Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,896
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland, ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaraddaas. Warqad ka soo baxday Hanti-dhawrka guud ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa shaqada looga joojiyay mas’uuliyiinta kala ah; Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Mahad Colaad Maxamed, Xisaabiyaha Wasaaradda Axmed Jaamac Geelle iyo Madaxa Maaliyadda, Maxamed Cabdullaahi Axmed. Hanti-dhawrka ayaa warqaddiisa ku sheegay in uu baaris ku wado Wasaaradda Waxbarashada Puntland, islamarkaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne, sidaas darteedna shaqa-joojin loogu sameeyay mas’uuliyiintaas. Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa shalay shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorshaynta Puntland oo ay ku jiraan Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Shire Faarax, Agaasimaha Waaxda Deeqaha Maxamed Cali Ciise iyo Cabdirisaaq Axmed Muuse oo ka tirsan Xafiiska diiwaan-gelinta NGO’ska. Halkan hoose ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Puntland: Agaasimihii wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale oo shaqada laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  2. Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug. Wasiir Falagle oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabkii saakay weeraray Camaara ay iska soo hor mariyeen gaadiid xoolo nool siday, kaas oo isku qarxiyey xerada ciidanka dowladda ay ka deganaayeen deegaanka. “Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gawaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug. Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii saakay, oo markii ay dib u riixeen kooxda duqeyn culus lala beegsaday, taas oo khasaare badan uu kasoo gaaray Al-Shabaab. Dhankooda waxa uu sheegay in shan askari oo hal sarkaal uu ku jiro ay uga geeriyoodeen dagaalka, halka dhanka Al-Shabaab uu sheegay in khasaaraha gaaray uu 100 dagaalame kor u dhaafayo, balse uu xaqiijinayo 60 dhimasho ah iyo dhaawacyo kale oo nolosha lagu qabtay, sida uu sheegay. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay. Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh. War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay maanta qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/WASIIRKA-WARFAAFINTA-GALMUDUG-AXMAD-SHIRE-FALAGLE-.mp3 The post Al-Shabaab oo laga dilay 60 dagaal-yahan iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Warbixintan oo muqaal ah halkan ka daawo Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu xulufo la ahaa madaxweyne goboleedyada HirShabeelle, Galmuudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaa hamigiisa ku shubasho ee doorashada Soomaaliya ka hor-yimid mucaarad awood badan. Mucaaradkaas ayaa ahaa isbaheysi ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gadaal kaga biiray. Isbaheysigaas ayaa hadda burburay kadib markii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay diideen sida madax goboleedyada iyo Rooble ay u wadaan hanaanka doorashada oo ay la meel dhigeen sidii ay ka diideen madaxweyne Farmaajo. “Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa laba hab uga faa’iideysanaya xiisaddan cusub. 1- Isbaheysiga burburay: Buburka Isbaheysiga Badbaado Qaran ayaa soo billowday markii xubnaha ay dayaceen guddoomiye Cabdi Xaashi oo xubin ka ahaa, kaasi oo hoggaanka guddiga doorashada gobollada waqooyi uu kala wareegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo ku xiran Farmaajo. Sida loola dhaqmay Cabdi Xaashi waxay aheyd wax aan laga fileyn isbaheysiga, balse Farmaajo tustay inuu isbaheysiga ka dabacsan yahay sidii la mooday, waxa isku hayana aysan aheyn mabaadi’ balse yihiin dano siyaasadeed. Xargihii haray ee isku hayey isbaheysiga ayaa sii furmay kadib markii doorashada Aqalka Sare ay billaabatay, xilligaas oo Axmed Madoobe, Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay doorashaii u beddeleen magacaabis, taasi oo Musharaxiinta ka carreysiisay, inkasta oo rasmi ahaan ay usoo dhoweeyeen. Musharaxiinta ayaa garowsaday in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanu dagaalkii lala galay Farmaajo ka aheyn mid ay musharaxiinta ugu daneynayeen balse ay dantooda gaarka ah ku hoos wateen. Isbaheysiga ayaa ugu dambeyn rasmi u burburay kadib markii Axaddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen habraac doorasho oo mucaaradka ay ku qeexeen mid dusha sare magac doorasho ka sita, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay. Burburka Isbaheysiga wuxuu madaxweyne Farmaajo uga dhiggan yahay in hadda iyo kadib aanu wajihi doonin loolan adag oo ka horyimaada inta lagu guda jiray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, oo habraaca loo marayo sidoo kale uu u daneynayo Farmaajo, taasi oo ina keeneysa qodobka labaad. 2- Habraaca doorashada: Habraaca doorashada wuxuu awood badan u siiyey madaxda maamul goboleedyada soo-xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada, oo ah qodobka ugu weyn ee la isku hayo ee mucaaradka ay diidan yihiin. Hase yeeshee markaad si kale u eegto madaxweyne Farmaaho wax dhibaato ah kuma qabo habraacan, waxaana suurta-gal ah inuuba si gaar ah isaga ugu faa’iideynayo markaad eegto dhowr qodob. Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii horeba isku haleynayey in madaxweyne goboleedyada taabacsan ay usoo saaraan xildhibaano codka siiya, ayaga oo kaashaanaya odayaasha, madaxtooyadana ay ku biirineyso saameyn iyo lacag wax lagu kala dabaro. Habraaca laga soo saaray shirkrii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa uu awood siiyey madaxweyne goboleedyada, waxaana tani ay Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen u sahleysaa inay doorashada sida ay doonaan u musuqaan, kana soo saaraan xildhibaano taabacsan Farmaajo, haddiiba ay doonayaan. Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa habraacan u adeegsan kara inay doorashada xildhibaanada ku takri falaan, balse Farmaajo markii horeba istaraatiijiyaddiisa doorasho iskuma haleeneyn labadaas maamul, sidaas darteedna kalama jecla ciddii halkaas kasoo baxda. Guul-darrada ugu weyn waxay soo gaartay Midowga Musharaxiinta, oo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanay usoo saari doonin xildhibaano, halka habraaca doorashaduna albaabo badan uu u furay madaxweyne Farmaajo. The post Madaxweyne FARMAAJO oo laba guul oo siyaasadeed oo lama filaan ah helay appeared first on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland anha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muus Biixi Cabdi ayaa ahaa mid si weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Cigaal, isla markaana inta baddan ku eedayn jiray in talladdii dalka uu ku koobay in Suldaan uu wadda xukumo. Madaxweyne Muuse Biixi oo kamid ahaa Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,isla markaana ahaan jiray Wasiirkii arrimaha guddaha,ayaa noqday markii xilka wasiirka laga qaaday mid si weyn u mucaaradi jiray Xukuumadda Madaxweyne Cigaal, isla markaana ku canaanan jiray in Dawladdii uu ku koobay beeshiisa oo keliya oo uu xilalka ugu waa weyn u dhiibay. Madaxweyne Biixi ayaa waxa kamid ahaa haddaladii u cahdigaa ku duri jiray Marxuum Madaxweyne Cigaal kuwan :-“Madaxweyne Cigaal hal ayaan leeyahay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalow muddane Madaxweyne ma sideetan jir ayaad tahay ma afartan sanno ay Somaliland tallo ku mooday,ma sagaal sanno ayaad Somaliland hor fadhiday , ma maanta ayaad awoodii ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin, Daakhiligii Xaakimkii Sare, xeer illaalintii,Taliye ciidan .”ayuu yidhi Muuse Biixi Geesta kalene markii uu xilka Madaxweynenimo qabtay Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la weydiiyey in isagii uu shalay wixii uu ku maagi jiray Madaxweyne Cigaal uu sameeyey,balse isaga oo u qiilsamanaya ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:- “Waa runtaa oo da’du waa da’dii Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Wasiirkiisa arrrimaha guddaha ayaan ahaa ,waa runtaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal intaas-ba waan ku canaantay ,waxaanan ugu cannaantay qalad uu maalintaa joogay ayaan ka qabanaayey ,waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee isagu qaban lahaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi Waxa uu intaas ku sii daray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo u qiilsamaynaya xilalka Xukuumaddiisa ee Beeshiisa uu ku taxay “Maanta annigu ma cid ayaan weerarayaa oo aad iga qabanaysaa,maanta ma cid aan weerarayo oo salaadiin ah ama gacansato ah ayaa jirta.”ayuu ku afgobaadsaday Madaxweyne Biixi. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la sheegay inuu joojiyey Lacago boqolaal Milyan oo shillinka Somaliland ah, kuwaas oo ahaa qaar lagu naas-nuujin jiray oo fadhiga ay ku qaadan jireen shaqsiyaad aan kamid ahayn shaqaalaha Dawladda hoose. Maayar Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la sheegay inuu ka jaray oo uu joojiyey lacago ka baddan Mushaharka shaqaalaha Dawladda hoose ay qataan oo fadhiga lagu siin jiray shaqsiyaad aan kamid ahayn shaqaalaha Dawladda hoose,kuwaas oo iskugu jira siyaasiyiin Madax-dhaqameed iyo suxufiyiin iyo shaqsiyaad kale. Dhanka kalena Lacagahan ayaa lagu sheegay inay iskugu jiraan qaar lagu naas-nuujin jiray shaqsiyaad Rag iyo Dumar-ba leh oo siyaasiyiin,Madax-dhaqameed iyo suxufiyiin ka koobnaa iyo weliba Lacago kale oo sifo sharci darro ah uga bixi jiray Dawladda Hoose oo si gaar ah loogu tasarufi jiray,kuwaas oo caddadkooda marka la isku wadda geeyo la sheegay inay ku dhaw yihiin dhowr boqol oo Milyan oo shillinka Somaliland ah. Sidoo kalena xoggo uu Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo kale duwan ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqsiyaadkii fadhiga lagu naas-nuujin jiray ee ku maymay xoolaha ummadda ee fadhiga lagu masruufi jiray inay maal-mihii u dambeeyey ay dul meehanabayeen xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa,kuwaas oo qiil u raadinayey sidii ay ku heli lahayeen jiif oo jaqdii ay barteen. Geesta kalene Maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo hadda muddo laba bilood ku siman xilka Maayarnimada caasimadda haya, ayaa hore u ballan-qaaday inuu ilaalin doonno xoolaha ummadda, islamarkaana uu dhageysan doonno dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celinayo canshuurtooda. Gunanadkii Maayar Cabdikariin Axmed Mooge ayaa u muuqda mid ka dhabbaynaya ballaqadkiisii ahaa inuu illaalin doonno xoolaha ummadda,isagoo hadda ummadda u bad-baadiyey oo u joojiyey Lacago dhawr Boqol oo Milyan oo shillin ah,kuwaas oo qaarkood lagu naas-nuujin jiray oo fadhiga lagu siin jiray siyaasiyiin Madax-dhaqameed iyo Suxufiyiin oo qaadan jiray Lacago ka baddan inta ay Mushaharka u qaataan shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo weliba Lacago kale oo lagu tasarufi jiray oo uu joojiyey. Source
  6. Siyaasiyiinta qaar oo noqday mus-dambeedka Madaxweynaha iyo qaar fadhiga lagu naas-nuujiyo + Qorshihii ahaa hoos mooyee yaan war-baahinta wax-ba loo marrin Madaxweynaha oo hirgalay. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin waa weyn oo ka soo jeeday Beesha Subeer Awal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa ahaan jiray cahdigii Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo qaar si weyn u mucaaradi jiray,haseyeeshee waxay mar qudha ay hawada ka baxeen markii xilka Madaxweynenimo lagu wareejiyey Madaxweyne Biixi,kuwaas oo siyaabo kale duwan loo fasiran karro sababtii ay Siilaanyo u dhalliili jireen,isla markaana la is weydiinayo sababta ay uga aamuseen dhalliilaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi dul hogganaya. Xukuumadda Siilaanyo ayaa ahayd mid ka hadhsan weyday,isla markaana mucaarid-nimo adag kale kulmi jirtay siyaasiyiinta waa weyn ee ay Madaxweyne Biixi isku beesha yihiin iyo weliba madax-dhaqameedka,kuwaas oo si joogta ah u eedayn jiray Xukuumadda Axmed Siilaanyo,waxaanay ahayeen kuwo keeb la yurur ahaa ilaa intii uu Madaxweyne Biixi uu xilka la wareegayey,balse markii Madaxweyne Biixi xilka la wareegay ayey noqdeen kuwo hadh-galay,isla markaana gebi ahaan-ba ka gaabsaday inay wax ka sheegaan Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweynaha ay isku beesha yihiin ee Muuse Biixi Cabdi. Dhanka kalene Siyaasiyiinta ay Madaxweyne Biixi isku beesha yihiin ayaa ahaa qaar ka koobnaa Siyaasiyiin, Mujaahidiin iyo Xildhibaanno kamid ahaa Golihii hore ee Wakiillada Somaliland,kuwaas oo si gooni gooni ah ula hadli jiray war-baahinta,balse isku ujeedo ahaa,isla markaana eedaymo u jeedin jiray Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaanay markii ay xilka wareejisay Xukuumadda Axmed Siilaanyo inta baddan ahaa qaar ku tiraabi jiray haddalo ahaa Xukuumadda Siilaanyo dalka wey boobtay iyo kuwa kale oo lagu caayayo Beesha uu ka soo jeeday Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Geesta kalene Siyaasiyiinta ayaa markii Madaxweyne Biixi xilka qabtay noqday kuwo hadh-galay,isla markaana afka ka xidhay inay dhalliilo ujeediyaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi,kuwaas oo ka aamusay inay wixii khaldan ay ka hadlaan,taas oo lagu macneeyey laba qodob oo qabyaalda ugu horeysay,isla markaana ay u xubeeranayaan reer-nimo oo ay xeerinayaan qodobka kamid ah xeerka Subeeriyadda iyo qodobka labaad ayaa isna ah inuu jiro qorshe beelaysan oo arrinkaas laga gaadhay,isla markaana la is faray in si hoose mooyee aan war-baahinta laga dhalliilin Madaxweyne Biixi inta uu xilka hayo. Waxa kale oo jiro tuhun kale duwan oo lala xidhiidhinayo sababaha ay siyaasiyiintaas ay uga muquurteen inay farta ku fiiqaan dhalliisha Xukuumadda ayaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta qaarkood ay yihiin mus dambeedka Xukuumadda Madaxweyne Biixi,isla markaana uu ka tallo qaato,halka qaarkood-na lagu sheegay in muraado kale loo dhammeeyey. Si kastaba ha- ahaatee Siyaasiyiin baddan oo ay Madaxweyne Biixi isku beel yihiin oo ahaan jiray kuwo si adag u eedayn jiray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii Madaxweyne Biixi uu xilka Madaxweynenimada qabtay hadh-galay,isla markaana ka gaabsaday inay farta ku fiiqaan dhalliisha Xukuumadda Madaxweyne Biixi,waxaanay taasi muujinaysaa inay qabyaalad ku eedayn jireen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Siiilaanyo, isla markaana ay reer-nimi ku tixgelinayna oo ay ku ixtiraamayaan Madaxweyne Biixi. Source
