Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,164
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan ammaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya. Xundubey ayaa marka hore shaaca ka qaaday in saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha loo qorsheeyey doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay, haddii heshiis buuxa lagu gaaro shirka ka socda Teendhada Afisyooni ay si rasmi ah u bilaaban doonto doorashada. “Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayae doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan Muqdisho ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo keenay in intooda badan ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga laga saaro gudaha caasimada, kadib dagaallo culus oo ka dhacay. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid yare deggan, waxaana jawi qurux badan ku billowday shirka ka socda Afisyooni oo lagu jiheynayo doorashooyinka 2021-ka. The post DF oo meesha ka saartay shaki ay doorashada ka qabeen musharraxiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  2. Maanta oo Axad ah 22 bisha Maajo 2021 waxaa Muqdisho ka socda Shirka Wadatashiga Arimaha Dooradhada kasoo looga hadlayo Qodobada Muhiimka u ah Doorashada. Madaxdu waxay maanta ka doodayaan Xalka u raadinayaan Qodobadii hortaagnaa Heshiisyadii Doorashada ee 17 Sebtembar iyo kii Baydhabo. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in maanta ay miiska saaran yihiin Laba qodob oo kala ah. Gudiga Doorashada oo la doonayo in Gudi cusub oo laga wadatashaday lasoo magacaabo, lana kala diro Gudigii uu horay udoo xulay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi. Qodobka labaad waa Arimaha Gobolka Gedo oo isla shalay la islasoo qaadey, aadna looga muujiyay in xal laga gaari karo, Maanta waxaa kaloo laga wadahadlayaa Cida lagu casumayo Xiritaanka Shirka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sida uu horay u sheegay dhowr jeer, wuxuu doonayaa in Xubno matalaya Mucaaradka ay kasoo qayb galaan kulanka. Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ayaa kasoo qaybgalkiisu Muranka taagan yahay, inkastoo loo badinayo inuu kasoo qaybgalo dhamaadka kulanka. Ugu dambayn Shirkaan aad ayuu uga duwan yahay Kulamadii hore ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaaminayay, maanta waxaad moodaa in ay jirto kalsooni dhextaal ka soo qaybgalayaasha. Puntlandi.com Muqdisho The post Maxaa miiska saaran maanta Shirka Wadatashiga Doorashada appeared first on . Source
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku ndiiday ergeygii uu ururkaasi usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, ahna madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama. Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay go’aanka Soomaaliya oo sababay inuu is-casilo ergeygaasi, kadib markii markii ay ku gacan seertay dowladda. “Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ururka Midowga Afrika. Sidoo kale ururka ayaa ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika inuu sii wado dadaalka iyo wada-hadalka uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka haatan jira. “Waxaan ku boorrinaynaa guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC),” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururka Midowga Afrika. Go’aanka uu qaatay John Mahama oo iska casilay ergeynimadiisii ayaa yimid kadib markii ay dowladda federaalka kasoo horjeesatay magacaabistiisa, waxana ay sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale horey warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergey. The post Muxuu Midowga Afrika ka yiri go’aankii DF Soomaaliya iyo is-casilaadii John Mahama? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, siiba degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay saldhigga Booliska degmada Kaxda, kadib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in iska hor imaad muddo kooban socday uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in xalay, illaa saaka ay howl-gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ahaa mid lasoo qorsheeyey. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay. Kaxda oo ku taalla koonaha magaalada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo dilal ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan qaraxyo qaarkood lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomalaiya. The post Ciidamada ammaanka iyo kooxo hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  5. Meydka Ganacsade Soomaaliyeed oo in mudo ah la waysana ayaa laga helay tuulo banaanka ka ah Magaalada Nairobi. Ganacsadahaan oo lagu magacaabo Bashiir Maxamuud Gaboobe ayaa maydkiisa laga helay meel qiyaastii 180 KM magaalada Nairobi, waxana ganacsadahaan la weysana mudda dhowr maalin ah , iyadoo ay Afduubteen kooxa aan heyb tooda la aqoon . Qaar ka mid ah Ehelada marxuumka ayaa sheegay in meydka wiilkooda ay ka muuqato Rasaastii lagu dilay iyo sidoo kale Jirdil loo geystay ,13 bishaan May ayeey aheyd markii marxuumka la waayay. Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan Baaritaano ku aaddan dhac dadaan, hadana meydkiisa uu yaaallo magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Ganacsade Bashiir Maxamuud oo 35 sano jir ah ayaa haysata dhalashada dalka Mareynkanka. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Muqdisho)-Midowga Afrika ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka Soomaaliya ay ku diiday magacaabistii madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ahaa wakiilka sare ee Soomaaliya. Horaantii bishan, Soomaaliya ayaa diiday magacaabista Mahama iyadoo ku doodeysa in madaxweynihii hore ee dalka Ghana uu xidhiidh ballaadhan la leeyahay Kenya, oo Soomaaliya ay ka dhaxeyso khilaaf siyaasadeed. Sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq, Mahama wuxuu xidhiidh dhow la lahaa shaqsi aan la magacaabin oo ka tirsan hoggaanka Kenya sidaa darteedna aan loogu tashan doonin inuu noqdo dhex-dhexaad. Soomaaliya ayaa warqad u qortay Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ku wargalisay inay taageero u haynin shaqada cusub ee Mahama. “Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaan ku boorrinaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC) ayaa lagu ydhri bayaanka. Mahama waxaa laga filayey inuu la shaqeeyo daneeyayaasha Soomaaliya si loo gaadho tanaasul la wada oggol yahay oo loo dhan yahay oo ku aaddan qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Ololaha doorashada baarlamanka iyo golleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland. Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta billaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba laba maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah. Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo golleyaasha deegaanka. Source
  8. (SLT-Nairobi)-Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo toddobaad ka hor la waayey ayaa haatan meydkiisa laga helay dulleedka magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Ehellada marxuumka waxay shaaciyeen in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jidh dil ah. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in meydka haatan la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jiro ee ma la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii dulleedka Nairobi laga helay gaadhi la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xooggan iyo cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Source
  9. Fangaska Madow, Black Fungus, الفطر الأسود Cudur Cusub Oo Ka Dilaacay Dalka Hindiya, Oo Loogu Yeero Fangaska Madow, Waxaa Asal Ahaan Uu Ka Yimaadaa Carrada, Bacriminta iyo Walxaha Dabiiciga ah Ee Qurma, Iyo Bii,adda Ay Liidato Nadaafadeed, Wuxuu Aad U Asiibay Cudurkaa Dadka Ka Bogsooday Cudurka Karoona Feyruska Labada Wiig Ee Hore Iyo Dadka Difaaca Jirkoodu Daciifka Ah Iyo Dadka Qaba Cudurka Macaanka Ah, Wuxuu Baabi,iyaa Kelyaha Iyo Wuxuu Si Deg Deg U Gaari Karaa Maskaxda, Cudurkaa Fangaska Madow Waa Cudur Dilaa Ah, Kolka Laga Shakiyo Qofka Uu Ku Dhacay Waxaa Laga Eegaa Afka Iyo Indhaha Midabkoodu Bedelmo Qofka Laga Helo Si Aan Maskaxda U Gaarin Feyruska Waa Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Qofka Buka Si Loo Badbaadiyo Waa In Laga Saara Labada Indhood Iyo Labada Daamood Ee Afka Sidaa Haddii Uu Ku Badbaado Qofkii Wuxuu Ku Noolaan Tashawuh ama Qaab Dhalanrogan, Feyruska Fangaska Madow Wiigii Hore Waxaa U Dhintay Jilaa Weyn Oo Misri Ahaa Kolkii Uu Ku Dhacay Cudurka Feyruska Karoona Isla Markaana Laga Helay Calaamadihii Feyruska Fangaska Madow Iyadoo La Arkay In Indhihii Midabkoodii Is bedelay Waana Markii Ay Hawl Gab Noqdeen Kelyaha Fannaankaa Sida Uu Sheegay Walaalkii Inkastoo Ay Wasaaradda Caafimaadka Dalkaa Ay Arrinkaa Ka Gaabsatay! Feyruska Fangaska Madow Wuxuu Fara Kulul Ku Hayaa Waddanka Hindiya Waxaana Laga Cabsi Qabaa In Fangaska Madow Uu Ku Fido Caalamka Oo Idil Ali Sheikh Adan Sent from Yahoo Mail for iPhone Qaran News
