-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulan ku saabsan dardar gelinta doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo dooranayo dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar. Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamnaka Hirshabeelle Xabdi Xakiin Luqmaan Xaaj Muxumed, waxaana goob-joog ka ahaa ku xigeenkiisa 1aad Siraaji Sheekh Isxaaq. Intii uu socday kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii looga tallaabsan lahaa caqabadah ka ka hor iman jara habsami u scodka doorashada Aqalka sare, waxaana ugu dambayn laysla gartay in doorashadu ay si caddaalad ah u qabtaan guddiyada loo igamaday taabba-gelinteeda. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo dardar gelinaysa arrimaha doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa la si weydiinayaa halka uu ku dambeeyey waxaana dad baddan ugu dambaysay wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyadda sannadkii 2017-kii. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa dadku inta baddan waxay ku xasuustaan weedhihiis ahaa waxaan oggaaday in Muuse Biixi uu Geellu iskugu kaayo jiray,balse tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi xilka loo dhaariyey laguma arrag fagaarayaasha siyaasadda iyo War-baahinta isagoo ka muquurtay inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasaddeed. Haddaba dadka inta baddan ayaa is weydiinaya halkuu ku dambeeyey Jamaal Cali Xuseen, muxuu la aamusay iyo su’aale kale,haseyeeshee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa inta baddan ku sugan Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in uu ka hawlgallo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,isla markaana uu dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo tababar siinaya qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Geesta kale sababaha uu uga haddli waayey xaaladda siyaasadda ee dalka,ayaa ah mid la xidhiidha,maddaama oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Geellu isugu jirro,waxaa muuqata inuu xeeriynayo arrimahaas qayb-yaaladeed iyo kuwa kale oo dabray. Dhanka kalene Jamaal Cali Xuseen ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey qoraalo koo kooban ku baahinayey baraha Bulshada,kuwaas oo u badnaa qaar duur xul Siyaasadeed ah, haseyeeshee afartaa sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi laguma arrag meel fagaare ah oo uu kaga hadlayo arrimo siyaasadeed,isla markaana kamuu soo dhex muuqan maddalo siyaasadeed. Source
-
Amaanka iskuulka Abaarso oo ku yaal dulleedka Magaalada Abraaso,ayaa si weyn loo adkeeyey,kaas oo la geeyey ciidamo kale duwan,kuwaas oo sugaya amaanka iskuulka iyo ardayda,waxaana la sheegay in aanay ciddi u soo dhawaanayn karrayn iskuulka. Ciidamo kale duwan ayaa la sheegay in ay amaanka iskuulka abaarso sugayaan , kuwaas oo gaadiidka ay wataan waalidiinta meel dhexe is baaro u dhigtay,isla markaana ku baadhay gaadiidka iyo dadka,kuna war gelinaya in aanay halkaas dhaafi karrin,iyadoo ay ku amrayaan in baabuurta bartaas lagu baarkin gareeyo,isla markaana maamulka iskuulka ay kula hadlaanTelefoonka oo hawlaha ay u socdaan sidaas lagu dhammaynayo wixii fudud,haddii kale oo uu maamulka iskuulku yidhaah soo daayay,waxa la sheegay inay cabaar sii lugaynayaan, maddaama oo ay kale fog tahay halka baabuurta laga dhigay iyo iskuulku . Dhanka kalene waxa la sheegay in Jaamacadda Barwaaqo oo ku taal duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa in iyana amaankeeda la adkeeyey,isla markaana ciidamo la geeyey,kuwaas oo sugaya Jaamacadda amaankeeda,waxaana xusid muddan in ay billaabantay diiwaangelintii ardayda cusub ee sannadkan ay qaadanayso Jamaacaddu. Jamaacadda Barwaaqo iyo iskuulka Abaarso ayaa muddooyinkii u dambeeyey si weyn loo haddal hayey iyadoo dadka qaar ay dhalliilo ujeedinayeen, halka ay kuwo kalena ka difaacayeen,balse hadda ayaa la sheegay in amaankooda si weyn loo adkeeyey. Source
-
Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa markii xilka loo doortay ballan-qaaday shan qoddob oo mihiim,kuwaas oo ay soo dhaweeyeen shacabka reer Hargeysa,isla markaana ay u riqayeen,haseyeeshee waxay dhawrayaan hadda tallaabo kasta oo uu qaado iyo fullinta qoddobadii uu ballan-qaaday,kuwaas oo kale ahaa sidan hoose Cadaaladda iyo Sinaanta Shacabka Cabdikariin Mooge ayaa horeyntii markii la doortaykhubad uu jeediyay ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba, isagoona ballan-qaaday in sinaanta iyo caddaalada uu xoojin doono, islamarkaana uu kor yeeli doono wada-noolaashaha reer Hargeysa-nimada. Qurxinta bilicda Hargeysa Cabdikariim ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono, taasi oo ugu yeeray magaalada cagaaran ee caasimada, wuxuuna xusay in uu hirgelin doono barnaamij dhir beeris ah, kaasi oo ah “qof iyo geed, Guri iyo geed.” Biyaha, korontada, iskuullada iyo caafimaadka Maayirka cusub ayaa waxaa ballan-qaadkiisa Saddexaad ahaa waxa ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan biyaha iyo korontada, oo ay reer Hargeysa ku qabaan dhib weyn, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa. Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ka howl-gali doono sidii ay hooyada iyo ilmaheeda u heli lahaayeen xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah. Ilaalinta hantida shacabka iyo ku-celintooda Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa kale oo ballan-qaadyadiisa ugu weyna ilaalinta hantida shacabka, ayada oo uu sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha, islamarkaana la dhageysto dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celiyo canshuurtooda. Kubadda cagta iyo ciyaaraha Ballan-qaadka u dambeeya ee uu sameeyay Cabdikariin Mooge ayaa si gaar ah u taabanaya baahiyaha dhalinyarada, gaar ahaan dhanka Kubadda cagta oo ay dhalinyarada reer Hargeysa ku dhiban yihiin. Waxa uu ballan-qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomad Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirSbabelle ayaa maalmihii u dambeeyay bilaabay dar-dar gelinta qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, waxayna maanta magaalada Jowhar kula kulmeen Guddiga Baarlamaanka ee maamulkaas. Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka HirShabelle ayaa gogol xaar u ahaa wada-shaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaalada uu guddiga ku dar-dar gelinayo qabashada doorashada. Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka HirShabelle oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ujeedkiisa uu qeyb ka ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho labada dhinac ah, maadama ay dhawaan bilaabanayaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas. Soomane ayaa sidoo kale xusay in labada Guddi ay isla qaateen in si daah-furan looga shaqeeyo doorashada, midaasi oo ka dhigaysa mid ku dhacda xor iyo xalaal, oo lagu wada qanco, sida uu sheegay. Kulankaan ayaa imanaya xili la filayo in saacadaha soo socda uu madaxweynaha HirShabelle uu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare oo loolankeedu uu ka bilowday maamulkaas. The post Doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle oo bilaabaneysa iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Ka tirsan Barlamaanka S/land oo ka hadlay Sababta Coldoon Hargeysa loo keenay Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax, ayaa sheegay in xaalad caafimaad Hargeysa loo keenay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xanuun ka cabanayey, kaas oo laga soo qaaday Jeelka Mandheera. Xildhibaan Axmed khaliif Jaamac Saalax, oo ka hadlayey arrintan ayaa yidhi “Sida uu Ii Xaqiijiyay Daqiiqado kahor Taliyaha Ciidanka Asluubta Coldoon Saaka Wuu Xanunsanaa oo waxuu ka cabanayay Lug ,Waxaana Baadhis Caafimad Loo ageeyay Mid kamid ah Cisbitaalada Hargeisa ,Wax Dhib ah oo uu qabaana majirto,Waxaana Lagu Celiyay Jeelkii Mandheera. Waxba kama jiraan Wararka Sheegaya in Coldoon Lawaayay ,Wax hala Hubsado Ayaan leeyahay,Isha Allah Cadaalad buu heli doonaa Coldoon.” Like Comment Share Qaran News
-
Xisbiga Waddani oo soo saaray War cusub Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa. Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona. Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud. Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka Qaran News
-
