-
Content Count
212,896 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ka dib bilo jahawareer, isjiidjiid siyaasadeed ah, hoggaamiyayaasha Soomaaliya waxa ay isku raaceen in doorashadii madaxtinimada ee dib-u-dhaca dabadheeraaday la daalaa-dhacaysay ay ugu dambeyn qabsoomi doonto 10-ka Oktoober. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda shanta maamulgobaleed ee Somalia waxa ay hore u kari waayeen in ay isku raacaan habka iyo hannaanka loo qabanayo doorashada ka hor inta uusan soo afmeermin muddoxileedka madaxweynaha oo ku ekaa Febraayo, taasina waxa ay horseedday marxalad hubanti-la’aan walaac badan leh oo shacabka ku keentay isweyddiin ku saabsan halka uu Dalku u jiheysan doonno. Hubanti-la’aantan siyaasadeed darted ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho ka kacay mawjado fadqalalooyin ah, goortii bishii Abriil uu Baarlamaanka Soomaaliya si Dastuurka baalmarsan ugu dhawaaqay kordhin laba sanno oo loo sameeyay muddo-xileedkii dhammaaday ee madaxweyne Farmaajo, dhaqaaqaas oo si xoog leh ay u wada cambaareeyeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. Isbeddelkaas Baarlamaan ee gacantogaaleysiga ahaa waxa uu Somalia dib ugu celinayay dagaal sokeeye oo hor leh. Cadaadis baaxad weyn leh oo ka yimid gudaha iyo dibadda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku sandulleeyay in uu ka laabto go’aankii muddo-kororsiga, dibna uu isugu yeero hoggaamiyayaasha maamullada si looga tashto qaabeynta doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah. Balse waa tan amuurtu. Iyada oo laga duulayo waxa aan durba ogaannay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed suurtagal ugu tahay in ay aaminaan hannaanka la abuuray in uu noqon karo mid xaqsoor leh? Iyada oo laga duulayo waxa aan durba aragnay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed uga walwal-la’aan karaan in heshiisyada qarsoon ee xukuumadda jirta aysan sii socon doonin? Warcelinta nasiibxumada ah waa in khibradahayna wadaagga ah ay hore innoo bareen in ay fiirogaabni iyo fududeysi noqonayso haddii in uun kalsooni ah laga qabo in Ra’iisulwasaaraha iyo hoggaamiyayaasha maamulgobaleedyada ay sameeynayaan waxa wanaagsan. Wax aanan maangal ahayn ayay noqon kartaa haddii la iska dhaadhiciyo in ay doorashadu guuleysan karto iyada oo ay jiraan luggooyada, leexinta iyo luqun-jibaarka lagu sameynayo sharciyada iyo heshiisyada ee heerka aan maanta arkeyno leh. Haddii daahfurnaan buuxda la waayana, waxa aan dhammaanteen og nahay sida ay waxa soo baxaya noqon doonaan, maxaa yeelay taas si dhaw oo aanan na loogaga horreyn ayaan hore uga soo marqaati noqonnay. Intii lagu jiray bishii Juun, Xisbiga Ra’isulwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa guul aqlabiyad ballaaran ah ka sheegtay doorashadii dalkaas ka dhacday, in kasta oo ay soo baxeen sheegashooyin xooggan oo ay mucaaradku ku muujinayeen eedeymo ku saabsan ku-shubasho, caga-jugleyn iyo jujuub ka dhan ah xubnaha mucaaradka (waa isla eedeymaha loo jeediyay maamulka Farmaajo). Marka aanay dawladdu ahayn mid lagu kalsoon yahayna, cawaaqibka ka dhalanaya waa kuwa aanan sinnaba looga baaqsan karin– waa isla tabta ay arrimuhu ka ahaayeen Itoobiya. Qalalaaso siyaasadeed ayaa qarxay, kumannaan qofoodna waxa ay ku dhinteen rabshado isir la xiriira. Ku ma sii jirto xaqiiqada ku saabsan in maalgeliyayaasha dibaddu ay su’aal geliyeen awoodda ay dawladdu u leedahay inay maareyso xakameynta xiisadaha gudaha. Qiimo kasta ha ku kacdee, waa in laga fogaadaa