Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. GALKAYO (HOL) - A military court in central Somalia region of Mudug has sentenced two men accused of killings and belonging to the militant group Al-Shabaab to life. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Xaraaradda doorashadda, ayaa cirka isku sii shareeraysay marba marka ka sii dambaysa maadaama doorashoyinkii isku sidkan ay kaabiga innoo sii saaran yihiin, waxaana uu xisbi kasta isku dayaya sidii ay uu Musharraxiin miisaan leh u heli lahaa, halka uu musharrax waliba doonayno inuu guulaysto,balse hadda oo doorashadii maalmo yari ka hadheen, ayaa waxa soo ifbaxay in musharraxiin ka kale tirsan saddex Xisbi oo xafiil tan uu ka dhaxeeyo ay Magaalooyinka waa weyn ee dalka ka bilaabeen qorshe ay dadka cod-bixiyayaasha kaga iibsanayaan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka isku sidkan. Xoggo kale duwan oo uu Wargeysa Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah oo ku kale sugan Magaalooyinka ,Hargeysa ,Burco, Berbera iyo Laascnood, Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noo xaqiijiyey in kaadhadhka codbixinta ay jiraan dilaalin u iibinaya Musharraxiinta qaarkood,kuwaas oo dadka kaadhadhka codbixinta ka urursanay, balse kula ballamaya inay maalinta codka ay ku siinayaan goobta uu ka codaynayo, isla markaana ku dhaarinayo inuu u codaynayo Musharrax uu ka iibiyey kaadhka,waxaanay xusid muddan in Magaalooyinka iyo tuullooyinka lagu kale iibsanayo kaadhka codbixinta lacag u dhexeeya $150 ilaa laba boqol oo dollar $200,halka meelaha qaar loogu darayo raashin Sidoo kale, Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo arrintaas ka hadlay ayaa uga digay dadka inay iibiyaan kaadhadhka codbixinta waxaanu ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhkoodda ” Xagga kaadhadhka ha la illaaliyo qof wallow-ba kaadhkaaga hayso yaannu kaa bixin, qaar ayaa wareegaya oo doonnaya kaadhadhka inay iibsadaan,qof waliba ha ku dedaalo inuu kaadhkiisa haysto.”ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag ayaa isna arrintaa ka hadlay ayaa ku dardaaray bulshada reer Sanaag inay ilashadaan kaadhadhka codbixinta”Dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI,waxa aan xasuusinayaa, haddii aad maqli jirteen dad qalato ayaa jirta Saxiibayaal waxa soo baxay cod qalato,waxa inooga ballan ah inaynu iska ilaalino.”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka Sanaag Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha guddaha ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa isna falkaas ka hadlay waxaanu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo Gobollada ay galbeedka ka wadda ololaha KULMIYE ay qorshaas lagu iibsanayo kaadhadhka codbixinta ay waddaan,waxaanu ugu baaqay Bulshada reer Awdal iyo Salel inay kaadhadhkooda ilashadaan. “Waxa aan maqlay inay Nimanka waa weyn ee KULMIYE ka socdaa ama KULMIYE qorshayaasha uu wataa dadka danyarta ah ee dhallinyarta iyo haweenka inuu leeyihiin kaadhadhkiina keena lacag ayaa la idin siinayaaye ,waxaan uga digaynaa inay fara-geliyaan waxyaabaha noocaas ah,waar si xalaal ah oo nadiif ah u tartama banaanka ayaa la isugu imanayaa.” Source