  7. (SLT-Kapul)-Agaasimaha CIA -da William Burns ayaa Kabul kula kulmay hoggaamiyaha Taliban Abdul Ghani Baradar, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah iyo ilo xog -ogaal u ah dhaqdhaqaaqa dowladda. Kulanka ayaa yimid iyadoo maamulka Biden uu daad gureeyay muwaadiniinta Mareykanka iyo xulafadiisa kale iyada oo dhibaato ay ka jirto gegida diyaaradaha ee Kabul ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee 31 -ka August. Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa marka hore tabiyay kulanka. Wakiil ka tirsan CIA ayaa sheegay in hay’addu ayna wax faallo ah ka bixin sidoo kale Aqalka Cad ayaan ka hadlin kulankan. Biden ayaa todobaadkii hore sheegay in laga yaabo in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afgaanistaan ​​waqtigii loo qabtay todobaadka soo socda si loo daad gureeyo dadka Mareykanka. Hase yeeshee,Taliban sarkaal ka tirsan Taliban ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan sii dheereyn doonin waqtiga loo qabtay ciidamada reer Galbeedka inay uga baxaan dalka Afghanistan. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi, ayaan weli hirgelin qoddobo baddan oo bud dhig u ahaa Barmaamji Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE uu doorashadii Madaxtooyadda ku galay,kaas oo u muuqda inuu ku fashilmay hirgelin tooda. Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE ayaan weli hirgelin oo aan ka dhabbaynballan-qaad-yaddii ay u sameeyeen Saxaafadda dalka,kuwaas oo ka koobnaa 12 qoddob oo ku jiray Barmaamij Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE uu ku galay doorashadii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017-kii. Geesta kalene waxa ayaan darro ah in Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo afar sanno ku dhawaad xilka haysay,isla markaana uu wakhtigii la doortay hal sanno ka hadhay in aanay weli laba iyo tobbankaa qodddob hal qoddob oo kamid ahi ka hirgelin,waxaanay taasi muujinaysaa in Xisbiga KULMIYE uu awrkiisa ku kacsanayey,isla markaana uu olollihii doorashada uun ku galay. 1. Xisbiga KULMIYE wuxuu dhawri doonnaa madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland si waafqasan Dastuurka iyo xeerarka saxaafadda dalka. 2. Waxa uu hirgelin doonnaa dugsi ama kulliyada saxaafadda lagu barto,iyadoo Jaamacaddaha lagu dhiirigelin doonno fursita kulliyaddaha saxaafadda. 3. waxa uu dhammays tiri doonnaan xeerka saxaafadda . 4. Waxa uu suurtagelin doonnaa in la abuuro guddi heer Qaran ah oo anshaxa saxaafadda ka shaqaysa. 5. .waxa uu suxufiyiinta siin doonnaan xorriyad buuxda oo ay shaqadoodu suxufinimo ku qabsan karraan. 6. Waxa uu hubin doonnaa Xisbiga KULMIYE in suxufiyiinta la soo eedeeyaa ay caddaalad buuxda heli doonnaan. 7. Waxa uu fududayn doonnaa sidii ay bulshada caalamku ay saxaafadda wax ula qaban layd. 8. Waxa uu suxufiyiinta iyo ururadda saxaafadda uu keelin ka siin doonnaa sidii ay u heli lahayeen fursadaha tababarka debada 9. Waxa uu kor u qaadi doonnaa awooda wax qabad ee ururadda saxaafadda 10. Waxa uu si gaar ah KULMIYE uu u dhiirigelin doonnaa Gabdhaha suxufiyiinta ah 11. Waxa uu Xisbiga KULMIYE fudayn doonnaan qaadashada liisamadda war-baahinta. 12. Waxa uu meel marin doonnaa nidaam suxufiyiintu ay ku heli karraan aqoon si suxufinimo si aanay saxaafaddu u noqon mihnad u furan cid wal-ba. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaan 12 qoddob midkoodna hirgelin ilaa hadda,balse war-baahinta dalka ayaa weli dhawraysay in Madaxweyne Biixi uu ka dhabbayn doonno ballan-qaadkii uu u sameeyey Saxaafadda Somaliland,isla markaana uu hirgelin doonno badhkood haddii uu wakhtigu u saamaxo. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa Golaha wakiillada ee cusub dib ugu celiyey ‘xeerka nidaamka ururada iyo axaabta siyaasada (XEER No. 14/2011)’ oo dhowaan uun uu Golaha guurtidu u gudbiyey. Ilo xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey in madaxweynuhu uu shirguddoonka Golaha wakiilada mudane u gudbiyey qoraal rasmi ah oo uu ku wargelinayo soo celinta xeerkaas. In kasta oo aanan ogaan waxa uu madaxweynuhu ku sababeeyey. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Golaha lagu wargeliyo soo celinta xeerkaas, gaar ahaan ansixinta xeer-hoosaadka wakiillada kaddib. Xeerkan ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la diiwaangelin doono lix bilood ka hor waqtiga dhicitaanka liisanka xisbiyada, taas oo abuurtay doodo la xidhiidha sida ay xisbiyadu ku geli doonaan doorashada soo socota ee madaxtooyada maadaama oo diiwaangelinta ururradu ka soo horreyso. Dad badan oo xitaa masuuliyiin xisbiga Kulmiye ka tirsani ku jiraanna waxa ay u fasireen in madaxweynaha muddada loo kordhinayo. Kamaal Majraan Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa si adag uga horyimid habraacii uu dhawaan soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaga oo walaac ka muujiyey in dhaqan-gelintiisa uu sababi karo iska hor-imaad hubeysan. War-saxaafadeed kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa wel-wel looga muujiyey geedi socodka doorashooyinka dalka oo ay sheegen inay ku tagri faleen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka. “Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka, taasina waxey shaki badan gelineysa suurto-galnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay ugu baaqeen duubabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, culumo-u-diinka, wax-garadka, haweenka iyo aqoon-yahanka Soomaaliyeed inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro, islamarkaana gacan ka geystaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooin daah-furan oo lagu kalsoonaan karo. “Waxaa in badan ka dignay in daahfur la’aanta doorashooyinka sabab u noqon karto in dalka aysan ka dhicin doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sidaas darteed lama aqbali karo habraacan cusub.” Qoraalka kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ay ku diideen habraaca cusub ee doorashada ayaa imanaya xili si weyn looga horyimid, maadama uu si toos ah doorashada ugu gacan gelinayo madaxda dowlad goboleedyada dalka. The post Habraaca doorashada oo laga digay ‘inuu sababi karo’ iska hor-imaad hubeysan appeared first on Caasimada Online.
