Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo dhabarjeedin, bahdil, iyo caqabado kala kulan tahay dhinacyo badan, musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo khilaafaadka gaaray dagaal iyo kala irdhow, waxay shirkii Ankara ku aqbashay in Siyaasadda Soomaaliya ku tiirsanaato, laga hago Addis Ababa, Ethiopia. Khudbaddii Madaxweyne Xassan ka jeediyay Shirka Ankara waxay beenisay, tirtirtay dhammaan dareengelintii wadanninimo iyo iska difaaca dhul boobka, gardarrada, iyo cadowtinnimada qotadadheer ee Ethiopia u hayso Soomaaliya. DFS kama kasbay wax maslaxad ama faa’ido ah heshiiskii Ankara. Waxaa halis ku jira difaaca gobannimada, madaxbannanida iyo Midnimada Soomaaaliya. Source: Hiiraan Online
  2. The United Nations Security Council authorized an African Union stabilisation and support mission in Somalia – known as AUSSOM – on Friday that will replace a larger AU anti-terrorism operation from Jan. 1, 2025. Somalia’s security has been underwritten by foreign resources since Ethiopia invaded in 2006, toppling an Islamist-led administration but galvanising an insurgency that has since killed tens of thousands of people. The European Union and United States, the top funders of AU forces in Somalia, wanted to reduce the number of AU peacekeepers due to concerns about long-term financing and sustainability, sources told Reuters in June. Negotiations about the new force had proven complicated, they said. The United States abstained from the U.N. Security Council vote on Friday over its funding concerns. The remaining 14 council members voted for the resolution. Source: Reuters The post UN Security Council authorizes new Somalia peacekeeping mission appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey ra’iisal wasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka kadib markii uu ka aamusnaa 6-dii bilood ee u danbeysey oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn. Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku tilmaamey isbeddaladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii dowlad goboleedyada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay, in ay ahaayeen khadad cas oo la jiiray. “Waxaa laga talaabsadey khadad badan oo lama taabtaan ah sanadkan 2024, kuwaas oo abuuray xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka oo dhan ah. Marna kama adkaan karno fakhriga mana wajihi karno khataraha dibadda ka yimaada haddii aan la helin isku duubni gudaha. Allaah bulshadeena ha ku hanuuniyo xasiloonida & isku duubnida siyaasadeed 2025 & wixii ka dambeeya.” Qoraalkan oo u muuqda mid uu dib ugu furaayo doodihisi siyaasadeed ayuu ku soo aadiyey dhamaadka sanadkan 2024. Cumar Cabdirashiid ayaa si joogto ah uga hadli jirey isbeddalada siyaasadeed iyo khataraha dalku wajahayo, waxaana uu bixin jirey talooyin, waxaana hadda muuqata in uu mar kale dib ugu soo laabtey fagaarayaasha siyaasaddsa.
  4. Somalia stands at a crucial crossroads as political divisions threaten to plunge the nation back into chaos. With a history marked by a lack of compromise, the current leadership must prioritize dialogue and collaboration to forge a peaceful future. Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Abdi Dahir Guure Karoore, ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin rasmi ah oo lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Ceelbaraf, Yuusuf Xasan Xuurshoow. Go’aankan ayaa yimid kadib qiimeyn dheer oo lagu sameeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday degmadaas ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay in Yuusuf Xasan Xuurshoow uu si ku meel gaar ah uga joojiyay xilka Guddoomiyaha Degmada Ceelbaraf. Wasiirka ayaa sheegay in talaabooyinkan ay muhiim u yihiin sugidda amniga, ilaalinta sharafka ciidanka, iyo soo celinta kalsoonida dadweynaha ee maamulka deegaanka. Dowladda Hirshabelle waxay mar kale xaqiijisay inaysan marnaba aqbali doonin waxyeelada amniga iyo nolosha dadka ku nool deegaannadeeda. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) — Rotana, the internationally renowned hotel management company, has announced plans to construct the first five-star hotel in Somalia, marking a major economic and urban development milestone. Source: Hiiraan Online
