Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. It was an honor for me to serve, to the best of my ability, the Somali people in general, and the people of the South West in particular. My people elected me four years ago with 91 votes, the highest vote for a Senator in Somalia. During my tenure, I believe that I did all in my power for my country and my people and I defended everything I saw as the interest of the nation and the region I represented, but this undoubtedly bothered the oppressors, who always put their own interests ahead of nation and their constituencies. Somalia is divided into clans and regions and I was elected to the Upper House to represent a region as well as a clan but everyone is well aware of what transpired lately. I thank the Somali people in general, and the people of the Southwest in particular who reacted strongly to the unjust actions of the South West Administration. Finally, I promise the people of Somalia and the people of the South West that we will stand up for the democracy, sovereignty and development of Somalia. -END- Ilyas Ali Hassan The post Senator Ilyas statement on Upper House elections appeared first on Caasimada Online.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si habsami leh uga socota magaalada Baydhabo, waxaana goordhoweyd lagu doortay Senator-kii saddexaad. Kursiga 3-aad ee Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiur-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble. Aadan Cabdinaasir oo hore loo soo sii ogaa soo bixistiisa ayaa waxa uu helay codad gaaraya 80 cod, halka Musharaxa kale la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 cod oo keliya. Wasiiru-dowlaha ayaa u muuqda mid si fudud kusoo baxay, maadama uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu xulafo dhow la yahay, sida la rumeysan yahay. Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqonaya Senator-kii Saddexaad ee maanta lagu doorto magaalada Baydhabo, ayada oo goor sii horeysay lagu doortay labada Senator ee kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi oo kusoo baxay codad aqlabiyad ah. The post Wasiir ka tirsan xukuumada Rooble oo loo doortay Senator appeared first on Caasimada Online.
  3. Waxaa xafiiska Puntland Post la soo xiriirtay murashax Xildhibaan Yaasmiin Axmed Salaad oo ku sugan magaallada London ee dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Murashaxa ayaa markii hore bogaadin iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland u dirtay guud ahaan shacabka, madax-lweynaha iyo xukuumadda Puntland, waxayna u rajaysay iyadoo Alle uga baryeysa inay gaaraan guul iyo horumar dhan kasta ah. Marwo Yaasmiin ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimadooda, iyo nabadda uu Eebbe siiyay ayna garab istaagaan madaxweynaha iyo xukuumadooda siiba xiiligan adag ee jaha-wareerka siyaasadeed lagu jiro. Yaasmiin ayaa waxay baaq nabadeed u dirtay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-Maygaag iyo agagaarkiisa iyadoo ka codsanayasa in si degdeg ah ay dagaalka u joojiyaan, waxayna dowladda Puntland, odayaasha iyo wax-garadka bulshada ugu baaqday inay gacan ka geystaan qaboojinta iyo nabadeynta colaaddaas. Murashax Yaasmiin ayaa intii muddo ahaydba ku nooleyd dalkaas kana mid ahayd dadka u adeega danta guud ee mujtamaca qurbo joogta ah ee dalkaas ku dhaqan. Murashax Yaasmiin ayaa sidooo kale ahayd qof dadaal badan ku bixisay inay hooyooyin, dhallin-yaro iyo qoysas Soomaaliyeed ka caawiso talooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhaqanka dalkaas. Sidaas oo kale Murashax Xildhibaan, Yaasmiin, waxay kaalin mug leh ka qaadatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Boocame iyo deegaannada balaaran ee hoose yimaada. Waxaa iyana xusid mudan in sanadkii 2016kii ay odayaasha iyo wax-garadka deegaannadaas ay guddoonsiiyeen abaal marin ay ku mudatay kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay hawlihii lagu horumarinayay mujtamaca. Hasa