-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in derbi uu ku soo dumay qoys barakacayaal ah oo halkaas deganaa . Inta la xaqiijiyay 7 oo isugu jira caruur iyo dad kale ayaa ku geeriyootay halka laba kale uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu ku soo dumay derbi ku yaalla xarunti ay daganaayeen . Dadka geeriyooday ayaa sidoo kale la sheegay in 5 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, dadka ku dhaawacmay ayaa xaaladooda caafimaad hadda lagula tacaalaya mid ka mid ah isbitaalada ku yaallo magaalada Muqdisho . Qoyskan ayaa Waxaa ku jirtay gabar aroos ahayd, hooyo iyo gabar yar oo ay nuujinaysay, wiil ay dhashay iyo gabar kale oo marti u ahayd qoyska ay musiibadu haleeshay, sidoo kale aabbaha dhalay qoyska ayaa dhaawac soo gaaray isago hadda ku jira isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafaddda waaxda Afaraad ee deegaanka garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho . Qoysaskan barakacayaasha ah ayaa la sheegay in ay ka soo barakaceen deegana ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose . GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhisme qadiimi ahaa kusoo dumay barakacayaal degan gudaha deegaanka Garasbaaley. Wararka ayaa sheegaya in darbigan oo ay hoos daganaayeen qoysas dan-yar ah oo kasoo barakacay Shabeelaha Hoose ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof oo ay ku jireen hooyo iyo 5 caruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen illaa 4 qof oo kale. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burburka dhismahaasi uu sababay roobkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey caasimadda. “Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay waa roobkii ugu dambeeyay ee da’ay oo jilciyay dhismaha,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabada aas loo sameynayo dhammaan dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ahaa barakacayaal degan waaxda afaraad ee Garasbaaley. Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan gudaha magaalad Muqdisho ka dhacay dhimasho iyo dhaawac oo ay sababeen burburka dhismooyin ku yaalla caasimada. The post Sideed ruux oo ku dhimatay duleedka magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo su’aalo lagu weydiiyey barta ClubHouse ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka maarmi karto dhaqaalaha lagu taageero ee dibedda ka yimaada. “Jawaabta su’aasha ku saabsan maka maarmi kartaa dhaqaalaha nalagu taageero waa haa waan ka maarmi karnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sii raaciyey “Si aan uga maaranno, waxaa loo baahan yahay Soomaalida inay fahmaan inaan leenahay dal aad iyo aad qani u ah dadkiisuna ay aad faqri u yihiin. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay dalalka Kahliijka u arkaan kuwo qani ah. Haddaad fiiriso Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka waxay leeyihiin Shidaal, intooda badan waxay leeyihiin Shidaal kaliya.” Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay kaalin wanaagsan geli lahayd haddii ay soo saari kari lahayd shidaalkeeda. Waxa uu intaas ku daray inuu arkay daraasado la sameyey sanadkii 2009 taasoo lagu sheegay in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar saddex ka gali lahayd hodontinimada caalamka. “Soomaaliya waxay leedahay Shidaal aad u badan. 2009-kii daraasado aan arkay qeexayeen in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar toddobo ka gali lahayd. Dhowr sano kaddib waxaan arkay daraasad kale oo sheegeysa in Soomaaliya haddii shidaalkeeda lasoo saaro ay noqon lahayd lambar saddex. Shidaalka waxaa noo dheer waxa la yiraahdo gaaska dabiiciga ah. Adduunka waxaa kaalinta koowaad uga jira Ruushka, kaalinta labaad waxaa ku jirta Qadar, sida aan filayo, Soomaaliyana waxaan u maleynayaa in ay labadoodaba meel la mid ah haddiiba aysan ka badneyn ay gaarsiin lahayda” ayuu yiri. The post ‘Soomaaliya waxay noqon lahayd waddanka saddexaad ee ugu taajirsan adduunka’ appeared first on Caasimada Online.
