Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Farmaajo ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah. “Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo is dhexgalka labada shacab ee Turkiga iyo Soomaaliya. “Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeyb sanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed. The post Sawirro: Dadka Turkish-ka ah ee Muqdisho jooga oo si weyn loo maasuusay xalay appeared first on Caasimada Online.
  2. Sida hubka Mareykanka u Galay Gacanta Taalibaan Qabshada Taliban ee Afgaanistaan waxaa u dheer inay kayd hub ah ka heshay Mareyka, Sida laga soo xigtay wargayska ‘Hindustan Times’ ee ka soo baxa Ingiriiska, Aqalka Cad ayaa Talaadadii qirtay in Taalibaan ay la wareegeen hub badan oo uu Maraykanka lahaa ka dib qabsashadii Afghanistan. Qaar ka mid ah sawirrada iyo muuqaalada soo ifbaxay, ayaa lagu arkay Taliban oo wadata hub iyo gaadiid dagaal oo askarta Mareykanka adeegsanayeen ama la siiyay ciidamada amniga ee Afghanistan. Waxaana hubkaasi ka mid ah helicopter-ka casriga ah ee UH-60 Black Hawk iyo qalab kale oo yaalla garoonka diyaaradaha ee Kandahar. La -taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa yiri, “Wali ma cadda halka ay ku baxeen dhammaan agabkii milateri laakiin waxaa hubaal ah in qeyb weyn oo ka mid ah hubkaasi ay gacanta u galeen Taalibaan.” Jake Sullivan ayaa sheegay in hubka militariga oo malaayiin doollar ku fadhiya looga tago cadowga ay muujineyso sida ay u adag tahay in Madaxweynaha Mareykanka uu soo afjaro dagaalka 20-ka sano socday. Wuxuu u sheegay in diyaaradaha Black Hawks la siiyay dowladda Afghanistan si ay ula dagaallanto Taliban. Laakiin ciidamada ammaanka ee dawladda ayaa si degdeg ah u qiray guul -darrada ay kala kulmeen gulufka Taalibaan waxayna gacanta u geliyeen hub badan iyo helikobtarro. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa qirtay in guusha degdegga ah ee ay Taalibaan gaartay ay “aad u dhibsan doonaan” dad badan oo Mareykan ah oo xiriir la leh Afghanistan. Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambeysay tallaabadii uu Mareykanka ku galay Afghanistan ay “waligeedba ahayd sidii looga hortagi lahaa weerarrada argagixisada ee ku wajahnaa dalka Mareykanka,” iyo “in aan marna loogu talo galin in ay qeyb ka noqoto howl la xiriirta sameynta dimuraaddiyad mideysan oo ka hirgasha dalkaas”. Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii. Inta ay gaarsiisan yihiin ciidamada Maraykanka uu u diray Afghanistan? Maraykanka wuxuu ku duulay Afghanistan bishii Oktoobar 2001 si meesha uu uga saaro ururka Taliban oo gabbaad siinayay hoggaamiyihii Al-Qaacidda Usama Bin Laden iyo hoggaamiyeyaal kale oo lala xiriiriyay weerarkii 9/11. Tirada ciidamada Maraykanka ayaa korortay sanadihii xigtay, iyadoo ay xukuumadda Washington balaayiin dollar ku bixisay la dagaallanka Taliban, waxaana ay tiradooda gaartay 110,000 oo askari sanadkii 2011. Sanadkii lasoo dhaafay, 4,000 oo ciidamo ah ayaa Mareykanka kaga sugnaa dalkaas. Dalal kale oo ay kamid yihiin kuwa xubnaha ka ah NATO ayaa ka qeyb qaatay duulaanka Afghanistan. Balse Maraykanka ayaa ahaa kan ciidamada ugu badan ay ka joogeen Afghanistan. NATO ayaa bishii Disembar 2014 si rasmi ah u soo afjartay hawlgalkeeda, balse waxaa dalkaas ka sii joogay 13,000 oo askari oo inta badan tababar siiya ciidamada Afghanistan, qeybna ka qaata hawlaha argagixiso la dagaallanka. Maraykanka waxaa sidoo kale Afghanistan ka joogay tiro kamid ah shirkado qandaraas lagu siiyay arrimaha amniga. Dabayaaqadiii sanadkii 2020 in ka badan 7,800 qof oo Amerikaan ah ayaa ku sugnaa dalkaas, sida lagu xusay daraasad uu sameeyay Koongareeska. Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban Dhanka Ruushka ayaanan ilaa haatan caddeyn mowqifkiiska ku aadan in ay ururkan u aqoonsanayaan dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo in kale. Hase yeeshee bayaan uu toddobaadkan soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu shaaciyay in Ruushka uu wada-hadallo la bilaabay Taalibaan, oo ay sheegeen in ay “bilaabeen in ay soo celiyaan kala dambayntii” Kabul iyo qaybaha kale ee dalka. Iyadoo Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul, ciidamada Mareykanka ee taageerayay Ashraf Ghani ay baxayaan, wuxuu Ruushka caddeeyay in uusan soo afjari donin howlahooda diblomaasiyadeed ee dalkaas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray. Diblumaasiyad ahaan, Ruushka ayaa taageeraya Taalibaan, waxayna Ruushka sheegeen in ay diyaar u yihiin kulan ka dhaca Moscow oo ay ka qaybgalayaan Taalibaan, iyo dhinacyada kale, si loo siiyo ururkan aqoonsi caalami ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in Taalibaan ay hub ka hesho Ruushka, inkasta oo Ruushku marar badan uu beeniyay inay hubeeyeen dagaalyahannada kooxda Qaran News
