Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas. Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan. Ma sahlano go’aan ka gaarista doorashada Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana jira durba culeysyo badan oo soo baxaya. Guddiga doorashada SEIT ee maamulka Galmudug ayaa Axaddii Qoor Qoor ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare. Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalia, oo dooneysa inuu meesha ka saaro xubnaha caanka ah ee Mogadishu Clan ee aan taageersaneyn Farmaajo. The post Qoor Qoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa sheegay in xilligii qaadka la joojiyey ee Karoonaha uu gaadhigiisa iyo ka wasiirka waxbarashada lagu soo qaaday qaad oo sidaa lagu qabtay, waxaanu sheegay in ciidanka boolisku ay qabteen, isla markaana ay la wareegeen. Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Berigii dhaweyd ee aynu joojinay qaadka guddidayadii COVID-19–ku oo aanu qaadlayaasha la tashanay oo aanu nidhi waar bal ka warrama imisa ayaanu idinka joojinaa ,waxa aanu joojinay waxaan bil ahayn .” Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Ma ogtihiin labadii wasiir ee ugu mudnaa xagga haddalka ee ugu canaanta badnaa Wasiirka diinta iyo awqaafta iyo wasiirka wax-barashada labadoodii baabuur ayey labadayadii darawal ay ku keeneen qaad oo lala wareegay, sharcigiina waanu fulinay labadii baabuur-ba waxa aanu ku wareejinay Booliska, labadiii gaadhiba illaa imika wey naga maqan yihiin oo booliska ayaa kaxaystay, dadkii kale waa loo celiyey baabuurtii laakiin labadayadii wasaaraddood looma celin waanu u hannaynay Booliska oo waxa aanu nidhi haysta, mar haddii aynu sharcigii soo saarnay.” Dhanka kalena Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in Dawladda itoobiya ay dhibaato soo waajahday markii ay Somaliland joojisay qaadka “Lakiin waxa aan idiin sheegayaa 28-kii maal-mood ee uu qaadku taagnaa Itoobiya wey xamili kari weyday oo waxay u baahatay wax ka qaada badeecaddaa ka gubanaysa,annagana 28-kaa maalmood wax ka badan bulshadeennii way xamili weyday, waataa gaadhigii wasiirka lagu soo qaadayo ee kii ciidanka lagu soo qaadayo” ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Source
  3. NAIROBI (HOL) - Somalia’s state minister for finance Mohamed Hayir Ibrahim is suing a Canadian researcher and author Jay Bahadur in Kenya over claims the respondent hacked his email during an investigation on illegal fishing in Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. “Cirro Iyo Faysal 52-kii Xildhibaan Ee U Soo Baxay Ma Waxa Ay U Haysteen Dad Wada Iimaan Leh Inay Yihiin, Miyaanay Ogeyn Inay Kuwii Bilaa Imaanka Ahaa Ku Jiraan, Miyaanay Ogeyn Inay Doqomadii Ku Jiraan….” Jaamac Shabeel (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Garyaqaan Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa dhaliillo xooggan u soo jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo ka hadlayay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada waxaanu si kulul u canaantay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin xubno xejisan kari waayey Xildhibaannadii xisbiyadooda ka soo baxay, isla markaana maanta qiiro qiiro geliyey isbaddelkii ay shacabku u codeyeen. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa waxa kele oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inay ka bakhaylsan yihiin Madaxweyne Biixi, isla markaana aanay aqoon sida wax loo bixiyo, madaama oo ay haysan karri wayeen Xildhibaannadii ka soo baxay Xisbiyadooda oo lacag la siiyey. Siyaasi Jaamac shabbeel oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“Labada Xisbi shicib 52 Xildhibaan soo saaray maanta qiiro qiire ayey ku jiraan, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu muuse ka adkaanayo waa wax aanu caqligi qaadan karrin Xildhibaannadoodii oo ay arkayaan ayaa la iibsanayaa badeecad ayaa laga dhigay suuqa taalla ,waxa aan waydiinayaaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal 52-kii Xildhibaan ee loo soo saaray ma waxay u haysteen dad wada iimaan leh inay yihiin 52, miyaanay ogeyn inay kuwii bilaa imaanka ahaa ku jiraan miyaanay ogeyn inay doqomadii ku jiraan intiiba wey ka soo baxeen, doqonkaaga waxa lagu kaxaysanayo saw in aad ku haysato maaha oo aan lagaaga kaxaysan, ka aan iimaanka lahayn waxa lagaaga ka xaysanayo saw adigu in aad ku haysato maaha .” Waxa uu intaas ku daray “Waar waxa aan leayahay