Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenya suffered a widespread power outage on Wednesday that affected most of the country, with electricity supply restored about six hours later, the nation's leading power utility Kenya Power (KPLC.NR), opens new tab said. Source: Hiiraan Online
  2. Twenty-nine prisoners remain at the US detention facility in Cuba after the transfer of Mohammed Abdul Malik Bajabu. Source: Hiiraan Online
  3. In an interview with Fana Media Corporation, Yassin Ahmed, the President of the Ethiopian Public Diplomacy Institute (EPDI), stated that the recent agreement represents “the fulfillment of Ethiopia’s aspirations and aligns with the new foreign policy initiated by Prime Minister Abiy Ahmed (PhD), which emphasizes shared interests and economic cooperation as foundational elements of foreign relations.” Source: Hiiraan Online
  4. Turkey is building a facility to launch rockets from Somalia, the Horn of Africa nation’s president said, boosting Ankara’s long-range rocket testing program. Source: Hiiraan Online
  5. Shop owners in Somalia's capital, Mogadishu, are caught between a rock and a hard place over a government directive that they install CCTV cameras outside their businesses to intensify surveillance of Islamist insurgents who have a strong presence in the city. Source: Hiiraan Online
  6. Allaha u naxariistee waxaa dhowaan dalka Neterland ku geeriyooday Shiikh muuse Shiikh Nuur Shiikh Muuse Ibraahim (Shiikh cadde) oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaaliyeed, islamarkaana muddo dheer ku howlanaa faafinta diinta Islaamka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida shiikha ayaa tilmaamay inuu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay wax-barista, wacyi-gelinta, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu dhaqan wanaagsan ku suntanaa. Shiikh Muuse Cadde oo muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaaamka ayay dadka si feecan u yaqaani ku tilmaameen inuu ahaa caalim aftahan ah oo aan aragtidiisa diimeed iyo caddaynta mas’alooyinka shareecada la gamban.. Shiikha oo qoys culumo ah ka soo jeeda ayaa yaraantiisii bartay culuumta diinta Islaamka, wuxuuna 70-tameeyadii qarnigii tagey tagey illaa sanadkan oo uu geeriyooday ahaa caalim faafinta diinta Islaamku ay tahay howshiisa koobaad. Xilligii dowladdii kacaanka wuxuu kitaabo ka akhrin jirey masaajiddu ku yaalla magaalada, gaar ahaan Suuq-bacaad, burburkii ka dibna wuxuu sanadkii 1994 guddoomiye ka noqday maxkamaddii Islaamiga ahayd ee uu aas-aasay Shiikh Cali dheere. Shiikha ayaa sanadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Holand, wuxuuna dalka ka tagey sanadkii 2009-kii ka dib markii uu hanjabaado kala kulmay kooxda Al-shabaab, maadaama aanu fakirkiisa marnaba la gamban jirey, islamarkaana diintu waxa ay qabtu uu bulshada u caddayn jirey. Allaha u naxariistee Shiikha ayaa si gaar ah loogu xasuustaa faafinta Siirada Nabiga NNKH oo uu dadka bari jirey, waxaana geerida Shiikha masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo culumo awdiinka Soomaaliyeed intooda badan. Source: goobjoog.com
  7. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay. Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Waa kumaa Scott Perry? Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah. Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia. Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah. Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga. Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka. Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007. Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin. 2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts. Ku biiridiisii militariga Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah. 2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah. Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan. Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen. 2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel. Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Isha: BBC
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis. “Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale shaqooyinkii uu ka qabtay Amnuga iyo Horumarinta Muqdisho mudadii uu xilka hayay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyin qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
