Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Amniga Qaramada Midoobaya, ayaa maanta oo Isniin ah kulan deg dega ka yeelanaya xaaladda ka taagan magaalada Quddus ee dhulka Falastiiniyiinta, halkaas oo Ciidamada Israa’iil tacaddiyo ka gaysanayaan. Tan iyo bilowgii bisha barakaysan ee Ramadaan ciidamada Israa’iil ayaa weeraro kala duwan la beegsaday dadka Rayidka ah ee ku sugan magaalada Quddus, waxaana arrintaas ka dhashay khasaare naf iyo maal leh. Tacaddiyada Israa’iil ayaa saamayn xooggan ku yeeshay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa, kaas oo laba habeen ka hor ay ciidamada Israa’iil weerar la beegsadeen, islamarkaana dhaawacyo gaarsiiyeen in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah. Kulanka Golaha Amniga ee maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa xilli ay weli sii socdaan tacaddiyada Israa’iil ku hayso muslimiinta ku nool magaalada Quddus. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda Quddus appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto dadka qaraxyada iyo amni-darrada ka wada magaalada Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda” Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii ku dhintay Qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Kenneth Kaunda puts his longevity down to his diet, reportedly saying: “I eat only vegetables, like an elephant” In our series of letters from African journalists, Sierra Leonean-Gambian writer Ade Daramy considers what young Africans know about their recent history – and why it is important. I was shocked to find out on the 97th birthday of Kenneth Kaunda – Zambia’s first president and a giant in the fight against colonialism – that some people had never heard of him. I had posted my birthday greeting to the nonagenarian on social media on 28 April with the tag line: “The only African independence leader from the 1960s still alive.” Many celebrated. Other were astonished, saying: “I didn’t realise he was still alive.” But to be honest, those under the age of the 30 were clueless. Kenneth Kaunda (R), seen here with a Zimbabwean struggle leader Joshua Nkomo (L), was at the forefront of calls for independence For someone who grew up in the 1960s in Sierra Leone, this was difficult to fathom. I was part of a special generation of Africans observing the emergence of colonial states on the continent into independent nations. UK Prime Minister Harold Macmillan, fresh from visiting several British African colonies, had delivered his now-famous “Wind of Change” speech in Cape Town to South Africa’s all-white parliament on 3 February 1960. In 1960 UK PM Harold MacMillan (L) signalled that Britain was going to grant independence to its colonies By the following year, 17 African countries had gained independence. At school my classmates and I could proudly reel off the names of the leader of every independent African nation, including Milton Margai of Sierra Leone, Dawda Jawara of The Gambia, Jomo Kenyatta of Kenya, Patrice Lumumba of Congo, Ahmed Sekou Touré of Guinea, Modibo Keïta of Mali, Léopold Senghor of Senegal – as well as Mr Kaunda. Egg and milk promise Kaunda, the youngest of eight children, was a school teacher before joining the independence struggle. This is when he became known for his guitar playing, composing liberation songs and travelling the country to drum up support for the campaign against colonial rule. Kenneth Kaunda famously wields his guitar wherever he goes – here on an official visit to Portugal in 1975 He went on to become Zambia’s founding president at the age of 40. His wish, he said, was for Zambians to have an egg on their table for breakfast every morning, a pint of milk – and for every Zambian to have a pair of shoes on their feet. Popularly known as KK, during his presidency he was a fierce critic of apartheid South Africa and white-minority rule in Rhodesia, now Zimbabwe – and he allowed groups fighting these regimes, like the African National Congress (ANC), to make Zambia their base. Less than a month after anti-apartheid leader Nelson Mandela was freed from prison in 1990 he visited Zambia, the home in exile of the ANC To begin with he made huge strides towards improving the lot of Zambians, but betrayed the promise of democracy by introducing a one-party state in 1973. Mr Kaunda was the only candidate in elections in 1978, 1983 and 1987 – scoring more than 80% of the vote each time. He must have been too embarrassed to register 100%. Even within his own party, he changed the rules to keep getting selected as the only candidate. Eventually, Zambians felt Mr Kaunda had overstayed his time in office and voted him out in 1991 after mass protests forced him to reintroduce multi-party elections. Dreams forgotten In the three decades since the rush and joy of independence, the continent had become awash with dictatorships – which may explain why some of its post-colonial leaders are no longer remembered by a younger generation. Some were assassinated or deposed in coups, others had forgotten the dreams of people and the promises made to them. Africa still has leaders who have been in power for more than 20 or 30 years. Some have been in power for almost 40 years, like Cameroon’s President Paul Biya. He is only the second president Cameroon has had since independence from France in the 1960s. Perhaps it is because of this legacy that men who should be lionised are largely forgotten. And it makes me wonder what is taught in African history classes today. Surely Mr Kaunda – who since leaving office has largely kept out of politics and has devoted much of his energy to fighting HIV after losing one of his sons to Aids in the late 1980s – is someone who ought not to be forgotten. He is a living reminder of the continent’s history – good and bad – and we can learn from both. Source: BBC The post Kenneth who? How Africans are forgetting their history appeared first on Puntland Post.
