-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Democratic societies elect their leaders on a majority vote based on the principles and issues on their campaign platforms. After they assume leadership, they are held accountable for how they discharge their duties and implement their campaign promises. In the next general election, voters grant them another term in office as a sign of approval or elect a new leader as an indicator of disapproval. For instance, When Donald Trump was elected into office, his approval rating remained below 50% of all polls taken during his term of presidency. He paid the price of being removed from office and Americans elected Joe Biden as his successor. Unlike Trump, Americans awarded two terms in office; the three Presidents preceded Donald Trump, Obama, Clinton, and Bush. Another Value of Democratic societies is that when a leader fails his/her responsibilities, they simply resign and accept the shortcomings and apologise to the public instead of casting aspersions and blaming others for one's failures. In psychology, blame-shifting is a common phenomenon for abusers or tactics to get away with their wrongdoings. True leaders resign and pave the way for new leadership when they sense failure and apologise to the public. It's certain that President Farmajo is seeking tirelessly to shift the blame on the delayed elections and the bad policies of his administration on others. Source: Hiiraan Online
-
Yaa soo xirayo shirka doorashooyinka ee magaalada Muqdisho?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo xerada Xalane. Munaasabaddan oo sidoo kale lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Sida lagu sheegay jadwalka xafladdan waxaa munaasabadda furayo ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo kadib lagu dhawaaqi doono dhammeystirka heshiiska doorashooyinka ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeedin doono dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, iyadoona uu ugu dambeyn soo xiri doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Heeshiiskan dambe ayaa ku yimid, kadib dadaal xoogan oo uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble oo isagu la wareegay maamulka doorashada, kadibna Muqdisho isugu keenay madaxda Soomaaliyeed, si xal looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiiskan uu noqonayo inta badan is-afgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii. Sidoo kale ka qeyb-galayaasha shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ayaa isla gartay in wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha. Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka. The post Yaa soo xirayo shirka doorashooyinka ee magaalada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online. -
Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeynaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo muddo todobaad ah madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga socday Afisyooni. Shirka oo maanta la soo afmeerayo ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madaxweynayaashi hore ee dalka sida Sheikh Shariif, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Farmaajo. Kulanka xiritaanka shirka ayaa maanta waxaa sidoo kale ka soo qeyb galaya xubnaha beesha caalamka, Midawga musharixiinta iyo Bulshada rayidka . Madaxda ayaana dhamaan lagu wadaa in ay khudbado ka jeeydiyaan shirka halkaas oo lagu wada casuumay. Madaxda todobaadka shireysay ayaa sidoo kale waxa ay soo saarayaan War-murtiyeed ku saabsan wixii ay ku heshiiyeen oo ay qeyb ka tahay cadeynta Jadwalka doorashada Baarlamaanka JFS iyo tan madaxweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Lodon (Caasimada Online) – Ergeyga joogtada ah ee Boqortooyada UK u qaabilsan Qaramada Midoobay, Barbara Woodward ayaa ka hadashay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada doorashooyinka ee haatan ka socda magaalada Muqdisho. Barbara Woodward oo la hadleysay xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda kale ee siyaasadeed inay sii wadaan wada-hadallaooda inta xal laga gaarayo, isla-markaana laga aadayo doorasho loo dhan yahay. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in jahwareeka jira kaliya looga gudbi karo in la hubiyo doorasho waqtigeeda ku dhacdA, si looga baaqsado xasilloni darro siyaasadeed iyo mid amni. “Hubiya in doorashada noqoto mid loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo ayna ku dhici karto sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan waanba habka looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed ee sii hurinaya amni-darrada iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya,” ayay tiri Barbara Woodward oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska ee UN-ka. Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay “Rabshadaha siyaasadeed waxay kaliya sii kordhinayaan saameynta halista jirta ee Covid-19, daadadka, abaaraha, cunno yarida, iyo ayaxa oo dhammaantood khatar weyn ku ah xasiloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Hogaamiyaasha Soomaalida waa inay sii wadaan ka shaqeynta wax ka qabashada saameynta arimahan”. UK ayaa ka mid dalalka sida u dhow u taageerO Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka aheyd dalalka beesha caalamka ee dadaalka ku bixiyey wada-hadallada doorashooyinka 2021. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeynayo shirka wada-tashiga doorashooyinka, iyada oo la shaacinayo dhameystirka heshiis ay SI wadajir ah u gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Si kastaba, dhaqan-galka heshiiskan ayaa meesha ka saari doono is jiid-jiid muddo ka taagnaa doorashada oo ay isku hayeen dowladda, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka. The post UK oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis looga gaaray qoddobadii ugu adkaa ee horyaalay madaxda shirsan, gaar ahaan xiisada Gedo oo markii hore si gaar ah uga dhaxeysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland. Shirweynaha ayaa isku raacay in arrinta Gobolka Gedo lagu dhameeyo “in la qaato soo jeedintii guddigii farsamada ee ku shiray magaalada Baydhabo”, kaasi oo dhigayay in la magacaabo guddi dib u heshiisin ah oo xal kama dambeys ah ka gaara xiisada iyo in Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisal wasaare Rooble iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guddiyo gaar ah u xil saari doona si ay arrintaas oo muddo jiitameysay xal kama dambeysa ah uga gaaraan. Labada mas’uul ayaa magacaabaya guddi isku dhaf ah oo arrintaas xal kama dambeys ah ka gaara, maadama ay xiisada gobolkaas qeyb ka tahay khilaafka doorashooyinka muddo dhaafay. Sidoo kale waxaa intii uu socday shirweynaha doorashada la isla qaatay in guddiga doorashooyinka ee muranka badan ka taagan yahay lagu bedelo guddiyo cusub oo kalsooni ka haysta dhamaan dhinacyada oo dhan. Waxaa dib loogu noqonayaa sida ay xogtu sheegayso guddiga doorashada ee maamul goboleedyada, ayada oo ay jiraan qoddobo cusub oo lagu darayo heshiiska cusub ee qalinka ku duugayaan madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir. Waxaa xusid mudan in booska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiix ku lahaa heshiisyadii hore lagu badalay ra’iisal wasaare Rooble oo asagu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Heshiiska lagu wado inay qalinka ku duugaan Rooble iyo saxiixayaasha kale ayaa soo af-meeraya is-mari-waa qaatay muddo badan, kaasi oo jawhareer siyaasadeed iyo mid amniba geliyay dalka. The post Xog: Yaa magacaabaya guddiga xalka kama dambeysta ah ka gaaraya arrinta Gedo? appeared first on Caasimada Online.
-
UNITED NATIONS -- Despite last year's UN call for global ceasefires to tackle the COVID-19 pandemic, many conflicts never stopped including in Syria, Yemen and Congo and new ones erupted making it more difficult to control the spread of the virus and care for infected people in many countries, the UN humanitarian chief said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Booliiska Puntland iyo Galmudug, ayaa xalay hawlgal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga waxay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo. Ciidanka oo iskaashanaya ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha labada dhinac. Hawlgalka waxa lagu qabtay dad kala duwan oo lagu tuhmayo falal amni-darro ah, kuwaas oo saraakiishu sheegeen in baaritaan lagu samaynayo. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland iyo Galmudug oo hawlgal wadajir ah ka fuliyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Daawo:Taliyayaasha Ciidamada S/land oo war cusub soo saaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Yussuf is running for the open seat in Ward 9, representing Central, Corcoran, Midtown and East Phillips, Powderhorn and part of Longfellow. Source: Hiiraan Online