Taalibaan ayaa ku bogaadisay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan. Afhayeenka guud ee Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa hadalkan sheegay saacado kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee milateriga Mareykanka ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Kabul. Mujaahid, mar uu warfidiyeenka kula hadlayey laamiga ay ka duulaan diyaaraduhu, wuxuu u hambalyeeyay reer Afgaanistaan, wuxuuna ku dhawaaqay ka bixitaanka milatariga shisheeye guul ay dhammaantood wada leeyihiin. Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka waxay ku duuleen dalka Koonfurta Asia ku dhawaad 20 sano kahor, waxayna Taalibaan kala wareegeen Afghanistan. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo war ka soo saartay bixitaanka Ciidamada Shisheeye appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga ee deegaanada Maamulkaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda amniga Hirshabeelle, iyadoo kulankaan looga hadlay amaanka deegaanada Hirshabeelle, sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka. Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle. Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Cali Guudlaawe oo la shiray Laamaha Amniga Maamulkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Kabul (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai. Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad 100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 Ogosto. Laakiin madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin. “Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yiri. Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah: • Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow • A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo. Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan waxay adeegsanayeen: • 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka. • 23 A-29s Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar. Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight. Waxaa adeegsaday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay shaqaalaha uga daadgureeyaan safaaradda Kabul, toddobo ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay in laga dhigay kuwo aan shaqayn karin oo laga tagay. Ugu yaraan hal diyaarad oo nooca C-130 Hercules ah ayaa sidoo kale la sawiray iyadoo taalla laamiga. Sida laga soo xigtay Gen McKenzie, 70 baabuur oo ah lagu baaro miinooyinka ayaa iyagana la tagay, kadib markii laga dhigay kuwa aan geibi ahaana shaqeynayn. Qiimaha hal gaari oo noocaas ah ayaa lagu sheegay inuu gaarayo inta u dhaxeysa $ 500,000 ilaa hal milyan oo doolar. Sidoo kale waxaa Kaabuul looga tagay. • 27 baabuurta milatariga dhulka gaar ahaan kuwa nooca la yirahdo Humvee. • Tiro aan la cayimin oo ah qalabka difaaca gantaalaha iyo madaafiicda. Hase yeeshee dhanka kale ciidamada Afgaanistaan ayaa waxay ka carareen hub ay u saamixi weysay inay burburiyaan ama curyaamiyaan qalabkaasi. Sawirada dayax gacmeedku waxay tilmaamayaan in diyaarado qaar laga saaray dalka Uzbekistan, maalmo ka hor burburkii dawladda Afgaanistaan. Waxayna khubaradu tilmaamayaan in diyaaradaha qaarkood laga yaabo inay aad ugu xaddidan yihiin Taalibaan sababtoo ah ma haystaan duuliyeyaal tababaran, iyo sidoo kale u helidda dayactirkooda. Balse, in kasta oo aysan suurtogal ahayn in la sheego tirada saxda ah, haddana inta badan 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan 33 helicopter oo ah nooca UH-60 Black Hawk, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada qalabka sida ee Afghanistan dhammaadkii Juun, ayaa hadda loo malaynayaa inay ku jiraan gacanta Taaliban. BBC The post Taalibaan oo eedeyn culus u jeedisay Mareykanka – muxuu uga tegay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ah ku fuliyey haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidamada maaamulka HirShabelle ee ka howl-gala Xerada Lama-Galaay ee Beledweyne. Fagaare ku yaalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay haweeneyda ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa ku eedeysay haweeneyda la toogtay inay ka tirsaneyd ciidanka milatariga, isla-markaana ay ka qeyb qaadatay dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan balse ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen xoogag ka tirsan kooxdaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Beledweyne iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan toogashada lagu fuliyey Anfax Xuseen Muxumed. Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo xarumo muhiim ah sida maxkamado iyo saldhigyo ciidan. Si kastaba Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ku fulisay Anfac Xuseen + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa. Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona. Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud. Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka, halkan hoose ka Daawo Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Mohammad Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda labada dal iyo tan gobolka. Ugu horreyn wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso xukuumadda Dooxa, kaas oo ku aadan shirka Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, isaga oo ka codsaday in golaha ay soo horjeento faylka Somalia, maadaama ay leedahay kaltanka shir gudoonka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Sidoo kale waxa ay fallanqeyn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahad-celiyay taageerada ay mar-kasta la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliyeed. Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaan afartii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha maamulka Farmaajo. Wada-hadalladan cusub ee labada dowladood ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xilli adag oo kala guur ah iyo marxalad doorasho. The post DF Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u gudbisay Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yamen ayaa duqeyn ka fulisay gudaha garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga sida ay sheegen xulafada uu horkacayo Boqortooyada. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha sida lagu cadeeyay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xulafada Sacuudiga uu horkacayo ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta Yamen. Bayaanka ayaa sidoo kale sacuudiga ku sheegay in garoonka lagu soo qaaday weerar labaad balse ciidamada ay dhexda ka qabteen diyaaraddii weerarka soo qaadday. “Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah , Weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha waxa uu ka dhigan yahay dambi dagaal.” ayaa lagu yiri Bayaanka. Xuutiyiinta ayaa dagaal xooga kula jirta xulafada uu horkacayo Sacuudiga, xilli marar badan ay Xuutiyiinta ay weeraro gantaallo loo adeegsaday ay ku dhufteen keydmaha Shidaalka Boqortooyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa dhawaan Golaha wakiillada dib ugu soo celiyey ‘xeerka nidaamka ururrada iyo axaabta siyaasada (XEER No. 14/2011)’,kaas oo ay Golihii hore ee Wakiilladu iyo Golaha Guurtida ansixiyeen,isla markaana ay dhowaan u gudbiyeen Golaha guurtidu. Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ayaa xeerkan (XEER No. 14/2011)markii hore debada ka riixayey,kaas oo kaabista iyo wax ka baddel ay ku sameeyaan Xildhibaannadii Golaha Wakiillada ee taabacsanaa KULMIYE,kuwaas oo ay kamid ahayeen Cabdiramaan Dheere iyo Cabdilaahi Balaaki,isla markaana uu Golihii hore ee Wakiillada ku ansixiyey dur-duro,kaas oo ay isku dhaafiyeen markiiba dhanka Golaha Guurtida Somaliland. Xeerkan (XEER No. 14/2011) ee ay duduucaysay Xukuumadda KULMIYE ayaa gaadhay Golaha Guurtida Somaliland,waxaanay Xildhibaannada iyo shir guddoonka oo u muuqday kuwo amarka Xukuumadda KULMIYE fullinayey ay iyana si dur durro ah ku ansixiyeen,kaas oo ay si deg deg ah ugu gudbiyeen Madaxtooyadda oo xeerkan wadatay. Haddaba waxa si weyn la isku weydiinayey maam-mihii u dambeeyey sababaha Madaxweyne Biixi oo xeerkan loo arkayey in uu dabada ka riixayey ansixintiisa uu hadda dib ugu soo celiyey Golaha,waxaanay ku dooddayaan fallaqeeyayaasha qaar in Madaxweyne Biixi uu doonnayey in uu kula gor-gortamo xeerkan Xisbiyadda Mucaaradka ah,balse ay u socon weyday,isla markaana uu dantiisa siyaasadeed u arkay soo celinta xeerka markii lagaga guullaystay shir guddoonka oo uu is dhiibay,halka qaarna ay sheegayaan in uu u arkay in haddii uu furro ururrada ay UCID iyo WADDANI qaar kaga darran ku soo bixi karraan,isla markaana uu qiiro qiiro gelli doonno Xisbiga KULMIYE oo u kale baxi doonno Barri iyo Galbeed. Geesta kalene Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu soo celinta xeerkaas u addeegsatay