lacag la’aani idinma haysee wahaabiyad-nimo ayaad idin haysee iska bixiya bahasha, wahaabiyiintu waa bakhayliin, laakiin xagga kale qolada joogtaa waa qaadiriyo oo iyagu wey saydh-saydhaan si ay muraadkeeda ugu gaadho ayey bixisaa oo ay hurtaa qaadiriyaddu, laakiin wahaabiyaddu ma hurto, wax kale ayay iskugu sheekeeyaan oo aan la garanayn oo aad ayey u jeceshay bahasha rag iska dhiga oo fadhiga ka kaca oo jeebka iyo gacanta is bara ama bannaanka uga baxa siyaasadda .” Dhanka kalene Jaamac Shabbeel ayaa sheegay in aanay tartami karrin nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn,waxaanu isbahaysiga mucaaradka ku eedeeyey in aanay wax bixinta aqoon “Nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn ma tartami karayaan isumana dhawaanayaan ,hawdhawna waa calaacal iyo maroora dilaac iyo kii caynkaa ahaa sababtu waxa weeye jeebkiina iyo gacantiina ayaan is aqoonayn cida idinka soo horjeedana Muuse waa Bakhayl ayaa la lahaa,lakiin rag qaadiriyo ah ayaa daba taagan oo wax bixinayana.” ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cige oo loo yaqaano Jaamac Shabeel. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Garyaqaan Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa dhaliillo xooggan u soo jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo ka hadlayay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada waxaanu si kulul u canaantay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin xubno xejisan kari waayey Xildhibaannadii xisbiyadooda ka soo baxay, isla markaana maanta qiiro qiiro geliyey isbaddelkii ay shacabku u codeyeen. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa waxa kele oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inay ka bakhaylsan yihiin Madaxweyne Biixi, isla markaana aanay aqoon sida wax loo bixiyo, madaama oo ay haysan karri wayeen Xildhibaannadii ka soo baxay Xisbiyadooda oo lacag la siiyey. Siyaasi Jaamac shabbeel oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“Labada Xisbi shicib 52 Xildhibaan soo saaray maanta qiiro qiire ayey ku jiraan, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu muuse ka adkaanayo waa wax aanu caqligi qaadan karrin Xildhibaannadoodii oo ay arkayaan ayaa la iibsanayaa badeecad ayaa laga dhigay suuqa taalla ,waxa aan waydiinayaaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal 52-kii Xildhibaan ee loo soo saaray ma waxay u haysteen dad wada iimaan leh inay yihiin 52, miyaanay ogeyn inay kuwii bilaa imaanka ahaa ku jiraan miyaanay ogeyn inay doqomadii ku jiraan intiiba wey ka soo baxeen, doqonkaaga waxa lagu kaxaysanayo saw in aad ku haysato maaha oo aan lagaaga kaxaysan, ka aan iimaanka lahayn waxa lagaaga ka xaysanayo saw adigu in aad ku haysato maaha .” Waxa uu intaas ku daray “Waar waxa aan leayahay lacag la’aani idinma haysee wahaabiyad-nimo ayaad idin haysee iska bixiya bahasha, wahaabiyiintu waa bakhayliin, laakiin xagga kale qolada joogtaa waa qaadiriyo oo iyagu wey saydh-saydhaan si ay muraadkeeda ugu gaadho ayey bixisaa oo ay hurtaa qaadiriyaddu, laakiin wahaabiyaddu ma hurto, wax kale ayay iskugu sheekeeyaan oo aan la garanayn oo aad ayey u jeceshay bahasha rag iska dhiga oo fadhiga ka kaca oo jeebka iyo gacanta is bara ama bannaanka uga baxa siyaasadda .” Dhanka kalene Jaamac Shabbeel ayaa sheegay in aanay tartami karrin nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn,waxaanu isbahaysiga mucaaradka ku eedeeyey in aanay wax bixinta aqoon “Nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn ma tartami karayaan isumana dhawaanayaan ,hawdhawna waa calaacal iyo maroora dilaac iyo kii caynkaa ahaa sababtu waxa weeye jeebkiina iyo gacantiina ayaan is aqoonayn cida idinka soo horjeedana Muuse waa Bakhayl ayaa la lahaa,lakiin rag qaadiriyo ah ayaa daba taagan oo wax bixinayana.” ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cige oo loo yaqaano Jaamac Shabeel. Source
