-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay ayaa ka qarxay deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug subaxnimadii hore ee maanta sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Iskahorimaadkan ayaa udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo isku haya muran dhuleed iyo qodista ceel biyoodyo. Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada laba ruux, halka dhaawacyo ay jiraan. Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo odayaal dhaqameed horay ugu baxay xalinta colaaddan ayaa ku guuldareystay inay joojiyaan xiisadda. Mid ka mid ah beelaha ayaa gubay Ceelbiyood laga qoday deegaanka oo muhiim u ahaa dadka deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Garowe (HOL) – At least two people were killed, and a dozen were injured in a clash between clan militias in the Harfo district, Mudug region, on Saturday, residents reported. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo xooggan. Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo haatan isku horfadhiyo magaalada Xarshin oo ah halka ay ka dhaceen dagaallada. Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, waxaana suuragal ah in markale uu dib u qarxo dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Dagaallada dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallada la doonayo in xal looga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan xadka labada waddan. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, si xal loogu gaaro. Dagaalladan waxaa ka horreeyay fal kale oo lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad deegaanka, kadib weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday, xilli ay ku sugnaayeen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida. Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska. Macron ayaa hadalkan ka sheegay sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Macron wuxuu soo dhoweeyay Bayaanka Ankara oo ay gaareen Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii Diseembar. Bayaankaas oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, “hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku adkeysteen inay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, madax-bannaanida dhuleed, iyo mabaadi’da ku qoran sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.” Labada dhinac waxay kaloo ku heshiiyeen inay billaabaan “wadahadallo farsamo” bisha Febraayo si faahfaahinta helitaanka marin badeed ee Itoobiya looga hadlo, waxaana wadahadalladaas gacan ka geysan doona Turkiga, lana dhammeystiri doona oo la saxiixi doonaa muddo afar bilood gudahood ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo saaray ayaa ka digay halis uu sheegay inay kusoo food leedahay shacabka deggan dhulka xeebta ee aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muungaab oo ka hadlayay mashruuca lagu dhisayo garoonka cusub iyo dekedda ay yeelaneyso Muqdisho ayaa sheegay in uu ku hoos duugan yahay qorshe kale oo dhul boob ah, isaga oo tilmaamay inuu ka digayo in dhul boobka ka socda caasimada loo raro gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay sameeyaan baraarug bulsho, kahor inta aan la boobin dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka akhriso qoraalka; Mashruurca Dekadda & Garoonka cusub (New Mogadishu Development Corporation) In dadka degaanka talo iyo tixgelin kadib danguud ahaan looga qaado dhul la doonayo in laga hirgeliyo mashruuc Garoon iyo Dekad oo ay yeelato Muqdisho,isla markaana dadka deegaanka laga siiyo Mashruuca ugu yaraan 35% waa wax macquul ah caalamkana kajira. Waxaase curato diimoon iyo yaab ah in aan helayno xog ah in la doonayo in magaca Danguud lagula wareego dhul xeebeedka u dhexeeya deegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe oo gaaraya (30 KM oo dherer ah iyo 10KM oo ballac ah). Arintaan waxaan u arkaa Boob iyo barakicin dadka deegaankaasi ku nool, ujeedkuna ma aha mashruuc Garoon oo ay ku filan tahay (5 Km oo dherer ah iyo 2.5 Km ballac ah, mana aha Dekad u baahan 7 KM oo dherer xeebta ah iyo 2.5 KM oo ballac ah). Waxaan ka digayaa in barakicinta iyo dhul boobka ka socda Xamar loo raro Degmada Warsheekh. Dadka deegaanka waa inay baraarugaan, fadhigana ka kacaan dal iyo dibad inta ay goori goor tahay.
-
Somalia beat Sudan 1-0 to book a place in the semifinals of the CAF Under-17 Africa Cup of Nations (AFCON) Central-East zone qualifiers. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay shaaciyay in dowladda Puntland ogtahay dadka gacan-saarka la leh Argagixisada ee ku sugan magaalooyinka Puntland, balse wakhtiga ku habboon tallaabo laga qaadi doono. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland cafis u fidin doonto cid kasta oo ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee ka tanaasusha fikirkooda “Waxaan rabaa in aan halkan baaq uga diro cid kasta oo ururrada Xagjirka ah ku jirtay oo diyaar u ah in ay ka tanaasusho fikirkooda, waxaan u fidin doonaa cafis.” “Laakiin ciddii ku madax-adaygta waxaan faraya ciidamada Puntland in ay waajibkooda ka gutaan. Ciddii diyaar u ah in ay bulshadooda soo dhex gashana, waxay dowladdu dejisay siyaasad lagu maamulayo dadka raba in ay danbiyadaasi ka soo noqdaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan kale oo u sheegaya dadka magaalooyinka jooga ee gacan-saarka la leh kooxaha Xagjirka ah oo la shaqeeya kana shaqaysta, dowladdu waa idin ogtahay ee tallaabada xilliga ku habboon baa la qaadaa, inta goori-goor tahay dadkiina ku soo biira” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni “Waan ognahay dadka Argagixisada la shaqeeya ee ku sugan magaalooyinka Puntland” appeared first on Puntland Post.
