Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Soomaaliya yo sida ay u tartami doonaan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday doorashada. Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan, isla-markaana lagu kalsoonaan karo. “Waxaan Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamullada kale inay dadajiyaan qabashada doorashada, gaar ahaan tan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Dhinaca kale diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta oo ay tahay 1-da bisha August. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay. Soomaaliya oo marxalado kala duwan kasoo martay doorashada ayaa haatan rajado waxay mareysaa meel wanaagsan, maadaama la guda-galay qabashada doorashada ee 2021-ka. The post Muxuu ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweynaha Koonfur Galbeed? appeared first on Caasimada Online.
  2. Dhinacyadii maalmo ka hor ku dagaallamay degaanka SAAX-MAYGAAG ayaa weli isku horfadhiya halkaas. Labada dhinac ayaa diiddan in ay u hoggaansamaan amar ka soo baxay xukuumadda Puntland, kaas oo lagu faray in ay banneeyaan dhulkii lagu dagaallamay. Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday degaamaynta dhul daaqsimeedka SAAXMAYGAAG iyo SANGE-JEBIY, si loo xakameeyo xiisadda colaadeed ee ka aloosan dhulkaas. Colaadda u dhexaysa labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa marar kala duwan dhalisay iska hor-imaadyo hubaysan. PUNTLAND POST The post Xiisad weli ka taagan degaanka SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post.
  3. French President Emmanuel Macron called for the opening of talks to end hostilities in Ethiopia's northern region of Tigray, the Elysee Palace said in a statement on Saturday. Source: Hiiraan Online
  4. Saudi Arabia announced Friday it would reopen its borders to fully vaccinated foreign tourists after a 17-month closure due to the coronavirus pandemic, the state news agency said. Source: Hiiraan Online
  5. Somali Prime Minister Mohamed Roble has called on Somalis to unite in order to defeat terrorism after the death of four footballers in a roadside blast on Friday. Source: Hiiraan Online
  6. Maanta oo ku beegan 1-da Agoosto 2021, waxa 23 sano ka soo wareegtay markii la as’aasay dowladda Puntland 1998-dii. Puntland ayaa sannad kasta laga xusaa munaasabaddan taariikhiga ah, oo ku astaysan maalin farxadeed, islamarkaana lagu soo bandhigo guulaha ay muddadaas gaartay dowladda Puntland. Xuska 1-da Agoosto oo xambaarsan xiiso iyo xammaasad gaar ah, ayaa laga dareemaya dhammaan Gobollada Puntland, gaar ahaanna caasimadda Garoowe. Gaadiidka yar yar iyo goobaha caweyska ayaa lagu buufiyay calanka Puntland, si loo muujiyo xuska maalintan taariikhiga ah. Munaasabadda ugu weyn ee xuska ayaa sida qorshaysan Caawa ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana ku casuman dad badan oo isaga yimid dalka iyo dibaddiisa. PUNTLAND POST The post Munaasabadda 1-da Agoosto oo Puntland laga xusayo appeared first on Puntland Post.
