Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Woman left homeless and unable to work here for five years Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta ayaa afar jeer diiday la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online Afarta jeer waxaa kulanka soo codsaday Madaxweyne Farmaajo waxaana ugu dambeeyey codsi ka yimid madaxtooyada kadib markii ay Muqdisho gashay xaalad dagaal oo ka dhalatay muddo kororsiga, toddobaad ka hor. Saddexda goor ee hore ayaa ahaa Markii la dhisay Midowga Murashaxiinta, ku dhawaaqistii Madasha Badbaadinta Qaranka, iyo maalmo kadib Markii uu fashilmay Shirkii Dhuusamareeb ee uu ka soo baxay Madaxweynaha. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa laba jeer oo kamid ah codsiyadaan u sheegay in Farmaajo uu waqtiga ka dhamaaday, islamarkaana uusan aheyn Madaxweyne halka labada jeer ee kalane uu sheegay in uu madax u yahay Murashaxiin islamarkaana uu go’aanka Golaha dhaxyaalo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sheekh Shariif u sheegay in uu si shaqsi ah ugu baahan yahay balse ay suurta geli weysay rajadaas. Farmaajo ayaa laba jeer oo kamid ah codsigiisa usoo dhiibay Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor, halka hal jeerna uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin, marka afaraadna waxaa la sheegay in uu isaga toos u wacay. Shariif ayaa ugu dambeyn la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna kala hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho. Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mar ahaa saaxiibo inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay aad ukala fogaadeen. Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in dhowr jeer uu weeraray madaxdii hore ee dalka iyo Murashaxiin kale, iyadoo sidoo kale laga hor istaagay safarro badan. The post Xog: Imisa jeer ayuu SHARIIF diiday kulanka FARMAAJO? appeared first on Caasimada Online.
  3. Wasiirka Maaliyadda Qatar oo la xidhay+Sababta & qadiyada Xadhigiisa loo cuskaday Ali Shareef al-Emadi Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xidhay, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-falid awoodeed. Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xadhiga wasiirka maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baadhitaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka. Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar. Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe. Qaran News
  4. Qabri laga helay meydka Ilmo yar oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee lagu aaso Qaarada Afrika Seynisyahannada ayaa cunuga magaciisa ku koobay Mtoto oo luuqadda Sawaaxiliga ku ah “cunug” Baaritaan dhinaca taariikhda ah oo la waday ayaa shaaca looga qaaday qabri jira 78,000 oo sano, kaasoo la sheegay inuu ku yaallo goobtii ugu horreysay ee aas looga sameeyay qaaradda Afrika. Qabriga oo marka la qoday ay ku beegan Xilligii Dhexe ee Isticmaalka Dhagaxa (Middle Stone Age) ayaa la ogaaday inuu ku jiro haraadiga meydka cunug yar oo saddex jir ah, waxaana laga helay god buur hoosteed ah oo ku yaalla dalka Kenya. Wargeyska Nature ayaa wax ka qoray sheekada cilmi baareyaasha daraaseynayay qabrigaas oo sharraxay sida meydka cunugaas madixiisa uu ugu muuqdo in loo dhigay barkin. Seynisyahannada ayaa haraadigaas ku magacaabay Mtoto, oo micnaheedu yahay “cunug” marka laga soo fasiro luuqadda Sawaaxiliga. Cilmibaareyaasha ayaa qabriga oo dhan shamiiteeyay si ay isugu toosiyaan lafaha Khubarada caalamiga ah ee baaritaanka taariikhda dadkii hore ayaa si taxaddar leh u shamiiteeyay guud ahaan qabriga si ay u ilaaliyaan qaabka ay u yaallaan lafaha badbaaday. Arrintan ayaa u sahashay in ay haraadiga meydka si nabad ah ugu qaadaan sheybaarka, si loo daraaseeyo. “Waxay la mid ahayd sidii adigoo hooska qofka qabri kasoo saaraya,2 ayay tidhi Prof María Martinón-Torres, oo ah agaasimaha machadka cilmi baarista bani’aadanka ee dalka Spain. “Markii aan qaadeynay lafaha, ma aannaan ogeyn inaan gacmaheenna ku wadnay cunug,” ayay ku tidhi wareysi