-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar ka mida Hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Taalibaan la soo tababartay Ka hor intii aan Al-Shabaab la aasaasin, qar ka mid ah hoggaankii hore iyo kuwa hadda, ayaa la soo tababartay ururka Taalibaan ee dalka Afghanistan. Hoggaamiyaha Al-Shabaab ee hadda Axmad Diiriye Cumar (Abu Cubaydah) iyo mid ka mid ah ragga u qaabilsan dhanka tababarada iyo ciidamada Mahad Karate, lama xaqiijinin in ay tageen Afghanistan. Blasé qaar ka mid ah kuwa ku soo tababartay Afghanistan waxay kala yihiin: Aden Xaashi Cayro Ceyro Wuxuu ahaa garabkii ciidamada ee Midowgii Maxaakiimta, wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaasha ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka mid ahaa Islaamiyiintii hubeysnaa tan iyo 2000 oo magaalada Muqdisho ka howlgalayay. Bishii May, sannadkii 2008, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Wuxuu xilligaas ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab, oo ahaa garabkii ciidanka Maxaakiimta oo markii dambe gaar u istaagay. Sannadkii 1991, ayuu Cayro ku biiray ururka Al-Qaacidda, wuxuuna tababar ku soo qaatay dalka Afghanistan, 1990-maadkii. Waxaa la rumeysan yahay in uu ka mid yahay Soomaalida la kulantay Usama Bin ladin. Axmed Cabdi Godane Wuxuu noqday hoggaamiyihii Al-Shabaab, sannadkii 2008, ka dib markii la dilay Cayro, waxaana isna duqeyn lagu dilay bishii September 2014. Wuxuu ahaa ninkii sii xoojiyay xiriirkii Al-Qaacida iyo Al-Shabaab. Axmed Godane, (oo sidoo kale loo garanayay Mukhtaar Abu Zubeyr) waxaa la aaminsan yahay in uu ka mid ahaa xubnihii ku tababartay dalka Afghanistan, sannadihii 1990-maadkii. Wuxuuna ka soo dagaallamay halkaas, xilligii Midowgii Soofiyeed laga saaray dalkaas. Wuxuu jaamacado ka soo dhigtay dalalka Sudan iyo Pakistan, waxaana la aaminsan yahay in uu fikirka kala yimid dalalkaas. In kastoo uu dalbaday in Al-Qaacida uu ka mid ahaado ururkii Al-Shabaab, haddana waxaa taas laga aqbalay 2012-kii. Mukhtar Robow (Abuu Mansuur) Mukhtaar Robow oo saaran mooto. Waa xilligii uu ka mid ahaa Al-Shabaab. Sawirkan waxaa la qaaday 2010-kii. Wuxuu ka mid ahaa madaxdii Al-Itaxaad ee 1998 ka qeybgalay dagaalkii gobolka Gedo eel ala galay itoobiya. Ka hor wuxuu lahaa dugsi quraan ku yaallay magaalada Xudur. Waxaa la rumeysan yahay in 2001-illaa 2002 uu ku sugnaa dalka Afghanistan oo tababarro uu ku soo qaatay. Wuxuuna wax ku soo bartay dalka Sudan, sida ay sheegaan qaar ka mid ah hay’adaha baaritaannada sameeya. Markii uu Soomaaliya ku soo noqday wuxuu ka mid noqday hoggaankii Midowgii maxaakiimta, ka dibna wuxuu noqday Hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab iyo Afhayeenkii ururka. Laakiin, 2013-kii ayey is khilaafeen Mukhtaar Robow iyo Axmed Godane oo ku dagaallamay magaalada Barawe. Ka dib wuxuu noqday nin gooni u taagan illaa 2017-kii oo uu isu dhiibay dowladda federaalka ee Soomaaliya. Wuxuu noqday musharrax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, dhammaadkii 2018-kii, xilligaas ayaana la xiray, welina wuxuu ku jiraa xabsi. Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole) Fu’aad Shangole Fu’aad Shangole, wuxuu ka mid yahay madaxda saree e Al-Shabaab, wuxuuna ka tirsanaa Golihii Suurada ee Midowgii maxaakiimta Islaamka. Waxaa la sheegaa in uu qeybta taageerada dhaqaalaha ururka uu qaabilsan yahay. Inkastoo aan la caddeynin xilliga uu tagay Afghanistan, haddana waxaa la rumeysan yahay in Xuduudda Pakistan iyo Afghanistan uu ku tababartay, halkaasna uu ka soo qaatay fikirka Al-Qaacidda. Ibrahim al-Afghani (Sawir lagama hayo) Madixii dhaqaala, iyo Amiirkii Jubbooyiinka iyo mid ka mid ah aasaaseyaashii Al-Shabaab, ayuu ahaa ka hor intii aan lagu dilin magaalada Baraawe ee Shabeellaha Hoose. Wuxuu ku dhintay dagaal dhexmaray isaga iyo rag daacad u ahaa Axmed Godane sannadkii 2013-kii, sida ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab. Wuxuu magaciisa dhabta ahaa Ibrahim Xaaji Jamac, wuxuuna ka mid ahaa raggii ku soo tababartay dalka Afghanistan, intii ay maamulayeen Taalibaan, 1990-maadkii. Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninkii isku xirayay Al-Qaacida iyo xagjiriintii Soomaaliya. Wuxuuna si dhow ula shaqeyn jiray raggii ajaaniibta ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa, sida Fazul Cabdalla, Saalax Nabhaan iyo Al-Mansuur Al-Imriiki oo dhammaanbtood lagu dilay Soomaaliya. Khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Godane wuxuu ka bilowday warqad uu u diray Ayman Al-zawaahiri oo uu ku dhalleeceynayay hoggaanka Godane. Arrinta warqaddaas waxaa baahiyay bogagga Al-Shabaab ka hor intii aan la dilin Ibrahim Al-Afghani. Qaran News
-
Taliban oo bilowday Baadigoobka Dadkii u shaqayn jiray Reer Galbeedka Daalibaan ayaa sare u qaaday baadi-goobka dadka u shaqeeya ciidammada Nato ama xukuumaddii hore ee Afgaanistaan, sida uu ka digay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay. Waxay sheegtay in kooxdu ay guri kasta ay baadhayaan si ay u helaan bartilmaameedyadooda, iyaga oo u hanjabaya xubnaha qoyskooda. Kooxdan Taalibaan ayaa isku dayaysey in ay niyadda u dejiyaan reer Afghaanistaan tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, iyaga oo ballan qaaday inaysan jiri doonin “aargoosi”. Laakiin waxaa jira cabsi laga qabo in Taalibaan ay haddu wax yar iska beddeshay tii hore ee 1990-maadkii oo lagu eedeeyey in ay fashay falal aad looga naxay. Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso “caawiyayaashii reer Galbeedka” waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN. “Waxaa jira shaqsiyaad aad u tiro badan oo ay hadda bartilmaameedsanayaan Taalibaan, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysay warbixinta, oo la hadlay BBC. “Waxaa jiray qoraal ah, ‘haddii aysan isa soo dhiibin mooyee, Taliban in ay xidhi doonto oo dacweyn doonto, su’aalona weydiin doonto oo ciqaabi doonto xubnaha qoyska iyagoo matalaya shakhsiyaadkaas.” Waxa uu ka digay in qof kasta oo ku jira liiska madow ee Taalibaan uu ku jiro khatar aad u daran, ayna dhici karto in dad badan la dilo. Taalibaan ayaa qabsatay Kabul Axaddii, iyagoo ku baahay dalka oo dhan markii ciidamada shisheeye ay isaga baxeen. Guushoodu waxay kooxda ku soo celinaysaa awoodda 20 sano ka dib markii lagu afgambiyay duullaankii uu Maraykanku hoggaaminayay. “Kooxdii hore ee awoodda lahayd waxay faleen xad-gudubyo baahsan, oo ay ka mid yihiin dil dadweyne iyo ka mamnuucidda haweenka goobaha shaqada.” Laakiin shirkoodii jaraa’id ee ugu horreeyay tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Afghaanistaan, kooxda waxay soo bandhigtay cod dhexdhexaadin ah, iyagoo ballanqaaday xuquuqda haweenka in la ixtiraami doono “iyo in la raacayo shareecada Islaamka”. The warning comes despite the Taliban saying they would not carry out revenge on Afghans Waxa kale oo ay sheegeen in aysan doonayn “wax cadow ah oo gudaha iyo dibaddaba ah” ayna jiri doonto cafis loo fidin doono xubnihii hore ee ciidamada ammaanka iyo kuwa la shaqeeyay quwadaha shisheeye. Awoodaha caalamiga ah – iyo qaar badan oo reer Afghaanistaan ah – ayaa weli shaki ku jira. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in awoodda kaliya ee Taliban ay tahay rabitaanka xagjiriinta ee aqoonsi caalami ah. Mar la weydiiyay ‘haddii uu u malaynayo in Taliban ay is -beddeshay,’ Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku jawaabay “maya”, isagoo intaa ku daray in kooxda ay wajahayso “jiritaan” doorasho oo ku saabsan haddii ay rabaan in la aqoonsado. Qaran News