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay faah-faahino dheeriya oo laga helayo baaritaano lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin, ayada oo meesha laga saaray in wax rasaas ah loo adeegsaday, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Ehellada marxuumka ayaa hore u shaaciyey in dilka Bashiir loo adeegsaday rasaas, ayna sidoo kale ku yaalleen nabaro kale oo jir dil ah, hase yeeshe faah-faahinta hordhaca ah ee kasoo baxeysa baaritaanka ayaa tilmaameysa mid taas ka badalan, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka ayaa gacanta ku haya baaritaanka meydka marxuumka oo muddo la raadineyay, kaasi oo markii dambe la helay meydkiisa, ayada oo la geeyey qolka maydka ee magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka. Dhinaca kale, Qareenka u doodaya marxuumka ayaa asaguna sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Waxa kale oo uu intaas ku daray in gubasahda meydka ka muuqatay ay ugu wacan tahay in koronto lagu dhajiyey, sida uu sheegay. Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Maxamed Gaboobe oo todobaadyo ka hor la waayey ayaa 23-kii bishaan meydkiisa laga helay duleedka magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Marxuumka oo maalmo badan la baadi goobayey ayaa waxaa meydkiisa laga helay meel duur ah oo qiyaastii 180 KM u jirta magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Marxuumka ayaa 13-kii bishan aynu ku jirno la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kadib waayitaankiisii duleedka Nairobi laga helay gaari la rumaysanyahay inuu yahay kiisa oo la gubay. Sidoo kale marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad ganacsi oo ka shaqeysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalka Kenya. Dhacdadan ayaa wal-wal xoogan iyo sidoo kale cabsi ku reebtay ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Xog cusub oo laga helayo baaritaanka ganacsadihii Soomaaliga ee meydkiisa laga helay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Tartanka Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,ayaa axadii toddobaadkan si rasmi ah uga bilaabmay dalka,kaas oo soconaya muddo lix cisho ah,isla markaana uu xisbi waliba leeyahay laba cisho,sida ay sheegeen guddida doorashooyinka Qaranku, Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ayaa lagu waddaa inay dalka ka qabsoomaan maalinta isniinta ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 31 Bishan May 31 2021-ka Haseyeeshee waxaynu halkan ku eegi doonnaa ololayaashii doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadihii 2010,2012-kii iyo 2017-kii siday ay ahayaan iyo wax-yaabihii ay ku kale duwanayeen iyo inta cisho ay dalka ka socdeen iyo dhacdooyinkii ku duugnaa. Ololaha Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee Sannadkii 2010-kii Afhayeenkii Komishankii hore Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in 4 Bishii June sannadkii2010-kii ahayd maalin arbaca ah uu guud ahaan dalka ka bilaabmay Ololaha doorashadii Madaxtooyadda,kaas socday muddo 21 maal-mood ahayd. Kaltankii ololaha ee ugu horeeyey ayaa waxa bilaabay Xisbigii UDUB ,waxaana ku xigay xisbiga KULMIYE ,halka uu ugu dambeeyey kaltanka olalahaas xisbiga UCID. Ololahaas ayaa ahaa mid xamaasad lahaa,isla markaana ay Xisbiyadda Mucaaradka ahaa ee UCID iyo KULMIYE oo xuluufo ahaa ay wacdaro ka dhigi jiraan fagaarayaasha, ,waxaase xusid muddan inuu jiray cahdigaas kacdoon hoose oo beesha dhexe ku diidanayd xukunkii Madaxweyne Riyaale ,haddana muu noqon olole xanaf badan ka tegay markii ay doorashadaasi dhammaatay. Ololaha Xisbiyadda Iyo Musharraxiinta ee Doorashadii Golaha Degaanka Iyo Ururada ee Sannadkii 2012–kii Guddidii doorashooyinka ee xilligaas ayaa shaaciyey inuu guud ahaan-ba dalka si rasmi ah uga bilaabmay ololihii ururada iyo Musharraxiinta ee sannadkii 2012-kii,waxaanu ololahaas bilaabmay maalin isniin ah 29-ka Oktober 2012-kii,kaas oo socday muddo bil ah Ololahan oo socday muddo bil ah ayaa waxa ka qayb qaadanayey taageerayaasha toddoba Urur siyaasadeed oo urur kastaa maalin gooni ah uu dibedbax ka samayn jiray magaalooyinka waa weyn ee dalka,kuwaas oo kale ahaa Ummadda, UCID, Kulmiye, Dalsan, Rays, Wadani, iyo Xaqsoor. Ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii Guddidii hore ee doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ololihii doorashada Madaxtooyadda uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 21 October 2017 -kii,kaas oo socday muddo 21 ciso ah ,waxaana kaltanka ololaha ugu horeeyey oo bilaabay Xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE,halka uu Xisbiga WADDANI ugu dambeeyey. Tartankii ololihii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkii 2017-kii ayaa ahaa mid adag,maddaama oo uu xafiiltan ka dhaxeeyey Xisbiyadda KULMIYE ,UCID oo isku dhinac ahaa iyo Xisbiga WADDANI,waxaanu ololuhu ahaa kii ugu adkaa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay taariikhda,waxaanu xaalku gaadhay meel xaasaasi ah,balse waxa uu ku soo dhammaaday si nabad ah. Tartanka Ololaha doorashooyinka Isku sidkan Ee Wakiillada Iyo Degaanka ee sannadka 2021-ka Guddidan Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in tartanka ololaha doorashooyinka isku sidkan uu dalka si rasmi ah uga bilaabmay 23 bishan May,kaas oo ay sheegeen inuu soconay muddo kooban oo lix maal-mood ah,waxaan tartanka ololaha bilaabay xisbiga UCID ,waxaana ku xigay Xisbiga KULMIYE, halka Xisbiga WADDANI uu uga dambayn doonno . Gunaanadkii Ololahan ayaa ah mid aan hore dalka uga dhicin,iyadoo ay ka qayb-qaadanayaan ku dhawaad kun musharrax oo u tartamaya doorashooyinka isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada iyo taageerayaashoodii,waxaana la odhan karraa waa ololihii ugu ballaadh-naa ee doorashooyinkii dalka ka dhacay,waana mid ka xamaasad badan,iyadoo uu ku jiro ficiltan iyo dhoolatus musharraxiinta iyo beelaha ay ka soo kale jeedaan u dhaxeeyaa,waxaana xusid muddan in amaanka si weyn loo adkeeyey,maddaama oo uu yahay olole sal ballaadhan,kaas oo la filayo in la soo afmeero maalinta jimcaha ah ee inagu soo aadan. Source
  5. WARSAXAAFADEED Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada. Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan: 1. Way reebban tahay in dugsiyada dalku ay ardayda shuruud kaga dhigaan bixinta lacagta dugsiga (Fiiga) oo lagu waajibiyo inay waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo ka badan; haddii aanu waalidku sidaas doorannin. 2. Dugsiyada waxa la farayaa inay mushahar siiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadooda ka hawlgala dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, maadaama ay ardaydu lacag (School Fee) bixinayaan 12-ka bilood ee sannadka. 3. Waa waajib in ay waalidiintu bixiyaan lacagta Fiiga waxbarashada dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, iyadoo loo bixin karo bil, kal (Semester) ama sannad; hadba kii waalidku doorbido. 4. Dugsiyada waxa la farayaa in aanay ardayda lacag kaga qaadin imtixaan, buugaag, waraaqo, qalimaan, tabaashiir, beddel, diiwaan galin, safar, iwm. Isla markaana inaan ardayda lagu amrin inay soo iibiyaan agab dugsiga looga baahan yahay; marka laga reebo agab arday waxyeello u geystay oo laga magdhebayo. 5. Maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda waxa ka dhexeeya ixtiraam in uu kordho mooyaane ay tahay in aanu marnaba hoos u dhicin. 6. Waa in Waalidka iyo Maamulka Dugsiyadu yeeshaan wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha Waxbarashada dugsiga iyo xoojinta xidhiidhkooda, isla markaasna sannadkiiba hal mar la qabto kulanka horumarinta dugsiga oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsigu. Allaa Mahad Leh. Qaran News
