-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President Hassan Sheikh Mohamud President Mohamud, describes his rivals as “spoilers” and at one point appealed to the British government to “act decisively against spoilers.” Kismaayo (PP Commentary) — In 2011, Kenya invaded Gedo region of Somalia after Al-Shabaab launched attacks inside Kenya. The kidnapping of a British woman near Lamu, where her husband was killed, left no one in doubt about Al-Shabaab’s capabilities. The British woman was transported to the countryside of Adado. She was released after her family paid a ransom, from which Al-Shabaab received a cut. In 2012, the Kenyan Navy and local forces, then known as the Ras Kamboni Brigade, captured Kismayo, a port city, and ended Al-Shabaab’s rule there. The liberation of Kismayo took place in September 2012, two weeks after Hassan Sheikh Mohamud was elected president. President Mohamud initially supported a six-region administration declared in Baidoa. The administration claimed that Kismayo was under its jurisdiction. In 2024, defying Jubaland’s electoral law, President Mohamud suggested a one-year term extension for the Jubaland administration led by President Ahmed Mohamed Islam. Jubaland President left the National Consultative Council over the proposal by President Mohamud, who now describes his rivals as “spoilers” and at one point appealed to the British government to “act decisively against spoilers.” Since 2013, Jubaland has made institutional progress despite parts of the region remaining under Al-Shabaab, whose capability to attack Kenya from Somalia has been degraded. Jubaland President Ahmed M. Islam refused to allow Villa Somalia to interfere with the Jubaland electoral process. Villa Somalia stumbles from one policy disaster to another, resulting in increased threats to Somalia’s national security. The Federal Government maintains no ties with Jubaland and Puntland, and it designated secession as a national threat after the Somaliland Administration signed a maritime Memorandum of Understanding with Ethiopia in January 2024. President Mohamud paid an unplanned visit to Kenya to seek the assistance of his Kenyan counterpart, President William Ruto. President Ruto sent a delegation to Mogadishu and Kismayo, but their mediation efforts failed due to irreconcilable differences between Villa Somalia and Jubaland over the proposed term extension by President Mohamud, who prioritises his personal political goals over national interests and a consensus-based approach to institution-building in Somalia. Kenya expressed its support for Jubaland’s electoral process. In the absence of an inclusive Somali national army capable of protecting borders, Kenya views political stability in Jubaland as a core element of its national security strategy. Somalis hold favourable views of Kenyan peacekeepers within ATMIS and do not view Kenya as a threat to Somalia’s sovereignty. Kenya hosts Somali refugees and remains a preferred destination for Somalis to invest, as evidenced by Eastleigh (sometimes known as ‘Little Mogadishu’). In 2024, the Federal Government of Somalia appears to be on a diplomatic collision course with Kenya, similar to 2019, when Mogadishu imposed an aviation embargo on Kismayo over the Jubaland elections. President Mohamud should avoid repeating the mistakes of his predecessor. © Puntland Post, 2024 The post Why Kenya Views the Jubaland State Election as a Key Milestone appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay kulan duco ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Isniintii lagu aasay magaalada Hargeysa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ducada ah ayaa ka sheekeeyey sifooyinkii uu ka bartay Siilaanyo, maadaama ay dhowr mar kulmeen iyagoo ka wadahadlaya qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland. “Dhowr mar ayaan kulanay Siilaanyo isagoo madaxweyne ah iyo anigoo madaxweyne ah teeramkii hore, maadaama aan isku arki jirnay wadamo shisheeye, waxaan kula kaftami jiray anigaa Hargeysa imaanayee Madaxweyne maad i marti waadid, marka wuxuu dhihi jiray waa la gaari doonaa maalinkeeda, waana laguugu marti qaadayaa Hargeysa ayuu i dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu sheegay in mar kasta uu talo ka sii jiray hoggaaminta dalka, maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed, “Mar kasta wuxuu na dhihi jiray war meelahaas saas iska yeela oo sidaas uga shaqeeya, wuxuu na sii jiray tilmaamo ku dhisan waayo aragnimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Siilaanyo uu madaxda dowladda federaalka uga mahadceli jiray, markii ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, “Markaan wadahadleyno anigu Adeer ayaan dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Siilaanyo uu ahaa hoggaamiye ku dayasho mudan, “dhaqankiisa, dabeecadihiisa iyo hoggaamintiisa waxay ahaayeen cajiib, in kastoo aan ku kala duwaneyn hoggaaminta labo dowladood oo Soomaaliya ka wadajirta, hadana wanaaga na dhex yaallay wuxuu ahaa mid heerkiisu sareeyo,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Siilaanyo, isagoo sheegay in dowladnimada Soomaaliya uu raad fiican uga tegay. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Somaliland ugu hambalyeeyey doorashadii ay qabsadeen, “Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay walaalaheena waqooyiga Soomaaliya aan ku daysano wixii fiican waa la isaga daysadaahe,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka daawo
