-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Iskudabaridka gargaarka ee magaceeda looso gaabiyo UNOCHA, ayaa war ka soo saartay dadka shacabka ah ee laga soo barakiciyay magaalada Laascaanood. Hay’adda ayaa sheegtay in wax aad looga xumaado ay tahay barakicinta dadka masaakiinta ah, sidoo kale waxa ay sheegtay hay’adda in ay diyaarineyso qorsho dadkaas lagu caawinaayo. “Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA. QM ayaa sidoo kale waxa ay codsatay in ay hay’addaha kale ee samalka bixiya ay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka la soo barakiciyay. “Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa si adag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masaafurisay dad ka soo jeeda koonfurta. Fowsiya ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaabada ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay. Sidoo kale Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan magaalada Laacsaanood looga baahnaa in aysan ogolaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd in ay is hortaag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah. “Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan raalli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer Laascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aanay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiya Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay. “Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku noqon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay. Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka lasoo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqdaan Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaataan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dadkii ugu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland. The post Maxaa looga baahnaa dadka reer LAASCAANOOD, kadib tallaabadii SOMALILAND? appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALIDU MA WADAAGTO DALALKA IYO DAWLADAHA Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin ama qabaan in Somalidu aanay kala lahayn dalalka iyo dawladaha oo haddii qofku Somali yahay uu degikaro kana shaqaysankaro 5ta Somaliyeed. Arrintaasu run maaha ee waa mid ku dhisan majarahabaabin iyo been. Adduunka waxaa jira dalal badan oo wadaaga: Jinsi, Diin, af, midab, dhaqan iwm hadana kala ah dalal iyo dawlado aan isku xad-gudbin kalana madaxbanaan. Dalalka Carbeed (Carabta Cad-cad) oo kala ah: Algeria, Bahrain, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Syria, Tunisia, the United Arab Emirates, iyo Yemen waxay wadaagaan: Jinsi (Carab), Diin (Islam), af (Carabi), midab, dhaqan iwm hadana midkastaba waa dal gaar ah oo leh dawlad iyo calan, midna kuma xad-gudbikaro qaranimada iyo dawladnimada midka kale. Dhulka iyo dawladnimada dalkasta oo Carbeed waxaa uu ku salaysanyahay xuduudii Gumaysiga Yurub u jeexay. Tusaale, ninka Reer Masar ah ama Reer Jordan ah sharci la’aan kuma gelikaro, kuma degikaro, kamana shaqaysankaro dal kale oo Carbeed haddii aanu sharci u haysan. Xornimadii ka dib, dalalka Carbeed waxay ku heshiinwaayeen inay dhexmarto midnimo ama fadaraal. Sidaas daraadeed, midkastaba dalkiisu, dadkiisu iyo dawladnimadiisu waa u gaar waana xor kala madaxbanaan. Dalalka Carabta waxaa gumaysanjiray Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iwm. Dalalka Carabta waxaa intooda badan gumaysanjiray Ingiriiska haddana way ku heshiinwaayeen midnimo ama fadaraal. Waxaa dalalkaas Carabta la mid ah dalalka Koonfur Ameerika oo wadaaga: Jinsi (Latin), Diin (Catholic Christian), af (Spanish), midab, dhaqan iwm. Dalalkanu waxay kala yihiin: Argentina, Bolivia, Chile, Colombia, Costa Rica, Cuba, Dominican Republic, Ecuador, El Salvador, Guatemala, Honduras, Mexico, Nicaragua, Panama, Paraguay, Peru, Uruguay iyo Venezuela. Xornimadii ka dib, dalalkan Laatiinka waxay ku heshiinwaayeen inay dhexmarto midnimo ama fadaraal. Sidaas daraadeed, midkasta dalkiisu iyo dawladnimadiisu waa u gaar iskumana cad-gudbaan waxayna dadkoodu iskugu gudbaan sharci waayo dalal xor ah oo kala madaxbanaan. Dalalkan