  4. Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka ayaa sheegay in ay qabteen hub aad u fara badan oo sharci darro ah oo ay lahaayeen Ruushka iyo Shiinaha, kaasi oo saarnaa dooni aan sidan wax calan ah oo ku safraysay biyaha caalamiga ah ee Badda Waqooyiga Carabta. Markabka Shanaad ee ciidamada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay in markabka USS Monterey uu qabtay doonta uuna ogaaday xamuulka saaran intii uu socdal howlgal laba cisho ah oo dhacay 6-dii iyo 7-dii bishan. Hubkan ayaa ku jira gacanta Mareykanka, iyadoo uu baaritaan ku socdo halka laga leeyahay iyo goobta loogu tala galay in la geeyo, ayaa lagu yiri warbixinta ciidamada. Qoraalka ayaan lagu xusin halka uu markabku ka yimid, laakiin waxaa lagu sheegay in kormeerayaasha joogtada ah ee ciidamada badda Mareykanka ee gobolka ay carqaladeeyaan gaadiidka xamuulka sharci darrada ah ee inta badan maalgeliya argagixisada iyo howlaha sharci darrada ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo qabtay hub ay leeyihiin Ruushka iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraallo ka soo saaray geerida Taliyihii Saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo ka mid ahaa dad caawa lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga. Ugu horey Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo kamid ahaa dhalinyaradii qaybta kasoo qaatay difaaca Dalka. Geerida Taliye Baashane waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo qoyskii Marxuumka Allaha u naxariistee.” Qoraalka Sheekh Shariif ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii argagixisada lahaa ee saldhiga Waaberi lagu weeraray waxaan Alle u weydiinayaa caafimaad degdeg ah. Argagixisadu maleh diin waana mas’uuliyad guud in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa.” Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna qoraal uu soo saaray waxa u uku yiri, “Allaha u naxariisto taliye Axmed Sh Cabdullahi Baashane. Waxa uu ahaa nin akhlaaq badan oo dabeecad wanaagsan, mustaqbalka booliiska Soomaliieed oo soo ifaya ayuu ahaa. Waxaan uga tacsiyaynayaa abihiis Sh Baashane oo an saxiiib ahayn muddo dheer iyo dhammaan ahalkiisa iyo ummadda Soomaliyeed.” Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray isna waxa uu ku yiri, “Allaha u naxariisto taliyihii saldhigga Waaberi Axmed Baashane oo caaway kooxaha argagixisadu ay ku beegsadeen qarax, inta kale ee la dhimatay Allaha u raxmado. Dhaawacana Allaha u booga-dhayo. Waa geeri xanuun badan.” Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno waxay sheegayaan in dhaawac goobta looga qaaday uu u geeriyooday Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey. Dad shacab ah oo wadada maraayey, saraakiil iyo askar ayey sidoo kale dhimasho iyo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu dhanyahay khasaaraha guud ee ka dhashay. The post Sheekh Shariif, Fiqi, iyo Odawaa oo war ka soo saaray qaraxa saldhigga Waaberi appeared first on Caasimada Online.
