-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa sheegay in maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo u socday magaalada Garbahaarey. Macalimow waxaa uu tilmaamay in amarka lagu celiyay uu bixiyay Cabdullaahi Aadan Kullane oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna intaas ku daray in ay tahay markii afraad oo laga celiyo garoonka Muqdisho. Muqaal: Hadalka Macalimow Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble uu maalin ka hor sheegay in uusan mar dambe aqbali doonin in muwaadiniin socdaalkooda loo xannibo arrimaha siyaasadeed. Muuqaal: Hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adda socdaalka in ay si toos ugu soo wargeliyaan cidii la timaada arrimahaas, si uu tallaabo uga qaado. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan meelna laga celin karin diyaaradaha duulimaadyada ee isaga goosha dalka. Wuxuu tilmaamay musharax walba in uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa muwaadin iyo aragtidiisa siyaasadeed, sidaas darteed meesha uu raba u safri karo oo aan cidi hor istaagi karin. PUNTLAND POST The post Amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo la jabiyay appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE African Development Bank Group, Ethiopia, sign $118 million in grant agreements to support agro industrial park, youth employment and Ethiopia-Djibouti power interconnection The grant agreements were signed on 21 July 2021 by Ethiopian Finance Minister Ahmed Shide, and Kamara ADDIS ABABA, Ethiopia, July 23, 2021/ — The African Development Bank Group (www.AfDB.org) and the Government of Ethiopia have signed two separate grant agreements for new projects to boost youth employment and electricity trade between Ethiopia and Djibouti. The grants fall under the Bank Group’s concessional lending window, the African Development Fund, and will go towards the Productivity Enhancement to Support Agro Industrial Parks and Youth Employment Project worth $47 million, and the $71 million Ethiopia-Djibouti Second Power Interconnection Project, which aims to boost electricity trade between Ethiopia and neighbouring Djibouti. The industrial parks and youth project will see the development of irrigation and water management infrastructure around the Integrated Agro-Industrial Parks, offering opportunities for graduate “agri-preneurs” to establish agro-related, commercially viable businesses. The $102 million venture is being co-financed with the Arab Bank for Economic Development in Africa (BADEA), with a $5.25 million contribution by the Ethiopian government. Under the scheme, 12,607 ha of irrigated land would be developed and about 3,000 youths will receive both agronomic/agriculture and business development training. Bank financing is expected to cover 4,607 ha and BADEA financing another 8,000 ha. The irrigation infrastructure will strengthen water users’ associations; protect the water-shed areas around the irrigation schemes; go towards training farmers and youth agri-preneurs on soil and water conservation practices, agricultural production, value addition and marketing; and support established youth SMEs to access credit. The project will be implemented over a five-year period (2021-2026) under the supervision of the Ministry of Water, Irrigation and Energy and the country’s Irrigation Development Commission. The Ethiopia-Djibouti Second Power Interconnection Project follows an earlier Bank-financed power interconnection project between the two countries, and builds on its accrued benefits over the last 10 years. It will enable the construction of about 300 km of interconnector lines, 170 km of transmission lines to reinforce the network within Ethiopia, and new construction and expansion of substations in the two countries. In Djibouti, expected benefits include a 65% increase in customer connections and a sharp reduction in the use of thermal generation plants from 100% to around 16%. In Ethiopia, the project would lead to higher incomes from the power trade which over the last 10 years stood at over $275 million in revenue from power exports. Upon completion, Ethiopia’s revenue from power exports will increase, while at the same time boosting Djibouti’s access to reliable, affordable, and clean electricity and lowering its greenhouse gas emissions. “By enhancing economic ties through increased cross-border power trade and improved economic competitiveness, the project will contribute towards harnessing regional peace and stability and addressing regional fragility,” said Dr. Abdul Kamara, Deputy Director General, East Africa Regional Development and Business Delivery Office of the African Development Bank. The Board of Directors of the African Development Bank Group approved funding of both projects on 7 July 2021. The grant agreements were signed on 21 July 2021 by Ethiopian Finance Minister Ahmed Shide, and Kamara. The African Development Bank is a major player in Ethiopia’s development agenda and currently has operations valued at about $1.76 billion, covering basic services, energy, transport, water supply and sanitation, agriculture, governance, and the private sector. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, ganacsatada, Mujaahidiinta geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Ciise Cilmi (Musbaar) oo hadda ku geeriyooday Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Marxuumka, waxa aan Alle SWT uga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo, Jannatul firdowsana ku abaal-mariyo, waxaa si weyn loo xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dib u xorreynta iyo dib u dhiska dalkeenna, qoyskii, eheladii, asxaabtii, bahdii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ha innaga wada siiyo. Aamiin. Qaran News
-
Jerusalem (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah. Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika. Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya. Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.” Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.” Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.” Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika. Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas. Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha. Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay. Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco. Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa. Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”. Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”. Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.” The post Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
-
The opening ceremony marks the beginning of the Summer Games, delayed by a year and held under unprecedented restrictions. Source: Hiiraan Online
-
Sababta Israa’iil u doonayso inay u xoojiso xidhiidhkeeda qaaradda madow? Israa’iil waxay xiriir la leedahay 46 waddan oo xubno ka ah Midowga Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay dib ugu biirayso Midowga Afrika iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah. Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israa’iil waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israa’iil ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika. Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israa’iil magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israa’iil iyo Afrika.” Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israa’iil ee qaaradda Afrika.” Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israa’iil.” Lapid ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika. Maxay tahay ujeeddada ay Israa’iil ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika? Israa’iil ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo dhahaya, “Tani waa maalinta dabbaal-dagga xiriirka Israa’iil iyo Afrika.” Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israa’iil ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo ay Israa’iil doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha. Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israa’iil ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay. Sanadkii 2020-kii, Israa’iil ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa booqasho ku tagay Uganda, taasoo qayb ka ahayd xoojinta xiriirka uu la lahaa Afrika Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israa’iil ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israa’iil ka geysteen Masjidka Al-Aqsa. Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israa’iil ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”. Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”. Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane. “Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu. “Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.” Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey. Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble. Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. The post Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo shaqeyn waayey appeared first on Caasimada Online.
