-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddooyinkan joogay waddanka Turkiga, ayaa saaka dib ugu laabtay Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan, in diyaarad khaas ah Muqdisho keentay Mr. Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Maalmo ka hor, diyaarad Turkiga ka soo qaadday Fahad Yaasiin ayaa saacado lagu xannibay caasimadda waddanka Jabuuti, waxaana dib loogu celiyay Turkiga. Fahad Yaasiin ayaa laga sugaya in uu Golaha Amniga Qaranka la wadaago warbixin ku saabsan kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo saaka diyaarad khaas ah gaysay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhex-dhexaadintii laga dhex-waday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmay, ayada oo isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka. Dhinacyadan ayaa marka hore la kulmay madaxweyne Farmaajo, ayaga oo dhageystay waxa uu doonayo iyo qodobada uu ka tanaasuli karo, si heshiis loo gaaro. Kulanka Farmaajo kadib ayaa dhinacyada waxay haddana la kulmeen ra’iisul wasarae Rooble, ayada oo markii dambe ay guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoor Qoor ay ku hareen ra’iisul wasaare Rooble. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro. Waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro, maadaama qodobada la isku hayo ay yihiin kuwa aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday. Waxaa si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya. The post Dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble oo xalay dib loo billaabay iyo xog ku saabsan appeared first on Caasimada Online.
-
La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa goordhoweyd ka degay garoonka Aadan Cadde Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa waxaa siday Diyaarad Khaasa, Waxaana laga soo gelbiyay Garoonka Diyaaradaha. Fahad Yaasiin ayaa maalmo ka hor laga celiyay Garoonka Jabuuti. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Darbo Weyne oo sheegay inuu macalin u ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhaliilay hab maamulkiisa iyo in uu jeebka kala soo baxay dhaqan qaab daran, xilli ay ka dhamaaday afartii sano ee la doortay. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wax badan ka xishoonayo, si dalka aysan uga dhicin dagaal hor leh, isagoona ku taliyey in lagu ixtiraamo oo looga dambeeyo arrimaha dalka, xiliga kala guurka. “Ninka la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dhumiyay ninkii ka horeeyay Rooble, ninkastana in sidaas uga aamusayo ayuu u maleynayey, Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay muu dhihin hal berri dadkayga waxaas ma istaagan,” ayuu yiri. “Waxaa kula dar-daarma (Ra’iisul Wasaare Rooble) hunguri meesha kuma keenin, waxaa ku keenay sharaf iyo in aad bad-baadiso umaddan, maanta sharaf waa ku taagan tahay ha ka leexan.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba xaqeeda la duudsiin karo Ikraan Tahliil, oo kiiskeeda ay si weyn ugu kala fogaadeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha. Ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha oo lala qaato nabada iyo maslaxa uu wado, si doorasho loo gaarsiiyo dalka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Macallinkii Farmaajo oo ka hadlay hab maamulkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maamul cusub u magacaabay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kadib xilka qaadis lagu sameeyay maamulkii hore. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Caabudwaaq loogu magacaabay inuu noqdo Faarax Cabdulle Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka degmada laga dhigay Liiban Cabdi Cali. Sidoo kale Cali Daahir Ciid ayaa Xoghayaha Caabudwaaq u magacaabay Faarax Cali Warsame, waxaana dhammaan Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabayla faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa kaloo hay’addaha amniga Maamulka ku amray inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Caabudwaaq, ku-xigeenkiisa iyo Xoghayaha, si loo dardar-geliyo shaqada degmada. Gal PUNTLAND POST The post Galmudug oo maamul cusub u magacowday degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.
-
Buulo-Burde (Caasimada Online) – Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qarxiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde. Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gabaadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhismihii garoonka diyaaradaha. Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku burburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde. Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha amiirada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaalada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab. “Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi. Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka deegan yihiin magaalada oo aysan waxaba u geysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan. “Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burburineysaan waa guryihii ay wada laheed umadda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli meynee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dabada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasaska Al-Shabaab oo muran dhalisay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann. Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbarashada oo ay wadaan Wasaaradda Waxbarashada, Bahwadaagta Waxbarashada iyo sida ay Wasaaradda uga go’an tahay inay xaqiijiso baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh, loona dhan yahay. Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celisay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guulaha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jibbaaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxbarashada iyo farsamada gacanta si loo horumariyo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Arrimaha Waxbarashada appeared first on Puntland Post.