  7. KAMPALA, Uganda — Somalia’s U-17 football team celebrated a dramatic 4-2 penalty shootout victory over South Sudan on Friday, clinching third place in the CECAFA qualifiers for the 2025 Africa Cup of Nations (AFCON). The thrilling encounter at Nakivubo Hamz Stadium ended 2-2 after regular time, showcasing the resilience and determination of the Somali side. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — The United Nations Security Council has approved the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), marking a shift in Somalia's security landscape as the country takes greater control over its stability. Resolution 2767 (2024), adopted with 14 votes in favour and one abstention by the United States, replaces the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). This new mission is set to begin in January 2025, with operations concluding by June 2025. Source: Hiiraan Online
  9. Dayax-gacmeed ay NASA leedahay ayaa taariikh cusub sameeyay kadib markii uu ku dhiirraday isku daygii ugu dhawaa ee waligiis loo sameeyo in loogu dhowaado qorraxda. Saynisyahannadu waxay heleen farriinta dayax-gacmeedka Parker Solar Probe xilli fiid ah Khamiistii (11:00 habeenimo saacadda Washington, oo u dhiganta 05:00 GMT Jimcaha), ka dib markii uu maalmihii la soo dhaafay ka maqnaa isgaarsiinta intii uu ku jiray marinkiisii kululaaa ee ugu dhowaanayey qorraxda. NASA waxay sheegtay in dayax-gacmeedku “badqabo” oo uu si caadi ah u shaqeynayo ka dib markii uu maray masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) oo u jirta wareegga sare ee qorraxda Dayax-gacmeedku wuxuu galay jawiga sare ee qorraxda maalintii Kirismaska, isagoo u adkaystay heerkul daran iyo shucaac halis ah, si uu u kobciyo fahamka cilmiyeed ee ku saabsan sida qorraxda u shaqeyso. NASA waxay markaas sugaysay si welwel leh farriinta dayax-gacmeedka, taas oo la filayay in la helo 05:00 GMT, 28-kii Disembar. Dayax-gacmeedku, oo ku socda xawaare dhan ilaa 430,000 mayl saacadii ama (692,000 kiiloo mitir saacadiiba), ayaa la kulmay heerkul gaaraya ilaa 1,800F (980C), sida lagu sheegay bogga NASA. “Barashadan dhow ee Qorraxda waxay u oggolaanaysaa Parker Solar Probe inuu sameeyo cabbiraado ka caawinaya saynisyahannada inay si wanaagsan u fahmaan sida maaddooyinka ku jira aaggaas ay u gaari karaan heerkul ahaan ilaa malaayiin darajo, raadraacaana asal ahaan dabaysha qorraxda (oo ah maado qulqul joogto ah oo ka baxaya Qorraxda), iyo in ay ogaadaan sida qaybaha tamarta badan leh loo gaarsiiyo xawaaraha u dhow kan iftiinka,” ayay tidhi hay’adda. Dr. Nicola Fox, madaxa cilmiga sayniska ee NASA, ayaa hore ugu sheegtay BBC-da “Qarniyaal badan, dadku waxay baranayeen Qorraxda, laakiin ma dareemaysid jawiga meel ilaa aad dhab ahaantii u tagto oo aad booqato. “Sidaas darteed, ma dhadhamin karno jawiga xiddigeenna ilaa aan dhex duulno.” Xigashada Sawirka,NASA Qoraalka sawirka,Dayax-gacmeedka ayaa dul maray aag cimileedka sare ee qoraxda. Dayax-gacmeedka Parker Solar Probe ayaa shaaca laga qaaday sanadkii 2018, isagoo u jihaystay bartamaha nidaamkeenna qoraxda. Waxa uu hore ugu dhawaaday Qorraxda 21 jeer, isagoo markasta kusii dhawaanaayay, balse booqashadan ciidda Kirismaska waxay ahayd tii ugu rikoodh jabinta badnayd. Markii ugu dhaweyd, dayax-gacmeedku wuxuu masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) u jiray dusha sare ee Qorraxda. Inkastoo masaafadaasi aysan u muuqan mid aad u dhaw, Dr. Fox ayaa arrinta u muujisay si fudud: “Waxaan 93 milyan mayl u jirnaa Qorraxda, marka haddii aan Qorraxda iyo Dhulka hal mitir isugu keeno, Parker Solar Probe wuxuu 4cm u jiraa Qorraxda – taasna waa inuu u dhawaaday.” Dayax-gacmeedku wuxuu la kulmay heerkul gaaraya 1,400C iyo shucaac awood u lahaa inuu burburiyo qalabka elektarooniga ah ee saarnaa. Waxaase uu ku badbaaday gaashaan dhumucdiisu ahayd 11.5cm (4.5 inch) oo laga sameeyay walxo kaarboon ah, hase yeeshee xeeladdiisu waxay ahayd inuu si degdeg ah u galo una baxo. Runtii, dayax-gacmeedku wuxuu u dhaqaaqay si ka dheeraysa wax kasta oo ay dadku farsameeyeen, isagoo ku socday 430,000 mayl saacadiiba – taas oo u dhiganta inaad London ilaa New York ku tagto wax ka yar 30 ilbiriqsi. Xigashada Sawirka,NASA Qoraalka sawirka,Parker Solar Probe Maxaa keenay dadaalkan oo dhan si loo “taabto” Qorraxda? Saynisyahannadu waxay rejeynayaan in qalabkan hawada sare ku socda uu ku dul maro