Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaar ka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa beeniyay warar saacadihi la soo dhaafay baraha bulshada la hadal hayay oo sheegaya in uu isaga tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynanimo ee dalka. Sheikh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay aysan waxba ka jirin in uu ka harayo tartanka adag ee loogu jiro hogaaminta Dalka. “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa . Sheikh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wararka sheegayo kulan ay yeesheen beesha Muddolood in leysla qaatay in la isku tanaasulo. “Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Kulanka Rooble iyo dowlad gobaleedyada ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee doorashada dalka iyo khilaafka weli ka dhax taagan arrinta Somaliland. “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Dhanka kale qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu shegay in ay dowlad gobaleedyada ay soo dhaweeyen dadaalada Roonble ee ku aaddan doorashooyinka Gobalada Waqooyi. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Character, faith and humanity are different qualities and often rare to co-exist in one individual. Your faith cannot determine your humanity so if you have them both, thank your Lord. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya's Deputy President William Ruto was on Monday stopped from flying to neighboring Uganda in what his supporters say is a state-backed campaign to humiliate him. Source: Hiiraan Online
  5. Kayama Kazungu, 25, from Kijiwetanga in Malindi, crossed into Somalia in 2015 and married a man she later realised was an al Shabaab fighter. Source: Hiiraan Online
  6. At least three people died after a rare outbreak of intercommunal violence in Djibouti during which the police intervened, the public prosecutor said Monday. Source: Hiiraan Online
  7. A crucial trade route which links landlocked Ethiopia to the sea port of Djibouti has resumed operations after days of a blockade by protesters from the Somali region. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna tilmaamay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax cabasho ah. Guddoomiyaha ayaa xusay in ka guddi ahaan ay dadaali doonaan, balse wuxuu walaac ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inay caqabado ka imaan karaan. Maxamed Xasan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ergo badan iyo odayaal ay wax soo xulayaan, isla-markaana laga yaabo in murano ay ka yimaadaan halkaasi. “Caqabaduhu waxa ay noqon karaan waqtiga Aqalka Hoose la galo wuu ka yara howl badan yahay Aqalka Sare oo marka aad u fiiriso dad badan oo ergooyin ah ayaa soo dooran doono Caaqilo badan ayaa wax soo xuli doono iyo ururo bulsho, marka waxyaabahaas oo dhan waa meelaha muranada iyo wax ka yimaadiin oo caqabadaha ugu badan ee aan dareemi doono waa halkaasi,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro). Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu ay noqon doonto mid ku qabsoonta daah-furnaan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Muxuu yahay walaaca soo wajahay guddiga hirgelinta doorashooyinka DALKA? appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Addis Ababa)-Laba ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa salaasadii shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida. Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July. Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan ayna heysan ruqsadda shaqada. Hay’adda Dhaqaatiirta Aana Xuduudda Laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bilood kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah. Afhayeen u hadlay hay’addan ayaa sheegay in ay si deg deg ah dowladda uga doonayaan sababta looga joojiyay howlahii ay Itoobiya ka wadeen. Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray. Wuxuu sidoo kale sheegay in hey’adahani ay ‘hubeynayaan’ xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya eedaha ay u soo jeedisay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka Tigray, eedahaas oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo khatar ah oo ay waajib tahay in ay in la joojiyo. Martin Griffiths ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay gobolka Amharada iyo Cafarta ay sababeen in ay ku barakacaan in ka badan 200,000 oo qof, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani’aadannimo. Source