nidaam-la’aantaan oo kale inay ka dhacdo Somalia. Hase ahaatee, xaddiga kalsoonidarrada maanta ka jirta Somalia, iyo xaddidnaanta waqtiga ka haray doorashada la qorsheeyay darted, waxaan u baahannahay in aan ka fekerno fursado kale. Waxa habboon in tixgelino suurtagalnimada dhismaha Dawlad kumeelgaar ah, ama in aan sida Itoobiya halis ku galno in Dalka loo horseedo xasilloonidarro siyaasadeed, ama kaba sii darane, in dagaal sokeeye oo kale la galo. Dhab ahaantii, badbaadada iyo nabadgeliyada dadka darted, waxaa khayaarka keliya ee aanan laga gudbi karin ah dhismaha Dawlad kumeelgaar ah. Dawladdan kumeelgaarka ah waxaa lagu dhisi karaa hab fudud, balse leh wakiilasho howled oo adag (critical mandate). Hirgelinta sharci-doorasheed QOF iyo Cod ah oo doorashooyinka soo socda oo dhan lagu hago, iyo yagleelidda nidaam garsoor madaxbannaan iyo Maxkamad Dastuuri ah, kuwaas oo dhan waa astaamaha lagu garto Dimoquraadiyadda, sameynta mabaadii’daasna waa lama-huraan. Xildhibaannadeenna waxaa loo doortaa in ay dadka metelaan. Waana qayb ka mid ah fahamka aasaasiga ah ee ku saabsan in qof kasta oo cod dhiibta uu la mid yahay codbixiye kasta oo kale. Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee gundhigga aragtida Dimuquraaddiyadda- awoodda shacabka, waxa ayna isla sidaas u sameynayaan iyaga oo leh awood siyaasadeed oo siman. Doorashada hadda waxaa lagu cabbiray halbeegga qabiilka ee 4.5 oo sharcidarro ah dastuurkana baalmarsan. Doorashada dadban waxa ay sameysaa wax ka soo horjeeddaa aragtida Dimuquraadiyadda, xildhibaannadeennana waxaa loo doortaa in ay metelaan beelahooda intii ay meteli lahaayeen deegaan-doorashadooda. Sidaas oo kale, garsoor iyo Maxkamad Dastuuri ah oo madaxbannaan in la hirgeliyo waa laga-dhaafaan, si looga hortago musuqmaasuqa halista badan ee ku dhex baahay nidaamkeenna sharcidejinta. Isku-day kasta oo maamulka hadda jira uu ku sameynayo hay’adahaan waxa ay shaki ku gedaamaysaa dhexdhexaadnimada faraca garsoorka. Laba sano ka hor bishaan oo kale, xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay dhalashadii Mareykanka, go’aankaas oo ay dadka qaar u arkeen mid kalsooni loogu sii diyaarinayay tartan dib-u-doorasho oo uu Farmaajo ku talogalayay sannadkan. Taas waxa ay timid xilli daaha gadaashiisa ay ka jirtay xaqiiqo kale oo ah in ololaha Farmaajo la aaminsanaa inay maalgalinayeen Qatar, Iran iyo Ruushka oo quuddareynayay kordhinta saameynta ay ku leeyihiin mid ka mida goobaha ugu muhiimsan xagga juquraafi-siyaasadeedka dunida- waa Somalia e. Tan waa in ay jiifka ka toosisaa muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo dunidaba. Waana in aan wax walba u bixinaa sidii looga hortegi lahaa dheeraad kale oo ah dhaqannadaan dibindaabyada ah ee u muuqda kuwa mugdi lagu maleego. Waxaan ku celinaynaa baaqa ku wajahan dhisidda Dawlad kumeelgaar ah si aan meel san u gaarsiino dalkeenna. Sooyaalku waxa uu mar iyo mar kaleba na tusay in Somalia oo aanan Dimuquraaddi ahayn ay halis ku tahay nafteeda iyo ganacsiga dunida. W/Q. Ismail D. Osman: Qoraa ka faallooda arrimaha Somalia, Nabadgeliyada iyo Juquraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika, dawladnimada iyo nabadgeliyada. Waxaad kala xiriiri kartaa: osmando@gmail.com Waxaa Tarjumay: Wariye. Maxamed Abubakar (Dhaaleey) Maqaalka oo ku qoran Afka Ingiriiska Halkan ka akhriso (RIIX) AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xasaradda doorashada Somalia: Fursad lagu heli karo dimuquraadiyad dhab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Maxay tahay halista ka taagan Somaliland ee laga deyrinayo?