  6. (SLT-Burco)-Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa tageeradii miisaanka lahayd ee uu ku lahaa Gobolka Togdheer ay u muuqataa inay meesha ka sii baxayso,waxaanna muddooyinkii ugu dambeeyey soo ifbaxayey in taageerayaashii Xisbiga ay u guureen dhanka labada Xisbi ee Mucaaridka ah. Iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda KULMIYE ay fagaarayasha ka muujiyeen tawaawac muujinayey in Xisbigu uu fara madhnaan ka taagan yahay Gobolka Togdheer. Xilligan oo lagu jiro wakhti doorasho, ayaa waxa aan la dafiri karrin in Xisbiga KULMIYE uu Musharraxiinta uu soo xulay Gobolka Togdheer ay yihiin qaar aan guul-baddan u keeni karrin Xisbiga, marka loo eego labadda Xisbi ee kale. Madaxweyne Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa ka hor inta aannu bilaabmin ololaha doorashooyinka u diray Gobolka Togdheer Wasiiro miisan leh oo deegaankaa ka soo jeeda,kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Guddoomiye Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin kale. Hase-yeeshe waxa xusid muddan inay reer Togdheer ay dhabarka u jeediyeen xisbul-xaakimkii tacabka iyo juhdiga galiyeen, kuwaas oo naadinaya taageerada KULMIYE . Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga ayaa sheegay in aanay cidi u garaan-bayn haddii la yidhaahdo Faysal Cali Waraabe ayaa kaga baddiyey Gobolka Togdheer Xisbiga KULMIYE “Maanta waxa tartamaya Siilaanyo ,Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Ismaciil Cali Abokor Iyo Faysal Cali Waraabe,Malaa ciddi noo garaabi mayso, Faysal ayaa kaga baddiyey ragaas .”Ayuu yidhi Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo kumanaan Taageerayaashiisa ah kula hadlayey fagaaraha Khayriyadda Burco ayaa sheegay in reer Togdheer ay KULMIYE ka yaceen,isagoo sheegay in xildhibaano xul ah oo uu KULMIYE diiday uu ka soo sharraxay UCID Togdheer ” Waxa aanu idiin soo xulnay dad wanaagsan dadkaa yimi baddankoodu waxay markii hore u tageen ,Xisbigii aad isla ogaydeen laga yaac-laga yaac, Burco ma ka yaac-day,waa laga cararay buugaa waan soo xidhaynaa Waxaanu intaas ku sii daray Guddoomiye Faysal “UCID weeye doorkani qabyaaladii waad arragteen saw mahaa,Jeegaantii waad arragteen saw maaha .” Source
  7. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Japan ayaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday adduun lacageed oo gaadhaya hal Milyan oo dollar. Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in loogu tallo galay in wax lagaga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga. “Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dawlada Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax” ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa aay qorshaha ku darsatay in biyo gelin dhammeystiran u sameyso magaalooyinka kala ah Jigjiga, Qabribayax, Dhagaxbuur iyo Wardheer sanad- miisaaniyadeedka soo socda. Source
  8. Sawirrada Gabadha la haysto ee Amiirka Dubai Dhalay oo soo muuqday Sheikha Latifa (Dhexe) Laba sawir oo ah Sheikha Latifa, gabadha amiirka xukuma Dubai, ayaa kasoo muuqday barta Instagram, saddex bil kadib markii BBC-da ay baahisay farriin muuqaal ah oo ay ku sheegtay in lagu haysto guri Villa ah oo xiran. Sawirradan, ayaa haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah xilliyada faro ku tiriska ah ee Latifa lagu sawirro goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan tan iyo markii ay saddex sano ka hor sameysya isku day fashilmay oo ay uga baxsaneysay maamulka aabaheed, ayada oo doon u qaadatay Badweynta India. Wixii markaas ka dambeeyey, Latifa iyo