waxaa gumaysanjiray Spanishka. Dalalka Laatiinka Ameerika oo uu gumaysanjiray Spanishku way ku heshiinwaayeen midnimo ama Fadaraal. Dadyowga Somalidu iyaguna waxay wadaagaan: Jinsi (Somali), Diin (Islam), af (Somali), midab, dhaqan iwm. Somalidu waxay ka koobantahay 5 oo kala ah 3 dal oo xor kalana ah: Somaliland, Somalia iyo Jabuuti iyo 2 gobol oo weli la gumaysto kuwaas oo kala ah Somali Galbeed iyo N.F.D. Saddexda (3) dal ee xorta ah oo kala ah: Somaliland, Somalia iyo Jabuuti midkastaba waxay leedahay taariikh xornimo iyo xuduud u gaar oo uu u qayday Gumaysigii Yurub kaas oo xornimadoodu ku salaysantahay sida dalalka Carabta iyo Laatiin Ameerika. Midkasta dalkeeda laguma gelikaro, lama degikaro lagamana shaqaysankaro sharci la’aan. Qofka u dhashay Somalia sharci la’aan kuma gelikaro, kuma degikaro kamana shaqaysankaro Jabuuti, Somaliland, Somali Galbeed iyo NFD sababta oo ah uma dhalan. Somaliland oo Ingiriiska ka xorowday June 26, 1960, Somalia oo Talyaanigq ka xorowday July 1, 1960 iyo Jabuuti oo Faransiiska ka xorowday June 27, 1977 waa dalal xor ah oo kala madaxbanaan sida dalalka Carabta iyo dalalka Laatiin Ameerika. Muddo xornimadii kadib, Somalidu waa ku heshiinweyday midnimo ama fadaraal. Midnimada ma ilaaliso in la isku yahay: Jinsi, Diin, af, midab, dhaqan iwm balse waxaa ilaalisa awood-qaybsi cadaalad ku dhisan taas oo Beelaha Somalia ku fashilmeen inay ilaaliyaan 30kii ee is-raaca islamarkaana afduubeen dawladii wadaaga ahayd, boobeen saamigii dawladnimada ee Somaliland. Markii dadka Somaliland ka cawdeen cadaalad xumada waxaa lagu qaaday duullaan loogu geystay xasuuq iyo burburin. Somaliland waxay ka hortagtay duullaanka lana gashay dagaal weyn Somalia soona ceshatay dawladnimadii ka luntay 1960. Somaliland waxay midowgaas ka noqotay 1991 sidii Senegal iyo Gambia u kala noqdeen (1982-1989), Masar iyo Suuriyana u kala noqdeen (1958-1961) iwm, sidaasna waxaa ku dhimatay midnimadii 1960 markii Somaliland (1960-1991 la soo noqotay xornimadeedii ay qaadatay June 26, 1960. Midnimo ama Fadaraal kama hirgelikaraan Afrika sababta oo ah waa QAARAD hoy u noqotay qabyaalad, kelitalisnimo iyo musuqmaasuq cadow u ah heshiiska iyo jiritaanka midnimada ama fadaraalka. Somalidu ma wada laha mana wadaagto dalalka iyo dawladaha balse way kala leedahay sida dalalka Carabta, Laatiin Ameerika iyo dalalka kale ee adduunka ka jira. Midnimada dhexmarta laba dal ama in ka badan maaha muqadas waxayna dalalkaasi kala noqonkaraan markii ay heshiinwaayaan. Laakiin midnimada dal ummaddiisu wadaagto taariikh xornimo, calan iyo xuduud waa muqadas sida Somaliland, Somalia, Jabuuti, Tanzania, Zimbabwe, Zambia iwm. Caqliga odhanaya qofka Somaliga ah waa uu gelikaraa, degikaraa ama ka shaqaysankaraa Somaliland ama dalalka kale ee Somalida sharci la’aan sababta oo ah waa Somali waa mid ku dhisan khayaali waayo maaha wax la aqbalikaro ama soconkara. Dal aan la kala lahayn waa dal aan dad lahayn, waa dal fawda iyo dawlad la’aan ah. Somaliland waa dal iyo dawlad gaar ah oo aan la gelikarin, la degikarin, lagana shaqaysankarin sharci la’aan waayo waa dal xor ah oo madaxbanaan oo leh dad, taariikh xornimo iyo xuduud u gaar ah sida dalalka Carabta, Laatiin Ameerika, Somalida kale iyo adduunkaba. Qaabkii dhawaan muwaadiniinta Somalia looga soo tarxiilay Somaliland ma ahayn qaab habboon waayo dadku waxay xaq u laahaayeen in la siiyo waqti ay ku diyaargaroobaan, hantidoona ku soo qaataan. Laakiin dadka ku hadaaqaya ee leh maxaa dad Somaali ah looga soo masaafuriyay Somaliland oo ah dhul Somaliyeed waa dad riyoonaya oo ku nool khayaali, difaacayana fawdo iyo dad aan summad lahayn, dawlad la’aan iyo dal aan la kala lahayn. Somaliland maaha dal Somalida ka dhaxeeya balse waxaa leh dadka ama muwaadiniinta Somaliland oo qudha. Somalida kale waa inay ku gashaa, ku joogtaa kuna shaqaysataa sharci waayo waxay leedahay dastuur iyo shuruuc u agar ah sida dalkasta. Ninkii diidan sidaas ma gelikaro Somaliland sida aanu u gelikarin Jabuuti, Somalia, Somali Galbeed iyo NFD. Somaliweyn waxay la midtahay Carabweyn oo aan la garanayn inay hirgeli iyo in kale. Somalidu waxay ku maahmaahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Somaliweyn iyo Carabweyn waa midho geed saaran. و بالله التوفيق Ibrahim Hassan Gagale October 5, 2021 Sent from my iPad Qaran News