  10. Inkastoo Puntland leedahay waax qaabilsan hubinta badeecadaha iyo dawooyinka laga keeno dibadda, haddana inta badan ma muuqato shaqada waaxdaasi. Waa jirtaa, mase badna, in marar kala duwan gudaha Puntland lagu qabtay badeecooyin ama dawo dhacday oo laga keenay dalka dibaddiisa, taas oo la doonayay in shacabka laga iibiyo. Haddaba, waxan si kooban halkan uga hadlaynaa sheeko uu Puntland Post la wadaagay qof bartay Cilmiga dawooyinka (Pharmacology). Qofkan oo ka cudur-daartay in la adeegsado magaciisa, ayaa ka sheekeeyay baaritaan qarsoon oo uu ku sameeyay xarumaha lagu iibiyo dawooyinka ee gudaha Puntlad. Wuxu sheegay in natiijada u soo baxday ay muujisay dawooyin badan oo dhacay in lagu iibiyo gudaha Puntland, balse uusan caddayn karin, haddii sidaas dibadda looga keenay ama ay keydka ku raageen. Arrintan oo weli xaqiijin u baahan, ayaa haddii ay jirto muujinaysa khatar caafimaad oo aan la dhayalsan karin. PUNTLAND POST The post Khatar caafimaad oo laga soo sheegay xarumaha dawooyinka iibiya ee gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqata inuu kusoo afjarayo muranka xooggan ee ka taagan hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi. Balse marka aad si qoto dheer u eegto, waxaa muuqaneysa in Rooble qorsheynayo in mar kale uu xaqiijiyo in maamulka guddiga doorashada Somaliland ay gacanta ku dhigaan Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo. Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ayaa bil kahor u kala jabay laba garab, oo la kala safan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kala doorteen laba hoggaan. Muxuu yahay xalka Rooble? Si kastaba, Rooble oo shalay xafiiskiisa kula kulmay xubnaha guddiyada doorashada gobollada waqooyi, ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi. Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.” Doorasho cusub xal ma tahay? Hase yeeshee, maxaa dhici kara haddii mar kale doorasho ay dhacdo, maxaase diidaya in mar kale xaaladda ay dib ugu soo noqoto sida ay hadda tahay? Si aan u ogaano waxa dhici kara, waxaa muhiim ah inaan fahanno habka guddiga u dhisan yahay. Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal. Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo. Muxuu yahay xalka Cabdi Xaashi? Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qoraal soo saaray Isniintii waxa uu ku diiday soo-jeedin ka timid ra’iisul wasaaraha oo aheyd inuu kusoo wareejiyo tallada iyo maamulka doorashada kuraasta xildhibaanada labada gole ee Somaliland. Taas beddelkeed, Cabdi Xaashi ayaa qoraalka kusoo jeediyey saddex qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaas oo kala ah: 1- In isaga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi. 2- In dib loo mideeyo guddiyada doorashada gobollada waqooyi oo laba garab u kala jabay, loona qeybiyo hoggaanka, ayada oo dhinac la siinayo guddoomiyaha guddiga, dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga. 3- In doorashada kuqabsoomto gudaha Xalane, oo ay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM. Sida, muuqata Rooble ayaa waxa uu aqbalay kaliya qodobka saddexaad oo ku saabsan halka ay doorashadu ka dhaceyso, wuxuuna diiday labada qodob ee kale. Sababta Cabdi Xaashi u doonayo in hoggaanka guddiyada la kala qeybsado, ama la wada guddoomiyo, ayaa ah inuu ogyahay in xubnaha uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble aysan dhex-dhexaad aheyn. Sidaas darteed, Rooble inkasta oo uu isu muujinayo inuu xal raadinayo, haddana wuxuu weli ku dadaalayaa in guddigan uu noqdo mid si buuxda ugu jira gacanta Mahdi Guuleed iyo Farmaajo. The post Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo mar kale Cabdi Xaashi kaga hiiliyey MAHDI GUULEED appeared first on Caasimada Online.
  12. Xukuumadda Puntland, ayaa ku guulaysatay in si rasmiya loo kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG, kadib markii halkaas ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Mas’uuliyiinta oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, ayaa fuliyay amarkii ka soo baxay dowladda oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay. Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale ku sugan tuulada SAAX-MAYGAAG, kuwaas oo u xil-saaran in ay fuliyaan amarka dowladda, islamarkaana xaqiijiyaan nabad-geliyada degaankaas. Sidoo kale, dowladda ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka SAAX-MAYGAAG IYO SANGE-JEBIYE, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac. PUNTLAND POST The post Puntland oo kala qaadday dhinacyadii ku dagaallamay SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb-galkay shirweynaha wasiirada maaliyadda ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka dhaqaalaha. Bayle oo qoraal kooban soo geliyey Facebook-giisa ayaa ka warbixiyey shirkan, wuxuuna sheegay in sidoo kale madasha ay goobjoog ahaayeen Bangiga Adduunka iyo hay’ada IMF. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in shirka lagu soo hadal qaaday la jaan qaadidda horumarka Digital-ka ah ee xilligan ka jira adduunka. “Waxa aan ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Afrika iyo Bangiga Adduunka/ IMF oo aan diiradda ku saarnay arimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale xusay in ka qeyb-galka shirkan uu muhiim uhaa Soomaaliya, maadaama horumar iyo dib u habeyn lagu sameeyey dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyn waxa uu u mahadceliyey dowladda Burundi oo sanadkan marti-gelisay shirka wasiirada maaliyadda ee Qaaradda Afrika, kaas oo diirada lagu saaray dhinaca dhaqaalaha. “Ka qeyb galka Shirkan waxa uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u- habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa aan u mahadcelinayaa owladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay. ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka maaliyada. Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay kobac ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha, waxaana sidoo kale kordhayey daqliga gudaha ee u soo xarooda dowladda dhexe. The post Muxuu yahay ujeedka shirka Afrika ee uu ka qeyb-galay Bayle appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ku eedeeyey Jay Bahdur iyo urur aan dowli aheyn oo fadhigiisu yahay Switzerland iney jabsadeen Emeil-kiisa islamarkaana qorsheynayaan iney dilaan. Hay’addan ayaa wada baaritaano ku saabsan kaluumeysiga sharci darada ah ee laga sameeyo xeeebaha Baddweynta Hindiya dalka Soomaaliya, sida lagu daabacey jariidada Nation ee ka soo baxda dalka Kenya. Xayir ayaa waydiistey Maxkamad ku taal dalka Kenya iney soo saarto amar ay kaga joojineyso Jay Bahdur iyo hay’adda la dagaalanka dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah “Global Initiative against Transnational Organised Crime (Giato)” iney baaraan kaluumeysi sharci daro ah ee ka dhacey xeebaha Soomaaliya kuwaas oo lagu soo eedeeyey in wasiirku qayb ka yahay. Wasiiru dowlaha ayaa dhexda kaga jirey baaritaano Jay Bahdur ku sameeyey shirkad la yiraahdo “North East Fishing (Nefco)” taasoo kamid ah kuwa ugu badan oo Kaluunka dalka Soomaaliya u dhoofiya dalka Shiinaha. NEFCO oo la shaqeysata shirkado Kaluumeysi oo dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa Bahdur baaritaankiisa ku xusay in inta badan Kaluunka si sharci daro ah ku qabsadaan iyagoo taageero ka helaya saraakiil sare ee ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya. Bahdur iyo hay’adda Giato ayaa baaritaano ku wada koox saraakiil Soomaali ah kuwaas ay ku tuhunsan yihiin iney gacan-siinayeen shirkad NEFCO oo muddo soddon sano ah ku jirtey ka ganacsiga Kaluunka. Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada ayaa, sida Jariidada Nation daabacdey, dacwadiisa ku gudbiyey in Jay Bahdur iyo Giato ay jabsadeen emeil-kiisa islamarkaana kala baxeen xoggo muhiim ah kuwaas oo ay u isticmaaleen warbixintooda, waxaana uu doonayaan in Maxkamada sare ee Kenya soo faragliso. Xayir ma uusan xusin sababta Soomaaliya dacwadaan uga xereyn waayey. Maxamuud Xayir ayaan beenin eedeymaha la xiriira inuu ku lug lahaa Kaluumeysiga sharci darada ah, balse ku dacwoonaya in kaalinta uu ku lahaa arimaha la xiriira soo saarista ruqsooyinkaan in lagu heley si sharci daro ah maadaama emeil-kiisa la jabsadey. Inta badan saraakiisha lagu xusey warbixinta “Giata” iyo xiriirka ay leeyahiin shirkada la yiraahdo “China Overseas Fisheries Association” kama aysan jawaabin eedeymahaas. Isku dayo la doonayay in xiriir toos ah lagula sameeyo ayaanan gabi ahaanba guuleysan. Isha: Garowe Online The post Wasiir ka tirsan DF oo Jay Bahdur iyo ururo ku eedeeyey ‘shirqool la rabo in lagu dilo’ appeared first on Caasimada Online.
  15. Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xooggan yihiin ururka Al-shabaab. Taliyaha Ciidanka Dhulka Milatariga Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan degmada Xarardheere iyo tuulooyinka. “Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka. Sidoo kale, wuxu sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib dagaallo muddooyinkii u dambeeyay ka socday halkaas. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saarayaan degmada Xarardheere appeared first on Puntland Post.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarka nacasnimada ah ee ay ku qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey xeebaha Oman. Weerarkan oo dhacay Khamiistii tagtay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo mid British uu yahay, halka kan kalena uu u dhashay Romania. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa dhankeedana sheegtay inay ka jawaabi doonto halis kasta oo la geliyo amnigeeda, kadib markii Mareykanka, UK iyo Israel ay ku eedeeyeen weerarka. Tehran waa ay beenisay inay ku lug leedahay weerarka oo la tuhunsan yahay in lagu fuliyey diyaarad Drone ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Ingiriiska oo digniin u jeedisay Iraan appeared first on Puntland Post.
  17. Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolka New York, Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysan inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska. Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog. PUNTLAND POST The post Joe Biden oo ku baaqay in uu iscasilo guddoomiyaha gobolka New York appeared first on Puntland Post.