taageerayaasheeda ayaa sheegay in loo haysto si qasab oo ah amarka aabaheed Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, Amiirka xukuma Dubai iyo madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta. Sheekha iyo Imaaraadka Carabta waa ay beeniyaan eedeymahan. Bishii April, khubarada xuquuqda aadanaha ee QM ayaa Imaaradka Carabta ka dalbaday inay soo bandhigaan “caddeymaha nolosheeda” oo ay sii daayaan Latifa bint Mohammed al-Maktoum, oo ah 35 jir, kadib muuqaalkii BBC-da. Ilo-wareedyo ku dhow kuwa u ololeeya in lasii daayo ayaa sheegay in labada sawir, oo lasoo dhigay cinwaanka Sioned Taylor ee Instagram ay yihiin kuwa sax ah oo dhowaan la qaaday. Tylor ayaa waxaa cinwaankeeda ku qoran inay macallin ka tahay iskuul ku yaalla Dubai oo ay dowladdu maamusho. Wakaaladda wararka Reuters si madax banaan uma xaqiijin karto haddii Latifa ay haysato xorriyad dhaq-dhaqaaq. Sidoo kale xiriir lala sameeyey wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta kama aysan jawaabin sawirradan. Sawirka koowaad oo Khamiistii lasoo digay cinwaanka Tylor ayaa muujinaya Latifa oo ku sugan dibedda masrax aflaanta laga daawado oo ku yaalla gudaha moolka Dubai. Sawirka labaad oo cinwaanka Tylor lasoo dhigay Sabtidii ayaa muujinaya Latifa oo fadhisa dibedda maqaayad gadaasheeda uu ka muuqdo moolka Dubai. Latifa ayaa soo jiidatay dareenka caalamka 2018 markii koox u doodad xuquuqda aadanaha ay baahisay muuqaalo ay ku qeexday isku day ay kaga baxsan rabtay Dubai. Waxaa meel u dhow xeebaha India kasoo qabtay ciidamo gaar ah, kuwaas oo dib ugu celiyey Dubai. Qaran News
  9. MOGADISHU (HOL) - The Swedish government has announced $9 million to support child and maternal health in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaal cusub oo ay soo saartay garabka Warbaahinta ee Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah askarti ciidanka Kenya ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde ee dhacay sanaddii 2016. Gerishon W. Wesike oo ah maxbuus gacanta ugu jira Al-Shabaab ayaa farriimo u diray Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya, sido kalana wuxuu ka hadlay howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay Dowladda Kenya. Askarigaan ayaa sheegay in dowladiisa ay dayacday islamarkaana lagu hilmaamay xabsiga uu ugu jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dowladda Kenya ku eedeeyey inaysan marnaba soo hadal qaadin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde. Muuqaalka intiisa badan ayaa Wesike waxa uu dowladiisa ka codsaday in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya si loo badbaadiyo naftiisa maadaama ay Al-Shabaab sii deyntiisa shuruud uga dhigtay in ciidamadaas laga saaro guud ahaan Soomaaliya. 53 sano jirkaan ayaa qoyska uu kasoo jeedo ka codsaday inay Dowladda Kenya cadaadis ku saaraan sidii uu uga soo bixi lahaa gacanta Al-Shabaab. Gerishon W. Wesike ayaa waxaa muuqaalkaan cusub looga duubay halkii laga soo qabtay 5 sano ka hor, iyadoo lagu amray inuu matalo qaabkii uu ku sugnaa markii gacanta lagu soo dhigay, waxaana xusid mudan in meesha muuqaalka looga duubayey la keenay gaarigii uu saarnaa markii gacanta lagu soo dhigayey. Waa markii labaad oo muuqaal noocaan ah laga soo duubo askarigaan, waxaana markii ugu horeysay muuqaal laga soo duubay la faafiyey Bishii April ee sanadkii 2016, balse dowladda Kenya ayaan wax muhiimad ah siin codsiga askariga ka tirsan ciidamadooda ee ku jiro gacanta kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Askari Kenyan ah oo u afduuban Al-Shabaab oo farriin xasaasi ah soo diray appeared first on Caasimada Online.