-
Suldaanka guud ee beesha Suber Awal Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro . Suldaanka oo ujeedada kulankiisu ay aheyd booqasho , salaan iyo duco ayaa waxaa uu madaxweynaha cusub alleh uga baryey inuu xilka ku asturo una dhib yareeyo . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, labo codsi oo kala duwan oo ka yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo gaaray Xisbiga UDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo. Labadaan Masuul ayuu mid kasta codsanayaa in loo ogolaado inuu xubin ka noqdo Xisbiga UPD, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda xubnaha Xisbiga ay ka fariistaan, go’aana ka gaaraan codsiyada Qoor Qoor iyo Rooble. Labada nin waxaa caqabada ugu badan la kulmaya Qoor Qoor oo abaal badan uusan u dhex oolin xisbigaan, basle waxaa la eegi doonaa go’aanka ay ka gaaraan xubnaha Xisbigaan uu Xasan Sheekh hoggaamiyo. Rag miisaan ku dhex leh siyaasadda dalka oo Qoor Qoor ay isku heyb yihiin ayaa ku badan Xisbiga UPD, kuwaas oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Shuuriye iyo Abshir Bukhaari, kuwaas oo xifaaltan siyaasadeed uu kala dhexeeyo Qoor Qoor. Inkastoo hadda ka hor aan si rasmi ah loo ogeyn xisbiga uu ka tirsan yahay Qoor Qoor, hadana waxaa la xusuustaa inuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne hore Farmaajo, sidoo kale ragga qaar oo Xisbigaan awood badan ku dhex leh waxay Qoor Qoor ku xusuustaan sidii uu u maamulay doorashadii kuraasta Xildhibaanada Federaalka. Ra’iisul Wasaare hore Rooble, waxaa la sheegay in wax badan aysan ku qaada doonin xubinimada uu raadinayo ee Xisbiga UPD, maadaama ay abaal badan u hayaan, isla markaana uu ahaa ninkii u salaxay guusha uu mar kale Xasan Sheekh dalka Madaxweyne uga noqday. Rooble oo dagaal adag la galay Farmaajo ayaa saaxiib la ahaa guushana la jiheeyey xubnaha maanta dalka maamula ee UPD, waxaana suurtagal ah in culeys badan uusan kala kulmin xubinimada uu soo doontay ee xisbiga, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in Rooble uusan horay uga tirsaneyn xisbigaas, balse Xasan Sheekh uu saaxiib la ahaa. Baarlamaaka Soomaaliya ayaa toddobaadkaan ansixiyey in siyaasadda dalka ay maamulaan 3 xisbi oo kaliya, dadka siyaasadda daneeya ayaa ku kala biiri doona xisbiyadaas, waana sababta ay xubnahaan u soo doonteen xubinimada xisbiga UPD oo Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu maanta kulan kula qaatey madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Cevdet Yılmaz. Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo weliba amniga gobolka. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, kaas oo isku beddeley mid labada dal ay ka wada-shaqeyaan dhinacyada dhanka dhaqaalaha, amniga iyo horumarka labada dhinac. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo hore u gaaray heshiisyo muhiim ah. Horraantii sanadkan ayey aheyd markii labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo Turkiga u ogolaanaya inay xeebaha Soomaaliya ka sameeyaan baaritaan shidaal. Shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga ayaa la siiyey qandaraas 3 aag ah oo shidaalka Soomaaliya qoditaankiisa bilow u ah. Sidoo kale waxaa Soomaaliya soo gaaray bishii lasoo dhaafay markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis, si uu qiimeyn iyo shidaal baaris uga sameeyo Soomaaliya.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada ee haatan ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in maamulka uu qaadayo dagaal mideysan oo lagu sifaynayo kooxaha argagixisada ah ee saldhigtay buuraha deegaannada Puntland, kuwaas oo culeys amni ku ah maamulka. “Suuj iyo Garmaal waxaa lagu difaacay midnimada reer Puntland iyo qof kasta oo qorigiisa qaatay. Puntland waxay geli doontaa dagaalkii mid lamid ah oo xagjirka lagu la dirirayo,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland. Lugatoor ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagu qaadayo argagixisada, islamarkaana uu qof kasta qorigiisa qaato si deegaannada maamulka looga sifeeyo. “Waa dagaal ay Puntland u midoobi doonto waxaa la rabaa in gabdhuhu kimista dubaan iyo in qof kasta qorigiisa qaato si shar-wadayaasha looga sifeeyo degaannada Puntland.” Dagaalkan cusub ee madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku dhowaaqay ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda Daacish ku xoogeysatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Puntland ayaa marar badan dhulka buuraleyda ah ee maamulkaasi kula dagaalantay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo weli ay ku sugan yihiin halkaasi. Dagaalka tooska ah marka laga tego waxaa barbar socda howl-gallo gaar ah oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyaan magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo lagu soo qabtay shabakado isku xiran oo ugu dambeyn lagu xukumay dil, kadibna la toogtay.