-
Beijing (Caasimada Online) – Haraadigii gantaalkii Shiinaha ay u direen hawada sare balse soo fakaday ayaa Axadda maanta ah kusoo dhacay Badweynta India, ayada oo inta badan uu burburay markii uu soo galay jawiga dhulka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha. Tani waxay soo geba-gebeysa maalmo hadal hayn oo ku saabsan halka uu gantaalka ku dhici karo gantaalka. Gantaalkan oo ka mid ah koox gantaallo ah oo loo yaqaan Long March 5 ayaa Shiinaha ay u adeegsadaan inuu shaqaalaha iyo agabyada u qaado saldhigga ay China ka dhiseyso hawada sare. Warbahainta Shiinaha oo soo xiganeysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha ayaa sheegtay in gantaalka uu ku dhacay meel dhinaca galbeed ka xigta jasiiradda Maldives. Fakashada gantaalkan ayaa walaac badan ku abuuray dunida oo dhan tan iyo markii ay Shiinaha u direen hawada sare 29-kii April, balse kadib la shaaciyey inuu fakaday. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalka uu dib usoo galay hawada dhulka saacaddu markay aheyd 10:24 am xilliga Shiinaha, kuna beegneyd 5:24 am xilliga Muqdisho. Ayada oo inta badan dhulka dushiisa ay biyo daboolaan, suurta-galnimada ah in gantaalka ku dhaco meel ay dadku ku badan yihiin ayaa aad u yareyd, waxaana kasii yaraa in dhaawacyo uu gaysto, sida ay sheegeen khubarada. Hase yeeshee hubanti la’aanta arrintan iyo in Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay xaqiijin xooggan soo saaraan ayaa walaac badan ka abuurtay dunida. The post Gantaalkii Shiinaha ee kasoo fakaday hawada sare oo ku soo dhacay dhulka – Xagee? appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Tanzania oo qaadday talaabo uu diidanaa madaxweynihii iyada ka horeeyay Aqalka Madaxtooyada Tanzania Madaxweynaha Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay munaasabad dadweyne iyadoo xiran wajir xir ama face Mask. Madaxweynihii iyada ka horeeyay, John Magufuli oo geeriyooday bishii Maarso ayaa marwalba inkirsanaa cudurka wuxuuna diidi jiray inuu wajiga xirto si uu uga taxadaro fayaraska karona. Ms Saamiya waxay xirtay wajiga iyadoo joogta gudaha iyo meel ka baxsan dalka Tanzaniya gaar ahaanna toddobaadkan mar ay booqasho laba maalmood ah ay ku tagtay dalka Kenya. Munaasabad ka dhacday magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaniya jimcihii, waxay kula kulantay in badan 800 oo ah dad waaweyn oo ka kala yimid qaybaha dalka . Waxay u sheegtay in dadka waaweyn ay khatar ugu jiraan cudurka loona baahanyahay in la taxadaro si looga badbaado. Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay, haweenaydaan 61 jirka ah kama aysan baqin inay muujiso inay diyaar u tahay inay qaaddo waddo ka duwan tii Mr Magufuli marka ay timaaddo xirashada waji xirka iyo la tacaallida cudurka. Waxay sameysay guddi khubaro ah oo kala taliya xaaladda Covid-19 ee wadanka iyo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si dadka loo badbaadiyo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Howl-gallada ayaa waxaa xigay iska hor imaadyo kooban oo dhex-maray labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada kala ah Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey iyo Gumeysidiid ee gobolka Sh/Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay khasaare xoog-leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Ciidamada Xoogga oo howl-gallo kula wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. “Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Farmaajosaamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. The post Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