ay siisay barnaamijka arrimaha seyniska ee BBC-da. Cilmi baareyaasha ayay u suurtagashay inay daraasad ku sameeyaan ilkaha, iyagoo sidaas ku ogaaday in waxaasi uu ahaa meyd cunug yar oo bani’aadam ah – oo da’diisuna u dhaxeyso labo ilaa saddex sano. Raajooyin lagu sameeyay lafaha ayaa muujiyay in meydka loo dhigay dhinac dhinac, lugihiisana lasoo laabay. Lafaha ayaa ku dhaqaaqay si laga fahmi karo in ay lugaha aad usoo laabtaayeen markii la aasayay, halka madaxana laga fahmay in uu dul saarnaa wax u eg barkimo laga sameeyay caleemo. Mtoto waxaa lagu aasay gud buur hoosteed ku yaalla, halkaasoo la aaminsan yahay in dad ay ku noolaayeen 78,000 oo sano ka hor “Waxaan u maleyneynaa in cunuga meydkiisa lagu xirxiray xarig ka sameysan diirka geedaha ama maqaar xayawaan – wuxuuna u muuqday sidii isagoo loo diyaariyay hurdadii ugu dambeysay,” ayay tidhi Prof Martinón-Torres. “Waxaa jira dareen dhab ahaantii ay dadka aasayay cunugan u qabeen, ayna ku muujiyeen qaabka ay u aaseen.” Baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyay cabirka lafaha ayay cilmi baareyaasha ku ogaadeen in Mtoto ay u badan tahay inuu ahaa wiil. “Waxaa lagu aasay meel ay ku noolaayeen dad,” ayay tidhi Prof Martinón-Torres. Dhammaan arrimahan waxay leeyihiin sababo – waxaa laga yaabaa inay aad uga murugsanaayeen geeridiisa, ama waxaa laga yaabaa in aysan dooneynin inuu ka fogaado.” Afrika ayaa lagu tilmaamaa meeshii ugu horreysay ee ay bani’aadanka dhaqdhaqaaq ka sameeyeen, laakiin markii la eegay dhammaan caddeymaha ka muuqday taariikhdii hore ee ku saabsaneyd dadkii xilli hore ku noolaa qaaraddan waxay seynisyahannada mar walba sheegi jireen in ay ka maqneyd aasitaanka dadka dhintay. “Qabrigii kale ee ugu da’da weynaa Afrika, oo ku xigay midka hadda la helay wuxuu ku mudeeysnaa 74,000 oo sano ka hor,” ayay tidhi Dr Louise Humphrey, oo ka tirsan Madxafka taariikhda dabiiciga ah ee London. “Waxaa layaab leh in qabrigaas qudhiisa uu ahaa mid uu ku aasnaa cunug yar, laakiin 50 sano ka hor ayaa lasoo qufay, qaabkii loo soo adeegsaday oo aad u xumaa awgiisna wax badan kama ogaan karno.” “Halkan waxaa aad looga fahmayaa in ay jirtay murug shakhsiyeed,” ayay sii raacisay hadalkeeda. Qaran News
  5. Somalia’s prime minister has welcomed an agreement to remove opposition and security forces from the capital Mogadishu after recent clashes between government forces and soldiers loyal to opposition groups. Under the agreement reached late Wednesday by a committee including opposition figures, lawmakers, and Hassan Hundubey Jim’ale, the internal security minister, Somali national police will take charge of security in the capital, and the national army should stay out of politics. “It is another pleasure for the people of Somalia that we have resolved the demilitarization of Mogadishu. We need the support of the people and politicians. The SNA (Somali National Army) are defenders of the nation and I encourage them to return to their bases,” Prime Minister Mohamed Hussein Roble said of the agreement. Commending efforts to demilitarize Mogadishu and reach an amicable end to the conflict, he called the agreement a good step towards peace and stability. The main goal is bringing the Horn of Africa country together to hold free and fair elections, he said. “We must all work towards achieving this goal,” he stressed. The post Somali premier welcomes demilitarization of capital Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo habeenadii tegay kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa xalay kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19. Farmaajo ayaa dhaqaatiirta ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka. “Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah. “Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno,“ ayuu yiri. Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Farmaajo kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna. The post Sawirro: FARMAAJO oo kulan kale ku qabtay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  7. Baydhaba (Caasimada Online) – Tobaneeyo qof oo isugu jira shacab, siyaasiin iyo ganacsato ayaa ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kuwaas oo loo haysto in aragti ahaan ka soo horjeedaan hpggaanka maamulka Koonfu Galbeed iyo hab maamulka dalka ee Madaxweyne Farmaajo. Inta badan dadka xiran ah ayaa ah dhalinyaro aqoonyahanno ah, kuwaas oo Madaxweyne Lafta-gareen ku dhaliilay sida uu u maamulo maamulka Koonfur Galbeed iyo doorkiisa siyaasadda guud ee dalka. Dhallinyarada xiran ayaa u badan kuwa qoraallo soo dhigay Facebook iyo qaar ka hadlay xaflado ka dhacay Baydhaba, waxaana sii kordhaya caburinta dadweynaha ee degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf “Black” oo kamid ahaa baarlamaakii 1-aad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee loo xiro arrimo siyaasadeed, waxaana uu xabsiga ku qaadanayaa muddo ku dhow bil, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu ku dhacay xukun muddo sanado ah. Mas’uulkan ayaa dhowr jeer dhaliilay nidaamka maamulka lafta-gareen waxaana sababta loo beegsaday lagu sheegay in uu la shaqeynayay Midowga Musharixiinta mucaaradka iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah, kuwa aan ixtiraamin xorriyadda hadalka waxaana deegaanada maamulka lagu beegsadaa dadka ka aragtida duwan ama kasoo horjeeda is-xulufaysiga Lafta-gareen iyo Farmaajo. Warbaahinta deegaanada Koonfur Gaalbeed ayaa ka aamusay wararka iyo xukanka Black, kadib markii cadaadis iyo hanjabaado ay kala kulmeen maamulka Lafta-gareen. The post Xabsiyada Baydhaba oo laga buuxiyey dad u xiran Lafta-gareen iyo Farmaajo dartood appeared first on Caasimada Online.
  8. NAIROBI, Kenya (NY Times) — Days after Somalia’s president relented on plans to extend his term in office following street battles and international condemnation, his government announced Thursday that it would restore diplomatic relations with Kenya, Source: Hiiraan Online
  9. In the world of disinformation, four “Ds” are important. You first “dismiss” reality and everything that does not suit your chosen narrative. Think of how Farmaajo spent months dismissing he was the Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maantay gaaray Magaalada Nairobi halkasoo uu booqasho shan maalmood ah ku joogi doono. Madaxweynaha ayaa intuu Nairobi joogo wuxuu la kulmayaa Masuuliyiin ka tirsan Dalalka Soomaaliya daneeya. Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu uu kadib u safri doono Magaalada Muqdisho, sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi. Puntlandi.com Nairobi The post Madaxweyne Deni oo Nairobi gaaray appeared first on . Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha Caalamka ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble shalay kala hadleen laba qodob oo quseeya doorashada iyo ammaanka Soomaaliya. Wakiilada Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay in wixii doorasho ah iyo amnigaba ay isaga un kala hadli doonaan wixii ka dambeeyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxay u sheegeen in mas‘uuliyadda fashil kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay qaadan doonaan isaga iyo maamul gobaleedyada. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha Caalamka ay Rooble kula dardaarmeen in uu shaqadiisa qabsado, islamarkaana uusan qaadan farogelin kasta oo ay ku sameyso Villa Somalia, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto fashil kale oo ku yimaada doorashada Soomaaliya. Safiirada ka socda wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa Ra’iiusl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u ballan qaaday in ay ka taageeri doonaan wax kasta oo quseeya doorashada, sida dhaqaalaha iyo wixii farsamo ah. Arrintaan ayaa dhiirri gelin weyn u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo laga sugayo in uu wax ka qabto doorashada waddanka oo muddo sanado ah wajaheysa jahwareer xoog leh, kaasi oo ugu dambeyn sababay dagaal uu dhiig ku daatay. The post Xog: Beesha Caalamka iyo Rooble oo laba qodob ku heshiiyay appeared first on Caasimada Online.
