Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa waxba kama jiraan ka dhigay wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ka laabatay dacwadda muranka badda ee taal Maxkamadda ICJ. Ra’iisul wasaare Guuleed, ayaa sheegay in dacwadda muranka badda ay dhammaystiri doonto Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, kadib markii dhegaysiga kiiska la soo geba-gabeeyay, islamarkaana laga sugayo in ay ku dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah. “Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi Mahdi Guuleed oo Qoraal kooban soo dhigay bartiis Twitter-ka. Hadalkiis ayaa jawaab u ahaa, warar ku saabsan in Soomaaliya ogolaatay in muranka badda lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kadib markii la soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo beenisay in ay ka laabatay dacwaddii badda ee kala dhexaysay Kenya appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta markale dib u billowday dhageysiga dacwadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Dhagajuun. Maxkamadda ayaa horey kiiskan dhagesigiisa u furtay 24-kii bishii hore, iyada oo dhageysiga dacwadda maaanta ay noqoneyso markii labaad ee loo fariisanayo, waxaana goobjoog ah saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay saraakiil Booliis ah ku jiraan, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kale. Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa maxkamadda horkeenay cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horey guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan dheeraad ah kusoo sameeyey dhacdadaasi, wuxuuna guddigu shaaciyey in si bareer ah loo toogtay marxuumka. Allaha u naxariistee Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xilli habeen ah 21-kii Janaayo ee sanadkan lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Turkiga oo uu u aaday arrimo caafimaad. The post Maxkamadda ciidamada oo markale la horgeeyey rag loo heysto dilkii Dhagajuun appeared first on Caasimada Online.
  3. HAMILTON — The Ontario government is hiring 89 new correctional officers to join the frontlines and help reinforce public safety in communities across the province. As part of Ontario’s commitment to invest more than $500 million over five years to transform correctional services, Source: Hiiraan Online
  4. Bosaso (PP News Desk) — Sixty Yemeni refugee families and Somali returnees have in Bosaso earlier today. Puntland Interior Ministry officials welcomed the refugees and returnees. Refugees will be registered and temporarily accommodated in a camp in Bosaso before being transferred to Qardho district, which hosts the largest number of Yemeni refugees in Puntland. Yemeni refugees will be transferred to Qardho after registration with Puntland Interior Ministry and UNHCR. Local business leaders have donated food and tents for the new refugees. Since 2015 Puntland State has been hosting Yemeni refugees, who fled the civil war in Yemen. New refugee arrivals are expected before the summer maritime season officially begins in June. © Puntland Post, 2021 The post Yemeni Refugees Arrive in Bosaso appeared first on Puntland Post.
  5. Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mousa Faki, ayaa si rasmiya u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya. Guddoomiye, Mousa Faki ayaa Madaxweynihii hore Jamhuuriyadda Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya. H.E John Dramani Mahama, ayaa Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya wuxu kala shaqayn doona Arrimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka, oo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin. “Madaxweyne Mahama wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyayaasha Soomaalida, si loo gaaro tanaasul la wada oggol yahay oo ku aaddan xal loo dhan yahay oo laga gaarro qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo Ergay gaar ah u soo magacaabay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay booqday qoysaskii uu saameeyay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Muqdisho. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay qoysaskii uu saameeyay roobka, isagoo dhanka kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg soo gaarsiiyaan dadkii ku waxyeeloobay musiibooyinkii ka dhashay Roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankale kormeer ku tagay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo saameynta uu roobka u geestay bilicda magaalada iyo isku socodkeeda, waxaa uuna faray waaxda howlaha guud ee dowladda hoose Xamar in ay xoojiyaan howlaha kor loogu qaadayo bilicda, islamarkaana dib loogu furayo waddooyinka ay biya dhigeen Daadadka Roobka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday qoysas uu saameeyay Roobka appeared first on Puntland Post.