  10. Waxaa maanta deeganada Somaliland ka bilabmaya Olalaha doorashada, xisbiyada siyaasadee Ee Somaliland, iyadoo guddiga doorashada Somaliland ay shaaciyeen Jadwalka ololaha . Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay maaanta oo Axad ah ay si rasmi ah u bilaabmayaan Olalaha doorashada, xilli Jadwalka lagu shaaciyay maalmaha ay kala leeyihiin xisbiyada Somaliland . Jadwalka ka soobaxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa lagu sheegay in Xisbiga UCID maanta uu bilabayo olalaha doorashada, iyadoo ay ku xigi doonan maalmaha soo socda xisbiyada kale ee deeganada Somaliland ka jira . Hoos Ka Akhriso Jadwalka Ololaha Doorashada sida ay u kala Horeeyaan Xisbiyada Source: goobjoog.com
  11. XULAFOOYINKA SIYAASADEED EE KA SAMAYSMAY GOBOLKA IYO DANAHA AY DABADA KU HAYAAN !!! Waxa aad loo dareemayaa in ay xulafooyin ka sameysmeen gobolka Geeska Africa kuwaasi oo dano siyaasadeed dabada ku haya , waxaana ay soo bilaabeen ilaa xiligii heshiiska sadex geesoodka ah kala saxeexdeen wadamada Ethiopia , Somalia , Erateria heshiiskaasi oo aan nuxur ahaan ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay aan la garanayn. Sanadkii ugu dambeeyey ayaa waxa muuqday xulafo kale oo siyaasadeed oo u muuqata in ay u babac dhigayso xulafadaasi hore oo ay ka mid yihiin dawladaha Kenya , Somaliland , Djibouti oo aad loo dareemayo saameyntooda siyaasadeed ee gobolka . Marka laga yimaado xulafooyinka siyaasadeed waxa jirta khilaafyo culus oo ka jira wadamo badan oo gobolka kawada tirsan oo ay ka mid yihiin Somalia iyo Kenya kaasi oo ku fadhiya colaado taariikhi ah iyo xuduudaha berriga iyo badda ba ah , Somalia ayaad moodaa in ay soo yar baraarugtay oo ay awoodaheegii daleed ka shaqeysiisay ka dib markii ay mudo 30 sanadood ah ka maqnayd saaxada siyaasadeed ee gobolka geeska Africa . Arimahani waxa ay sababeen in aanay wadamo badani sidii hore ee ay isaga soo farogalin jireen ay wax iska badeleen taasi oo sababtay colaado siyaasadeed oo heer adag ah oo in xidhiidhada la kala qaato ah gaadhay , wallow hada la dhex-dhexaadiyey Kenya iyo Somalia hadana wali xidhiidhku sidii hore maaha , sidoo kale Djibouti iyo dalka Somalia iskuma fiicna. Xulafooyinka waxa kaalin mug leh oo ka ciyaaraya Somaliland oo ay aad u kala fogaadeen xukuumada hada wakhtigeedii dhamaaday ee ka talisa Somalia iyo Djibouti oo u aragta in xukuumadaasi ku wacad furtay oo tacab badan oo ay galisay Somalia laga abaal ka dhacay isla markaana la soo taageeray waddan iyo dawlad ay Djibouti is hayaan . Gobolka oo ay doorashooyin ka jiraan dhamaantii marka laga reebo Erateria iyo Djibouti oo madaxweynahoogu dib isku cumaamaday lama garan karo wax soo bixi doona , Somalia waxa taagan khilaafka qaabkii ay u dhici lahayd doorasho iyo cidii maamuli lahayd doorashada oo la isku mari laayahay mudo 9 bilood ku dhow , walina laguma heshiin. Ethiopia waxa ay u diyaar garowday in ay doorasho gasho 2021 , doorashadaasi ilaa hadda lama garan karo nooca ay noqon doonto laakiin waxa ay u muuqataa in aanay waxba kaga duwanayn doorashooyinkii TPLF qaban jireen ee xisbiyada EPRDF aqlabiyada heli jireen marwalba mucaaridkana dhakada lagaga taagnaan jirey. Somaliland waxa sanadka 2022 ee soo socda la isku diyaarinayaa doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo doorashooyinkii ururada iyo axsaabta siyaasada maadaama mudadii ka dhamaatay sadexda xisbi qaran ee Kulmiye , Ucid iyo Waddani oo ay kaga eeg tahay 2022 , lama saadaalin karo wax ka soo bixi doona doorashooyinkani xili ay Somaliland u baahan tahay is badel mug leh na waa lagu jiraa. Kenya waxa ay doorashada galeysaa sanadka 2022 dhawaana waxa wax laga bad-badalay dastuurka dalka Kenya , kaasi oo loo arkay in xiligani wax looga badelayo dano siyaasadeed oo ku qotoma xulafooyin abuurmi doona doorashada soo socota , madaxweynaha hada jooga waxa ka dhamaatay mudo xileedkii sharcigu ogolaa waxaana loo aaneynayaa in uu salaxanayo raisal wasaare awood leh in uu dalkaasi ka noqdo mustaqbalka dhow. Isku soo wada xoori doorashooyinka iyo dagaalada siyaasadeed ee xulafooyinka ahi waa qaar saameyn isku leh oo xukuumadina ma ogola xukuumada ku lidka ahi in ay soo baxdo , waana halka isha lagu hayo ee la eegayo bal sida ay wax noqdaan , meelaha aad loo danaynayaa waa wadamada Ethiopia , Somaliland , Somalia iyo Kenya cida talada ku soo bixi doonta . Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Image Qaran News
  12. Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka dalka, oo Sabtidii shalay ka furmay xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa maalintii labaad halkaas ka socda. Kulanka oo uu shir-guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble, waxa ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto. Shirkan waxa ka maqan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho oo maalintii labaad galay appeared first on Puntland Post.
