Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’addeeda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa war kasoo saaray xaaladda adag ee Soomaaliya, iyada oo ka digtay daadad ku soo wajahan dalka, iyada oo laga cabsi qabo inay da’aan roobab xoogleh. FAO ayaa sheegtay in wabiga Shabelle uu buux-dhaafsamay, isla-markaana uu kar-kaaraha jabsaday dhinaca magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle. Sidoo kale hay’adda ayaa ugu baaqday dadka degan hareeraha wabiga inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga fogaado waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaha “Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri baqayn ka soo baxday hay’adda cunada ee FAO. Sidoo kale waxay hay’addu ku baaqday in si wadajir ah looga hortego daadadkaasi, si loo bad-baadiyo shacabka, loogana hortego waxyeelo ka dhalata fatahaadaha soo noq noqday. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysaa xaalad adag oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan ugu sii darsamay kuwa kale oo bani’adanimo oo ka dhashay fatahaadaha. The post QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Shiinaha ayaa sheegay gantaalkii fakaday oo dhulka ku soo socday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya mee u dhaw jasiiradda Maldives. Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°). Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b. Warbaahinta Shiinaha waxaa kale oo ay sheegeen gantaalka uu hawada dhulka soo gaaray Axaddi saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24. Shiinaha ayaa gantaalka Long March 5B hawada sare u diray 29-kii bishii April, kaasoo ay markii dambena sheegeen inuu maamulkiisu ka fara baxasay. Gantaalkan oo laga ganay Jasiiradda Hainan ee dalka Shiinaha ayaa qalab u siday saddex cirbixiyeen oo Shiinaha u dhashay, kuna sugan hawada sare. Qalabkan ayuu qorshuhu ahaa in lagu dhammeystiro Saldhigga Shiinaha ee hawada sare. Goobaha dayax gacmeedkaasi lagu raadraaco ayaa waxa ay kormeerayeen dib u soo noqoshada gantaalka weyn ee Long March 5B. Laanta kormeerka iyo raadraaca dayax gacmeedyada ee Millatariga Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay soo dhicitaanka Long March. “Qof kasta oo kale oo raacaya dib u gelitaanka Long March 5B wuu nasan karaa. Gantaalku wuu soo dhacay.” Ayaa lagu sheegay war ay soo saareen. Gantaalkan ayaa dhaliyay cabsi iyo hadalhayn badan, tan iyo markii Dowladda Shiinaha ay toddobaadkii hore sheegtay inuu faraheeda ka baxay. Source
  3. (SLT-London)-Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, kaddib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservativeka. Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbeed ah ayaa ku guuleystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey. “Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida” ayuu yidhi Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono ololaha shaqo abuurista magaalada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal milyan oo qof. Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceyay ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Raysal Wasaareyaashii xisbiga talada hadaya ee Boris Johnson, Teresa May iyo David Cameron, iyadoo sidoo kale ay Khan foodda is dareen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Sadiq Khan iyo Trump waxaa dhexmaray dagaal adag oo dhanka hadalka ah, kaddib markii Khan uu dhaliilay xayiraaddii muranka badan dhaliysay ee Trump uu saaray dalal ka soo jeeda dunida Muslimka. Source
  4. Ciidamada Badda Mareykanka ayaa sheegay in ay qabteen dooni sidday Hub sharci darro ah , taas oo dhex maquuraneysay biyaha badda Carabiya . Maraakiibta dagaalka maraeykanka ee USS Monterey (CG 61) ayaa la sheegay in uu qabtay doonida Sabtidii shalay . “Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa dhowr daraasiin oo ah gantaalaha ridada dheer ee Ruushka lagu farsameeyay kuwaas oo loo isticmaalo , kumanaan kun oo qoryaha nooca Shiineeska ah ee loo yaqaano56, iyo boqolaal qoryaha PKM, qoryaha toogashada iyo gantaalaha wax lagu rido. Waxyaabaha kale ee la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Hub casri ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska dhexe ee Ciidamada Badda Mareykanka . Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan halka laga keenay hubka iyo goobta uu ku socday, iyadgoo sheegay in ay baaritaanada kadib soo saari donaan Jawaabta . Sida ku cad warbixinta Ciidamada doonida hubka siday ayaana la ogeyn dalka laga leeyahay Asal ahaanteeda doonida . Thousands of illicit weapons interdicted by guided-missile cruiser @USSMonterey (CG 61) from a stateless dhow in international waters of the North Arabian Sea on May 6-7. Cache of weapons included advanced Russian-made anti-tank guided missiles & Chinese Type 56 assault rifles. pic.twitter.com/07Fv92vbrV — U.S. 5th Fleet (@US5thFleet) May 8, 2021 GoobJoog Source: goobjoog.com