  12. Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Dareen gabay: Jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Maanso Gabay: Magaca Maansadan waxa la yidhaahdaa: Dareenka Dadweynaha iyo Su’aal: D’Jibouti ma ii maqan tahay. Mise way igu maqan tahay?! By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. Magaca Maansadu Waa: Dareenka Dadweynaha DJIBOUTI MA II MAQANTAHAY MISE WAA IGU MAQANTAHAY Dadweynaha reer Jabuutow Walaal Dumar iyo caruur “DAMAAD” baan soo qortee Daroon Somaliland Gabooyaha no da’weyniyo Dir iyo Daarood ka yimi Wixii Doodl-iyo Dacwana Durriyaddaa ku daliilin Walaal derisbaynu nahay Dadbaynnu isugu xignaa Dabkaynnu kala qaadannaa Dunbay-su-gu keen xidhnayd Daruuriyo Daad balaadhan Degaankiyo doogga baxa Duunyadu way wada Cuntaa Dukaanaleey kulay ku tahay Dadkuna waa wada degaa Haasaawaha Diiraniyo Barjaa lagu wada dekayn Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durrabaa ugu dambaysay Haddaad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo Wanaag Hayeeshee Daacad li’ Dareen-aba- baa I qalay Distoorkiyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu ha-ku eegatee Aqoonisga iigu deeq Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Dedaalkii Dawladnimo Xoriyad Doon Doonistii Waxaan daafaha addoon Dinahy-yee-yee-ya- yaan Daluumaha hooseiyo Daruuraha Kuugu koray. (Wada-2) cell (2). Wuxuu Dumar duunyo huray Waxay dahab iibiyeen, Dantoodii uga tageen Dalaaqana ay dhaceen Durbaan iyo daramal dhacay Aduun weligii ma degin Danqaabana lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii duniduba dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durraataa ugu dambaysay Haddad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa derisnimo wanaag Ha yeeshee daacad li’ Dareen- aba- baa I galay Distoork-iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Dunidu ha ku eegatee Markay timi Daaha fura Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad ii duudusidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Wixii Cadaw Duulimaad Dul iyo hoos iigu dhigay Dalkaba waydaari iyo Dagaal duurka ha galee Diloo booboo dhac iyo Wixii Dabar gooyn I helay Dawaadda arday lehiyo Wuxuu Dilay Duubcaddii Dulbuuxii la igu dhigay Waxaan kaa doonayiyo Waxaan kaa damacsanaa Dubaaxdii kaama helin Dul-qaad-keedaan-lahaa Dagaal iyo Diri qadhaadh Dab iyo Naar la iskua shiday Ayaan doobi-gow cushoo Ilaahbaan Daawo saartoo Duuf-laal cadawgii ku diray Ano dii-fay-sanoo Bukaan Daran-yay-sanoo Duleedkaagaa Fadhiya Labaatan ku dhow Dednaa Adoo Dawadii hayana II diida Daryeelidiimm (Wada-3). Cell (3). Duunyana Xoolaan lahaa Dux iyo kowl ii ahaa Intii Dabar igu xidhnaa Kuwiina Dareesatoo Dallaa-llimo kuu hadhsade Dabool dekadaydi saartay Dagaal iigama ekee Nabsaan kugu Deynayaa. Aduun Weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaa-caa-gaan ahaa Daraataa ugu dambaysay Haddaad duc kaleba diiday Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo wanaag Ha yeeshee Daacad li’ Dareen-aba-baa I galay Distoor iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu Hay-din-eegatee Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad igu duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Dul-waayeel Waa indhoo Wadada Dib-u-uraaci-yiyo Dantii Xamar by jirtaa Waxad Dacar Qooshatay iyo Waxaad dabin ii xidhaba Duqayn hoosaad waddoo Ilaahbaa iga Dulqaday Darxumo waa naga dulhaadday Diyaafadu aan dhigiyo Damaashaad lagu Dikro Dabaal-deggi waay Diyaar Nabsaa kugu dayranoo Xunbuli doo-yay-sanoo Markuu dabarkiisa goosto Intii uu damac-san-yahay Daqiiqad ma daa-ya-oo Dawaar kuu marin-yaqaan Haddaan Dunjigayga sheego Bal daymo-oo Duugga tegay Dir iyo Daroodna weydii Dagaal la iguma DIGTOO