  11. Gobolka Haylaan ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu riigoorayaal 4-3 uga adkaaday Nugaal. Goolhayaha da’da yar ee Liibaan ayaa ahaa halyeeygii Haylaan ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii kowaad ee Puntland, isagoo riigoorooyin ka badbaadiyey ciyaartooyda Nugaal ee Ceelow iyo Kaarloos. Haylaan ayaa martigeliyaha Nugaal oo difaacanayay tartanka ku hor garaacay kumanaan taageerayaashiisa ah oo sugnaa gegida lagu fidiyay cowska macmalka ah ee Mire Awaare. Madaxweyanah ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab ayaa Haylaan guddoonsiiyay koobka gobolada Puntland, waana koobkii siddeedaad ee Puntland tan iyo 1998. Ciyaaryahanka Injineerka oo weerarka uga ciyaarayay Nugaal ayaa ku guuleystay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka, halka Baxwal Jirde oo Sanaag u ciyaarayay uu ku guuleystay gooldhalinta tartanka. Macallinka Haylaan Maxamed Cabdalle oo ahaa tababarihii ugu da’da weynaa tartanka ayaa isna ku guuleystay macallinkii ugu wanaagsan tartanka, halka goolhayihii ugu fiicnaa uu ku guuleystay goolhayaha da’da yar ee Haylaan, Liibaan. Guusha uu gaaray xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa looga dabaal-degayaa deegaanada hoostago gobolka Haylaan, gaar ahaan xarunta gobolkaas ee Dhahar iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Haylaan oo ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobolada appeared first on Puntland Post.
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay blilaabeen dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle. Nabaddoon Cilmi Guure Hagar ayaa warbaahinta u sheegay in Ugaaska Beesha Xawaadle ay la soo xariireen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne. “Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri nabaddoonka. Dhinaca kale Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo ka mid ah odoyaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday. “Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho. Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan. Xiisadda cusub ee Beledweyne ayaa ka dhalatay isku day magaalada shalay diyaarad ciidan lagu geyn lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaasi oo fashilmay markii ay habeen hore magaalada qabsadeen ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan. The post Xog: Farmaajo iyo Rooble oo tallaabo qaaday, DABAGEED oo xayiraad la dul dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  13. Defamation is a “false statement presented as a fact that causes injury or damage to the character of the person it is about.’ “Lately, the so-called Somaliland Committee for the Promotion of Virtues and the Prevention of Vice (SCPVPV) and their surrogates have been slandering Abaarso School, “Barwaaqo” University and the Hargeisa Cultural Center (HCC). They are accusing those institutions of spreading evangelism and other cultures and lifestyle alien to our students and society, including homosexuality. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (HOL) - Outgoing Senate speaker Abdi Hashi has lashed out at Prime Minister Mohamed Roble accusing him of unilateral decisions in the management of the Somaliland electoral process. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka iyo Degmooyin ay ka mid yihiin Waaberi, Kaaraan, Dharkeynleey, Yaaq-shiid, Hodan, Jowhar, Guri-ceel walan-weyn I.w.m. Todobaadka 6aad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin, laptops, Gasaalado, Firinjeero, TV screens, Ipads, Dahab iyo Hadiyado Dhowr ah. Munaasabada Macaamiisha lagu abaalmarinayay Todobaadkii Lixaad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan XFS iyo Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu horkacayay Mudane: Daahir Cabdi C/laahi wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Batroolka XFS. “Waxaan Ju faraxsanahay inan maanti xaadir u noqdo Munaasabad lagu abaalmarinayo Macaamiisha Somtel iyadoo si daah-furan ay u dhacday Macaamiisha Si toos ah Hadiyadahooda loo gudoonsiiyay Hambalyo Somtel.” Waxaa Sidoo KalecMunaasabada aka Hadley agaasimaha arimaha bulshada xafiiska lRa’isul wasaaraha XFS Marwo: Maryan Adan Amiin oo u rajeysay Gobolada jubooyinka iyo Qof dumar ah inay guuleysato ilaah Mahadii. “Waxaan u rajeynayaa inuu guuleysto Macamill joogo Deegaanada jubiland Waliba dumar ah ilaah madii waxa ay noqotay sida aan filaayay gabadhaha soomaaliyeed waxaan leeyahay tartankan ka qeyb-qaata Oo ku guuleeysta gawaarida, Dahabka iyodhamaan hadiyadaha qaaliga ah.” Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka Hadley Xildhibaanada Saciid Xeyd iyo Faatix Siciid Xasan oo si wadajir ah u bogaadiyay Somtel iyo Macaamiisha la abaalmariyay Yodobaadkan iyagoo Todobaadka soo Socda Macaamiil Cusub sidaan oo kale loo abaalmiyo si ay bulshada oo idil uga faa’ideystaan hadiyadahaan qiimaha badan. Waxaa Sidoo kale Deeq Waxbarasho ku guuleystay Mrs Faaiso Cosoboow Oo ku nool Degmada waberi ee Gobalka banaadir. “Waan Ku faraxsanahay in Somtel Deq Waxbarasho I gudoonsiiso Xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay Mana Filey in somtel ay igudoonsiineyso Somtel waxa ay dabooshay baahida qoyskeyga waxan uga faa’ideynayaa gabadheyda Alle haka ajar-siiyo shirkadda Dadweynaha Somtel Somalia.” Mr Salaries Adan Cusmaan ku guuleystay 10g oo Dahab ah isagoo aad ugu mahad-celiyay shirkadda isgaarsiinta Somtel. “Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso anigoo aan ku shubasho fara-badan aan sameyn Waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel.” Ugu dambeyntii C/fitaax Aaloos Oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayey shirkaddu gudoonsiisay Mobile-kaan casriga ah. “Waxaan Ku fikirayay inan iibsado Mobile Cusub lacagteyda wey ii baaqatay waxaan rajeynayaa inan baahiyaha kale aan qabo uga faa’ideysto Lacagta aan horay ugu talagalay inan Mobile ku iibsado.” Hadiyadaha ay shirkaddu Yodobaadka 4aad Macaamiisha ku abaalmarisay Waxaa qeyb ka ah Gasaalad, Fridge, eDahab Cash, Ipads iyo Hadiyadoo kale qaali ah. Hadiyadaha Gaariga Hyndai iyo Gaadiidka bajaajka ay Somtel bixisay Todobaadyadii hore ayaa waxa’ ay shaqo abuur U noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Qoysaska Danyarta Kuwaasoo u baahan grab iyo hiilo uga timaada ganacsatada soomaaliyeed. Shirkadda somtel Waa Shirkadii ganacsi ugu horeysay ee 10, 000 Hadiyadood dib ugu celisay Macaamiisheeda sharafta leh Todobaad kasta maalinta Jimcaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa Guuleystayaasha Todobaadkaas. Todobaadka Soo Socdo Maalinta Jimcaha 28/08/2021 ayaa lagu wadaa in somtel ku abaalmariso gaari Hyundai qiimihiisu yahay ku dhawaad 40, 000 doolar Waxaan leenahay nasiib wacan Marwo: Madino Xuseen Yaxye oo Ka mid ah Macaamiisha somtel ee Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobalka hiiraan. The post Sawirro: Shirkada Somtel oo toddobaadkii lixaad abaal-marisay 1,000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