  5. Alle ha u naxariistii Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta) ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyey Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada. Alle ha u naxariistee Fanaanadad Muno Xidigta ayaa sida uu abwaanka sheegay waxa ay u geeriyootay xanuun kusoo booday habeen hore waxaana ay saakay aroortii u geeriyootay xanuunkii kusoo booday. Fanaanada Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobolada Waaberi Puntland iyadoo markii danbe usoo wareegtay dhanka Magaalada Muqdisho sidaasna uga mid noqotay Hobolada Waaberi ee Magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Fanaanad Muna Xiddigta oo ku geeriyootay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in derbi uu ku soo dumay qoys barakacayaal ah oo halkaas deganaa . Inta la xaqiijiyay 7 oo isugu jira caruur iyo dad kale ayaa ku geeriyootay halka laba kale uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu ku soo dumay derbi ku yaalla xarunti ay daganaayeen . Dadka geeriyooday ayaa sidoo kale la sheegay in 5 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, dadka ku dhaawacmay ayaa xaaladooda caafimaad hadda lagula tacaalaya mid ka mid ah isbitaalada ku yaallo magaalada Muqdisho . Qoyskan ayaa Waxaa ku jirtay gabar aroos ahayd, hooyo iyo gabar yar oo ay nuujinaysay, wiil ay dhashay iyo gabar kale oo marti u ahayd qoyska ay musiibadu haleeshay, sidoo kale aabbaha dhalay qoyska ayaa dhaawac soo gaaray isago hadda ku jira isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafaddda waaxda Afaraad ee deegaanka garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho . Qoysaskan barakacayaasha ah ayaa la sheegay in ay ka soo barakaceen deegana ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhisme qadiimi ahaa kusoo dumay barakacayaal degan gudaha deegaanka Garasbaaley. Wararka ayaa sheegaya in darbigan oo ay hoos daganaayeen qoysas dan-yar ah oo kasoo barakacay Shabeelaha Hoose ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof oo ay ku jireen hooyo iyo 5 caruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen illaa 4 qof oo kale. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burburka dhismahaasi uu sababay roobkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey caasimadda. “Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay waa roobkii ugu dambeeyay ee da’ay oo jilciyay dhismaha,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabada aas loo sameynayo dhammaan dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ahaa barakacayaal degan waaxda afaraad ee Garasbaaley. Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan gudaha magaalad Muqdisho ka dhacay dhimasho iyo dhaawac oo ay sababeen burburka dhismooyin ku yaalla caasimada. The post Sideed ruux oo ku dhimatay duleedka magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - A media house in Somalia has submitted a lawsuit against the nation's spy chief and a top presidential aide last week and has received strong support from journalist unions. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - A media house in Somalia has submitted a legal complaint against the nation's spy chief and a top presidential aide last week and has received strong support from journalist unions. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo su’aalo lagu weydiiyey barta ClubHouse ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka maarmi karto dhaqaalaha lagu taageero ee dibedda ka yimaada. “Jawaabta su’aasha ku saabsan maka maarmi kartaa dhaqaalaha nalagu taageero waa haa waan ka maarmi karnaa,” ayuu yiri. Wuxuu sii raaciyey “Si aan uga maaranno, waxaa loo baahan yahay Soomaalida inay fahmaan inaan leenahay dal aad iyo aad qani u ah dadkiisuna ay aad faqri u yihiin. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay dalalka Kahliijka u arkaan kuwo qani ah. Haddaad fiiriso Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka waxay leeyihiin Shidaal, intooda badan waxay leeyihiin Shidaal kaliya.” Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay kaalin wanaagsan geli lahayd haddii ay soo saari kari lahayd shidaalkeeda. Waxa uu intaas ku daray inuu arkay daraasado la sameyey sanadkii 2009 taasoo lagu sheegay in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar saddex ka gali lahayd hodontinimada caalamka. “Soomaaliya waxay leedahay Shidaal aad u badan. 2009-kii daraasado aan arkay qeexayeen in Soomaaliya haddii lasoo saaro shidaalkeeda ay adduunka lambar toddobo ka gali lahayd. Dhowr sano kaddib waxaan arkay daraasad kale oo sheegeysa in Soomaaliya haddii shidaalkeeda lasoo saaro ay noqon lahayd lambar saddex. Shidaalka waxaa noo dheer waxa la yiraahdo gaaska dabiiciga ah. Adduunka waxaa kaalinta koowaad uga jira Ruushka, kaalinta labaad waxaa ku jirta Qadar, sida aan filayo, Soomaaliyana waxaan u maleynayaa in ay labadoodaba meel la mid ah haddiiba aysan ka badneyn ay gaarsiin lahayda” ayuu yiri. The post ‘Soomaaliya waxay noqon lahayd waddanka saddexaad ee ugu taajirsan adduunka’ appeared first on Caasimada Online.