Qudus (Caasimada Online) – Shacab Falastiiniyiin ah oo dibad-baxayey iyo ciidamada Yahuudda ayaa mar kale xalay isku dhacay, dibedda Xaramka Al-Shariifka ah ee Qudus, ayada oo kumanaan qof ay ay salaadda tahajudka ku tukanayeen Masjidka Al-Qasa oo ku dhex-yaalla xaramka iyo dibeddiisa. Falastiiniyin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada Yahuudda oo dhigtay jidgooyooin waddooyinka gala Masjidka, ayaga oo isku dayaya inay celiyaan shacabka qaarkiis. Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dhaawacay rabshadaha, oo ay ku jiraan caruur uu ugu yar yahay hal sano jir, kuwaas oo 14 ka mid ah la dhigay isbitaalka, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin. “Ma doonayaan inaan tukano. Maalin kasta waxaa jira dagaal iyo isku dhac,” waxaa sidaas yiri Mahmoud al-Marbua oo ah 27 jir isaga oo ku sugan albaabka Dimishiq ee laga galo Xaram Al-Shariifka, isaga oo tilmaamaya booliska Yahuudda. “Bal fiiri waa ay na xabadeynayaan,” ayuu yiri. Xiisadda Al-Aqsa ayaa taagneyd intii lagu guda jira bisha Ramadan oo idil ayada oo ay jirto carro xooggan oo ka dhalatay qorshe la rabo in dad Falastiiniyiin ah looga saaro guryo ku yaalla magaalada Qudus oo ay sheegteen Yahuud. Ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay isku dhac kale oo dhacay Jimcihii, taasi oo dhalisay in dunida aay si xooggan u cambaareeyaan Yahuudda. Isku dhacyada ayaa habeen walba ka dhaca Bariga Qudus, gaar ahaan xaafadda Sheikh Jarrah, halkaasi oo Yahuudda ay damacsan yihiin inay si qasab ah uga raraan qoysas Falastiiniyiin ah, si loo dejiyo Yahuud. Kooxda loo yaqaan Dhex-dhexaadiyayaasha afarta ah ee Bariga Dhexe, oo ka kooban Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo QM ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha iyo suurta-galnimada ah in dad guryahooda laga saaro. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Israel inay muujiyaan is-xakameyn ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen. Xiisadda ayaa la filayaa inay sii kacsanaato maalmaha soo socda, ayada oo Maxkamadda Sare ee Israel ay Isniinta billaabi doonto dhageysiga kiiska dadka al rabo in laga saaro xaafadda Sheikh Jarrah. The post Sawirro: Xiisadda Al-Aqsa oo kasii dartay iyo Yahuudda oo mar kale xalay weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay in Xoghaye Mr Guterres, uu soo dhoweeyay doorka dowladda Qatar ka ciyaartay dhex-dhexaadinta ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Xoghayaha Qaramada Midoobay uu ku raja weyn yahay in go’aanka labada dal ku soo celiyeen xiriirkooda uu horseedi doono xaqiijinta cilaaqaad ku dhisan isjacayl iyo saaxiibnimo. Sidoo kale, wuxu xusay in soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu mudnaan gaar ah u leeyahay xasiloonida iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii u dambeeyay ee Israel ka fulisay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiinyiinta halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa gabood-fallada soo noq-noqday ee sannad kasta Israel bisha Ramadaan ka fuliso masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa” ayuu yiri Recep Erdoğan. Madaxweyne Erdoğan, ayaa dalalka Caalamka gaar ahaanna kuwa muslimiinta ugu baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo tacaddiyada Israel ku hayso muslimiinta Reer Falastiin. “ Banii’aadam kasta waxa la gudboon in uu hor istaago dulmiga foosha xun ee lagu hayo masjidka barakaysan iyo dadkiisa” ayuu sii raaciyay hadalka madaxweynaha Turkiga. Sidoo kale wuxu sheegay in Israel tahay dowlad Argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood. “ Israel waa dowlad argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda barakaysan iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood.” The post Erdoğan: Israel waa dowlad argagixiso ah oo mudan in tallaabo laga qaado appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Madaxweynaha saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.