  7. 5-ta Magaalo ugu nolosha & Maciishada jaban Caalamka oo dhan,Si raaxo lehna aad ugu noolan karto? Qiimaha maciishadu waa muhiim marka aad kala dooraneyso ama aad dooneyso meel aad degto, waxa ayna kaa caawineysaa in aad si raaxo leh ugu noolaato meesha aad dooratay maadaama aad adigu go’aansanayso meesha ugu maciishadda jaban gaar ahaanna guryaha, daryeelka caafimaad, kharashyada safarka iyo cuntaduba. Waxaa jira magaalooyin ama dalal kharashka ku baxaya nolasha ay aad u sareeyo marka loo eego dakhliga soo galaya dadka intooda badan. Tusaale ahaan, magaalooyinka sida New York iyo San Francisco ee dalka Maraykanka, maciishadda ayaa ah mid aad u sarreyso marka loo eego inta badan magaalooyinka dalalka Afrika, Aasiya iyo qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka reer Yurub. Dhanka kale waxaa jira magaalooyin maciishaddu ay aad u jaban tahay, oo waxaad ku noolaan kartaa raaxo, waxaadna qiimo aad u jaban ku heli kartaa adeegyo la tayo ah kuwa magaalooyinka maciishaddoodu sarreyso, kuwaa qiimo ahaan aad macquul u ah. Dad badan, gaar ahaan kuwa reer Yurub iyo Mareykanka iyo in yar oo ka soo jeeda waddamada qaaradda Aasiya, ayaa nolol ama booqasho u aado magaalooyinka maciishaddu ay aadka u jaban tahay. BBC-du waxay halkan kuugu soo gudbinaysaa ugu yaraan shan magaalo oo nolashoodu jaban tahay, sababtuna waa maciishadda magaalooyinkaasi oo aad u jaban. Waa magaalooyinka aad sidoo kale si fiican ugu raaxaysan karaysid marka aad hawlgabka tahay. 5. La Paz, Bolivia Bolivia waa mid ka mid ah waddamada ugu maciishadda jaban ee lagu noolaado waddamada Koonfurta Ameerika, taasi oo ka dhigaysa meel ku habboon in lagu noolaado oo la booqdo. Gaar ahaan magaalada La Paz, oo leh dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi ayaa soo jiidata dad badan sababo la xiriira qiimaha jaban ee nolasha. Waxa aad magaaladaasi kiraysan kartaa guri leh wax kasta oo aad ku helayso inta u dhaxayso 500 ilaa 600 oo doolar bishiiba. Magaaladaasi La Paz, raashinka iyo cabitaankuba waa ay ka jaban yihiin oo waxaad si fudud uga heli kartaa waddooyinka, waxa aadna booqan kartaa meelaha soo jiidashada leh sida harada Titicaca iyo barxadda milixda ee dalkaasi. Gudaha Bolivia, meel kasta oo ay ku jirto magaalada La Paz safarka dhanka hawada ayaa ah mid aad u jaban oo waxaad diyaarad ku raaci kartaa wax ka yar 50 doolar. Dad badan oo dalkaasi ku nool waxay isticmaalaan diyaaradaha oo ay ku safraan waayo waa raqiis, balse haddii aad u baahatid in aad marto dhulka oo isticmaasho basaska, iyaduna waa mid kuu furan oo qiimaha basaska lagu raaco waa mid aad u jaban marka loo eego diyaaradaha. 4. Sofia, Bulgeeriya Bulgeeriya waa mid ka mid ah waddamada reer Yurub ee loo arko in uu yahay mid ka mid ah waddamada ugu wanaagsan ee lagu noolaado ama la booqdo. Dad badan ayaa eegaya waddamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Netherlands iyo kuwo kale, waxa ayna illaawaan in qiimaha jaban ee nolosha ay Bulgeeriya ka dhigayso dalka ugu wanaagsan ee lagu noolaado marka la eego waddammo badan oo reer Yurub ah. Magaalada Sofia, gaar ahaan, waxay leedahay dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, balse waxaad adeegyadaasi ku heli kartaa qiimo la mid ah kan qaaradda Afrika ama Laatin Ameerika. Wax kastaa waa raqiis, noloshuna waa ay jaban tahay. Waxaad maalintii oo dhan ku noolaan kartaa wax ka yar 20 doolar, waxa aadna heli kartaa wax walba oo aad u baahan tahay, haseyeeshee ma ahan wax fudud in tusaale ahaan lacagtaasi aad ku noolaato magaalada London. Qiimaha diyaaradaha lagu raaco Sofia ilaa magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa ah mid jaban oo sahlan. Dalkani wuxuu leeyahay meelo badan soo jiidasho leh oo loo dalxiis tago sida waddamada kale ee calaamka, balse haddii aad rabtid in aad ku noolaato Yurub oo kharash yar uu kugu baxo, waxaad aadeysaa magaalada Sofia ee dalka Bulgeeriya. 