  6. Marxuum, Axmed Colaalay Taliyihii saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Baashane (Colaalay) ayaa caawa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala isgayska Dabka. Marxuum, Cabdi Baasid Cagey Sidoo kale qarax waxaa ku dhintay sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Baasid Maxamuud Cagey, askar iyo dad rayid ah oo aan weli tiradooda la xaqiijin. Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli faahfaahin ka bixin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi. PUNTLAND POST The post Saraakiil boolis oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ku qarxay Afaafka hore ee saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqidsho. Qaraxan oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha ka agdhaw saldhigga ayaa waxaa ka dhashay khasaare kale duwan . Inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku geriyootay qaraxa , kuwaas oo uu ku jiro Taliyihii Saldhigga Waaberi Axmed baashane . Baashane ayaa ka kim ahaa saraakiidha dhalinyarada ah ee Fir fircoon kuwaas oo ku jira Booliiska. Wixii Faahfaahin ah kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (HOL) - A vehicles loaded with explosives has rammed into Waberi police station in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - Somalia has maintained the ban on khat imports from Kenya stands despite resumption of diplomatic ties. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu weli mamnuuc ka yahay qaadka Kenya ee Miraa, kaas oo sanadkii hore la joojiyay. Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa uu mamnuuc ka yahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda horey ugu joojisay. Hay’adda waxay sheegtay in ciddii qaadka Kenya keenta Soomaaliya iyadoo ogolaansho haysan loo arki doono ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya. Go’aanka qaadka ayaa ku soo aaday iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay todobaadkii hore dib u soo celisay cilaaqaadkii ay la hayd Kenya oo muddo xumaa. Soomaaliya ayaa hadda waxaa yimaada qaadka Itoobiya ee Hareeriga, waxaana la sheegaa in ay ka ganacsadaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo war ka soo saartay qaadka Kenya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa hadda ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir. Warar hor dhac ah waxay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhacay saldhigga degmada Waaberi, oo ku yaalla meel u dhaw isgoyska Dabka. Illaa hadana lama xaqiijin nooca uu yahay. Wararka horudhac ah ee aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay qaraxan, balse weli lama hayo tirada rasmiga ah. Faah-faahin dhameystiran goor dhow kala soco Caasimada Online. The post DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ka dhan ah Qaadka Kenya ee Miraa, kaas oo mar kale ay ku celisay in aan la soo geli karin Soomaaliya, islamarkaana uu sidiisii yahay go’aankii ay ku joojisay dowladdu. “Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya. Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in hadii la isku dayo in Soomaaliya la keeno Qaadkaas, ay tallaabadaas dowladda Soomaaliya u tix-geli doonto xad-gudub ka dhan ah hawada Soomaaliya. “Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Hey’adda Duulista Hawada ayaa qoraalkeeda ku tiri, “Sidaas darteed Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay si adag ula talineysaa dhammaan hawlwadeennada in aysan ku dhaqaaqin usoo dhoofinta Mirra ee Soomaaliya illaa amar dambe ay ka soo saarto Hay’addu.” Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo soo celiyey xiriirkii go’ay ee kala dhaxeeyey Kenya, balse weli ma fasixin Qaadkii ka imaanjiray dalkaas oo la joojiyey markii uu xumaaday xiriirka labada dal. Shacabka iyo dowladda Kenya ayaa aad u daneeya in dib loogu fasaxo suuqoodii Qaadka ee Soomaaliya, balse in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba xirto suuqaas waxaa sababay khilaaf asalkiisu yahay xuduuda badda ee labada dal, kaas oo dhawaan ay maxkamadda ICJ qaaday dacwadiisa, isla markaana laga sugayo go’aan kama dambeys ah. The post DF oo go’aan cusub kasoo saartay keenista qaadka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in laga goostay mushaarka bishii la soo dhaafay ee April, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada. Ciidanka laga goostay mushaarka ayaa ka tirsan Guutada 14-ka October, waxaana tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100 askari waxayna ka howlgalaan degaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose. Askarta mushaarka loo diiday ayaa la sheegay in qaarkood ku dhaawacmeen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bariire 3-da Bishii April ee sanadkaan, halka qaar kalane oo kamid noqdeen kuwii ku dhintay dagaalkii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ku qaadeen isla degaanka, balse xuquuqdooda laga goostay ehalladooda iyo carruurtii ay ka tageen. Qaar kamid ah ciidanka mushaarka laga joojiyay ayaa sheegay in dhamaantood ay joogeen Bariire oo bil ka hor ku qabsaday dagaal qaraar oo ay ku waayeen tobaneeyo saaaxiibadood ah, hase yeeshee 20 maalmood kadib markii ay la dagaaleen Al-Shabaab mushaarkii laga goostay. Lama oga sababta rasmiga balse waxay wararku sheegayaan in tiro koob lagu sameeyay maalmo ka hor laga reebay liiska askarta dhaawacyada ah, akoonada kuwa dhintay, askar fasax ku jirtay iyo kuwa xiligaas roondo ku maqnaa. Ciidamada ayaa sheegay in markii hore askarta la siin jiray wargelin ah in uu jiro tiro koob maalmo ka hor inta aysan imaanin qolada qaabilsan balse kan uu ahaa mid kadis lagu sameeyay. Ciidanka laga goostay lacagta ayaa baaq u diray madaxda dowladda iyagoo sheegay in xilli adag ay kusoo aaday. The post Xog: DF oo mushaarka ka goosatay 100 ka mid ah ciidamada xoogga dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. The voter registration system handed over to TPEC in Garowe today. Garowe (PP News Desk) — Puntland Transitional Electoral Commision today received a voter regulation system from PIITECH, an IT consultancy. The equipment will be used to register voters at the three districts designated for pilot local government elections to take place in 2021. In 2020 PIITECH won a tender to supply the voter registration system to be used by TPEC. Ten political associations will contest the pilot local elections. Three of them will graduate to political parties. Mohammed Ismail Siibad, the Chairman of Mustaqbal, a political association, slammed TPEC for violating the electoral roadmap and the universal suffrage stipulated in the Puntland Constitution to conduct elections only in three districs. © Puntland Post, 2021 The post TPEC Receives Voter Registration System appeared first on Puntland Post.