Dabaal Cada-daadi mooyee ( Wada-4) cell (4)/ Anaan ku degdegin dad laa Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaac baan kuu ahaa Darraataa ugu dambaysay Haddaad Doc kaleba Diido Walaal Waa Diinta iyo Intaa Derisnimo wanaag Hayeeshee daacad li’ Dareen-aba-baa I galay. Distoor iyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay Timi daaha Fura Dunidu Hay-din eegatee Aqoonisga iigu deeqa Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Nabsigu waa daabadoo Sidii diinkuu socdaa Dabaylii cad rogiyo Daaraha Mowjada Dulmara Duufaanbuu noqon-karaa Dadkii Xalay doobyayee Nicmada daac-daaca-yee Daf iyo midhiq-daa ahaa Dayaanku haddi u dhaco Digiyo Dambays bay noqdaan Dabeed Daasa-deey gurtaan Ceeyoonbaa loo Dawari Walaalow waa Dignin Walaalow Waa dardaaran Walaalow waa Danteen Walaalow waa Dulxaadis Dubii weynaa ma dhicin Ogoobay waa Durriyad Duudkii saadada ka baxay Dulamaa laga galay D’weyn Ducay Sacabada wadheen Cirkay daalacan hayaan Dareen Qu***** direen Allow Daayimow Allow Walaal ii Daran Dawee Da-wee-yoo Haddana dawee Hadduu diidana Dullee. NIN KUU DIGAY KUU DANEE ADAA DAYN QABEE BAL DAYO OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. husseiniy@hotmail.com Qaran News
  13. Barnaamijka Shaqo-Qaran waa barnaamij ku sifaysan in dhallinyaradu aaminaan diintooda iyo dalkooda, una helaan fakaak dadkooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan duruuf kasta, isla markaana karaamo ku dhexyeeshaan bulshadooda Somaliland. Sidoo kale, dhallinyarada ka qaybgelaysa barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa leh karaamo, hab-dhaqan suuban, oo laga dheehan karo muddakarnimo, masuuliyad iyo sharaf ay yeeshaan kolka ay Qarankan u adeegayaan. Dhallinyarada ka soo baxa Barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa lagu soo hirto, oo loogu marag furo daacadnimo, amaano, run sheeg, ballan oofin, xil-gudasho suuban iyo is-xilqaan kolka ay masuuliyadda Qaranka qaadaan. Dhallinyarada ku jirta Carbiska Shaqo-Qaran waxaa laga rabaa in ay noqdaan kuwa naxariis, kalgacal, iyo wanaag ku qaabila dadkay u adeegayaan, ayna si hagar la’aan ugu shaqeeya qarankooda, dadkooda, dalkoodana ugu adeega caddaalad iyo sinnaan. Dhallinyarada waxaa lagu carbiyay wadaniyad buuxda oo ka dhan ah in ay noqdaan kuwa ka madhan dhaqanada liita sida: eexda, musuqmaasuqa, gobolaysiga, qaraaba-kiilka, qabyaalada IWM. Ugu danbayntii dhallinyaradan waxay u carbisanyihiin in ay bulshadooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan si’ mutadacwimo ah markay la soo gudboonaato, iyaga oo ku kalsoon in ay ku meel maraan kartidooda, aqoontooda, anshaxooda iyo khibradda ay ka barteen Carbiska Mudadii Saddexda bilood ahayd. Sadam Osman Kaabash Medical lab Technologist Freelance Jornalist. Qaran News
  14. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wareejiyay xaafadaha isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo ee Muqdisho oo ay heysteen ciidamo taageersan Mucaaradka. Xaafadahaas oo muddooyinkii dambe xirnaa shacab badana ka qaxeen intii qalalaasuhu ka jiray Muqdisho ayaa galabta laga qaaday ciid ku xirneyd waddooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii uu xaafadahaas kala wareegay mucaaradka, kadib wuxuu mus’uuliyadooda ku wareejiyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. “Saacadan wixii ka dambeeya waxaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho u sheegayaa in aan mus’uuliyadii magaalada ku wareejiyay Taliye Xijaar” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa shalay heshiis 10 qodob ka kooban ka gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Mucaaradka oo xaafadihii ay haysteen ku wareejiyay Rooble appeared first on Puntland Post.