-
Baidoa (PP News Desk) — President of the South West State of Somalia Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen today denounced the arbitrary displacement of Somali citizens in Lasanod by Somaliland authorities. “It is inhumane to displace citizens in a part of their homeland where they are living peacefully and lawfully. The South West State demands answers from Somaliland government. Children and their parents were separated in Lasanod during the arbitrary displacement” said President Abdiaziz. President Abdiaziz: “It is inhumane to displace citizens in a part of their homeland where they are living peacefully and lawfully.” President Abdiaziz lauded Puntland State government and people for welcoming and accommodating Somalia citizens whom Somaliland government displaced from Lasanod. “Some displaced citizens have properties and businesses in Lasanod. I call for the Somali Federal Government, business leaders and the International Community to follow in the footsteps of Puntland State and extend assistance to Somali citizens displaced from Lasanod” added President Abdiaziz. The South West President has appointed a five-member committee made up of ministers who will visit Puntland State to assess the situation of the displaced people and prepare a voluntary resettlement programme for them in South West state. © Puntland Post, 2021 The post Somalia’s South West State President Condemns Arbitrary Displacement in Lasanod appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - The UN and other aid agencies in Somalia have expressed regrets on the forced evixtion of hundreds Somalis by Somaliland government. Source: Hiiraan Online
-
UN, local aid agencies decry Forceful evictions in Las'anod
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - The UN and other aid agencies in Somalia have expressed regrets on the forced evixtion of hundreds Somalis by Somaliland government. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Raysal Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan, xaaladda siyaasadeed ee Gobolka. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaadhay Adis-Ababa, waxaana uu halkaasi kaga qayb galay caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar kale loo dhaariyay RW Itoobiya, Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabadda xildhaarinta, taasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo xidhiidhka labada dal. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Hay’adda isku dabaridka gargaarka Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay kaga hadashay barakicinta khasabka ee ay dawladda Somaliland ka wado Laascaanood, taas oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda dalka Soomaaliya. UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga war-warsan-tahay xaaladda dadka laga soo masaafuriyey magaaladaasi, kuwaas oo isugu jiro carruur, dumar iyo rag. Hay’addan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha isku dabaridka gargaarka ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaarinayaan qorshayaal deg-deg ah oo lagu caawinayo dadkaasi. “Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA. Sidoo kale hay’adda UNOCHA ayaa ugu baaqday hay’adaha samafarlka inay gurmad deg-deg ah u fudiyaan dadkaasi, iyada oo la kaashanayo maamullada ka jira halkaasi. “Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yidhi bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood. Haweenka oo iskugu yimid mid kamid ah hoteelada magaalada Laascaanood, ayaa muujiyay in ay xukuumada ku garab taaganyihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer Koonfur Galbeed, Soomaaliya. “Waxaanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo isku dhinac taagno xukuumadayadu talaabada ay qaaday, madaxweynaha qaranka, wasiirka amniga, badhasaabka, taliyaha qaybta iyo ciidamada amaanka ee jiidaha hore ku jira” haweenay kamid ah haweenka ayaa