  15. WQ: Cabdiraxmaan Ciise Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa maanta shirkadda PIITECH kala wareegay qalab caasriya oo ka kooban Server, computers, printers, IRIS iyo softwares, kuwaas oo loo isticmaali doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha, si loo hirgeliyo doorashooyin ku salaysan hannaanka xisbiyada badan. “Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kala wareegay shidkadda PIITECH qalabkii casriga ahaa ee diiwaangelinta oo ka kooban, server, computers, printers, IRIS iyo softwares koodii” ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga. Sidoo kale, guddiga ayaa horay u dhammaystiray diiwaan-gelinta ururada siyaasadda iyo diyaarinta dhammaan habraacyada iyo xeerarka as’aasiga ah ee barnaamijkan, waxaana diiwaan-gelinta codbixiyaasha kadib loo gudbi doonaa doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku salaysan qof iyo cod. Bartamaha sannadkan 2021, waxa qorshaysan in doorashooyin hordhac ah laga qabto saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, islamarkaana bilowga sannadka dambe degmooyinka oo dhan laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose oo qof iyo cod ah. Haddaba, maxaa ka hirgelay ballan-qaadkii madaxweyne Deni ee arrimaha dimoquraadiyaynta? 7 January 2019, madaxweyne Deni oo markaas murashax ahaa, ayaa khudbad uu Baarlamanka u jeediyay ku ballan-qaaday, in haddii la doorto uu sannadka u horreeya ku bilaabi doono barnaamijka xisbiyada badan. 17 August 2019, oo ku beegan todoba bilood kadib markii la doortay, ayuu madaxweyne Deni magacaabay guddiga KMG doorashooyinka Puntland, waxaana Baarlamanku ansixiyay 16 November ee isla sannadkaas 2019. 14 December 2019, waxa si rasmiya loo daah-furay qorshe-hawleedka iyo jadwalka guddiga ee ku aaddan taabba-gelinta barnaamijka dimoquraaddiyaynta, si shacabka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. 15 December 2019, guddiga ayaa bilaabay diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo saddex wareeg kadib la dhammaystiray 1-dii August 2020, kaas oo ay ka soo baxeen 10 urur siyaasadeed. 15 August 2020, waxaa shahaadooyin la siiyay 10-ka urur siyaasadeed ee ka soo gudbay dhammaan shuruudihii diiwaan-gelinta, kana qayb-geli doona doorashooyinka golayaasha degaanka. 4 February 2021, xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa ansixiyay xeerka diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo uu soo diyaariyay guddiga, islamarkaana qeexaya habka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha. 13 February 2021, guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa ansixiyay seejooyinka doorashada iyo goobaha cod-bixinta saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo laga qaban doono doorashooyin hordhac ah. 14 February 2021, waxa guddigu shaaciyay seejooyinka iyo goobaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee saddexda degmo oo kor ku xusan, kuwaas oo bartahama sannadkan 2021 laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo qof iyo cod ah. 16February, waxa la ansixiyay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood, ayna ku jiraan xubnaha sare ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo xubno laga soo xulay bulshada kale. Sidoo kale, guddigu wuxu dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland ka sameeyay wacyi-gelin ku saabsan barnaamijka xisbiyada badan, isagoo kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulsada iyo ururada siyaasadda. 1 March 2021, guddiga TPEC, wuxu xaruntiisa kula shiray wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo ay wada-shaqayn leeyihiin sida wasiirka Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda, Dhalinyarada iyo warfaafinta. 11 March 2021, guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo marti ku ahaa barta xiriirka bulshada ee loo yaqaan ‘Club House’ ayaa shaaciyay in la dhammaystiray dhammaan habraacyada iyo xeerka hannaanka xisbiyada badan. 