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay Maandooriyaha oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu soo qul-qulayey deegaanadeeda, kaasi oo faro-baas ku haya Somaliland. Halista Maandooriyaha oo ay xukuumaddu si adag uga digtay, ayaa haddana waxaa soo badanaya kiisaska la xiriira ee ay ciidamadu soo bandhigayaan, waxaana 48 saac ee u dambeeyay la qabaty 805 Litir oo khamri ah iyo baabuurtii ay saarnayeen Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaciyey in ay inta badan gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay khamriga lasoo geliyay gudaha Somaliland. “Waxaa soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqoneysa 672 litir, waxaanu ku qabanay gaadhiga number-kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788,” ayuu yiri. “Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhiga Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaalla, waanu aqoonsanay eedaysanayaashii waana ku daba jirnaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay qabteen qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland u soo dhoofiyeen khamrigaas, islamarkaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah. Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ayaa inta badan sifo sharci darro ah lagu soo galiya deegaanada Somaliland, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga deyrinaya halistooda, xili ay dagaal adag kula jiraan ciidamada booliska Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa kal hore shaacisay in xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha. The post Maxay tahay halista ka taagan Somaliland ee laga deyrinayo? appeared first on Caasimada Online. -
Kabul (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa si rasmi ah usoo geba-gebeeyey ka bixitaankooda dalka Afghanistan, ayaga oo soo afjaray 20 sano oo dagaal qaraar ah. Rasaas dabaal deg ah ayaa hawada sare loo ridayey Afghanistan saacadaha hore ee Talaadada, waxaana hogaamiyayaasha Taalibaan ay ku qeexeen daqiiqad taariikhi ah. Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa yimid kadib maalmo xasaasi ah oo ay wadeen howlgal ay dadlaas uga daad-gureynayeen kumanaan qof oo isugu jira shacab Mareykan iyo Afgaaniyiin caawiyey ciidanka Mareykanka. Dagaalka Afghanistan ayaa Mareykanka looga dilay 2,400 oo askari, oo ay ugu dambeeyeen 13 dhintay toddobaadkii tegay, ayada oo lacag ka badan hal trillion oo dollar ay uga baxday. “Waxaan halkan uga dhawaaqayaa soo geba-gebeynta ka bixitaankeena Afghanistan, iyo dhammaadka howlgalka lagu soo daad-gureynayey muwaadiniinta Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Jeneral Kenneth oo Isniintii weriyayaasha kula hadlay Washington. Duulimaadkii ugu dambeeyey ee siday ciidamada Mareykanka ayaa Kabul ka baxay 11:29pm, waxyar un kahor inta aanay la gelin Talaado, oo ah maalinka Mareykanka uu qabsaday inuu ugu dambeyn ka baxayo dalkaas. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu khudbad u jeedin doono shacabka Mareykanka, Talaadada. Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa yiri “Afghanistan waxay heshay madax-banaani buuxda,” halka Anas Haqqani oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan uu yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan arko daqiiqaddan taariikhiga ah.” The post Mareykanka oo ka wada baxay Afghanistan iyo dabaal-degyo billowday appeared first on Caasimada Online.