sida tidhi. Haweenka ayaa si gaara bulshada reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku dhaqnaa ugu eedeeyay amnidarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray magaalada Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo. “Umada ka timid koonfur, ee walaalaheena waxa laga helay hub qarsoon, oo aynaan inagu ogayn, oo fara badan, hubkaa faraha badani waa kii lagu layn jiray rageena, yaynaan cabaninin, markii hore waxaynu lahayn amniga suga, amnigiina la sug, umadiina dhulkoodii ayaa lagu nabad celiyay, markaa, waxaanu leenahay dhulkiina ku nabad gala anana kaayaga” sidaa waxa tidhi gabadh kamid ah haweenka. Waxay sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin isla markaana loobahanyahay in qolo waliba waddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto. “Dadka Soomaaliya kasoo hadlaya waxaanu leenahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba kala dal, madaxweyne la yidhaa Lafta-gareen ayay leeyihiin ha aadeen Lafta-gareen, anaga madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, xukuumadayadu waa Somaliland, ciidamadayada waanu ogolnahay” haweenay kamid ah haweenka ayaa sida tidhi. Xukuumada Somaliland ayaa 2 bishan magaalada Laascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hada inta la habu la tarxiilay 700 oo qof oo iskugu jira, rag, haween iyo caruur. Dadkan ayaa dib u dejin ku meel gaadh ah loogu sameeyay deegaanada maamulka Puntland ee Soomaaliya. Source
-
Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ayaa si adag u cambaareeyay xariga loo geestay Axmed Qaasim Maxamed oo ah Madaxa garabka dhalinyarada Urur Siyaasadeedka Mustaqbal. Ururka Mustaqbal ayaa sheegay in aan la joogin xiligii la caburin lahaa dadka “Xoriyadda hadalku waa xaquuq dastuuri ah kuna qeexan si cad dastuurka Puntland, qofna dastuurka iyo shuruucda dalka kama sareeyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Mustaqbal. “Hanaanka xisbiyada badan kuma shaqayn karo jawi xarig, caburin iyo cago juglayn, waana in ay ururadda siyaasadda helaan fagaare furan, ay dowladda ku dhaliili karaan kuna toosin karaan. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dowladda Puntland in si dagdag ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa loo siidaayo Axmed Qaasim Maxamed” PUNTLAND POST The post Urur siyaasadeedka Mustaqbal war ka soo saaray mas’uul laga xiray ururkooda appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dhowr hoggaamiye oo adduunka ah ayaa dafiray inay khalad galeen ka dib markii la soo bandhigeen dokumentiyo maaliyadeed oo aad u badan. Dukumiintiyada “Pandora Papers” oo ah 12 milyan oo faylal – ayaa ah kuwii abid ugu badnaa ee la soo dusiyo oo noocooda ah. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Boqorka Urdun Cabdallah II bin Al-Xuseen ayaa ka mid ah ilaa 35 hoggaamiye oo hadda jira iyo kuwii hore ee lagu kashifay faylasha. Labaduba waxay soo saareen bayaanno sheegaya inaysan wax khalad ah samayn. Qasriga boqortooyada Urdun ayaa sheegay in aysan ahayn wax aan caadi ahayn ama aan jirin in Boqor Cabdalla uu hanti ku leeyahay dibadda. Dukumiintiyo qarsoon ayaa muujinaya in hogaamiyaha uu si qarsoodi ah ugu kharash gareeyay in ka badan £ 70m ($ 100m) oo ah hanti boqortooyo wadamada UK iyo Mareykanka tan iyo markii uu xukunka qabtay 1999. Af -hayeenka Kremlin -ka Dmitry Peskov ayaa dhanka kale su’aal geliyay isku halaynta macluumaadka “aan la xaqiijin”, ka dib markii uu la soo bandhigay hanti qarsoon oo lala xidhiidhiyay Madaxweyne Putin iyo xubnaha ka tirsan gudaha. “Illaa hadda ma cadda waxa ay tahay xogtan iyo waxa ay ku saabsan tahay,” ayuu u sheegay wariyeyaasha afhayeenka Putin, isagoo intaas ku daray “ma aanan arkin hanti qarsoon oo Putin ku dhex jira”. Xogta waxaa helay Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista (ICIJ) ee Washington DC, oo la shaqeyneysa in ka badan 140 urur warbaahineed baaritaankeedii ugu weynaa abid ee caalami ah. Raysal wasaaraha Czech Andrej Babis, oo la sheegay lagu sheegay warbixinadan inuu leeyahay shirkad maalgashi oo ku taal xeebta taasoo laba guri ku iibsatay £ 12m koonfurta dalka Faransiiska. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo ay weheliyaan lix xubnood oo qoyskiisa ah – ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaal xeebo ka baxsan dalka Kenya. Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev, oo qoyskiisa iyo dadka ku dhow dhow la sheegay inay si qarsoodi ah ugu lug lahaayeen heshiisyada hantida ee UK oo qiimihiisu ka badan yahay 400 milyan oo ginni Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter -ka, ra’iisul wasaaraha Czech wuxuu ku sheegay in eedeymaha ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu saameeyo doorashooyinka la qorsheeyay toddobaadkan wuxuuna ku adkeystay inuusan “waligiis sameyn wax khalad ah ama sharci darro ah”. Mr Kenyatta ayaa sheegay in badhritaanka “uu wax weyn ka tari doono kor u qaadista hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan u baahannahay Kenya iyo daafaha caalamka”, wuxuuna ballanqaaday inuu “si buuxda uga jawaabi doono” warbixinadan marka uu ka soo laabto booqasho dowladeed oo dibadda ah. Waraaqaha Pandora ma muujinayaan wax caddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen ama ku qariyeen hanti dowladeed shirkadohooda xeebaha. Dhanka kale raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa wacad ku maray inuu baarayo muwaadiniinta lala xidhiidhinayo Waraaqaha Pandora. Boqolaal qof oo reer Pakistan ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada Mr Khan, ayaa lala xiriirinayaa sirta. Waa Maxay Waraaqaha Pandora? Waraaqaha Pandora waa kashifaada ku dhawaad 12 milyan oo dukumiinti iyo faylal daaha ka qaadaya hantida qarsoon iyo macaamilka hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada. Xogta waxaa heshay Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista ee Washington DC oo horseeday mid ka mid ah baaritaannadii ugu weynaa ee abid ka dhaca caalamka. In ka badan 600 oo suxufi oo ka kala socda 117 dal ayaa baaray hantida qarsoon ee qaar ka mid ah dadka ugu awoodda badan caalamka. Source
-
Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada urur siyaasadeedka Mustaqbal, Axmed Saahid Qaasim Maxamed ayaa maanta lagu xiray magaalada Garoowe. Axmed Saahid ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in xariggiisu la xiriiro arrima siyaasadeed. Mas’uulkan ayaa maalmo ka hor dowladda ku dhaliilay hadal uu ka jeediyay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, halkaas oo uu ka socday ololaha urur siyaasadeedka Mustaqbal. Dhinaca kale, xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Mustaqbal Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa sheegay in xarigga Axmed Saahid su’aal gelinayo xorriyadda hadalka ee urur siyaasadeedyada. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan urur siyaasadeedka Mustaqbal oo Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa saacado yar uun gudahood khasaartay lacag balaayiin dollar ah, kadib cilad farsamo oo ku timid adeegyada shirkadda, sida Facebook, Whatsapp iyo Instagram, kuwaas oo hawada ka baxay muddo lix saacadood ah. Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyey ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaddu ay lumisay dhaqaale dhan 49%, marka loo eego 15% oo ay khasaartay badhtamihii September. Sidoo kale shirkadda ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaadhay dhanka suuqyada caalamiga ah, sida kuwa New York, waxayna shirkaddu ku Khasaartay 5% qiimihii ay ka heli jirtay ciladda ku timid aawgeed, waana meelaha ugu badan ee wax lagu kala iibsado. Lacagtaasi ayaa la sheegay inay saami ahaan ku tashaneysay shirkaddu, balse waxaa haatan soo waajahay culeys dhanka dhaqaalaha ah, maadaama saacado yar uun ay khasaartay balaayiiin dollar-ka Mareykanka ah. Dhinaca kale ciladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka isticmaala aaladaha shirkadan ee Facebook, Whatsapp & Instagram, waana markii ugu horreysay oo waqti intaas la’eg ay hal mar hawada ka wada maq-naadaan adeegyadaasi. Maamulka shirkadda Facebook ayaa sidoo kale raali-gelin ka bixiyey ciladdan oo saameyn ku reebtay isticmaalka macaamiishooda oo aan hore u helin wax wargelin ah. Ugu dambeyn Facebook ayaa shaaca ka qaaday in ayna jirin xog oo la xaday, sidaasina ay ku timid ciladda, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar hore loo baahiyey oo sheegayey in gudaha loo galay cinwaannada qaar intii ay ciladdu jirtay. Source