9 May 2021, oo ku beegan maanta, ayuu sidoo kale guddigu la wareegay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha, waxaana diiwaan-gelinta kadib loo gudbayaa doorashooyinka tijaabada ah ee bartamaha sannadkan. The post PUNTLAND MA HAYSAA WADADII DOORASHO QOF IYO COD AH? appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay inuu jiro is-bedel ku yimid kiiskii Badda ee yaalay maxkamadda ICJ, kadib heshiis lagu soo celiyey xiriirka oo dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyay khilaaf xoogan. Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in kiiska Badda ay labada waddan ku xalinayaan meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo uu ku tilmaamay “mala-awaal aan sal iyo raad laheyn”. Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay difaaca iyo u-dagaalanka taako kasta oo kamid ah xuduudeheeda, gaar ahaan midda badda oo xiligan uu muran kala dhaxeeyo Kenya. “Muranka badda waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda. Mala-awaal ma aha xaqiiqo mana ahan aasaaska sharciga. Waxaa naga go’an inaan u dagaallano, difaacno oo aan ilaalino taako kasta oo ka mid ah xudduudaha badda ee Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan dadkeenna,” ayuu yiri Cabdirashiid. Hadalkaan ayaa sii xoojinaya mid uu dhawaan sheegay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu rajo wanaagsan uga muujiyey, kuna sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoynayso kiiska Badda, hase yeeshe waxaa xiligan is-bedel ku yimid xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kaasi oo kal hore meel xun gaaray. Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inuusan jirin kulan gaar ah oo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku dhex-maraya caasimada Qatar ee Doha. “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar,” ayuu yiri. “Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda. Soomaaliya Hanoolaato.” Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Muranka badda ee Kiiskeedu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ lagu xalinayo meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ay ka tanaasushay dacwaddaas. Dib usoo celinta xiriirka labada dal ayaa waxa dadaal badan ku bixisay dowladda Qatar, oo ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, sidoo kalena Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Qatar ayaa aad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay. The post Villa Somalia oo war kasoo saartay kiiska badda iyo kulan la sheegay inuu ka dhacayo Doha appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Casimadda Online) – Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo ay mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhexdhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeyn Midowga Musharixiinta. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhexdhexaadinta. Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu laaluush ka qaato Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka islamarkaarna uu siraha wada-hadallada u gudbiyo taliska madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Midowga musharixiinta ayaa ku adkeysatay in ka mid noqoshada Taiwo ay tahay mid aysan aqbali karin sababo la xiriira dabeecadiisa musuq-maasuqa iyo cilaaqaadka uu la leeyahay Villa Soomaaliya. “Ma aqbali karno in ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika uu ka qeybqaato wadahadal xasaasi ah ama qaabab kale oo xiriir ah ilaa iyo inta Mr Taiwo uu ku jiro boos kasta uu ku heli karo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay musharixiinta. “Marka waxaan si xushmad leh u codsaneynaa in laga laabto magacaabida Mr Taiwo iyadoo la tixgelinayo kooxda Ergeyga Gaarka ah waxaana si adag ugu talineynaa in dib loogu celiyo waax kale oo ka tirsan Midowga Afrika,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoralka. Talaabadan uu Midowga Africa qaaday ayaa loo arkaa inay tahay mid ka qeyb qaadan karto ka mira dhalinta kulanka uu madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe ugu yeeray Ra’isulwasaare Roonle kaasoo lagu ballansan yahay 20 Bishaan. The post Midowga Afrika oo si deg deg ah u aqbalay dalabkii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