  16. Maamulka Berbera Oo Eryay Nin Ajanabi Ah oo DP World Ka Hayay Shaqo Dadka Muwaadiniinta Ahi Qaban Karaan Wararka imanaya magaalada Berbera ayaa sheegayaa in Maamulka Magaalada eryey nin ajanabi ah oo shaqo loo qaatay ka dib markii ay ogaadeen shaqadaas inay qaban karaan dhalinyarada reer berbera. Qaran News
  17. Talibaan oo nidar ku gashay in Mareykanku eedi doonaa haddii uu sii joogo Afghanistan wixii ka danbeeya 31 ogosto 2021 Qaxootiga Afghanistan ayaa ku qulqulayay Mareykanka Mareykanka ayaa cadaadis lagu saaray inuu waqti dheeraad ah siiyo daadgureynta ka socota dalka ay Taliban xukumaan ee Afghanistan iyadoo ay soo dhow dahay xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay. Heshiis uu la gaaray Taliban, ayaa dhigaya in Mareykanka uu dalkaasi kaga baxo wiixi loo gaaro 31 August. Balse Faransiiska, UK iyo Jarmalka ayaa dhammaantood sheegay suurtogalnimada in ciidamadu ay sii joogayaan Afghanistan. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in muddo 24 saac gudahood ah uu go’aan kaga gaaro in la dheereynayo waqtiga kala bixitaanka ciidamadiisa. Si kastaba Taliban ayaa BBC-da u sheegtay in muddo kororsigauu meel uga dhacayo heshiiska waxayna ka digeen in cawaaqib xumo lagala kulmi doono haddii ay ciidamadu sii joogaan. Tobnaan kun oo qof ayaa laga daad gureeyay caasimadda Afghanistan ee Kabul, balse weli qaar kale ayaa ku harsan oo doonaya inay ka baxsdaaan dalkaas iyagoo buux dhaafay garoonka, oo ay ilaaliyaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda. Inta badan dadka qaxaya, gaar ahaan kuwa la shaqeeyay ciidamada shisheeye, ayaa ku nool cabsi ah inay ciqaab kala kulmi doonaan kooxda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa weriyeyaasha u sheegay isagoo ku sugan Imaaraatka Carabta: “Waxaanu ka walaacsannahay waqtiga kama dmabeysta ah ee ay qabsatay Mareykanka ee August 31. Waqti dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo dhammeystiro howlgallada socda.” Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Heiko Maasayaa isagana sheegay inuu ka hadlay in garoonka Kabul uu sii furnaado wixii ka dambeeya waqtiga kama dambeysta ah. Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la filayaa in Mareykanka uu ku cadaadiyo in waqtiga la kordhiyo. Xoghayaha Gaashaandhigga Ben Wallace ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu isku dayayo uuna xoogga saarayo in Mareykanku uu waqtiga kordhiyo. UK ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka la’aantood aysan militariga shisheeye sii joogi karin Kabul. La taliyeyaasha militariga ayaa Aqalka Cad u sheegay in loo baahan yahay in maanta go’aan laga gaaro in ciidamada, qalabkooda iyo hubkoodaba ay dalkaasi uga baxaan muddada loo qabtay gudaheed. Sarkaal waaxda gaashaandhigga ka tirsan ayaa sheegay in haddii Biden uu oggolaado in waqtiga loo qabtay gudihiis ciidamada looga saaro Afghanistan ay hari doonaan maalmo yar. Haatan ilaa 5,800 oo ciidamo ah ayaa ku harsan dalkaas. Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, ilaa 10,900 oo qof ayaa shalay laga daad gureeyay Kabul intii u dhaxeysay 11:30 iyo 23:30 xilliga dalkaas (07:00 – 19:00 GMT). Mareykanka ayaa daad gureeyay ugu badnaan 48,000 oo qof tan iyo intii ay howshu bilaabatay 14 August, sida uu sheegay Aqalka Cad. Sawirro laga soo qaaday Garoonka Dulles ee Washington ayaa muujinaya dadka Afghanistan oo imaanaya dalkaas. Taliban ayaa isku dayday inay xeelad u adeegsato dadka Afghanistan ee go’aansada inay dalka joogaan, iyaodo ka codsatay inay dalka dib u dhisaan. Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa BBC-da u sheegay in dadka heysta baasaboorrada ay weli u furan tahay inay diyaaradaha caadiga ah raacaan wixii ka dambeeya waqtiga kama dambeysta ah. Wuxuu yiri: “Waxaanu ka dooneynaa inay joogaan dalka balse haddii ay rabaan inay baxaan, way bixi karaan.” Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wdaaa inay maanta yeeshaan kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo Afghanistan. Kulankan ayaa ku so aadaya iyadoo ay jiraan digniinno ka soo yeeray hay’adaha gargaarka oo ku saabsan xasaradaha bani’aadannimo ee ka sii daraya ee dalkaasi ka jira iyo walaaca xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna haweenka. Taliban ayaa sheegtay inay tixgelin doonto xuquuqda haweenka iyo gabdhaha balse waxaa jira warar ku saabsan xarig iyo dil ay kooxdu geysatay. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Qramada Midoobay looga fadhiyo inay magacowdo guddi madax bannaan oo caalami ah oo baara waxa dhacaya. Haatan ilaa 5,800 oo ciidamada Mareykanka ah ayaa ku sugan Afghanistan Daad gureynta ayaa bilaabatay markii Taliban ay qabsadeen Kabul kaddib markii ay qabsadeen inta badan gobollada kale ee dalkaas xilli uu Mareykanku ku dhawaaqay go’aanka uu ciidamadiisa kala baxayo Afghanistan. Meesha keliya ee aysan kooxdu gacanta ku heyn ayaa ah gobolka Panjshir ee waqooyi-bari Kabul ku yaalla, oo ay ku xoggan yihiin mucaaradka Taliban oo sheegay in kumannaan qof ay diyaar u yihiin inay dagaalka sii wadaan. Taliban waxaa Afghanistan ka saaray ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda kaddib weerarradii al-Qaacida ee 11 September 2001. Waxaa ka dhashay dagaal socday muddo 20 sano ah. Qaran News