  11. (ERGO) – Habibo Mohamed Duwane’s family has been sleeping under a tree for the past two weeks after their flimsy hut in Gargaar internal displacement camp in El Barde, in southern Somalia’s Bakool region, collapsed in heavy rain. Source: Hiiraan Online
  12. ST. PETER, Minn. (AP) — On a warm afternoon in late March 2020, Ali Abdi and one of his young daughters, Maryam, sat outside their rental home observing the neighborhood along a St. Peter street they’d moved to only days earlier. Source: Hiiraan Online
  13. Beijing (Caasimada Online) – Haraadigii gantaalkii Shiinaha ay u direen hawada sare balse soo fakaday ayaa Axadda maanta ah kusoo dhacay Badweynta India, ayada oo inta badan uu burburay markii uu soo galay jawiga dhulka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha. Tani waxay soo geba-gebeysa maalmo hadal hayn oo ku saabsan halka uu gantaalka ku dhici karo gantaalka. Gantaalkan oo ka mid ah koox gantaallo ah oo loo yaqaan Long March 5 ayaa Shiinaha ay u adeegsadaan inuu shaqaalaha iyo agabyada u qaado saldhigga ay China ka dhiseyso hawada sare. Warbahainta Shiinaha oo soo xiganeysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha ayaa sheegtay in gantaalka uu ku dhacay meel dhinaca galbeed ka xigta jasiiradda Maldives. Fakashada gantaalkan ayaa walaac badan ku abuuray dunida oo dhan tan iyo markii ay Shiinaha u direen hawada sare 29-kii April, balse kadib la shaaciyey inuu fakaday. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalka uu dib usoo galay hawada dhulka saacaddu markay aheyd 10:24 am xilliga Shiinaha, kuna beegneyd 5:24 am xilliga Muqdisho. Ayada oo inta badan dhulka dushiisa ay biyo daboolaan, suurta-galnimada ah in gantaalka ku dhaco meel ay dadku ku badan yihiin ayaa aad u yareyd, waxaana kasii yaraa in dhaawacyo uu gaysto, sida ay sheegeen khubarada. Hase yeeshee hubanti la’aanta arrintan iyo in Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay xaqiijin xooggan soo saaraan ayaa walaac badan ka abuurtay dunida. The post Gantaalkii Shiinaha ee kasoo fakaday hawada sare oo ku soo dhacay dhulka – Xagee? appeared first on Caasimada Online.