  18. Hub Mareykanku qabtay+cida leh & Xoggo kale oo xasaasiya Hubka la qabtay Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka ayaa Axadda maanta ah sheegay in ay qabteen hub aad u fara badan oo sharci darro ah oo ay lahaayeen Ruushka iyo Shiinaha, kaasi oo saarnaa dooni aan sidan wax calan ah oo ku safraysay biyaha caalamiga ah ee Badda Waqooyiga Carabta. Markabka Shanaad ee ciidamada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay in markabka USS Monterey uu qabtay doonta uuna ogaaday xamuulka saaran intii uu socdal howlgal laba cisho ah oo dhacay 6-dii iyo 7-dii bishan. Hubkan ayaa ku jira gacanta Mareykanka, iyadoo uu baaritaan ku socdo halka laga leeyahay iyo goobta loogu tala galay in la geeyo, ayaa lagu yiri warbixinta ciidamada. Qoraalka ayaan lagu xusin halka uu markabku ka yimid, laakiin waxaa lagu sheegay in kormeerayaasha joogtada ah ee ciidamada badda Mareykanka ee gobolka ay “carqaladeeyaan gaadiidka xamuulka sharci darrada ah ee inta badan maalgeliya argagixisada iyo howlaha sharci darrada ah”. Qaran News
  19. Hadhaadigii Jabhadii ONLF oo usoo qaashaaratay inay fidno ka dhex abuuraan Dadka Walaalaha ah ee reer Awaare. Asalaamu Calaykum Iyada oo lagu jiro casrigii horumarka, wax wadaqabsiga iyo iskaashiga dadweynaha uu Eebbe ku uumay geeska Afrika, isla markaasna ay Shucuubta ku nool Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalidu ay bilaabeen iskaashi ay Nolol ku abuurtaan, una soo jeesteen dhismaha Jidadka iyo fududaynta ganacsiga iyo isu socodka, ayaa waxaa dhinaca kale jira kooxo Nabad diid ah oo ka soo hor jeeda Horumarka iyo Nabada Gobolka ka hano qaaday. Haddii aan hoos ugu soo daadego nuxurka qoraalkayga, degmada Awaare ee ku taalla dhinaca Koonfur Bari ee Itoobiya waxay Xudun u tahay Nabada iyo Horumarka ka bidhaamaya Geeska Afrika, waa meel ay si Nabad ah oo walaalnimo ah ay u wada nool yihiin Labada Beelood ee Ogaadeen/reer Isaaq iyo Ciidagale oo labaduba ka daalay dagaalo boqolaal sanadood socday oo ay jiilal badani ku riiqmeen, nasiib wanaagse aan tan iyo sanadkii 1987 la soo sheegin wax Colaad ah oo dhex marta labadaas beelood. Labadan beelood oo caan ku ahaa dagaalo aad u qadhaadh oo dhex mara xilli kasta, waxa uu ay garawsadeen inaanay cidina ka macaashayn dagaal ee ay fiican tahay in Nabad la helo. Gabayaa Ogaadeen ahaa oo caan ahaa oo la odhan jiray Xarbi dheere oo khatyaan ka istaagay dagaalkaas dheeraa ee bilaa micnaha ahaa ayaa wuxuu yidhi Allahayow Anaga iyo Ciidagale markaad abuuraysay maad mid abuurkiisa ilowdid, kol hadii aanu isku dhamaanayno. Gabaygii Xarbi dheere waxaa ka mid ahaa; “Annagiyo irdaha Ciidagale, waan isku idlaane Hadba aarankii kaca, sidii ood ha loo jaro’e Bal abuuritaankayagi hore, maa mid la illaawo” Allah Mahadi haka gaadhee labadaas beelood ee Ogaadeen iyo Ciidagale waxay ku wada daaqayeen Nabad iyo Walaalnimo keentay in baadida Geella la isu celiyo iyada oo geel qaadkii iyo dhibtii dagaalada laga ilbaxay. Magaalada Awaare oo ka mid ah meelaha aan ugu jecelahay dhulka Hawd, waxa wada dega oo si Nabad ah u wada leh labadaas reer ee aynu kor ku soo sheegnay oo aan reerna reer kale marti u ahayn ee la wada deggan yahay. Magaalada Awaare waxay ahayd halkii uu ku yaallay dugsigii Tababarka ee Ururkii SNM, waana meesha uu ku aasan yahay Allah ha u naxariistee Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo geesiyaal kale oo badani, mana aha meel si yar oo fudud ay ONLF iyo fidmawale kale wax dhib ah ka samayn karin. Hadhaadigii ONLF waxay doonayaan inay carqaladeeyaan horumarka ay deegaanadaas ka wadaan Madaxweyne Maxamed Cumar iyo Xukuumadiisa, iyo Dadka deegaanka oo dhexda u xidhay horumarinta Jidka isku xidha Awaare ilaa Berbera oo ay hawshiisu xawli ku socoto. Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Dadweynaha reer Awaare ee Walaalaha ah inay ka digtoonaadaan hadhaadiga ONLF ee fidmada wada, kana hor tagaan cidii carqaladaynaysa horumarkooda iyo nabadgelyada Mandiqada. Kalsooni weyn ayaan ku qabaa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Maxamed Cumar oo isaga laftiisu asal ahaan u dhashay degmada Awaare, isla markaasna ah hogaamiye Qowmi ah oo fahman horumarka uu Gobolku higsanayo, waajibna ay tahay in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo carqaladaynaysa horumarkaas. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid MarkaanArkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Waalidiinta dhalay dhalinyaradii tobabarka ciidan-nimo loogu qaaday dalka Eritre oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda u qabtay muddo ku siman toddobaad inay wiilashooda ugu soo celiyaan. Waalidiintaan ayaa sheegay inay wiilashooda la’yihiin labo sanno, islamarkaana ay rabaan inay dib u arkaan, maadama mudada intaas le’eg aysan ka warqabin xaalada ay ku sugan yihiin, lana soo warinayo warar sheegayay inay ku la’deen dagaalkii Tigray. Waxay dalbadeen in wiilashooda loo soo gacan-geliyo, ayaga oo sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii loo qaaday tobabarka laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka kuwooda ay maqan yihiin, sida ay sheegen. “Caruurteena waa in naloo keena sida ugu dhaqsaha badan, nimankii loo qaaday tobabarka ayaa la keenay oo kuwii ka horeeyay ayaa la keenay, waxaan dowladda ka codsanayaa in awlaadeena ay noo keenaan,” ayey tiri Hooyo kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay ee wiilashooda ka maqan yihiin. “Ilmaheena qaar sanad iyo labo sanno ayey maqan yihiin, doorasho dhici mayso mana dhaceyso ilaa caruurteena naloo keenayo, mana joojineyno mudaharaadka, waana in sida ugu dhaqsaha badan naloogu keeno.” Sidoo kale waxay sheegen in wiilashooda ay qaarkood ka baxeen Eritrea oo ah dalkii ay dowladda hore ugu qaaday tobabarka, kadib markii ay kala kulmeen xaalad adag, sida ay sheegen qaar kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay. Waalidiintaan oo iskugu jiray aabayaasha iyo hooyoyinka dhalinyaradii tobabarka loo qaaday Eritrea ayaa waxay dowladda iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ka dalbaday inay caruurtooda ugu soo celiyaan muddo ku siman toddobaad. Dhalinyarada loo qaaday tobabarka ee la geeyay Eritrea ayaa waxa ka dhalatay xiisad hor leh, waxaana dhowr jeer lasoo wariyey inay ka qeyb-qaateen dagaalkii Tigray ee xukuumadda Abiy Axmed ku qaaday, inkasta oo ay beenisay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday. Hoos ka daawo muuqaalka waalidiinta The post Waalidiinta wiilashooda loo geeyey Eritrea askar ahaanta oo war cusub saaray + Video appeared first on Caasimada Online.
  22. MOGADISHU (HOL) - The opposition in Somalia has called for the withdrawal of AMISOM head of political affairs Taiwo Babatunde in the AU mediation team terming him a ‘toxic influence’ in Somali politics. Source: Hiiraan Online
  23. Shirkadda PIITECH ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku wareejisay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha. Guddiga ayaa shaaciyay in ay shirkadda PIITECH kala wareegeen qalabkan oo ka kooban server, computers, printers, IRIS iyo softwares koodii. Qalabkan ayaa loo isticmaali doonaa diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo dhowaan ka bilaaban doonta degmooyin ka tirsan Puntland. Guddiga ayaa sheegay in ay saddex degmo si hordhac ah uga qaban doonaan doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisibiyada badan. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo la wareegay qalabka diiwaan-gelinta codbixiyaasha appeared first on Puntland Post.