-
Walaalo Muddo 30 sano ah u xidhnaa dembi aysan gelin oo helay lacag lama filaan ah Henry McCollum Heshiis taariikhi ah oo 75 milyan oo doollar lagu guddoonsiiyay laba nin oo walaalo ah oo ku nool dalka Maraykanka oo in ka badan soddon sano u xirnaa dembi aysan galin ayaa dib u soo cusboonaysiiyay xukunkii khaldanaa ee lagu riday labadan nin ee walaalaha. Henry McCollum iyo walaalkiis oo ay isku aabbo yihiin Leon Brown, ayaa laba jeer lagu xukumay dembi la xiriira kufsi iyo dil loo geystay gabar 11 jir ah sanadkii 1983. Sanadkii 2014, waxaa la helay caddaymo cusub oo la xiriira hidde-sidaha dhiiga ee DNA, taas oo horseeday in cafis buuxa loo fidiyo labada nin isla sanadkii xigay. Jimcihii ayaa loo xukumay magdhow gaaraya 31 milyan oo doollar in la siiyo mid walba. Lacagtaas ayaa u dhiganta 1 milyan oo doollar sanad walba oo ay xabsiga ku qaateen. Waxaa kale oo loo xumay 13 milyan oo doollar oo dheeraad ah. “Waxaa mahadsan Alle,” ayuu yiri McCollum, isaga oo ilmaynaya, markii uu ka soo baxayay qolka maxkamadda isaga iyo walaalkiis, ku dhowaad toddobo sano ka dib markii uu garsooraha xukumy in la sii daayo. “Weli dad badan oo aan waxba galabsan ayaa ku jira xabsiga maanta,” ayuu yiri McCollum. “Mana u qalmaan inay halkaas sii joogaan.” Qaabka uu u dhacay kiiskan? 24-kii Sebtember 1983, booliiska gobolka North Carolina ayaa meydka gabar 11 jir ah ka dhex helay beer halkaas ku taala. Maalintii xigtay, iyagoo aan helin cadaymo ku filan ayaa waxay xireen McCollum iyo Brown, oo ahaa laba dhalinyaro Afrikaan Mareykan ah oo da’doodu ahayd 19 iyo 15 jir. Kaddib su’aallo qaatay muddo saacado ah oo la weydiinayay labada wiil xilligaas oo uusan goob-joog ahayn qareenkooda ayaa lagu qasbay inay saxiixaan warqado horay loo qoray oo midba midka kale ku tuhmayo dambiga. Dukumiintiyada maxkamadda ayaa caddeeyay in labada walaalo ay ku adag yihiin dhanka garashada oo ay si dhib ah wax ku akhrin karaan, u qori karaan ama u fahmi karaan waxa ay saxiixayaan. Labadaba waxaa lagu xukumay dil. Brown wuxuu noqday maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dil lagu xukumo, laakiin markii dambe waxaa lagu xukumay xabsi daa’in. McCollum wuxuu noqday maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa ee gobolka ee xukun dil ahna lagu xukumo. Sannadkii 2014, natiijooyinka baaritaanka DNA ayaa shaaca ka qaaday dembiilaha saxda ah inuu yahay Roscoe Artis. Immisa xukun ayaa si khaldan uga dhaca Mareykanka? Waxaa ilaa hataan la diiwaan galiyay 2,784 qof oo dembi lagu waayay tan iyo markii uu diwaanka qaranka billaabay ururinta xogaha. In ka badan kalabar dhammaan kiisaskan waxay ku lug leeyihiin nooc ka mid ah dacwad oogista ama dhaqan-xumada laamaha ammaanka. Ku dhowaad 50% eedeysanayaasha la xukumay oo markii dambe la ogaaday in aysan wax dembi ah lahayn ayaa madow ah. Xogta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka madow ay todobo laab u badan tahay in si khalad ah dil loogu xukumo marka loo eego dadka cadaanka ah. Magdhowga badan miyay helaan? Dadka u dhashay Maraykanka ee sida khaldan loo xukumay waxay gudbisan karaan dacwad, iyagoo ku doodaya in xuquuqdooda lagu xadgudbay balse mararka qaar wax natiija ah oo wanaagsan ma helaan. Waxaa mararka qaar adag in lala xisaabtamo saraakiisha ammaanka, maadaama uu si weyn u ilaaliyo sharciga Maraykanka ee hada jira. Balse cadaadiska ah in booliska iyo saraakiisha kale lagula xisaabtamo mas’uuliyadda dembiyadooda ayaa sii kordheysa, iyadoo dhawaanahan ay socdeen dhaqdhaqaaqyo caddaalad loogu raadinayo dadka madow. Xukunkii Jimcaha ee North Carolina ayaa yimid kadib markii labo hay’ad oo ku lug leh arrinta ay horey ula heshiiyeen walaalaha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalksa Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa laga yaabaa inuu Maanta diido ka qeybgalka munaasadda la filayo in lagu saxiixo heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya kadib cadaadis