-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Safaaradda Qatar ee dalka Suuriya ayaa dib loo furaya maanta oo Talaado ah waxaana ay billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Qatar, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad. “Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda Qatar. Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif. Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye. Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Qatar marna dib uma soo celin xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya intii uu xukunka hayay Asad, kaas oo xukunka looga tuuray 11 maalmood kadib markii jabhadaha mucaaradka ay weerar culus ku qaadeen magaalooyinka waa weyn kadibna caasimadda Dimishiq. PUNTLAND POST The post Safaaradda Qatar ee dalka Suuriya oo maanta dib loo furayo appeared first on Puntland Post.
-
Abiy Ahmed (left),Recep Tayyip Erdoğan (middle) and Hassan Sheikh Mohamud in Ankara last week. Mogadishu (PP Editorial) — The former Somaliland administration’s Foreign Minister, Essa Keyd, told the BBC Somali Service that the former government had handed over the files on the maritime Memorandum of Understanding (MoU) that former Somaliland President Muse Bihi Abdi signed with Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia. “Experts from the Somaliland administration and the Ethiopian government held several technical meetings on the maritime MoU. The recent Türkiye-facilitated Somalia-Ethiopia talks have no bearing on the MoU,” said Keyd. In Ankara, the Ethiopian Prime Minister committed to respecting the territorial integrity of Somalia and stated that he would deal with the Federal Government of Somalia on anything to do with leasing a coastal district in Somalia. Ethiopia finds itself saddled with what can be described as a political paradox of choice in Somalia: every Somali political entity — be it the Federal Government of Somalia, a Federal Member State, or a secessionist administration — is seeking to co-opt Ethiopia to politically outmanoeuvre a rival entity. The Turkish Foreign Ministry published details on the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia. “They [(President Hassan Sheikh Mohamud and Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia)] acknowledged the potentially diverse benefits that could be derived from Ethiopia’s assured access to and from the sea, whilst respecting the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia. They further agreed to closely work together to finalise mutually advantageous commercial arrangements through bilateral agreements, including contract, lease, and similar modalities, which will allow the Federal Democratic Republic of Ethiopia to enjoy reliable, secure and sustainable access to and from the sea, under the sovereign authority of the Federal Republic of Somalia.” Ethiopia is undecided about which strategy to pursue: to promote a quixotic secession in northern Somalia in the hope of gaining a lease on a coastal part of the Awdal region, or to throw its weight behind the feeble Federal Government of Somalia, which can legally lease a coastal area to Ethiopia for sea access. The word “lease” was the bone of contention in the 2024 maritime agreement between Ethiopia and Somaliland administration, yet it cropped up in the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia. Upon returning to Hargeisa from Ethiopia in January 2024, Muse Bihi accused President Hassan Sheikh of wishing to sign the MoU in the name of Somalia to lease a coastal district to Ethiopia. He might have had a point. © Puntland Post, 2024 The post Ethiopia’s Political Paradox of Choice in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta bilowday inay dalka ku soo celiso ciidamadii ku jabay dagaalkii Raaskambooni ee gudaha u galay dalka Kenya, kuwaas oo isku dhiibay dowladda Kenya. Maalmo ay wadahadallo ciidamadaas ku saabsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay socdeen kadib, waxaa ka isku raacay in ciidankaas loo soo daabulo Muqdisho. Diyaaradihii ugu horeeyey oo ciidankaas wada ayaa galabta kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay ogaatay Caasimada Online, hadana dowladda Soomaaliya ayaa qarisay xogta ciidankaas. Ilaa berri ayaa lagu wadaa in ciidamada kale ay soo gaaraan Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey in askarta galabta la keenay aysan wadan hubkoodii, lamana oga sababta looga reebay. Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah mar kale Kenya ugala xaajoon doonto hubka ciidankii isku dhiibay, waxaana suurtagal ah in diyaarad gaar ah lasoo saaro. Inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ciidankaas, hadana Kenya ayaa marar kala duwan baraha bulshada ku shaacisay inay kor u dhaafayaan 600 oo askari. Arbacadii lasoo dhaafay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee lagu jebiyey ciidanka qaranka Soomaaliya ayaa dowladda ku noqday bar-madow, waxaana weli socota hadal-heyntii ka dhalatay. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale Muqdisho looga soo dejiyey ciidankii Jubbaland ay ku qabatay dagaalka, kuwaas oo Raaskambooni laga soo saaray ilaa 3 diyaaradooda, waxay ahaayeen ciidan dhaawacyo u badan oo boqol kor u dhaafay. Fadeexada ku dhacday dowladda Soomaaliya waxaa u dheer in weli aysan ka tanaasulin abaabulka dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe, si xukunka looga tuuro, waxaana suurtagal ah in Gedo iyo Jubbada Hoose mar kale loo diro ciidan la dagaalama Axmed Madoobe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay ku raad-joogto xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha. Hay’adda ayaa ka digeysa la macaamilka Horjooge Xasan Afgooye, kaas oo xayiraad la saaray, isla markaana toos loo helo xogta xiriirada uu sameeyo. “NISA oo la socota aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digeysaa la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama horjoogahan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya saartay xannibaad dhan kasta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda ayaa qoraalkaan bulshada uga codsatay inay u soo sheegaan hadii ay arkaan ninkaas, waxaana la shaaciyey lambarro lagala xiriiri karo Hay’adda. “Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Dowladda ayaa qofkii xogtiisu guuleysato oo sabab u noqda in ninkaas la qabto u balan qaaday abaal-marin aan la shaacin waxa ay tahay. “Haddii ay xogtaadu guuleysato waxaad heli doontaa abaal marin maqaamkeedu sarreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda NISA. Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirka Xasan Afgooye, si dadku u arkaan loona qabto ama loo dilo, maadaama uu yahay ninka dhaqaalaha ganacsatada Muqdisho u gacan geliya Al-Shabaab. Dhowr mar ayaan baahinay xogta ninkaan halista badan oo waqtigiisa ugu badan jooga daafaha Muqdisho, waxa uu u xil-saaran yahay baadda iyo dabagalka ganacsatada Muqdisho, ganacsadihii uu heshiis cusub la gelayo wuxuu ugu yeeraa dhulka howdka ah ee duleedka Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa isaga oo aan weli xilka la wareegin maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta shaqada culus ee loo igmaaday. Amiir ayaa maanta booqasho ku tegay halka uu ku shaqeyn doono, gaar ahaan Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiyaha xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ujeedka guddoomiyaha cusub ayaa ahaa kormeer uu ku sameynayay xafiisyada dowladda hoose ee Xamar, si uu u qiimeeyo shaqada ka socota halkaasi Sidoo kale wuxuu booasho ku tegay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar. Intaas kadib wuxuu warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha uu booqday iyo guddoomiye Madaale oo la filayo in maalmaha soo socdo uu wareejiyo xilka. Tallaabadan waxaa ka horreysay mid kale oo uu dhowaan qaaday Amiir, kadib markii isaga iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa la kulmeen xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso. Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda. Amiir ayaa haweenka uu la kulmay la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido, oo ku aadan xal u helidda muranka ka taaan guriga hooyooyinka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal xooggan kula jirto dowladda federaalka ayaa haatan billowday weeraro nooc cusub ah oo ay ka fulineyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Weeraradan oo qaraxyo ah ayaa kooxda waxaa xalay ay ku beegsatay guryo ku yaallo xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah. Sababta ugu wayn ee loo qarxiyay guryaha ayaa ah, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee ay horay dowladda u amartay in lagu xiro wadooyinka iyo goobaha ganacsiga Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo moonooyin ahaa ay ku dhaawacmeen illaa 5 ruux oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada caasimada. Qaraxyada kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo kooban ka sameeyay gudaha Garasbaaley, balse ma jirto natiijo kasoo baxday. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka Muqdisho. Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale u qarxisay goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda dhexe.