-
SOMALIA: TANZANIA and Somalia have signed multiple agreements aimed at enhancing the bilateral relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan. Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba mileeshiya-beeleed. Goob-joogayaal ku sugan degmada Xarfo ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan rasaas xooggan oo ay is weydaarsanayaan labada mileeshiyaad ee ku dagaallamaya magaalada. Warar hordhac ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tira-koobka khasaaraha dagaalka. Sidoo kale ilaa iyo hadda xog dheeri ah lagama hayo waxa sababay dagaalka balse wararka ayaa tibaaxaya in uu salka ku hayo muran dhuleed oo soo noq noqday. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron inta uu ku jiray shirka jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda, kaddib booqasho hal maalin ah oo uu shalay ku gaaray Addis Ababa. Abiy ayaa dhankiisa sheegay in labada hoggaamiye ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu nabad ugu geli lahaa badda cas. Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageerro doonista marinka badda. Faransiiska , ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageerraya Itoobiya , iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallan badda , taa oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda , mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo taageeray damaca Itoobiya ee Bad raadinta appeared first on Puntland Post.
-
ETHIOPIA: Dacawaley. Dawladda dhexe ee Federalka Ethiopia oo si deg dega uga soo jawaabay baaqii shacabka Ethiopia ee degan deegaanka Dacawaley, oo shalay baaq diray dawladda Federalka Ethiopia. Deegaanada Dacawaley waxaa soo gaadhay Ciidamada Federalka ee dalka Ethiopia markiiba amar ku bixiyey in aanay tuulada Yoocaale soo dhaafi karin maleeshiyada Ogaadeen ee xidhan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, kuwaas oo shalay xasuuq ka geystay deegaanka Dacawaley ee ay degaan beesha Arab Sheekh Isaxaaq. Beel weynta reer Sheekh isaxaaq ee u dhashay dalka Ethiopia waa beesha qudha ee si dhab ah uga qayb qaadata dhismaha dawladnimada, ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Ethiopia, sidaa awgeed reer Sheekh Isaxaaq cidna magan uga ma aha dalkooda Ethiopia ee waxay leeyihiin xuquuq la mid ah shacab weynaha dalka Ethiopia. Way mahadsan yihiin madaxda Xukuumadda dhexe Ethiopia iyo Ciidamada Federalka Ethiopia, oo si masuuliyadi ku jirto uga soo jawaabay baaqii uga yimid shacabkooda degan deegaanka Dacawaley oo dhulkooda ay Ogaadeenku doonayaan inay ku qaataan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia Axmed Yaasiin Cabdiraxmaan Qaran News
-
Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo. Muqdisho (Faallo ) — Dhammaadkii siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii oo dhan qarnigii hore Laanta af Soomaaliga ee BBC waxay ahayd idaacad wariyayaasha u shaqeeya ay la kala safnaayeen dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya. Bishii Juunyo 1988 mar aan fiidnimadii dhegeysanayay faallo Laanta af Soomaaliya ayuu weriye yiri: “Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) wuxuu halgankiisa xaqa ah bilaabay 1981kii.” Faallada ku saabsanayd dagaalkii 1988 ka dhacay Waqooyiga waxaa qoray Martin Plaut. Ereyga “xaq” wuxuu ahaa mid uu wariyaha Soomaaliga ihi ku darsaday faallada (faallada oo cod ah ma hayo hadda sidaas darteed ma sheegayo magaca wariyaha). Siyaasadda tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC waxay ahayd jaantaa-rogan — mid wariye kasta uu ugu dhaqmo sida uu doonayo. Dhowaan waxaan dhegeystay warbixin 1995 ay Laanta af Soomaaliga ee BBC sii daysay ku saabsanayd lacag uu maamulka Somaliland soo daabacday. Siciid Cali Muuse oo ka hadlayay lacagta ayaa yiri: “ Waa barnaamijkii Xulashada oo aan maanta idiinku hayo Lacagta cusub ee dalka Somaliland. Dalka la yiraahdo Somaliland waxaa jirta inuu yeeshay lacag dhowaan.” Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland. Maxamed Cabdullaahi ayaa ahaa Madaxa Laanta af Soomaaliga waqtigaas. Ma cadda inuu raalli ka ahaa in Siciid Cali Muuse ku tilmaamo Somaliland dal. Sida Siciid warbixinta u soo gudbiyay waxay muujinaysaa inuu ku xadgubay tilmaammaha tafaftirka ee BBC (BBC editorial guidelines). Wariyayaasha BBC oo taageersan goosashada waxay Somaliland ku tilmaami jireen “dal”. Isbeddel keenay in si habsami leh loogu dhaqmo tilmaammaha tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC ayaa dhacay sanadkii 2000 markii Yuusuf Garaad Cumar loo magacaabay Madaxa Laanta af Soomaaliga. Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo. Yuusuf Garaad wuxuu soo jeediyay in Somaliland lagu tilmaamo sida BBC World Service ay ku tilmaanto: “Jamhuuriyadda is magacawday ee Somaliland” (the self-proclaimed republic of Somaliland). Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland. Qoraha faalladan wuxuu ka shaqayn jiray Laanta af Ingiriiska ee Raadiyo Muqdisho 1979-1987. Puntland Post ayaa leh xuquuqda soo saarista faalladan. © Puntland Post, 2024 The post Sida Yuusuf Garaad u Turxaan-bixiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (EASF). Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika. Hoggaakaan ay Soomaaliya la wareegtay ayaa mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika. Xil-wareejintaan ayaa dhacday intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan. Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo casuumaad u fidiyey ururkaan ayaa balan-qaaday in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.