ay saareyn siyaasiyiin kasoo jeedo Waqooyiga. Cabdi Xaashi oo dadaal ay sameeyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada kadib lagu qanciyey inuu aqbalo in guddiga doorashooyinka ee Waqooyiga laga siiyo 5 Xubin ayaa lasoo sheegayaa inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo qaar ka tirsan siyaasiyiinta Waqooyiga ee ka tirsan garabkiisa. Siyaasiyiinta waqooyi ee garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray warqad ay ku diidayaan heshiiska, waxaase la sheegay inuu isagu ku qanacsanyahay qeybta la siiyay balse ay cadaadis saarayan xubno ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Ibraahim Iidle Saleebaan, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Carab Ciise, kuwaas oo ku cadaadinaya inuusan tagin kulanka Maanta lagu soo xirayo shirka. Qodobka ugu adkaa shirkii Muqdisho ugu socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ahaa kan Gobolada Waqooyi, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey In Cabdi Xaashi hal xubin oo dheeri ah loogu daro soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo ku shiray kuwaas oo u ogolaaday 4 xubnood. “Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan maanta lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah. The post Xog: Heshiiska doorashada ma gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa diidan mise xubno kale? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay jawaab uu madaxweynaha Somaliland ka bixiyey eedeyn uu sheegay in uu dhawaan u jeediyay, islamarkaana dhalisay hadal hayn badan. Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii iska fogeeyay hadalka uu jawaabta ka bixiyey Muuse Biixi, kaasi oo uu ku sheegay inuu ugu yeeray “hogaamiye badow ah”. Muuse Biixi oo ka jawaabaya eedeyn uu sheegay inay uga timid Faysal Cali Waraabe ayaa isku sifeeyay wax uu ugu yeeray “Badownimo”, wuxuuna sheegay in midaasi uu ku hogaaminayo Somaliland oo xiligan ku jirta ololaha doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada oo sanado badan aan qabsoomin. “Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa,” ayuu yiri. Haddaba, Faysal Cali Waraabe oo daba-socda hadalka Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku riyooday, islamarkaana aysan jirin meel uu ka sheegay sifada uu isku tilmaamay ee “Badownimada, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha markuu hadlayay waxa uu sheegay in aan ku sheegay Badow, waxaan ka xumahay madaxweynaha kalmadaa ma odhan malaha wuu igu riyooday, kalmadaa ma odhan,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey meel fagaare ah oo isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga Ucid. Hadalka Muuse Biixi ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada, ayada oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la yaab noqotay qaabka uu iskugu-sifeeyay. The post Arrinta yaabka laheyd ee uu isku sifeeyay Muuse Biixi Cabdi oo jawaab laga bixiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ramaallah (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in golaha Congaress-ka uu ka codsan doono$ 75 milyan oo dollar oo ah gargaar loogu fidinayo Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, kadib xabad joojintii dhawaan la gaaray ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Israel iyo ururka Xamas. Blinken ayaa ku dhawaaqista sameeyey kadib wadahadal uu Talaadadii Ramallah kula yeeshay madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas. “Waan ognahay in wareeggii ugu dambeeyay ee colaadda ay calaamad u tahay arrimo intan ka ballaaran oo ay tahay inaan wax ka qabanno haddii aan ka hortageyno soo laalaabashadeeda, waana taas midda aan ka wada hadalnay,” ayuu yiri xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken. Waxa uu intaasi ku daray inay soo dhoweynayaan xabad joojinta sii socota, laakiin taasi aysan ku filneyn, ayna isku dayayaan in arrimaha ay ula dhaqaaqaan jiho dhab ah oo wanaagsan. Blinken ayaa Talaadadii sidoo kale ku celiyay in maamulka Mareykanka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Joe Biden uu rumeysan yahay in xalka laba dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil ‘uu yahay jidka kaliya ee si dhab ah loogu xaqiijin karo mustaqbalka Israel ee dowlad Yuhuud dimoqraadi ah, iyo dabcan, in la siiyo Falastiiniyiinta gobolka ay xaqa u leeyihiin.” Dibluomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u furayo qunsuliyadda magaalada Qudus uu ku leeyahay, kadib markii maamulkii hore ee Trump uu xiray sanadkii 2019-kii. The post Maxay tahay sababta uu Mareykanka kharashka badan ugu balan qaaday Falastiin? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online0 – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray jadwal ay u dajiyeen ololaha doorashada isku-sidkan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland, kaasi oo qorshihiisa uu fashilmay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ololaha doorashada ayaa u dhacay qaab ka baxsan midkii ay u qorsheyeen guddiga, kaasi oo dhigayay in xisbi walba uu hal maalin sameeyo isku soo bax weyn, isagoo cududiisa kusoo bandhigaya fagaarayaasha magaalada. Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dejiyay qorshe dhigayay in saddex xisbi qaran ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani ay fagaarayaasha iskugu soo baxaan taariikhda 23,24 iyo 25-ka bisha oo keliya, halka maalmaha kale ee 26,27 iyo 28-ka isla bishaan ay ku ololeeyaan xafiisyada iyo xarumahooda oo keliya, ayaga oo sameynaya isku soo bax kooban. Qorshaha dambe ee dhigaya in xisbiyada ay taageerayaashooda iskugu yeeraan si gooni-gooni ah xafiisyadooda oo uga ololeeyaan ayaa gebi ahaanba uu hareer maray xisbiga Ucid, oo maanta uu qorshuhu ahaa in xafiisyadood oo keliya ku sameeyen isku soo bax kooban kuwaasi oo isku soo baxyo weyn ka dhigay fagaarayaasha magaalada. Sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamid ah howl-wadeenada guddiga doorashooyinka Somaliland, qorshaha guddiga ayaa ahaa oo keliya in xisbi kasta uu hal maalin oo keliya isugu baxaan fagaarayaasha, si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta tiro badan oo dad ah oo iskugu imaanaya fagaaro weyn, arrimo jira awgeed. Lama oga sababta keentay in xisbiyadu hareer-maraan jadwalka Komishanka, kaasi oo saaka jabiyey xisbiga Ucid, sidoo kale ma cadda in xisbiyada Waddani iyo Kulmiye in ayaguna ay qaadi doonaan tallaabada uu maanta u horkacay Ucid iyo haddii ay u hogaansami doonaan jadwalka Komishanka qaranka uu u dajiyey ololaha doorashada. Somaliland ayaa 31-ka bishaan waxaa ka dhici doonta doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo muddo sanado badan ah aan qabsoomin, waxaana socota qaban-qaabadii u dambeysay ee u diyaar garowga doorashooyinkaas. The post Xog: Qorshe ay diyaariyeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo fashilmay appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda kubadda cagta Villarrea ayaa ku guuleysatay koobka labaad kooxaha Yurub ee Europa League, markii ay riigoorayaal ku garaacday Manchester United. Ciyaarta kama dambeysta oo xalay ka dhacday dalka Poland ayaa ku dhamaatay 1-1 waqtiga caadiga ah iyo waqtiga dheeriga ah. Kooxda reer Spain ee Villarrea ayaa qaybtii hore ee ciyaarta la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase barbarraysay United oo qaybtii dambe uu u dhaliyey Edinson Cavani. Riigoorayaal loo dhigay labada kooxood ayaa 11-10 ku badisay Villarreal, waxaana Manchester United guuldarrada ku hoggaamiyey goolhayahooda David de Gea oo gool ku laadkii ugu dambeeyey laga qabtay. Villarreal ayaa ciyaareysay finalkoodii ugu weynaa abid, tababare Emery wuxuu markii afraad ku guuleystay koobka Europa League, horey wuxuu saddex jeer kula guuleystay kooxda Sevilla. Dad badan ayaa sanadkan Manchester United u saadaaliyay koobka Europa League, iyagoo ku qiimeynaya taariikhdeeda qotada dheer, balse taasi ma dhicin. PUNTLAND POST The post Villarrea oo ku guuleysatay koobka Europa League appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Progress on Somalia electoral talks seems to be facing another hurdle following a claim by the Upper House Chairman Abdi Hashi that he had not been consulted on the key points to be included in the communique on an electoral agreement to be signed today by key stakeholders. Hashi rejected the clause in 17 September electoral agreement that stipulates MPs and Senators from Somaliland will be selected by Hashi and Mahdi Guled, the Deputy Prime Minister. Somaliland MPs and Senators