-
Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay. Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kale oo ku jira in ay xafiis diblomaasiyadeed oo Maraykanku leeyahay laga samayso Hargeysa, caasimadda Somaliland, iyada oo loo marayo safaarad ama qunsuliyad. Xeerku waxa kale oo uu qirayaa in Somaliland si joogto ah u qabatay doorashooyin nabad ah iyo sida ay uga go’an tahay dawladnimada dimuqraadiga ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii. Isla xildhibaankan ayaa sannadkii 2022-kii oo markaas ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa golaha wakiilada u gudbiyay hindise uu ku dalbanayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Perry ayaa markaas si toos ah ugu gudbiyay soo jeedinta congress-ka, iyo Golaha Wakiilada. Guddiga arrimaha dibadda ee Perry ayaa sidoo kale u gudbiyay Congress-ka Maraykanka xeer ay ku doonayeen in ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid amniba la yeeshaan Somaliland. Talaabadaas ee ay sharci-dajiyayaasha Maraykanku aqoonsiga ugu raadinayeen Somaliland inay tahay dal madax-banaan ayaa daba socday booqasho 10 maalmood ah oo markaas Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Maraykanka. Laakiin, Kooxda Siyaasadda, oo ah koox u ololaynaysay midnimada Soomaaliya ayaa markaas ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen isku day lagu doonayo in lagu kala gooyo Soomaaliya. Hindise sharciyeed xildhiban Perry ayaa ku soo beegmeysa iyadoo bishii hore uu xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, sheegay in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Jahmuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ku dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland. Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka *****n doono aqoonsiga Somaliland, marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025-ka. inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo,” ayuu yiri Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, “laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay”. Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay Williamson in Madaxweynaha Mareykanku yahay in go’aan adag qaadan kara, isaga oo tusaale u soo qaatay muddo xilkeedkiisii hore tallaabooyinka uu qaatay “Mid ka mid ah amarradii ugu dambeeyey ee Trump qaatay muddo xilkeedkiisii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka waxa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya, inkasta oo Biden ka hor yimid amarkaas. Ma jiro wax uu Trump ka neceb yahay, sidaas darteed waxaan u adeegsaday taas si aan u riixo dooddan (Aqoonsiga). “ Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu muddo u ololaynayey in ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho, isaga oo dhaqdhaqaaqiisa taageero ee Somaliland soo bilaabay 2017 ilaa 2019 oo uu ahaa xoghayaha Difaaca ee Ingiriiska, isaga oo booqasho ku tegay Magaalada hargeysa. Tan iyo wakhtigaas waxa uu barlamaanka Ingiriiska dhawr jeer kaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanu muddo laba jeer ah booqasho ku tegay Hargeysa, isaga oo ah xildhibaan. Somaliland ayaa 33 sanno ka hor ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee muddadaas ma jiro dal u aqoonsaday waddan madax bannaan. Shacabka Somaliland, ayaa doortay Madaxweyne cusub doorashadii dhacday 13-kii Novermber, iyada oo murrashaxii Xisbiga Mucaaradku ka adkaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi, kaasoo isaguna shalay aqbalay natiijada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaxiib dhow la’ah Masar ayaa la wadaagtay nuxurks heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar ayaa uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wada-hadalka labada wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee bishii October Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in wasiir Fiqi uu wasiirka arrimaha dibadda Masar uga warbixiyay nuxurka shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in la ixtiraamo qaranimada iyo midnimada dhulkeeda. Badar Abdelatty oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida. Ugu dambeyntiina waxay labada wasiir isku raaceen diyaarinta shir heer wasiir ah oo dhex-mara wasiirada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, kaas oo daba socda shirkii sanadkaan ka dhacay Asmara. Masar ayaa waxaa lagu xasuusta garab istaagii weyna ee u muujisay dowladda Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimadeeda, markaas oo labada dhinac ay sameysteen isbaheysi looga hortago gardarada Itoobiya.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo, iyada oo sheegtay inay aad uga xun tahay colaadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi oo u dhexeyso dhinacyo kasoo jeedo Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamayo ay ugu baaqeyso inay xabadda joojiyaan, si looga hortego waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkaasi, iyada oo ku dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah. Dagaalka ka socda Ceerigaabo ayaa qaatay laba maalmood oo xiriir ah, waxaana ugu dambeyn magaalada laga soo saaray garabka SSC oo hadda ku sugan banaanka magaalada. Sidoo kale Somaliland ayaa lasoo wariyay inay xir xirtay mas’uuliyiin deegaanka ah oo kasoo jeedo dhinaca SSC oo ay ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen dagaalka. Dhankeeda SSC-Khaatumo oo war soo saartay ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dambeysay dagaalka Ceerigaabo, isla markaana ay dhibaato u gaysatay dadka shacabka ah. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo xooggan ay ka dhacayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
-
Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka aloosan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-u-heshisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay dhinacyada ku dagaallamay degmada Ceerigaabo sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya Ceerigaabo in ay si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaaddani oo horseedday khasaare naf iyo maal-ba leh, sida ku xusan qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha DFS. “Waa in si shuruud la’aan ah lagu joojiya colaada ka taagaan magaalada Ceerigaabo ee sababtay dhimashada dhaawac iyo barakaca baahsan” ayay baaqeeda ku sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale ka codsatay odayaasha dhaqanka iyo maamullada in ay isu taagaan joojinta colaadda ka taagan Ceerigaabo islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida iyo wada-noolaanshaha magaalada. Halkan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka aloosan degmada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii dhowaan xilka laga tuuray ee Dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa lagu arkay mid kamid ah waddooyinka ay ku badan yihiin Madaxda Ruushka ee ku taal Magaalada Moscow oo Caasimad u ah Dalkaas. Asad ayaa xirnaa dharka lagu aalmiiteeyo waxaana uu ku rucleynayay waddadaas lagu arkay iyada oo amni ahaan ay goobtaas aad u adag tahay in lagu beegsado ama loogu dhawaado sida ay sheegeen ilo kala duwan. Ciidanka qarsoon ee sirdoonka Ruushka ayaa kor ka ilaalinayay Bashaar Al-Asad waqtigii uu jimicsigaas sameynayay, lama socon xubnaha qoyskiisa iyo kuwii la baxsaday sida ay kusoo warrameen goobjoogayaasha arkay Asad. Dhanka kale, Wargeyska Financial Times ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in ujeedka Bashaar Al-Asad ay u martigelisay Moscow ay tahay in uu dhaqaale badan oo kaash ah geeyay si uu ugu maareeyo nolosha reerkiisa. Bashaar oo og xayiraadda dhaqaale ee Ruushka lagu soo rogay kaddib markii uu weerarray Ukraine ayaa horay usii qaatay in ka badan $250 Milyan oo Doollar iyo lacago kale oo dahab ah maadaama uu kusoo baxay diyaarad gaar ah. Isha: Mustaqbal
-
Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Madey Nurey Shiekh Uforow, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania, Sareeye Guud Salim Hajji Othman. Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania ayaa booqashadiisa ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga militari ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarada, farsamada, iyo wada shaqeynta ciidamada. Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa lagu wadaa inay diiradda saaraan sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga labada dhinac si loo xoojiyo amniga gobolka iyo awoodda ciidammada ee la dagaallanka argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay Siciid Axmed Cabdikariin Maxamuud, oo laga bilaabo 15/12/2024 ka mid noqonaya xubnaha Guddida Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiillada JSL ayaa Maxkamadda Sare usoo gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan, in mudane Siciid Axmed Cabdilaahi loo dhaariyo jagada uu dhawaan baneeyay Mukhtaar Cabdi Jaamac. Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. ALLAA MAHAD LEH Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Qaran News
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa ka walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku wada nool magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Colaaddan oo socotay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa sababtay khasaarooyin ba’an oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawacyo, iyo barakac dad badan oo deegaanka ah. Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka. Waxa kale oo Wasaaraddu ku boorrisay Maamullada gobolka, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u istaagaan dadaallada lagu joojinayo colaadda, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii xal waara oo nabadeed loo gaari lahaa. Wasaaradda ayaa adkeysay muhiimada ay leedahay in xal nabadeed oo degdeg ah la gaaro, iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad dhexdhexaad ah. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay dhammaan qeybaha bulshada inay ka fogaadaan fal kasta oo sii hurin kara colaadda. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraanta sanadka cusub ee 2025 booqasho ku tegi doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Erdogan ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, kadib markii uu dhawaan dhex-dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii xooganeyd ee labada dal u dhaxeysay. “Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub ee 2025” ayuu Erdogan ku shaaciyay dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii dhawaan Ankara ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay labada dowladood muddo sannad ku dhow kadib wada-hadalo saacado qaatay oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Erdogan, oo isagu heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah. Khilaafka labadaan dal ayaa waxa uu bilaabmay bishii koowaad ee sanadkaan kadib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan, taasi oo si adag ugu hortimid dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii uu labada dal isugu soo jiidi lahaa, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyay oo markaas gaaray meel sare, ayadoo ugu dambeyntii uu 11-kii bishaan ku guuleystay in heshiis gaaran dhinacyada Madaxweynaha Turkiga ayaa wada-hadallo toos ah u qabatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, taasi oo soo afjartay khilaafkii sanadka ka dhex aloosna labada dal, kaas oo mar ku sigtay gacan ka hadal.