-
Mawqifkay Xildhibaan Ilhaan Cumar ka qaadatay Afganistaan & Qabsashada Taliban Daad-gureyn ballaaran ayaa ka socota Afghanistan ka dib markii horraantii toddobaadkan ay xoogagga Taliban la wareegeen talada dalkaas. Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha militariga dalkaas ee ku sugan Kabul ay la hadlayaan taliyeyaasha Taliban si ay dadka u dhashay Afghanistan iyo Ameerikaankuba ugu fududeeyaan inay galaan garoonka. Xildhibaannada Mareykanka ayaa ka falcelinaya doorka dalkaas ka dib 20 sano oo uu Mareykanka faragelin ku hayay Afghanistan. Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka. Qoraal ay Isniintii soo saartay ayay ku tiri “shakhsiyan waa xanuun,” iyadoo ula jeedda taariikhdeedii iyada iyo qoyskeeda sida ay uga soo qaxeen Soomaaliya. “Musiibadu ma aysan billaaban labadii toddobaad ee ugu dambeeyay,” ayay qoraalkeeda ku tiri: “Runtu ku saabsan dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Mareykanka waa kaas 20 sano ah, waxaanu qaadnay ballamo aynaan oofin karin.” Ilhaan mar wax laga weydiiyay falcelinteeda ku aaddan inay aragto boqollaal u dhashay Afghanistan oo isku ciriirinaya diyaaradda Mareykanka oo sii kaceysa iyo qaskii ka dhacay garoonka, ayaa waxay sheegtay inay tahay wax aad looga naxo. “Eeg waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad tahay ilmo ku dhex jira qoys la hardamaya inay badbaado ku helaan dal uu dagaalku ragaadiyay.” “Runtii tiiraanyo ayay nagu tahay inaan daawanno waxa aynu arkeyno, iyo aniga ahaanna, inaan ahay qof awood leh oo haatan isku dayeysa inay saameyn ku yeelato siyaasadda. Waxaan ahay qof gebi ahaanba u heysata in madaxweynuhu uu soo afjaro dagaalkii ugu muddada dheeraa Mareykanka. Balse dhammaadka dagaalkan kama dhignaan karto dhammaadka taageeradeenna dadka Afghanistan. Mar wax laga weydiiyay in maamulka Joe Biden uu ku fekeray inay tan soo socoto, markii uu go’aansanayay in ciidamada laga saaro Afghanistan ayaa waxay Ilhaan sheegtay inay rumeysan tahay in weli ay heystaan waqti badan oo looga soo horjeesto guuldarrooyinka badan ee siyaasadda Afghanistan ee muddada dheer iyo afar madaxweyne. Waxay sheegtay in waxa ay haatan diiradda saarayaan ayna maamulka kala hadlayaan ay tahay sidii qof walba oo Afghanistan u dhashay qeybna ka ahaa howlgalka Mareykanka looga soo qaadi lahaa dalkaas loona badbaadin lahaa. Ilhaan ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu amray $500 milyan oo doollar oo lagu caawiyo Afghanistan, taasna ay bilow tahay. “Waxaynu sidoo kale la hadleynay hay’adaha dib u dejinta oo diyaar la ah caawinaad. Awood way leeyihiin. Waaxaha dowladda waxay u baahan yihiin inay la shaqeeyaan.” Ayay tiri Ilhaan. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa qirtay in guusha degdegga ah ee ay Taalibaan gaartay ay “aad u dhibsan doonaan” dad badan oo Mareykan ah oo xiriir la leh Afghanistan. Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambeysay tallaabadii uu Mareykanka ku galay Afghanistan ay “waligeedba ahayd sidii looga hortagi lahaa weerarrada argagixisada ee ku wajahnaa dalka Mareykanka,” iyo “in aan marna loogu talo galin in ay qeyb ka noqoto howl la xiriirta sameynta dimuraaddiyad mideysan oo ka hirgasha dalkaas”. Ciidamada Mraykanka ayaa Afghanistan ka dagaallamayey ku dhawaad 20 sannadood, ka dib weerarkii argagixiso ee 11 September ee sannadkii 2001-dii. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray degmada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta degmadaas dil loogu geystay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo caan ka ahaa Caabudwaaq. Ninka la dilay ayaa waxaa rasaas ku furay Nin kale oo ay is-af-dhaafeen, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadooda, kuwaasi oo sababay geeridiisa, waxaana lagu soo waramayaa in Ninka dilka geystay oo ka baxsaday goobta ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliska degmada Caabudwaaq, kadib howl-galo ay sameeyen. Ciidamada ayaa xabsiga dhexe ee degmada Caabudwaaq ku xiray Ninka dilka geystay, waxaana billaabaneysa baarista kiiskaas, sida ay sheegen saraakiisha amaanka. Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo kamid ah degmooyinka ugu amniga wanaagsan deegaannada maamulka Galmudug, ayaa haddana waxaa mararka qaar ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dil toogasho oo ka dhacay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha Flydubia iyo Air-arabia aanay duulimaadyo ka bilaabi karin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ka helayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Sida ay muujinayso warqad uu soo saarey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya Axmed Macallin Xasan, labadan diyaaraddood ayaan loo ogoleyn in duulimaadkooda bilaabaan illaa ay helaan ogolaanshaha hay’adda. Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dhawaan sheegtay in shirkadaha Flydubia iyo Air-arabia ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadoodii garoonka Hargeysa, kadib muddo ay hakad ku jireen, balse ilaa hadda wax duulimaad ah may bilaabin. Warqadda kasoo baxday Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa ku taariikheysan: July 31, 2021. Source
-
Toronto (Caasimada Online) – Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada. Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay. Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%. Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia. Cali ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka, wuxuuna idaacada VOA-da oo uu la hadlay u sheegay in xilkaan uu isugu taagay si uu wax uga qabto baahida dadweynaha ee taagan, taasi oo uu xusay inuu golahaas ugu adeegi doono. Sidoo kale waxa uu sheegay in gobolkaas oo aysan ku badneyn Soomaalida uu ku helay codadka uu ku guuleystay inay u suurta-galisay kaalintiisa uu ku leeyahay arrimaha bulshada iyo u ololeynta dadka soo galootiga. Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhanka Iskuulada iyo waxbarashada ee ka taagan gobolka laga doortay, islamarkaana uu hirgelinayo sharci ka hor-imaanaya Islaam naceybka. The post Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in kantaroolka Boosaaso lacago lagaga qaado dadka ka imaanay magaalooyinka kale. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas la xiriira in kantaroolka Boosaaso lacag lagaga qaado dadka soo geliya magaalada, si looga baaro xanuunka COVID-19. Taliyaha ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaas, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado in ay faafisay wararkaas been-abuurka ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo beeniyay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post.