-
(SLT-Tehran)-Israa’iil oo ku eedeysay Iiran inay ka dambeysay shirqool ka dhan ah maal-qabeen rer Israa’iil ah Xafiiska Raysal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambaysay shirqool la sheegay in lagu doonayay in lagu khaarajiyo maal -qabeen u dhashay Israa’iil oo ku sugnaa Qubrus. Xafiiska Mr Bennet ayaa isku deygan khaarijin ku tilmaamay mid argigixiso ah oo ay dowladda Iiran amarkeeda lahayd. Mr sagi ayaa loo sheegay in lagu raadjoogo saas awgeedna uu ka baxsaday dalka qubrus ka hor inta weerarka lagu qaadin, dowladda Iran ayaa eedeymahaasi ku tilmaamtay kuwo aan raad iyo sal toona lahayn. Dhacdadan ayaa la sheegay in loo qabatay nin kasoo jeeda dalka Azerbaijani balse watay basaboor rush waxaana lagu qabtay bastoolad aan dhawaaqeeda la maqlayn. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Labada mas’uul ayaa marka hore ska xog wareystay arrimo ku aadan xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale Farmaajo iyo Abiy ayaa kulankooda waxa ay ku soo hadal qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama ay Itoobiya qeyb ka tahay howl-galka ka socda dalka. War kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyey muhiimadda kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Abiy Axmed oo haatan ah saaxibo siyaasadeed. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku suganmagaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abby Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya. Farmaajo ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maadaama uu ka been sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo. Soomaaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed. Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey. The post Maxaa kasoo baxay kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Abiy? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa xukun kama dambays ah ku ridday shabakad ka kooban sideed xubnood oo lagu helay Shabaabnimo. Maxkamadda ayaa dhammaan Raggaas ku xukuntay dil toogasho ah islamarkaana ka diiday Rafcaan ay ka qaateen xukunkii hore kadib markii sida Maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Xubnahan ayaa kala ah; Xasan Isaaq Maxamed, Axmed Cali Hilowle, Saddiiq Faarax Nuur Muudeey, Maxamed Sharafle Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Xuseen, Cabdulqaadir Cabdule Xasan, Liibaan Ciise Weheliye iyo Nuur Xuseen Cabdulqaadir. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo dil toogasho ah ku fulinaysa shabakad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan ayaa sheegay in maanta laga hor istaagay olole nadaafadeed oo uu ka samayn lahaa magaalada Qardho. Xubin ka tirsan ururkaas oo warbaahinta kula hadlay Qardho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta degmadu ay ka joojiyeen olole nadaafadeed oo qashinka kaga nadiifin lahaayeen xaafahada magaalada. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Qardho: Urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinaan oo sheegay in is hor-taag dowladdu ku sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska caasimadda Garoowe ayaa soo bandhigay khamri iyo gaarigii siday oo xalay lagu qabtay saldhiga galbeed ee magaalada. Taliye ku xigeenka saldhiga galbeed Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay in dhalooyinkaas khamriga ah iyo gaarigiis sidayba loo gudbin doono sharciga. Xiddigle Qoob ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen laba nin oo saarnaa gaariga khamriga siday islamarkaana weli Booliisku ku raad-joogaan. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay khamri iyo gaarigii siday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada isku dabaridka gargaarka Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay kaga hadashay barakicinta qasabka ee ay haatan Somaliland ka wado Laascaanood, taas oo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda koonfurta. UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga wal wal-walsan-tahay xaaladda dadka laga soo masaafuriyey magaaladaasi, kuwaas oo isugu jiro caruur, dumar iyo rag. Hay’addan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha isku dabaridka gargaarka ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaarinayaan qorshayaal deg-deg ah oo lagu caawinayo dadkaasi. “Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA Sidoo kale hay’adda UNOCHA ayaa ugu baaqday hay’adaha samafarlka inay gurmad deg-deg ah u fudiyaan dadkaasi, iyada oo la kaashanayo maamullada ka jira halkaasi. “Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA. Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Somaliland dad badan oo kasoo jeeda koonfurta ay kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo gadiid looga soo qaaday magaaladaasi, waxaana hada lagu soo dhoweeyey deegaanada Puntland. Si kastaba, Somaliland ayaa cambaareyn xoogan kala kulantay daabulida dadkaasi oo u badan ganacsato, muddo sanado, ahna ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi. The post QM oo bayaan culus kasoo saartay shacabkii laga soo masaafuriyey Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweyay magaalada Doxa ee dalka Qatar. Rooble ayaa casuumaad ka helay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani. Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa inta ay ku sugan yihiin caasimadda dalka Qatar ee Doxa waxa ay kulama la qaadan doonan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Qatar. Qatar ayaa afarti sano ee la soo dhaafay galaangal siyaasadeed oo xooggan ku dhex laheyd dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddigii madaxweyne Deni u magacaabay qiimaynta iyo tala-bixinta Amniga caasimadda Garoowe ayaa la hadda shirsan duqa degmada Garoowe saraakiisha laamaha Amniga iyo guddiyada xaafadaha magaalada. Shirkan ayaa looga arrinsanayaa xaaladda guud ee caasimadda iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee dhinaca Amniga. Guddiga qiimaynta Amniga caasimadda ayaa ka kooban saddex xubnood oo kala ah Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA Cabdirisaaq Ciise Xuseen, Agaasimihii hore ee hay’adda PMPF Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed. PUNTLAND POST The post Guddiga qiimaynta Amniga Garoowe oo la shirsan maamulka degmada iyo saraakiisha Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa saacado yar uun gudahood khasaartay lacag balaayiin dollar ah, kadib cilad farsamo oo ku timid adeegyada shirkadda, sida Facebook, Whatsapp & Instagram, kuwaas oo hawada ka baxay muddo 6 saacadooda. Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyey ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaddu ay lumisay dhaqaale dhan 49%, marka loo eego 15% oo ay khasaartay bartamihii bisha September. Sidoo kale shirkadda ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dhanka suuqyada caalamiga ah, sida kuwa New York, waxayna shirkaddu ku Khasaartay 5% qiimihii ay ka heli jirtay ciladda ku timid aawgeed, waana meelaha ugu badan ee wax lagu kala iibsado. Lacagtaasi ayaa la sheegay inay saami ahaan ku tashaneysay shirkaddu, balse waxaa haatan soo wajahay culeys dhanka dhaqaalaha ah, maadaama saacado yar uun ay khasaartay balaayiiin dollar-ka Mareykanka ah. Dhinaca kale ciladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka isticmaala aaladaha shirkadan ee Facebook, Whatsapp & Instagram, waana markii ugu horreysay oo waqti intaas la’eg ay hal mar hawada ka wada maq-naadaan adeegyadaasi. Maamulka shirkadda Facebook ayaa sidoo kale raali-gelin ka bixiyey ciladdan oo saameyn ku reebtay isticmaalka macaamiishooda oo aan horay u helin wax wargelin ah. Ugu dambeyn Facebook ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin xog ama koonto loo dusay, sidaasina ay ku timid ciladda, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar horay loo baahiyey oo sheegayey in gudaha loo galay cinwaannada qaar intii ay ciladdu jirtay. The post Immisa balaayiin ah ayey Facebook ku khasaartay ciladdii ku timid? appeared first on Caasimada Online.