-
Washington (Caasimada Online) – Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan. Van Hollen ayaa Senate-ka u gudbiyay qaraar wadajir oo diidmo ah, halka Sara Jacobs oo sidoo kale Dimoqraadi ah, ay mid la mid ah u gudbisay Aqalka Wakiilada. Dadaalkoodu uma badna inuu taageero weyn ka heli doono Congress-ka maadaama maamullada Mareykanka ee madaxweynayaasha labada xisbi ay muddo dheer u arkeen Imaaraadka inuu yahay saaxiib amniga gobolka oo muhiim ah. Hase yeeshee waxa uu dareenka kusoo jeedin doonaa dagaalka oo noqday mid ka mid ah musiibooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka. “Imaaraadka waa saaxiib Bariga Dhexe oo muhiim ah, laakiin Maraykanka iskama fadhin karo isagoo taageeraya musiibada bani’aadannimo ee Suudaan – waa in aan isticmaalno awooddeena si aan isugu dayno in aan dagaalka u keeno xal nabadeed,” ayuu Van Hollen ku yiri bayaan uu soo saaray. Sharciga Maraykanku ayaa dhigaya in Congress-ka uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada hubka ee waaweyn, wuxuuna u ogolaanayaa xubnaha Senate-ka in ay khasbaan cod loo qaado go’aannada diidmada ee xannibaya iibka noocaas ah. Inkasta oo sharciga aanu u ogolaanayn xubnaha aqalka wakiilada inay qasbaan codkan oo kale, haddana qaraarada waa in ay maraan labada aqal ee congress-ka, ayna ka bad-baadaan codka diidmada ee madaxweynaha, si ay u hirgalaan. Ma jiro qaraar diidmo oo abid maray labada aqal, islamakraana ka bad-baaday codka diidmada ee madaxweynaha. Qaraarada noocan ah ayaa mararka qaar hoggaamiyey doodo kulul oo tusmeeyey walaalcyada la xiriira xuquuqda bani’aadannimada iyo qanacsanaan la’aanta sharci-dejiyayaasha ee iibka hubka. Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ahaa iibsade hubka Mareykanka oo weyn. Bishii October, maamulka Biden wuxuu ku dhawaaqay, tusaale ahaan, inuu ansixiyay iibka suurtagalka ah ee gantaallada GMLRS iyo ATACMS oo ku kacaya $1.2 bilyan. Qaraarkan cusub ayaa isku dayaya in la joojiyo iibkaas. Madaxweyne Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sanadkan u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib gaashaandhig oo weyn, waxaana dowladda Khaliijka ay martigelisaa saldhigga ciidamada cirka Al Dhafra oo ay isticmaalaan diyaaradaha militariga Mareykanka iyo kumanaan askari oo Mareykan ah. Ciidamada Sudan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero ku siiyeen Jabhadda Dacmu Sariic dagaalka Sudan ee 17-ka bil socda. Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaasi. Kormeerayaasha cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedaymaha ah in Imaaraadku uu taageero millatari u fidiyay Dacmu Sariic kuwo lagu kalsoonaan karo. Dagaalka ayaa April 2023 ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo Dacmu Sariic, wuxuuna ka dhashay muran la xiriira qabashada doorasho xor ah, waxaana ku dhintay kumanaan qof. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in qiyaastii 25 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, ayada oo qarka loo saaran yahay macluul, halka 8 milyan ay ka qaxeen guryahooda. Reuters + Voa
-
Professor Samatar: ”I cannot discount the impact of virulent clannism-based considerations prevalent in Somaliland during elections.” Hargeisa (PP News Desk) — Professor Ahmed Samatar, a retired political scientist and the leader of Hillaac, a political association that did not qualify for party status in Somaliland elections, blamed disunity in his Awdal constituency for failing to challenge the status quo in Somaliland’s political parties. “We are proud of our association with the Kulmiye party and President Muse Bihi Abdi and congratulate the winning Waddani party. There was sinister, hate-based propaganda disseminated in Awdal against President Muse Bihi Abdi,” Professor Samatar told