  3. Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Masar Moustafa Madbouli kula kulmay August 17, 2021 magaalada Qahira. Socdaalka Rooble ayaa ku soo beegmay xilli la gudaggalay doorashooyinkii aqallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Masar waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreyey ee aqoonsada dowladnimada Soomaaliya una fidiyey taageero cilmi iyo ciidanba leh. Maanta waxay raadinaysa inay dib u hagaajiso xidhiidh dayacmay si ay dib ugu soo ceshato saameyntii ay ku lahayd Soomaaliya. Wixii ka dambeyey khilaafkii khaliijka waxaad mooddaa in xidhiidhkii Muqdisho iyo Qaahira uu gaaray meeshii ugu hooseysay kaddib markii ergaygii waxbarashada ee Masar lagu eedeyey inuu faraggeliyey arrimaha gudaha Soomaaliya (Al-Monitor 15/12/2020). Xidhiidhka waxbarashada labada dal ayaa muhiimad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo si gaar ah u tabaya in ahmiyadii Masar ay siin jirtay Waxbarashada Dalka waayahan dambe ay meesha ka baxday. Qahira waxay Soomaaliya u ahayd weligeedba garab ay ku cadaadin karto Itoobbiya. Waxaase xujo ku noqday iskaashiga seddax geesoodka ee Geeska Afrika oo Muqdisho ku riixay inay dhexdhexaad ka noqoto khilaafka gobolka. Masar waxay ku ajarantay inay ku qiimeysay xidhiidhka Soomaaliya xifaaltanka ballaaran ee khaliijka iyo khilaafka kala dhexeeyay Ankara. Ahmiyadda Soomaaliya waxay kusoo baraarugtay markii dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka horyimideen qaraarkii Jaamacadda Carabte ee biyoxireenka Niil. Isu soo dhawaanshaha cusub ee Soomaaliya iyo Masar waxuu ka bilowday Riyadh oo la heshiisay Dooxa. Kolkaas kaddib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee Masar Ilyas Sheikh Cumar laga guddoomay warqadihii aqoonsiga. Sanadkii 2006ka, dalal ay ka mid ahaayeen Iran, Libiya iyo Masar ayaa lagu eedeyey inay ku hawlan yihiin hurinta colaadda Soomaaliya (CBS News 29/07/2006). Maantase wuxuu war ka taagan yahay, maxay sida ba’an ugu daba joogtaa in Banque Misr uu laan ku yeesho dal aysan ganacsi micno leh kala dhexeen! Socdaalka Rooble ee Masar waa booqashadii shanaad ee uu ku tago dalka dibeddiisa tan iyo markii uu la wareegay xilka Ra’iisulwasaaraha. Waxuu isku maray Jeddah, Jabuuti, London, iyo Nairobi kuwasoo dhammaantood damac ka leh saameynta hoggaanka Soomaaliya. Warar laysla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu u hiilan yahay dhawaan Dalka Imaaradka. Diblomaasiyadiisa sida xawliga ah u socoto ayaa dhalisay walwal ah inay abuurto dhib ka badan inta ay xalin karto. Waxaad mooddaa in Rooble uu yahay shakhsi aan ka cabsan xaaladaha diblomaasiga murugsan, taasoo ka dhigaysa shakhsi legdenka jecel (Challenging problems). Ilaa haddeer Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu muujiyay inuu ku aado kartina u leeyahay tijaabadaha diblomaasiyadeed. Saadaasha warbaahinta aan xasillonayn ayaa ahayd in Rooble soo jiidi doono masiiba burburi doonto siyaasaddii dibedda ee Farmaajo-Khayre iskana horkeeni karta isaga iyo Madaxweynaha. Balse taasi waxay ku soo baxday mid raqiis ah. Ra’iisul Wasaare Rooble waxuu guul ka soo hooyey inuu hor fariistay Uhuru Kenyatta taabsiyeyna in Soomaaliya aysan dan ka lahayn in dacwada badda dib looga soo celiyo Maxkamada ICJ. Weliba xidhiidhka xumaadey ee labada dal ay sabab u tahay faraggelintooda gobollada xuduudda ku yaal. Walow, dib u soo nooleynta xidhiidh diblomaasiyadeed ay had iyo jeer tahay ribix, haddana taageerada Masar ee la dagaallanka xagjirka iyo maalgelinta banki aan ganacsi ku howleen waa arrin kala qaybinaysa dalalka gobolka saamayn kartana iskaashiga seddax geesoodka ah ee Geeska Afrika. Soomaaliya waxaa muhiim u ah inay taxaddar ka ahaato tillaabo kasta oo ka horiman karta danaheeda amniga dalkana dhexda uga ridi kara Muranka Itoobbiya iyo Masar. Isha: Jamhuuriyadda.com The post Diblomaasiyadda Rooble iyo dibna qaniinka FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  4. Qaramada Midoobey oo Cadaab ku mesaashay Xaaladda Gobolka Tigrayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale ku baaqay in xabad-joojin deg deg ah laga dhaqan geliyo gobolka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya, halkaasi oo ciidamada dowladda iyo fallaagada gooni-u-goosadka Tigreeda ay ku dagaallamayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore. Antonio Guterres ayaa xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigreeda ku tilmaamay “cadaab”, wuxuuna sheegay in hay’adaha samafalku ay u baahan yihiin in shuruud la’aan loo ogolaado in ay gobolkaasi ka hawlgalaan. Waxa uu cambaareeyay tacaddiyada dhanka galmada ah ee loo geysto dumarka gobolkaasi. Guterres oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada New York, ayaa sheegay in awood milatari aan marnaba lagu xallin karin colaadda gobolkaasi ee ku fidday gobollada deriska ah. Malaayiin qof ayaa colaadda dalkaasi ku barakacay, halka boqolaal kun oo kale ay wajahayaan macalluum. Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmayo maalmo uun kaddib markii hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ay militariga dalka Itoobiya iyo xulafadooda ku eedeysay “kufsi aad u baahsan oo dumar loogu geystay gobolka Tigray.” Amnesty International waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay “arrintaasi ka dhigteen xeelad cusub oo ay u adeegsadaan dagaalka”. Hay’addani ayaa sheegtay in tacaddiyadii ka dhacay waqooyiga dalkaasi sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday ay la mid yihiin dambiyo dagaal. Amnesty waxay sheegtay in ay heysto “caddeymo waaweyn” oo muujinaya in xad gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday. Colaadda Itoobiya ayaa horraantii bishan yeelatay weji cusub kaddib markii ra’iisalwasaare Abiy Axmed uu ugu baaqay shacabka in ay ku biiraan militariga, si ay ula dagaallamaan xoogagga Tigreeda, waxa uu sidoo kale ciidamada Tigreeda ku eedeeyay in ay qoranayaan carruur askartooda ka mid noqonaya, in ay dumarka kufsadaan iyo in ay hor istaagaan gargaarka bani’aadannimo. TPLF, oo dowladda ay u aqoonsatay tahay urur argagixiso ah, balse iyadu sheeganeyso in ay tahay dowladda rasmiga ah ee gobolka Tigreeda, ayaa dowladda dhexe ku eedeysa in ay adeegsaneyso “hadallo sun ah” oo ka dhan ah dadka gobolkaasi, ayna mas’uul ka tahay xayiraadda ka dhanka ah gargaarka bani’aadannimo. Sidoo kale, hoggaanka Jabhadaha TPLF iyo OLF-SHANE ayaa shaaca ka qaaday in ay ku heshiiyeen in is-baheysi mideysan ay sameystaan oo ay kula dagallamaan dowladda Abiy Axmed uu hoggaamiyo ee Itoobiya. Hoggaamiyaha Ciidamada Jabhadda OLF, garabka Shane, Kumsaa Diribaa, oo wakaaladda wararka AP u warramay iyo hoggaanka TPLF, Debretsion Gebre-Michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Ruters, waxay sheegeen in labadasi Jabhadood ay ku heshiiyeen inay mideeyaan dagaalka ay dowladda Itoobiya kula jiraan. Dowladda Itoobiya waxay marar badan sheegi jirtay in labadasi jabhadood ay yihiin kuwa halis ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka, xiriina uu ka dhaxeeyo. Baarlamaanka Itoobiyana ayaa muddo bilo ka hor ah, labadaasi jabhadood u aqoonsaday in ay yihiin uruuro argagixiso. Jabhadda OLF-Shane oo ka dagaallanto galbeedka iyo koonfurta deegaanka Oromiya, waxay dowladda Itoobiya ku eedeyneysay in ay ka dambeysay weerarrada isir beegsiga ah ee ka dhaca galbeedka dalkaas, waxaana heshiiska labadani dhinac ay ka dhigan tahay in colaadda dalkaasi ay yeelatay weji kale. Qaran News
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga amniga ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo saaray amaro culus oo la xiriira amniga magaalada Beledweyne, oo ay shaaciyeen inay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka Soomaaliya. Guddiga oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa isla qaatay in cidkasta oo lagu ogaado inay la macaamisho Al-Shabaab loo aqoonsan doono inay qeyb ka yihiin kooxdaas, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag. Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi oo warbaahinta ka hor akhriyey go’aamada guddiga ka soo baxay ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadan cidii la arko ayada oo ku howlan qal-qal gelinta amniga. Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay guddiga Ciddii lagu arko iyada oo gudaha magaaalada Beledweyne ku dhex-wadato qori iyo dhar caadi ah in laga qadi doono qoriga, sidoo kalena laga qaadi doono tallaaboi sharci ah iyo xarig. Ciddii aada deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, lana macaamisha kooxdaas loo aqoonsan doono, loolana dhaqmi doono sida Al-Shabaab. Dhamaan Shirkadaha, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha ee la macamiila Al-Shabaab in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga. Ciddii la arko ayada oo amniga qal-qal gelineysa in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadaan. Dhamaan bulshada ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ayaa loogu baaqay inay Cidamada kala Shaqeeyaan sugida amnuga maadaama laguda gelayo howlaha doorashooyinka. Go’aamadan ayaa kusoo aadaya xili ay dhowr jeer magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo galeen maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud oo si weyn uga soo horjeeda maamulka HirShabeelle, ayada oo loo diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka dalka. The post Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyey inuu doorasho ku qabanayo Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  6. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka qabsadeen laba saldhig oo ku yaalla degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose. Warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegtay in weerar culus oo saaka Al-shabaab ku qaadday degaanka Sabiib ay cagta mariyeen laba saldhig oo ciidamada dowladdu ku sugnaayeen. Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa lagu laayay askar ka tirsan Ciidamada dowladda, waxaana labada saldhig la wareegay dagaallamayaasha kooxda sida ay tebisay warbaahinta Al-shabaab. Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab, iyadoo dowladdu aysan weli ka hadlin arrintan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada dowladda ee degaanka Sabiib appeared first on Puntland Post.