  9. Moscow (Caasimada Online) – Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa Talaadadii lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed. Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen. Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka. Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine. Isniintii, hay’adda Amniga ee Ukraine, ee SBU, ayaa furtay baaritaan dembi oo ka dhan ah, ayadoo ku eedeysay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay. Sarkaal u hadlay SBU ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay weerarka. Sarkaalka, oo codsadey in aan magaciisa la shaacin maadaama aanan loo ogoleyn in xaaladda uu ka hadlo, ayaa Kirillov ku tilmaamay “Dambiile dagaal iyo bartilmaameed sharci ah.” SBU waxa ay sheegtay in ay diiwaangelisay in ka badan 4,800 oo jeer inta jeer ee Ruushku uu hubka kiimikada u adeegsaday goobaha dagaalka tan iyo markii uu sida buuxda u soo galay February 2022 Ukraine. Bishii March, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay isticmaalka chloropicrin kaasoo loo adeegsadey ciidmada Ukraine. Gaaskan sunta ah ayaa markii ugu horreysay la adeegsadey dagaalkii 1-aad ee adduunka. Ruushka ayaa beeniyay in uu wax hub sun ah u adeegsaday Ukraine, waxana uu ku eedeeyay Kyiv in ay suntan iyadu u adeegsatay dagaalka. Kirillov, oo qabtay shaqadiisa hadda 2017, wuxuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee eedeymahaas loo soo jeediyey. Waxa uu qabtay warbixino badan oo uu ku eedeeyay millatariga Ukraine in ay adeegsadeen walxaha sunta ah oo ay qorsheynayaan in ay ku qaadaan weeraro walxo shucaac ah – sheegashooyinkaas ayey Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka isku fogeeyeen iyagoo ku tilmaamey dacaayad aan raad laheyn. Bamkii loo adeegsaday weerarkii Talaadada ayaa ahaa mid laga hagaayey meel fog, sida ay sheegayaan wararka Ruushka ka imanaya. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay daaqado burburay iyo darbiyo gubtay. Hay’adda ugu sareysa baarista ee Ruushka ayaa sheegtay inay baarayaan dhimashada Kirillov oo ay ku sheegeen kiis argagixiso, waxaana saraakiisha Moscow ay wacad ku mareen inay ciqaabi doonaan Ukraine.
  10. Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo. Al qaadi ayaa muddo dheer ahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo. Magacaabistiisa ayaa timid Xilli Gudoomiyaha hadda ee gobolka Gedo uu xiriirka u jaray maamulka Jubbaland islamarkaana uu la xirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay maalmihii lasoo dhaafay in uu xoogga saaro sidii uu uga hortagi lahaa in gobolka Gedo uu soo galo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday is doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee dhawaan ka dhacday Kismaayo waxa ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah. Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka. “Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey. Source: goobjoog.com
  12. Dalalka Ingiriiska , Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku eedeyay Iran inay sare u qaaday kaydka Uranium-ka aadka loo xoojiyey , heer aan horey loo arag, tallaabadaa oo ay ku sheegeen mid sharci darro ah , iyagoo markaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka aan la hureyn si looga hortago sare u qaadista Iran ee kaydka Uranium-ka. Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka jawaabay hadalka saddexdan dal ayaa ugu hanjabay in haddii ay dib ugu soo rogaan cunaqabatayn Iran, markaa ay la kulmi doonaan cawaaqib qalalaase abuuri kare oo ka hor imaanaya danaha dalalkan. Hadalkan saddexdan dal oo xalay soo baxay , wuxuu ku soo aaday xilli laga maqlay Netanyahu inay ka wada-hadleen Trump sidii ay weerar wadajir ah ugu qaadi lahaayeen barnaamijka nukliyeerka Iran oo ay ku sheegeen mid halis ah , waqtigan in la maqlo sare u qaadista Uranium-ka aadka loo xoojiyey oo suragelinaya soo saarista bambada nukliyeerka waxay dedejinaysa iskudayga Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in meesha laga saaro barnaamijka nukliyeerka Iran. PUNTLAND POST The post Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka oo ku eedeeyay Iran in ay sare u qaaday Keydinta Uranium-ka appeared first on Puntland Post.