associated with Hashi have denounced the electoral agreement that had ended months of political uncertainty due to deadlock over the electoral model. Prime Minister Mohamed Hussein Roble reportedly sought to persuade Hashi to throw his weight behind the soon-to-be signed electoral agreement. Hashi has demanded full privilege to select Somaliland MPs and Senators. “Mahdi Guled will facilitate the selection process of the remaining MPs and Senators from Somaliland if Hashi keeps sticking to his guns.” said a pro-Union Somaliland political activist in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post Disagreements over Selection of Somaliland MPs Overshadow Electoral Talks appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaanahan Beladweyne ka wada dadaallo lagu xalinayo beelo lagu dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn balan qaaday inay Nabadda ka shaqeyn doonaan. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa ugu baaqay bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro. Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa. “Cidkasta oo dagaalka la ajligiisa uga qaxday Beladweyne, gaar ahaan xaafadda Hilaac haku soo noqoto guryahooda, Alle ka sokow anagaa u joogno oo u balan qaadeyno, ma arkayaan wax dhibaato ah, haku soo laabteen guryahooda iyo goobahooda ganacsiga” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Dadkii ku barakacay colaadii Beledweyne oo loogu baaqay in ay dib ugu laabtaan guryahooda appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa la la’ayahay dhowr qof oo ku nool Waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay u kala go’aday laba qeybood kadibna quustay. Rakaabka saarnaa doonida ayaa u badnaa haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo safray dalka Niger kuna sii jeeday gobolka Kebbi ee dalka Nigeeia Mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa sheegay in ilaa 40 qof la soo badbaadiyey, laakiin xaalku uma eka in dad badan lasoo samata bixin doonin. PUNTLAND POST The post Dad lagu la’yahay doon ku degtay Niger appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland), gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi hoggaamiyo ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn shirka wadatashiga dooarshada ee Muqdisho. Qoraal ay caawa soo saareen siyaasiyiintan ayay ku cadeeyeen in aysan qeyb ka ahayn go’aamada ka soo baxa shirka, dibna faahfaafin kala wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta. Labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi oo ay kala hoggaamiyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku heshiin waayay guddiga doorashada xildhibaannada Waqooyi. Qoraalka garab kamid ah siyaasiyiinta Waqooyi ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayay in berri la soo xiro shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo muddo 5 maalmood ah ka socday Teendhada Afisyoone. Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu wadaan dadaalo lagu xallinayo khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi, lagana yaabo in xal laga gaaro saacadaha soo socdo. PUNTLAND POST The post Shirka Muqdisho oo weli khilaaf ka taagan yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan in shirka berri la soo gabagabeynayo ee heshiiska looga gaaray khilaafka doorashooyinka aysan cidna ku metelin, isla markaana wixii kasoo baxa aysan khusey doonin. Qoraalkaan waxay ku sheegeen in maalmahaan ay rajo ka qabeen in shirka ka socda Afisyooni laga qeyb geliyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay u arkaan inuu muhiim u yahay midnimada iyo wax ka go’aaminta arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse taasi aysan dhicin shirkuna uu u muuqdo mid gabagabo ah. “Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan berri lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah. Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in Cadbi Xaashi uu ogol yahay sida wax loo qeybiyey, balse waxa diidan yihiin xildhibaanada ku xiran. Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho uga socday todobaadkaan teendhada Afisyooni, balse waxaa suurtagal ah in arrintaan ay sababto inaan berri lasoo xirin shirka. The post Garabka Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.