3. Bangkok, Thailand Dalka Thailand waxa uu mid ka mid yahay waddamada ugu caansan dunida ee loo dalxiis tago. Waa dalka kaliya ee leh dalxiisayaal aad u badan. Bangkok oo ah magaalo aad u dad badan, ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nolasha jaban caalamka oo dhan. Magaaladaasi waxay leedahay qaybo isboorti oo badan, tusaale ahaan Mauy, oo caan ku ah ciyaarta feerka. Waxaad hal saxan oo cunno tayo leh oo isu dheeli tiran ah ku heli kartaa wax ka yar hal doolar. Thailand waa waddan caan ku ah ciyaarta feerka, dadkuna waxay jecel yihiin feerka, iyo aflaanta. Tigidhada lagu daawado ciyaarta feerka ayaa qiimahoodu ka yar yahay toban doolar, halka Mareykanka ama Ingiriiska aad halkii ciyaar oo feer ah ku daawan kartid inta u dhaxaysa 100 doolar ilaa 200 oo doolar. Meelaha qaar, haddii aad nasiib badan tahay waxaa lagaa qaadayaa 50 doolar oo aad ciyaar aan xiiso badan lahayn ku daawan kartid. 2. Qoito, Ecuador Qoito waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu soo jiidashada badan Koonfurta qaaradda Ameerika, haseyeeshee wa ay fududahay in lagu noolaado waayo waxaa aad u jaban qiimaha maciishadda. Meel kastaa waxaad ka heli kartaa wax waliba iyaga oo qiimo jaban, dhammaan adeegyada waxaa lagu heli karaa qiimo aad u yar oo raqiis ah. Waa ay fududahay in aad aado meelaha loo dalxiiska tago ee sida Amazon, Kaymaha daruuraha, buuraha dhaadheer iyo xeebaha dalkaasi iyo xitaa Jasiiradaha Galapagos, adiga oo uu kugu baxayo kharash aad u yar oo aadan maleysan karin. Qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Quito ayaa ah mid aad u jaban, waxaadna baabuur ku raaci kartaa wax ka yar hal doolar, adiga oo ku tagaya meel kastaa oo aad u baahan tahay. 1. Hanoi, Vietnam Magaalada Hanoi waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu nolosha jaban adduunka oo dhan. Waxay ku taal Koonfur Bari qaaradda Aasiya, waana caasimadda dalka Vietnam, oo leh taariikh soo jireen ah. Waxaa ku yaal dhismoyaal xiisaha leh, waxaana laga helaa cunnooyin badan oo dabiici ah oo meel kastaa ay fududahay in aad ka heshid. Hanoi waxad ka heli kartaa dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, waana meesha qofka doonaya nolal jaban uu ku noolaan karayo. Qiimaha lagu kireysto guryaha magaalada Hanoi wuxuu laba jibbaar ka jaban yahay kuwa waddamada reer galbeedka, in kasta oo ay jiraan guryo heerkoodu sarreeyo. Qaran News
  8. Tunis (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta. Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika. “Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yiri Rashid Al-Ganushi. Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo militariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta. “Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xiriir ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi. “Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo codeynta.” Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda. Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya. Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka welwelsan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah. “Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo idil,” ayuu yiri. The post Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia appeared first on Caasimada Online.
