Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mekelle (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda TPLF Dr. Debretsion Gebremichael ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka. Tagitaanka Dr. Debretsion Gebremichael ee Magaalada Mekelle ayaa kusoo aadeyso maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka. Dr. Debretsion waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa ka hor intaan meesha laga saarin. Hoggaamiyahaan iyo asxaabtiisa waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020. Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan. Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay. Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion. Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka. The post Hogaamiyaha TPLF oo 8 bil kadib gudaha u galay Mekelle appeared first on Caasimada Online.
  2. Allaah U Naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) . Subxaanyo ayaa muddooyinkii u dambeyay ku xanuun sanayay magaalada Muqdisho, iyadoo saaka uu u geeriyooday xanuunkii hayay taliyaha . Gen. Subxaanyo ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidamada Asluubta isagoo soo noqday taliyihii ciidamada Asluubta . Dhanka kale madaxda dalka ayaa ka tacsiyadeeysay geerida ku timid Taliye Cabduqadir Subxaanyo oo Muqdisho ku geeriyooday . Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Taliya Subxaanyo. “Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha . Akhriso Taarikhda General Subxaanyo General Cabdulqaadir Cali Diiriye (subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Baladwayn ee xarunta gobolka hiiraan 1952dii. Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay baladweyne. Waxa uu dhamaystay dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga(1970-1971). 1972 waxa uu galay kulyida millateriga general Daud millatery academy oo ku taallay magaalada kismaayo, Kadibna wuxuu aaday 1975 dalki midowga soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga. 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii midowga sofiyeti wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah. dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Msc Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. wuxuu dalka kusoo laabtay 85tii waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib markii uu dalku burburka galay waxa uu jananku aad ula shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya. Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray General Subxaanyo waxa uu ku soo noolaaday wadamada England Holand iyo Ruushka, waxa uuna si wanaagsan ugu hadlaa luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, holandiiska, talyaaniga iyo soomaaliga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Golaha ammaanka qaramada midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda gobalka Tigray ayaa markale ka digay in ay sii kordhan tacadiyada iyo gabood fallada aan loo meel dayin ee ka socda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobay ee Tigray. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen dhaaman xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl kaas oo sheegay in ay yihiin wax aad looga xumaado dagaalada ka socda Itoobiya. “Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in inkabadan 400,000 qof ay soo wajahday macluul aad u daran kadib markii ay dagaalada ka bilawdeen dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah, kaas oo u dhex-maray labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana ay soo wajahday cabsi xoog-leh. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, maadaama goobta la weeraray ay tahay xero, ayna adag tahay in xog laga helo. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidanka AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa sidoo kale haatan aad u kacsan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya appeared first on Caasimada Online.
  5. New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Tigray iyo dagaallada kasoo cusboonaaday ayaa digniin culus kasoo saaray in colaad horleh ay ka dhacdo halkaasi. Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii horey uga dhacay waqooyiga Itoobiya ay sababeen macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii illaa 400,000 oo qof. Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl oo kulanka ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay suuragal tahay in colaad hor leh iyo dagaallo culus ay ka dhacaan gobolka Tigray oo ay isku hayaan ciidanka dowladda Itoobiya & TPLF. “Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” . Ugu dambeyn waxay baaq yu diratay dhinacyada ay dirirta u dhexeyso, iyada oo ka codsatay inay gacan ka geystaan baaritaanada haatan socda, si la’iskula xisaabtamo xad-gudubyadii iyo sidoo kale dhibaatooyinkii kala duwanaa ee horey uga dhacay halkaasi. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay DiCarlo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo ka hirgaleysa gobolka Tigray ee dalkaasi. The post Golaha ammaanka ee QM oo digniin horleh kasoo saaray colaadda gobolka TIGRAY appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howl-galladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidanka amniga. Xijaar ayaa shaaciyey in howl-galladii ugu dambeeyey oo laga sameeyey degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir lagu soo qabtay kooxo burcad ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay haatan xiran yihiin, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doono maalinta Isniinta ah ama Talaadada ee todobaadkan. Taliyaha ciidamada Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka amni darro ka geysta gudaha caasimada. Dhinaca wuxuu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay dajiyeen qorshe gaar ah oo wax looga qabanayo, si loo yareeyo jaamka. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe gaadiidka dugoobay ama jajaban looga qaado waddooyinka caasimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshahaasi ay wax ka fulinayaan wasaaradda gaadiidka, taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka oyo dowladda Hoose, sidoo kalena ay diyaarinayaan ciidamadii howl-galkaas fulin lahaa. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray ciriiri xoogan oo ay walaac ka muujinayeen gaadiidleyda iyo dadweynaha kale ee ku dhaqan gudaha caasimada. The post Xijaar oo shaaciyey xilliga la maxkamadeynayo burcadda lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  7. The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed might be contemplating his political future following the ignominious defeat of Ethiopian Defence Forces at the hands of Tigray Defence Forces. In a speech Abiy has pointed out several factors that resulted in the withdrawal of Ethiopia government forces from Mekelle, the capital city of Tigray. His government was not able to mobilise a large number of militias to join the war against Tigrayans. The war his government has prosecuted was premised on demonisation of Tigrayans, fanning of ethnic hostility in the hope of clinging to power through a divide and rule strategy. The fact that Tigray Defence Forces have routed invaders should not make the International Community blind to government plans to depopulate Tigray and arm Amhara militias, who committed heinous crimes against fellow citizens whom the Ethiopian government ethnically profiles. Unprized: Abiy Ahmed will be remembered for tarnishing the image of the Nobel Peace Prize. Medemer, the Amharic word for synergy, adopted by Abiy and his associates as the template to attain his monarchical goals ( his mother dreamt of him becoming a King of Ethiopia), spotlights what is wrong with the Ethiopian polity. Last year Abiy invited Eritrean troops into Ethiopia to fight alongside Ethiopian Defence Forces against TPLF. Destruction, looting and massacres followed the invasion of Tigray by the Ethiopian and Eritrean forces. Social cohesion is the major casualty of the war against Tigrayans. Unprized: Abiy Ahmed will be remembered for tarnishing the image of the Nobel Peace Prize. Just as the Derg regime used Cuban soldiers in the fight against TPLF four decades ago, Abiy sought help from his advisor, Isaias Afwerke, the Eritrean dictator. Africa’s authoritarian leaders should realise that sovereignty will not prove to be a bulwark against accountability for attempted genocide or use of government resources to starve citizens. The destruction of infrastructures in Tigray speaks volumes about what Abiy Ahmed has had in mind had TDF not defeated his poorly trained ethnic militias most of whom are now prisoners of war in Tigray. The Ethiopian government condones the hatred that organised Amhara propagandists had unleashed against Tigrayans. Even Mengistu Hailemariam, the former Ethiopian leader, did not stoop so low as to make Tigrayans of all ages the target of government oppression. As the British Ambassador at the United Nations Barbara Woodward said “putting the Ethiopian people first” is the priority. Abiy Ahmed may resign or might be overthrown. His legacy will be hard to undo if perpetrators of massacres and looting in Tigray are let go scot-free. By Adan Essa Hussein The post Abiy Ahmed Must Be Held Accountable for Crimes Against Humanity appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabduqaadir Cali Mire Diiriye oo loo yaqaanay (General Subxaanyo) kana mid ahaa saraakiisha ciidanka qalabka sida, gaar ahaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Marxuumka oo maalmhan xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana geerida ku timid ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo Soomaaliyeed. AUN Subxaano ayaa sidoo kale ka mid ahaa budhigayaashii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Halkan hoose ka aqriso taariilkh nololeedkiisa. General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 1952dii, Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay Beledweyne, Waxa uu ka baxay, dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga, 1972 waxa uu galay kulyida millateriga General Daa’uud millatery Academy oo ku taallay magaalada Kismaayo, kadibna wuxuu aaday 1974 dalki Midowga Soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga, 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii Midowga Sofiyeti, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah. Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. 1985 ayuu dalka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya. Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray, General Subxaanyo waxa uu si wanaagsan ugu hadli jiray luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, talyaaniga. Wax la taaban karo ayuu ka qabtay waxbarashada iyo samafalka oo waxaa lagu xasuustaa in manta ay daafaha caalamka kala joogaan dad uu koritaanka aqoontooda kaalin mug leh ka gaystay, Jananku waxa uu dad badan u diray wax barasho dibadda ah kuwaas oo manta saamayn dhan kasta ah ku leh dalka iyo dibaddiisa. The post General Subxaanyo oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Boorama)-Dr Cabdirisaaq Gorayo Oo Ka Hawl Gala Magaaladda Boorama ayaa Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Ku Eedeeyay In Dhalinyaro Uu U soo Diray Oo Nabaro Gaadhsiisay Uu Ku Hayo Gurigiisa Magaaladda Hargeysa. Waxa Uu Xukuumadda Ugu baaqay In Sharciga Loo horkeeno. Dhinaca Kale Mid Ka Mid ah Wax garadka Magaaladda Boorama Oo Uu walaalkii Ku Jiray Dhalinyaradii Weerarka Ku soo Qaaday, ayaa Ku eedeeyay Axmed Muumin Seed In uu Horseeday fal Guracan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Dubai)-Shirkadda gacanta ku haysa Dekedda caalamiga ah ee magaaladda Berbera ee Dp World ayaa ka warbixisay qaybaha muhiimka ah ee weheliya Terminaalka cusub ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekeda Berbera. Qoraal kooban oo ay shirkadda Dp World ku qortay boggaga ay ku lee dahay baraha bulshadda ayay ku sheegtay in Ternimaalka cusub ee Koonteerada ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekedda Berbera ay weheliyaan Aagga horumarinta dhaqaalaha ee Berbera,kaas oo ay sheegeen in uu qayb muhiim ah ka qaadanaayo qorshahooda guud ee ah in Berbera loo beddelo xarunta isku xidha Badaha,Wershadaha iyo Saadka geeska Afrika. Shirkadda Dp World waxa ay sidoo kale qoraalkeedan ku sheegtay in Aagga Dhaqaalaha la horumarinaayo, iyada oo lagu salaynaayo, lagana shidaal qaadanaayo Jebel Cali Free Zone oo Dubai ku taalla,taas oo siinaysa maalgashadeyaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibka ahba jawi ku haboon maalgashiga iyo ganacsiga. Waxa sidoo kale qoraalkan ay ku sheegtay shirkadda Dp World in isku xidhka Dekedda Berbera, Meesha Istiraatijiga ah ee ay ku taalo iyo Berbera Corridor oo Ethiopia ku xidhaysa in uu ka dhigi doono Aagga dhaqaale mid yeesha dhamaan waxyaabihii ka dhigi lahaa mid guulaysta,soona jiita maalgashi,abuur ganacsi iyo shaqo abuur Source