  18. Pyongyang (Caasimada Online) – Gabadha saamaynta badan leh ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka digtay in dhoolatuska milatariga ee ay sida sannadlaha ah u sameeyaan Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu wiiqi doono rajada laga qabo xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya laba Kuuriyo, maalmo uun ka dib markii Seoul iyo Pyongyang ay dib u fureen wada xaajoodyadooda aan tooska ahayn. Qoraal kasoo baxay Kim Yo Jong, oo ay baahisay warbaahinta dowladda, ayaa si gaar ah ugu socday Korea-da Koonfureed oo kaliya, taasi oo xoojineysa fikradda ah in go’aanka Korea-da Waqooyi ay dib ugu soo celisay xiriirka Korea-da Koonfureed looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Seoul inay Washington ka dhaadhiciso inay tanaasul ka sameyso wada-hadallada Nuclear ee cakirmay. “Mararka qaarkood waxaan maqlayay sheeko aan wanaagsanayn oo ah in dhoolatus milatari oo wada jir ah oo dhexmara ciidanka Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu dhici karo sidii loo qorsheeyay,” ayey tiri Kim Yo Jong. “Waxaan taas u arkaa horudhac aan la jeclayn oo si weyn u wiiqaya rabitaanka hoggaamiyeyaasha sare ee Waqooyiga iyo Koonfurta oo doonaya in ay arkaan tallaabo loo qaaday soo celinta kalsoonida labada dhinac taas oo sii xumaynaysa waddada ka horraysa xiriirka Waqooyi-ga iyo Koonfurta Kuuriya,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay: “Dawladeena iyo ciidankeenu waxay si dhow ula socon doonaan in dhinaca Kuuriyada Koonfureed ay soo bandhigaan dhoolatusyo dagaal, bisha Ogosto ama ay qaataan go’aan kale oo geesinimo leh.” Dhoolatusyada joogtada ah ee u dhexeeya Seoul iyo Washington waxay ahaayeen kuwa sii huriya cadaawadda muddada dheer ka taagnayd gacanka Kuuriya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ugu yeertay tijaabinta duullaanka oo ay kaga jawaabtay tijaabooyin cusub oo gantaalo ah. Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa marar badan sheegay in dhoolatuskoodu yahay mid dabiici ah ama iska caadiya ah. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa baajiyay ama hoos u dhigay qaar ka mid ah dhoola tusyadooda si ay u taageeraan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo xiisadda nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ama masiibada COVID-19 awgeed. Markii wax laga weydiiyay arragtidooda dhoolatusyada xagaaga ee bisha soo socota, Boo Seung-Chan, oo ah afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed, ayaa khamiistii sheegay in Seoul iyo Washington ay dib-u-eegayaan arrimo ay ka mid yihiin xaaladda covid-19, ee hadda jirta, dadaallada lagu gaarayo ka-hortagga nukliyeerka ee gacanka Kuuriya iyo diyaarinta ciidanka. Diblumaasiyadda uu hoggaaminayo Mareykanka ee ujeeddadiisu tahay in Kuuriyada Waqooyi laga dhaadhiciyo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka si ay ugu hesho abaalmarinno dhaqaale iyo siyaasadeed ayaan horumar samayn tan iyo markii shir madaxeedkii labaad ee Kim Jong Un iyo madaxweynihii xilligaas Donald Trump uu burburay sababo la xiriira khilaafyo ka dhashay hoggaaminta Mareykanka. Dowladda Kuuriyada Koonfureed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Moon Jae-in, oo dooneysa dib-u-heshiisiin ballaaran oo dhex marta Kuuriyada, ayaa mar hore ku xirtay Pyongyang iyo Washington si ay u diyaariso shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee dhexmara Trump iyo Kim. Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa markii dambe dib u bilowday hadallo kulul oo ka dhan ah Kuuriyada Koonfureed, iyada oo u sheegaysa in aysan dhex gelin la macaamilka Mareykanka. Bishii Juun ee sanadkii hore, Pyongyang ayaa sidoo kale jartay wada xaajoodyadii curdunka ahaa ee kala dhexeeyay Seoul waxayna burburisay xafiis isku xira oo Kuuriyada Koonfureed ka dhisay dhulkeeda. Khubarada qaar ayaa sheegay in Pyongyang ay mas’uuliyadda burburkii shirweynihii labaad ee Kim-Trump u wareejisay Seoul oo ay ka xumaatay. Ka dib markii labada Kuuriya ay dib u fureen wadaxaajoodyadooda Talaadadii, ka hadal tallaabooyin dib -u -heshiisiin oo waaweyn sida shir kale oo u dhexeeya Kim Jong Un iyo Moon ayaa si dhaqso leh looga ololaynaa Kuuriyada Koonfureed. Laakiin Kim Yo Jong wuxuu ku tilmaamay dareenka noocaas ah “xukun deg -deg ah.” Waxay tiri “mala -awaalka degdega ah iyo fasiraadda aan sal lahayn waxay keeni doontaa quus.” Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed , taas oo aysan aqbali doonin Kuuriyada Koonfureed. Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyadii Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ee Kuuriyada Koonfureed aysan aqbali karin. “Kuuriyada Koonfureed ma lahan wax qiil ah oo ay ku qanciso Mareykanka inuu hakiyo dhoolatusyada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka, gaar ahaan xilli Kuuriyada Waqooyi ay diidmo ka muujineyso shir-madaxeedka Koonfur-Waqooyi,” ayuu yiri Cheong. The post Kim Jong Un walaashiis oo soo saartay digniin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore. “Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett. Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi. Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett. “Isla markii weerarka Iiraan ay ku qaaday markabka, waxaan la wadaagnay macluumaadka ay heleen sirdoonkeenna saaxiibbadeenna Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale,” ayuu Bennett hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in “wakiil ka socda Midowga Yurub uu ka qeybgalayo xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi (Khamiista). Wuxuu uu canaan u jeediyay Midowga Yurub, isagoo yiri: “Suuragal ma ahan in laga hadlo xuquuqda aadanaha, iyadoo la sharfayo gacan ku dhiiglaha dalkiisa ka saaray boqolaal qof oo ka soo horjeeday nidaamka Iiraan”. Dowladda Iran ayaa Isniintii, sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda. Af -hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in Israa’iil “ay tahay inay joojiso eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Britain inay keenaan caddeyn lagu taageerayo eedeymahooda. Khatibzadeh wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka labalabeyn doonin inay ilaaliso amnigeeda iyo danaha qarankeeda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo suuragal ah”. Iiraan iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarro ku qaaday maraakiibta labada dhinac Britain ayaa u yeertay safiirka Iran waxayna ka codsatay maraakiibta inay si xor ah u dhex maraan gobolka saliidda hodanka ku ah. Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sare u kacday tan iyo 2018 -kii, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay lix quwadood oo adduunka ah isla markaana uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee curyaamisay dhaqaalaha Iiraan. Isha: BBC The post Israel oo markale hanjabaad culus u jeedisay IRAN appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana haatan laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaal Gobolka Mudug. Mudane Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasi oo keentay in ay ka baxaan Al-Shabaab magaalada Camaara, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro ilaa iyo inta laga saarayo degaannada Gobolka Mudug. “Waxaan rabaa inaan ugu bishaareeyo Hooyooyinkii arigooda ugu tabarucayay, kuwii raashinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelaha kale ka keenayay, Culimadii nala shaqeysay in dadkii shuhadada ee aan dhiigooda meel cidlo ah ku dhamaan in natiijo wax ku ool ah laga gaaray, cadowgiina uu dhabarka jeediyay,, laguna sii socon doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro A-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay cadowga ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan, maadaama ay yihiin dad ku dhuumaaleysanaya meelo yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Galmudug oo mar kale ka hadashay dagaalka koonfurta Mudug appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Rooble uu caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka. Qoraalka ayaa lagu yiri, “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka dalka.” Intii uu kulankaasi socday ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga warbixiyey halka uu marayo khilaafka xubnaha guddiga doorashada kuraasta BF ee gobollada waqooyi oo maanta xafiiskiisa uu ku qaabilay. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu caawa baahiyey xafiiska Rooble. Khilaafka guddiga doorashada kuraasta reer Somaliland ayaa salka ku haya xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. R/Wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday inuu xal deg deg ah u raadinayo khilaafka guddiga iyo siyaasiyiinta reer waqooyi, si doorasho lagu wada qanacsan yahay ay u dhacdo, isagoo maanta baabi’iyey nidaamka guddoono kala hoggaaminayey 11-ka xubnood ee guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada dowladda federaalka ku meteli doona Somaliland. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha guddigaas ay doortaan guddoon rasmi ah, isla markaana lasoo afjaro khilaafkooda. Sidoo kale kulankaan ay caawa yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed soo doorteen xubnaha ku metelaya golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad. Halka madaxda seddaxda dowlad goboleed ee kale aysan weli soo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa golaha Aqalka Sare, balse waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socday ay soo gudbiyaan. The post Maxaa looga hadlay kulankii uu caawa Rooble la yeeshay madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.