MM Somali TV. Professor Samatar said the reasons for his political association’s underperformance and failure to attain party status were varied. “Maybe we did not campaign effectively to deliver our message clearly, or perhaps many voters decided not to vote for Hillaac because they perceived it as a political association linked to the Awdal. I cannot discount the impact of virulent clannism-based considerations prevalent in Somaliland,” he added. Hillaac campaigned on a platform to diversify Somaliland’s political system, which is dominated by three Isaaq subclans. The UCID party was replaced by KAAH, led by Mohamud Hashi, a former Kulmiye member from Bura’o who left the ruling party to form an alliance with Waddani to unseat President Bihi. KAAH gained significant support in Awdal. “Awdal voters expect KAAH to return the favour,” said the professor. © Puntland Post, 2024 The post Hillaac Leader Blames Awdal Disunity for Setback in Somaliland Elections appeared first on Puntland Post.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) — Benjamin Netanyahu ayaa noqday hoggaamiyihii afaraad ee caalamka ee ay waaran soo qabasho u soo jarto maxkamadda dambiyada caalamiga isagoo loo haysto dambiyo ka dhana bini’aadantinimada. Waxaa safka ugu horreeyey Vladimir Putin-ka Ruushka, Cumar Al-Bashiirkii Suudaan, iyo Mucamar Al-Qadaafigii Liibiya. Waaranka ayaa la xiriira ficillada milatari ee Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta laga soo bilaabo maalintii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar wixii ka dambeeyay. Waxaa ka mid ah eedeymaha ah in dadka rayidka ah ay gaajoonayaan qaab dagaal, dil, si ula kac ah, weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah, iyo baabi’inta. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee Netanyahu iyo sidoo kale saddex hoggaamiye oo Xamaas ah – ayaa wajahay eedeymo la mid ah. Talaabadan ay qaadday maxkamada ICC, ayaa si weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan Israa’iil, iyadoo Netanyahu si weyn loogu tixgeliyo inuu yahay shaqsi aad u kala qeybsan, iyadoo xitaa cadawgiisa siyaasadeed ay ku tilmaameen mid aan laga fiirsan. Waxay ku soo beegantay waqti muhiim ah Netanyahu – Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa ee Israa’iil – oo ku dhex jira dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Qasa iyo Xisbullah ee Lubnaan, iyo colaad hor leh oo uu la leeyahay cadowga Israa’iil ee Iran. Dagaallada ayaa dhanka kale waxa ay ka soo horjeedaan dacwad-ciqaabeed oo ka dhacday gudaha Israa’iil Netanyahu oo looga shakiyay laaluush iyo musuqmaasuq – eedaymo uu si adag u diiday. Khilaafaadka ayaa dib u dhigay dacwadda (taasi oo keentay sheegashada qaar ka mid ah in Netanyahu uu doonayo inuu sii dheereeyo dagaalka Gaza si looga fogaado inuu wajaho maxkamadeynta). Weerarkii 7-dii Oktoobar, iyo dagaalkii xigay, ayaa sidoo kale hakiyay dibadbaxyo ballaaran oo toddobaadle ah oo looga soo horjeedo dib-u-habaynta garsoorka ee uu qorsheeyay Netanyahu kaas oo dalka ka dhigay bilo. Dadka dhaliila Netanyahu ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha inuu dalka kala gooyay isla markaana uu khatar ku yahay dimuqraadiyadda. In kasta oo dhibaatooyinkiisa oo dhan, qaar badan oo ka mid ah ay ku hanjabeen inay xukunka ka tuurayaan, Netanyahu wuxuu ku caan baxay inuu yahay badbaade siyaasadeed. Ninkan oo dib loo doortay markii shanaad ee Noofambar 2022, wuxuu hogaamiyaa – isagoo ah madaxa xisbiga Likud – isbahaysiga garabka midig ee taariikhda Israa’iil. Ku soo laabashadiisa xukunka waxa ay daba socotay muddo kooban oo mucaarad ah ka dib 12 sano oo isku xigta oo uu ahaa ra’iisul wasaare, soo laabashadiisa lama filaanka ah ee soo laabashadiisa ayaa xaqiijisay in taageerayaashiisa ay aaminsan yihiin