-
“Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN) Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabay murshaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yusuf. Xabsiga labada murashax waxa loo sibir-saaray, in reeraha ay labada murashax ka soo jeedaan murashaxyo kale ku leeyihiin xisbi xaakimka Kulmiye. Sidoo kale 25tii bishii Abriil 2021 ayaa labo murashax, oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa mir-dhexe oo habeenimo guryahoodii booliisku ka kaxaysteen, kuwaas oo kala ah: Abdillahi Xasan Xirsi (UCID) iyo Qasim Aden Saleeban (Waddani). Haddaba ficiladaa xukumaddu SL waxay u dhacayaan in murashaxa cidda soo sharaxdaa tahay reerka ee aanay ahayn xisbiga. Kolkaa hadday sidaa tahay, talow, maxaa looga baahan yahay xisbiyada iyo dastuurka; shaqadii xisbiyadana ay odayaasha reeruhu hayaan? Marka aad u dhabbo-gasho waxa kuu soo bixi in la isku wada raacsan yahay in doorashada dhacaysa 31da Maajo 2021 ay reero sharaxan yihiin, xisbiyaduna iska yihiin magac-u-yaal. Reerku qofka ay sharaxaan ayuun baa xisbiguna sharaxayaa. Waa afgarad sida u yaal, dawladduna midkaas ayey fulisaa. Laakiin meel bay iska qabsan la’adahay: marna laguma fulin af-garadkaas, ilaa hadda, mursahixiin ka socota xisbi xaakimka Kulmiye. Odayaal reer oo mucayin ah oo la isla og-yahay, tiro go’aan leh, meel loogu soo hagaago lehina ma jiraan. Sidaa darteed murashax waliba odayaal taageersan kama qatana. Waxa intaa dheer in murashiixintaas, muddada ay xabsiga ku jiraan, lagu dirqiyo inay saxeexaan warqado ay kaga tanaasulayaan murashaxnimadooda. Taasoo ah jawrfal loo geysanayo xuquuqdooda madaniga ah iyo xorriyadda qofka. Ogow in sharciga oo la raacaa yahay rukun ka mid ah rukumada dumuqraadiyadda. Ficilada xadgudubka ah iyo hab-dhaqanka diktaatooriyadeed ee maamulka Somaliland waxay dabaysha raacinayaan dastuurka dawladnimo ee lagu andacoodo in dalku leeyahay. Sideedaba fal-dhaqanka madaxda ayaa macneeya fekerkooda. Tusaale ahaan khudbaddii uu bishii Desembar 2020 m/weyne Muuse Biixi ka jeediyey tuulada Agabar, galbeedka Hargeysa, ayaa daaha ka feyday fekerkiisa, dubaaqiisa hoose iyo aragtida hagta-ba; taasoo uu ku tiraabay in doorashadii madaxtooyada ee 2017 ay reero ku tartameen, reerkiisuna ku guuleystay, reerihii kalena ay kaga adkaadeen doorashadaas. Sidaa darteed, waxa Mudane Biixi ku baaqay in reerkii laga guuleystay, inay libta reerkiisa aqbalaan. Macnhii ka dhigan reerkii ku guuleysta doorsahada ayaa dawladnimada wada qaata. Ogow waxay taasi meesha ka saaraysaa rukun kale oo sal u ah dimuqraadiyadda: talo-wadaag. Teeda kale waxa Somaliland ka jira saddex xisbi oo keliya oo tobonkii sannaba mar la baabiiyo oo saddex kale oo cusubi soo bixi karaan. Ma garanayo meel dunida nidaam noocaas ahi ka jiro. Arrin kale oo dhowaan soo kordhay baa iyana jirta. 21dii bishii Abriil 2021 ayuu baarlamanka Somaliland ansixiyey qaab-dhismeedka xisbiyada, taasoo meesha ka saaraysa dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii xisbi waliba goonidiisa u lahaa. Macninhii xisbiga dawladda ayaa gacanta ku haynaya maamulka xisbiyada kale. Haddii fekerka m/weynaha Biixi ee uu khudbaddii Agabar ka jeediyey lagu dabaqana, miyaanay noqonayn reerkayga ayaa reerha kale maamulaya? Waxa arrinkaa dood caqli-gal ah kala hor-yimi xildhibaanka waayo-aragga ah ee Cabdulqadir Jirde, kana digay cawaaqib-xumada talo-maroorsiga