-
Reer Muduggu waxay yiraahdaan “farahayga ayaa oodkac lagu cunay.” Maanta Muqdisho waxaa hadal ka soo saaray abwaanno, fannaaniin iyo laxan sameeyayaal. Waxay diiddanaayeen go’aan dhul ka mid ah Golaha Murtida lagaga dhigi lahaa meel maqaayad laga dhisayo. Dhowr qof ayaa goobta ka halday oo uu Cadikariim Faarax Jiir, laxan sameeye weyn, ka mid yahay. Qaar ka mid hobollada Waaberi oo ka aamusay meel-ka-dhaca loo geystay Abwaan Shube. Hadalka Jiir meesha ka jeediyay aad buu u siyaasadaysnaa. Da’diisa (78 sano) ayuu Cabdikariim Faarax Jiir ku halqabsaday. Abwaannada Meesha ka hadlay waxay raalli ka noqdeen in hortooda loogu gafo guddoomiyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Mudane Cabdulqaadir Cabdi Shube oo uu nin meesha ka hadlay ku tilmaamay qof “go’ Muqdisho la yimid, oo go’ kala bixi doona”. Abwaan-ku-sheeg Abwaan Shube Muqdisho ka sheegtay. Hadalka noocaas ah ayay Cabdikariim Faarax Jiir, Cabdi Dhuux iyo rag kale oo Waaberi ka tirsan u riyaaqeen. Abwaanimoy ba’! Shube ma Wasiir baa? Ma milkiilaha shirkadda doonaysay inay maqaayad ka samaysato dhulka Golaha Murtida baa? Waxaan soo xusuustay hadal dhowaan u Sanbaloolshe oo beesha Mogadishu Clan guubaabinayay u sheegay idaacad. “Nimankaan niman dalka wixii soo maray og waaye. Siyaad Barre Supporter qaxday ma aha” ayuu Sanbaloolshe yiri isagoo ka hadlayay Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor (daqiiqadaha 4:09-4:18). Sanbaloolshe afkiisa ayaa caddayn ugu filan. Waa dhagarqabe. Abwaannada iyo fannaaniinta ku hadlay ama ku goobjoogay magaca Waaberi way u gefeen Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube. Sanbaloolshe waxaan kula kulmay Garoowe markuu socday shirweyne siyaasiyiinta Soomaalidu ka soo qaybgaleen. Waan ka xumahay in Cabdikariim Faarax Jiir aan la meeldhigo Sambaloolshe oo dhiigga iyo hantida dadka inuu bannaystay qirtay, waana sababta dowladda Biritayn ugu diidday inuu Safiir Soomaaliyeed ka noqdo Qasriga St James xitaa isagoo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Boqorad Elizabeth. Cabdikariim Faarax Jiir kama dhiidhiiyin meel-ka-dhicii loo geystay Abwaan Shube. Cabdikariim Faarax Jiir iyo Cabdi Dhuux waxay ka hadli waayeen meel ka dhac loo geystay Abwaan Shube oo isagoo da’yar qaranka u soo shaqeeyay, haddana weli u shaqeeya isagoo gaaray da’ hawlgab. Waxaan rajaynayaa in abwaannada Soomaaliyeed iswaansan doonaan oo raalli-gelin siin doonaan Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, haddii kale rag farahooda oodkac lagu cunay ayay noqon doonaan. Maxamuud Aadan Orgobbe, Garoowe. The post Maxaa Helay Abwaannada Soomaaliyeed? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19. “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka duuleysa saameynta cudurka Covid19 oo hirkiisii seddaxaad uu ku sii faafayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka wasaaradda ee la xariira in laga feejignaado halista cudurka waxay shaqaalaha u soo jeedineysaa inay qaataan talaalka, si ay u badbaadiyaan noloshooda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan. “Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka The post DF oo amar culus kusoo rogtay dhammaan shaqaalaheeda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta magaalada Garowe kulan la yeeshay ururada siyaasadda ayaa shaaciyey in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl, Qardho iyo Ufayn. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka ee seddaxdaas degmo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada tijaabada ee seddexda deegaan ay ku qabsoomayso waqtigii loogu talo-galay oo ah 25-ka bisha soo socota ee October. Warkan maanta ka doo yeeray guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada siyaasadda Puntland qaarkood ay sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan waqtigeeda ku dhici karin. Ururrada siyaasadda ayaa soo jeedintooda u cuskaday in deegaanada Puntland aan laga sameyn wacyi gelin bulsho oo la xariirta qabsoomidda doorashooyinkaan. Sidoo kale waxay sheegeen in Xukuumaddu aysan bixin dhaqaalihii loogu talagalay in lagu kabo ururrada siyaasadda Puntland. Sidoo kale waxyaabihii ay cuskadeen ururrada siyaasaddu waxaa ka mid ahaa saameynta doorashooyinka federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ururkiisu uu ka mid ahaa ururrada dalbaday dib u dhigista doorashada ayaa sheegay in mowqifkoodu uu is bedelay, kadib kulan ay la qaateen xubnaha guddiga doorashada, isla markaana ay ka laabteen codsigoodii hore oo hadda ay diyaar u yihiin in doorashada waqtigeeda lagu qabto. The post Puntland oo beenisay warar laga faafiyey doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa Looga Hadlay Kulanka Rooble iyo Midawga Musharixiinta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Midowga Musharaxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka BFS. Rooble iyo Musharixiinta sidoo kale kulankooda lagu gorfeeyay xaaladihii u dambeyay ee arrimaha doorashada. Kulankan ayaana waxaa goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com -
Tiyaatarka Qaranka Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka oo wasiirka warfaafinta u ogolaaday shirkad gaar loo leeyahay. Rooble ayaa amarkan soo saaray markii maanta abwaanada iyo fannaantiinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hobolada Waaberi ay cabasho ka keeneen wareejinta dhulka bannaan ee Tiyaatarka Qaranka. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu wasiir Dubbe ku yiri qoraal uu goordhaweyd soo saaray. Wasiirka warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe ayaa bishii lixaad ee sanadkan warqad uu soo saaray ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka. PUNTLAND POST The post Rooble oo joojiyay dhul uu bixiyay Wasiir Dubbe appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Muuse Biixi Fariin Su’aal Xambaarsan Baraha Bulshadda u Mariyey ?? Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo Fariintani Facebook giisa ku soo qoray waxay u dhignayd Sidan. Mudane madaxwayne; Maanta gobolka aynu ku noolahay iyo dunidaba waxaa ka socda isbeddelo waawayn oo siyaasi ah, saamayna inagu yeelan kara. Sidaas awgeed, waxa aan is weydiinayaa illaa goorma ayaa ay Somaliland sii ahaan kartaa bilaa wasiir arrimo dibadeed?!! Dhan kale Wasiir ku-xigeenka arimaha dibada Somaliland Liibaan Yusuf Cismaan oo u Jawaabaya Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi :- “Xoghaye: wasaaraddaha iyo Hayaddaha Dawladu waxay ay leehiyiin qaab dhismeed kala Sareeya (Hierarchical Structure) Hadi cidi Maqantahay Buuxisa Kaalinti Banaan, Mana Ah Sida Xisbiga Aad Xoghayaha Ka tahay Wax Qof Kali Ahi Jeebka ku sito (One Man show) oo la’antii aanay waxba Socon. Duruufaha siyaasadeed Ee geeska ka jira Dawladda kaliya ee Ka dabaalatay, dhan siyaasadeed, Mid dhaqaale Iyo mid Amniba Wa Jamhuuriyadda Somaliland( Aduunka iyo inta Somaliland Jeclbaana Ogg oo ku faanta). Hadal Haynta ereyga Suuqdiga ah ee (Isbadaladda Geeskana) Haku anbanin Xoghaye Xog-ogaal uma Tihide. Wasaaarda Arrimaha Dibaduna wasiir way yeelanaysaa Imikana Baylahi Majirto. Allah Mahadleh. Source