-
President Mohamud attended the opening ceremony of the controversial Somali Studies Conference in Mogadishu. Mogadishu (PP Editorial) — The Somali Studies conference in Mogadishu highlights the pervasive issues of academic malpractice and intellectual timidity affecting the Somali academic community. The Somali Studies International Association (SSIA) only belatedly distanced itself from the conference organised by Federal Government of Somalia, just days before the event began. The Ministry of Education disclosed the conference dates merely a week before its opening, and public notices about the event appeared on social media only last week. Farah Abdulkadir, the Education Minister, who oversaw the conference preparations, allegedly kept details secret to avoid SSIA’s objections. Prominent Somali scholars, including Professor Abdi Samatar, Professor Ali Jimale Ahmed and Professor Mohamed Haji Mukhtar, have signed a letter protesting the Federal Government’s usurpation of SSIA’s mandate. Professor Mukhtar condemned the presence of President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamsa Barre at the event. “It is scandalous to organise an illegal Somali Studies conference. The President and the Prime Minister attended the opening of this so-called conference,” Professor Mukhtar told a Somali news outlet. The irony is that President Mohamud, who now holds a PhD, has embargoed his dissertation, Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia. He has not clarified whether he used classified government documents for his research. Some scholars argue that discussing politics through the lens of clan identity excuses politicians from accountability for political violence and corruption. Somali scholars have yet to publicly call on President Mohamud to make his dissertation available to researchers. Speculation persists that his dissertation may have departed from rigorous academic standards, raising concerns about the University of Peace’s decision to grant an indefinite embargo at his request. The SSIA shares responsibility for this crisis, having lowered membership standards and adopted a complacent attitude toward researchers like President Mohamud, who has written an anthropological study of Somali clans. In 2011, Professor Abdi Samatar criticised former President Mohamed Abdullahi Farmajo for a dissertation suggesting that some Somali clans benefited from ties with European colonisers. The SSIA must undergo a period of introspection and recommit to upholding academic accountability among Somali scholars. © Puntland Post, 2024 The post Somali Studies Conference Highlights Tensions in Academic Accountability appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo lagu tilmaamo hogaamiye midabo iyo indhasarcaad badan, ficilkiisa ka soo horjeedo maangalka caadiga ah, naxariis daran, isu haysta in ilaahey u doortay inuu dadka iyo dalka Ethiopia u horseedo barwaaqo, isku haysta boqorkii 7 oo aaminsan siyaasaddi Boqor Xayle Salaase oo aheyd inuu cid kasta saaxiib la yahay hase yeeshe cidna daacad u aheyn ama ku tiirsaneyn, saameyn weyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika ayaa Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyib Erdogan ka codsaday inuu la kulankiisu fool ka fool Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud oo muddo sannad ah diidanaa la kulankiisa ilaa uu ka noqdo (burriyo) Is-Afgaradka Sharcidarrada ah ee uu la galay 1dii Jennaayo 2024 Madaxweynihii hore ee Maamulka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) Mudane Muse Biixi, is afgaradkaaso Ethiopia ku boobeyso dhul iyo bad Soomaaliyeed. Source: Hiiraan Online