  14. Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Tanzania oo qaadday talaabo uu diidanaa madaxweynihii iyada ka horeeyay Aqalka Madaxtooyada Tanzania Madaxweynaha Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay munaasabad dadweyne iyadoo xiran wajir xir ama face Mask. Madaxweynihii iyada ka horeeyay, John Magufuli oo geeriyooday bishii Maarso ayaa marwalba inkirsanaa cudurka wuxuuna diidi jiray inuu wajiga xirto si uu uga taxadaro fayaraska karona. Ms Saamiya waxay xirtay wajiga iyadoo joogta gudaha iyo meel ka baxsan dalka Tanzaniya gaar ahaanna toddobaadkan mar ay booqasho laba maalmood ah ay ku tagtay dalka Kenya. Munaasabad ka dhacday magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaniya jimcihii, waxay kula kulantay in badan 800 oo ah dad waaweyn oo ka kala yimid qaybaha dalka . Waxay u sheegtay in dadka waaweyn ay khatar ugu jiraan cudurka loona baahanyahay in la taxadaro si looga badbaado. Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay, haweenaydaan 61 jirka ah kama aysan baqin inay muujiso inay diyaar u tahay inay qaaddo waddo ka duwan tii Mr Magufuli marka ay timaaddo xirashada waji xirka iyo la tacaallida cudurka. Waxay sameysay guddi khubaro ah oo kala taliya xaaladda Covid-19 ee wadanka iyo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si dadka loo badbaadiyo. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Howl-gallada ayaa waxaa xigay iska hor imaadyo kooban oo dhex-maray labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen deegaanada kala ah Shaam-Garre, Raqaleey, Raydableey, Goloole, Caanooleey iyo Gumeysidiid ee gobolka Sh/Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay khasaare xoog-leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Ciidamada Xoogga oo howl-gallo kula wareegay deegaano horleh appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. “Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Farmaajosaamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. The post Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  17. Qudus (Caasimada Online) – Shacab Falastiiniyiin ah oo dibad-baxayey iyo ciidamada Yahuudda ayaa mar kale xalay isku dhacay, dibedda Xaramka Al-Shariifka ah ee Qudus, ayada oo kumanaan qof ay ay salaadda tahajudka ku tukanayeen Masjidka Al-Qasa oo ku dhex-yaalla xaramka iyo dibeddiisa. Falastiiniyin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada Yahuudda oo dhigtay jidgooyooin waddooyinka gala Masjidka, ayaga oo isku dayaya inay celiyaan shacabka qaarkiis. Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dhaawacay rabshadaha, oo ay ku jiraan caruur uu ugu yar yahay hal sano jir, kuwaas oo 14 ka mid ah la dhigay isbitaalka, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin. “Ma doonayaan inaan tukano. Maalin kasta waxaa jira dagaal iyo isku dhac,” waxaa sidaas yiri Mahmoud al-Marbua oo ah 27 jir isaga oo ku sugan albaabka Dimishiq ee laga galo Xaram Al-Shariifka, isaga oo tilmaamaya booliska Yahuudda. “Bal fiiri waa ay na xabadeynayaan,” ayuu yiri. Xiisadda Al-Aqsa ayaa taagneyd intii lagu guda jira bisha Ramadan oo idil ayada oo ay jirto carro xooggan oo ka dhalatay qorshe la rabo in dad Falastiiniyiin ah looga saaro guryo ku yaalla magaalada Qudus oo ay sheegteen Yahuud. Ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay isku dhac kale oo dhacay Jimcihii, taasi oo dhalisay in dunida aay si xooggan u cambaareeyaan Yahuudda. Isku dhacyada ayaa habeen walba ka dhaca Bariga Qudus, gaar ahaan xaafadda Sheikh Jarrah, halkaasi oo Yahuudda ay damacsan yihiin inay si qasab ah uga raraan qoysas Falastiiniyiin ah, si loo dejiyo Yahuud. Kooxda loo yaqaan Dhex-dhexaadiyayaasha afarta ah ee Bariga Dhexe, oo ka kooban Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo QM ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha iyo suurta-galnimada ah in dad guryahooda laga saaro. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Israel inay muujiyaan is-xakameyn ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen. Xiisadda ayaa la filayaa inay sii kacsanaato maalmaha soo socda, ayada oo Maxkamadda Sare ee Israel ay Isniinta billaabi doonto dhageysiga kiiska dadka al rabo in laga saaro xaafadda Sheikh Jarrah. The post Sawirro: Xiisadda Al-Aqsa oo kasii dartay iyo Yahuudda oo mar kale xalay weeraray appeared first on Caasimada Online.
  18. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay in Xoghaye Mr Guterres, uu soo dhoweeyay doorka dowladda Qatar ka ciyaartay dhex-dhexaadinta ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Xoghayaha Qaramada Midoobay uu ku raja weyn yahay in go’aanka labada dal ku soo celiyeen xiriirkooda uu horseedi doono xaqiijinta cilaaqaad ku dhisan isjacayl iyo saaxiibnimo. Sidoo kale, wuxu xusay in soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu mudnaan gaar ah u leeyahay xasiloonida iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii u dambeeyay ee Israel ka fulisay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiinyiinta halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa gabood-fallada soo noq-noqday ee sannad kasta Israel bisha Ramadaan ka fuliso masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa” ayuu yiri Recep Erdoğan. Madaxweyne Erdoğan, ayaa dalalka Caalamka gaar ahaanna kuwa muslimiinta ugu baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo tacaddiyada Israel ku hayso muslimiinta Reer Falastiin. “ Banii’aadam kasta waxa la gudboon in uu hor istaago dulmiga foosha xun ee lagu hayo masjidka barakaysan iyo dadkiisa” ayuu sii raaciyay hadalka madaxweynaha Turkiga. Sidoo kale wuxu sheegay in Israel tahay dowlad Argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood. “ Israel waa dowlad argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda barakaysan iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood.” The post Erdoğan: Israel waa dowlad argagixiso ah oo mudan in tallaabo laga qaado appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada. Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Madaxweynaha saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu. Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.