  13. Waxaa maalintiisi labaad furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo shalay magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Ajendayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah: 1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka 2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo 3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland 4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay 5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada 6: Amniga Doorashada 7: Dejinta Jadwalka doorashada 7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan. Shirka ayaana sii socon doono inta ay madaxda isku raacayaan xalinta Khilaafaadka weli doorashooyinka ku hor gudban . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii uu shalay si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billaabmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, si xal waara looga gaaro. Sidoo kale waxaa shirkani lagu dhammeystirayaa heshiiskii 17 September, kaas oo saldhig u ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay shirweynahan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay in is faham buuxa looga gaari doono arrimaha doorashooyinka. Dhinaca kale waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo dhammaantood looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah. Kulanka koowaad ayaa wuxuu dhex-maray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyada oo diirada lagu saaray tabashada xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah, gaar ahaan dhismaha guddiga doorashada. Waxa kale oo xalay Caasimada ka dhacay kulan dhex-maray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah musharraxiinta mucaaradka, sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Dhuxulow, waxayna ka wada-hadleen doorashada. Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is jiid-jiidka doorashooyinka, waxaase haatan rajo weyn laga qabaa shirka ka socda Afisyoone oo la filayo in go’aan kama dambeys ah looga gaaro, sida looga gudbi karo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro. The post Shirka doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa xalay Casumaad u sameeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay horkacayaan Madaxweyne Hore Shariif Sheikh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cashada waxaa kasoo qayb galay Musharixiin iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxayna u muuqataa mid uu Laftagareen ku doonayo in la isku Caafiyo lagana mayrto waxyaabihii dhacay Mudadii Madaxweyne Farmaajo iyo Laftagareen ay wada socdeen. Musharixiinta ayaa dhankooda muujiyay inay ku faraxsan yihiin Casumaada. waxaa Cashada iyana qaabka ahaa Xildhibaan Mudtafe Dhuxulow iyo Musharax Daahir Geele Hoos ka daawo Sawirada The post Sawiro , Laftagareen Oo raali galiyay Mucaaradka Cashana ku casumay appeared first on . Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) –Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayey saraakiishii, askartii iyo mas’uuliyiintii sida xoogga ah uga hor-tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu dhawaan sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulankaas oo ay kasoo muuqdeen xildhibaano, odayaal dhaqan iyo saraakiil isku heyb ah oo ka soo wada jeeda beesha Murusade ayaa geesiyaal Qaran loogu aqoonsaday ciidamadii Badbaado Qaran ee gudaha u soo galay caasimadda Muqdisho, markii uu Farmaajo saxiixday laba sano mudo kororsi ah. Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow, Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, Saraakiishii beesha Murusade ee ka qeyb qaatay ka hor-taggii mudo kororsiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Deyniile ayaa kasoo muuqday kulanka. Nabadoon Xaad oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Dadka aan metelno, ee aan magacooda halkaan ku fadhino, waxaan rabnay inay halganka qeyb ka qaataan, waana ka soo baxeen kaalintaas, waa inay dadkeenu noqdaan kuwo u qalma inay hoggaanka u qabtaan dalka.” Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa yiri, “Dalal ay ugu horeeyaan kuwa Afrika, waxaa lagu yaqaan in ciidamadu afgembi ka sameeyaan, laakiin ciidankeenu waxay baal-dahab ah ka galeen ilaalinta dimuquraadiyadda, waxay ku guuleysteen inay dalka kala dambeyntiisii soo celiyaan iyo inay afgembi siyaasadeed ka hor tagaan, waxay ka shaqeeyeen xasiloonida dalka, waa arrin lagu faani karo oo taariikhda u geli doonta ciidankeenna.” Senator Dhegdheer ayaa yiri, “Markii madaxdii aan dooranay ee madaxweynuhu ugu horeeyo ay sharcigii iska laabeen, oo doorashadii dalka ay laaleen, oo mudo kororsi ay aadeen, ciidamadii, siyaasiyiintii iyo shacabkii ka dhiidhiyey, anigoo munaasababaad uga faa’iideysanaya waxaan leeyahay waa mahadsantihiin.” Ugu dambeyntii guddoomiye Jacfar iyo mid ka mid ah saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay inay guteen mas’uuliyadii loo igmaday ee ka saareyd dadka iyo dalka, isla markaana ay sii wadi doonaan ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah sharciga iyo kala dambeynta dalka. Hoos ka daawo Warbixinta The post Daawo: Beel Muqdisho kulan weyn ugu qabatay ciidankii diiday muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo la kulmay siyaasiyiinta waqooyi ee uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kala hadleen xallinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland. Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen sidii siyaasiyiinta Waqooyi ugu heshiin lahaayeen guddiga doorashooyinka ee dhinaca Somaliland, iyadoo Is fahamkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Dhinaca kale, waxaa xalay Muqdisho ku kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana ay ka wada-hadleen xallinta muranka arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee kulamo xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee ka cabanaya in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay. Caasimada Online ayaa la kulantay dhowr qof oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ee loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah noogu sheegeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qolada qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen. Caadiyan qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qasab ah in uu soo muuqdo wijiga ilaa dhagaha hase yeeshee in la jaro timaha ayaa ah dhaqan ku cusub Muqdisho. Dhinaca kale, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Koofi ayaa ka hadlay arrintaan. Korneel Koofi ayaa isagoo u jawaabaya qof soo dhigay Facebook waxa uu ku yiri “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan” Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen arrintaan. Xariiro aan la sameynay Korneel Koofi iyo saraakiisha kale ee Hay’adda Socdaalka ayaan wali helin si aan uga helno faah faahin intaan ka dheeri ah. The post Xog: Dhallinyarada foodda leh oo loo diiday qaadashada baasaboorka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  19. Facebook has refused to remove a widely viewed attack ad that links Rep. Ilhan Omar to Hamas, even after her aides told the tech giant the message is inaccurate, hateful and threatened to subject her to death threats. Source: Hiiraan Online
  20. Ethiopia’s June 5 elections were expected to be momentous. Momentous because they were due at a time when the country is experiencing three conflicts that threaten internal and regional peace and stability. Source: Hiiraan Online
  21. Kismayo, Somalia – The African Union Mission in Somalia, AMISOM, has conducted training for its formed police personnel to help them understand established guidelines that protect civilians as they perform their duties. Source: Hiiraan Online
  22. Bashiir Maxamuud Gaboobe, oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah, kaas oo todobaadyadii u dambeeyay lagu waayay gudaha Kenya, ayaa maydkiisa laga helay degaan ka tirsan magaalada Nairobi. Ciidamada Booliiska Kenya oo mudda baadi-goobayay ninkan, ayaa ugu dambayntii ka helay meel qiyaas ahaan 18km u jirta xarunta magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Gaari uu watay oo ahaa nooca Range Rove laga helay, isaga oo la gubay nawaaxiga degaanka Kibiku, taas oo dhalisay tuhunka ah in la dilay balse ugu dambeyn meydkiisa la helay. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. PUNTLAND POST The post Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la waayay kadibna maydkiisa la helay appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa ugu baaqay dadka deggan magaalada bari ee Goma in ay isaga guuraan ka dib markii folkaane weyni ka qarxay. Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, si ay kaga baxsadaan dhibaatada masiibadan. Nyiragongo ayaa markii ugu dambeysay oo uu qarxo sanadkii 2002 waxaa ku geeriyooday 250 qof halka 120,000 oo kale ay hoy la’aan noqdeen. Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu soo gaabin doono safar uu ku tagi lahaa Yurub si deg deg ahn ugu soo laabanayo Koongo maalinta Axada. PUNTLAND POST The post Folkaane weyn oo ka qarxay dalka Koongo appeared first on Puntland Post.