yeeshee, murashaxa ayaa hadda waxay isu soo taagtay inay u tartanto inay ka mid noqoto xildhibaannada Soomaaliyeed iyadoo sida ay sheegtay rumaysan ujeeddadeeduna tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imaanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqanka ummadda leedahay. Yaasmiin ayaa muujisay in haddii la doorto ay rajo weyn ka qabto inay dardar gelin ku samayn karayso, si wax ku ool ahna gacan weyn uga geysan karto in xildhibaannada cusub ay la yimaadaan wax-qabad iyo wax looga bedelayo habacsanaanta gashay qaranimmadii iyo dowladnimmadii Soomaaliyeed “…Anigu Qaran-Doon baan ahay, waxaana ii muuqda in qaranimmadeenii iyo karaammadii umadaba ay u baahanyihiin maanta xildhibaano wadaniyiin ah oo dib u soo nooleeya qaranimmada dadkooda iyo dalkooda!…” ayeey tiri Yaasmiin, waxayna iyadoo sii hadlaysa ku celcelisay inay aad ugu rajo weyntahay xildhibaannada soo socda ee barlamanka 11aad inaan lagu xaman doonin inay dalkooda gateen ama laaluush qaateen. PUNTLAND POST The post Murashax Yaasmiin A. Salaad: Anigu Qaran-Doon baan ahay appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa xafiiska Puntland Post la soo xiriirtay murashax Xildhibaan Yaasmiin Axmed Salaad oo ku sugan magaallada London ee dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Murashaxa ayaa markii hore bogaadin iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland u dirtay guud ahaan shacabka, madax-lweynaha iyo xukuumadda Puntland, waxayna u rajaysay iyadoo Alle uga baryeysa inay gaaraan guul iyo horumar dhan kasta ah. Marwo Yaasmiin ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimadooda, iyo nabadda uu Eebbe siiyay ayna garab istaagaan madaxweynaha iyo xukuumadooda siiba xiiligan adag ee jaha-wareerka siyaasadeed lagu jiro. Yaasmiin ayaa waxay baaq nabadeed u dirtay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-Maygaag iyo agagaarkiisa iyadoo ka codsanayasa in si degdeg ah ay dagaalka u joojiyaan, waxayna dowladda Puntland, odayaasha iyo wax-garadka bulshada ugu baaqday inay gacan ka geystaan qaboojinta iyo nabadeynta colaaddaas. Murashax Yaasmiin ayaa intii muddo ahaydba ku nooleyd dalkaas kana mid ahayd dadka u adeega danta guud ee mujtamaca qurbo joogta ah ee dalkaas ku dhaqan. Murashax Yaasmiin ayaa sidooo kale ahayd qof dadaal badan ku bixisay inay hooyooyin, dhallin-yaro iyo qoysas Soomaaliyeed ka caawiso talooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhaqanka dalkaas. Sidaas oo kale Murashax Xildhibaan, Yaasmiin, waxay kaalin mug leh ka qaadatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Boocame iyo deegaannada balaaran ee hoose yimaada. Waxaa iyana xusid mudan in sanadkii 2016kii ay odayaasha iyo wax-garadka deegaannadaas ay guddoonsiiyeen abaal marin ay ku mudatay kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay hawlihii lagu horumarinayay mujtamaca. Hasa yeeshee, murashaxa ayaa hadda waxay isu soo taagtay inay u tartanto inay ka mid noqoto xildhibaannada Soomaaliyeed iyadoo sida ay sheegtay rumaysan ujeeddadeeduna tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imaanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqanka ummadda leedahay. Yaasmiin ayaa muujisay in haddii la doorto ay rajo weyn ka qabto inay dardar gelin ku samayn karayso, si wax ku ool ahna gacan weyn uga geysan karto in xildhibaannada cusub ay la yimaadaan wax-qabad iyo wax looga bedelayo habacsanaanta gashay qaranimmadii iyo dowladnimmadii Soomaaliyeed “…Anigu Qaran-Doon baan ahay, waxaana ii muuqda in qaranimmadeenii iyo karaammadii umadaba ay u baahanyihiin maanta xildhibaano wadaniyiin ah oo dib u soo nooleeya qaranimmada dadkooda iyo dalkooda!…” ayeey tiri Yaasmiin, waxayna iyadoo sii hadlaysa ku celcelisay inay aad ugu rajo weyntahay xildhibaannada soo socda ee barlamanka 11aad inaan lagu xaman doonin inay dalkooda gateen ama laaluush qaateen. PUNTLAND POST The post Murashax Yaasmiin A. Salaad: Anigu Qaran-Doon baan ahay appeared first on Puntland Post.