  11. (SLT-Addis Ababa)-Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Itoobiya ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaadhay gobolka. Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa millatariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidammada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaadhin shacabka Tigray. Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka. Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. Madaxa isku xirka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha. “Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yidhi ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen. “Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaadhay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yidhi. Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray. Source
  12. Last Saturday, Franklin Avenue between 24th and 26th Avenue was closed to traffic. Source: Hiiraan Online
  13. Somalia will finally elect a President on October 10, according to a definitive calendar released this week by the National Consultative Council, chaired by Prime Minister Hussein Roble. Source: Hiiraan Online
  14. MEKELLE, Ethiopia – Thousands of Ethiopian prisoners of war marched through the regional capital of Tigray on Friday as jubilant crowds marched through the streets to taunt the captives and cheer on the Tigrayian forces Source: Hiiraan Online
  15. Somalia’s Ramla Ali makes history for her country again, becoming the first woman from her country to compete in boxing at the Olympic Games. Ali announced on Twitter today that she had qualified for the Games. She is the first ever Somalian woman to box professionally with a record of 3-0. Source: Hiiraan Online
  16. In Kenya’s coastal region, interfaith efforts to slow down or end youth recruitment into the militant Islamist group al-Shabab are gaining progress, with some recruits abandoning the extremist group’s training grounds in Southern Somalia to return home. Source: Hiiraan Online
  17. Waxgaradka iyo Aqoonyahanka degaanka Tasjiic, oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari, ayaa si adag u cambaareeyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC. Aqoonyahanka iyo waxgaradka Tasjiic, oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in guddiga TPEC uu ka been-abuurtay degaanka, islamarkaana aysan jirin wax diiwaan-gelin ah oo laga sameeyay. Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay been-abuur iyo waxba kama jiraan tahay, natiijada ka soo baxday guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo ku saabsan in diiwaan-gelin laga sameeyay degaankaas. Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in tallaabada noocaas ah ay meesha ka saarayso kalsoonidii iyo hankii loo qabay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland. PUNTLAND POST The post Tasjiic: Waxa naga been-abuurtay guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya. Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu mar hoose, marna kor yahay, wuxuuna ku sifeeyey mid marba heer ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba kala go’i karin shacabka labada wadan, isla-markaana uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid darisnimo intaba. “Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa Hoos marna waa kor laakiin marnaba waxaa kala go’in dadka oo had & jeer isu socodkooda iyo ganacsigooda joogta ah, Soomaalidu waa in ay fahamno in aan nahay dad walaalo ah lagana gudbo khilaafka tirada badan ee soo noqnoqanaya”ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaano (Tarsan). Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu soo hagaagayo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana adeega safaaraddiisa uu bilaabanayo beri oo Isniin ah. “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in Isniinta Safaaradda ay bilaabeyso adeegyadii ay qaban jirtay, Nambarka imaan doona ayaa laga yaabaa in uu badan karo balse waan xalin doonaa” ayuu sii raaciyey hadalkiisa safiirka Soomaaliya ee Kenya. Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaadaa bilihii lasoo dhaafay, wuxuuna sababay inay safaaradaha kala rartaan xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, walow haatan dib loo soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris wadaag ah. The post Muxuu Tarsan ku sifeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  19. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda dowladda sannadkii 2020. Xisaab-xirka Miisaaniyadda waxa Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Maaliyadda, iyadoo xildhibaannadu ay dood ka yeesheen, ka hor inta aysan ansixin. Xisaab-xirkan ayaa sida wasaaraddu sheegtay loo diyaariyey habka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash bases, taas oo wax weyn ka bedeshay habka xisaab-xirka dowladda. Sidoo kale, wasaaradda Maaliyadda ayaa mudanayaasha Baarlamanka uga mahad-celisay ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020 appeared first on Puntland Post.
  20. Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal 2020-2021, oo kulankii u horreeyay yeeshay ayaa doortay guddoomiye ku meel gaar ah. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur. Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan. Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Gudiga Xallinta khilaafaadka doorashada heer Federaal oo gudoomiye ku meel gaar ah doortay appeared first on Puntland Post.
  21. Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay Somalia iyo Kenya. Safiirka dowladda Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii labada dowladood ka dhex jiray. Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin. Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Carabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee todobaadkan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyinka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin. PUNTLAND POST The post Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo dib loo furay appeared first on Puntland Post.