in “King Bibi” uu yahay mid aan siyaasad ahaan laga adkaan. Netanyahu, oo 75 jir ah, waxa uu xafiiska qabtay lix jeer, guul aan la soo koobi karin, taas oo abaal weyn ku leh sawirka uu ku beeray “Mr Security” – qofka ugu fiican ee masuul ka ah difaaca Israa’iil. Waxa uu hore u sheegay in uu doonayo in lagu xasuusto in uu yahay ilaaliyaha Israa’iil. Laakiin, toddobaddii Oktoobar 2023, Israa’iil ayaa la kulantay masiibadii ugu xumayd ee taariikhdeeda iyada oo ay joogo Netanyahu, markii boqolaal hubaysan oo Xamaas ah ay ka soo gudbeen xadka Qasa. Waxay dileen ilaa 1,200 oo qof 251 kalena waxay qafaal ahaan ugu celiyeen Gaza. Netanyahu ayaa bilaabay dagaal uu ku burburinayo Xamaas isaga oo ka jawaabaya, kaas oo weli la dagaallamayo sannad ka dib. Ugu yaraan 44,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas, taas oo cambaarayn uga timid Israa’iil beesha caalamka. Netanyahu waxa uu sidoo kale la kulmay – oo uu iska caabiyey – cadaadis weyn oo gudaha ah si uu u ogolaado xabbad joojin si loo sii daayo ilaa 100 la haystayaal ah oo weli Xamaas ay haystaan. Israa’iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu sabab u ahaa guul-darrad wada xaajoodyada. Dhanka kale Israa’iil ayaa sidoo kale muddo sannad ah la kulmeysay weeraro kooxda ay Iran taageerto ee Xisbullah ee Lubnaan, kuwaas oo sheegay in ay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta. Ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil weerarradaas awgeed. Qiimaynta oggolaanshaha Netanyahu ayaa hoos u dhacday ka dib weerarkii 7 Oktoobar 2023, iyada oo dadka ka soo horjeeda – iyo xitaa taageerayaasha – ay ugu yeereen isaga inuu aqbalo mas’uuliyadda sirdoonkii ugu xumaa ee taariikhda Israa’iil. Netanyahu ilaa hadda wuu iska fogeeyay eedda shakhsi ahaaneed. Laakiin qaar ka mid ah guulaha waaweyn ee Israa’iil – oo ay ku jiraan dilkii hoggaamiyihii Hamas Yaxya Sinwar iyo madaxa Xisbullah Xasan Nasrallah – iyo weerar dhulka ah oo caan ah oo ka dhan ah Xisbulaha ayaa muujiyey qiimeynta Netanyahu oo dib u soo laabtay. Isha: BBC
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPaCautnF6J7CllJVe6qILClpBzdFf63DqKnvzptjb8dIdxChMHm3tEy5r3UPI6pquSHhHoPCpE31jYBOVNe9Yj.mp4 [/video Qaran News
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer galbeedka, isagoo sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen shalay bariga Ukraine ee Dnipro uu ahaa mid loo adeegsaday gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”. Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik uu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka. Putin ayaa ku goodiyay in Ruushka uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo Storm Shadow ee UK. Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer, iyadoo marar badan ay Kyiv ugu baaqay xulafadeeda reer galbeedka inay ogolaadaan adeegsiga gantaallada riddada dheer ee lagu weerarayo gudaha Ruushka, taas oo ay ku dooday “habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.” Ukraine ayaa maalmo kahor markii ugu horreysay Ruushka ku weerartay dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaas oo kamid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine, iyadoo tallaabadaasi lagu beegay maalinti kunaad ee kasoo wareegatay billowga dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaallada loo yaqaanno ATACMS, hase yeeshee gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba kamid ah. Sarkaalku waxa uu sheegay in Mareykanku uu weli qiimaynayo khasaaraha dagaalka, balse waxa uu sheegay in gantaalladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka. Adeegsiga gantaalladaasi ee Ukraine iyo digniinta Moscow ayaa laga cabsi qabaa in ay sii huriso xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo xulufada galbeedka ee taageera Ukraine.