  5. Aadan Cabdinadir Maxamed waxaa uu ku dhashey caasimadda Muqdisho, isaga oo ka qabtay iskuullada Cabdullahi Ciise ee Xamar iyo Model ee Baydhabo halka jaamacadda uu ku qaatay Jamacadda Golis ee Hargeisa. Dhanka shaqada 2015-tii waxaa uu noqday guddoomiyaha gudigii xulusta baarlamaankii koowaad ee Koonfur Galbeed. 2017 Waxaa uu ahaa xubin ka tirsan gudigii hirgalinta doorashadii dadbanayd FEIT. 2019-kii waxaa uu noqday madaxa hab maamuuska madaxtooyada Koofur Galbeed. 2020: Gudoomiyaha ku xigeenkii gudiga madaxa banana ee doorashada qaranka NIEC. 2021-ka, hadda waa wasiiru dawlaha arimaha gudaha ee dowladda federaalka ah. Kursiga uu kusoo baxay waxaa laga xoogay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, waxaa leh kursiga Mirifle, Hadamo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii Seddaxaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Aadan Cabdinaasir Maxamed 2: Maxamed Aadan Xasan Musharax Aadan Cabdinaris Maxamed ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 80, halka Maxamed Aadan Xasan ay heshay cod 6. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Seddaxaad. Source: goobjoog.com
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay Labo kursi oo kamid ah 5 Kursi oo maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare. Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali, halka Kursiga 2-aad ayaduna ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi, waxayna uga guuleystaan kuraastaas labo musharax oo dumar ah. Haddaba, Wax ka ogow labada Senator ee maanta la doortay Ayaan Aadan Cabdullaahi – Ayaan ayaa waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo 1991-dii, sida ay ka hor sheegtay baarlamaanka Koonfur Galbeed. Waxbarashadeedii Jaamacada ka horeysay waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, halka Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering. Waxay muddo la shaqeynaysay hay’addo maxali ah, waxaana la filayaa inay noqoto qofka ugu da’da yar ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad Ayaan ayaa waxay ku soo baxday codad gaaraya 79 cod, waxayna ka guuleystay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas. Kursiga ay ku guuleysatay Ayaan ayaa waxay tahay sumadiisu UH2, waxaana iska leh beesha Mirifle, Eelaay. Zamzam Ibraahim Cali – Zamzam ayaa waxay hore u aheyd Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka 10-aad, waxayna Guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta. Sidoo kale waxay aheyd guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka, waxayna si weyn ugu ololeysa una taageerta dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta. Waxay ku soo baxday codad dhan 81 cod, kaasi oo ay kaga guuleysatay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas. Zamzam ayaa maanta markale difaacatay kursigeeda oo sumadiisa tahay UH24, waxaana iska leh beesha Digil, Jiido. The post Yey yihiin Ayaan iyo Zamzam? – Wax ka ogow taariikhda labada Senator ee maanta la doortay appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa taageerro u muujiyey Xildhibaannada labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID. Dr. Gaboose ayaa War-saxaaafadeed uu saaray ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu uga tanaasulo Shirguddoonka Golaha Wakiilada Xisbiyadda Mucaaradka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah. Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen. Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka. Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda. Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada appeared first on Caasimada Online.