  13. Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed. Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen. Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka. Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Jeneraal sare oo Ruush ah oo lagu dilay magaalada Moscow appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir. Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub, isagoo ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay. “Guddoomiye Amiir ku soo dhawaaw u qidmaynta 4 malyan oo ku nool caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Madaale. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Madaale uusan meel ka aadin bulshada Muqdisho oo uu ahaan doono marjac loo noqdo. “Waxaan rabaa in la igu qiimeeyo wax qabadkeyga, qorshaheygu waa in aan idiin adeego ee maahan in aan idinka adeegto, waxaa iga og’an in Muqdisho aan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir. Wuxuu sidoo kale balan-qaaday in dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir uu shaqo abuur u sameyn doono, sidoo kale wuxuu balan-qaaday in nadaafadda caasimadda uu wax badan ka bedeli doono. “Sida Ra’iisul Wasaare Xamsa horay u sheegay siyaasadda iyo u qidmeynta shacabka Muqdisho waan ku cibaadeysa doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta, isagoo shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad aad u dulqaad badan. Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhulka danta guud oo dadku ay degan yihiin, isagoo sheegay in shaqada danta guud ay dowladdu dadka ku qasbeyso oo dheg aysan jalaq u sii doonin qeyladhaanta dadka diidan shaqada ka socota danta guud. “Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga wareeji lahaa jidadka Muqdisho, amniga shaqo culus ayey dowladdu ka qabatay, wasiirka amniga waxaan farayaa caawa in dhagaxda laga wareejiyo jidadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Hoos ka daawo
  15. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay. Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, waxaana dhimashadiisa xaqiijiyay wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde oo warbaahinta la hadlay. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde. Sheekh Muuse Cadde oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu maray qaliin lagu guuleystay, balse wuxuu u geeriyooday xanuunkii soo ritay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” isagoo tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku. Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay. Sheekha ayaa kamid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuu ahaa caalim ku suntan u qidmeynta diinta Islaamka, wuxuuna kamid ahaa mashaa’ikhda la jecelyahay ‘hab gudbinta’m aqoontooda. Sidoo kale Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday, wuxuu kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda oo la dagaalanta fikirka xag-jirka ah ee Khawaarijta. Dhowr mar ayuu Sheekh Muuse Cadde yimid Muqdisho, isagoo dadka ku guubaabi jiray inay iska difaacaan oo ku jihaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhiigga islaamka baneystay. Sidoo kale wuxuu ka soo qeyb geli jiray shirarkii waaweynaa ee culimada Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka jeedi jiray afkaaro cad oo muujinaya sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya laga xoreeyo Khawaarijta. Sheekh Muuse Cadde wuxuu kamid ahaa culimadii Fatwootay magaca ‘Khawaarij’ oo lagu nisbeeyey Al-Shabaab, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha magacaas xun, sida ay cadeysay culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo Sheekha caawa geeriyooday u uku jiro.
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNRfDrFU_zS21TCtYvOCAOEnpYtnQU393xz5EeK4HzQM_jVCGPmAy0BbIHb0CHSN-K5hIeTUiCSzrVthu4X68xN.mp4 Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa caawa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay u diyaar garowga munaasabad weyn oo dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabineyso. Shirkaan ayaa caawa lagu qorsheeyey Daahfurka Dhismaha Horumarinta ‘Muqdishada Cusub iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho’ oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono maalinta Khamiista ah ee 19-ka bishaan Diseembar 2024. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Mashruucyadan oo leh muhiimmad qaran, ay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Muqdisho. Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho loo beddeli doono xarun ganacsi oo heer caalami ah. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta kale ee ka qeyb qaadanaya fulinta mashariicda horumarineed ee wejiga koowaad ee qorshahan. Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay shirkaan waxaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan khubarada daraasadaha kala duwan ku sameeyay mashariicda horumarinta Muqdishada cusub. Mashruucaan oo ay hoggaamineyso wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa Khamiista soo socota munaasabad weyn oo ka dhacaysa Muqdisho. Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo badanaya waxaana socda dhismayaal iyo dhaqaale kale oo siyaabo kala duwan loogu maalgashanayo magaalada. Muqdishada Cusub waxaa lagu tilmaamay mashruuca ugu weyn dalka, waxaana laga hirgelinayaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo loo rari doono garoonka ugu weyn dalka.