  7. Beginning from 19th century, two measurements have been used to get a sense of how well developed countries are doing. One is gross domestic product, the monetary value of all finished goods and services made within a country during a specific period. The other measurement is a country’s unemployment rate. But when it comes to figuring out how well an underdeveloped country like Somaliland is doing and serving its citizens, the above measurements are not taken into consideration. There are other factors that are taken into account when assessing how well a third world country such as Somaliland is progressing and providing services to its people. There is nothing more common to measure economic strength and social progress of an underdeveloped country than self-sufficiency or self-reliance. First, self-sufficiency is having the ability and resources to take care of yourself without outside help. In other words, it is a country’s ability to meet the basic needs of its people, such as basic food and clothing, and/or a country’s ability to identify unmet needs and implement proper use of resources. One good example of self-sufficiency is growing your own food and making your own clothing. Secondly, self-reliance is the ability to depend on yourself to meet your own requirements. The capacity to rely on one’s own capabilities, and to manage one’s own affairs independetly. The concept of self-sufficiency is basically taken to mean the extent to which a country can satisfy its needs from its own domestic production. The difference between self sufficiency and self-reliance is that self-sufficiency relates to the fulfilment of a nation’s basic needs and proper use of its resources, while self reliance refers to control over decision making, which is the reliance on one’s own judgment, abilities, actions etc. Of all the needs that come under self-sufficiency concept, there are two elements for humans to survive. The first one is food, the second is water. Without food and water, human beings cannot live, but without other services humans can survive. How often does insufficiency of food and water supply come into Somaliland’s concern and consideration? Do Somaliland people hold any view of the extent to which their country can satisfy its food needs from its own domestic production, if global food scarcity or shortage will happen? A nation which fails to address its basic needs, encourage itself to improve its learning skills, arrange its ideas with the future challenges, protect the environment, and initiate projections to invest in getting its needs from its own domestic production is not succeeding. Taking life as it comes is simply never pursuing or predicting aspects of what the future would look like. It is a condition in which preparation for tomorrow is not part of one’s culture (How a society leads its own life). In such condition as this, things seem that going forward is unlikeliy to happen, because viewing the world through rose colored glasses is not the answer to overcoming adversity. What scope people wearing rose colored glasses see, determines what story they see and how they look at the world. Of course, seeing the world through different ways is about securing things, defending things, copying technology in order to save cost, as Chinese people do, controlling things, inventing things, protecting and preserving both renewable and non-renewable resources. It’s mostly a fear-based view of the world that is preparing for future events. This approach is humanly normal. Experience shows that developed countries always base their national strategies for their present and future needs on a fear-based stand to minimize the danger that may arise, for instances, from the occurrence of food scarcity or outbreak of world war, while underdeveloped nations mostly fail to set out strategies that can ensure the means to produce sufficient supply of their needs at the domestic level that will help them find a sweet space at which dependence on what others produce is minimized. The difference between the two approaches is that rich countries mostly utilise their mental mechanics for shaping their life as they want, while poverty-stricken countries neither use their effort nor their mental imagination for trying to tame their lives. The shame on Somaliland societies is that they take life as it comes to them. And taking life as it comes is fundamentally an “anti-change state.” That is, the way Somaliland people lead their lives is not about thinking in regards to the survival of the tribe. Nothing is more bitter than truth. Who among us can deny or disagree the fact that Somaliland has been, and still continues to be the dumping ground for the massively produced foreign goods? This reality goes further from this and probably begs the questions such as:- a) What do Somaliland people control? b) What do they own? c) What do they produce? e) What do they distribute? f) What are the goods that are the produce of Somaliland country that citizens of Somaliland consume? In fact Somaliland people are incredibly consumers and have no special creation. They never ever produced an iota of their basic needs in their entire life. Their food, their cloth, their cars, their tea, their phones, their mobiles, their lotion, their guns, all their white goods, etc, are not their own make, but all are made and controlled by people who don’t look like them, who may retain their goods for their own needs in hard times, who may not even be happy to see Somalis and their likes to survive. Academics had it right when they predicted 50 years ago on the prospect of parasite societies: “Non-productivity reduces output, represses levels of