  10. Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay xubnihii ugu horreeyey ee maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya. Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed ee lagu doortay magaalada Baydhaba, ayaa noqotay Senator Zamzam Ibraahim Cali, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare. Senator Zamzam ayaa Shariifo Cusmaan Xaji kaga adkaatay codeyn ah 81-4. Kursigii labaad ee maanta la doorto ayaa waxaa ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ka adkaatay Farxiya Nuur Aadan. Kursiga Ayaan ay ku guuleysatay ayaa waxaa hadda ku fadhiya Senator Ilyaas Cali Xasan. Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maanta uu doorto ilaa shan senator, ayada oo hadda ay socoto codeynta xubnaha kale. Senator Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa noqonaya labadii haween ee ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Sare ee cusub ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare oo lagu doortay Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  11. Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas. Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey koonfur galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Shariifo oo heshay 4-cod halka ay xumaaday 7-cod oo ka mid ah cododka ladhiibtay ee doorashada. Senator Samsam ayaa horay uga mid ahayd golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay. PUNTLAND POST The post Senator Samsam Ibraahim Cali oo ku soo baxday doorashada Aqalka sare ee Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  12. Ayaan Adan Cabdullahi waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane, ee gobolka Gedo 1991-dii. Waxbarasho jaamacadda ka horeysa waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo halka ay Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering, waxay hey’ado maxali ah. Musharax Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 74, halka Farxiyo Nuur Aadan ay heshay cod 8. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Labaad. Kursiga ay u tartantay sumadiisu waa UH2, waxaa laga reebay Senator Ilyaas Xaaan, waxaa leh beesha Mirifle, Eelaay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii Labaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Ayaan Aadan Cabdullaahi 2: Farxiyo Nuur Aadan Musharax Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 74, halka Farxiyo Nuur Aadan ay heshay cod 8. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Labaad. Source: goobjoog.com
  14. MOGADISHU (HOL) - Senator Zamzam Ibrahim Ali retained her seat Monday in South West state after she won by a landslide margin to become the first senator from the state. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka haatan soo hagaagayo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah labo wadan oo daris ah. Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in hadda ay dib u soo laabtay wada shaqeynta labada dowladood, isla-markaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirkooda. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inuu dhowaan la kulmay dhiggiisa Kenya ayna ka wada-hadleen sidii loo sii dhaqaajin lahaa xiriirka dibulmaasiyadeed ee kabada dal. “Waxa aan soo celinay xiriirka diblumaasiyadeed mar uun ma aanay laheyn cilaaqaad muddo 6-bil ah, waxaa soo laabtay wada shaqeynta, waxa aan la kulmay dhiggeyga Kenya oo aan ka wada hadalnay sidii loo sii dhaqaan lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda. Dhinaca kale waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay in sare loo qaado awooda ciidanka, si looga adkaado argagixisada. “Waa in aan sare u qaadnaa awoodda ciidanka Soomaaliya, si ay u qabsadaan dhul badan una joogaan waana waxa aan diiradda in badan saareyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Si kastaba Soomaaliya iyo Kenya oo mar xiriirkooda uu go’ay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay ayaa dib u soo nooleeyey, waxaana si rasmi ah loo furay labada safaaradood. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha oo xamaasad gooniya leh. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiriirka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  16. Samsam Ibraahim Cali waxaa ay aheyd Senator ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka 10-aad, waxaa ay aqalkaas guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, waxaa kale oo guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka. Mar ay maanta la hadashay baarlamaanka Koonfur galbeed waxaa ay sheegtay in ay kasoo shaqeeyey oo taageertay dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta, hadda mar kale ayaa Senator loo doortay baarlamaanka 11-aad. Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81 , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay cod 4. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad. Kursiga xiga Samsam Ibraahim Cali waxaa la tartameyso Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, gabadha hore waa Senator hadda kusriga ku fadhisa, kursiga sumadiisa waa UH24, waxaa leh beesha Digil, jiido. Source: goobjoog.com
  17. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii koowaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Zamzam Ibraahim Cali 2:Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81 , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay cod 4. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dagaallo u dhexeeya ciidamada Afghanistan iyo Taalibaan ayaa ku sii fidaya gudaha dalkaasi,iyadoo saddex gobol oo ku yaal koonfurta iyo galbeedka dalkaasi ay wajahayaan xaalado qatar ah oo keeni karta amni darro iyo burbur ku habsada adeegyada bulshada. Waddanka ku yaalla Koonfurta aasiya ee Afganistaan ayaa ka sii daraya , iyadoo dagaalada u dhaxeeya Taalibaan iyo ciidamada dalkaasi , ay sii xoogeysanayaan xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay doonayaan in ay soo afjaraan bixitaankooda marka la gaaro 31-ka Ogoosto, kaddib 20 sano oo ay joogeen halkaasi. Dagaallo ka dhan ah Taalibaan ayaa ka socda dalka Afganistaan oo dhan ,waxaana la filaya dhowaan in Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani uu la hadlo xubnaha baarlamaanka dalkaasi,kadib kolkii uu Mareykanka ku eedeeyay in colaadaha sii xoogeysanaya ay sababeen ka bixitaanka ciidamada isbaheysiga. Kooxda Taalibaan ayaa hadda isku dayaya inay qabsadaan caasimadaha gobollada, ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay horay u qabsadeen maamulka degmooyin badan. PUNTLAND POST The post Dagaalo dhexmaraya Ciidamada AFgaanistaan iyo Taalibaan appeared first on Puntland Post.