  11. Inkastoo Shirka Wadatashiga Doorashada Soomaaliya oo maalmahaan Muqdisho ka socdey ayaa tan iyo shalay waxa muran ka taagnaa Cida looga dambaynayo Ergada Gobolada Waqooyi, Laakiin Sida ay Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi ay xanta ku hayaan maanta waxaa la isagasoo dhowaadey meeshee la joogay shalay, Qodobka Ergada Gobolada Waqooyi, Raysal wasaare Xigeenka Xilkiisu dhamaadey ayaa laga fujin waayay wuxuuna ku andocoonaya in isaga looga dambeeyo, waxaa jira Xan ah in Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gadaal kasoo riixayo Mahdi Guuleed. Qodobada kale intooda badan waxaa lagawada gaaray isfahan, inkastoo Arimaha Gobolka Gedo aan wali si buuxda loogu heshiin laakiin wali waxaa laga qabaa rajo wayn in Xal buuxa loo helo. Ilo wareedyo la hadlay Puntlandi.com waxay sheegayaan in Maduuliyiinta shirsan ay ka go’antahay in Guul laga gaaro Wadahadalka walow ay jiraan cabsi laga qabo Faragalin ka imaanaysa dhinaca Villa Soomaaliya . Waxaa Macquul ahnin Dhirku soo gabagaboobo beri habayn dambe. Puntlandi.com Muqdisho The post Gudoomiye Cabdi Xaashi oo u muuqda inuu ku guulaysto kaga dambeynta Ergada Waqooyi appeared first on . Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, islamarkaasna ah Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland sidoo kalana ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la sheegay in isaga iyo Siyaasiyinta Somaliland ay iska diideyn dalabka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku saabsanaa qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada. Rooble ayaa dalabkaan hordhigay Guddoomiyaha Cabdi Xaashi, balse Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu codsiga Ra’iisul wasaaraha u gudbiyey guddiga siyaasiyiinta Somaliland garabka uu isaga hoggaamiyo oo ayagana si cad u diiday. Codsiga uu Rooble hor dhigay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahaa in garabka uu isaga hoggaamiyo laga siiyo guddiga doorashada Somaliland illaa 5 xubin halka garabka kale ee uu hor kacayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed la siiyo 10-ka kale. Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland, iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga. Shirkii farsamada ee Baydhabo ayaa garabka uu hoggaamiyo Guddoomye Cabdi Xaashi loogu ogolaaday in la siiyo 4 xubin, waxaana hadda muuqato in kaliya lagu kordhiyey 1 xubin taasoo noqotay mid aan u cuntami karin guddoomiyaha. Gudoomoye Cabdi Xaashi iyo garabka uu hoggaaminayo ayaa dalbanayo in guddiga doorashada ee reer waqooyiga loo qeybsado si siman, waxaana taas kasoo horjeedo Mahdi Guuleed oo garab ka helayo Villa Somalia. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoon karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay inuu shir jaraa’id qaban doono haddii shirka ka socdo xerada Afisyooni looga dhawaaqo go’aan hal dhinac ah, taasoo keentay inay kulan deg deg ah ka codsadaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Xogta aan ka helnay xafiiska Guddoomiya Cabdi Xaashi ayaa meesha ka saareyso sheegashada xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ee ah in kulankii dhex maray isaga iyo Cabdi Xaashi laga gaaray isfaham. Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka. The post Xog: Cabdi Xaashi oo hal arrin ka diiday Rooble appeared first on Caasimada Online.