-
Kadib markaanu aragnay Dadaalka iyo Wadan jacaylka ka muuqda Abokor waxaanu u qaadanay shaqaale ka mid ah Dawladda Hoose ee Hargaysa gaar ahaan waaxda ilaalada Dooxa iyo ka warhaynta Bilicda Dooxa Hargaysa. Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisa Ololihii Qashinka lagaga gurayay Dooxa wayn ee Caasimadda Hargaysa. Waaxda warbaahinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa Source
-
Faallo, Al-Jazeera: Xilligii Ay Soomaaliya Gargaarka U Diri Jirtay Sacuudiga (SLT-Riyadh)-Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan ayaa ah; budhcad badeed, hoggaamiye kooxeed, kooxo hubeysan, dambiilayaal hubeysan, oo way adagtahay in maanta wax wanaagsan laga maqlo Soomaaliya. Qoraaga waxaa uu sheegay in inkastoo horumar la taaban karo uu jiro, haddana waxaa weli maskaxada dunida ku qufulan dhibaatada Soomaaliya, oo intooda badan Soomaaliya tusaale ahaan u soo qaata dadka dunida markay ka digayaan in dal kale uu qaado waddada bur-burka. Balse Soomaaliyada maanta wareersan, ee kala tegtay, dhiigga qabaayaladda dhex-dabbaalatay, weligeed sidan ma ahaan jirin. Xornimadii kaddib, Soomaaliya waxaa looga yeeri jiray “Switzerland-ta Afrika”, maxaa yeelay dadkeeda waxay lahaayeen xoolo badan iyo beero wax soo saar fiican leh. Qooraaga waxaa uu leeyahay Soomaaliya waxay hormuud u ahayd dimuqraadiyadda iyo awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, wixii ka horreeyay afgembigii Siyaad Barre ee dhacay 1969-kii. Qoraaga waxaa uu sheegay in xilligii ay dhibaatada badan ka jirtay dhulka Muslimiinta, qofkii lagu badbaaday uu ahaa hoggaamiyihii “boqortooyada cadaaladda”, Axmed Ibrahim, (oo Soomaalidu ay u taqaanno Axmed Gurey). Wuxuu qabriga nebiga ka difaacay isbahaysi ka dhexeeyay xabashida iyo Burtuqiiska, kuwaas oo doonayay inay qabsadaan magaalada Madina, sidoo kalena doonayay inay qaataan Qabrigii Nebiga (SAW), si ay ugu gorgortamaan magaalada Quds oo ay Muslimiinta haysteen. Ugu dambeyntii, Axmed Gurey waxaa u suuragashay inuu ka guuleysto oo uu dilo hoggaamiyihii Burtuqiiska, Vasco Da Gama. Maqaalka wuxuu soo xigtay Qoraaga taariikhda ee Cabdulqadir Bin Cabdalla Ceydaruus, oo sheegay in Axmed Gurey, uu markii dambe gaaray guulo waaweyn, oo uu magaalooyin badan ka furtay Xabashida. Maqaalka waxaa kale oo uu sheegayaa in guulaha uu gaaray Axmed Gurey ay la mid yihiin kuwii la gaaray xilligii Saxaabada. Qoraaga ayaa wuxuu sheegay in nuxurka maqaalkiisa uu yahay in Soomaalida maanta sidan ah ay ahaan jireen dad hodan ah oo Sacuudiga gaarsiiyay gargaar, inkastoo uu sheegay in dadka qaar ay doonayaan inay arrintaasi dafiraan. Qoraaga waxaa uu sheegay in intaan la helin betroolka, Sacuudiga uu ahaa dal faqiir ah, dadkiisana waxay ku noolayeen timir iyo caano oo keliya, waxaana taariikhda ku cad, in abaar ballaaran ay ku dhufatay Sacuudiga sanadkii 1909-kii. Waxay dadka cuni jireen caleynta si ay noolashooda u badbaadiyaan. Xilligaasi, Soomaalida aad ayay qani u ahaayeen, oo xitaa waxaa la weriyaa in qofku intuu neef qasho, uu beerka keliya ka cuni jiray, inta kalena uu tuuri jiray. Taariikhdu waxay qoreysaa in Culimada Soomaalida ay xilligaasi fatwoodeen in xoolo sadaqo ah loo diro dadka Sacuudiga, waxaana xigtay in