  21. “Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN) Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabay murshaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yusuf. Xabsiga labada murashax waxa loo sibir-saaray, in reeraha ay labada murashax ka soo jeedaan murashaxyo kale ku leeyihiin xisbi xaakimka Kulmiye. Sidoo kale 25tii bishii Abriil 2021 ayaa labo murashax, oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa mir-dhexe oo habeenimo guryahoodii booliisku ka kaxaysteen, kuwaas oo kala ah: Abdillahi Xasan Xirsi (UCID) iyo Qasim Aden Saleeban (Waddani). Haddaba ficiladaa xukumaddu SL waxay u dhacayaan in murashaxa cidda soo sharaxdaa tahay reerka ee aanay ahayn xisbiga. Kolkaa hadday sidaa tahay, talow, maxaa looga baahan yahay xisbiyada iyo dastuurka; shaqadii xisbiyadana ay odayaasha reeruhu hayaan? Marka aad u dhabbo-gasho waxa kuu soo bixi in la isku wada raacsan yahay in doorashada dhacaysa 31da Maajo 2021 ay reero sharaxan yihiin, xisbiyaduna iska yihiin magac-u-yaal. Reerku qofka ay sharaxaan ayuun baa xisbiguna sharaxayaa. Waa afgarad sida u yaal, dawladduna midkaas ayey fulisaa. Laakiin meel bay iska qabsan la’adahay: marna laguma fulin af-garadkaas, ilaa hadda, mursahixiin ka socota xisbi xaakimka Kulmiye. Odayaal reer oo mucayin ah oo la isla og-yahay, tiro go’aan leh, meel loogu soo hagaago lehina ma jiraan. Sidaa darteed murashax waliba odayaal taageersan kama qatana. Waxa intaa dheer in murashiixintaas, muddada ay xabsiga ku jiraan, lagu dirqiyo inay saxeexaan warqado ay kaga tanaasulayaan murashaxnimadooda. Taasoo ah jawrfal loo geysanayo xuquuqdooda madaniga ah iyo xorriyadda qofka. Ogow in sharciga oo la raacaa yahay rukun ka mid ah rukumada dumuqraadiyadda. Ficilada xadgudubka ah iyo hab-dhaqanka diktaatooriyadeed ee maamulka Somaliland waxay dabaysha raacinayaan dastuurka dawladnimo ee lagu andacoodo in dalku leeyahay. Sideedaba fal-dhaqanka madaxda ayaa macneeya fekerkooda. Tusaale ahaan khudbaddii uu bishii Desembar 2020 m/weyne Muuse Biixi ka jeediyey tuulada Agabar, galbeedka Hargeysa, ayaa daaha ka feyday fekerkiisa, dubaaqiisa hoose iyo aragtida hagta-ba; taasoo uu ku tiraabay in doorashadii madaxtooyada ee 2017 ay reero ku tartameen, reerkiisuna ku guuleystay, reerihii kalena ay kaga adkaadeen doorashadaas. Sidaa darteed, waxa Mudane Biixi ku baaqay in reerkii laga guuleystay, inay libta reerkiisa aqbalaan. Macnhii ka dhigan reerkii ku guuleysta doorsahada ayaa dawladnimada wada qaata. Ogow waxay taasi meesha ka saaraysaa rukun kale oo sal u ah dimuqraadiyadda: talo-wadaag. Teeda kale waxa Somaliland ka jira saddex xisbi oo keliya oo tobonkii sannaba mar la baabiiyo oo saddex kale oo cusubi soo bixi karaan. Ma garanayo meel dunida nidaam noocaas ahi ka jiro. Arrin kale oo dhowaan soo kordhay baa iyana jirta. 21dii bishii Abriil 2021 ayuu baarlamanka Somaliland ansixiyey qaab-dhismeedka xisbiyada, taasoo meesha ka saaraysa dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii xisbi waliba goonidiisa u lahaa. Macninhii xisbiga dawladda ayaa gacanta ku haynaya maamulka xisbiyada kale. Haddii fekerka m/weynaha Biixi ee uu khudbaddii Agabar ka jeediyey lagu dabaqana, miyaanay noqonayn reerkayga ayaa reerha kale maamulaya? Waxa arrinkaa dood caqli-gal ah kala hor-yimi xildhibaanka waayo-aragga ah ee Cabdulqadir Jirde, kana digay cawaaqib-xumada talo-maroorsiga ah iyo cabudhineed ee looga aayi doono sharciga noocaas ah: xakamaynaya madax-banaanida xisbiyada. Cidi se dheg-jalaq uma ay