  13. Xaflad Aroos oo ka dhacday Hawada sare oo ay dad badani ka qeybgaleen Muuqaalka lasoo geliyay baraha bulshada oo muujinaya arooska ka dhacay gudaha diyaaradda oo mareysay hawada sare Lammaane is calmaday oo u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inay kireysteen diyaarad gaar ah si arooskoodu ay ugu soo dhigtaan hawada sare maadaama dalkaas aanan laga ogoleyn isu imaatinka dadweynaha si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19. Xafladda arooskoodu oo ka dhacday hawada sare waxaa ka qeybgalay in ka badan 160 qof oo diyaaradda saarnaa. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammanahan iyo dadkii lagu marti qaaday arooska oo ku dhex sugan diyaaradda xilli ay mareysay hawada sare. Rakesh-Dakshina from Madurai, who rented a plane for two hours and got married in the wedding sky. Family members who flew from Madurai to Bangalore after getting married by SpiceJet flight from Bangalore to Madurai. #COVID19India #lockdown @TV9Telugu #weddingrestrictions pic.twitter.com/9nDyn3MM4n — DONTHU RAMESH (@DonthuRamesh) May 23, 2021 Gobolka Tamil Nadu, oo ay kasoo duushay diyaaradda ayaa waxaa ka dhaqan galay xeerar adag oo ka dhan ah cudurka Karoona, ilaa 50 qof ayaa loo ogolyahay inay ka qeybgalayaan xafladaha aroosyada. Waaxda duulimaadka Hindiya ayaa bilowday baaritaanno ku aadan arrintani, sida wararka ay sheegayaan. Muddo labo saacadood ah ayay diyaaradda hawada ku maqneyd xilli ay socotay xafladda arooska. Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha SpiceJet ayaa wargeyska Indian Express u sheegay in diyaaradda Boeing 737 ay kasoo kacday magaalada Madurai isla markaana ay gaartay Bangalore. “Dadkii saarnaa diyaaradda waxaa lagula taliyay inay raacaan taalooyinka caafimaad ee looga hortaggayo Covid-19, waxaana loo diiday inay sameeyaan howlo kale” ayuu yiri Afhayeenka. Hindiya waxaa haatan si ba’an u saameeyay mowjadda labaad ee cudurka Covid-19 kaas oo ay u dhinteen ugu yaraan 300,000, sida ay dowladda shaacisay. Laakin khuburrada ayaa ku khiyaasay in tirada ay intaas ka badan karto. Waxaa cisbitaallada buux dhaafay bukaanada uu ku dhacay cudurka Karoona taas oo horseeday gabaabsi dhanka qalabka bukaanada ka caawiyo neefsiga iyo in maalin kasta la gubo meydadka. Qaran News
  14. Xog:Faahfaahino & Cadaymo Muujiyey Qaabkii loo dilay Ganacsade Somali-Maraykana oo lagu dilay Nairobi BASHIIR MAXAMUUD Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka. Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga. Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay. “Waxaan rajeyneynaa in baaritaanno sax ah la sameeyo si dadkii ka dambeeyay dilkiisa caddaaladda loo horkeeno” ayuu yiri Charles Madowo oo ah qareenka u doodayo qoyska marxuumka, sida uu ku warramay Nation. Wargeyska Daily Nation, oo soo xiganayo xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in FBI-da aysan si toos ah faraha ula soo geli karin baaritaanada meydka maadama arrinta ay ka dhacday gudaha Kenya oo ay baarayaan laamaha dambi baarista dalkaas. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya. Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha. Aaska Maydka Boqolaal qof oo mas’uuliyiin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka midyihiin ayaa shalay ka qeybgalay aaska marxuumka, iyada oo janaasada lagula tukaday masaajidka Salaam ee xaafadda South C, halka lagu aasay qabuuraha Langata. Dadkii ka qeybgalay oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida, waxayna walaac ka muujiyeen dilka arxan darada ah ee loo geystay Bashiir. Soomaalida Nairobi degen oo u badan ganacsato haysta jinsiyo kala duwan ayaa maalgeshi xoog leh ka sameeyay gudaha Kenya, dilka Bashiirna wuxuu u yahay dareen dhiilo leh. Qaran News
  15. Galkayo (PP News Desk) — The Governor of Mudug Abdiladif Musse Nur had denounced the allegiance that some Puntland clans have allegedly pledged to Al-shabaab. “Some clans are allegedly going to make a pact with Al-shabaab. Let them know that Al-shabaab is like an overturned car. We will assume that those clans are a part and parcel of Al-shabaab and deal with them accordingly” said the Governor of Mudug based at the Northern part of the administratively divided city. Mudug Governor Abdiladif “has fallen for Al-Shabaab propaganda.” Locals have accused Mudug Governor of falling for Al-shabaab propaganda. Media outlets of the proscribed group such as Al Andulus