelato xaaladdu hadba meesha ay marayso. Meelihii ugu waaweynaa ee ay SNM ku guuleysateyna waxaa ka mid ahaa isticmaalka warbaahinta dibadda iyo inay dadkeeda dunida dacaladeeda si joogta ah u waraabiso, iyaga oo isticmaalaya warbaahinta kala duwan ee Caalamka. Waxa la xasuusan karaa waraysiyadii BBC-du la yeelan jirtey Hoggaankii SNM xilligaas ee sida roobka u doojin jirey niyadda shacbigii taageersanaa SNM ee ku noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku noolaa, niyadjabka iyo dhamacda rasaaseedna ku ahaa taliska iyo intii taageersanayd. Waraysigan soo socda oo ay BBC-du la yeelatay Guddoomiyihii SNM ee xilligaas, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isniintii bisha May ahayd 30 1988kii, saddex maalmood kadib gudagalkii magaalada Burco ayaa ka mid ahaa waraysiyadaas sida roobka u ahaa shacbigii SNM. Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland, Waraysigan waxa uu kaga jawaabayey war ay dowladdii Siyaad Barre ka soo saartay Muqdisho oo ay ku sheegtay weerarkii SNM ee Burco, fal ay fulisey kooxyar oo budhcad ah oo ay sheegeen inay laayeen dad rayid ah, hantidoodana boobeen, isla markaana ciidamadu ay sugayaan ammaanka magaalada, gacantana ay ku hayaan. Waraysigaasi markii uu dhammaaday kadibna, waxay Idaacaddu sheegtay war degdeg ah oo ay sheegtay in Guddoomiyaha SNM, Axmed Siilaanyo oo markaa joogey London, dalka Ingiriisku uu u sheegay in Ciidamada SNM ay gacanta ku dhigeen magaalada Hargeysa, Salaasadii, iyada oo sida muuqata Waraysigan ay ku baahisey BBCdu barnaamujkeedii Caanka ahaa ee Toddobaadka iyo Afrika oo ka bixi jirey idaacadda Arbaca kasta. Haddaba, waraysigaas oo uu soo helay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu u dhacay sidan: Goormaad qabsateen magaalada Burco, Sidee ayaadse u qabsateen? Horta magaalada 29-kii Bisha lama qabsan ee bisha 28-keedii ayaa si buuxda loo qabsaday. Duulaanku wuxuu ku dhacay muddo badanba SNM waa tii u dagaalamaysay urur xornimo doon ah oo dalka gudihiisa ka dagaalamayay, muddo badana diyaar garaw ayay ku jireen ciidamada dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed (SNM), markaas wakhtigii ay noola muuqatay inay fursadu ahayd ayaa dagaal kedis ah oo shacbiweynuhu taageersanyahay lagu qaaday dhinacyo badan oo wadanka ka mid ah oo aaggaas waqooyi ka mid yahay, islamarkiibana waxa lagu qabsaday magaalada Burco. Magalooyin kale miyaad weerarteen oo aad qabsateen mise waa Burco oo qudha? Magaalooyin badan ayaa la weeraray, ilaa imikana meelo badan ayuu dagaalku ka socdaa, meelaha la qabsaday ee aanu warkooda hayno waxa ka mid ah Cadaadlay, deegaanka Gabiley oo meelo badan laga xoreeyay, tuulooyink hawdka ah oo shacbigu gacantiisa ku xoraystay sida Oodweyne iyo meelo badan oo baadiyaha ah. Maalintii Isniintii hadal aad magaalada London ka soo saarteen waxaad ku sheegteen inaad Magaalada Sheekh ma ku jirtaa magaalooyinka aad qabsateen? Dabcan magaalada Sheekh anigu saacadaas aan fadhiyo ma hubo, laakiin waxaan ogahay inay dagaalo badani ka socdeen kana dhaceen Berbera iyo Sheekh dhexdooda, oo ciidankii dawlad isku sheegta meesha jooga lagu jebiyay, Burcana maadaama la haysto Sheekh waxaanu u qaadanaynaa inay ka mid tahay goobaha xoroobay. Ciidamada SNM ee Burco weerarka ku qaaday tiradoodu intee bay leekaayeen? Ciidamadaasi ciidamo aan yarayn ayay ahaayeen. Waa ciidamada suurto geliyay magaaladaas Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dhinaca waqooyi ee dalka Somaliyeed oo ciidan lixaad lihi uu degenaa. Hawlyarida lagu qabsan karaa labadaba way muujinaysaa, in xoog iyo niyad lagu galayna way muujinaysaa, inaan ciidamada halkaas joogay ee dawlad ku sheegta ka