-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Suldaan Nuux, oo ka mid ahaa mudanayaasha u tartamayay Maayirnimada Burco ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay. “Anigoo u tudhaya midnimada iyo wada-jirka Bulshada Burco – una taagan horumarinta iyo walaalaynta Burco. Aaminsan na in la saxo wixii khaldamay oo aan dib loo noqon. Waxaan u tanaasulay danta iyo midnimada Burco. Hankaygu ma noqon doono mid bulshada kala qaybiya, ee wuxuu noqonayaa mid bulshada mideeya. Bisaylka siyaasadeed bay ka mid tahay in aad aqbashid aqlabiyadda. Anigoo xoojinaya xisbinimada, xakamaynayana in kala-qaybsanaantu xoogaysato – waxaan ayidayaa go’aankii xisbigayga Waddani qaatay iyo heshiiskii wadajirka ahaa ee labada xisbi-mucaarid, kaas baanan ku shaqayn doonaa. Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo jadwalka kalfadhiga golaha deegaanka degmada Burco, ee berri loo asteeyey. Dibudhac kasta oo ku yimaadaa wuxuu keenayaa in xamaasadda iyo xaraaradda Bulshadu kacdo, wuxuuna xagal daacin karaa nabadgelyada magaallada. Sidaasi darteed, waa in kalfadhigaasi berito qabsoomaa, Idamka Alle” Source
-
(SLT-Tehran)-Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Iran kadib markii uu ku guulleystay inta badan codadkii ilaa hadda la tiriyay. Wuxuu ka adkaaday saddex musharax oo kale taas doorasho shalay ka dhacday dalka Iran.Mr Raisi waa xaakimka ugu sarreeya Iran waxaana saaran cunaqabateyn ay dowlada Mareykan ku soo rogtay. Madaxweynaha Iiraan waa ninka labaad ee ugu darajo sareeya wadanka, ka dib hogaamiyaha ugu sareeya. Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasada gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin nidaamka siyaasadeed ee Iran waa hogaamiyaha ugu sareeya ee wadanka Ayatollah Ali Khamenei, oo ah wadaadka diinta ugu sareeya, kaas oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka. Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorka Mr Raisi ee dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii. Wuxuu ka mid ahaa afar garsoore oo maamulayay xukunnada dilka ah ee qiyaastii 5,000 oo maxbuus, sida ay sheegtay Amnesty International. Source
-
UNFPA Deputy Executive Director and UNFPA Regional Director for the Arab States arrive in Iraq 19 June 2021; Baghdad, Iraq – The United Nations Assistant Secretary-General (ASG) and United Nations Population Fund Deputy Executive Director (DED), Mr. Ib Petersen, and UNFPA Regional Director for the Arabic States, Dr. Luay Shabaneh, started yesterday a five-day visit to Iraq. During the visit, Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will focus on the humanitarian-development-peace nexus, which is also a focus of the UNFPA country programme 2020-2024 and the Iraqi national priorities. The high-level UNFPA officials will discuss with the Government, civil society organizations and partners in Baghdad and Erbil how UNFPA can further support the Government of Iraq and the Kurdistan Regional Government to achieve the 2030 Agenda and meet Iraq’s commitments made at the International Conference on Population and Development (ICPD 25) in Nairobi on November 2019. “I am delighted to be in Iraq as part of my field visit to the Middle East. I look forward to hearing from government officials and civil society representatives how UNFPA can increase its support during the country’s recovery period after years of humanitarian crises to ensure that Iraq meets the goals of the Decade of Action,” said Mr. Petersen from the Baghdad Airport. During the visit, they will also conduct two field visits to camps for the internally displaced persons and meet with women and young people from the host communities to discuss their needs and how UNFPA can scale up its programmes to support their ambitions. Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will depart Iraq on 22 June heading to Amman, Jordan. Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo uu Maanta oo Sabti ah qabtay madaxa gudiga sare ee doorashooyinka dalka Iiraan Jamal Caarif ayuu ku sheegay in musharaxa madaxweynimo ee dalkaas Ebrahim Raisi uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday. Raisi ayaa helay 17 milyan iyo 800 kun oo cod kadib markii ay soo baxday natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday dalkaas, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad gaarayo ilaa 28 Malyan oo qof. Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharaxa kale ee lagu magacabo Mohsen Rezaei uu helay codad gaarayo 3 Malyan iyo 300 kun oo cod. Musharaxa qunyar socodka ah, Abdel Nasser Hemmati ayaa helay labo milyan iyo 400 kun oo cod, sidoo kalana Qazizadeh Hashemi ayaa helay hal milyan oo cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga, taasoo ka dhigan in Ebrahim Raisi uu noqday madaxweynaha dalka Iiraan. Isaga oo ka hadlayey natiijada hordhaca ah ee doorashada, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif wuxuu sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu la shaqeeyo Ebrahim Raisi wixii hada ka dambeeya maadaama uu yahay madaxweynaha la doortay, wuxuuna ku tilmaamay Raisi inuu yahay “nin caqli badan” oo wadanka si wanaagsan u hogaamin doona. Waa kuma Ebrahim Raisi? Raisi, wuxuu ku dhashay 1960 magaalada Mashhad, waa siyaasi diimeed iyo muxaafid mayal adag. Wuxuu ku soo biiray garsoorka 1980 wuxuuna ka shaqeeyey xeer ilaalinta guud ilaa 1994. Isla sanadkaas waxaa loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud. Sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku xigeenka 1-aad ee hey’ada cadaaladda, wuxuuna xilkaas hayey 10 sano, hogaamiyaha sare ee dalkaas wuxuu u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadka 2019. Raisi wuxuu ku biiray Golaha Khubarada 2006, ka dibna waxaa loo magacaabay 2017 inuu xubin ka noqdo Guddiga dhanka nidaamka kala taliyo Khamenei sidoo kalana xaliyo khilaafkaadka, sidoo kalana wuxuu doorashadii madaxtinimada ee 2017 ka galay kaalinta labaad kadib Rouhani. Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuq-maasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta. Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii, sidoo kalana waxaa kiiskaas awgiis cunaqabateyn u saaray Mareykanka, Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay’addaha xuquuqda aadanaha. Awooda Madaxwynaha Iiraan Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareeya wadanka, kadib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go’aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah. Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka. Guushiisa maxay uga dhigan tahay Iran iyo adduunkaba? Raisi wuxuu ballan qaaday inuu yareeyn doono shaqo la’aanta kana shaqeyn doono sidii meesha looga saari lahaa cunaqabateynta Mareykanka ee ka qeyb qaadatay dhibaatada dhaqaale ee dadka caadiga ah ee reer Iiraan. Weriyaha BBC-da ee Beershiya Kasra Naji ayaa sheegtay in dadka mayalka adage ee Iiraan ay raadin doonaan inay xoojiyaan nidaamka xaigjirnimada ee ku dhisan islaamnimada, taasoo micnaheeda ay noqon karto xakameyn badan oo ku saabsan howlaha bulshada, xorriyadaha yar yare ee shaqooyinka haweenka iyo xakameynta adage ee warhaabinta. Kuwa mayalka adag waxay ka shakisan yihiin reer galbeedka, laakiin Raisi iyo Hogaamiyaha Sare Khamenei labaduba waxay door bidaan in dib loogu laabto heshiis caalami ah oo ku saabsan howlaha nukliyeerka Iran. Heshiiskii Nukliyeerka ee la saxiixay 2015, wuxuu Iran ka yareeyey cunaqabateyntii Reer Galbeedka, waxaana heshiiskaas lagu xakameeyey horumarinta ay Iiraan ka waday dhanka hubka Nukliyeerka. Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskaas 2018, maamulka madaxweyne Trump wuxuu dib u soo rogay xaddidaadyo curyaaminaya awoodda iiraan ee ganacsiga. Mr Raisi wuxuu kamid ahaa saraakiisha cunaqabateynta la saaray. Iran waxay ku jawaabtay dib u bilaabida hawlgaladii nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska. Wadahadalada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska ayaa ka socda magaalada Vienna, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sidoo kale doonayo inuu soo nooleeyo. Laakiin labada dhinacba waxay yiraahdaan kan kale waa inuu sameeyaa tallaabada ugu horreysa. The post Waa kuma Ebrahim Raisi – Muxaafadka mayalka adag ee loo doortay madaxweynaha Iran? appeared first on Caasimada Online.