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa u magacaabay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya. Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Mahama wuxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan.” “Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona Amisom, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.” Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay u wada-xaajoodaan si daacad ah, ayna danta iyo wanaaga shacabka Soomaaliyeed ka hormariyaan wax kasta oo kale, ayaga oo raadinaya heshiis loo dhan yahay oo laga gaaro xasaradaha doorashada. “Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaad dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka harsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halista ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil,” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat. John Dramani Mahama, oo dhashay 29-kii November 1958-kii, ayaa ahaa madaxweynaha Ghana intii u dhaxeysay July 24, 2012 illaa January 7, 2017. Wuxuu kahor soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Ghana, intii u dhaxeysay January 2009 illaa July 2012. Magacaabista ergeyga ayaa timid kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo iyo guddoomiyaha Midowga Afrika Félix Tshisekedi in ururka uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida. Magacaabista ergeyga ayaa waxaa horey usoo dhoweeyey wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan. Hase yeeshee, Midowga Musharaxiinta ayaan wax aragti ah ka dhiiban ergeyga markii la shaaciyey qorshaha lagu soo magacaabayo. Magacaabista ayaa imaneysa ayada oo ra’iisul wasaare Rooble uu shir dhacaya 20-ka May isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, mana cadda kaalinta uu shirkaas ku yeelan doono ergeyga cusub. The post Waa kuma ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay shalay dib usoo celisay. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar. Wararkaas ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Doha halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta, si heshiiska loogu saxiixo. Hase yeeshee ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya ee Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo sidoo kale hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto. “Muranka badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay twitter. The maritime dispute will be finalized by the @CIJ_ICJ following oral hearing was completed in March 15-18 this year. We are awaiting fair judgment. Diplomatic relations b/w the two countries is separate issue. pic.twitter.com/CdiwiOUovn — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) May 7, 2021 Dowladda federaalka ayaa shalay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ku dhowaaqay go’aanka. The post DF oo war kasoo saartay kiiska badda kadib markii ay soo celisay xiriirka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  9. Somaliland’s first stab at independence lasted less than a week. Pipers of the Royal Highland Fusiliers were ordered to play the new state’s national anthem at a ceremony in Hargeisa, the capital, marking the end of British colonial rule in June 1960. On discovering that it did not have one, the bandmaster cobbled together a medley of local folk tunes, and conducted it with brio. A day later, however, Somaliland’s parliament passed an act of union with Somalia, a former Italian colony to its south, and Somaliland officially was no more. It was a catastrophic mistake. Within a decade the new Somali Republic had collapsed. Its president was assassinated by his bodyguards. A Marxist junta seized power, led by Siad Barre, a general-turned-dictator. He abolished democracy and wrecked the economy by nationalising nearly everything except camel herds. He also launched a disastrous war against Ethiopia. When the northerners rebelled, he bombed Hargeisa, killing thousands of civilians. As Somalia disintegrated into clan warfare, Barre refused to negotiate, saying: “When I leave Somalia, I will leave behind buildings but no people.” He was not far off the mark. By the time he fled, in 1991, the country had plunged into chaos from which it has yet to emerge. Source Economics Qaran News
  10. Xukuumadda Somailand, ayaa ka hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda ee Xanuunsada loo dhigi Waayo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ee Dawladda isla-markaana loo dhigo Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ama Dalka dibeddiisa loogu qaado. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo la hadlay Telefiishanka MM, ayaa sheegay in sababtu tahay inay jiraan Xanuuno aan lagu dawayn Cisbitaallada Dawladda ama kuwo gaarka loo leeyahay, taasina keenayso in Qofka masuulka ah ama Qofka kale ee awoodaya dalka dibeddiisa loo qaado. Wasiir Cumar oo su’aasha arrintaa laga waydiiyey ka jawaabayaa wuxuu yidhi “Waxa jira Adeegyo aanaan bixin, haddii Maanta Qof u baahdo Qaliin Wadnaha ah Hargeysa ama Somaliland laguma sameeyo, waana arrin iska caadiya, Waayo? innaga uun maaha ee Adduunyada dalal innaga dhaqaale iyo Farsamo badan ayaan weli gaadhin inay adeegyada qaar bixiyaan.” Wasiirku wuxuu sheegay “Annagu Kansar ma dawayno, laakiin Qorshisa ayaanu ku jirnaa, Wadnaha ma qallo, inkasta oo aan aad ugu Mahad celinayno dhakhtarka Gargaar oo bilaabay Qaybo ka mid ah, markaa waxa jira xanuuno badan oo aynaan innagu halkan adeegyadooda ku bixin karin (Cisbitaalka guud ee Hargeysa), markaa ceeb naguma ah (inaan Masuuliyiinta la dhigin Cisbitaalka guud ee Hargeysa), laakiin waa meel aynu hiigsanayno, waa xaq loo leeyahay in la helo, laakiin aqoonteedii, Qalabkeedii iyo Farsamadeedii waynu urursanaynaa