  18. Cilmi-baarista Saykolojiyadeed baa waxay sheegaysaa ;In dadka aadamiga ahi sifooyinkoodu u kala duwan yihiin, sida ay hadba u kala duwan yihiin calaamadaha faraha gacmahooda oo kale. Arrintan waxaa qiri kara oo kale ruuxii aad dadka u dhex-gala, una fiirsada hab-dhaqankooda, dabeecadahooda iyo dad la macaamilkoodaba, waxaana muuqanaysa inay dadku kala kaan yihiin. Kala-geddisnaanta dadku ku kala geddisan yihiin xagga hab-dhaqameedka iyo dabeecadaha, waxay sheegeen Culimadu ; inay ku imaanayso; dhaxaltooyo-ahaan iyo saameynta deegaaneed. Qofku sifooyin buu ka dhaxlaa oo kala yimaadaa dhinacyada ; aabbihiis, hooyadiis iyo awoowayaashiisaba. Sifooyinkaas dhaxaltooyo-ahaan ku imaanaya, waa kuwa la xiriira dhismaha jirka iyo arrimaha Fisyolojiga ah, hase yeeshee, sifooyinka xagga caqliga iyo akhlaaqda, waa isku khilaafaan culimadu, waayo waa adag tahay xaddididdoodu, oo waxaa qofka aad saameyn dhinacyadaas uga yeesha deegaanka uu hadba ku nool yahay iyo bulshada uu wax la wadaago, waana sida loo yiraahdo;” Deegaan kastaa dadkiisuu dhalaa”. Deegaan (Environment/Bii’ah), waxaa loola jeedaa dhammaan waxyaabaha qofka ka baxsan, ku xeeran oo uu ku dhex-jiro, isagana saamaynaya, waxna ka baddali kara, horumar iyo dib-u-dhacba, laga soo bilaabo korriimadiisa hore ilaa uu qofku ka geeriyoonayo. Deegaanka ugu horreeya ee qofka saamaynaya waa uurka hooyadiis(Raximka) oo qofka kaga lug-yeelanaya dhinacyada quudashada iyo arrimaha kimikada ah ee qofka korriimadiisa iyo dhismihiisa khuseeya. Waxaa arrimaha qofka saamaynta ku leh ka mid ah; cuntada, cimilada, jirrooyinka iyo arrimaha dhanka deegaan-bulshadeedka ah, sida; guriga, dugsiga, xaafadda, suuqa, goobaha cibaadaysiga, golayaasha ciyaaraha iyo madadaalada, goobaha shaqada iyo dhammaan meelaha uu qofku xiriirka kula yeelanayo dadka kale. Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxay culimadu aad ugu mashquuleen su’aasha ah; Kee baa mudnaan ku leh jiritaanka iyo habsami-u-socodka qofka, ma sifooyinka uu waalidiintiisa ka dhaxlay; mise kuwa uu ka kasbaday oo ka saameeyay deegaanka uu ku nool yahay ?. Waa su’aal ay jawaabteedu taxaddar u baahan tahay, bulsho kastana dhankay la noqoto ayay culayska saartaa oo mudnaanta siisaa, marka ay tahay dhismaha bulshada cusub. Tusaale-ahaan; Naaziyiintii Jarmalku, way dhufaani jireen ama si uun bay ma-dhalays uga dhigi jireen dadka waalidiintooda ka dhaxlay, kuna sifoobay cilladaha Kariwaanimada iyo Makaroofinimada(Bellicose) iyo dhammaan canaasirta xambaarsan iin(cillad-xun) oo bulshada ku faafi karta aayaha dambe. Ujeeddada Canaasirtaas looga dhigayay ma-dhalayskana waxay ahayd in aysan tarmin, lana soo af-jaro cilladahooda, waana sida ay maahmaahdu tidhaahdo ;”Geed kastaa dheecaankiisuu dhalaa”, ama loogu hal-qabsado;” Wallee odaygaan arkay wiilkiisii waad tahay !”, dhankaas bayna Jarmalku culayska saari jireen, si loo helo bulsho nadiif ah iyo qiyam iyo akhlaaq wanaagsan leh. Bulshooyinka dunida maanta badankood, waxay culayska saaraan, dhanka fidinta iyo baahinta barbaarinta iyo ababinta wanaagsan, wax-baridda iyo korriimada hagaagsan ee ka imaanaysa deegaanka-bulshadeed ee qofka, sida; guriga, dugsiga iyo dhammaan goobaha uu qofku kula kulmayo ,lana joogayo dadka kale, waana arrimo ay u xil-saaran yihiin Hay’adaha dawladdu ee dalkeenna Somaliland sida dalalka kaleba- sida; Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta, wasaarada Qoyska, wasaarada Hiddaha iyo dhaqanka, wasaarada Cadaaladda, wasaaradda Warfaafinta iyo kuwo kaleba. Hay’adaha dawladda ka-sokow, waxaa kaalin wayn looga baahan yahay, miyi iyo magaalaba, waalidiinta, wax-garadka, culumaa’uddiinta iyo odayaasha dhaqanka Somaliland. Marka laysku wada daro, labada dhinac ee dawladda iyo shacbiga, ayaa is-dhamaystirka hawlahoodu qofka Somalilander ka ahi heli karaa deegaan-bulsho oo wanaagsan, una gogol-xaadhaya aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba. Xataa Ciidammada dalka, siiba booliska iyo asluubta iyo maxkamadaha ayaa kaalin weyn kaga jira arrinkan, maxaa yeelay, haddaan dembiilayaasha laga qaban bulshada inteeda kale, caddaaladdana la hirgelin, sharcigana la fulin, wixii ka dhashaa waa nabadgalyo-darro, is-maqal la’aan, burbur iyo mustaqbal mugdi ah. Bulshadii barbaarinteedu wanaagsanaato, aqoon iyo wacyi sarena ku amba-qaadda, anshaxeeda iyo akhlaaqdeedana ilaalisa; bulshadaas baa halka ay higsanayso gaadha, horumar iyo heer sarena hanata. PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA) ANKARA, TURKEY. 23405817_1590389601007223_5785285536393620290_o.jpg 239.4kB Prof. Mohamed Ahmed Farah <jaafaa66@yahoo.no> To:admin@qarannews.com,editor@hadhwanaagnews.com,contact@hadhwanaagnews.com,18maynews Info,burcoonline@gmail.comand 24 more… Tue, Aug 24 at 3:19 AM Cilmi-baarista Saykolojiyadeed baa waxay sheegaysaa ;In dadka aadamiga ahi sifooyinkoodu u kala duwan yihiin, sida ay hadba u kala duwan yihiin calaamadaha faraha gacmahooda oo kale. Arrintan waxaa qiri kara oo kale ruuxii aad dadka u dhex-gala, una fiirsada hab-dhaqankooda, dabeecadahooda iyo dad la macaamilkoodaba, waxaana muuqanaysa inay dadku kala kaan yihiin. Kala-geddisnaanta dadku ku kala geddisan yihiin xagga hab-dhaqameedka iyo dabeecadaha, waxay sheegeen Culimadu ; inay ku imaanayso; dhaxaltooyo-ahaan iyo saameynta deegaaneed. Qofku sifooyin buu ka dhaxlaa oo kala yimaadaa dhinacyada ; aabbihiis, hooyadiis iyo awoowayaashiisaba. Sifooyinkaas dhaxaltooyo-ahaan ku imaanaya, waa kuwa la xiriira dhismaha jirka iyo arrimaha Fisyolojiga ah, hase yeeshee, sifooyinka xagga caqliga iyo akhlaaqda, waa isku khilaafaan culimadu, waayo waa adag tahay xaddididdoodu, oo waxaa qofka aad saameyn dhinacyadaas uga yeesha deegaanka uu hadba ku nool yahay iyo bulshada uu wax la wadaago, waana sida loo yiraahdo;” Deegaan kastaa dadkiisuu dhalaa”. Deegaan (Environment/Bii’ah), waxaa loola jeedaa dhammaan waxyaabaha qofka ka baxsan, ku xeeran oo uu ku dhex-jiro, isagana saamaynaya, waxna ka baddali kara, horumar iyo dib-u-dhacba, laga soo bilaabo korriimadiisa hore ilaa uu qofku ka geeriyoonayo. Deegaanka ugu horreeya ee qofka saamaynaya waa uurka hooyadiis(Raximka) oo qofka kaga lug-yeelanaya dhinacyada quudashada iyo arrimaha kimikada ah ee qofka korriimadiisa iyo dhismihiisa khuseeya. Waxaa arrimaha qofka saamaynta ku leh ka mid ah; cuntada, cimilada, jirrooyinka iyo arrimaha dhanka deegaan-bulshadeedka ah, sida; guriga, dugsiga, xaafadda, suuqa, goobaha cibaadaysiga, golayaasha ciyaaraha iyo madadaalada, goobaha shaqada iyo dhammaan meelaha uu qofku xiriirka kula yeelanayo dadka kale. Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxay culimadu aad ugu mashquuleen su’aasha ah; Kee baa mudnaan ku leh jiritaanka iyo habsami-u-socodka qofka, ma sifooyinka uu waalidiintiisa ka dhaxlay; mise kuwa uu ka kasbaday oo ka saameeyay deegaanka uu ku nool yahay ?. Waa su’aal ay jawaabteedu taxaddar u baahan tahay, bulsho kastana dhankay la noqoto ayay culayska saartaa oo mudnaanta siisaa, marka ay tahay dhismaha bulshada cusub. Tusaale-ahaan; Naaziyiintii Jarmalku, way dhufaani jireen ama si uun bay ma-dhalays uga dhigi jireen dadka waalidiintooda ka dhaxlay, kuna sifoobay cilladaha Kariwaanimada iyo Makaroofinimada(Bellicose) iyo dhammaan canaasirta xambaarsan iin(cillad-xun) oo bulshada ku faafi karta aayaha dambe. Ujeeddada Canaasirtaas looga dhigayay ma-dhalayskana waxay ahayd in aysan tarmin, lana soo af-jaro cilladahooda, waana sida ay maahmaahdu tidhaahdo ;”Geed kastaa dheecaankiisuu dhalaa”, ama loogu hal-qabsado;” Wallee odaygaan arkay wiilkiisii waad tahay !”, dhankaas bayna Jarmalku culayska saari jireen, si loo helo bulsho nadiif ah iyo qiyam iyo akhlaaq wanaagsan leh. Bulshooyinka dunida maanta badankood, waxay culayska saaraan, dhanka fidinta iyo baahinta barbaarinta iyo ababinta wanaagsan, wax-baridda iyo korriimada hagaagsan ee ka imaanaysa deegaanka-bulshadeed ee qofka, sida; guriga, dugsiga iyo dhammaan goobaha uu qofku kula kulmayo ,lana joogayo dadka kale, waana arrimo ay u xil-saaran yihiin Hay’adaha dawladdu ee dalkeenna Somaliland sida dalalka kaleba- sida; Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta, wasaarada Qoyska, wasaarada Hiddaha iyo dhaqanka, wasaarada Cadaaladda, wasaaradda Warfaafinta iyo kuwo kaleba. Hay’adaha dawladda ka-sokow, waxaa kaalin wayn looga baahan yahay, miyi iyo magaalaba, waalidiinta, wax-garadka, culumaa’uddiinta iyo odayaasha dhaqanka Somaliland. Marka laysku wada daro, labada dhinac ee dawladda iyo shacbiga, ayaa is-dhamaystirka hawlahoodu qofka Somalilander ka ahi heli karaa deegaan-bulsho oo wanaagsan, una gogol-xaadhaya aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba. Xataa Ciidammada dalka, siiba booliska iyo asluubta iyo maxkamadaha ayaa kaalin weyn kaga jira arrinkan, maxaa yeelay, haddaan dembiilayaasha laga qaban bulshada inteeda kale, caddaaladdana la hirgelin, sharcigana la fulin, wixii ka dhashaa waa nabadgalyo-darro, is-maqal la’aan, burbur iyo mustaqbal mugdi ah. Bulshadii barbaarinteedu wanaagsanaato, aqoon iyo wacyi sarena ku amba-qaadda, anshaxeeda iyo akhlaaqdeedana ilaalisa; bulshadaas baa halka ay higsanayso gaadha, horumar iyo heer sarena hanata. PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA) ANKARA, TURKEY. Qaran News
  19. Gobolka iska caabiyay Midowgoo Soofiyeeti iyo Taalibaanba Gobolka Panjshir gacanta uma uusan gelin Taliban iyadoo magaalooyinka iyo gobollada kale ee Afghanistan, oo ay ka mid tahay caasimadda Kabul, ay kooxdu qabsatay, gobolkase weli waxaa ku xooggan kooxo ka soo horjeeda Taliban. Gobolkan, waxaa looga adkaaday ciidamadii Ruushka ee xilligii Soofiyeetku ay qabsadeen dalkaas sanadihii 1980-meeyadii, iyo sidoo kale dagaal yahannada Taliban ee talada Afghanistan la wareegay sanadihii 1990-meeyadii. Panjshir waa mid ka mid ah meelaha ugu dambeeya ee ay ku xooggan yihiin kooxaha iska caabbinta wada kaddib markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas. Balse gobolkan wuxuu leeyahay taariikh u gaar ah iyadoo dadka reer Afghanistan ay muddo boqollaal sano ah ku faanayeen, sidaas darteed waa maxay taariikhdaas? sidee ayuu muddo dheer uga guuleystay kooxaha doonayay inay qabsadaan? Dooxada Shanta Libaax Deegaankan ayaa 130 kiilo mitir dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda, Kabul, wuuxuna u dhow yahay xadka Afghanistan iyo Pakistan. Wuxuu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu yahay ​​3,610 kiilo mitir oo isku wareeg ah, waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay 173,000 oo qof, oo badankood ka soo jeeda Tajiks, isla markaana waa halka uu ka soo jeedo ninka lagu magacaabo Ahmed Masoud. Gobolka waxaalagu magacaabaa “Panjshir”, taas oo luuqadda Beershiya la micno ah shanta libaax. Waxaa loogu magac daray Dooxada Panjshir sababtoo ah waxaa ku hareereysan buuro. Magacaan, sida laga soo xigtay dad reer Afghanistan ah, waxaa laga soo minguuriyay sheeko dhacday qarnigii tobnaad, makaas oo shan walaalo ah ay u suurto gashay inay biyo-xireen ku sameeyaan biyo ku qulqulayay dooxada xilligii dowladdii Sultan Mahmud of Ghazni, sidaas darteed shanta walaalaha ayaa loogu magac daray “Shanta Libaax”. Gobolkan oo qof walba oo booqday uu ku tilmaamo mid buuralley ah, leh webiyo iyo qurux dabiici ah, ayaa meel muhiim ah kaga jira taariikhda dadka Afghanistan. In Taliban ay awoodi weyso in saldhig weyn ay ka dhisato gobolka ayaa loo aaneyn karaa in inta badan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Pashtun, sidaas darteedna, aan Taliban laga rabin gobolka. Dooxada Panjshir waxaa ka taagan taallada taliyihii hore ee militariga Afghanistan, Shah Massoud, oo lagu naaneyso “Libaaxa Panjshir” (Alqaacida ayaa dishay sanadkii 2001) sababo la xiriira inuu iska caabbin sameeyay. Qarnigii 19-aad, Britain ma aysan qabsan gobolka xilligii ay isku dayeysay inay gacanta ku dhigto Afghanistan. Dadka gobolka ayaa ku faana sida ay isaga caabbiyeen Taliban, Soofiyeetka, iyo kuwa kale, gobolka ayaana ahaa mid ammaankiisu uu wanaagsan yahay. Ahmed Massoud iyo aabbihiis Ahmed Shah Massoud (midig) Soofiyeetka marka hore, kaddibna Taliban Dooxada weli waxaa ku yaalla marinno iska caabbin ah, godad ah, webiyo iyo buuro dhaadheer. Dooxada Panjshir, xilligii maamulkii Ahmad Shah Massoud, waxay ahayd mid uusan saameyn dagaalkii tobanka sano ee Ruushka. Intii u dhaxeysay 1996-2001, Shah Massoud ayaa hoggaaminayay iska caabbintii Taliban, oo awoodi waayay inay xukumaan gobolka inkastoo ay gacanta ku dhigeen dalkaas oo dhan. Intii muddadaas lagu jiray, Shah Massoud ayaa aasaasay Isbahaysiga Waqooyiga, oo xukumayay waqooyiga iyo bariga dalkaas. Maanta, wiilkiisa Ahmed Masoud, ayaa doonaya inuu isla sida aabbihiis sameeyo, balse xilligan wuxuu ka soo horjeedaa Taliban iyo isagoo aan sidii aabbihiis awood u lahayn. Isbahaysiga Waqooyiga ee uu aasaasay Shah Massoud waxaa ku bahoobay boqolkiiba 30 bulshada dalkaas. Awoodda isbahaysiga iyo sida ay muddada dheer isaga caabiyeen Taliban ayaa soo jiidatay Mareykanka, wuxuuna kooxda ku taageeray inay la wareegaan gacan ku heynta dalka iyo in xukunka laga tuuro Taliban kaddib weerarradii September 11, ee ay fuliyeen al-Qaacida ayna ku dhinteen ilaa 3,000 oo qof oo Ameerikaan ah. Ahmed Masoud (dhexda) Inkastoo ay muddo dheer iska caabbin sameyneysay, Dooxada Panjshir, oo dooneysa inay maanta sidaas oo kale sameyso, waxaa ku hareereysan xoogagga Taliban. Mareykanka iyo Ruushka – labada quwadda weyn leh – ayaa lagu wadaa inaysan mar dambe faragelin ku sameyn gobolka, marka laga reebo Iiraaniyiinta qeybta ka ah iska caabbinta. Tani micnaheedu waa in ilaha awoodeed ee haatan uu heysto Ahmed Masoud wa ka duwan yihiin kuwii aabbihiis uu heystay xilligii Soofiyeetka iyo Taalibaantii