-
Nin hinaasay oo bambo ku weerarray meel ay joogtay saaxiibadii hore Nin da’ dhexaad ah oo kasoo jeeda magaalada Isiolo ee dalka Kenya ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee gobolkaas kaddib markii ay walxaha qarxa uga dhaceen xubnaha taranka. Dhibbanaha ayaa meel makhaayad ah oo isla magaalada Isiolo ku taalla ku jiray marka qofka lagu eedeynayo falka oo 30-meeyo sano jira uu wax qarxa ku tuuray haweeney la sheegay inay xiriir jacayl lahaan jireen. Hase yeeshee ninka la tuhunsan yahay ayaa la waayay haweeneyda uu ku bartilmaameedsanayay waxayna bambadii ku dhacday ninka dhibbanaha ah. Ninkii oo argagaxay ayaa bambada gacmaha ugu qabtay si adag si aysan u qarxin, laakiin ma uusan awoodin inuu iska badbaadiyo. Haweeneyda uu bartilmaameedka ahaa, oo dhowr iyo labaatan jir ah, ayaa lagu soo warramay inay xiriirka u jartay ninka weerarka geystay oo la sheegayo inuu ka tirsan yahay booliska magaalada Isiolo. Arrintan ayaa dhacday aroornimadii hore ee maalintii Talaadada, oo taariikhdu ay ku beegneyd 20-kii bishan July. Booliska ayaa hadda baadhitaan ku wada sida ay makhaayaddaas wali usii furnayd xilli uu waddanka Kenya wali ka jiro bandhow socda inta u dhaxaysa 10-ka fiidnimo ilaa 4-ta arroornimo. Dadka dhacdada wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah milkiilihii makhaayadda iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa. Laamaha amniga ayaa sheegay in haddii bambada ay dhulka ku dhici lahayd ay sabab u noqon kartay khasaare aad u badan. Haweeney shaqaale ka ah meheraddaas ayaa warbaahinta u sheegtay in ninka eedeysanaha ah iyo kan dhibbanaha ah ay labaduba macaamiil joogto ah ka ahaayeen makhaayaddaas. “Ninka falka geystay waa askari boolis ah, kan waxyeelladu gaartayna waa askari ka tirsan militariga. Labadooduba waxay ka tirsan yihiin saldhigyada Isiolo,” ayay tidhi gabadhaas oo ka gaabsatay magaceeda iyo aqoonsigeedaba. Qof kale oo goob jooge ah, xogna ka hayay xiriirka ninka iyo haweeneyda ayaa sheegay in uu aad u carooday kaddib markii ay xiriirka u jartay bishii May, durbadiina ay nin kale xiriir la yeelatay. Mas’uul ka tirsan isbitaalka Isiolo ayaa wargeyska Standard u sheegay in bukaanka loo keenay saacadihii hore ee Talaadadii, islamarkiina ay xaaladdiisa la tacaaleen. “Qaraxa wuxuu gebi ahaanba burburiyay xubintiisa taranka iyo qeybaha hoose ee jirka. Xaaladdiisa waa lala tacaalay laakiin wuxuu u baahan yahay in isbitaal kale loo wareejiyo si adeegyo caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo,” ayuu yidhi. Booliska ayaa hadda ku raad jooga eedeysanaha oo baxsad ah ilaa markii uu weerarkaas dhacay. Qaran News
-
Itoobiya ayaa dacwad kusoo oogtay hogaamiyayaasha sare ee TPLF, oo ay ugu horreeyaan Debretsion iyo Getachew Reda. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Itoobiya ayaa dacwad ka dhan ah 62 xubnood oo ka tirsan hogaaminta xisbiga TPLF ka furay maxkadda la dagaalanka Argagaxisada ee dawladda Federaalka Itoobiya. Eedaymaha loo haysto xubnahan oo laga diyaariyey in ka badan 5300 Ducement waxa kamid ah, inay qabteen dooroshooyin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo eedaymo kale oo la xidhiidha musuq maasuq. Sidoo kale waxa lagu soo eedeeyey in ay weerareen saldhigii waqooyi ee Ciidamada Militariga Itoobiya, bililiqaysteen hubkii ciidanka iyo in ay dileen askar aan tiradooda la garan karin. Barre Cali Qaaje Source
-
Niman hubaysan ayaa maanta dilay Taliyihii degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag AHN Cabaas Maxamed Diiriye kadib markii ciidanka Booliska ee uu hogaaminayay ay sameeyeen hawlgal ay ku soo qabanayeen nin ay raadinayeen. Labada dhinac ayaa rasaas is waydaarsaday. Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayo dhacdadan waxa uu ku yidhi sida tan INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi isagoo ku hadlaaya afkiisa iyo ka Ciidan Weynaha Booliska JSL wuxuu Tacsi u dirayaa L/xle Cabaas Maxamed Diiriye Oo ahaa Taliyaha Saldhiga Dagmada garadag oo gacan ka xaq darani Ku dushay Deegaanka God heeli Dagmada Garadag Ee Gobalka Sanaag. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Sarakishii Dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo ciidanka ka soo galay Barnaamijkii shaqo qaran. Taliyaha ayaa marxuumka ku sifeeyay Inuu ahaa sarkaal daacada oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSl Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalkiisa aanu bixin doonin, oo dal kale siin doonin hal Inji. Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay in Kenyaay diyaar u tahay iney difaacato midnimadeeda sida ay u difaacday nabadda dalalka kale. Uhuru ayaa hadalkan ka jeediyey arbacadii booqasho uu ku tagay lama degaanka Boni isaga oo booqdya ciidamo amni oo halkaas tababar uga socday Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taalo Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), waxayn dacwadaan keentay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay hadda bilaabatay dib usoo celinta xiriirka labada dal. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. The post Uhuru Kenyatta: ma dhiibeyno hal Inji oo dhulkeenna ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ka dhacday koonfurta gobolka Mudug lala beegsaday saldhig ay leeyihiin Al-shabaab. War ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri-dheere. Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ay hore u galeen degaanka duqaynta lala beegsaday. “Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri-dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in mar kale Al-shabaab lagu duqeeyay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi. Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal. Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare. Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada. Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July. Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah. Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey. The post Rooble oo loo gudbiyey caqabadaha hor taagan doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Qeycad (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug. Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey. Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab. “ Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug. Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. Gobolka Mudug waxaa ka socdo dagaal Gobolkaas looga sifeenayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo badan kusoo daabuleysay, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda sheegeyn inuu dagaalka sii socon doono inta gacanta lagu soo dhigayo Magaalada Xarardheere. The post DEG DEG: Laba Gantaal oo lagu dhuftay saldhig ay Shabaab ku leeyihiin Hareeri dheere appeared first on Caasimada Online.
-
Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland, ayaa lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegtay warbaahinta Somaliland. Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal. Marxuum Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay. Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabashada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya waxa uu codsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari karo. “Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii maanta la xalin karo waala xalin karaa, wixii kale berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhexdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duurjira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Mas’uuliyiintaan ayaa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Degmada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabashada ay qabaan. Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah. 1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul. Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale, inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen. Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe. Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah. Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka. Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Mogadishu Clan, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Mogadishu Clan ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Mogadishu Clan, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii. The post Xasan Sheekh Maxamuud: “Dalka oo dhan waa wada tabasho waana in la is warsadaa”. appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddigaas ayaa kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Guddiga ku bogaadiyey hannaanka ay hadda wax u wadaan ee ku saabsan doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Gudiga Doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
-
In the video for her latest single, “Honey,” Amaal Nuux reveals herself slowly. Wrapped in a glamorous bodysuit, she displays only her silhouette first — a hint — before launching into a captivating strut through a hallway as she sings “super thick, superfly, Gemini.” It’s a move that subtly echoes the 31-year-old artist’s claim to a modest sexy power. Source: Hiiraan Online
-
Quasim Dahir learned that the American military admitted to killing his 22-year-old sister and her four-year-old daughter in an airstrike while he was having tea in a shop in D’ac, a small village in the center of Somalia, and listening to the radio. It was April 5, 2019 at about 5:00 pm. The strike had occurred the year prior. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa ee doorashada Soomaaliya islamarkaana ay u yeereen dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada. Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siyaasadda Soomaaliya ama xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasi oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta. Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Africom ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeysteen afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba. Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Waxyaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero. Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah. The post Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashada xildhibaannada appeared first on Caasimada Online.