tirsanaana inaanay tamaro badan lahayn way muujinaysaa. Markaas ma kun, laba kun, saddex kun imisa ayaad ku qiyaasi karaysaa ciidamadaas SNM? Tirooyinkooda inaan idhaahdo waa intaas dooni maayo, shacbi dhan ayaa ka qayb galay, umad dhan ayaa meel waba kaga soo gurmatay, markaas ciidamo aan tiradoodu yarayn oo aad u faro badan weeye. Shacabka magaalada Burco degen ee rayidka ahi miyay ka qayb galleon dagaalka ciidamadiinu qaadeen? Magaalada Badhankteeda la iskuma qabsan ee meelaha la abaarayay waxay ahaayeen goobihii ay ciidamadu degenaayeen, waxa qudha ee dhacay waxay ahayd markii meesha laga qabsaday inuu isagu diyaarado soo diray oo ciidamada dawlad ku sheegtu soo direen, oo ay magaaladii garaaceen dad badan oo shicib iyo daaro ahna ay wax ku yeeleen, laakiin magaalada gudaheeda dagaal ka dhacay ma jiro. Labadaas diyaradoodna waad soo rideen, sida aad ku sheegteen hadalkii aad Isniintii soo saarteen? Labadii diyaaradoodba midna Burco ayaa lagu soo diray, tii kalena dhaawaceedii Hargeysa ayuu ku dhacay. Ciidamada Somalida qiyaastii imisaa ka dhintay oo aad dagaalkaas Burco kaga dhisheen? Tirooyinkaas tiro aanu annagu odhanayno intaas ayaa la dilay run ahaantii ma jirto, waase jirtaa oo dagaal ayaa meesha ka dhacay. Ciidamadoodu waxay u qaybsameen wax is dhiibay, wax la saftay ciidamada SNM iyo wax firxaday. Ciidamadiinii imisa ayaa ka dhintay? Ciidamadayada waxa ka dhintay lix, 17-na dhaawac ayay noqotay. Wararka Muqdisho ka imanayaa waxay sheegayaan in 600-800 oo ciidamadiini ahi dagaalkaas ka qayb galleen midna aanu ka noqon? Ciidamayadii Burco way haystaan, calankii SNM ayaana maanta Burco ka taagan, sidaan shalayba idhina imikana waanu cadaynaynaa haddii ciidamada dawladda Somaliyeed ogolyihiin taga berito. Warar na soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in markii ciidamadii SNM Burco galleen, inay dadkii rayidka ahaa ee magaalada degenaa siiba dadkii rayidka ahaa ee gobolada kale ka yimid inta ay ururiyeen oo ay meel isugu keeneen oo ay laayeen? Arrintaas wax alla wax ka jiraa ma jiro haba yaraate. Umadu inay kacdo oo xaqeedii doonato oo dagaalka halka ay joogaan ka huriyaan oo ku gadoodaan oo ay imikaba jirto in ciidamadii gadoodeen, dadka aad sheegayso cid kasta ha ahaadeene way la safteen oo umadda ayay ka mid ahaayeen way raaceen oo ciidamadii SNM ayay raaceen.? Haddii shacbiga wax soo gaadheenba cidda ilaalinaysay waxay ahayd SNM iyo shacbigooda. Waxa soo gaadhay waa diyaaradii rushaysay ee bamamka ku riday, intaasna ciidamada Siyaad Barre ayaa gaystay, imikana waxay u soo hanqal taagayaan ee ay wadaan waxa weeye inay shacbiga reer miyiga iyo magaalka leh inay rusheeyaan iyaga oo u marmarsoonaya inay dadka cidhib tiraan, iyagaa qabyaalad ku shaqeeya, iyagaa noocaas ku shaqeeya iyagaa gobolaysi ku shaqeeya ee SNM siyaasadeedana maaha ee waxa weeye wax xalaal ah oo umadda Somaliyeed ka dhexeeya oo ay ku dheehantahay walaaltinimo iyo wadaninimo. Axmed Siilaanyo, tallabaada kale ee taas ku xigta aad qaadanaysaan maxay tahay? Tallaabada kale ee taas ku xigta ee aanu qaadaynaa waxa weeye inaanu dhulka intii kale ee aanu ka xorayn karno ka xorayno nidaamkaas faashiga ah ee dalka ka dhisan, meelo badan ayuu dagaalkii ka socdaa, Hargeysa waa ka socdaa, magaalooyin kale waa ka taaganyahay, waxaanan ku rajo weynahay inaanu meelo badan oo dalka ka mid ah xorayno dabadeedna halkaas ka sii wadno ilaa dalka Somaliyeed xoroobo. Dhulkee weeye dhulka aad leedihiin waanu xoraynaynaa? Sida Distoorkayagu dhigayo waxaanu nahay umadda Somaliyeed, dalkayagii Somali la odhan jiray weeye dalka aanu xoraynaynaa. Ee gobolada Waqooyi maaha? Goboladu waqooyiga dalka Somaliyeed ayay ka mid yihiin, waanan xoraynaynaa gobolada kale waana la gaadhi doonaa ama imikaba hawshu way ku socotaa Qaran News