  15. Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xidhay, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-falid awoodeed. Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xadhiga wasiirka maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baadhitaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka. Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar. Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe. Source
  16. Dubai-based ports operator DP World and Ethiopia’s Ministry of Transport signed an agreement to develop the road linking Ethiopia to Berbera in Somaliland into a trade and logistics corridor. Source: Hiiraan Online
  17. Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa maanta Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan iyadoo wajigii kowaad dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed. https://www.facebook.com/529227697545391/posts/1138630563271765/?sfnsn=mo Source
  18. Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay. Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda. “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka. أتقدم بالتهنئة إلى كل من فخامة الرئيس فرماجو وفخامة الرئيس كينياتا على قرارهما الحكيم والشجاع بإعادة العلاقات الدبلوماسية بين الصومال وكينيا. تمنياتنا الخالصة للبلدين الجارين وشعبيهما بالأمن والاستقرار، كما أؤكد أن دولة قطر ستبقى دائما ساعية في سبيل الخير وصانعة للسلام. — تميم بن حمد (@TamimBinHamad) May 6, 2021 Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar. 15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka. Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas. The post Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
  19. Akhristayaal, waxaynu isa soo waydiinay (waa intiinii ila socotaye) suaashii ahayd, siyaasadu ma KHIYAAMAA? Siyaasadu ma waxbay hagaajisaa /qurxissaa mise waxbay kharibtaa?, siyaasadu bulshada miyay dhaawacdaa mustaqbalkeeda mise way dhistaa /horumarisaa?… *Does politics harm the people’s will and their development or does it improve?. Waxaynu kasoo jawaabnay, soo sharaxnay jaawaha aan ka bixinay suaalahaas, ka dib waxaynu ogaanay fahamka guud ee siyaasada, waxa inoo soo baxday sidan hoose: . Siyaasadu waa aqoon/cilmi la barto, waqti LA galiyo, dhaqaale Ku baxo (Politics is science /knowledge), aqoonta xalaasha ahina waxba MA kiyaamayso, siyaasadu waa shaqo LA qabto, maaha muran, afmiishaarnimo, guulwadayn iwm, .Marka shaqo siyaasadeed /siyaasi ah LA qabto ee bulshada loo qabto, siyaasadu waxbay qurxisaa, foolxumadana way la dagaalantaa. Sadexdaas qodob ee waawayn aan kusoo koobo, Sidaas daraadeed, siyaasadu waa wax wanaagsan, siyaasada wanaagsan waxba MA xumayso ee waxbay dhistaa/ qurxisaa. Intaas ayaynu kusoo gorfaynay qaybtii hore ……… Hadaba siyaasadaas wanaagsan ee wax wanaajisa, aqoonta ah, ee bulshada LA rabo inay wanaajiso, qofka qaadaya ama curinayaa ee qaadanaaya magaceeda, ee siyaasi loogu yeedhayaa waa Kuma, noocuu u hadlayaa? Waa qof nooceeya marka uu bulshada LA hadlaaya?. Si guud markaan u eegno, qof kasta oo nolol dhisaaya /hogaaminayaa waa siyaasi toos ah ama waa mid dadban, waayo maaraynta nolosha qaybaheeda Kala duwan ayaa u baahan siyaasad lagu maareeyo /lagu hogaamiyo.Si gaara tan aan ka hadlaynaa waa siyaasada guud ee dowladnimada iyo umada hoos joogta lagu hago, laguna maareeyo noloshoodana. Siyaasadu waa shaqo, Mar haday Shaqo tahay, Shaqadaas bulshada waxa u haya laba qaybood oo ka mida bulshada: . Hadba cida talada hogaanka dowladnimo u haysa bulshada, cida fadhida xafiisyada dowlada /xafiisyada bulshadu wada leedahay. Qaybtan waxa laga rabaa Inay ka shaqeeyaan siyaasada, oo ah