-
As Ethiopia’s civil war spreads out of Tigray, the government of Africa’s second-most populous nation is under increasing threat. The northern region’s leaders are forming alliances with groups including a rebel army from the Oromo, the country’s biggest ethnic group — an ominous historical sign for Prime Minister Abiy Ahmed. The Tigray People’s Liberation Front overthrew the communist Derg regime in 1991 and dominated Ethiopian politics for the next 27 years. This wasn’t what Abiy envisaged when he sent his army into Tigray 10 months ago. He promised a swift conflict in retaliation for an assault on an army base. But the TPLF has since regained control of the province and its forces are pushing into neighboring Amhara and Afar. Female soldiers of Tigray Defence Force celebrate in Mekele, the regional capital. Photographer: YASUYOSHI CHIBA/AFP While their end-game is unclear, a repeat of 1991 seems unlikely. “They want a transitional government in Addis Ababa,” said Connor Vasey, an analyst at Eurasia Group. “We are a long way off saying this is a 1990s redux.” What is clear is that Abiy’s campaign to centralize power in the capital is in tatters. With many regions seeking more devolution, the conflict threatens the integrity of the state, according to a key Western diplomat, who asked not to be identified citing the sensitivity of the matter. Abiy’s authority is at serious risk unless he can find a way to force the Tigrayans back. The Nobel peace prize winner has awakened more enemies than just the TPLF.“We have one thing in common and that is we are fighting the same enemy,” said Kumsa Diriba, the commander-in-chief of the Oromo Liberation Army. Source: Bloomberg The post What does Tigray want? appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo shir guddoominayey kulanka golihiisa wasiirada, ayaa farriin cusub hawada u mariyey waddamada Yurub, si ay u qaadan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan. Waxa uu sheegay in Turkiga uusan noqon doonin wax uu ugu yeeray “qaybta kaydinta muhaajiriinta ee Yurub”, xilli uu dalkaas ka jiro qalaalase kaddib qabsashadii kooxda Taalibaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaadato mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran, oo xiligan marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga. Tan iyo markii Taalibaan ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul, muuqaallo fowdo ah ayaa soo ifbaxayey, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay doonayaan inay ka baxaan dalkooda, iyagoo ka baqaya in Taalibaan ay ku soo rogto xukun la mid ah midkii 20 sano kahor. Waxaa lasoo warinayaa in Kumanaan qof ay u soo tallaabeen dalka Turkiga toddobaadyadii la soo dhaafay, midaasi oo horudhac u ah mowjado muhaajiriin ah oo raba inay dalkaas gaaran, waana midda la rumeysan yahay inay keentay fariinta uu Erdogan u dirayo dalalka Yurub. Erdogan ayaa sidoo kale kal hore shaaca ka qaaday in Turkigu uu diyaar u yahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu yiri. The post Madaxweyne ERDOGAN oo farriin kulul u direy YURUB appeared first on Caasimada Online.