living standard for the masses and engenders strife.” A nation is alive only when it constantly revives and revitalises the way in which it manages its problems, aligns its national vision with what is going on in the world and discards its outdated traditions, habits, rituals and assumptions. Of all the problems Somaliland now faces, lack of local production is the elephant in the room. The old saying which goes to say “necessity is the mother of invention” is applicable to Somaliland. A bleak future is for he who knowingly ignores or escapes from this reality. How should Somaliland state get itself out of foreign-produce dependency? How Somaliland would deal with the lack of local production? The solution is simple. Doing what others did and still do, is the answer as to how Somaliland state can free itself from foreign goods and become self-reliant on its own resources rather than that of others. Apart from light, water and air, food is what makes humans survive; what provides human bodies with what they need to stay alive; what makes human beings grow, active, energetic, move and work; what keeps human bodies healthy and heal themselves; what every human who is born into this world requires. Thus, Somaliland must innovate and intellectuslise its weak policies towards its economic growth and come up with the ability, skill and knowledge to boost domestic yield to satisfy its basic needs from within its own domestic production without foreign produce? In the heat of these alarming moments, Somaliland must make sense of food insufficiency and insecurity, recognize climate change and global warming, protect its environment, dream of a regenerative agriculture, envision a green revolution, create an awareness throughout Somaliland, so that the population must plant sea and herd its animals, and dig the land for farms to produce more and better food. A lesson that sends a powerful message to every country that cannot stand on its feet without foreign aid is that, as a result of the sudden outbreak of the pandemic, Covid-19, rich nations have already started intensive researches on de-globalisation and indeed focused on setting up urgent objectives to develop their local production and measures to stop outsourcing supply chains. Remember, environment does not need humans to survive, but humans need it. So, let us get used to the truth that we are all connected to it and must like to live an environment-centered life. Nothing is more attractive than the reality to acknowledge that a healthy environment is the foundation for a healthy and sustainable society. This hope can only come true when all of us look ahead and always try to use our resources wisely for the sake of our future generations. Who knows what the nature will bring to us tomorrow? What matters to us is to get ready for how we can arrange our ideas with how we can shape the sense of tomorrow. By:JamaFalaag. Hargeisa, Somaliland. Qaran News
  8. Dhallinyarada ku nool Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu halista badan saamaynta isbeddelka cimilada oo halis ku ah caafimaadka, waxbarashada, iyo deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay. Warbixintu waxay ogaatay in 2.2 bilyan oo carruur ah ,ku dhawaad ​​1 bilyan oo adduunka ah ay ku nool yihiin 33 wadan oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa aadka u halista badan,Soomaaliya ayaana ka mid ah dalalkaas, iyagoo ku jira darajada 4 -aad. Warbixinta ayaa sheegeysa in carruurta Soomaaliyeed ay saameeyeen wasaqowga biyaha iyo fatahaadda webiyada, sidaa daraadeed,maalgashiga adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka carruurta iyo nafaqada iyo sidoo kale biyaha, nadiifka ah iyo fayadhowrka ayaa wax weyn ka beddeli kara awoodda aan u leenahay inaan ilaalino mustaqbalka caruurta. “Dhibaatada cimiladu waa dhibaatada xuquuqda ilmaha,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF Somalia Maxamed Ayoya. Wuxuuna intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda. PUNTLAND POST The post UNICEF:Isbaddalka cimilada ayaa saameyn ku yeeshay carruurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Maamulka Somaliland ayaa caawa Hargeysa ku xiray Cabdi Jamaal Cismaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland. Cabdi Jamaal oo socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ayaa ciidamo sirdoon ah kala baxeen guri uu ku sugnaa. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in xariga Cabdi Jamaal uu ka dambeeyay mas’uul ka tirsan Somaliland oo ay is-xifaaleeyeen. Cabdi Jamaal ayaa Puntland ka soo noqday xildhibaan iyo wasiir, wuxuuna ka mid ahaa 8-dii mudane ee sanadkii hore xilka laga qaaday. PUNTLAND POST The post Siyaasi reer Puntland ah oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  10. Kulankaan oo loo qabtay qeynaha bulshada ,waxaa looga hadlay hubinta iyo taageerada ansixinta Dastuurka cusub ee joogtada ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 3-cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho. Kulankaasi waxaa laga soo saaray , baaq ku aadan in la hubiyo,lana tixgeliyo aragtida dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka naafada ah, marka la dhammaystiro dukumintiga . “Waxaan ku rajo weynahay in marka ay dhammaadaan doorashooyinka qaranku, uu jiri doono hal madal qaran oo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan falcelintii la helay. Waa in madaxdu isku timaado oo ay isku raacaan si geedi -socodka dib -u -eegista dastuurka loo dhammaystiro, ”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee federaalka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay dastuurka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay appeared first on Puntland Post.