-
Waxaa Khamiista berri ah lagu wadaa in heshiiska doorashada lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal socday muddo todobaad ah. Shirkan oo marka laga reebo ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir ay sidoo kale kasoo qeyb galayaa madaxweyneyaashii hore sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa agu wadaa in marka hore war murtiyeed laga akhriyo, kadib khudbado la galo, xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale la casuumay. Warar horudhac ah oo aan ka helnay shirka ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii. Siyaasadda: War-murtiyeedka Khamiista soo baxaya waxaa la adkeyn doonaa in doorashada ka dhacdo labo deegaan doorasho oo maamul goboleed kasta ah iyada oo xal laga gaaray Gedo oo markii hore Farmaajo isku dhejiyey. Waxaa kale oo sidii hore ahaan doonta tirada cod bixiyeyaasha ee dooran doonta halka kursi oo ah aheyd 101, waa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa kale oo baarlamaannada heer Dowlad Goboleed ay soo dooran doonaan Xildhibaannada Aqalka Sare e baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Guddiyadii lagu mursananaa ay isabadal lagu sameeyey, iyada oo la filayo in ra’isul wasaaraha iyo maamul goboleedyada ay soo magacaabaan xubno hor leh. Waxaa xusid muran in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo labo guddi ah oo midka doorashada iyo kan khilaafaadka ah uu ka kooban yahay 25 xubin, oo maamul goboleed kasta mid labo xubin ku leeyahay halka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed(SEIT) uu maamul goboleed kasta dhisayo 11 xubin. Arrinta Somaliland: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo odeyga ugu sareeya siyaasiyiinta Somaliland waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa u diideen in isaga iyo Mahdi Guuleed ay mid labo xubin ku lahaadaan FEIT, waxaa kale oo loo diiday in la kala barto guddiga SEIT. Guud ahaan 15-ka xubin ee laga sugayo Somaliland waxaa la siiyey Xaashi 5 xubin oo keliya taas oo ka dhigan in Mahdi Guuleed oo ah gacanta midig ee Farmaajo uu inta badan maamulayo doorashada Somaliland. Amniga: Wararka waxaa ay sheegayaan in amniga doorashada ay sugi doonaan AMISOM iyo ciidamada booliiska iyada oo laga ilaalin doono xoogga dalka iney ku lug yeeshaan siyaasadda iyo arrimaha doorashada, waxaa kale oo la xusi doonaa in booliiska ay noqdaan kuwii hore, ee aan aheyn kuwa gaarka ah ee dhowaan sameystay Farmaajo. Xulista: In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. Qoodada Haweenka: In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. Jadwalka Doorashada: Wararka ayaa sheegaya in la dejinayo jadwal doorasho oo macquul ah iyada oo lix bil gudaheed lagu soo gabagabeyn doono dhammaan doorashooyinka 2021-ka. Inta badan waxba iskama badalayaan shuruuradaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo lacagta laga rabo oo $20,000 aqalka sare iyo $10,000, aqalka hoose. Maalgelinta: Doorashada 2021-ka, waxaa maalgelin doona deeqbixiyeyaasha caalamka iyada oo dowladda federaalka ah ay qeyb ka noqon doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tababar ku saabsan dacwadaha ka yimaada doorashooyinka u furay guddoomiyayaasha iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha gobolada dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Sharmaake Yuusuf Faarax agaasimaha Maxkamadaha guur-guura iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta shir-hawleed ay ka soo qayb galeen 25 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Maxkamadaha