hore. Ahmed Masoud wayaa maqaal uu qoray ku yiri: “Waxaynu keydinnay rasaas iyo hub aan si dulqaad leh u soo ururinnay xilligii aabbahay, sababtoo ah waynu ogeyn in maalintan ay imaan doonto, balse haddii Taliban ay qaaddo weerar militari, xoogaggeenna militariga iyo qalabkeennaba ma noqon doonaan kuwo nagu filan, si fudud ayayna ku dhammaan doonaan ilaa ay saaxiibbadeen Galbeedka ay gacan na siiyaan maahee.” Ilaa iyo haatan, Taliban iskuma aysan dayin inay galaan Panjshir, balse dhan walba ayay ka hareereeyeen. Jiilka aan weligood arkin wax aan dagaal ahayn Xudduudaha haatan ee Afghanistan waxaa la sameeyay dabayaaqadii qarnigii 9-aad, xilligaas oo tartanka dhulka ee u dhaxeeyay Boqortooyadii Ingiriiska iyo Ruushka uu aad u sarreeyay. Afghanistan-ta haatan waxaa saameyn ku yeeshay fakradaha siyaasadeed iyo saameynta ganacsiga. Bartamihii qarnigii 20-aad, Afghanistan waxaa saameyn xun ku yeeshay dagaalkii sokeeye ee ka dhashay qabsashadii Soofiyeetka laga soo bilaabo 1979-89. Maamulkii Afghanistan ayaa garab istaagay kooxihii Islaamiyiinta ee kacdoonka waday (1989-1992), muddo gaaban kaddibna kooxaha Mujahideen, dhaqdhaqaaqa Taliban, oo markoodii hore ka koobnaa kooxo xagjiriin diimeed ah, oo ka soo horjeeday axsaabtii dalka xukumeysay. Taliban ayaa xilka sii heysay muddo shan sano ah, balse sababo la xiriira weerarradii al-Qaacida iyo hoggaamiyahoodii Osama bin Laden, ayaa waxay Mareykanka ku kalliftay inuu howlgal militari oo 20 sano qaatay uu ku ekeeyo Taliban iyo al-Qaacida , balse waxay ku soo idlaatay in Mareykanka uu ciidamdiisa kala baxo Afghanistan Taalibaanna ay mar kale la wareegaan awoodda dalkaas. Qaran News
  20. Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof. Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray. Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August. Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso. Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto “dheereynta haysashada” dalka. “Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen. Taalibaan ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan. Orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof. AFP + VOA The post TAALIBAAN oo ka digtay qorshe lama filaan ah oo uu Mareykanka damacsan yahay appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Axaddi war-murtiyeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey habraac cusub oo doorasho, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay habraacii hore ee doorashada Golaha Shacabka. Habraaca la soo saaray ayaa dhigaya in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal. Sidoo kale waxa uu dhigayaa in kooramka codbixinta ergada uu ansax noqon karo marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah, taasi oo ah in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale. Habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhaliyey khilaaf cusub oo doorasho, waxaana si adag uga horyimid Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Golaha Siyaasiyiinta ee garabka Cabdi Xaashi. Waxaa la rumeysan yahay in habraaca doorasho ee ay ku heshiiyeen Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada uu markale dib u soo nooleeyay is-aamin daradii kal hore ka dhalatay khilaafkii siyaasadeed ee keentay dib u dhaca doorashooyinka dalka, taasi oo la dhayey markii hoggaanka doorashada laga wareejiyey Farmaajo Hase yeeshee, ayada oo aad loogu dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu boobayo doorashada, ayaa hadda oo uu meesha ka baxay, waxaa booskiisa buuxiyey Rooble iyo madax goboleedyada oo markooda billaabay inay doorashada afgambiyaan. Go’aanka ay xubnahan qaateen ayaa ka dhigan in doorashada golaha shacabka ay noqon doonto mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo xildhibaanada ay ku iman doonaan magacaabis loo ekeysiiyey doorasho. Tani waxay meesha ka saareysaa rajadii laga qabay doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna si isku mid ah shaki iyo niyad jab u gelisay shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta khilaaf cusub oo ragaadiya, dibna usii dhiga doorashada. Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay arrimaha doorashada iyo amaankeeda loo arkayey in meesha ka baxday is aamin daradii ka dhalatay hogaamintii Farmaajo ee arrimaha doorashada, wallow ay markale u muuqato inay dib u istaadhmatay, taasi oo dheereyn karta waqtiga doorashada The post Habraaca doorashada oo soo nooleeyay arrin halis ah appeared first on Caasimada Online.
  22. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland. Qoraal maanta ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xusay in guddiga doorashada Somaliland uu leeyagay labo guddoon, iyadoo aan la mideyna aysan dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka. Waxay tilmaameen in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uusan xaq u la hayn in uu maamulo kuraasta Somaliand iyo Banaadiriga, si ka duwan sida uu maamulo doorashada guud ee dalka. Dhanka kale siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay in doorashadan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyay gobolada Waqooyi habraacii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaaristeeda loo daaayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland. Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee labada garab noqday. PUNTLAND POST The post Siyaasiyiinta Waqooyi oo ka horyimid qaar ka mid ah habraacyada doorashada appeared first on Puntland Post.
  23. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland. Qoraal maanta ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xusay in guddiga doorashada Somaliland uu leeyagay labo guddoon, iyadoo aan la mideyna aysan dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka. Waxay tilmaameen in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uusan xaq u la hayn in uu maamulo kuraasta Somaliand iyo Banaadiriga, si ka duwan sida uu maamulo doorashada guud ee dalka. Dhanka kale siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay in doorashadan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyay gobolada Waqooyi habraacii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaaristeeda loo daaayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland. Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee labada garab noqday. PUNTLAND POST The post Siyaasiyiinta Waqooyi oo ka horyimid qaar ka mid ah habraacyada doorashada appeared first on Puntland Post.