  24. Qaar ka mid ah waalidiinta Caruurtooda Tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa sheegay in ay mudda bilooyin ah aysan helin xogta Caruurtooda . Waalidiintaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay caruurta laga qaaday ay isugu jiraan kuwa maqan Sanad iyo Bar iyo kuwa la qaaday Laba sano ka hor . Hooyooyinka ayaana sidoo kale sheegay in ay caruurta qaar lagu xiray xabsiyo ku yaallla dalka Ethiopia, halka kuwa kalena ay kala firdhadeen kadib markii la geliyay dagaaladii u dhaxeeyay xukuumadda Abiy iyo ururka TPLF. Waalidiinta Caruurta ka maqan tahay ayaa sheegay in ay dhowr jeer codsiyo u direen Xafiiska Madaxweeynaha iyo mid ka Ra’iisul wasaaraha balse aysan weli Jawaab ka helin Mas’uuliyiintaas. Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dhowr jeer ah oo hore Askar Tababar ugu qaaday dalka Eritrea, iyadoo Askartaas intooda badan la la’yahay . Hoos Ka Daawo Muuqaalka Cabashada Waalidiinta . Source: goobjoog.com
  25. Tan iyo markii ay Qatar ku guuleysatay Arbacadii soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo baxay shaki badan oo laga qabo in is-afgaradka labada dhinac uu qeyb ka yahay soo celinta kiiska muran xadeedka badda ee la filayo in ICJ ay go’aan ka gaarto dabayaaqada sanadkan iyo weliba heerka uu gaaray loolanka Qatar iyo Imaaraadka ee geeska Afrika. Go’aanka labada dal ay xiriirka kusoo celiyeen waxaa u sabciyey Amiirka Qatar Tamiim, isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh halka Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala taahni oo wareysi gaar ah siiyey Al-Jazeera uu sheegay in arrintan timid kadib markii ay Farmaajo iyo Uhuru ay warqado ka heleen Amiirka. Dhanka Soomaalida inkasta oo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu sheegay in muranka badda lagu soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , kadib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan, lana sugayo xukun cadaalad ah, laakin waxaa jiro xildhibaanno shaki muujiyey waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqhi iyo Cabdiraxmaan Odowaa, iyada oo Fiqhi uu yiri “Kiiskii muranka baddu ma muddo kordhintii laga noqday oo kale ayuu noqday?! Waa lagama maarmaan in madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday in uu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan arrintan.! Halka Xildhibaan Odowaa oo qabo “Tanaasul badane Farmaajo amuu baddeenna ka soo tanaasulaa!”. Shakiga xildhibaannada waxaa ay sidoo kale kuusoo aadeysaa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in 21-ka bishan laga yaabo iney Doxa tagaan Farmaajo iyo Uhuru, isla markaana la isku raaco in kiiska badda lagu dhameeyo wada hadal ka baxsan ICJ, taas oo aheyd dalabka Nairobi. Maxay Tahay Faa’idada Qatar ugu Jirta Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya?! Qatar 2017-kii, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda Khaliijka iyo loolankooda kala dhaxeeyey Doxa ayey Soomaaliya siiyey mashruuc ku kacaya $ 200 million oo ah dhismaha Jidadka Muqdisho-Afgooye(30 kilometr) iyo Muqdisho-Jowhar(90 kilometr), mashruucaasi oo weli socda ayey hadana ka shaqeysay isu soo dhowaanshiyaha Soomaaliya iyo dal kale oo Doxa kala dhaxeeyo heshiis arrimo badeed kaas oo ah Kenya. Si ay isugu ballaariso bariga Afrika, shirka Qatar Petroleum ayaa bartamihii 2019-kii sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri. Qatar ayaa aaday dhanka bariga Afrika, dano badanna ku leh kadib markii Imaaraadka ay uga hor mareen Khaliijka Cadan iyo aagga badda Cas, shakiga ayaa ah in hadda heshiiskan ay dhex dhigtay Soomaaliya iyo Kenya uu arrinkaas la xiriiro. Imaaraadka iyo Geeska Afrika: Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World ayaa khamiistii hore waxaa ay $1 billion ku bixin doontaa dhismaha jidka dekadda Berbera iyo Itoobiya. Shirkada Imaaraadka ayaa gobolkaas joogay afartii sano ee ugu dambeysay. DP World ayaa waddo mashruuc lagu casriyeynayo dekadda Berbera oo ku kacaya $442 million , kaas oo ay heshay 30 sano 2017-kii. Shirkadda kale ee Imaaraadka P&O Ports ayaa iyada waxaa ay isla sanadkaas 2017-kii heshay maamulka 30 sano dekadda Boosaaso, waxaa ay ku kaceysaa $336 million. Loolanka Qatar iyo Imaaraadka kuma koobna Soomaaliya ee waxaa uu ka jiraa meel badan oo Afrika iyo Asia ah, waana labo dal oo dhibaatadooda ay ka badan tahay faa’idad ay wadaan. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Loolanka Qatar iyo Imaaraadka ma sababi karaa in Soomaaliya lasoo noqoto kiiska Badda? appeared first on Caasimada Online.