  9. Abiy Axmed oo markii u horeysay ka hadlay Natiijadii Dagaalka Tigray,Hub laga dhacay oo ay soo ceshadeen & ka bixitaankii Mekelle Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka. Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF. Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in ‘ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.” Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday. “Ka hor inta aanan xabad joojinta ku dhawaaqin, waxaa sameynayay la tashi badan, hanaanka ciidamada looga soo saaray Tigray waxay nagu qaadatay in ka badan bil” Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudaha ay TPLF ku xirtay xabbad joojinta. Abiy ayaa sheegay in dowladda haatan ay soo afjartay halista maamulka TPLF isla markaana ay dib uga soo ceshatay hub ay horay ka dhaceen saldhigga militeriga ee ku yaalla Tigray. “Marka aan eegno natiijada dagaalka, kooxda sharciga ayaa la horkeenay. Hubkii ay horay u dhaceen haatan gacanta ayaan ku heynaa, ciidamada difaaca ayaana dib loo abaabulay.” Xabbad joojinta looga dhawaaqay Tigray “waa wax qof kasta uu ku fekerayay” si cashar looga barto waxa ka socda gobolka, ayuu yiri Abiy. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howsha haatan hortaalla ay tahay dib u dejinta dadkii ka qaxay colaadda, dhameystirka mashaariicda horumarineed ee gobolka iyo wax ka qabashada cudurka Covid-19. Ciidamada TPLF oo u dabaaldegaya qabsashada Mekelle Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dagaalka u dhexeeya jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof. In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalena waxaa saameysay macluul. Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas. Qaran News
  10. Mas’uul sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool Cabdullaahi Laba-go’le ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa. Dilka marxuum Laba-go’le ayaan weli cidna loo qaban inkastoo ciidanka Booliiska Somaliland ay hawlgal ka sameeyeen xaafadda dilkaasi ka dhacay. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan Somaliland oo xalay lagu dilay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka. Guddiga doorashooyinka iyo kuwa xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa iska xog-wareystay xaaladda doorashooyinka dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka Batuulo Sheikh Axmed Gaballe ayaa kulanka ka sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta qoondada Haweenka ugu yaraan 30% isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan arrintaas. Sidoo kale Batuulo Gaballe ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ka dalbatay ilaalinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka appeared first on Puntland Post.
  12. Shugri Salh yearns to return to the red East African desert of her youth. But her native Somalia is controlled by a strict and conservative Muslim sect and she would not feel safe. So she hikes the meadows and woodlands near her Santa Rosa home. (Kent Porter / The Press Democrat) 2021 Source: Hiiraan Online
  13. The social media phenomenon on honouring his Somali heritage, balancing fame and faith, and spending lockdown with his YouTube Beta Squad Source: Hiiraan Online
  14. Qaar ka mid ah wasiiradda iyo agaasimeyaasha Puntland ayaa hayb-qabyaaladeed u kala taageeray ciyaartoyda gobollada Puntland, markii mid walba si gaara uu dhawaale siin iyo soo dhaweyn ugu sameeyay gobolka uu ka soo jeedo. Qabyaaladeynta ay sameeyeen mas’uuliyiinta oo qaarkood loo isticmaalay warbaahinta dowladda ayaa noqotay mid la isugu faano, taas oo muujinaysa in aysan dhex u hayn gobollada iyo dadweynaha reer Puntland. Wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo wasiirka duulista hawada oo lacago ku taageeeray ciyaartoyda gobolka ay ka soo jedaan Mas’uuliyiin soo dhaweynaysay ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan ayaa si gaara u guubaabiyay ciyaartoyda, waxayna u ballan-qaadeen in ay la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah. Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah ciyaartoyda gobollada aysan jirin cid dowladda ka socota oo soo dhaweysay, taas oo ka dhigan in wasiiro goboladooda ka soo jeeda aysan xilal ka ahayn dowladda ama shaqo ku maqan yihiin. Wasiirka qorsheynta iyo wasiir ku xigeenka amniga oo soo dhaweeyay ciyaartoyda gobolka ay ka soo jeedaan Mas’uuliyiinta goboladda iyo degmooyin waa shaqadooda in ay taageero u muujiyaan ciyaartoyda matalaysa goboladooda, hase ahaatee mas’uuliyiinta dowladda dhexe waxaa wanaagsan in ay si siman u taageeraan ciyaartoyda gobollada, mid walboo guuleystana ay u hambalyeeyaan. Wasiirka waxbarshada iyo afhayeenka xukuumadda oo soo dhaweyay ciyaartoyda gobolka ay ka soo jeedaan Waxaa la isweydiin karaa haddii wasiirada iyo agaasimeyaasha Puntland ay kala taageeraan ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan, yaa tartanka qabanaya oo dhex ah? Maxaase diidaya in mas’uuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ay hayb-qabyaaladeed u taageeraan ciyaatoyda gobollada ay ka soo jeedaan? Dhaliisha Caasimadda Maamulka caasimadda Puntland oo ah martigeliyaasha tartanka waxaa laga rabay in ay dhammaan ciyaartoyda gobollada Puntland si siman u soo dhaweeyaan, si loo muujiyo is-dhexgal bulshada iyo in dhalinyaradu ay yimaadeen caasimadooda. Duqa Garowe Axmed Barre iyo maamulkiisa lama arag iyagoo soo dhaweynaya ciyaartoyda gobollada Puntland, waana tan keentay in la arko foolxumada ah wasiiro caasimadda ku soo dhaweynaya ciyaartoyda gobollada ay ka soo jeedaan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo hayb-qabyaaladeed ula kala safatay ciyaartoyda gobollada appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa galinkii danbe ee maanta soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya. Madaxweyne Laftagareen ayaa soo saaray musharaxiin ku tartami doona 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee koonfur Galbeed, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku cusub saaxadda siyaasadda. Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud iyo Cabdullaahi Cabdi Garruun oo isna ah xogahayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo ee hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed. Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada Heer Koonfur Galbeed ayaa soo saarey jadwalka doorashada Aqalka Sare, waxayna shaaciyeen in maalinta Isniinta ee 2-da Agoosr 2021 lagu qaban doono Baydhabo doorashada xubnaha Aqalka Sare. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqday hoggaamiyihii labaad ee magacaaba tartamaasha xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo dhameystiro 3 xubnood ee ka dhiman. PUNTLAND POST The post Laftagareen oo tartamayaasha Aqalka Sare ka reebay xubnihii taageersanaa Midowga Musharaxiinta appeared first on Puntland Post.
  16. MOGADISHU (HOL) - South west state parliament will vote for a new crop of senators on Monday following the unveiling of candidates for the first five seats by state president Abdiaziz Lafta Gareen. Source: Hiiraan Online
  17. Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo maanta soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo. Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud. Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka Ilyaas iyo Xuseen looga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare uu ka yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka go’an tahay in xildhibaano daacad u ah ay kasoo baxaan Koonfur Galbeed. Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, halka kursiga Xuseen Sheekh Maxamuud loo sharxay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan. Lafta-gareen ayaa sameeyey in kursiga Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay, uu u wareejiyey beesha Hariin ee uu kasoo jeedo lana filayo inay ku guuleysato Ayaan Aadan Cabdullahi, maadaama Lafta-gareen uu wato. Kursiga Xuseeen Sheekh Maxamuud, oo kasoo jeeda beesha Hadamo ayaa weli dhexyaalla isla beesha Hadamo, oo ay kasoo wada jeedaan Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sabab la’aan looga reebay liiska, waxaa uuna intaa raaciyey inuu filayo inuu eersaday mowqofkiisa dal dhisidda ahaa. Lafta-gareen ayaa sidoo kale la filayaa in shanta kursi ee kala ee harsan ee musharaxiintooda laga sugayo, uu ka reebo cid kasta oo loo arko inaysan daacad u aheyn ama u noqon doonin madaxweyne Farmaajo. Sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, xildhibaanada Koonfur Galbeed, beelaha Shanaad, Banaadiriga, iyo Dir, ayaa waxaa maamulkooda si buuxda gacanta ugu haya Farmaajo. Arrintan ah in siyaasiyiin laga hor istaago tartan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo hufnaanta la rajeynayey. Si kastaba, Lafta-gareen ma billaabin arrintan, waxaana kaga horeeyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo liiska ka reebay laba xildhibaan oo hadda ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo ku aragti ah madaxweyne Farmaajo. Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu soo gudbiyey Axmed Madoobe. Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay. Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed. The post Laba ka mid ah Senatorada mucaaradsan Farmaajo oo kuraastooda waayey + Video appeared first on Caasimada Online.
  18. As Somalia prepares for parliamentary and presidential elections, federalism remains unresolved. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Farmaajo ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore, waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo Waxa uu xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka. Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn. Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. The post Daawo: Turkey oo ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas iyo sida ay u tartami doonaan. Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doornayaa 10 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana shanta kursi ee musharaxiintooda la shaaciyey, iyo sida ay isugu aadeen ay kala yihiin:- 1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan. 2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur. 3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim. 4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow. 5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan. Dhinaca kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada, waxayna sheegeen in doorashada shanta kursi ee la shaaciyey ay dhici doonta 2-da bisha August. Diiwaan gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta Axadda ee kowada bisha August. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii lasoo dhaafay. Hoos ka aqriso liiska musharaxiinta iyo jadwalka doorashada. The post Lafta-gareen oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashada appeared first on Caasimada Online.