gobolada, maxkamadaha gobol-degmooyinka iyo garsoorayaasha Maxkamadaha gobolada kala duwan ee dalka uga furay magaalada Hargeysa. Shir-hawleedka oo ay ujaadadiisu ahayd sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacwadaha ka iman kara doorashooyinka dalka ku soo fool leh ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada, ayaa ugu horayn waxa warbixin kooban xubnaha ka soo qayb galay tababarka ka siiyay, garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaanu sheegay in labada cisho ee uu tababarku socdo ay xubnaha ka soo qayb galay kaga doodi doonaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashada iyo sidii maxkamaduhu faham buuxa uga qaadan lahaayeen dacwadaha ka yimaada doorashooyinka oo ka xasaasi san dacwadaha kale, wakhti ahaana ka kooban iyo dambiyada ka dhasha doorashada dhexdeeda. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo tababarka daah-furay ayaa tibaaxay baaxadda ay leedahay doorashada dalka ku soo fool-leh, waxaanu guddoomiyayaasha heerarka kala duwan ee Maxkamadaha iyo garsoorayaashaba ugu baaqay in haddii dacwadahaasi la xidhiidha doorashooyinku ay soo gaadhaan, ay ku dedaalaan cadaaladda oo ay qaadaan sida ay u arkaan cadaalad, kuna dhakhsadaan go’aamada ay ka soo saarayaan dacwadaha, si hufnaanta iyo deg-degsiimuhu u wanaagsanaado. Waxaanu xusay in komishanka doorashooyinku si fiican shaqadooda u wato, hase ahaatee wixii cabashooyin ah ee soo dhaafa ee maxkamadaha soo gaadha in ay u sii diyaar garoobaan sidii ay ugu garnaqi lahaayeen. Waxaanu kula dardaarmay in ay dareensanaadaan culayska iyo miisaanka ay wataan dacwadaha iyo cabashooyinka doorashooyinku, isaga oo hoosta ka xariiqay in maxkamadaha gobolada iyo gobol-degmooyinka laga rabo masuuliyad dheeraada, dedaal dheeraada iyo dhex-dhexaadnimo dheeraad ah. Waxaanu uga digay in dhinacyada iskula imanaya iska ilaaliyaan, si aan jidka saxda ah looga baydhin, wadajirka iyo isku duubnida dalkana loo ilaaliyo. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu xisbiyada iyo murashaxiinta u soo jeediyay in ay ku loolamaan aaraa’da iyo waxqabadka ay dalka ku soo kordhinayaan. Marka ay is dhalliilayaana ay isku dhalliilaan waxa innaga qaloocsamay halka uu ugu baaqay in aan lagu habsaamin shakhsi-weerar, is cay iyo arrimo aan waxba soo kordhinayn. Waxaanu ku bogaadiyay habsamida iyo biseylka siyaasadeed ee ilaa hadda ay muujiyeen axsaabta iyo murashaxiintu. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay fahamka ay ka haystaan dawladnimadooda, wadajirkoodu iyo nabad-galyadoodu in ay waxkasta ka horeeyaan, waxaanu ku booriyay in ay ilaaliyaan xiligan doorashada. Wa bilaahi tawfiiq. Qaran News
-
Burco (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule, oo sidoo kale ahaa majaajiliiste, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco ee Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa. Sooraan ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuusan magaalada Burco, waxaana si weyn usoo ritay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19 oo markale kusoo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan deegaanada Somaliland. Abwaanka ayaa waxa si gaar ah loogu baxnaaniyey isbitaalka gaarka ah ee lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus ee magaalada Burco, ayada oo xaaladiisu ay kasii dartay ilaa uu sababsaday geeridiisa. Cudurka Koronaha ayaa waxa uu haleelay Sooraan, kadib markii uu safar ku tagay dalka Jabuuti oo uu muddo toddobaadyo ah ku maqnaa. Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule AUN ayaa waxa uu kamid ahaa abwaanada iyo majaajileystayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda loogu jecel yahay dhulka Somaliland oo ku nool intii u badneyd. Geerida abwaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo soo saaray qoraal kooban. “Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco. Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,” ayuu yiri Rooble. The post Abwaan iyo majaajileyste caan ka ahaa Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Allaah u naxariisto Waxaa magaalada Burco goordhaw ku geeriyooday Jilaagii caanka ahaa ee ruwaayadaha Abwaan Sooraan Ismaciil Sugulle, oo muddooyinkii dambe xanuunka covid-19 la jiifay mid ka mid ah isbitaalada Burco. Sooraan ayaa ka mid ahaa jilayaasha aadka looga yaqaanay geyiga soomaalida, kuwaas oo inta badan soo gudbiya Ruwaayadaha madadaalada . Abwaanka ayaa mudda dheer ku dhex jiray sameynta iyo jilidda ruwaayadaha , waxa uuna maanta u geeriyooday xanuunka Corona Virus . GoobJoog Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowga loogu jiro munaasabad lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay si wadajir ah u gaareyn Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xir-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada. Heshiiskan ayaan weli si rasmi ah looga hayn faah-faahin, waxaana la sugayaa war-murtiyeed soo bixi doona. Xafladda ayaa la filayaa in Berri oo Khamiis ah lagu qabto teendho ku taalo xarunta Afisyooni, waxaana la filayaa inay kasoo qeyb-galan saxiixayaasha heshiiska, Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, Musharixiinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada rayidka ah. Qodobkii ugu adkaa ee guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa heshiis laga gaaray, waxaana lasoo sheegayaa in Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu riixay inuu sameeyo tanaasul, isagoo soo magacaabi doono kala bar ka mid ah xubnaha guddiga reer Somaliland ee doorashada, halka uu xubin ku yeelanayo Guddiga heer qaran ee doorashooyinka. Sidoo kale arrinta Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dhameeyey guud ahaan in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray Magaalada Baydhabo, kaasoo nuxurkiisa ahaa: 1- In xubnaha Maamul Goboleedyada ay wafdi dib u heshiisiin ah u diraan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. 2- In Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo. 3- In Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sugaan amniga doorashada. Rooble iyo saxiixayaasha kale ee heshiiska ayaa isku afgartay in muddo 3 bil gudahood lagu qabto doorashada, iyadoo wixii khilaaf iyo dood kasoo laabta fulinta heshiiskaas ay go’aan ka gaari doonaan 7-da xubnood ee saxiixayaasha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in booska madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu badalay Rooble. Munaasabadda ayaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Musharixiinta mucaaradka, Xubnaha Beesha Caalamka iyo kuwa Bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambeyntii uu shirka soo xiri doono madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa Arbacada maanta sii wadaya kulamada iyo wadatashiyada ay la leeyihiin Musharixiinta, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo shaqsiyaadka ay u arkaan in ay door ku leeyihiin doorashooyinka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq waxa uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u sheegay in heshiis wadajir ah ay wada-gaareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si dalka uu u galo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada. Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho iyo qabanqaabada saxiixa heshiiska oo socota appeared first on Caasimada Online.