jawiga sare xidigaheenna – koroonaha – uu soo ururiyo xogta xallin karta halxiraalaha muddo dheer jiray. “Koroonaha aad ayuu u kulul yahay, mana garanayno sababta,” ayay tiri Dr. Jenifer Millard, oo ah cirbixiyeen ka tirsan Fifth Star Labs ee Wales. “Dusha Qorraxda waxay heerkulkeedu gaarayaa ku dhawaad 6,000C, laakiin koroonaha, oo ah jawigan dabacsan ee dibadda ee aad arki karto inta lagu jiro qorrax-madoobaadka, wuxuu gaarayaa malaayiin darajo – taasoo ka sii fog Qorraxda. Haddaba, sidee buu jawigaasi u kululaadaa?” Hawlgalkani wuxuu sidoo kale ka caawin karaa saynisyahannada inay si fiican u fahmaan dabaysha qorraxda – oo ah qulqulka joogtada ah ee walxaha korontaysan (danabaysan) ee ka soo burqanaya koroonaha. Marka walxahani ku falgalaan goobta magnetka ee dhulka, cirka waxaa kasoo muuqda iftiin qurux badan oo loo yaqaan aurora. Laakiin cimilada hawada bannaan ee aadka nooga sarraysa ee loo yaqaan “space weather” waxay sidoo kale sababi kartaa dhibaatooyin, sida in ay curyaamiso nidaamyada korontada, elektarooniga, iyo nidaamyada isgaarsiinta. “Fahamka Qorraxda, dhaqdhaqaaqeeda, cimilada hawada bannaan, iyo dabaysha qorraxda aad ayuu muhiim ugu yahay nolol-maalmeedkeenna Dhulka,” ayay tiri Dr. Millard. Xigashada Sawirka,PA Media Qoraalka sawirka,Muuqaalada cajiibka ah ee koonkan ee dhulka ka dhaca waxaa sababa dabaylaha qoraxda. Saynisyahannada NASA waxay wajahayeen sugitaan walaac leh xilliga Ciidda Masiixiga iyadoo dayax-gacmeedku xidhiidhka uu la leeyahay dhulka uu go’naa. Dr. Fox waxay filaysay in kooxda ay u soo diraan farriin sheegaysa in dayax-gacmeedku uu nabdoon yahay. Waxay hore u qiratay inay ka walwalsan tahay isku-dayga geesinimada leh, balse waxay kalsooni ku qabtay dayax-gacmeedka. “Waan ka walwali doonaa dayax-gacmeedka. Laakiin dhab ahaantii waxaan u qaabaynay si uu ugu adkeysto dhammaan xaaladaha adag ee sii adag. Waa dayax-gacmeed yar oo aad u adag Bbcsomali Qaran News
  10. Dagaal ayaa ka socda deegaanka Jiicbor ee gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan. Dagaalka ayaa ka bilowday dhul daaqsimeed muran xooggan uu ka taagan yahay. Isbuucii hore ayaa sidoo kale deegaankaan waxaa ka dhacay dagaal sababay khasaare kala duwan. Dagaalka oo u dhaxeeya laba beelood oo wada dega halkaasi ayaa sababay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo tirakoob rasmi ah wali la helin. Sidoo kale, hanti badan ayaa la burburiyey, halka qoysas badan ay ku khasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira cabsi dagaalka sii socda. Deegaanka Jiicbor ayaa muddo dheer ahaa goob lagu muransan yahay, waxaana colaaddan cusub ay baqdin gelisay dadka deegaanka ee nabadda jecel. Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku fashilmay in ay hakiyaan dagaalkaan oo heshiis dhex dhigaan beellaha dagaallamaya. Source: goobjoog.com
  11. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo dhammaadka sannadkan beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS. Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta. Hawlgalkan cusub ee AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah ayaa gebi ahaanba laga saaray Ciidamada Itoobiya, waxaana uu noqon doonaa ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah. Uganda ayaa la wareegi doonta dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay hawlgalka cusub waxaana Uganda noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari halka Jabuuti ku yeelanayso hawlgani 1,800 oo askari. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale hawlgal AUSSOM ku yeelan doonta 1,400 oo askari halka ciidamada Burundi oo hoos loo dhigay islamarkaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari. Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka QM oo ansixiyay hawlgal cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si rasmi ah u ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka sii dhammaanaya sannadkan ee ATMIS. Howlgalka cusub oo lagu magacaabo AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah , waxaa waajibkooda lagu sheegay xasillinta iyo gargaarka bani’aadannimo. Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ugu guuleystay in howlgalkaan ay ka reebto Ciidanka Itoobiya in ay ka qeyb ka noqdaan. Sidoo kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa muujiyay in howlgalka laga reebay Ciidanka Burundi in ay ka qeyb ka noqdaan. Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta. Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah. Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM. Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qayb ka noqon doono ciidamadan cusub. Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale oggolaanaya suurtogalnimada in 75% kharashka hawlgalkan cusub ay maalgeliso Qaramada Midoobay, iyadoo la adeegsanayo nidaam la sameeyay sanadkii hore. Si kastaba ha ahaatee, ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa sheegtay in aysan wali muuqan shuruudo lagu dhaqaaqi karo oo lagu dhaqangalinayo nidaamkaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu ka aamuso codbixinta. Source: goobjoog.com
  13. Arsenal moved up to second in the Premier League on Friday after a 1-0 win at home to struggling Ipswich Town. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has denounced the killing of six Somali National Army soldiers and their driver in the El-Baraf district of Middle Shabelle, calling it a tragic reflection of the country's political and social challenges. Source: Hiiraan Online
  15. Nairobi, kenya — Kenyan rights groups, lawyers and politicians voiced grave concern Friday over a fresh spate of abductions targeting government critics. Source: Hiiraan Online
  16. Gedu Andargachew has served first as president of the Amhara region and later as Foreign Minister of Ethiopia. He has also served as a National Security Advisor to the Prime Minister. Source: Hiiraan Online
  17. More than 35 people were killed and several others injured in an armed conflict between “local pastoralists” and government militias on 25 December, 2024, in Dacawaley kebele, Harshin district, Fafan zone of the Somali Regional State, sources told Addis Standard. Source: Hiiraan Online
  18. UNITED NATIONS — The U.N. Security Council on Friday gave the green light to a new African Union force in Somalia that is meant to take on the Islamist armed group al-Shabab, with the soldiers due to deploy in January. Source: Hiiraan Online
  19. Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in 48 gudohood lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay dilka 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu xasuuqay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka shabeellada dhexe, xilli ay halkaas safar ku marayeen. Dowladdu waxay shegtay in kuwii dilkaas bahalnimada ah kula kacay askarta naf hureyaasha ah si deg deg ah sharciga loo horkeeni doono, waxaana deegaanka falku ka dhacay gaaray taliyaasha nabad sugidda iyo dhulka ee ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ka howl-gali doona soo qabashada dadkii ku lugta lahaa dhacdadan argagaxa leh. Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay tillaabo adag ka qaadi doonto kuwii ku lugta lahaa gumaadka askartii difaaca dadkooda iyo dalkooda wax walba u hurayay, balse sida arxanka daran loo laayay. Dhanka kale wasiirku wuxuu ciidanka xoogga dalka ugu baaqay inay is dajiyaan oo dhacdadani aanay saamayn ku yeelan howsha adag ee ay qaranka u hayaan, falkana ayaana noqday mid bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga carootay. Source: goobjoog.com
  20. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Lubnaan ayaa sheegay in Rifaat Al-Assad, oo ah adeerka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar Al-Assad, uu dhowaan Beirut ka dhoofay uuna tegay Dubai. Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale sheegeen in xubno badan oo qoyska Al-Assad ka tirsan ay Beirut uga guureen Dubai, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Lubnaan tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar Al-Assad 8-dii Diseembar. Mas’uuliyiinta Lubnaan waxay xaqiijiyeen in aysan jirin dalab rasmi ah oo ka yimid Interpol oo ku saabsan xiritaanka Rifaat Al-Assad, inkastoo uu wajahayo eedaymo culus oo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982. Rifaat Al-Assad wuxuu ku jiraa sagaashanaadkii noloshiisa, waxaana lagu eedeeyaa inuu amray dilka tobanaan kun oo qof intii uu hogaaminayey hawlgalladii Hama. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Lubnaan oo sheegay in Bashar Al-asad adeerkiis u cararay magaalada Dubai appeared first on Puntland Post.