  5. Wararka naga soo gaarayo dalka Jabuti ayaa sheegaya in caasimadda dalkaasi ay saacadihi la soo dhaafay ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen oo u dhaxeeyay qowmiyahadaha Soomaalida iyo Canfarta ee wada daga dalkaas. Dowladda Jabuti ayaa dhankeeda war ka soo saartay rabshada, xillli ay sheegtay in aan rabsahadaha noocan ah aan loo dulqaadan karin. Dadka ku dhintay rabshadaha ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad u badan shacab, iyadoo rabshadaha sidoo kale lagu bur buriyay hanti fara badan. Saciid Nuux Xasan Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Jabuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la gubo guryaha dadka shacabka ah. “Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan. Wasiirka ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in ay dowladdiisa si adag uga hortageyso qalalaasaha ka socda dalkeeda. “Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”, ayuu yiri wasiir Saciid. Illa iyo hadda lama xaqiijin tirada dadka rasmiga ah ee ku dhintay rabshadaha saacadihi la soo dhaafay ka dhacay dalka Jabuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha walaalaha ah ee waada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta. Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen inkasta oo aan illaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas. Balse dadka wax soo gaadheen ayaa la sheegaya inay shacab yihiin. Sido kale waxaa jira guryo la guubay, booliska iyo ciidammada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta. Dadka ayaa booliska ku tuurayay dhagaxaan iyo waxyaabo kale Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah caasimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jabuuti. Source
  7. MOGADISHU (HOL) - Students pursuing a degree in Nursing from Mogadishu University do not have to repeat the course in the U.S since their qualifications match those of their peers in U.S universities, an international evaluation organisation in the U.S has established. Source: Hiiraan Online
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlayey howl-gallada ka socda gobolkaasi ayaa eedeyn u jeediyey ciidamada AMISOM. Ugu horreyn Cali Jeyte oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti aysan wax shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka gaabiyeen howl-gallada ballaaran ee ka socda deegaanada gobolkaasi. Jayte ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, kuwooda ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle. “Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-Shabaab, aniga waxan ahay guddoomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan. Dhankiisa Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad oo madasha ka hadlay ayaa xusay in ciidamada AMISOM aysan weli ka dhaqaaqin afar sano ka hor meeshii ay joogeen, isla-markaana aysan sameyn ilaa & hadda wax howl-gal ah. Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xittaa aysan u ekeynba ciidamo nabad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka” ayuu yiri taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay). Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta uga timid taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. The post Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM appeared first on Caasimada Online.
  9. The United States military has confirmed that it carried out another airstrike against al-Shabab militants, its third in less than two weeks. Source: Hiiraan Online
  10. Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur galbeed ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada Aqalka sare. Guddiga doorashooyinka ayaa ku guda diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada saaka, xilli saacadaha soo socda ay bilaaban doonto khudbadaha musharixiinta. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalma ka hor soo saaray liiska musharixiinta, iyadoo guddiga doorashooyinka ay maanta oo Isniin ah u asteeyen in ay qabsoonto doorashada Aqalka sare. Musharixiinta tartameysa oo gaareysa illa iyo 10 Musharax ayaa u tartamaya 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi oo maamulka uu ku leeyahay Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Waxaa lagu wadaa in saacada soo socda ee saaka magaalada Baydhabo ay gaaraan wafi uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Heer Federaal Cabdullahi Abyan Nuur. Wafdigaan ayaa goordhaw ka ambabixi doona garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Jubbaland oo ay joogeen tan iyo markii ay bilaabatay doorashada aqalka sare ee Jubbaland. Guddiga ayaa korjoogto ka noqon doona doorashada lagu wado in maanta koonfur galbeed ay ka dhacdo, taas oo lagu doorayo 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee koonfur galbeed uu ku leeyahay Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan soo saaro liiska murashixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan, in madaxweynuhu diyaariyay liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, islamarkaana uu soo saari doono maalmaha soo socda. Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaa la filaya in uu todobaadkan magacaabo guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare, si Baarlamanku u doorto xubnahaasi. Baarlamanka oo maalmahan fasax ahaa ayaa sida qorshaysan Talaadada berri ah dib uga soo laaban doona fasaxa, si ay u guda-galaan doorashada Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wararkii u dambeeyay ee doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay markale kulan la qaatay sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. Rooble ayaa kulanka kala hadlay labada mas’uul sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira arrinta Somaliland, oo ay isku hayaan sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul laga wareystay waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii kulanka hore. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi”. ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo baxay. Qoraalka ayaa sidoo kale intaas lagu sii daray in Cabdi Xaashi uu codsaday in muddo hal maalin ah la siiyo si heshiis loo gaaro. “Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay”, ayaa qoraalka lagu soo gaba gabeeyay. Sikastaba khilaafka arrinta Somaliland ee guddiyada doorashada ayaa muddo waxaa isku haysto sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxmed Guuleed. sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Homegrown actioner "Escape from Mogadishu" topped South Korea's weekend box office in the first week of its release, revitalizing pandemic-hit theaters, data showed Monday. Source: Hiiraan Online
  15. Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) ayaa ka warbixiyey ammaanka magaalada Boosaaso, kadib khudbad uu xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dowlad goboleedka Puntland ee kowda August. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan u wanaagsan-yahay amniga guud ee magaalada Boosaaso, isla-markaana uu yahay mid la’isku haleyn karo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay xabsiga u taxaabeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo rasaaseeyey dad shacab ah, walow uusan shaacin tiradooda. “Waxaa jira askar Booliska ka mid ah oo inta xabad ku rideen dad shacab ah, markii naloo sheegay lasoo qabtay maxakamadda aan gudbinay, kadibna xabsiga loo diray,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay u taagan yihiin ilaalinta amniga dadka shacabka ah, isla-markaana ay xaq dhowrayaan. “Ma dooneyno in qof shacab ah aan u shaqeyneyno habeen iyo maalin in wax la gaarsiiyo,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka ku dhaqan Boosaaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga guud ee magaaladaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Puntland xoojisay amniga magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, sidoo kalena ay kordhisay howl-gallada ka socda gobolka Bari. The post Puntland oo askar badan ku xirxirtay Boosaaso + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan), oo xalay khudbad ka jeediyay xaflad ku saabsan xuska kowda Agoosto oo Boosaaso lagu qabtay, ayaa ka hadlay Amniga Gobolka Bari. G/sare Xuseen Cali Daan, ayaa sheegay in guud ahaan Amniga Gobolka Bari, gaar ahaanna Xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka jirin Gobolka. Taliyaha ayaa sheegay in wada-shaqaynta Laamaha Ammaanka iyo Shacabka ay suurta-gelisay in lagu guulaysto Xaqiijinta Amniga magaalada Boosaaso iyo dhammaan degmooyinka kale ee Gobolkaasi Bari. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in xabsiga loo taxaabay askar ka tirsan Ciidamada Gobolka Bari, kuwaas oo rasaas ku riday dad shacab ah. Halkaan ka daawo Hadalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  17. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa dalbanaya inuu ilaaliyo amaanka garoonka istaraatiijiga ee Kabul, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan Afghanistan taasoo, khubaradu amaanku u arkaan dalab halis badan oo lagu hagaajinayo xiriirka Ankara iyo Washington oo xumaaday sanadihii la soo dhaafay. In xoogagga Taliban laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Kabul ayaa noqotay arrin weyn kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu ku baaqay in la soo afjaro howlgalka Washington ee 20-ka sano ka socda bariga dhexe isagoo amar ku bixiyay in “dhammaan ciidamadiisa ay ka baxaan Afghanistan dhammaadka bishaan August 2021.” Garoonka dayuuradaha Kabul ee Hamid Karzai waa marinka ugu nabadgalyada badan oo ay daganyihiin dublumaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimad si ay u caawiyaan wadankaan ay dagaalladu halakeeyeen. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo soo jeedinta ‘layaabka badan’ u arka fursad ay Ankara ku dhisi karto xiriirka kala dhaxeeya Washington, ayaa kala hadlay qadiyadaan Biden intii uu socday kulankoodii ugu horreeyay ee shir madaxeedka NATO bishii June. Dalabka ayaa la rumaysanyahay in hoggaamiyaha Turkiga uu ka lahaa labo ujeedo midkood oo kala ah in uu xiriir wanaagsan la yeesho xulafadiisa reer Galbeedka iyo ka -hortagga qulqulka qaxootiga iyadoo la furayo waddooyinka gargaarka. “Turkigu wuxuu dan gaar ah ka leeyahay xasiloonida Afghanistan,” ayay tiri Magdalena Kirchner, oo ah agaasimaha Afghanistan ee saldhigga Jarmalka Friedrich-Ebert-Stiftung. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in aysan siyaasadeed daro ka lahayn balse ay doonayaan in laga yareeyo dhibaatada dadka reer Afghanistan. “Ujeeddadeennu waa in aan hubinno in Afghanistan aysan ku xirnayn dibaadada dunida, in aysan go’doon ahayn,” ayaa laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah. Qaramada Midoobay ayaa bishan sheegtay in 18 milyan oo qof ama kala bar dadka reer Afghanistan ay u baahan yihiin gargaar, halka kala bar dhammaan carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo -darro ba’an. – ‘Soo cesho raalli ahaanshaha’ – In kasta oo Washington ay weli u aragto Turkiga inuu yahay xulafo muhiim u ah bariga dhexe, haddana xiriirkooda waxaa hareeyey khilaafyo, ay xudun u yihiin soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka. Washington ayaa Ankara ku soo rogtay cunaqabatayn xagga wax iibsiga ah sannadkii hore taas oo sii xumaysay xiriirka laba wadan. “Arrinta ugu weyn ee ka dambaysa soo jeedinta garoonka dayuuradaha … waa xiriirka Turkiga iyo Mareykanka: Ankara waxay rajaynaysaa in ay dib ula soo laabato raalli ahaanshaha Washington ka dib xiisado diblomaasiyadeed,” ayuu falanqeeye Salim Cevik ku qoray warqad loogu talagalay hay’adda SWP ee Jarmalka. Saraakiisha Turkiga ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan waxa ay Ankara ka rabto Washington si ay ugu sii joogto Afghanistan, laakiin Erdogan ayaa sheegay in Turkigu u baahan yahay taageero xagga saadka iyo maalgelinta Mareykanka. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay suurtogalnimada in Hungary iyo Pakistan ay qayb ka noqdaan howlgalka, hase yeeshe saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wada hadal toos ah oo ku saabsan gegida la yeelan Islamabad, Hungary-na aysan wax badan ku lahayn howlgalka socda. – ‘Waan kugu kalsoonahay’ – Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale la hadlaysa Daalibaan iyadoo rajo ka qabta in ay hesho qorshe ka ilaalin kara ciidamada Turkiga in ay noqdaan bartilmaameedyada dhaqdhaqaaqa mayalka adag ee Daalibaan. Daalibaan ayaa si cad u sheegtay in fikirka ah in milateriga Turkigu sii joogaan Kabul ay tahay “wax laga xumaado”. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay “inuu arko xalka wada –hadalka uu kula jiro Taalibaan halka ay geynayaan”. “Wadahadallada aan la yeelanay Daalibaan, waxay noo sheegeen:‘ waan inku kalsoonahay, waan ognahay inaadan lahayn ajande qarsoon’,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah. Turkiga waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 500 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka NATO kama aysan qayb qaadan dagaalka. – ‘Reer Yurub ayaa walwalsan’ – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay 2020 waxa ay ku sheegtay in 125,104 qaxooti reer Afganistan ku suganyihiin Turkiga, oo hoy u ah 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah. Erdogan ayaa heshiis la galay Midowga Yurub sanadkii 2016 kaas oo uu Turkigu kula heshiiyey in uu martigeliyo muhaajiriinta taas oo lagu beddelayo balaayiin doollar oo gargaar ah. Ankara iyo Brussels ayaa hadda ka shaqeynaya sidii loo cusbooneysiin lahaa heshiiska, iyadoo Afghanistan ay durba awood u leedahay wadahadalada u dhexeeya saraakiisha reer Yurub iyo Turkiga. “Reer Yurub ayaa walwalsan,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah. Wadar ahaan 201,437 muhaajiriin reer Afghanistan ah ayaa lagu qabtay Turkiga sannadka 2019. The post Muxuu yahay qorshaha ku wajahan Mareykanka ee Erdogan uu cayaarayo? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah kasoo saaray go’aankii uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee beesha Eelaay. Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan oo labadaba kasoo jeeda beesha Hariin ee madaxweyne Lafta-gareen. Hoos ka aqriso qoraalka Senator Ilyaas. Waxay ii aheyd Sharaf in aan ugu adeegey heerka ugu sareyso ee aan awoodey guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed, kuwaas oo 4sano kahor kursiga Senator-nimo aan kumatalaayey iigu doortey 91 cod, oo ahaa codkii ugu badan ee qof Senator Soomaaliyeed ah lagu doortey. Intii aan haayey xilla waxaan aaminsanahay in aan waxba ka hagran dalka iyo dadkii aan matalaayey, waxaana si xorriyad kujirto aan codkeyga ugu difaacaayey wixii aan u arko kolba danta Qaranka iyo Deegaankii aan mtalaayey in ay kujirto, laakiin shaki kuma jiro in ay arintaasi dhibeysey kuwa dulmiga u saaxiibka ahaa, kuwaasoo marwalba dantooda gaarka ah ka hormariya wax kasta una arka cadow cidii iyaga aan ku aragti ama mowqif aheyn. Sida lawada ogsoonyahay Soomaaliya waxay wax kuqeybsataa Qabiil iyo Deegaan, aniguna kursiga sidaasbaa shaley la iigu doortey inaan soo galo liiska musharaxiinta Aqalka Sare utartantey, hase ahaatee qof waliba waa uu ka dheragsanyahay maanta sida ay wax udhaceen. Waxaan u mahadnaqaayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Koonfur Galbeed oo sidii weyneyd ay uga falceliyeen wixii uu sameeyey Maamulka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyntii waxaan umadda Soomaaliyeed iyo reer Koonfur Galbeed-ba u ballan qaadaayaa in aan utaagnaan doono difaacidda Dimuqraadiyadda, Qaranimada iyo Horumarka Soomaaliya. The post Senator Ilyaas oo jawaab ka soo saaray tallaabadii looga reebay liiska Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  19. Dawlada Sacuudiga oo khafiifisey xanibaadii & Shuruudihii saarnaa Dadka booqanaya Dalkaa Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay waajib tahay in dadka gelaya Dukaamada iyo goobaha ganacsiga ama isticmaalaya gaadiidka dadweynuhu ay ka talaalan yihiin cudurka Coronavirus. Wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in talaalku shardi u yahay adeegsiga goobahaas guud ahaan gobolada dalka oo dhan. Sacuudiga ayaa sidoo kale oo uu haatan sheegay in loo ogolaan doono inay dalka soo galaan dadka shisheeyaha ah haddii ay tallaalan yihiin oo ay sitaan shahaado muujinaysa inay talaal buuxa qaateen iyo sidoo kale warqadda baaritaanka oo ah in aan qofkaasi aanu qabin COVID-19. Cudurka ayaa Sacuudiga ku dilay kumanaan qof oo ka mid ahaa dadkii uu soo ritay sanadihii la soo dhaafay, waxaana sanadkii labaad dadka diebada ka imanaya loo diiday iney soo xajiyaan sababo la xiiira cudurkan. Qaran News
  20. Dawladda Jabuuti oo si adag uga hadashay Rabshado ruxay Caasimadda Jabuuti Dowlada Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jibuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha walaalaha ah ee waada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta. Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ku dhaawacmeen inkasta oo aan ilaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas.Balse dadka wax soo gaareen ayaa la sheegaya ainay shacab yihiin. Sido kale waxaa jira guryo la guubay,booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta. Dadka ayaa booliska ku tuurayay dhagaxaan iyo waxyaabo kale Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah casaimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jibuuti. Wuxuu sheegay in arrin halis ah ay ka dhacday Jibuuti kadib markii dadku ay gubeen Aqallo dda shacab ah ay lahaayen. “Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan. Muuqaallo laga soo duubay shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Jabuui ayaa la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray kadib markii guryo dab la qabadsiiyay. Qaara ka mid ah dadweynaha reer Jibuuti ayaa sheegay in ay ka xunyihiin isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ee dalka wada dago iyagoo ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay door bidaan dajinta xiisadda halkii ay sii hurin lahaayen. Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan ayaa baaq u diray dadka reer jabuui gaarahaann waalidiinta isagoo intaa ku daray in wiixi maanta ka dambeeya ay dowladdu gacan adag ku qaban doonto dadka ku dhiirada rabshadahan oo kale. “Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”. Dagaalka Soomalaida iyo Canfarta Garba-ciise, Dagaal ayaa maalmahan ka socday duleedka degmada Garba-ciise, kaas oo u dheexeeya Soomaalida iyo Canfarta, sida ay BBC u sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugan aagga uu dagaalka ka socda. Wararka waxay intaa ku darayaan in dagaalkan uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada Soomaalida ah iyo maleeshiyo ka soo jeedda deegaanka Canfarta. Ilaa hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay colaaddan. Magaalada Garba-ciise waxay dhacdaa jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti. Dhawaan ayay aheyd markii xukuumadda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonto dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba-ciise iyo deegaannada ku xeeran. Hadalkan ayaa imaanaya kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaas oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan, kaddib markii ay weerrar soo qaadeen dagaalyahanno lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin ciidanka maamulka deegaanka Canfarta.Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama ay Kismaayo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday doorasho uu goobjoog ka ahaa. Guddoomiye Ciro oo la hadlay VOA ayaa yiri, “Doorashadii waata ka bilaabatay Jubaland, waxaana hadda kadib la sugayaan in hadba maamul goboleed ay u ka bilaabato, oo xildhibaano cusub ay soo baxaan, marka waxaa moodaa in jiitankii doorashada uu Khamiistii ku ekaa oo hadda toos loo guda galay hirgelinta doorashada.” Sidoo kale guddoomiye Ciro waxa uu sheegay in hadda loo balansan yahay in maalmaha soo socda ay doorashada xubnaha kale ee Aqalka Sare ay ka bilaabato deegaanada dowlad goboleedyada dalka. “Todobaadka koowaad ee bishan Agoosto ayuu qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare, waxaana hadda noo abaabulan in waqtigaas ay doorashada Aqalka Sare ay ku dhacdo oo maalmaha soo socda ay ka bilaabato xarumaha dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Maxamed Ciro. Jubbaland ayaa Khamiistii la soo dhaafay bilaawday doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo lagu soo doortay afar Senator, waxaana dhiman doorashada ugu yaraan 50-Senator oo kale, kuwaas oo laga soo kala dooranayo xarumaha dowlad goboleedyada dalka. Madaxweyne kasta oo dowlad goboleed waxa uu awood u heystaa in rabitaankiisu uu sameyn ku yeesho xubnaha ku soo baxaya doorashada senatorrada Aqalka Sare, sida laga ogaaday doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo liiska murasharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee taalla K/Galbeed oo maalin ka hor Lafta Gareen uu soo gudbiyey. Afarta Senator ee ku soo baxday doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa la sheegay in ay siyaasadda isku mowqif ka yihiin Axmed Madoobe, halka Lafta Gareen uu liiska musharaxiinta Aqalka Sare qalinkiisa uga reebay, ugu yaraan laba musharax oo isku siyaasad aysan aheyn, kuwaas oo kala ah, Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ilyaas Cali Xasan. Labadaan nin afartii sano ee lasoo dhaafay waxay ka tirsanaayeen Aqalka Sare, balse hadda tartanka waxaa ka reebay Madaxweyne Lafta Gareen. The post Guddoomiye Ciro oo war ka soo saaray doorashada Aqalka Sare ee maamullada qaar appeared first on Caasimada Online.
  22. Maxada ka taqaanaa Orodyahanada Soomaaliya ka soo jeeda asal ahaan ee metelayay Dalal kale Ciyaaraha Olimbikada Tokyo 2021? . Waxaa maalmihii u danbeeyey Tokyo ka socday ciyaaraha Olympics-ka oo lahaa noocyo kala duwan, haddaba waxa jirey orodyahanno Soomaali ah oo metelayey dalal kale. Waxaa se sannadkan ka maqan orodyahankii caanka ahaa ee Mo Farah, oo laba jeer oo hore ku guulaystay orodka olombikada ee 10000 ee Mitir. Waxaana sannadkan uu u seegayaa dhaawac soo gaadhay. Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa orordyahannadaas iyo taariikhdooda oo kooban: Maxamed Axmed – Canada Maxamed Axmed, ayaa lagu naanaysaa Mospeed. Maxamed Axmed, waxa uu bishii january ku dhashay magaalada Muqdisho, waxa uu u ordaa dalka Canada. Waxa uuna ka mid ahaa orodyahannadii maalinkii dorrad ahaa ku tartamayey orodka dheer, isaga oo ku dhammaystay kaalinta lixaad, inkasta oo wareegga qaybtii hore hoggaaminayey haddana wareegii u danbeeeyey ayaa la gala wareegay hoggaanka orodkaas.. Axmed wuxuu ku guuleystay billadda maarta ah ee 5000 m ee tartanka orodka adduunka ee 2019 ee Doha, oo uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Canadian ah ee billad ku muteysta dhacdadaas. Waxaana uu sidoo kale laba billadood oo qalin ah ku guulaystay Ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ee 5000 iyo 10,000 m . Axmed waxa uu sidan oo kale qayb ka ahaa Olombikada Xagaaga ee 2012 iyo 2016. Bashiir Cabdi – Belgium BASHIIR CABDI Bashiir, ayaa kaalmaha hore ka galay tartamo badan Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebarweri, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland. Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m. Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain. Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah. Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabbuuti. Sannadkanna waxa uu ka mid yahay orodyahannada ka qaybgeli doono ciyaaraha Olympic-ka ee Tokyo. Cabdixakiin Colaad – Denmark Colaad ayaa metela dalka Denmark Cabdixakiin Colaad, waxa uu ku dhashay bishii 1991 magaalda Kismaayo, waxaana uu hadda u ordaa dalka Denmark, isaga oo ku metela oroddada dhaadheer ee 5000 mitir iyo 100000 mitir. Isaga 11 jir ayuu Colaad dalkan qaxoonti ahaan u yimi. Maratoonkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa 2015, taas oo ahayd markii labaad ee uu isku dayay masaafadan masraxa Hamburg, wuxuu ku dhammeystay waqtiga ugu wanaagsan ee qof Dheenish ahi ku dhammaysto tan iyo 1989 – 2h 14 min 3sec, ayuu ku orday, taas oo sababtay in uu u soo baxo tartankii Olombikada Xagaaga ee 2016 ee Rio de Janeiro. Sannadkii 2018, wuxuu ku tartamay marathonkii ragga ee Ciyaaraha Fudud ee Yurub ee 2018 oo lagu qabtay Berlin, Germany. Ma uusan dhameyn tartankiisaasBishii Diseembar 2019, wuxuu ku orday sida ugu fiican shaqsi ahaan masaafada marathon -ka ee Fukuoka Marathon ee Japan. Markii oo jaray masaafadaas 2h 11min 3sec waxayna sababtay in uu soo baxo Ciyaaraha Olombikada Xagaaga 2020 ee Tokyo, Japan, kuwaas oo hadda qabsoomaya uuna ka qaybgelayaasha sannadkan. Cabdixakiin Cabdiraxmaan – USA Cabdixakiin, ayaa noqday qofkii ugu da’ weynaa ee ciyaarahan ku metelaya Maraykanka Cabdixakiin Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Muqdisho bishii jannaweri sannadkii 1977, wuxuuna u ordaa dalka Maraykanka isaga oo ku caan ah orordka dheer. Waana markii shanaad ee ku tartamayo tartanka Olombikada. Sannadkii 2008, Cabdiraxmaan wuxuu ku guuleystay 10,000 oo mitir Tartankii Xulashada Olombikada Mareykanka. Wuxuu sidoo kale ahaa horyaalkii ragga ee Monument Avenue 10K ee Richmond, VA. Tijaabooyinkii Olombikada Mareykanka ee 2020 ee Atlanta, Cabdiraxmaan wuxuu ku dhammeystay kaalinta 3aad ee marathon -ka isagoo ku orday 2:10:03, hal ilbiriqsi kana dambeeya Jake Riley wuxuu xaqiijistay booskiisa kooxda shanaad ee Olombikada, isagoo 43 jir ah. Hadda se waa 44 jir. Wuxuuna sidaa ku noqday orodyahankii ugu da’da ee abid Maraykanka ku metelaya Olombikada. Waxaana uu haddadan tartanka Tokyo ka mid yahay haddaanu ahaynba kan ugu weyn ciyaartoyda waaweyn ee ka qaybgelaysa tartankaas. Cabdi Nageeye – Netherland ,ABDI NAGEEYE Nageeya ayaa haysta rikoorro badan oo dalkiisa ah. Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay sidii qaxootinimo dalka Nederland. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah. Nageeye wuxuu ku dhameystay kaalinta 8aad ee Marathon -ka Boston ee 2016. Dabayaaqadii sannadkaas wuxuu ku dhammeystay kaalinta 11 -aad orodka marathon -ka ee Rio. 2018. Abdi Nageeye, sida oo kale waxa uu tartammo kaga qaybgalay dalka Kenya isaga oo galay kaalmaha hore. Waxaana ay soo wada tababarteen Eluid Kipchoge, oo ah orodyahanka ugu caansan Kenya. Dalka ee u ordana wuxuu haystaa rikoorro badan, Halka dhanka kale Cabdi yahay luuqad yahan ku hadla, Soomaaliga, Dutch, Carabi, English iyo Amxarariga. Qaran News
  23. Doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Koonfur Galbeed. Xubnahan guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona doorashada Aqalka sare ee ka dhacaysa halkaasi. Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee bilaabaya doorashada Aqalka sare waxaana ka horraysay Jubaland oo keliya. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.