radio reported that some North Mudug subclans have “expressed loyalty to Al-shabaab via telephone”. “Abdiladif is now doing what Al-shabaab did not manage to achieve to be able to claim a large following in North Mudug constituencies. Puntland Government should not authorise Mudug Governor to use citizens as a shield against Al-shabaab” said a trader in Galkayo. Puntland Interior Minister Mohamed Dhaban’ad is expected to clarify counterterrorism measures in Galkayo. Puntland Interior Ministry guidelines bar governors from resorting to collective punishment as a part of counter-terrorism measures. “It is the responsibility of the Interior Minister to make it clear that what Abdiladif said about Puntland subclans violates good governance and social cohesion” said a North Galkayo councillor, who asked for anonymity. Al-shabaab cells in North Galkayo have carried out a reign of terror since 2007. Last month, a Puntland martial court put several Al-shabaab ringleaders on trial and sentenced them to death. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Warns Against Communal Pacts With Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu fatahaad horleh ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Wabiga ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu saacadihii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyey dhinaca xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaalada Beledweyne, kadib markii biyo raacay Keliga Dhagax-Jebis ay karkaarada jabsadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay billaabeen barakac, si aysan go’doon ugu gelin xaafadaha uu ku fatahay webiga Shabelle ee Beledweyne. Dhowaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin culus kasoo saaray fatahaadda wabiga, wuxuuna sheegay inuu buux dhaafsamay, loona baahan yahay feejignaan dheeri ah. Waxaa sidoo kale jira dadaallo xoogan uu wado guddiga fatahaadaha magaaladaasi, kaas oo caro tuur ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Beledweyne, balse waxaa weli jirta cabsida iyo wal-walka laga qabo in fatahaaddu ay markale saameyso shacabka. Horey Jowhar ayaa u wajaheysay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle, waxaana kala xirmay dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo doon lagu tegayo xaafadaha qaar. HirShabelle ayaa sidoo kale dhowaan guddi u saartay ka hortegga fatahaadaha, si wax looga qabto, waxaana sidoo kale ay baaq gurmad ah u dirtay hay’adaha samafalka. Beledweyne iyo Jowhar waxaa inta badan kusoo laa laabta fatahaadaha oo sanad kasta saameeya qoysas badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Xaalad adag oo ka taagan Beledweyne iyo barakac ka billowday appeared first on Caasimada Online.
  17. (SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka laabatay hindisihii dhex-dhexaadinta ee ay ku dooneysay in lagu xaliyo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Sudan. Sida uu qorey Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaaladda Abu Dhabi, dowladda Imaaraadka waxay si rasmi ah ugu war-geliyeen dowladda Sudan inay ka laabteen dhex-dhexaadintii lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia, kadib muran kooban oo soo kala dhex-galay xukuumadda Khartoum Qoraal ay dowladda Imaaraadka u dirtay dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers). Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay in tallaabada Imaaraadka uga baxay hindisihii dhex-dhexaadinta ay timid kadib markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Madaxa Golaha KMG ee haya talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Imaaraadka ayaa ka xumaatay go’aanka Sudan ay ka qaadatay maal-gelinta Imaaraadka uu ka sameynayo dhulka Sudan, kaasi oo lasoo wariyey in 8 Billion oo dollar ku maal-gelin doonaan Mashaariic Beereed ku yaala deegaanka Al-Fashaqa ee gobalka Gardef ee bariga Sudan. Sudan ayaa sidoo kale ka hortimid in Beeralayda Itoobiya mar kale u oggolaan doonin joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal, oo sarre u qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dowladood. Itoobiya waxay ka biyo diidsan tahay heshiiskii xuduudka ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii. Xiisada Sudan iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka dhulka ayaa sababtay iska hor-imaadyo dhex-mara labada dhinac, waxaana weli taagan muran dhuleedka xuduudka oo ah dhul beereed. Source