ah iyo cabudhineed ee looga aayi doono sharciga noocaas ah: xakamaynaya madax-banaanida xisbiyada. Cidi se dheg-jalaq uma ay siin. Hab-dhaqanka noocan kore ahi wuxu ka hor-imanayaa rukumo kale oo dimuraadiyaddu leedahay sida: xadaynta awoodaha hay’adaha fulinta/dawladda, ilaalinta xoriyadda ra’yiga iyo xuquuqda samaysashada urur. Haddaba, hore ayaa abwaan Cali Sugulle (AUN) uga digay khatarta dawlad iyo qabiil la is-dhex-geliyaa keeni karto, ama cidhib xumada qabiilka la reer-gashadaa (institutionalising) leeyahay, macnihii dawladnimada lagu badhxo reero. Waxa laga filaaba waa holac: dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay. In qabiil la reer-gashadaa, ma aha runtii, mid u gaar ah Somaliland. Geyiga Soomaalida oodhan baa dhibkaasi ka jiraa. Laakiin iyada waxbaa u weheliya: waxay ku faantaa oo dunida ka iibisaa dimuqraadiyad baanu ku dhaqannaa, Soomaali inteeda kale-na tusaal wacan oo lagu naaloodo bay u ahayeen. Imika se xaajadu waxay maryasaa in su’aal la saaro: dimuqraadiyad noocee ah ayaa Somaliland ka jirta? DIMUQRAADIYAD QARQOOSH? Allow sahal amuuraha. Wa Bilaahi Towfiiq Maxamuud Cabdullahi Axmed Tixraac DAAWO: Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Murashixiin Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Loo Taxaabay (hadhwanaagnews.ca) Somaliland opposition speaks out against jailed candidates – Somali Dispatch Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Nuxurka Khudbadii Shacabka Reer Agabar U Ujeediya – YouTube “Dalka Saddex Xisbi Ma Anfacayaan” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde – YouTube AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya. Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi. Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa. Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka *****so fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Source
-
Siyaasiga Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa sheegay inuu Boqor Buurmadaw uu ogaa in muddo saddex cisho gudahood ah lagu soo daynayo Dolaal, sidaas darteedna wuu adeegsaday hanjabaad xadaaradi ku jirto. Siyaasi Jaamac ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Boqor Buurmadaw wuxuu ka war hayey muddo saddex cisho ah in lagu soo daynayo Doolaal, sidaas darteed buu hanjabaad xadaaradi ku jirto ugu dhawaaqay, laakiin waxaan leeyahay Boqor Buurmadaw Somaliland waa dawlad, dawladnimana hadalo laguma dumayo ee shaqadaada dhaqanka ku ekaw, oo hawlahan aan hawlahaaga iyo shaqo aan shaqadaada ahayn inaad ka baxdo oo aad faraha ka qaado ayaa haboon..”. Mar wuu ka hadlaayey Sarkaalka la sii daayey wuxuu yidhi “Sarkaalka la sii daayey ee Doolaal, xorriyaddiisii ayaa dib ugu soo noqotay, oo Maxkamadda ayaa dib u soo celisay xorriyadiisii, waxaa lagu haystay ayaana noqday waxaan u cuntamin Maxkamadda, sidaas darteed ayuu xorriyadiisii u dib ugu helay, ee waxaan ka digayaa sideedaba in aan la xidhin cid aan lagu hayn dambi cad”. Source
-
“Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirkii cawleede Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e. Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye“ Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Gaantaalka Shiimuhu diray oo la filayo inuu dhulka ku soo dhaco. Dunida oo la kufaakacaysa fayruska COVID-19 oo Shiinaha ka soo billowday ayay dunidu ku baraarugtay Gantaal Shiine diray oo dhulka ku soo dhacaya Axadda. Shiine wuxuu ka mid noqday dalal gabayaagii Soomaaliyeed Qaasim ku tilmaamay kuwo dayaxa kala boobaya. Nin Maraykan ah ayaa sanadkii hore sheegay in laga yaabo in Shiinuhu Coronavirus soo diray kaddib markii Galbeedku arrimmaha Shiinaha faraha kala bixi waayeen. In ka badan sanad Coronavirus ayaa dunida silsilaya. Dayaxgacmeedka dhulka ku soo dhici doona waa ilaa dhowr iyo labaatan tan. Waa suurtogal in Shiinuhu cilladeeyay dayacgacmeedka si uu Galbeedka u tuso inuu karti u leeyahay aloosidda Dagaalka Xidigaha aan ka dhicin kii Maraykanku ugu hanjabay Midowgii Soofiyeeti ka hor 1991kii. Meelaha loo malaynayo inuu gantaalka habawga ahi ku soo dhaco. Way u caddaatay Galbeedka in Shiinaha aan dib loo celin karin. Taiwan hadda waxaa lagu tilmaamaa meesha ugu halista badan dunida. In Shiinuhu soo weeraro Taiwan ayaa laga cabsanayaa. Gantaalka habawga ah halistiisu ma badna, ayuu yiri sarkaal u hadlay dowladda Shiinaha. Inuu saxare ku yaal Afrika gantaalku ku soo dhaco ayay u badan tahay, sida uu sheegay xeeldheere u kuurgula dayaxgacmeedyada. Shiinuhu wuxuu doonayaa in boos ka qabsado rugta caalamiga ee dayaxgacmeedyada. Hindiya ayaa dhowr sano ka hor dirtay dayaxgacmeed fashilmay laakiin uma calool-adaygin sida Shiinaha oo fashilka dayaxgacmeedkiisa ka dhigay mid mudan in dunidu ka welwesho. Shiine laga baqay ayaa beddeshay Shaagle laga baqay. W.Q. Siciid D. Abshir The post Shiine Laga Baqay! appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya. Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi. Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa. Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka *****so fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey allaabadii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya. “Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka ee dastuurku jideeyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxday midowga musharaxiinta. Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub. Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa. “La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika Mr. Babatunde Taiwo, intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, waxuu si furan u baacsaday, isaga iyo qaar kale oo ka tirsan hoggaanka AMISOM, koorsooyin siyaasadeed oo xad gudub u ah waajibaadkiisa, isla markaana si dhab ah oo taban uga qayb qaatay dhibaatadii ka dhacday dalka, haatana waxaa loo xilsaaray dhexdhexaadin. Markii aan dib-u-eegista iyo latashiga ballaadhan la yeelanay Mr. Taiwo waxqabadyadiisii hore iyo faham la’aantiisa dhaqanka Soomaalida,” ayaa lagu yiri qoraalka. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo. “Goluhu si niyad sami ah ulama shaqeyn karo Mudane Taiwo. Waxaan rajeyneynaa kana codsanayaa in Midowga Afrika inuu si xushmad leh uga fiirsado magacaabistiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka midowga musharaxiinta. Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa xalay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya. The post Musharaxiinta oo war kasoo saaray ergeyga Midowga Afrika, dacwadna ka gudbiyey la-taliye sare appeared first on Caasimada Online.
-
The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) on Saturday warned of high risk of severe flooding in Somalia amid rise in river levels. Source: Hiiraan Online