-
Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoorre, ayaa si adag uga hadlay xarigga xalay magaalada Hargeysa loogu gaystay, Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland. Cabdiraxmaan Dhoorre, ayaa af-duub iyo sharci-darro ku tilmaamay xabsiga Somaliland gelisay wasiir hore Cabdijamaal Cismaan, oo kamid ahaa 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland. Siyaasi Dhoorre, ayaa hay’adda Sirdoonka Puntland ku eedeeyay, in ay ka dambaysay xarigga Hargeysa loogu gaystay Ex. Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan, islamarkaana arrintaas la kaashatay Somaliland. “Af duubka lagula kacay Xildhibaan Cabdi Jamaal Waa sharci daro iyo xadgudub loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo safar ku jira waxaana ka danbeeya sirdoonka Puntland oo kaashayanaya ka Somaliland” ayuu yiri Dhoorre. Sidoo kale, wuxu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddiisa loogu celiyo siyaasiga, isago ku hanjabay in cawaaqib-xumo laga dhaxli doono, haddii xabsiga lagu sii hayo. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Dhoorre oo sirdoonka Puntland ku eedeeyay Xarigga Cabdijamaal appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar culus oo ku bilowday isqarxin kusoo qaaday saldhigga ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa dhawaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada Afgooye, wuxuuna dagaalka socday ku dhawaad 2 saac. Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday isla markaasna ay gaarsiiyeen khasaaro xoog leh. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay la wareegtay deegaanka Sabiib oo illaa 8Km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, isla markaasna ay dagaalka ku qabsatay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan. Warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sanad ka hor la wareegay deegaanka Sabiib kadib dagaalo culus oo halkaas ka dhacay, kooxda Al-Shabaab ayaana wixii markaas ka dambeeyey dhowr jeer weeraro gaadmo ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Dowladda. The post Dagaal ismiidaamin ku bilowday oo ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Sabiib appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia has announced that the National Consultative Council (NCC) will convene in Mogadishu on August 21. Source: Hiiraan Online
-
Afghanistan shows that billions of dollars and years of international support aren’t enough. Somalia’s insecurity problem needs a Somali solution. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Bile Hassan Muhyadin, 26, aims to start his own garage after gaining training and experience at Kalabeer motorcycle repair shop in Mogadishu, where he now repairs more than 50 bikes a month, earning around $200. Source: Hiiraan Online
-
Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Daalibaan ayaa bilowday baadi-goobka dadkii u shaqeyn jiray ciidamada NATO iyo xukuumaddii hore ee Afgaanistaan sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda Daalibaan ay guri kasta ka baadi goobeyso si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka u shaqeyn jiray isbaheysigii weerarka ku qaaday Afgaanistaa. Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdaan ay hanjabaad u direyso dhammaan dadkii laasoo shaqeyn jiray Dowladdii hore, waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in arrintaan ay tahay mid halis ku ah dhammaan dadkii lasoo shaqeeyey xukuumaddii hore. Kooxda Daalibaan ayaa isku dayeyso inay dadka Afgaanistaan ku qanciso inaysan jirin cid ay ka aargudaneyso, waxayna soo direyn farriimo kala duwan tan iyo markii ay gacanta ku dhigeyn Caasimadda Kabul. Laakiin waxaa jira cabsi laga qabo in Taalibaan ay hadda wax yar iska beddeshay tii hore ee 1990-maadkii oo lagu eedeeyey in ay fashay falal aad looga naxay. Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso “caawiyayaashii reer Galbeedka” waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN. “Waxaa jira shaqsiyaad aad u tiro badan oo ay hadda bartilmaameedsanayaan Taalibaan, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysay warbixinta, oo la hadlay BBC. “Waxaa jiray qoraal ah, ‘haddii aysan isa soo dhiibin mooyee, Taliban in ay xidhi doonto oo dacweyn doonto, su’aalona weydiin doonto oo ciqaabi doonto xubnaha qoyska iyagoo matalaya shakhsiyaadkaas.” Waxa uu ka digay in qof kasta oo ku jira liiska madow ee Taalibaan uu ku jiro khatar aad u daran, ayna dhici karto in dad badan la dilo. The post Daalibaan oo bilawday baadi-goobka dadkii u shaqayn jiray reer galbeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Al-Shabaab militants have claimed responsibility for the suicide bombing attack in Somalia's capital Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi. Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan ugu eedeyneysay Imaaraadka Carabta inay maal-geliyeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii. Hase yeeshee kulankii Arbacada ayaa loo arkaa “bilowga waa cusub” oo u baryey xiriirka labada dil, sida uu sarkaal sare oo Turkish ah u sheegay Middle East Eye. Turkey ayaa kulankan u aragta tallaabo muhiim ah. Tahnoun bin Zayed waa sarkaalka ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ee sirdoonka qaranka, arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dbibedda, iyo qorshayaasha sirta ah. Sidoo kale, wuxuu ku hooyo yahay madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, wuxuuna ku hooyo iyo ku aabe yahay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan. “Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la kulano Mohamed bin Zayed maalmaha soo socda,” ayuu yiri Erdogan Arbacadii, isaga oo intaas ku daray in kulanka la diyaariyey kadib wada-hadallo ay yeesheen hay’adaha sirdoonka labada dal. “Waxaan rajeynaa inaan xalin doonno dhibaatooyinka gobolka, maadaama aan nahay dad isku dhaqan iyo isku diin ah.” Ayada oo maamulka Biden uu hadda ka taliyo Mareykanka, saraakiisha Turkey ayaa rumeysan in Abu Dhabi ay dareemeyso go’doon iyo cidlo xilli ay wajaheyso halis uga iman karta Iran. “Kaligood ma hor-istaagi karaan Tehran,” ayuu yiri sarkaal Turkish ah. “Aad ayey uga argagaxsan yihiin ka bixitaanka Mareykanka ee gobolka, waxayna dib u qiimeynayaan mowqifyadooda.” Xiriirka Imaaraadka Carabta ee xulafadeeda ugu dhow ee Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale dhowaan xumaaday, ayada oo labada boqortooyo ay ku loolamayaan inay soo jiitaan maal-gashiga shisheeye, kuna kala tageen dagaalka musiibada ah ee Yemen. Riyadh ayaa bishii tagtay mamnuucday u safarka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira kiisaska Coronavirus ee sare uga sii kacaya, tallaabadaas oo saraakiisha Turkish-ka ay u arkeen mid siyaasad ay ka dambeyso. Cayaar fog Imaaraadka Carabta ayaa shukaaminayey Ankara tan iyo bilowgii sanadkan. Bishii Janaayo, wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa soo jeediyey in xiriirka labada dal dib loo hagaajin karo. “Wax dhibaato ah kuma qabno Turkey, sida arrimo xuduud iyo arrimo kale,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in haddii Ankara ay joojiso taageerada ay siiso Ikhwaanul Muslimiin, ay labada dal saaxiibi karaan. Imaaraadka ayaa kadib fududeeyey cadaadiskii uu ku hayey ganacsatada Turkish-ka, waxayna dib u billaabeen duuliaadmyadii u dhaxeeyey Istanbul iyo Dubai iyo Abu Dhabi. Turkey ayaa dhankoodana dhowaanahan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ka mid tahay inay ka codsadeen taleefishin ay mucaaradka Masar ku leeyihiin Turkey inuu joojiyo barnaamij siyaasadeed caan ah, tallaabadaas oo ay soo dhoweeyeen Imaaraadka Carabta. Waqtigii hore loo socon lahaa Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in isaga iyo Tahnoun bin Zayed ay dejiyeen qariidad ay Imaaraadka maal-gashi ugu sameysanayaan Turkey mustaqbalka. Dhaqaalaha aan shidaalka aheyn ee Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay hoos u dhacay 6%, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah oo rumeysan in Abu Dhabi ay fursad dhaqaale ka aragto Turkey, oo la filayo in dhaqaalaheeda uu sanadkan kobco 5%. Qatar oo ah xulufada ugu weyn ee Turkey ayaa sidoo kale balaayin dollar ku maal-gashatay dalkaas. “Khilaafka ugu weyn ee la xiriira Ikhwaanul Muslimiin waa uu dhintay hadda, sababtoo ah ma jirto meel ay hadda ka taliyaan,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turkish ah. The post Imaaraadka oo u cararay Erdogan kadib markii go’doon siyaasadeed ay galeen appeared first on Caasimada Online.