-
Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay dagaal sifayn ah ku qaadayso kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in dowladdu qaadayso dagaal midaysan oo lagu sifaynayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha degaannada Puntland. Madaxweyne Lugatoor ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland in ay qayb ka noqdaan dagaalka lagu qaadayo argagixisada islamarkaana qof kasta qorigiisa qaato si degaannada Puntland looga sifeeyo argagixisada. “Suuj iyo Garmaal waxaa lagu difaacay midnimada reer Puntland iyo qof kasta oo qorigiisa qaatay. Puntland waxay geli doontaa dagaalkii mid lamid ah oo xagjirka lagu la dirirayo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. “Waa dagaal ay Puntland u midoobi doonto waxaa la rabaa in gabdhuhu kimista dubaan iyo in qof kasta qorigiisa qaato si shar-wadayaasha looga sifeeyo degaannada Puntland” ayuu sii raaciyay Ilyaas Cismaan Lugatoor. Dhawaqa madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya wakhti ay soo baxayaan warbixino sheegaya in argagixisada Daacish ku xoogaysatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday dagaal buuraha lagaga sifaynayo kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Sir Keir Starmer, the Prime Minister of Britain: The Labour Party government of the United Kingdom has inherited the Conservatives’ biased policy on Somalia. Garowe (Commentary) — The Labour Party government of the United Kingdom has inherited the Conservatives’ policy on Somalia. In 2012, David Cameron, the former British Prime Minister, introduced a re-engagement strategy focused on the state-building initiatives in Somalia. This was the year Somalia ended its transitional period and formed a government whose MPs and President were selected in Mogadishu. While Britain, like EU, deserves credit for supporting federal institutions in the Federal Republic of Somalia at central and federal member states, the Conservatives’ government promoted a secessionist policy favouring the Somaliland administration. This preferential treatment is evident in Hargeisa hosting Taiwan’s diplomatic mission, a move that violates Somalia’s One-China policy. Britain is accused of selectively applying pre-independence protectorate policies in Northern Somalia, a stance successive Somali federal governments have failed to challenge. As the penholder for Somalia at the United Nations Security Council, Britain has not raised any discernible objections to claims made by the Somaliland administration, including its assertion of sovereignty since 1991. This lack of objection was particularly notable during the 2023 shelling of Las Anood, where Somaliland forces justified their actions based on their secessionist claims. The British government’s policy appears biased towards the Federal Government of Somalia. Britain has not distanced itself from a statement made by President Hassan Sheikh Mohamud during the birthday party for King Charles III at the British Embassy in Mogadishu, where he urged the British government to “act decisively against spoilers.” Such actions suggest that Britain is losing its neutrality in Somali politics and risks being perceived as supporting the agenda of one Somali leader, who uses the term “spoilers” to label his rivals. For this reason, the new Labour government has an opportunity to review its policies on Somalia, which were devised by the Conservatives, whose nostalgia for the British Empire was an animating theme in their dealings with Africa By Adan M. Dawad The post The British Government’s Policy on Somalia is Overdue for Recalibration appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gaaska dabiiciga ah ee maalinlaha ah iyo bilaha ah ee Turkiga iyo wax soo saarka saliidda ceyriinka ah ayaa gaartay rikoor cusub bishii October, sida ay shaacisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka dabiiciga Turkiga. Bishii October waxay xustay wasaaradda in wax soo saarka saliida iyo gaaska dabiiciga ah ee maalinlaha uu cel-celis ahaan ahaa 108,443 fuusto iyo 7.9 Cubic-meter oo gaas ah. Turkiga ayaa sanadkan sii dhammaanaya ee 2024 diiradda saaray gaaska iyo shidaalka, taas oo horumar ballaaran laga sameeyay. Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis ayaa bishii lasoo dhaafay soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn iyo shidaal baaris uga sameeyo. Howl-galkan ayaa la filayaa inuu ugu badnaan qaato toddoba bilood, iyadoo xafladii soo dhaweynta ee ka dhacday dekedda Muqdisho lagu saxiixay heshiiska baarista shidaalka Soomaaliya. Oruç Reis ayaa sidoo kale wuxuu sameyn doona xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya. Si kastaba, Markabka sahminta shidaalka ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.