  19. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah. Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia. Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Haddaba maxaa adkeenayo dagaalka kursigaan? Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara, mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf. Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban. Galmudug waxaa ka jirto dood ah inaan kuraasta dad gooni ah loo xirin, Dadka doodaas hor boodaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal. Qoor Qoor ma isla qori doonaa Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid? Marka la eego xaalka sida uu hadda yahay, Qoor Qoor waxaa ku dhow oo saaxiib la’ah, abaal badana ku leh Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegayaa inay ku adag tahay inuu isla qoro isaga iyo Xaaf. Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda. Dhinaca Beesha Kursiga iska leh Beesha kursigaan iska leh ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxay Baarlamaanka Galmudug ku leedahay 6 cod, diidmameeda ama jaceylkeeda wax badan kama tari karo cidda qaadaneyso kursiga, laakiin marka la eego eedaha beesha dhexdeeda ah ee loo heysto Cabdi Qeybdid afartii sano ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inuu Xaaf heysto taageero dhinaca Beesha ah. Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba. Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf. Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay. Si kastaba, loolanka kursigaan waa culus yahay labada ninba waa siyaasiyiin mug leh oo aan xulashadooda la dhayalsan karin . Cabdi Qeybdid oo sanadkaan gacmaha u laabtay inuu madaxweynaha Soomaaliya u dhiso Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey u badan tahay inuu kursiga ku soo laabto haddii uu Qoor Qoor ku adkeysto inuu u bareero halista ka imaan karta Xaaf. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post DAGAALKA kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowladda Burkina Faso ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ay kusoo musaafurineyso Francois Compaore oo ah walaalka madaxweynihii muddada dheer shaqeynayey ee dalka Burkina Faso iyadoo la keenayo dalkiisa halkaasoo loogu haysto dil loo geystay saxafi rug caddaa ah Norbert Zongo oo la dilay labaatan sano ka hor. Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa diidday codsiyo uga yimid qareennada Compaore waxaana maxkamaddu sheegtay in dhiibistiisa loo maray nidaam iyo sharci islamarkaana aysan jirin go’aanno dastuuri ah oo diidaya in laga noqdo musaafurinta Francois Compaore oo dacwado looga haysto dalkiisa Burkina Faso. Dowladda Burkina Faso ayaa ku tilmaantay dib u soo celinta Francois Compaore “GUUL” “Waxaan ku qanacnahay sida Faransiisku u aqbalay codsigeenna,” ayuu yiri Ousseni Tamboura oo ah wasiirka isgaarsiinta iyo waliba afhayeenka dowladda Burkina Faso. Francois Compaore waa walaalka ka yar Blaise Compaore kaasoo lagu qasbay inuu iscasilo sannadkii 2014 markii ay ku kaceen dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday inuu ku ballaarsado xukunkiisa 27 jirsday kaasoo markii hore u uku yimid afgambi. Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso ayaa tan iyo markii uu xilka iska casilay qaab musaafuris ah ugu nool dalka Ivory Coast. Meydka wariye Zongo oo si xun loo gubay islamarkaana ahaa agaasimaha wargeys soo baxa usbuuciiba mar laguna magaabi jiray “L’independent” ayaa la helay bishii December ee sannadkii 1998 waxaana lala dilay saddex qof oo ay asxaab ahaayeen. Meydka ayaa laga helay gaar waddada dhinaceeda yaal magaalo madaxda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou. Dilka kaddib dibadbaxyo waaweyn ayaa gilgilay dalka Burkina Faso waxaana ka dhashay cambaareyn calami ah. Zongo ayaa baaritaan ku hayey geerida David Auedraogo oo ahaa darawalka Francois Compaore. Baaritaan la sameeyey kaddib dilka Zongo waxaa loo soo qabtay Marcel Kafando oo ah xubin ka tirsan ilaalada madaxtooyada laakiin waa la sii daayey markii lagu waayey inuu ku lug leeyahay dilka wariye Zongo. Source: goobjoog.com