  11. Turkey’s growing smart power approach in Somalia significant for both sides Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiliga uu qabsoomayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dib u dhac ku yimid. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha ayaa lagu iclaamiyey in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu si rasmi ah uga furmayo Afisyoone maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 21-ka Agoosto, 2021. Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka. Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa. Waxa qorshuhu ahaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, waxaana dib dhaca sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu maqna dalka Masar iyo madax goboleedyada oo aan soo wada gaarin caasimada dalka. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saaka iyo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Madaxda iyo wafdigooda ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee AADAN ABDULLE ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka banaadir, xubno ka kala socday golaha wasiirada XFS iyo Labada gole ee BFS iyo masuuliyiin kale. Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ee looga arinsanayno dardargelinta arimaha doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in madaxda kale ay maalinta berri ah soo gaaran magaalada Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho iyo R/W Rooble oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  13. At least two people were killed and several others wounded on Thursday evening in a suicide bomb explosion in the Somali capital Mogadishu, an official said. Source: Hiiraan Online
  14. Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Maqaahi ku taalay Hotel Jubba ee Muqdisho. Ilo xog-ogaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ay ku qaxweeyaan ciidanka, tiiyo keentay dhimashada ugu yaraan 5 qof, oo ciidan ku jiraan iyo dhaawac tiro badan. Qofka oo magaciisa qariyey sababo amni ayaa intaas ku daray in uu arkay meydka 3 askari, waxaa kale uu xaqiijyey in ay qaraxa ku dhaawacantay haweeneyda maqaaxida laheyd. Ilaa hadda kama hadlin hey’adaha amniga, ma jirto cid sheegatay. Source: goobjoog.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka. Sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimda Online, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxay ciidamada booliska Somaliland ka soo xireen xili uu ku sugnaa xafiiskiisa gaarka ah ee magaalada Burco. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdimaalik uu hadda ku xiran yahay saldhiga dhexe ee magaalada Burco. Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxaa maalmihii u dambeeyay taagneyd xiisad ka dhex aloosneyd Cabdimaalik iyo iskuulka Abaarso, oo uu soo fara-geliyay madaxweynaha Somaliland oo sheegay in iskuulkaas uu yahay mid ka madhan eedeymaha loo jeedinayo ee ah faafinta dhaqano lidi ku ah diinteena suuban, xili uu sheegay inuu booqasho ku tegay soona hubiyey. Cabdimaalik oo ka fal-celiyay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha isku dayayo inuu dabool saaro xaqiiqada dugsigaas, oo kal horena loo xiray arrintaasi Coldoon. Sidoo kale, Coldoon ayaa muddooyinkii dambe dhaleeceyn xoogan u jeedinayay xarunta dhaqanka ee Hargeysa, taasi oo sidoo kale uu ku sheegay inay faafiso waxyaabo ka dhan ah dhaqankeena iyo diinteenaba. Saacad ka hor unbey aheyd markii uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdimaalik, qoraal uu ku eedeynayo in Guddoomiyaha Jaamacadda Barwaaqo ee shabakadda Abaarso oo haweeney ah ay gudaha Somaliland ku faafiso gaalnimada, ayna dadka ugu yeedho si ay uga soo baxaan diinta Islaamka. Si kastaba, ma aha markii u horeysay ee ciidamada booliska Somaliland ay xiraan Cabdimaalik Coldoon, ayada oo kal hore maxkamadda gobolka Maroodijeex ay ku xukuntay xariga saddex sanno ah. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka oo ku aadan xarigiisa. The post COLDOON oo xabsiga loogu taxaabay kiisas xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qarax ayaa la sheegay in uu ka dambeyay qof naftii halige ah oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, uu soo galay maqaayad ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, balse wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wadada Jalam iyo Xarfo ayaa xirnayd muddo ku dhow 4 sano Wasaaraadda Maaliyadda Puntland ayaa maanta shirkada Isxilqaan oo ay u xirnay qeyb kamid ah wadada Garowe iyo Gaalkacyo siisay lacag dhan $750.000 oo kamid ah $1,800,000 oo la sheegay in ay tahay kharash shirkadda horay uga galay inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Lacagta la siiyay Isxilqaan Sidoo kale Wasaaraadda Maaliyadda ayaa ballan-qaaday in ay bil walba bixiso $150.000 inta harsan lacagta, waxaana madaxda wasaaradda iyo shirkaddu kala sixiixdeen heshiis arrintan la xiriira. Shirkadda Isxilqaan oo wadada u xirmayd muddo ku dhow 4 sano ayaa hadda banaynaysa, waxaana tartan cusub loo geli doonaa dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo. Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda iyo mid kamid ah madaxda Isxilqaan.. Mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo maalgelinayay Midowga Yururb oo wakiil u ahayd hay’adda GIZ ee Jarmalka ayaa istaagay 2018, markii uu hareeyay musuqmaasuq. Balse dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni iyo Midowga Yurub ayaa kawada xaajooday dib u bilaabista mashruuc, iyadoo la isku afgartay in la saxo wixii khaldamay. Midowga Yurub ayaa hadda mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaallacyo u wakiilatay hay’adda UNPOS. PUNTLAND POST The post Puntland oo lacag ku dhow 1 Milyan siisay shirkad ay u xirnayd wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  18. Ururka Macallimiinta Qaranka ayaa soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 16 qodob oo ku socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Bayaanka oo taabanaya dhinacyo badan oo kala geddisan ayaa u dhignaa sidan: 1. Wasaaraddu ha ka dignaato laalista heshiisyada sharciga ah ee lala galo shirkadaha, haayadaha iwm 2. Urur ahaan waxa aanu soo jeedinaynnaa in la saxo qaabdhismeedka wasaaradda. Nin uu wasiir magacaabay ayaa ku-xigeenku eryayaa, sida Guddoomiye waxbarasho oo gobol. Xeerjebin ayaa aannu u aragnaa 3. Waxanu ku baaqaynnaa in la siiyo lacagtooda bareyaasha dib-u-eegista iyo tifaftirka ku sameeyay manhajka 2021ka, waxa ay hawshooda dhammeeyeen dhammaadkii Juun 2021ka, laba bilood ayaa la meermeerinayaa. Waxa loo diray hawl adag oo aan hal shilin loo haynnin 4. Waa in xal laga gaadho khilaafka wasaaradda ragaadiyay ee u dhexeeya wasiika iyo agaasimaha guud, kaas oo cubbadhawray shaqadii qaranka. Wasiirku waxa uu xilka yimi isaga oo bacaysan, taladiina waa uu maroorsaday 5. Wasaaraddu yay bareyaasha u ciqaabin arrimo aan waxbarashada khusaynnin, sida dhul ay qoyska madaxweynuhu xoog ku qaadanayaan, qoraallo ay Facebook ku qoreen iyo wax an sakaaro ka biirsannin 6. Waa in noolka la bixiyo bareyaasha dhammaystay Dugsiga Tababarka Macallimiinta, isla markaana la siiyo mudnaanta shaqada ee macallinnimo. Laba sanno ayay tababar ku jireen, halka ardayda shaqo qaran ay 6 bilood tababar qaataan 7. Wasaaradda waxbarashadu ha xurmayso xeerka shaqaalaha dawladda ee dhigaya hannaanka anshaxmarinta ee sharciga ah. Waa foolxumo in la arko shaqaale anshax marinaya shaqaale kale. 8. Wasaaradda waxbarashadu ha ilaaliso xuquuqda shaqaalaha, tababarrada macallimiinta iyo xaaladaha ku gedaaman shaqaaleweynaha hoos taga maamulkeeda. 9. Waxa aan ku baaqaynnaa in halkiisa lagu hakiyo waxkabeddelka aan muqarrarka waafaqsanayn ee manhajka lagu sameeyay 2021. Waa mid qas iyo qalalaase ku ah waxdhigista iyo habraaca manhajka 10. Waa in ay meel isugu biyoshubtaan dharka ardayda ee weli qalaamarogadka ahi 11. Marka waxbarashada loo magacaabayo guddoomiye gobol, ha laga fuuryeelo cidda saaxadda barashada iyo barbaarinta ku jirta, tusaale ahaan Guddoomiyeha waxbarashada Awdal wuxuu shaqaale k ahaa wasaaradda arrimaha gudaha. 12. Caydhinta masuuliyiinta ee degdegga ahi waxa ay sababaysaa in shaqadi curyaanto, ha la joojiyo magacaabista iyo maagista aan cilmiga ku dhisayn. Jago qudha aya sannad gudihii 4 qof isaga dambeeyaan. 13. Wasaaraddu yaanay sabab la’aan u eryin ardayda deeqda waxbarasho ka heshay Itoobiya, waxa ay la kulmeen awoodsheegasho sharcijebin ah 14. Waxa aannu raalligelin buuxda siinaynnaa xildhibaannada qaranka ee Wasiir Toorno aflegaaddeeyay iyaga oo kala hadlay dan ummadeed 15. Waxa aanu soo dhawaynaynnaa in Golaha Wakiillada Somaliland u yeedhaan Wasiirka Waxbarashada, la xisaabtamaan oo qalloociisa farta u saaraan 16. Wasaaradda waxbarashadu waa inay hubiso dugsiyada keensada bareyaal shisheeye ah oo dhiga casharro ay macallimiinta dhaladka ahi bixin karaan. Allaa Mahad Leh Maxamed Bashiir Maxamed Afhayeenka Ururka Macallimiinta Qaranka Somaliland maxdjaamac@gmail.com Qaran News
  19. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021 uu ka furmi doono Teendhada Afisyoone ee Muqdisho. “Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirka ayaa horey u muddeysnaa maanta oo Khamiis ahayd, lamana sheegin sababta uu dib ugu dhacay, inkastoo loo sababaynayo safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu maqnaa dibada. Shirka Muqdisho ayaa arrimaha looga hadli doono waxaa ka mid ah diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar dibada ah ugu maqnaa dalka Masar ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo markale la muddeeyay appeared first on Puntland Post.