-
Sida caadiga ah Maxkamadda markii ay gebo-gabayso dhagaysiga Dacwadda waxa ay gashaa showr ay kaga doodayso Kiiska hor-yaalo “deliberations”, marka ay Garsoorayaasha u codeeyaan cod aqlabiyad ah ama go’aan kali kali ah hadba sida ay u dhacdo codaynta sida ay jideenayaan Qodobada 55, 57 Xeerka Maxkamadda ICJ iyo Qodobka 95/2 Xeer hoosadka Maxkamadda ICJ (rules of court, 1978), waxa uu farayaa Xeerka in la xadido ku dhawaaqista fadhi furan ama xiran marka ay jiraan xalado, laguna war-galiyaa dhinacyada Wakiiladoodo in lagu dhawaaqayo Dacwadda sida ku xusan Q. 94/1-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda “rules of court, 1978” iyo Qodobka 58-aad ee Xeerka Maxkamadda “ICJ STATUTE”. Sida uu xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed Maxkamadda waxay ku war-galisay dhinacyada in ay xukun kasoo saari doonto 12 October 2021, taas oo ka dhigan sida ay jidaynayaan qodobadaas in lagu dhawaaqayo Xukunkii Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, lana soo dhameeyey. Awoodda Xukunka ICJ Xukunka Maxkamadda ICJ kasoo baxaa waxuu qasab ku yahay dhinacyada uu ku soo baxay in ay u hoggaansamaan, sida ku cad Qodobka 59-aad Xeerka Maxkamadda iyo Qodobka 94/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda, haddii dhinaca laga guulaystay si iskiis ah u fulin waayo waxaa loo gudbinayaa Golaha Amaanka QM si uu uga-qaado Tallaabooyin amni sida ku cad Q. 94/2-aad ee Cahdiga Qaramada Midoobay. Mar hadii lagu dhawaaqo xukunka ICJ, dib maloo furi karaa mar kale?. Xukunka Maxkamadda ICJ waa mid Kama dambays ah, mana leh rafcaan sida ku cad Q. 60/1-aad ee Xeerka Maxkamadda balse waa dhici kato xaalado kooban oo dib-loo furi karo, Waxaa kamid ah xaaladahaas; 1- Marka uu ka yimaado dhinac codsi la xariiro Fasiraada xukunka ““Requests for the Interpretation“ ama codsi fasiraad baaxadia xukunka “scope of the judgment “. Marka dhinaca wax codsaday uu soo gudbiyo meelaha uu rabo in la fasiro ama la cadeeyo dhinaca kale waxa uu xaq u leeyahay in uu kasoo jawaabo, waxaa nidaminayo Q. 98-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda 2- Waxaa kale oo dhinaca qasaaray uu dalban karaa dib- u eegis in lagu sameeyo xukunka haddii uu helo xaqiiqooyin cusub oo wax-karatayo Dacwadda kana maqnayd, taas oo aan ku dhicin gaabis dhankiisa ah, waana in lagu dalbadaa 6-bilood gudahood, waxaana dib loo furi karaa Dacwadda, sida ay nidaaminayaan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda iyo Q. 99-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda. 3- Haddii ay jiraan wax-kabadalo ama ku daris ay dhinacyada isku raacansyihiin una soo gudbiyaan Maxkamadda maxkamadda waxay leedahay tix-galin marka laga reebo xaalado koobaan “MODIFICATIONS PROPOSED BY THE PARTIES “ sida uu Nidaaminayo Q. 101-aad ee Xeer-hosaadka Maxkamadda. Maxay Soomaaliya filanaysa maxkamadda ICJ? Dooda Soomaaliya ee qaabka Xaddeynta badda ee ku salaysan “Equidistance principle” waa mid wafaqsan Heshiiska Caalamiga ee badaha, The United Nations Convention on the Law of the Sea “UNCLOS 1982” iyo Xeerarka badda Soomaaliya Xeer n. 37, 1972-dii, Xeer N. 5, 1989-kii iyo Xeerarka badda Kenya ” Territorial Waters Act 1972, Act No. 2 of 1972), “The Maritime Zones Act, 1989”. Sidaas darteed waxay ka qabtaa rajo wayn in Maxkamadda ay taageeri doonto doodeeda, waxaa kale oon badnayn in ay dalbato Kenya Dib u eegis maadama aysan jirin xaqiiqooyin maqanan oo la ogyahay, horeyna ay isu difaaci waysay, balse way dhici kartaa in ay codsi fasiraad dalbato. W/Q. Cali Sheekh Aadan Yusuf “Cali Somali”. Calisomali400@gmail.com The post Ku dhawaaqista xukunka ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya – Tallaabooyinka xigi kara iyo filashada Somalia (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray uga digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. “Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken. “Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweyneyso ballan-qaadka labada mas’uul ee ku aadan hanaanka doorashada, hase yeeshee ay ka walaacsan tahay in doorashada ay mar horeba dhowr bil dib uga dhacday jadwalkeeda. “Dib u dhac kale oo dheeri ah wuxuu sare u qaadayaa suurta-galnimada rabshado, wuxuuna fursad siinayaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah ee raadinaya inay dalka ka abuuraan xasillooni darro,” ayuu yiri Blinken. Blinken ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay ka fogaadaan soo saarista qoraallo kale oo dareen kicin ah ama ay qataan ficillo xasarad abuur ah, ayna khilaafyadooda ku aadaan magacaabista xilalka ku xaliyaan si nabad ah. “Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri. The post Blinken oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
The Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) of the Federal Republic of Somalia has signed a historic formal agreement with the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations to transfer the Food Security & Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and the Somalia Water & Land Information Management (SWALIM) Programs from FAO to the SNBS. The transfer will happen through a three-phased approach that is expected to conclude within three years. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) - The Chinese Embassy in Somalia said on Monday it will organize a China-Somalia Friendship Photo Contest to help enhance bilateral relations ahead of the 72nd anniversary of the founding of the People's Republic of China. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 60-sano Jir lagu magacaabo Powell oo u dhashay dalka Congo, kana tirsan Shaqaalaha Shirkadda UBC Coca Cola ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka, kadib dhowr sano oo uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya. Xaflad loogu dhigay magaalada Muqdisho ayuu Powell ku sheegay inuu qaatay Diinteenna suuban ee Islaamka, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid ku qasabtay qaadashada Diinta Islaamka oo isagu uu go’aankaas gaaray. “Waxaan maanta ku dhawaaqayaa anigoo magaceyga cusub uu yahay Jabriil, inaan muslim ahay oo qofna uusan igu qasbin inaan Muslimo, waa go’aan aan kaligey soo gaaray, waxaan idinka codsanayaa inaad igu caawisaan inaan Diinta sii barto, si aan markaan dalkeyga ku laabto Diinta Islaamka u sii faafiyo,” ayuu yiri Jabriil. “Waxaan aaminsanahay inuu Alle iisoo diray Soomaaliya, si aan u muslimo, xoogaa ayaan hadda Diinta ka fahamsanahay,” ayuu sii raaciyey. Jabriil ayaa Xafladdaan oo lagu qabtay Xarunta UBC Coca Cola ka sheegay in qoyskiisa uu kaliya muslim ka yahay Ibraahim jabriil oo ah wiilka ilmihiisa ugu weyn. Jabriil oo u dhashay dalka Kongo ayaa xafladaas ka sheegay in Diinta Islaamka ay bartay qadarin iyo in dadka loo mahad-celiyo. “Waxay Diinta Islaamka ii horseeday isbadal, qalbiga ayey ii dajisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbadal, horay uma aheyn qof muslim ah, inkastoo uu wiilkeyga ahaa Muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qadarinayaa qof walba oo Muslim ah,” ayuu yiri Jabriil. Maamulaha guud ee Shirkadda UBC Coca Cola Cawil Tooxow Kheyre oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jabriil uu shaqada shirkadda kusoo biiray sanadki 2014-kii xilligaas oo uu heystay Diinta Karishtaanka ah, balse hadda isagoo weli ka tirsan isla shirkadda uu go’aansaday inuu Islaamo. Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka qeybgashay xafladda ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid mudan in lasoo dhaweeyo, waxayna u rajeeyeen Jabriil inuu dhinto isagoo heysta Diinta Islaamka. Hoos ka daawo warbixin The post Daawo: 60 jir u dhashay Congo oo shaqo u jooga Muqdisho oo maanta Islaamay appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - A meeting between Somalia's Federal Member States leaders in Garowe was postponed on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed, kaas oo loogu magac daray samata bixinta qaranka iyo taageerada Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble. Xaad ayaa ugu horreyn sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho kahor inta aan la iska qaban Farmaajo, wuxuuna yiri “Madaxweynaha mudo xilkeedkiisa dhammaaday ee Farmaajo waa in aan iska qabanaa, sababtoo ah diyaar uma ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.” Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ka fiican in taageero loo muujiyo Ra’isul wasaare Rooble iyo in la badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed oo wajahaya khilaaf iyo dib u dhac doorasho. “Sidaad ogtihiin waxaa lagu jiraa xilli kala guur, dalkana wuxuu ku jiraa doorasho, waxaana jiro caqabado badan oo hor taagan doorashada, in maanta Qaranka la samata bixiyo waa arrin muhiim ah oo dalka iyo dadkaba faa’ido u ah, waa inaad iska difaacdaan cidda dooneysa in qaranka ay dumiso,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri jireen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo. “Waan taageereynaa Ra’isul wasaaraha, waligeyna waan taageeri jirnay, waxaana ku taageereynaa geedi socodka doorashada, iyo go’aanadii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u aragno inay yihiin badbaado qaran,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay in dalka iyo dadkaba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan daalaneyn, sida uu sheegay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’isul wasaare Rooble inuu heysto taageerada Shacabka Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, wuxuuna xusay inuu ku taagan yahay wadada saxda ah. “Waxaa nala gudboon inaan hal dhinac uga soo wada jeesano kuwa doonaya in