  19. Arimaa la saxayaa si aanay wado qaldani inoogu furmin. Liibaan Al cadaala waa muwaadin wadankiisa xaq kule isagana waxaa saaran waajib. Hadaba si habka saxda a loo maro, Liibaan wuxuu madaxweyne Cirro ka soo codsanayaa cafis, wadankana wuu imanayaa. Sidaa awgeed dhamaan teen waxaa inala gudboon in aynu arintaa ka gudubno, hoosna loo dhigo, lana yareeyo buun buuninta. Abdi Ismail Geele Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelidda quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah. “Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray. “Soomaaliya Maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan” Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, ayaa ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta. “Dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka” Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah. Source: goobjoog.com
  21. Asalaamu Calaykum Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal “Cirro” oo aan kula kulmay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeisa. Madaxweynaha waxaan warbixin buuxda ka siiyay shaqada aanu Qaranka u hayno iyo guud ahaan shaqada iyo qorshayaasha noo degsan. Madaxweynuhu wuxuu igu hoga-tusaaleeyay inaanu sii laban-laabno dedaalka shaqada Qaranka. Kulankaas waxaa nagu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Maxamed Cali aw Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Hargeisa. Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
  22. Hargeisa (HOL) – The Somaliland government has barred Liibaan Al-Adala, a prominent supporter of newly elected President Abdirahman Irro, from entering Hargeisa, sparking protests near the Hargeisa Airport. Source: Hiiraan Online
  23. Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa la Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Sharcigu waxa uu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya. Waa kumaa Scott Perry? Qoraalka sawirka,Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejint Scott Gordon Perry wuxuu dhashey 27 May, 1962, waa siyaasi Mareykan ah iyo khabiir dhanka militariga ah oo howlgab ah. Scott wuxuu ku dhashay San Diego, Awowayaashii Scott waxay ahaayeen muhaajiriin ka yimid waddanka Colombia. Hooyadii waxay ahayd shaqaale diyaaradeed waxaana aabihii iyo hooyadii ay kala tageen isaga oo si aad ah u yar oo dhaw sano jir ah. Wuxuu 1991-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Gobolka Pennsylvania oo uu ka bartay cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga. Sannadkii 2012, waxa uu shahaadada Masterka ee qorshaynta istiraatijiyadeed ka qaatay Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka. Sannadkii 2006, wakiilka gobolka Bruce Smith ee degmada 92aad ee Aqalka Pennsylvania ayaa go’aansaday inuu siyaaadda ka fariisto. Perry wuxuu ku guuleystey doorashadii hordhaca ah ee Jamhuuriga isagoo helay 41% cod .Wuxuu ku guuleystay doorashadii guud isagoo helay 71% codadka, wuxuuna xilka qabtay Janaayo 2, 2007. Sannadkii 2008, Perry ayaa mar labaad loo doortay iyada oo aan lala tartamin. Sannadkii 2010, ayaa mar saddexaad loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin. 2012, Perry wuxuu ka tanaasulay kursigiisii ​​aqalka heer gobolka si uu ugu tartamo degmada 4-aad ee congress-ka islamarkana u aqalkaas ugu biiro. Degmadu waxay hore u ahayd degmadii 19-aad, oo uu matalo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah ee Todd Platts. Ku biiridiisii militariga Perry waxa uu bilaabay adeegiisa milatari markii uu ku biiray ciidanka 1980. Waxa uu ka qayb galay tababarka aasaasiga ah ee Fort Dix, New Jersey, waxana uu ka qalin jabiyay Tababar Shakhsiyeed Sare oo ka dhacay Fort Belvoir, Virginia, isaga oo ah khabiir farsamo qoris ah. 2011, waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxa uu noqday Taliyaha Xarunta Tababarka Qaranka ee Fort Indiantown Gap, waxaana loo doortay in uu dhigto Kulliyada Dagaalka Ciidanka Maraykanka , kaas oo uu ka qaatay Shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah. Scott iyo xaaskiisa, Christy, ayaa waxa ay haystaan labo gabdhood oo ay aad ugu faanaan. Scott Gordon waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq kaasi oo xukunka looga tuuray saddaam Xuseen. 2009-2010, Perry wuxuu abaanduule u ahaa Guutada 2aad, Guutada 104aad ee Duulaankii ciraaq. markii uu dagaalkii Ciraaq ka soo laabtay ayaa waxaa Scott Gordon loo dalacsiiyay darajada Korneel. Scott Gordon Perry waxaa si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Qaran News
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha. Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixiasa iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka. Source: goobjoog.com