  20. PRESS RELEASE Invest Africa to partner with Google, KPMG, DHL, 4G Capital and Aon to support African entrepreneurs MSMEs form the backbone of Africa’s economies and are the engine of the region’s job creation drive, accounting for 70 percent of employment LONDON, United Kingdom, August 19, 2021/ — Invest Africa (www.InvestAfrica.com), the leading trade and investment platform for African markets, has launched a new programme of support for over 500 African MSMEs. The Next Generation Africa Forum (https://bit.ly/3ATvDRF) will take place virtually on 16th September using a digital platform to connect MSMEs across the Continent with practical support from leading banks, VCs, multi-national tech companies and incubators, including Google, KPMG, DHL, Aon and 4G Capital. MSMEs form the backbone of Africa’s economies and are the engine of the region’s job creation drive, accounting for 70 percent of employment. With a high proportion of informal enterprises, many of Africa’s MSMEs, which already faced significant challenges, have been hit hard by the Covid-19 pandemic. Addressing the structural difficulties that small businesses in Africa face will be essential to both the Continent’s short-term economy recovery and long-term development. African MSMEs have historically faced numerous barriers to growth. Sitting at the riskier end of the spectrum, access to private financing for early-stage businesses is challenging. Small market sizes and low levels of regional integration preclude many private investment options. Meanwhile commercial banks struggle to offer adapted loans where collateral is limited and credit assessments are often unreliable, leaving smaller businesses faced with higher interest rates than their larger peers. In sub-Saharan Africa, lending to MSMEs accounts for only between 5 and 20 percent of traditional banks’ portfolios compared to a range of 20 to 60 percent for OECD countries. Even where financing can be secured, to be successful it needs to be accompanied by technical support to combat the skills deficit faced by many MSMEs. Through a series of free to access interactive workshops, pitches and discussions, the Next Generation Africa Forum will aim to overcome such barriers, offering MSMEs the support they need to thrive in a challenging economic context. Applications are now open for MSMEs (https://bit.ly/3gdMkiI) to secure their place at the Forum where sessions will focus on building pathways to formality, preparing businesses for investment, accelerating growth and managing digital risks. Taking place during Invest Africa’s flagship event, The Africa Debate, the Next Generation Africa aims to provide a strong platform to foster collaboration between financial services, investors, entrepreneurs and policy makers. The Africa Debate regularly assembles Heads of State and Ministers from across the region as well as business leaders and international investors to discuss future avenues for sustainable growth across the Continent and encourage public-private cooperation towards development goals. Karen Taylor, CEO of Invest Africa said, “We are excited to introduce a new programme exclusively aimed at leveraging financial and business support for MSMEs at The Africa Debate this year. Through our network of over 400 businesses and investors across the Continent we have seen first-hand the challenges the pandemic has created but we have also been witness to the resilience and energy within Africa’s entrepreneurial ecosystem. The engagement we have received from our partners in the private sector and government is testament to the importance of MSMEs to Africa’s future growth and Invest Africa remains committed to leveraging our market position to support a healthy business environment for MSMEs and investors alike.” Distributed by APO Group on behalf of Invest Africa. Access Multimedia Content About Invest Africa: Invest Africa is a leading business and investment platform with a global footprint of more than 400 member companies, comprising multinationals, private equity firms, institutional investors, development finance institutions, professional service organisations, government bodies and entrepreneurs. Formerly the Business Council for Africa, founded in 1956, Invest Africa leverages sixty years’ experience in Africa to provide its members with unique information and exposure to business opportunities. The organisation regularly works closely with governments and investment promotion agencies across the Continent to encourage private sector support and international investment in line with national and international development objectives. Headquartered in London, Invest Africa also operates in four additional chapter cities: Johannesburg, Cape Town, New York and Dubai. Our vision is to play a central and influential role in Africa’s socio-economic growth by guiding sustainable capital towards key prospects on the continent. Press contact: Eleanor.brown@investafrica.com About The Africa Debate: The Africa Debate (www.TheAfricaDebate.com) is the flagship event of Invest Africa taking place from the 14th – 16th September 2021. Now in its seventh year, The Africa Debate connects the international trade and investment community with businesses across the Continent via our interactive online platform. By bringing together leading investors, businesses, policy makers and entrepreneurs the conference aims to promote the flow of sustainable financing and investment towards catalytic projects across the Continent. Over three days, 1000 businesses, investors and government officials will discuss how to best support Africa’s transformative recovery as part of the ‘Great Reset’. The Forum will open on 14th September with a half-day investment summit focused on our country partner, Ghana. The following day will see industry experts, business leaders and policy makers take the stage to debate the issues that will define Africa’s recovery before closing with a dedicated MSME financing forum on 16th September. Press contact: theafricadebate@investafrica.com SOURCE Invest Africa Qaran News
  21. (SLT-Burco)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa galabta Magaalada Burco ku xidhay Suxufi/Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la sheegay in ay goobtiisa shaqo ka soo xidheen. Ma jiro war rasmi ah oo boolisku ka soo saaray xadhigga Mr Coldoon laakiin, waxa la arkayay Muuqaallo iyo sawirro muujinaya booliska oo xabsiga u wada Coldoon. inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo laga hayo xadhigga Cabdimaalik Coldoon haddana waxa la rumaysan yahay in xadhiggiisu la xidhiidho Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Dugsiga Abaarso oo uu ku dhalliilay faafinta afkaar ka dhan ah Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida. Madaxweyne Biixi iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maalmihii la soo dhaafay si adag u difaacay goobahaas Coldoon baraha bulshada kaga faallooday dhaqan xumada uu ku eedeeyay. Madaxweyne Biixi ayaa fagaare ka sheegay hadalka uu ku difaacayo Abaarso School oo loo fahmay in uu jawaab u yahay eedaha Coldoon. Sidoo kale Wasiir Kaahin ayaa si weyn u difaacay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu sheegay in ay fadhi u tahay Abwaannada waaweyn ee Somaliland iyo aqoon yahano kala duwan, islamarkaana ay tahay xarun dhaqanka u ilaalinaysa dhallinyarada. Arrimahan ayaa muujinaya in Xukumadda Madaxweyne Biixi la safan tahay Xarumaha uu Coldoon dhalliilay, islamarkaana xadhiggiisu salka ku hayo eedaha uu xarumahaas u jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla inta u dhaxeysa xarunta taliska guud ee booliska gobolka Banaadir iyo sarta Jubba. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro khasaare nafeed, balse tirada ramiga ah ayaan weli la hayn. Caasimada Online ayaa toddobaad kahor 12-kii bishan qortay xog aan kasoo xiganay hay’adaha amniga oo sheegeysa in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo damacsan inay magaalada ka fuliyaan qaraxyo is-miidaamin ah. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. The post DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.