siin. Hab-dhaqanka noocan kore ahi wuxu ka hor-imanayaa rukumo kale oo dimuraadiyaddu leedahay sida: xadaynta awoodaha hay’adaha fulinta/dawladda, ilaalinta xoriyadda ra’yiga iyo xuquuqda samaysashada urur. Haddaba, hore ayaa abwaan Cali Sugulle (AUN) uga digay khatarta dawlad iyo qabiil la is-dhex-geliyaa keeni karto, ama cidhib xumada qabiilka la reer-gashadaa (institutionalising) leeyahay, macnihii dawladnimada lagu badhxo reero. Waxa laga filaaba waa holac: dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay. In qabiil la reer-gashadaa, ma aha runtii, mid u gaar ah Somaliland. Geyiga Soomaalida oodhan baa dhibkaasi ka jiraa. Laakiin iyada waxbaa u weheliya: waxay ku faantaa oo dunida ka iibisaa dimuqraadiyad baanu ku dhaqannaa, Soomaali inteeda kale-na tusaal wacan oo lagu naaloodo bay u ahayeen. Imika se xaajadu waxay maryasaa in su’aal la saaro: dimuqraadiyad noocee ah ayaa Somaliland ka jirta? DIMUQRAADIYAD QARQOOSH? Allow sahal amuuraha. Wa Bilaahi Towfiiq Maxamuud Cabdullahi Axmed Tixraac DAAWO: Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Murashixiin Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Loo Taxaabay (hadhwanaagnews.ca) Somaliland opposition speaks out against jailed candidates – Somali Dispatch Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Nuxurka Khudbadii Shacabka Reer Agabar U Ujeediya – YouTube “Dalka Saddex Xisbi Ma Anfacayaan” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde – YouTube AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dimuqraadiyad noocee ah ayaa ka jirta Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  22. Dawladda Soomaaliya, ayaa Khamiistii Shaacisay inay dib u soo celisay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay Dawladda Kenya, kaasi oo ay hore u goysay Dawladda Muqdisho. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xidhiidhka Kenya goysay Sannadkii hore Dabaqayaadiisii, ka dib markii ay ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sidoo kalena ay uu cuslaaday kiiska badda ee labada dhinac ka dhexeeya. Xilligaasi, Dawladda Soomaaliya waxay Muqdisho ka eriday Safiirkii Kenya u joogay, halka u yeedhatay Safiirkii u joogay Nairobi. Laakiin, Khamiistii oo Taariikhdu ahayd 6-da bisha May, 2021 ayay Dawladda Muqdisho ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, ka dib markii sida ay sheegtay ay ku heshiiyeen inay is ixtiraamaan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrintaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” Laakiin, Warka ah in Dawladda Soomaaliya soo celisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyadoo sheegaysa inay ku heshiiyeen in la ilaaliyo Midnimada dhuleed ee labada dal, ayaa waxay arrintaasi ku soo beegmaysaa xilli aanay Dawladda Kenya fulin heshiis ay la gashay Somaliland, kaasi oo ay ka mid ahayd inay Xafiis Wakiileed ka furato Magaalada Hargeysa, isla-markaana masuuliyiinta Dawladdu ay Baasaaboorka Somaliland ku tagaan Kenya iyo arrimo kale oo ay ka mid ahayd in diyaaradaha Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Hargeysa. Dadka qaarkood ayaa hore u qabay in Kenya sababta ay Somaliland heshiiska noocaas ah ula gashay ahayd inay ku cadaadiso Dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo hadda shaki ka muujinaya in ka *****so fulinta heshiisyadii ay la gashay Somaliland, maaddaama oo ay Soomaaliya kula heshiisay in la ilaaliyo waxa loogu yeedhay ‘Midnimada dhuleed’, kaasi oo u muuqda in Soomaaliya kaga hor-tagayso xidhiidhka Kenya la samaynayso Somaliland. Source