-
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, ayaa si adag uga horyimid Xeer lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha, kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland. Boqorka ayaa sheegay in wakhti badan lagu bixiyay, sidii Puntland looga joojin lahaa Gudniinka Fircooniga ee Xaaraanta ku ah Diinta Islaamka, islamarkaana dhibaatada ba’an ku haya Gabdhaha Soomaaliyeed. Balse, wuxu tilmaamay in aan cidna laga yeeli doonin in ay mamnuucdo Gudniinka Sunniga ah ee ku bannaan Diinteenna Islaamka, maadaama cidna aysan jirin cid awood u leh in ay mamnuucdo shay Ilaahay jideeyay. Boqorka ayaa ugu baaqay dadka Arrintaas ku kacay in ay ilaahay uga toobad keenaan Gefka ay ka galeen Shareecada Islaamka. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo si adag uga horyimid Xeerka Puntland ku mamnuucday Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa markii ugu horreysay ka dhoofay Muqdisho saddex bilood kadib markii uu dowladda federaalka la galay heshiis uu isku dhiibay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Janan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriirka ujeedka safarkiisa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Dheere. Cabdiraxmaan Dheere, oo ay aad isugu dhow yihiin taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda, kadibna lagu keenay Muqdisho. Weli si rasmi ah looma oga ujeedka safarka Janan ee Addis-Ababa, waxaana kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan inuu arrimo baasabor u tagay, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu u tegay qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo, oo ay suurta-gal tahay inuu uga sii gudbo Caasimada Online ayaa qortay 12-kii May, ayada oo soo xiganeysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo, in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. The post Xog: JANAN oo saddex bil kadib ka dhoofay Muqdisho iyo qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Ebrahim Raisi oo ah wadaad mayal adag ayaa maanta oo Sabti ah la shaaciyay in uu ku guuleysanayo doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii shalay ka dhacday waddanka Iran. In ka badan 28 milyan oo kamid ah dadweynaha Iran oo shalay codadkooda ka dhiibtay doorashada ayaa natiijada horudhaca ah muujinayso Mr. Raisi wuxu ka helay ku dhowaad 18 milyan oo cod. Raisi ayaa ku guuleystay 62 boqolkiiba codadka dadweynaha oo ilaa iyo hadda la tiriyay 90 boqolkiiba, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxaha doorashada isaga oo aan shaaca ka qaadin tirada saxda ah ee dadka u soo baxay doorashada. Ibrahim Raisi oo ah 60 jir ayaa ka mid ah culimada ugu caansan Shiicada, wuxuuse ku jiraa liiska saraakiisha Iran ee uu Mareykanka cunaqabateynta saaray, ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. PUNTLAND POST The post Wadaad mayal adag oo ku guulaystay madaxweynaha waddanka Iran appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee la doortay ee golaha deegaanka ee magaalada Burco isla markaana u tartamaay qabashada xilka maayarnimo ee magaalada Burco ayaa goordhawayd ka tanaasulay. Xildhibaanku isaga oo sheegay in uu u tudhaayo isla markaasina eegaaya midnimada iyo wada jirka magaalada waxa uu sheegay in uu ka hadhay u tartanka jagadaasi Mayaornimo? sodoo kalana uu muujiyay tanaasul. Doorashadii golaha deegaanka ee magaalada Burco oo ay ahayd in maanta la qabto ayaa maalinta bari ah dib loogu riixay arintaasi oo badoba dadweynaha reer Burco iyo xildhibaanada la doortayba ay ka cadhoodeen waloo ay markii danbe go’aankaasi ay xukumadu dib ugu dhigtay maalinta bari ah ay taageereen. Waxana lagu wadaa in maalinta bari ah ay golaha deegaanka ee la doortay dooran doonaan Mayor iyo ku xigeenkoisa Qaran News
-
Mombasa (Caasimada Online) – Haweeney lala xiriirinayo dilka Najma Cabdullaahi, oo aheyd gabar Soomaali ah oo 19-jir ah, taasi oo lagu dilay magaalada Mombasa ah ayaa lagu maxkamadeynayaa magaaladaas. Maxkamadeynta Faa’isa Cali Xasan oo ah gabadha lagu tuhunsan yahay inay dilka ka dambeyso ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Faa’iso sheegtay inaysan fahmi karin luuqadaha English-ka iyo sawaaxiliga, sidaas darteedna aysan ka jawaabi karin codsi uu sameeyey sarkaalka baaritaanka gacanta ku hayo. Garsooraha sare ee deegaanka Vincent Adet ayaa amar ku bixiyay in Faa’iso la sii hayo laba maalmood iyada oo maxkamadu ay raadineyso turjumaan Soomaali ah oo u kala turjumo maxkamadda iyo eedeysanaha. Faa’iso ayaa lagu eedeeyey inay aheyd qofkii ugu dambeeyey ee lala arko Najma Cabdullaahi kahor intaan laga helin iyadoo miir daboolan agagaarka Dongo Kungu. Najma ayaa u dhimatay dhaawacyo loo geystay saacado yar kadib markii lagu daweynayay isbitaalka degmada Port Reitz halkaas oo booliska ay geeyeen. Sida laga soo xigtay warqadda dhaarta ah ee sarkaalka baaritaanka John Mutwiri, Faa’iso ayaa ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilka Najma oo ay saaxiib la aheyd isla markaana ay haysay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dilka. Mutwiri wuxuu sheegay in gabadha dilka lagu tuhunsan yahay ee Faa’iso la arkay iyadoo la socoto marxuumadda dhimatay fiidkii 9-kii Juun oo ah isla maalintii Najma la waayey. Marxuumadda ayaa ka tagtay gurigeeda oo ku yaal aagga Chaani abbaare 6-dii fiidnimo waxayna ku wargalisay walaasheed inay raaceyso Faa’iso oo ay saaxiib dhow la tahay. Si kastaba ha noqotee, taleefankeeda ayaa hawada ka baxay daqiiqado yar ka dib 7 fiidnimo ka dib markii ay walaasheed u xaqiijisay inay dib ugu noqonayso gurigeeda. Baaraha ayaa maxkamada u sheegay in Faa’iso ay ka baxsatay Mombasa laguna arkay magaalada Eldoret 10-kii June, saacado kadib markii marxuumadda la waayey. Sarkaalka oo sii hadlayey ayaa u sheegay maxkamadda in eedaysanaha uu markaas ka cararay Eldoret una socday Nairobi markii uu ka war helay in booliisku raadinayo. Dhanka kale Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilka gabadhaan Soomaalida ah loogu geystay gudaha magaaladaas. Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen. Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan. The post Yaa lala xiriirinayaa dilka Najma Cabdullahi, gabadhii Soomaaliyeed ee Mombasa? appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: Opposition Parties Assume Control Of Local Councils The Somaliland opposition parties, UCID and Waddani, who had emerged victorious in the recent parliamentary and locals council elections have began to assume control. In Somaliland’s capital, Hargeysa, Abdikarim Ahmed Moge of Waddani is the new mayor, whilst in Borama and Ceergaabo, the opposition parties ascended to or maintained the mayorship. In Burco, the two opposition parties have reached and agreement to enable a UCID councillor to take the office of Mayor. Even though the ruling party, Kulmiye and the administration have and are expending a lot of political capitol, the situation is the same all across the country, from Sheikh to Oodweyne to Caynabo to Saylac, Somaliland’s opposition parties have taken or will take the mayoral races. Qaran News
-
Kenya oo maanta fulisay heshiiskii ay la gaartay Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayada oo fulineysa heshiiskee ay la gaartay dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal. Lucas Tumbo ayaa Muqdisho ka maqnaa in ka badan 6 bil kadib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo horseeday inay safiirada kala qaataan. Imaashaha safiirka Kenya ee Muqdisho ayaa imaneysa kadib markii labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii dibloomaasiyadeed, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Kenya iyo Soomaaliya ayaa 16-ka Bishaan ku heshiiyey in si deg deg ah loo furo safaaradaha labada Dowladood kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo. “Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya. Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah. The post Kenya oo maanta fulisay heshiiskii ay la gaartay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday sababta liiska guddiga doorashada Galmudug ee heer dowlad goboleed looga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow (Xaawo Kiin), taas oo ka mid aheyd xubnihii uu dhowaan soo magacaabay Qoor Qoor. Xaawo Kiin ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay guddiga isaga casishay arrimo ayada u gaar ah. “Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin.ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda. Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Xaawo Kiin guddiga laga saaray oo aanay is-casilin, sababtana ay la xiriirto inay kasoo horjeedo Farmaajo, oo ay xiriir la leedahay mucaaradka. “Waxaa guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira,” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Musharraxan ayaa sidoo kale xusay in arrintani ay mugdi-gelin karto dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu maamulaya doorashooyinka dalka. “Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble,” ayuu markale yiri. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay guddiga doorashooyinka oo ay horey tabasho uga keeneen musharraxiinta mucaaradka. Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin. The post Sababta Xaawo Kiin ‘looga saaray guddiga doorashada GALMUDUG oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Mid kamid ah Beelaha Gobolka Nugaal, ayaa si adag u qaaddacday magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Beesha ayaa sheegtay in ay qaaddacday magacaabidda Maamulka cusub ee Madaxweyne Deni u magacaabay degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal. War-murtiyeed ka soo baxay Beesha ,ayaa lagu sheegay in aysan la shaqayn doonin Maamulka cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay degmada Godobjiraan ,kaas oo sida ay tilmaameen aan laga tala-gelin. Sidoo kale, waxay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu ka laabto magacaabidda Maamulkaas islamarkaana degmada u magacaabo Maamul laga tashaday. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Garoowe: Beel qaaddacday magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadsa xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dalka Turkiga kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov. Labaa mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan. Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Azerbaijan & Turkmenistan Jaamac Cabdullaahi Caydiid oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey inuu sii hagaago xiriirka labada dal, isla-markaana uu gaaro meel sare. Dhinaca kale, warbaahinta Azerbaijan ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu taageeray mowqifka Azerbaijan oo ku saleysan xeerarka caalamiga. Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa sidoo kale sheegay in safiirka cusub ee Soomaaliya ee Azerbaijan uu 13-kii June booqday magaalada Aghdam oo ciidamada Azerbaijan ay ka qabsadeen kuw Armenia, halkaasi oo ay ku dagaalameen sanadkii tegay dabayaaqadiisa. Kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya Azerbaijan ay dalka Turkiga uga qeyb-galayaan shirka diblumaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya magaalada Antalya. Si kastaba xiriirka cusub ee labadaan dowladood ayaa soo shaac baxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan. Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey xoojisay xiriirka caalamiga ah, iyada oo iskaashu buuxa la yeelatay wadamo badan oo ku yaalla caalamka. The post SOOMALAIYA oo tagaeertay lana safatay AZERBAIJAN appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday diidmadeeda ku aadan la macaamilka ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Itoobiya, kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Finland uu booqday Itoobiya, kaasi oo warbixin siiyay Baarlamaanka Yurub. Bayaan ka soo baxay Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu dhaleeceyay hanaanka wakiilnimo sarkaalka reer Yurub ay u wakisheen doorashooyinka Itoobiya. Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada isku haya gobolka Tigre ay sameyeen falal xadgudub ah, iyagagoo xusay in eedda inteeda badan ay leeyahiin ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya oo loo haysto go’doomin iyo kufsi wadareed. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa bilaabay olole ay ciidanka federalku ku qaadayaan Gobalka Tigre si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigre, isagoo ku eedeeyay kooxdan inay weeraro ku qaadeen xeryaha ciidanka. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo diiday in ay la macaamisho wakiilka Midowga Reer Yurub appeared first on Puntland Post.
-
The government has approved 40 international missions by Italy in 2021, sources said Friday. Source: Hiiraan Online
-
For the first time the warships of the Indian Navy (IN) and the European Union Naval Force (EUNAVFOR) have got together to conduct a complex naval operations at sea in the Gulf of Aden. A total of five warships from four navies are participating in the exercise on 18th and 19th June 2021. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay dib doorashada Antonio Guterres oo markale loo dhaariyey xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Ugu horreyn madaxweyne Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Antonio Guterres oo markale Qaramada hoggaaminayo shanta sano ee soo socota. Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda federaaka ah ay soo dhowayneyso inuu markale Antonio Guterres noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in xoghayaha Qaramada Midoobay ay dowladda ula shaqeyn doonto si hagar la’aan ah. Guterres oo ka hadlayey guushiisana wuxuu ballan qaaday inuu halkiisa kasii wadi doono dadaalladii u waday, isla-markaana uu si dhow ula shaqeyn doono dowladaha caalamka. “Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa iyo umadaha waaweyn iyo yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qeybqaato dhismaha kalsoonida,” ayuu yiri Mr. Antonio Guterres. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la-leh wada-shaqeyn xoogan, iyada oo ka taageerto arrimo dhowr ah sida dhaqaalaha, siyaasadda, ammaanka iyo dhanka bani’aadanimada. The post Farmaajo oo war kasoo saaray dib u doorashada Guterres appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti is Launching its Space Program with Two Satellites
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The African space scene is ever-increasing in both capacity and investment, and Djibouti is poised to join Ethiopia, Kenya, and other East African countries by planning the launch of two nanosatellites, Djibouti- 1A and Djibouti-1B. Source: Hiiraan Online