ganacsatada Soomaalida ay billaabeen inay halkaasi u raraan xoolo nool, raashiin iyo xitaa dahab. Soomaaliya maanta waxay ku sugantahay xaalad aan wanaagsaneyn, waxay ahaan jirtay dimuqraadiyad aan xasuusta ka bixi Karin, maantana waxay noqotay maamulo yar-yar oo kala taagan. Waxay horey u ahaan jirtay aag cagaar ah oo leh doomo dunida oo dhan u kala goosho, oo kaalmo gaarsiiyo, hasa yeeshee hadda noqotay dal ay ka jirto gaajo iyo rafaad, balse taariikhda aanan la hilmaami karin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax maanta ka sameysay Muqdisho. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” Caasimada Online ayaa Axaddii shaacisay in dhulka laga iibiyey shirkad gaar loo leeyahay, balse warqadda kasoo baxday Dubbe lagu qoray in la kireeyey, si loogu qariyo xaqiiqda iibka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, islamarkaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Cabdi Dhuux. The post DF Soomaaliya oo ka laabatay iibintii Tiyaatarka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta, waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doorashada ay noqoto mid hufan, daah-furan, isla-markaaana waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wada-shaqeeyo qabsoomida doorashooyinka billowday ee 2021-ka, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu) “Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta,” ayuu yiri Macallimuu. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Rooble uu midowga musharixiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen. Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shirar kale, si ay usii socdaan wada-hadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan maraya meel wanaagsan. Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas’uuliyiin kale. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana hadda qabsoomay intooda badan doorashooyinka xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Midowga Musharaxiinta iyo R/Wasaare ROOBLE oo hal qodob isku raacay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. Dhulka la bixiyey ayaa waxaa ka dhalatay xiisad xoogan, ayada oo qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Haddaba, aan dib u milicsano saddex sano ka hor iyo wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu xiligaas uga walaacsanaa jiritaanka warar sheegaya ku xad-gudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho. “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo,” ayaa xiligaas lagu yiri wareegtada Farmaajo. “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.” Tuhunada iyo dareenada ku xeeran qaabka loo bixiyay dhulka kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa dul hoganaya su’aalo badan, ayada oo uu banaanka u soo saarayo wax ka bedelka ku yimid wareegtadii uu saddex sano ka hor ku joojiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday bixinta dhul dowladeed. Madaxweynaha ayaa xiligaas faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrimahaas inaysan bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka. Hase yeeshee Farmaajo ayaa kadib waxaa la bixiyey dhul badan ooh anti dadweyne ah, ayada Inta badan dhul boobkan looga faa’iideynayo shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay. Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya. The post Wareegtadii madaxweyne FARMAAJO iyo saddex sano kadib – Maxaa is-beddelay? appeared first on Caasimada Online.