oo waynu ku soconaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Cisbitaalka guud ee Hargeysa aanay Hay’aduhu taageerin, isla-markaana uu daawooyinkiisa soo iibsado Geeska Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle) oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii ciidamada Bad-Baado Qaran ayaa maanta la hadlay ciidamadii ka gadooday muddo kororsigii sharci darrada ahaa oo markii ay ka kacaan laga laabtay. Jeneraal Gacma-dulle ayaa ugu horeyntii faray inay ciidamada bad-baado qaran dib ugu laabtaan faruumihii dagaal, islamarkaana ay fuliyaan heshiiskii dhawaan laga gaaray xiisadii keentay inay ciidamadu soo galeen magaalada Muqdisho. Waxa uu ka digay in markale la isku dayo in sifo sharci darro ah dalka lagu maamulo, isagoona wacad ku maray in mardambe aysan aqbaleyn in dalkaan lagu hogaamiyo keli-talisnimo iyo xukun jaceyl, sida uu sheegay. “Dad ayaa lahaa Ciidankan waa Maleeshiyaad tiro yar oo magaalada soo galay waxaan caddeynayaa inay yihiin ciidankii Xoogga dalka kuwii ugu xoogga badnaa oo diiddan xukun la isku dhajiyo iyo in dalkaan xoog lagu qabsado,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuquuqdii ay lahaayaan ciidamada bad-baado qaran ee la duudsiiyay intii xiisadu taagneyd ay dib u haleyaan, ayna tahay inay gutaan waajibaadka ciidamo ee ay hore ugu dhaarteen. “Waxaad ogtihiin in ra’iisal wasaaraha iyo guddiga bad-baado qaran ay is arkeen oo laga wada-hadlay, waxaana ciidanka horteeda ka xaqiijinayaa in aan ka wada-hadalnay in xuquuqdii iyo darajooyinkii lagu dhibaateyay la xalin doona labada toddobaad ee soo socota.” Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada kula dar-daarmay inay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, ayaga oo ilaalinaya dastuurka dalka iyo qaranimada Soomaaliyeed, ayada oo laga fogaanayo in cid gaar ah loo adeego. The post Daawo: Jeneral Gacma-dulle oo digniin xooggan diray appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ciidamada Badbaado Qaran looga saaray, kaasi oo uu sheegay inuu wajahayo caqabado hor leh. Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii sheegay inay garab taagan yihiin ra’iisal wasaare Rooble, islamarkaana ay fuliyeen heshiiskii ay dhawaan wada gaareen qeybtoodii kaga aadaneyd mucaaridka, loona baahan yahay inuu mas’uuliyadeeda uga soo baxo sidii loogu igmaday. Waxa uu hoosta ka xariiqay in cid gaar ah oo uusan carabaabin ay dibin-daabyo u dhigayaan heshiiskii Rooble iyo Mucaaridka, si cagaha loo qabto dhaq-dhaqaaqyada Rooble, loona saaro eedeynta waxkasta oo halaaba, sida uu hadalka u dhigay. “Xukuumadda oo ra’iisal wasaaraha hogaaminayana waxaan halkaan fariin ugu direyna intii anaga nagalama rabay wan sameynay oo waan kusoo garab istaagnay, waan ognahay in dibin-daabyo badan loo dhigayo heshiiska, in la fashiliyo in la rabo, oo la is-leeyahay qolada ayaga ayey wax ku wareegeen qoorta ha la isku geliyo,” ayuu yiri. “Anagu waan ka bad-baadinay, adigana waxaan rajeynaynaa kuwa agtada meereysanaya ee raba inay fidnadaa ka shaqeeyen inaad adigana kasoo bara-moosi doonti ayaa rajeynaynaa.” Mahad ayaa ka dalbaday xukuumadda inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan heshiiskii ay la galeen, maadama ay dhankooda bilaabeen fulinta qodobadii lagu hesiiyay, islamarkaana ay ciidamadii ka saareen magaalada, sida uu sheegay. Ra’iisal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan gaaray heshiis xal looga gaarayo shaqaaqadii Muqdisho, taasi oo amniga guud ee caasimada loogu wareejiyay xukuumadda, si ay u dar-dar geliso doorashada, meeshana looga saaro xiisadii ka dhalatay muddo kordhinta. Hoos ka daawo Mahad Salaad The post Daawo: Mahad Salaad oo shaaciyey in la billaabay qorshe lagu fashilinayo heshiiska Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman. Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera. Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika. Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika. Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  14. Ilaa 61 Qoys oo ka kooban Soomaali iyo Yemeniyiin ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegtay in dekedda Boosaaso lagu soo dhoweeyay Qaxootigaas oo isu’gu jira Soomaali iyo yemeniyiin, islamarkaana ka soo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen. “Waxaa maanta Dekedda magaalada Bosaso soo gaaray Doon sidday Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomali kasoo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda. Qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, ayaa sannadihii u dambeeyay si joogto ah u soo gaarayay gudaha Puntland, gaar ahaanna Boosaaso. PUNTLAND POST The post Qaxooti ka badan 60 Qoys oo soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uu ka da’ayay roob xooggan, ayaa waxaa uu khasaare u geystay qoysas danyar oo deggan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho halka ay dumeyn guryo badan. Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir ayaa daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka. Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday. Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan caruurta qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan. Dhibaatada ugu weyn ayaa ka dhalatay war soo fatahday, taasi oo saameysay xaafado kamid ah Buula-Xuubey, waxaana Dowladda hoose lagu eedeeyey inay ka jifatay wax ka qabashada wartaas oo sanad kasta marka xilli roobaadka la gaaro dhibaato u geysato dadka deegaanka. Muqdisho marka uu roobka da’o waxa uu saameynta ugu weyn ku reebaa qoysaska barakacayaasha ah, kuwa degen Guryaha qadiimiga ah & xaafadaha ka dhaw meelaha biyo mareenada ah, halka waddooyinka qaar isu socodkooda uu joogsado. The post 9 qof oo ay ka mid yihiin 7 carruur ah oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xabad joojin la dhex-dhigay labo beeleed oo maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay duleedka magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa waxa ku naf waayey ugu yaraan 6-ruux oo labada dhinac ah, halka ay 15 qof ka badan ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad dhex-maray maleeshiyaad kala taabacsan labada beelood ee wada dega deegaanadaas. Xabad joojinta la dhex dhigay beelahaan ayaa waxay imaneysa kadib markii ay saaka ku baxeen deegaanada dabeeyl iyo baladu-amin Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo wafdi uu hogaaminayo. Madaxweynaha kuxigeenka ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhinacyada isku horfadhiyey deegaanadaas, kuwaasi oo ay ugu dambeyntii isla qaateen in xiisada lagu dhameeyo jawi nabdoon. Labada bilood ayaa waxay u balameen wada-hadalo ay ku dhameynayaan muranka ka dhaxeeya ee sababay dagaalka gacan ka hadalka, sida ay Caasimada Online u sheegan xubno ka tirsan wafdiga madaxweyne Hagar. Dagaal beeleedyada ayaa muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday deegaanada gobolka Hiiraan, wuxuuna maamulku dadaal ugu jiraa sidii loo soo afjari lahaa xiisada dagaal ee ka dhaxeeya maleeshiyaad beeleedyo hubeysan oo isku horfadhiya Beledweyne. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haatanna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qoraal kasoo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday xildhibaanka. Qoraalka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka.” Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa soo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilligii xukuumaddii kumeel gaarka aheyd ee uu Ra’isul wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004. 2015 ayaa waxaa sidoo kale xilka Wasiirka Gaadiidka u magacaabay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid. Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. The post Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somalia oo maanta ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Daawo:Muqaalka Kulankii M/weyne Biixi Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxa Shirkada DP Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha guud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman. Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera. Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika. Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika. Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera. Qaran News
  19. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay wefdiuu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman. War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay Kulankaas uu salka ku hayey dardar-gelinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaarayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera. Madaxtooyada Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in kulanka si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaarinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u gudbi doona dalka Itoobiya. Warku wuxu intaas ku daray in Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad ay madaxweynaha ku weheliyeen wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Shirkadda DP World oo Hargeysa ku kulmay appeared first on Puntland Post.
  20. Waxaa caasimadda Muqdisho ku geeriyoodey ra’isul wasaare ku xigeenkii Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil. Cabdullahi Sheekh oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10-aad waxaa uu ahaa diblomaasi waqti dheer kusoo jiray siyaasadda. Dowladdii Cabdullahi Yuusuf waxaa uu ka ahaa ra’isul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda isaga oo mas’uul ka ahaa in ciidmada safka hore ay yimaadaan Muqdisho, waxaa kale uu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasaaradda gaadiidka. Cabdullahi waxaa uu ahaa sidoo kale Xildhibaaan ka tirsan baarlamaankan iyo kuwii ka horeeyey. Dhanka kel Guddoonka golaha Shacabka ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdullahi. ” Inna Lillahi Wa Inna Ilayhi Raajicuun Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka Xildhibaanku wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan hadane wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska guddoonka golaha Shacabka . Source: goobjoog.com
  21. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble maanta oo jimce ah u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya. AF-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, ayaa sheegay in safarka Ra’iisul wasaare Rooble uu ku saabsanyahay in uu soo cimreysto maalmaha yar ee ka dhiman bishan barakeysan ee Ramadaan. Ra’isul Wasaare Rooble waxaa Garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Wasiir Cadaaladda dowladda Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) . Af-hayeen Macallimow ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska Ra’isul Wasaaruhu uu sii wadi doono isku dubbaridka iyo diyaarinta shirka arrimaha doorashooyinka ee lagu ballansanahay yahay 20ka bishan May inuu ka furmo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo u safray dalka Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  22. Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa lagu xaqiijiyay Geerida marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray dhammaan xildhibaannada Golaha iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna Qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Marxuumka geeriyooday, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka soo qayb-qaatay barnaamijyo dib u heshiisiin ah. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.