-
The impoverished Sahel state of Burkina Faso was plunged once more into mourning on Thursday, as the toll of people killed by suspected jihadists the day before climbed from 49 to 80, including 65 civilians. Source: Hiiraan Online
-
Four years after surviving a near-death experience following an attack by gunmen in Mogadishu which left him disabled and on a wheelchair, 16-year-old Mustafa Hassan Awad has launched a foundation dedicated to enhancing the lives of Somali children with disabilities. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa wajaheysa caqabad cusub, hase yeeshee haddii marar badan lagu eedeeyey inay ka socon la’dahay Farmaajo, waxay hadda u xayiran tahay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Oline, loolan xooggan oo salka ku haya damac iyo dano siyaasadeed oo ka dhex-jira madax goboleedyada dalka, ayaa meesha ka saaraya in doorashada lagu soo dhammeeyo sanada 2021 gudihiis. Madax goboleedyada dalka iyo Rooble ayaa la filayaa inay Muqdisho ku kulmaan Sabtida kadib markii kulan lagu waday inuu dhex-maro 19-ka bishan uu u baaqday safarka uu ra’iisul wasaaraha uga maqan yahay dalka. Sida aan xogta ku helnay, kulankaas ayaa waxaa horyaalla laba qodob oo xasaasi ah oo kala ah ah: 1- Habraaca doorashada golaha shacabka: Madax goboleedyada ayaa si aad ah u doonaya inay soo saaraan ama lasoo saaro habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga, si ay doorashada golaha shacabka ugu dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn. Ayaga oo fahamsan qorshaha madax goobleedyada, ayey guddiga doorashada soo saareen habraac doorasho oo lagu soo beegay laba malamood kahor shirkii baaqday ee 19-ka bishan. Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo. Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuq-maasuqay, ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed. Si taas looga hortago, Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa soo saaray habraac doorasho, oo lagu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo. Xubno ku dhow Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka. 2- Deegaan doorashada: Waxaa weli jira isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada golaha shacabka oo laga dhigo hal magaalo. Qorshahan oo dhowr mar la isku dayey, balse la isku raaci waayey ayaa mar kale miiska saaran. Madaxda maamul goboleedyada intooda badan ayaa doonaya in deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo, si gaar ahna Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni. Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, sidaas darteedna way ku adag tahay in doorasho ay ku qabtaan Garbahaarey iyo Beledweyne. Saciid Deni, kuma adka inuu doorasho ku qabto Boosaaso iyo Garoowe, hase yeeshee wuxuu ugu daneynayaa saaxiibkiis Axmed Madoobe. Dhanka kale, qorshahan ayaa waxaa aad uga soo horjeeda madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ku adkeysanayaa inaan heshiiska doorashada wax laga beddelin. Ma cadda sababta uu Qoor Qoor ugu dheggan yahay laba magaalo, balse waxaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Haddii aan doorasho lagu qaban Garbahaarey, wuxuu Farmaajo weynayaa maamulka 16-ka xildhibaan ee halkaas lagu soo dooranayo. Waxaan weli caddeyn mowqifka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo mar taageersanaa in hal deegaan doorasho laga dhigo doorashada, sababo la xiriira amniga magaalada Baraawe, balse waxaa la sheegayaa in hadda uu isagana wajahayo cadaadiska Villa Somalia. Labadan qodob, ayaa haddii aan xal laga gaarin, waxay sii dheereyn kara xarig-jiidka doorashada Soomaaliya. The post Damaca iyo dagaal ka dhex qarxay madax goboleedyada oo halis gelinaya doorashada appeared first on Caasimada Online.