  21. PRESS RELEASE International Organization for Migration (IOM) and Partners Host Regional Workshop on Border Management and Security in Cairo The International Organization for Migration (IOM) and UN Office of Counterterrorism (UNOCT) hosted a high-level regional training workshop CAIRO, Egypt, July 30, 2021/ — The Ministry of Interior of Egypt in partnership with Naif Arab University for Security Sciences (NAUSS), the International Organization for Migration (IOM) and UN Office of Counterterrorism (UNOCT) hosted a high-level regional training workshop on the use of biometrics and traveler information to enhance border security capacities. The three-day workshop was hosted by the Ministry of Interior’s Police Academy in Cairo between 27 to 29 July 2021 and chaired by General Dr. Ahmed Ibrahim Assistant Minister of Interior and President of the Police Academy as well as Mr. Khalid bin Abdulaziz Alharfash NAUSS Vice President for External Relations. This workshop, which is part of existing partnership cooperation between NAUSS, IOM and UNOCT and the host government Egypt, gathered 55 senior Ministry of Interior officials from the Kingdom of Saudi Arabia, the Republic of Tunisia, the Kingdom of Bahrain, the Union of the Comoros, the Hashemite Kingdom of Jordan, the Arab Republic of Egypt, the Republic of Yemen and the Republic of the Sudan. Representatives of the United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC), the International Civil Aviation Organization (ICAO), the Office of Information and Communications Technology (OICT), the International Air Transport Association (IATA), the Austrian Institute of Technology (AIT) and Governments of Egypt and Belgium shared and exchanged their expertise with the delegates. “IOM is committed to the principle that humane and orderly migration benefits migrants, governments and society alike: it is therefore essential that we avail our expertise and support to governments in securing borders while facilitating regular, safe and rights-based mobility” said Mrs. Carmela Godeau, IOM MENA Regional Director. “As an intergovernmental body enjoying nearly global presence, IOM works with its partners in the international community, especially its UN sister agencies, to assist in meeting the operational challenges of migration in full respect of human rights.” “This event is an excellent example of governments, regional institution (NAUSS) and the UN organizations working together, in their complementary roles and capacities, to proffer solutions to common global challenges of border security. The discussions as well as the workshop objectives are guided by relevant global frameworks, including SDG 2030 agenda.” added Kristiina Lilleorg, IOM MENA’s Senior Regional Thematic Specialist for immigration and border management The objective of the workshop was to exchange experiences between Arab law enforcement and security services, international organizations and industry representatives to enhance border security against the relevant UN Security Council resolutions and other international law, while facilitating regular and safe cross-border mobility. The workshop highlighted challenges and great opportunities offered by Advance Passenger Information (API)/ Passenger Name Record (PNR) implementation as well as solutions, such as the legal and operational practices, inter-agency and international cooperation, systems inter-operability and cooperation with air carrier industry. The workshop also proffered solutions in use of biometrics in border management. A common theme throughout the 3-day workshop was that of cooperation in enhancing border security: with and between governments and with international organizations, availing their technical support. In the MENA region, IOM enjoys comprehensive engagement with governments in the field of immigration and border management. The programming covers community policing initiatives, humanitarian border management and border management information systems, identity management, search and rescue, counter-migrant-smuggling and a growing number of governments in the region are exchanging expertise and experience with IOM toward enhanced migration management. Joint regional expert initiatives are a new focus of cooperation: today’s regional event follows NAUSS-IOM-ICAO joint online workshop late 2020 on the Traveller Identification Programme, gathering delegates from all Arab League Member States. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  22. MOGADISHU (HOL) - USAID chief Samantha Power is heading to Ethiopia and Sudan in the backdrop of an escalating situation in the Tigray region that has seen aid supply routes cut off as hundreds of thousands face starvation. Source: Hiiraan Online