shaqada lagu ilaalinaayo sharciga bulsha u yaala, shaqooyin ka kale ee halbowlaha u ah bulshada sida LA dagaalanka musuqa, ladagaalanka eexda,ladagaalanka qabyaaladu, horumarinta dhismaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka, jidadka, amingiga iyo difaaca qaranka, ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta, dimiquraadiyada iyo isbadalka xukunka oo ku yimaada tartanka loo siman yahay, qaybinta khayraadka oo loo qaybiyo si siman, cadaalada iyo garsoorka iwm. Siyaasadu waa Shaqadaas oo la qabto, Cid kasta oo xukunka joogtana shaqooyinkaas ayaa laga Raba inuu qabto, lagulana xisaabtamo. Guul wadayn iyo afmiishaarnimo Shaqo maaha. Sidaas daraadeed qof kasta oo fadhiya xafiisyadaas /hay’adahaas aan soo tilmaamay iyo kuwa aanan tilmaaminba ee dowliga ah waxa laga rabaa inuu shaqo qabto, siyaasada ka shaqeeyo. . Qaybta kale ee u xilsaaran inay Shaqo siyaasadeed qabtaan/bulshada u hayaan shaqo siyaasadeed, waa qof kasta oo Shaqadaas xukuumada daba taagan, in La qabtay, inaan LA qaban, dhaliisha jirta, gaabiska ka jira shaqooyinka dowlada iwm waa xisbiyada, waa mufakiriinta madaxa banaan, waa Cid kasta oo aqoon u leh arimaha siyaasada /fahamsan arimaha bulshada waxa ka dhiman, waxa ka qaldan iyo waxa u saxsanba. Dadku dhamaan siyaasada kama wada shaqeeyo, siyaasadu meel laga ganac sado maaha, waa aragti dadka loogu adeego, lagaga sababato saaro hadba dhibka jira. Qofku markuu siyaasi yahay, waxa uu ka hadlaa waa danta guud ee bulshada, MAx aa ka qaldan ayuu ka hadlaa, xalkana wuu dhinac dhigaa , kaasi waa ka debeda ka jooga ee Mucaaradka ah, ee ku ilaalinayaa shaqadaas in LA qabtay iyo in kale. Ka xukunka haya, isna bulshada waxa uu u sheegaa shaqada uu hayo, waxii u qabsoomay dhinac walba, mustaqbalka meesha ay ku socdaan, shaqada socota, AWOODA dhaqaale, iwm Sidaasuu bulshada ula hadlaa. Labadaas aragtiyood ee ka kooban shaqadii siyaasada Qaybtii (Operational) ka ahayd, (ninkii xafiiska fadhiyey) iyo ninka dabada ka jooga ee ku ilaalinayaa shaqada(mucaaradkii), Doodaas Kala duwan ee mid waliba ka duulayo danta bulshada, taas ayaa keenta tartanka siyaasiga ah, dadkaa loo waramaayo, waa warkay qaataan uun, taas ayuunbaa guushana Keenta iyo isbadalada , waxa laga hadlayaana waa inay noqotaa shaqaas siyaasada ee aan soo sheegay. Siyaasadu waa noocaas waa Shaqadaas socota…waa Shaqo dheeli tiran. (Competitive Balanced work). Waxa jirta aragti kale oo caalmiya, oo tilmaamaysa qofka siyaasiga ah, waxay odhanaysaa sidan : “qofka siyaasiga ah ee hanka leh, maslaxad shakhsiya wuu yeelan karaa, siyaasiga saxda ah ee hanka leh waa inuu awood u leeyahay inuu is waafajiyo maslaxadiisa shakhsiga ah iyo danta guud ee bulshada uu siyaasiya u yahay (Reconciled interest) . “qofka maslaxadiisu Mar walba ka xoog badantahay, siyaasi MA noqon Karo”. U kaalay Somaliland. Dhalinta siyaasada ku jirta, dhalinyaro badan oo ku jira mucaaraka iyo muxaafidkaba oo siyaasada si wacan uga hadla way jiraan waanan bogaadinayaa , Mar walba waxay ka hadlaan arimaha bulshada. Dhalinta siyaasada ku jira ama jecel inay ka hadlaan, (oo Inta badan ah) siyaasada waxba kama fahamsana markaad eegto hadalkooda ama qoraaladooda. Waxaad arkaysaa nin ku odhanayaa siyaasi Ayaan Ahay, tvyada taagan, maalin walba shir jaraaid qabanaya, Waxuu ka hadlayaana aanay siyaasadba ahayn, qofbuu caayayaa, ama xisbi ayuu u duur xulayaa, ama reer buu u duur xulayaa, ama farmaajo iyo xamar ayuu caayaya isagoo tiisiiba liidato, waa qof xin uun ka muuqda, siyaasadii ayuu u fahmay xin. Siyaasi Ayaan Ahay ayuu ku leeyahay, Mala laha awood uu kusoo bandigo dhibaatooyinka Kala duwan ee haysta