-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado ku aaddan xadidda Fiisooyinka ku soo rogaya Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray iyo dhibaatoobinka welli gobalkaasi laga soo warinayo . Kumanaan dad ah ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen lixda bilood oo gobalka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigre xukuumadda Abiy ay kula dagaalameysay kooxda TPLF . Kooaxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo wariyay in ay jiraan goob fallo isugu jira kufsi, dilal aan sharci aheyn iyo raritaanka qasabka ah oo ciidamada Federaalka ay halkaasi ka geysteen . Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony J. Blinken ayaa sheegay in mareykanku uu dhowr jeed ku cel celiyay cabsida iyo walaaca laga qabo xadgudubyada ka socda Tigre . “Waxaan si isdaba joog ah uga dhawaqnay welwelka weyn ee aan ka qabno xadgudubyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya. Laga bilaabo maanta, waxaan qaadeynaa talaabooyin aan ku soo rogeyno xayiraad fiiso kuwa aan aaminsanahay inay mas’uul ka yihiin sii wadista isku dhaca.” ayuu yiri Antony J. Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka . Intii ay socdeen dagaaladii Xukuumadda iyo TPLF waxa dhacay duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh, sida ay Amnesty International carabka ku dhufatay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland . Xoga ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay bar tilmaameedsadeen xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbiga WADANI. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ragga weerarka ku qaaday xarumaha xisbiyada . Xilli maanta lagu wado in Xisbiga Kulmiye uu Olalahiisa doorashada uu ku qabsado fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Laasacaanood iyo deeganada kale ee Somaliland ayaa waxaa dadka deegaanka soo wajahday cabsi xooggan . Shalay ayeey aheyd markii si rasmi ah oo loo bilaabay Olalaha doorashada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo dhawaan dadka ay u dareeri doonaan goobaha Codbixinta . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horreysay ka maqan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda illaa iyo hadda inuu dib ugu soo biiri doono iyo in kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo uusan shirkan kusoo biiri doonin, sababo la xiriira xiisadda ka dhex-oogan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo haddii uu kusoo biiro shirkaas dib usoo nooleyn doonta xiisaddaas. Hase yeeshee Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in weli ay suurta-gal tahay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan balse ay ku xiran tahay qaab farsamo ama sida wad-ahadalka looga shaqeeyo.” “Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha. Sidaas darteed, Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho, In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay. Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan? Dr. Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”. “Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray. Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? Dr. Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.” “Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”. Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”. The post Madaxweyne Farmaajo ma kusoo biiri doonaa shirka? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maalintiisi seddaxaad furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo shalay magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay GoobJoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd . Ajendayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah: 1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka 2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo 3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland 4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay 5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada 6: Amniga Doorashada 7: Dejinta Jadwalka doorashada 7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan. Shirka ayaana sii socon doono inta ay madaxda isku raacayaan xalinta Khilaafaadka weli doorashooyinka ku hor gudban . GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xalay halkaas dabley hubaysan ka fulisay weerar khasaare gaystay. Rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday xarun ay ka socotay ololaha doorashada Somaliland. Wararku waxay sheegayaan, in dad ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan weli faahfaahin ka bixin laamaha Amniga maamulka Somaliland. Xarunta la weeraray ayaa lagu sheegay xafiiska ololaha doorashada ee murashax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tartamaya xubin ka tirsan Baarlamanka Somaliland. Booliiska Somaliland ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku hayaan cidda ka dambaysa weerarkaas. PUNTLAND POST The post Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamadii Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas oo codsanayo in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo markii hore laga keenay. Ciidamada ayaa sheegay inaysan ku noolan karin gobolkan oo xaaladdiisa nololeed ay adag tahay, islamarkaana aan u horumarsaneyn sida magaalada Muqdisho. Waxa sidoo kale sheegeen ay intaas ka badan ka maqnaan karin qoysaskooda, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dib loo celiyo, taasoo kentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay saraakiisha hoggamineyso ciidamadaas. Sidoo kale ciidamadii Cabdirashiid Janan oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ayaa ayagana wado gadood, waxayna taas keentay in gorgorton cusub lala galo, waxayna wararka sheegayaan inay dalbadeyn xuquuq iyo in la siiyo taliyeyaal. Dowladda Soomaaliya oo diidan inay ku fashilmato qorshihi ay ciidamadaas markii hore u geysay Gobolkaas ayaa shalay wafdi u dirtay Gedo, gaar ahaan Magaalada Beled Xaawo si loo xaliyo tabashada ciidamada gadoodsan. Wafdiga ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Beled-Xaawo ayaa waxaa hoggaaminayo Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Ee Xoogga Dalka General Xuseen Xoosh Cali, sidoo kalana waxaa wafdiga kamid ah Taliyaha Ciidamada Gorgor Gaashaanle Dayax Cabdi Cabdulle Iyo Sarakiil Kale. Taliyaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Degmada Baladxaawo Abaanduulaha Guutada 10-Aad Gashaanle Dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, Taliyaha Hay,adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Gedo, Taliyaha howlgalinta ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo iyo Saraakiil kale. Degmada Balad-xaawo ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Qalabka Sida, sida Militariga gaar ahaan Guutada 10-Aad, Guutada Ciidamada Kumaandoosta Gorgor, Ururka 2-aad ee Ciidamada Police-ka iyo kuwa Nabad-sugida oo dhamaantood si wada jir ah uga wada Hawlgala Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. The post Xog: Ciidankii ay DF geysay Gedo oo gadood sameeyey iyo arrin ay dalbanayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Somaliland ayaa sheegaya in xalay weerar khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo si weyn looga dareemayo ololaha doorashada Somaliland. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ka socotay olole doorasho, isla-markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Goobta la weeraray ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xafiis ku leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah musharrax u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka intii uu socday rasaas xoogan laga maqlay goobta, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xarunta, kuwaas oo qaarkood la dhigay goobaha caafimaad ee Laascaanood. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland iyo sidoo kale maamulka gobolka Sool oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sool. Lama oga kooxda ka dambeysay weerarkan oo goobta isaga baxsatay, balse wuxuu kuu kusoo aadayaa, iyadoo Somaliland ay ka billowdeen ololaha doorashada ee maamulkaasi. Si kastaba gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo u badan weeraro qorsheysan iyo dadaallo u dhexeeyo beello wada-daga gobolladaasi. The post Weerar khasaare geystay oo ka dhacay SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Go’aamo & Hadallo ka soo yeedhay Dawlada Somalia Guddida tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa ku gacan saydhay, liiska jaamacado ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay aqoonsantahay oo ay ku jiraan 5 jaamacadood oo Somaliland ku yaala. Guddida tacliinta sarre oo maanta magaalada Hargaysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ayna Somaliland waxba ka khusaynin qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado ay ku jiraan kuwo Somaliland ku yaala. Guddida ayaa sheegtay in anay jirin jaamacado Somaliland ku yaala oo dowlada Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay. “War kaa waxanu sheegayna in aanu sal iyo raad toona lahayn oo jaamacado ay yimaadena anay jirin wax ay qiimeeyena anay jirin” guddoomiyaha guddida Salbeena Dirir Cabdi ayaa sida yidhi. “Kama duwana warkii ay odhan jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma”. “5 ta jaamacadood iyo anaguba markaanu eegnay, waa xog meelaha laga urursaday oo anay waxba ka jirin” yuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddida ayaa sheegtay in qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacado Somaliland ku yaala anay waxba ka badali doonin jaamacadaha. Jawaabta guddida tacliinta sarre ee Somaliland ayaa timid kadib markii ay wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay jaamacado ay sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay oo 5 jamacadood oo Somaliland ku yaala ku jiran. Jaamacadaha Somaliland ku yaala ee ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay, sidana ay ku aqoonsatay. Jamacada Nugaal, Laascaanood, Jaamacada Baddar, Hargaysa, Jaamacada Gollis, Hargaysa, Jaamacada Camuud, Borama, iyo Jaamacada Ello, Borama. Qaran News
-
Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa Gobollada & Degmooyinka Dalka+Sawirro Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay maanta ahayd maalintiisi koowaad ee uu u lahaa kaltanka ololaha doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa isu soo baxyo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyay guud ahaan gobollada dalka. Gobollada kale ee xisbiga mucaaridka ee UCID taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka waxa ka mid ahaa Togdheer, Maroodi jeex, Awdal, Sanaag, iyo Sool. Taageerayaasha xisbiga UCID ayaa isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageradooda ay u hayaan musharaxiinta xisbigaasi uga sharaxan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ka dhigay gobollada dalka, iyagoo ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ku taagerayaan xisbigaasi. Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID kula hadlay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may. Geesta Kale Xisbiga Ucid ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Gebilay, Balli Gubadle, Sallaxley,Oodweyne, Caynaba, Ceel afweyne iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga Ucid la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda. Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ka bixiyeen lacago malaayiin doollar ah, daba-yaaqadii bishii April ee sanadkan. Lacagtaan oo lagu bixiyay amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa sababta Bankiga looga soo qaaday lagu sheegay in laga cabsi qabay ciidamadii hubeysnaa ee soo galay Muqdisho, kuwaasoo Villa Somalia sheegtay in ay qorsheeyeen in la dhaco Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Ma cadda sababta aan loo soo celin lacagtaas, waxaana suurta-gal ah in weli ay jirto cabsidii marka hore loo saaray, maadaama xaaladda Muqdisho ay saacad kasta isbeddeli karto, ama inuu jiro qorshe kale oo laga leeyahay lacagta.. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa noo sheegay in lacagtaas aan dib loo soo celin kadib markii ay degtay xaaladda magaalada, iyadoo ay guul dareysteen dedaalo badan oo ay wasaaradda iyo masuuliyiinta Bankiga sameeyeen. Saraakiisha Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa aaminsan in ay aad u adagtahay soo celinta lacagtaas oo la sheegay in markii hore si fudud lagu bixiyay. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in Bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ay aaminsan yihiin in ay fududaadeen oo ay heli kareen goobo kale oo lacagtaas la geeyo. Ciidamadii soo galay Muqdisho islamarkaana diidanaa muddo korarsiga, kuwaasoo looga cabsi qabay in ay boobaan goobo badan ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka soo baxeen ee furumaha dagaalka kadib heshiis laga gaaray waxyaabihii sababay in ay soo baxaan ee muranka doorashada Soomaaliya. The post Lacag laga qaaday Bankiga dhexe oo VILLA SOMALIA la geeyay oo aan weli lasoo celin appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa. Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee dowladda Talyaaniga ka wado degaanada dowlad goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor. Safiirka ayaa madaxda Galmudug u xaqiijiyay in dowladda Talyaaniga sii xoojin doonto teegerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowlad goboleedka Galmudug. Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa Safiirka iyo ku xigeenkiisa uga mahadceliyay garab istaaga dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed ee degaanada Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan gaar ah la yeehay Safiirka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Booliiska Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilaabay hawlgal haweenka looga joojinayo xirashada indha-shareerka. Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliiska Jubaland, kuwaas oo haweenka shareeran ku amraya in ay bixiyaan niqaabka, si wejigooda loo arko. Maamulka Jubaland ayaa hore u mamnuucay in degaannadooda lagu xirto niqaabka haweenka, kaas oo ku tilmaameen mid halis gelin kara Amniga magaalooyinka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo bilowday hawlgal ka dhan ah Niqaabka Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka. Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen,dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka qaranka. “Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Amniga doorashooyinka ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la xiriira muranka doorashooyinka ayada oo ay jiraan walaacyo la xiriira in ciidamada federaalka loo adeegsado si qaldan xilliga doorashada. Walaacyadan ayaa ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu horey dhowr mar ciidamada amniga ugu adeegsaday in loogu awood sheegto doorashooyinkii maamul goboleedyada qaar, sidoo kalena lagu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee ku sugan Muqdisho. Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shalay meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho. “Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayaa doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya. The post Taliyaha booliska oo war kasoo saaray amniga doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa xayiraado xooggan ku soo rogaya dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay. Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka qaaday in xayiraado dhanka dal ku galka ahna lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray. Mr Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo caalami ah la qaado si wax looga qabto dagaalka ka dhacay Tigray. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xayiraad ku soo rogaya dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa lasoo geba-gebeeyey maalintii labaad, ayadoo weli ay jiraan in aad la isgu hayo qodobada qaar ee la xiriira hannaanka doorashooyinka. Sida ay Caasimada Online u sheegen dad ka agdhow shirkaas, qoddobka ugu adag ee doodiisu ay hareysay shirka maanta ayaa ahaa arrinta Somaliland, ayada oo labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn qoddobkii is-fahamkii shirkii Baydhabo. Is-fahamka Baydhabo ee 16-Febraayo ayaa dhigayay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiya aqalka sarre, Cabdi Xaashi, wuxuuna is-fahamkaas dhigayay in Mahdi Guuleed uu dib u celiyo 4 xubnood si Cabdi Xaashi uu usoo gudbiyo badalkooda. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay kulan la qaatay xubnaha matala Somaliland, si xal looga gaaro, kaasi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo asaguna hogaaminaya garabka kale oo ah siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland. Arrinta Somaliland ayaa markale dood adag laga galayaa, waana qoddobka xiligaan ugu adag ee horyaala madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, waxaana xal ka gaarista arrintaan god dheer kusii ridaya mas’uuliyiinta sarre ee isku khilaafsan xubnaha guddiga, kuwaasi oo ay horkacayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi. Waxaa durbaba soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, islamarkaana uu la qabo fikirkii Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee gacanta loogu gelinayay go’aanka gobolada Waqooyi ra’iisal wasaare ku-xigeenka. Is-mari-waaga cusub ee ka dhashay arrinta Somaliland ayaa haddii aan xal kama dambeys ah aysan ka gaarin madaxda shirsan ay caqabad cusub ku noqon karta heshiis si dhaqso leh looga soo saaro shirka, inkasta oo ay socdaan dadaalo ay madaxdu ku rabaan in qoddobkaas laga heshiisayo, ayada oo la qancinayo mas’uuliyiinta isku haya. The post Xog: Qoddobka ugu adag ee illaa hadda hareeyey shirka doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Hormuud Salaam Foundation’s (HSF) mission is to provide local support for local people. From the start, we have developed a unique model of enabling humanitarian projects through resources of Hormuud Telecommunication and Salaam Somali Bank. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta isbedello ku sameeyay qaar ka mid ah talisyada saldhigyada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir. Ugu horeyn Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay G/Sare Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alle, maadaama taliye ku xigeenkii hore ee qeybta booliska gobolka Korneyl Waaweyne uu ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee degmada Waaberi. Ilaa sideed saldhig degmo ayey saameysay isku shaandheynta maanta uu sameeyey Taliye Xijaar, waxayna taliyayaasha iyo saldhigyada loo kala magacaabay ay kala yihiin: 1 – Macalin Aadan, Taliyaha Saldhigga Dharkenley 2 – Axmed Bootaan, Taliyaha Saldhigga Wadajir. 3 – Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Waaberi. 4 – Xasan Cabdulle Bashiir, Taliyaha Saldhigga Cabdicasiis. 5 – Yaxye Casuuro Taliyaha, Saldhigga Dayniile 6 – Zakeriye Cabdullahi Taliyaha, Saldhigga Hodan. 7 – Farxaan Maxamed Taliyaha, Saldhigga Bondheere. 8 – Cumar Axmed, Taliye ku-xigeenka Saldhigga Bondheere. 9 – Abuukar Sheekh Aadan, taliye ku-xigeenka Saldhigga Kaxda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in isbedelkaan lagu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir uu yimid, kadib markii Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir G/Sare Farxaan Maxmuud Qaroole uu Taliyaha guud Jeneraal Xijaar u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in uusan kalsooni badan ku qabin taliyayaashii hore ee saldhigyada, lana magacaabo taliyayaal cusub. The post Taliye Xijaar oo is-beddel ku sameeyey taliska booliska G/Banaadir iyo degmooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku soo dhaweeyey, isla markaana ku bogaadinayo hanaanka uu ku socdo shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalin ka hor Muqdisho uga furmay ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho. “Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, ayuu Xasan Sheekh ku yiri war-saxaafadeedkiisa. Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago, lagana badbaadiyo burbur hor leh. “Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena,” ayuu yiri. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhameystiran Muqdisho, 23ka Maajo 2021: Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah. Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa. Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah. Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena. Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro. Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda. Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa. The post Xasan Sheekh oo qoraal aysan la wadaagin musharaxiinta kasoo saaray shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhaweyay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada uga socda Afisyooni. Xasan sheikh ayaa rajo ka muujiyay shirka isagoo sheegay in ay filayaan in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto Teendhada. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah. Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa. Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah. Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena. Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro. Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka soo baxda. Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa. Dhaamaad Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Dheikh Maxamuud ayaa bogaadiyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dalka, isagoo kula dardaarmay inay guul ka gaaraan Shirka. Xasan Sheikh wuxuu sheegay in Umada Soomaaliyeed ay taariikhbu leeyihiin inay Markhaati ka boqdaan Wadahadal walba oo wanaagsan looga hadlayo. Hoos ka akhriso awarsaxaafadeedka Xasan Sheikh The post Xasan Sheikh oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on . Source