-
Mogadishu prepares for universal suffrage elections in 2026
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Banadir region's 20 districts are gearing up for one-person, one-vote elections in 2026, according to Deputy Commissioner of Security and Politics Mohamed Ahmed Diriye Yabooh. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro , uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa isna dhankiisa sheegay, in adeegsiga Ruushka ee gantaalkan cusub uu ahaa mid xaaladda dagaal uga sii daraysa. Khamiistii shalay ahayd, Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka. Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka. Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaau Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK. Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa dhagaha ka fureystay baaqii beesha caalamka soo saartay, wuxuuna sii wataa jadwalkiisa doorasho ee dhawaan soo saaray guddiga doorashada maamulka. Shalay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, kaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loogu doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod. Waxaa sidoo kale la diiwaan-geliyay saddex cod oo xumaaday, sida uu shaaciyay guddigii doorashada ee guddoonka golaha wakiilada Jubbaland. Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kasii dareysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa madaxweynaha Jubbaland ugu baaqday inuu ku soo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si khilaafka loo xaliyo inta aan la dhameystirin ansixinta baarlamaanka ee shuruucda doorashooyinka. Si kastaba, natiijada doorashadan ayaa muujineysa in uusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhaceysa 25-ka bishaan, waana sababta ugu dhagan yahay doorasho gaar ah.
-
Dowladda Falastiin ayaa soo dhaweysay baaqa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ay ka soo saartay soo qabashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant ,kuwaasi oo ku lug-yeeshay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza. ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo madaxa militariga Hamas Mohammed Deif oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada iyo dambiyo dagaal, inkastoo Israa’iil ay bishii Agoosto sheegtay in Deif lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Qaza. Maxkamadda ICC ayaa warqadda lagu qabanayo madaxda Israel iyo Xamaas ku sheegtay in ay tahay tallaabo soo celinaysa rajada” sharciga caalamiga ah. Daraasiin ayaa lagu dilay duqeymo ay militariga Israa’iil ka fuliyeen waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya iyo magaalada Gaza, halka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ay gantaallo ku dhufteen teendhooyin ay ku hoydaan dad barakacayaal ah oo ku sugnaa bartamaha dhulka Falastiin. Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada Israel ee Baalbek ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof ayna ku dhaawacmeen 52 kale. Weeraradan ayaa daba socday ka dib markii wasaaraddu ay sheegtay in 25 qof lagu dilay 121 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israel 24-kii saac ee la soo dhaafay. Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 44,056 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,286,halka udaha Lubnaan, ugu yaraan 3,583 qof la dilay 15,244 kalena la dhaawacay. PUNTLAND POST The post Dowladda Falastiin oo soo dhaweysay amarka Maxkamadda ICC ku xirayso Ra’iisul Wasaaraha appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe.” Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka. Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK. Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ruushka oo si adag ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.
-
Algers (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune u geeyay fariin uu uga siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Daahir Geelle oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Algeria ayaa markii uu dhambaalka u geeyay madaxweynaha kadib waxay yeesheen kulan gaar ah. Kulankan ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Algeria. Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay qadiyadda gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helidda arrimaha ka taagan mandiqadda gobolka. La-taliyaha gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay madaxweynaha Algeria waxa kale oo ay iskula soo qaadeen xubinnimada guddiga aan jogtada aheyn ee golaha ammaaka Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyo Algeria ayaa labaduba qeyb ka ah guddiga aan jogtada aheyn ee golaha ammaaka ee Qaramada Midoobay. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa weli caalamka ka wada olole ka dhan ah gardarrada Itoobiya ay ku heysto qaranimada Soomaaliya, waxaana muuqata in Soomaaliya aysan ka caajisin inay ka sii ololeyso Itoobiya.