dalka fowdo kale la geliyo, qofka fiican ee ku taagan wadada saxda ahna waa inaan taageerno, qofkii wax naga qaldayana waa inaan gacanta ka qabano oo yac dhahno, Ra’isul wasaare Rooble wadada saxda ayuu ku taagan yahay, shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaana taageersan,” ayuu Nabadoon Xaad hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in awoodda ugu badan ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan siyaasiyiinta boorsada la yimid ee berrina diyaaradda ka raacaya haddii uu dalka burburo. “Shacabka waa awoodda ugu weyn ee ummad yeelato, awoodda oday dhaqameedka maahan siyaasiyiinta, ee waa shacabka, waxa laga rabo awoodda ugu weyn waxay ka halaabayaan waa Shacabka, maxaa yeelay nin boorso la yimid oo haddii ay wax ka halaabaan siduu rabo yeeli kara oo diyaarad raaci kara iyo anaga isku baahi ma nihin, wixii aan na anfaceyn awood aan ku diidno ayaan leenahay, balse waa inaan ognahay oo naqaan awoodeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad. Hoos ka Daawo The post Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa soo bandhig xog ku saabsan arrimo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble oo salka ku haya dhaqaale, lana xiriira dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta. Xundubey ayaa xogtan kusoo qoray bartiisa facebook, oo tan iyo markii xilka laga qaaday uu ku weerarayey Rooble. Caasimada Online ma xaqiijin karto sax ahaanshaha xogta uu Xundubey faafiyey. Hoos ka aqriso. Masar Kadib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine! Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin! Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto! Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay! Imaaraadka Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray. Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado. Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay. Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo. Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday! Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo! Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan! Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay! Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago! Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas. Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo! The post Xundubey oo soo bandhigay xogtii uu ka hayey Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula soo wareegtay mas’uuliyadda hay’adda falanqeynta sugnaanta cuntada iyo nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM). Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha iyo cuntada (FAO) ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto maamulka hay’adaha FSNAU iyo SWALIM. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka muddo dheer kadib maamulka labadan hay’adood dib ugu soo laabtay Dawladda Federaalka Soomaaliya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu qoraal ka soo baxay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dib ula soo wareegtay hay’adaha FSNAU iyo SWALIM appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmihii u dambeeyay uga socday magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu taageeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, looguna digay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay in awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble loo igmaday ay tahay arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasina lagu tixgeliyo. “Shirweynaha wuxuu adkeynayaa in laga fogaado wax walba oo dhabar jabin kara habsami u socodka shaqada qaranka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. “Maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlad federaalka inay dhowraan shuruucda dalka, kana fogaadan wax walba oo dib u dhac ku yimaada kara doorashada dalka. Wuxuuna shirweynaha kula talinaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu ilaaliyo sharciga.” Sidoo kale waxa qeyb kamid ah war-murtiyeedka lagu sheegay in loo diyaar garoobo in la dhowro dimuquraadiyada iyo dowladnimada haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhago adeego baaqyada uga imaanaya beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. “Shirweynuhu waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uga digayaa inuu joojiyo is hortaaga uu ku hayo kiiska cadaalad u helida sarkaalada Ikraan Tahliil Faarax, kana waantoobo hab-dhaqanka aan shacniga ku dhisneyn ee ku difaacayo eedeysanayaal loo haysto dil, barakac iyo is-hortaaga doorasho xor iyo xalaal ah.” Ugu dambeyntiina waxay bulshada ugu baaqeen inay iskugu soo baxaan mudaharaad lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo looga soo horjeedo tallaabooyinka jar iska tuurka ah ee Farmaajo. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii odayaasha dhaqanka ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale la kulmay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed. Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta Gobollada Waqooyi (Somaliland), xilli ay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi soo saareen Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka uu Rooble la qaatay labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u ballan-qaaday labada dhinac in doorashadaas ku dhici doonto si hufan oo caddaalad ah. “Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.” “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.” Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo asagu door weyn ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi Si kastaba, waa markii labaad ee Ra’iisul Wasaaraha ka dalbo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay soo gudbinayaa liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ka dhacay xafiiska R/Wasaare Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
The Somaliland government has lifted its suspension of Emirati low-cost carrier flydubai (FZ, Dubai Int’l) following a bilateral agreement between their respective civil aviation authorities. This was disclosed at a news conference recently by Somaliland Civil Aviation and Airports Authority (SCAAA) director Omar-Sayid Qalombi, reported the Som Tribune newspaper. As previously reported, the Emirati low-cost carriers flydubai and Air Arabia (G9, Sharjah), in November 2020, found their route licenses to Hargeisa, the capital of Somaliland (an unrecognised self-proclaimed territory in northern Somalia), withdrawn. This came after they had adhered to a Somali government ban on international flights imposed due to COVID-19. The Somaliland government demanded an apology from the two carriers and that they should come to an agreement with its own regulator, which appears to have now ensued. Omar-Sayid Qalombi said the ban had been based on a decision by the Somaliland Ministerial Council dated October 17, 2020, that foreign state-owned carriers must have a license from the SCAAA based on a business entry agreement between both states. Such an agreement had been finalised, and state-owned flydubai could now resume flights to Hargeisa as soon as it was ready to do so, he said. He said privately-owned airlines and charter companies could apply for licenses on the strength of their own merit, prevailing conditions, and market demand and did not require an agreement between states. Publicly-listed Air Arabia was expected to benefit from this new development. “Once the airlines conform to requisite provisos, there is little else needed,” the director said. Ethiopian Airlines (ET, Addis Ababa) had reportedly exploited the absence of the Emirati carriers by hiking its fares on the Hargeisa route, highlighting the need for more competition in the market. The Ethiopian state carrier serves Hargeisa daily and sometimes twice daily from Addis Ababa with a B737-800, the ch-aviation schedules module reveals. Ch-aviation Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa mar kale ka hadashay kiiska gabadheeda la la’ayahay ayada oo farriin u dirtay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaali Maxamed Guhaad oo maanta oo Isniin ah ka qeyb gashay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu kasoo saaro meesha uu ku ogyahay gabadeeda. Hooyo Qaali ayaa Farmaajo ugu baaqday inuusan siyaasadeyn kiiska Gabadheeda Ikraan, waxayna ku eedeysay inuu hor taagan yahay in cadaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyey afduubka iyo dilka loo maleenayo in loo geystay Ikraan. “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su’aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay,” ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali. Hooyo Qaali ayaa hey’adaha cadaaladda ugu baaqday inay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeedka loo gudbiyey isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii si deg deg ah loogu heli lahaa jawaab ku dhisan cadaalad. Ku dhowaad saddex bilood ayay maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka. Hadalka hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadayo xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashay kiiskaan oo u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isuwlasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeysanayo in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda halka madaxweyne Farmaajo uu difaacayo saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan. The post Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo WAR cusub soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
F.C.Waraabe oo Masuul sare Xilkii ka qaaday Qaran News