  21. AQM2o_-DlOeobWmLx1Zg0Qv8cYR5wsWbjlD9NsZRbfuemXokpvK6Tkye9WAl-uWhvprRDiS6xiVpJUys96H_E3P5 Qaran News
  22. Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi u dirtay magaalada Jowhar, si ay ula kulmaan Madaxweynaha HirShabeelle oo go’aan looga gaaro soo qabashada raggii shalay askarta ku laayey aagga deegaanka Ceelbaraf. Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha xoogga oo sheegay in falkaan aan looga qanci karin wax aan aheyn in cadaaladda la hor keeno raggii geystay ayaa maanta Jowhar u diray wafdiga ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA iyo Taliyaha ciidanka dhulka. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa saakay deegaanka uu falkaasi ka dhacay ee Ceelbaraf u diray ciidan uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya, qeybta deegaanada HirShabeelle Korneyl Xasan Dhicisow, isagoo amray in lasoo qabto dambiilayaasha. Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa diray ciidan kale oo ka qeyb qaata howlgalka soo qabashada raggii askarta ku laayey duleedka Ceelbaraf, waxaana go’aan lagu gaaray in cadaaladda la hor keeno dambiilayaasha. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale waxaa maanta dadaal dheer kadib difaacooda dib loogu celiyey in ka badan 100 askari oo ka gadooday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo ka carooday falkii arxan darrada ahaa ee lagu laayey raggii ay iskala tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
  23. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goordhaw fadhi gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, waxayna ansixiyeen qaraar wax looga bedelayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii hore ahaa ATMIS, hadana laga dhigay AUSSOM. Ciidamada Itoobiya ayaa si buuxda looga reebay howlgalka cusub ee loo ansixiyey Soomaaliya, howlgalka ATMIS oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin ayaa ku eg 31-ka bishan December 2024, waxaana bilowga sanadka cusub Soomaaliya ka bilaabanaya howlgal aysan qeyb ka aheyn ciidamada Itoobiya. Qaraarka uu maanta ansixiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa meesha ka saaraya warar baraha bulshada lagu faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo sheegayey in dowladda Soomaaliya ay cadaadis dheer kadib ogolaatay in ciidanka Itoobiya aan laga reebin howlgalka cusub. Qaraar qabyo ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo lagu badalayo howlgalka ATMIS, howlgal cusub ayaa loogu magac-daray ‘Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika’ (AUSSOM). Qaraarkaan ayaa waxa uu sheegayaa in loo ogolaanayo in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay daabulaan 12,626 askari oo labisan kuwaas oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka mid noqonaya howgalka AUSSOM. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya howgalka ATMIS ayaa dhameeyay qorshihii uu shaqada ugu wareejin lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM. Ciidamada ka qaybta ah howlgalka cusub ayaa laga kala keenayaa wadamo badan oo Afrikaan ah, qorshaha howlgalka cusub ayaa la filayaa in uu soo dhamaado maalmo gudahood, iyadoo la shaacin doono nooca shaqada ay ka bilaabayaan Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa dhawaan shaacisay in ay qayb ka noqon doonto howlgalkaan cusub, iyadoo Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay soo dhawayneyso codsiga Masar, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsiga Masar. Itoobiya oo horay u codsatay in howlgalka cusub aan laga reebin, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan qeyb ka noqon, go’aankaan ayaa dhabar-jab aan horay loo arag ku noqday Itoobiyaanka, maadaama booskii laga saaray lagu soo bedelay Masar. Markii laga reebo inay lumisay xubinimada urur weyn oo il dhaqaale u ahaa, Itoobiya ayaa halis weyn u aragta imaashaha Masar ee Geeska Afrika, dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ugu aargoosaneysa Itoobiya oo siyaasad qalafsan iyo damac walaan oo badda Soomaaliya uga jira lasoo shaac-baxday.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa u digay cid kasta oo isku dayda iinay gabaad siiso raggii laayey ciidanka, kuwaas oo sida uu sheegay lagu raadjoogo. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa falkaan iyo dagaal beeleedyada kaleba ku eedeeyey Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay mid ay uga danleeyihiin in ugu dambeyn waxaan oo kale ay dhacaan oo jidka loo galo ciidanka qaranka. Wasiir Jaamac ayaa balan qaaday in 48 saac kadib uu shir jaraa’id qaban doono, isagoo akhbaar rasmi ah ka wada ciidankii la laayey iyo cidda loo qabtay. Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xawaadley, una socotay gobolka Hiiraan ayaa shalay galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf. Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday. Waxaa bilowday howlgallo lagu soo qabanayo raggii geystay dil wadareedkaas, madaxda qaranka iyo HirShabeelle ayaa si wadajir ah u amray hay’adaha ammaanka in lasoo qabto raggii jidka u galay ciidanka qaranka ee xasuuqay. Hoos ka daawo hadalka wasiirka
  25. From left: President Hassan Sheikh Mohamud, former President Sharif Ahmed, Ahmed Mohamed Islam (Jubaland State President) and Mukhtar Robow (Federal Minister for Endowments and Religious Affairs) were associated with the political Islamists’ project in Somalia. Mogadishu (Commentary) — The former director of the Heritage Institute for Policy Studies, Abdirashid Hashi, commented on the leadership failures that plague President Hassan Sheikh Mohamud. “President Hassan Sheikh Mohamud must recognise Ethiopia’s longstanding ambition to dominate, destabilise and exploit Somalia. His lack of firm resolve risks enabling Ethiopia’s overreach,” tweeted Hashi. This verdict is shared by a section of Somali political Islamists. Political Islam officially entered Somalia’s political landscape in January 2009 when President Sharif Ahmed was elected in Djibouti after the 2008 agreement between the Transitional Federal Government of Somalia and the Alliance for the Reliberation of Somalia. Hashi served as Information Minister in the first council of ministers appointed by Omar Abdirashid Ali Sharmarke, the then Prime Minister. Damuljadid, the political faction to which President Hassan Sheikh Mohamud belongs, achieved its political goals with sponsorship from Qatar and other Arab countries that funded NGOs in Mogadishu before 2012. The faction fused opportunistic political affiliations with the Muslim Brotherhood and clan interests. As a president who sees Mogadishu as his stronghold, Hassan Sheikh Mohamud defines Somalia’s foreign policy based on the interests of his constituency. This aspect of his foreign policy has not gone unnoticed by Kenya and Ethiopia—two neighbouring countries attuned to Somali politics. As the late Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi stated in 1995: “We understand the intricacies of Somali politics.” Zenawi’s comment came in response to a question by former BBC Somali Service star interviewer Abdullahi Hagi, regarding claims by former Somaliland President Mohamed Ibrahim Egal that “terrorists are based in Laascaanood and Boorame.” Under President Mohamud, Somalia has become a country oblivious to its own tribulations and limitations. His tendency to misuse international goodwill and politicise the role of peacekeepers threatens to further diminish Somalia’s standing on the global stage. A month ago, the Federal Government of Somalia hailed Ethiopia’s exclusion from the peacekeeping force as a diplomatic victory against the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Yet, the Ankara Somalia-Ethiopia Agreement now permits Ethiopian forces to be part of the peacekeeping mission in Somalia. Somali political Islamists have proven as adept at courting Ethiopian support as the warlords before them. President Hassan Sheikh Mohamud, who authored an embargoed doctoral dissertation titled Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia, echoed the view expressed by Zenawi in a 2008 interview. “An oversupply of national sentiment is not the problem in Somalia. The problem is a lack of it. The problem is an oversupply of sub-sub-clannish attitudes” Zenawi said. Zenawi, like President Mohamud, employed essentialist descriptions of Somali politics, omitting the central role of politicians in perpetuating the civil war after the state collapse in 1991. Somali political Islamists are increasingly recognising that political Islam is incompatible with political realities in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post The Failure of Somali Political Islamists appeared first on Puntland Post.