afar qoddob oo kale duwan,kuwaas oo ay kamid yihiin doorashada ururrada iyo inay isku beegan yihiin doorashada Madaxweynaha oo dastuuriya, halka qoddobka labaad uu ku sheegay in doorashadii Golaha Guurtida oo ah doorasho dastuuriya iyo diiwaangelintii ururradu ay iyana isku beegmeen Dhanka kalena Madaxweyne Biixi ayaa la aaminsan yahay in uu xeerkan u soo celiyey danno siyaasadeed oo u gaar ah isaga,isla markaana uu ka arkay dantiisa,wallow la sheegayo in doorashada Madaxtooytadda la fillayo inuu wakhtigeeda ku qabanayo sannadka dambe,isla markaana aanu muddo kordhin dalban doonnin,balse haddana illaa hadda ma kale cadda arrinkaas,haseyeeshee haddii uu ku dhiiraddo arrintaas waxay noqon doontaa tallaabo horumar ah oo aan isaga ciddi uga horeyn. Source
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq ayaa khadka telefanka kula xiriiray dhiggiisa Qatar ahna ku xigeenka ra’isul wasaaraha Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxman Al-taani. War Saxaafadeed kasoo baxay Qatar ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo wasiirka Soomaaliya oo warbixin ka siiyey arrimaha gobolka. Qatar waxaa ay ka mid tahay dalalka ku milan arrimaha gudaha Soomaaliya iyada oo marar badan kala taageertay kooxaha is haya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay guddiyada doorashada ayaa soo hadal qaaday dooda weli ka taagan kuraasta Somaliland. Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray labada garab ee is haya, gaar ahaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeyaan horumarinta iyo is-aaminaada, si ay doorashada labada Aqal ee Somaliland ugu dhacdo si cadaalad ah. Rooble ayaa tilmaamay in in habraacii u dambeeyey uu dhigayo ee lasoo saaray uu dhigay in labadaan mas’uul ay soo xulayaan liiska musharixiinta xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi, isagana uu ka hubin doono, si markaas turxaan bixin loogu sameeyo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu si gaar ah ula shaqeeyo labada dhinac, si looga gudbo caqabadaha weli ka jira kuraasta gobolada waqooyi ama Somaliland. Dhinaca kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu intaasi ku sii daray in aanu ogolaan doonin in labada garab ay isku dulmiyaan doorashada, ayna sidoo kale jiri doonin u kala eexasho. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaafka u dhexeeya labada garab ee kuraasta Somaliland isku haya uu meeshii ugu sarreysay gaaray, kaas oo saameeyey horey u socodka doorashooyinka, waxaase haatan soo fara-geliyey golaha wada-tashiga qaran oo soo saaray habraaca doorashooyinka iyo sida loo wajahayo kuraasta gobollada waqooyi. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid dheer, kaas oo dib u dhigay qabashada doorashooyinka oo ka daahay waqtigii loo asteeyey. The post Ra’iisul wasaare ROOBLE oo farriin culus u diray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, met with the electoral commissions along with federal and state Dispute Resolution Commissions on Tuesday to discuss the electoral process. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday arrin dhex martay isaga iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe. Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu u balan qaaday in la dooran doono, balse uu ku canaantay in afarta sano ee soo socota uusan u dhaqmin sidii hore. “Walaalkey waa i canaantay, waxuu iyiri waa lagu dooranaa, laakiin sidii hore hayeelin, marka anaguna sidii hore in Alle uusan ka dhigin ayaan rajeyneynaa, halkaas ma dhaafaayo,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Arrinta uu Muuse Suudi sheegay ayaa waxaa 22-kii bishan shaacisay Caasimada Online, oo sheegtay in Cali Guudlaawe la filayo inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, oo kaga yimid Villa Somalia. Sidoo kale Muuse Suudi ayaa amaan kala dul dhacay maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in mustaqbal fiican ay leedahay HirShabeelle, waxuuna bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan maamulkooda oo tafaraaruqa ay meel iska dhigaan. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyey uu weydiiyey sababta uu u imaan waayey Jowhar afartii sano ee Senatorka uu ahaa, “Jowhar kamana maqneyn, mana imaan, intaan oo dhib ah dadka waan ka dhowraayey, dadkaan isoo dhaweynaya iyo dadka aan u soo martinaayo dhib ayey igu qabi lahaayeen, sida maanta oo kale, laakiin qoylkeygu kama maqneyn HirShabeelle,” ayuu yiri Muuse Suudi. Waxa uu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu kursiga Aqalka Sare ku difaaci jiray dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, oo sida uu sheegay iyagu leh ilaha dhaqaale ee dalka laga wada biisho kheyraadka ka soo xarooda. “Intii Aqalka Sare aan joogay HirShabeelle wixii laga haleeyo banaankaan u taagnaa, waxaa soo labeysay Galmudug, waxay ugu dared markii lacag yar oo tan la siiyo dowlad goboleedyada kale ka yar loo qoondeeyey laga goostay labadaas maamul, iyadoo canshuurta dadkooda laga qaado oo dekadahooda la biisho, maadaama kuwa kale gaar loo leeyahay, warkeyga xiligaas inuu saas noqdo ma rabin, laakiin waan huri waayey, markii aan Aqalka Sare ka qeyliyey seddax beri gudahood ayaa lagu fasaxay lacagtii labadaas maamul,” ayuu yiri Senator Muuse. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Daraawiishta iyo PSF ee Puntland, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari. Hawlgalkan oo lagu xaqiijinayay Amniga Gobolka ayaa laga sameeyay buuraleyda Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Puntland. Hawlgalka waxa hoggaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca ee Silsiladda Golis G/Sare Saciid Nuur Shire, waxaana lagu baadi-goobayay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku dhuuntan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Imaaraadka Oo Soo Saaray Liiska Dalal Somaliland Ku Jirto Oo Uu Dadkooda U Fasaxay Fiiseyaasha Booqashada Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Isniinta Berri oo ku beegan 30-ka bisha August, 2021 dib u bilaabaysa bixinta fiisooyinka Dadka Dalalka kale ku nool ee doonaya inay Imaaraadka u safraan ama u dalxiis tagaan. Wakaaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo Gaabiyo WAM, ayaa baahisay in 30-ka bishan dib loo bilaabayo qabashada Codsiyada Fiiseyaasha Dadka Imaaraadka tagaya ee ka imanaya dalalka kale ee Adduunka guud ahaantood. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta oo soo xiganaysa Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee (NCEMA), ayaa baahisay Liiska Waddamada Dadkooda loo ogolaaday inay u safraan Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya iyo Dalal kale oo aad u badan. Shuruudaha laga rabo Dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka mid ah inay hore u qaateen Tallaalka difaaca u ah Xanuunka Covid_19 ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isla-markaana sitaan Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaangelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad iyo Waqaaraha aqoonsiga ee sheegaya inay Tallaalan yihiin. War Qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM, ayaa lagu yidhi “Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka (NCEMA) waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in laga bilaabo 30ka August, codsiyada fiisooyinka dalxiiska uu u furan yahay dadka ka socda dhammaan waddamada Dunida, haddii si buuxda loogu Tallaalay Talaallada Covid_19 ee ay aqoonsan tahay WHO..” Warka ayaa intaa ku daray in go’aankani qayb ka yahay qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso isku-dheeli-tirka Caafimaad-qabka dadweynaha iyo hirgelinta qorsheyaasha soo kabashada Imaaraadka Carabta “Tani waxay qayb ka tahay Istaraatiijitadda Dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro Dheelli-tirka Caafimaadka dadweynaha iyo taageerrada dedaallada Qaran ee lagu gaadhayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale..” ayaa lagu sheegay Warka ay daabacday Wakaaladda WAM. Ugu dambayn, arrinta xiisaha leh ee Warka ku saabsan ayaa ah, in Dawladda Imaaraadku liiska ay soo saartay ay Somaliland ka soo hor-marisay Soomaaliya, taasi oo tilmaan u ah siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda Imaaraadka ee ku aaddan Somaliland, taasi oo ah inuu ula dhaqmayo sida Dawlad uu aqoonsan yahay oo kale, inkasta oo aanay ahayn markii koowaad ee uu sidaa yeelo. Qaran News
-
Bristol Somali Youth Voice (BSYV), which works with disadvantaged young people, organised the day of sport at Lockleaze Sports Centre. Source: Hiiraan Online