-
Cadho xooggan oo ka dhalatay Tiyaatarkii Somalia oo iib la geliyey+Wasiir Dubbe oo lagu eedeeyay & Xoggo kale oo xasaasiya Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Dhuux. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.’”. Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad. “Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey. Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka. “Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir. Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe. “Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah. Qaran News
-
Ibrahim Ali Ma'ow's kidneys failed to work normally 14 years ago forcing him to start a weekly dialysis session. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxda sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku dhaliilay in xilalkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay garab, saaxiibtinimo iyo dano gaar ah ugu abaal mariyeen shaqsiyaad aan aqoon u laheyn, taasi oo horseed u ah fashilka curyaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sida la fahamsan yahay farriintiisu si gaar ah ugu socotay Agaasimaha hay’adda Nabadsugida, Fahad Yaasiin, oo uu sheegay in xilkaas uu ku helay saaxiibtinimo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay?, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha ahaan jiray aan dhaho ii qabo Nabadsugida ka waran.” “Haddii shaqada la isku siiyo wiilkaan aniga ayuu i taageersan yahay, anuu dagaalka ila soo galay, maalmihii aan musharaxa ahaa ayuu sawirkayga darbiyada ku dhajin jirey, oo aan fiirinba wax khibrad ah ma leeyahay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in fashilka curyaamiyey la dagaalanka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay xilalka muhiimka u ah dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi oo loo dhiibay shaqsiyaad aan khibrad u laheyn. “Dad Shabaab yaqaana waa joogaan dalka, dad kasoo goostay oo taako-taako iyo geed geed u kala yaqaana, kuwo khibradeeda leh ayaa jooga oo waxa la la’yahay waa hogaan dadkii saxda ahaa u dhiiba shaqadii saxda aheyd.” The post ‘Xilal lagu bixiyey garab, dano gaar ah iyo saaxiibtinimo oo fashiliyey’ dagaalkii DF ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta kulan la yeeshay ururada siyaasadda, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn. Warkan guddiga ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada qaarkood sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan wakhtigeeda ku dhici karin. Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada. Sababa kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland: Gudiga doorashooyinka oo sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso appeared first on Puntland Post.
-
Shirkadda Somgas Somaliland waxa ay shaqada bilawday 2009, iyadoo ujeedkeeda ugu wayni ahaa badbaadinta deegaanka iyo soo kordhinta adeegyadda caalamiga ah ee dhuxusha looga maarmayo. Markii ay shirkadda Telesom Aragtay xaalufinta ka socda Somaliland waxay u fikirtay innay abuurto Shirkadda Somgas Company si ay wax uga qabato deegaankan la xaalufmay, dhirtan la googooyay iyo nabaad guurka ilaa imika jira, Intii ay Somgas waddanka ka bilawday Gaasta cuntadda waxa badbaaday malaayiin geed oo la jari jiray. Waxaa hoos u dhac wayni ku yimid dhuxushii iyo dhirtii qoyanayd ee la jari jiray, waxa hoos u dhacay isbeddel dareemay Wasaaraddii Horumarinta deegaanka oo Ciidankii badnaa iyo kharashkii badnaa ka dhinmay. Shirkada Somgas oo kamida Shirkadda Telesom waxay hal abuurtay Baahi wayn oo loo qabay in deegaanku badbaado dadkuna ka raystaan Dambaskii iyo qiiqii joogtadda ahaa. Mar aan wax ka waydiiyey Maamulaha Guud ee Shirkadda Somgas Sheekh Cabdiraxmaan Shaqale wuxuu ii sheegay innay markasta kor u qaadayaan Adeegyadda ay bixiyaan guud ahaan dalka oo dhan oo ay isbedel u taagan yihiin isagoo carabaabay innay keeneen Haamo si fudud looga dhex arki karo Gaasta ku jirta sidoo kalena ay wadaan Qorshayaal Geeska Africa oo dhan lagu gaadhsiinayo Gaaska Somgas. Shirkadda Somgas ayaa imika Gaasta Gaadhsiisa waddamadda aan jaarka nahay ee Putland iyo Somaliya. Shirkadda Somgas waxay xarumo waaweyn ku leedahay dalka oo dhan, waxay abuurtay shaqo abuur, waxay keentay farsamooyinkii Gaasta oo si casri ah laguugu rakibayo gurigaaga, Huteelkaaga iyo ganacsigaagaba. Xalka kaliya ee u baahan in Somgas qorshaha ku darsato waa sidii Dadkii dhuxusha ka ganacsan jiray ee miyiga camal ay kaga maarmaan loogu sameyn lahaa. Ujeedka guud ee Somgas waa badbaadinta deegaanka iyo la talaabsiga casriga caalamka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Dhuux. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.'”. Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad. “Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey. Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka. “Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir. Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe. “Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah. The post Daawo: Caro xooggan oo ka dhalatay iibinta Tiyaatarka iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.