-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdirisaaq Khaliif ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland, Waxa uu heley 42 cod, halka Yaasiir Faratoon oo la tartamayay uu heley 39 cod. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda Mudane Cabdirisaaq Khaliif. Taariikhda Cabdirisaaq Khaliif Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas. Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda. Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa. Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska. Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland. Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani. Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani. Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani. Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa ee golaha wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna u tartamaya Guddoonka Aqalkaas. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray muranka guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Falanqeeyaasha kala ah Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo iyo Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha ee SOMFA,iyagoo soo jeediyay in Xiriirka Kubad Cagyaraha iyo Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay kawada shaqeeyaan horomarintan iyo guulaha kubbadda cagta gudaha iyo dibadda. “Xiriirka Kubad Cagyaraha oo guul gaara, waa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo horomar gaara, labada xiriir waa mataano waxaan loo baahan yahay in ay is taageeraan oo ay kawada shaqeeyaan horomarinta kubbadda cagta gudaha iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo. Xiriirka Kubad Cagyaraha waxaa Soomaaliya la aas aasay sanadii 2015, wuxuuna hoos tagaa Xiriirka Kubad Cagyaraha Caalamka iyo kan qaarada Afrika, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo dhisanyahay tan 1951 wuxuuna ka mid yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA, kan Qaarada Afrika ee CAF iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Qaarada Afrika ee CECAFA, waxayna labada Xiriir Soomaaliya ku matalaan dhacdooyin ciyaareed iyo shirar caalami ah oo ka dhaca dalalka caalamka. “Da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha waa mid ku dayasho mudan, waxayn fursad weyn siiyeen ciyaartyooydii hore dalka oo qeyb ka ah horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha, waxaan ka sugaynaa intaas iyo ka badann “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Gudoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa goor hore sidan u sheegay Goobjoog Sports “Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira, waxayna diyaar u tahay wadahadal iyo horomarin”. Daawo Falanqeynta Kismaayo iyo Daguur Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) - Abdirizak Khalif Ahmed, the vice-chairman of the Waddane Party, has been elected the new speaker of the 5th Somaliland House of Representatives on Tuesday morning following a closely contested race with Kulmiye Party's Yasin Faratoon. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Ali Idow Hassan, One of two Somalia Olympic athletes in Tokyo, has placed 10th in the first round of the Men's 1500M. Source: Hiiraan Online
-
Golaha wakiillada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay Guddoomiye cusub u doorteen Cabdirisaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga Waddani. Khaliif ayaa doorashada kadin afhayeen u noqon doona aqalka golaha wakiillada Somaliland 5-ta sano ee soo socota. Codbixin ka dhacday golaha, Cabdirisaq waxaa helay 42 cod halka ninka ay xukuumadda wadatay ee Faratoon uu helay 39 cod. Inta aan la dooran Khaliif waxaa hoolka lagu dhaariyey xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo gaaraya ilaa 81 xildhibaan. Waxaa kale oo la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mudanayaasha Baarlamanka Somaliland, ayaa maanta oo Talaado ah doortay guddoon cusub. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Cabdirisaaq ayaa 42-cod kaga guulaystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye, kaas oo isna helay 39-cod, kadib loolan adag oo dhexmaray labada murashax. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo isna ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,halka Guddoomiye ku xigeenka labaad uu ku guulaysay Cali Xaamud Jibriil (UCID). PUNTLAND POST The post Baarlamanka Somaliland oo guddoon cusub doortay appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa maanta lagu qaabilay xarunta Baarlamanka Puntland. Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaannada Puntland, ayaa Xaruntooda ku qaabilay Xildhibaanka oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee as’aaskii dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa Golaha la wadaagay Khibraddiisa Arrimaha Baarlamannada, gaar ahaana Habka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Gobolka Minnesota. Mudane Maxamuud Nuur, ayaa sidoo kale Baarlamanka Puntland u ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono isaga oo ka mahad-celiyay, sida loogu soo dhoweeyay Golaha wakiilada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Minnesota oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa. Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ku tartamay labo musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Faratoon ayaa metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Wadani, kaas oo ay guushu raacday. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha wakiilada ugu guuleystay Wadani. Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Wadani ku biiray 2015-kii. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod. Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare. Doorashadan ayaa aheyd mid la wada sugayey, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye. The post Xildhibaanada Somaliland oo guddoon cusub doortay – Yaa guuleystay mucaaradka iyo muxaafadka? appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabab militants killed three Kenyans over the weekend in two separate terror attacks in northeastern Kenya's Mandera County, authorities confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka golaha wakiilada Somaliland oo haatan ka socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa hareeyey buuq iyo fowdo, kadib markii shir guddoonka golaha lagu wareejiyey xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo loo yaqaano Faratoon. Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoominta ku wareejiyey Faratoon oo ah musharrax u taagay xilka guddoomiyaha, waxaana xildhibaanada qaar ay ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo, kadib fowdo bilaabay. Xubnaha mucaaradka ee ku jira golaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtogal aheyn in Faratoon uu guddoomiyo kulanka, sababo la xiriira in nuu musharrax yahay. Sidoo kale kadib waxaa laga dajiyey kursiga guddoonka ee golaha, si loo joojiyo buuqa, isla-markaana uu sii socdo kulanka golaha oo ah kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu haatan si habsami leh ku socdo, waxaana khudbado jeediyey musharraxiinta u taagan xilka guddoonka sare ee golaha wakiilada. Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku dooranaya gudoomiyaha cusub waxaana u taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Wadani, isla markaana garab ka helaya xisbiga Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan. Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland. Doorashadani ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid. The post Maxaa dhaliyey buuqa hareeyey kulanka golaha wakiilada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Ahmed Mohamud, an elderly pastoralist from Mudug region in north-central Somalia, has witnessed the devastations climate change has wrought in his ancestral village where livestock keeping has strong economic and cultural value to his folks. Source: Hiiraan Online
-
Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayuu guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay inuu yahay Xildhibaanka ugu da’ weyn yahay sidaas darteed uu shirguddoonka noqdo,Hase yeeshee Buuq Iyo Sawaxan ayaa bilaabmay Ku darsoo Waxaa ku ganacansaydhay Hogaaminta shirka ee faratoon Musharax Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loolan ka dhexeeyo Faratoon Isku soo wada duuboo Waxaa laysku raacay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Gudoomiyo hagana fadhigaa ilaa la dooranyo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Qaran News
-
Waxaa goordhaw xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyay dhaarinta xildhibaanada cusub ee golaha. Xildhibaanadan oo gaaraya illa iyo 82 mudane, ayaa bishii May dhamaadkeedii laga soo doortay deeganada Somaliland. Golaha wakiilada Cusub ayaa sidoo kale lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doortaan shir guddoonka golaha wakiilada iyo ku-xigeenadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wali waxa si toos ah u socda kulanka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland, iyaga oo uu guddoomiyaha maxkamadda sare Somaliland Aadan Xaaji Cali uu gobolka gobol u dhaarinaya xildhibaannada cusub. Xildhibaannada gobolka Marooji-jeex ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Togdheer ayaa noqday gobolkii labaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Awdal ayaa noqday gobolkii saddexaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Sanaag ayaa noqday gobolkii afraad ee la dhaariyo. Xildhibaannnada gobolka Sool ayaa noqday gobolkii shanaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Saaxil ayaa noqday gobolkii lixaad ee dhaariyo. Source