bulshada uu ka midka yahay, maxaa u diiday?.siyaasadii ayaanu fahamsanayn, xinbaa u diidan ama reer hebel baa kaa hor Iman, ama ku farxi, iwm. Dalka iyo waxa ka jira xogogaal Uma aha ayaad is odhanaysaa, Qaar badan OO xogogaal u ah ayaa jira, laakiin siyaasadii ayay si kale u FAHMEEN, faham daradaas ayaa quluubtooda xidhay, u diiday quluubtii furnayd ee aqoonta iyo garashadu hogaaminaysay, wax kaalay ku xidheen. . Waxaan odhan lahaa markaas dhalintu ha fahanto markay inala hadlayaan waxay inoo sheegayaan, hadaad qofaf ka hadlaysaan, siyaasadu qof laga hadlo maaha ee waa shaqo LA qabto, shaqada qabo oo fahan ama iska aamus. Dhalinyaradu waa dedaalayaan, waan kula dardaarmilahaa inay wax badan albriyaan aragtidoodana dhisaan, xinka iyo qof eryedkana iska dayaan, aragti xora dalkooda ku dhisaan ama mucaarad noqo ama muxaafid, siyaasi u noqo shacabkaaga, Cidna hala coloobin, u diyaargarow Inaad mustaqbalka si siman u wada hogaamisa, noloshoodana aad wax kusoo kordhiyo. ______dhamaad_______ Sir-Abdirashid Hussein Yusuf gahaydhle Email gahaydhle@live.cim Doha Qatar.Image Get Outlook for Android Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya. Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Kenya, isagoo sharaxaad kooban ka bixiyey sababta. “Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-Cadaala. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda dariska la ah ee Kenya. War-saxaafadeedkii uu akhriyey kadib weriyaashii ku sugnaa goobta ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan waxa iska bedelay eedeymihii ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay Kenya, isla markaana ay u cuskatay inay u jarto xiriirka. Isagoo ka jawaabayey ayuu yiri, “Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duriifihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya ay la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.” Al-Cadaala waxuu intaas ku sii daray, “Mar hadii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war-murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada wadanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.” Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala waxa uu qiray in Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya maanta waxa uu sheegay in go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celisay xiriirka Kenya uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin arrinta kiiska badda ee yaalla maxkamadda ICJ. 15-kii bishii December ee 2020 ayay ahayd markii Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka. Intaas kadib waxaa guul dareystay dadaallo uu urur goboleedka IGAD ku doonayey in khilaafka labada dal meesha looga saaro, dhawaanahaana ma dhicin kulamo fool ka fool ah oo dhex maray madaxda labada dal, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dib u soo noqoshada xiriirka labada dal ay si buuxda dowladda Qatar uga soo shaqeysay. The post Maxay tahay sababta ay DF uga noqotay go’aankii ay xiriirka ugu jartay Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  21. Amiirka Qatar ayaa soo dhoweeyey soo noqoshada xiriirka diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Kenya isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh. Amiir Tamiim waxaa uu intaa raaciyey in Qatar ay nabadda ka shaqeyn doonto. Dhanka dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay in xiriirka labada dal uu soo noqday iyada oo rajo ka muujisay in sidoo kale lasoo celiyo xiriirka ganacsi iyo isu socodka dadka iyo dhaqanka. Kenya waxaa ay Qatar ugu mahadcelisay iney ku guuleysatay soo celinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com