Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/01/Warka-Subax-512021-1.mp3 View the full article
  2. Activists and legal experts question police conduct in the police stop and the late-night home raid that followed. Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiyaha Guddiga laguu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan Guddiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiir ku-xigeenka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Massimiliano Bertollo. Guddiga iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay Hirgelinta Doorashada heer Federaal, oo weli muran xooggan ka taaganyahay, islamarkaana aysan heshiis dhab ah ka gaarin dowladda Federaalka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka. Gudoomiye Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Guddiga lagu muransanyahay, ayaa safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin Hirgelinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka in ay kaalintooda qaataan. PUNTLAND POST The post Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal oo la kulmay safiir ku xigeenka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah la kulmo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa kulan Qado Sharaf ah ku casumay Hoggaamiya Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kale ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, waxaana la filaya in uu kala hadlo xallinta muranka Arrimaha Doorashada 2021. Labada mas’uul, ayaa ka wada-hadli doona sidii loo dhammayn lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta, oo ku saabsan Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka heer Federaal. Midowga Murashixiinta, ayaa diiddan Guddiga hirgelinta Arrimaha Doorashooyinka oo dowladda Federaalku magacowday, kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka sida. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah ku casumay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  5. Senior officials at Ethiopia’s Ministry of Mines and Petroleum say the government is set to rescind an agreement with a US-based self-described energy firm after an investigation by Quartz Africa revealed the company had no petroleum industry expertise or technical credentials. Source: Hiiraan Online
  6. A man has faced court charged with murdering a counsellor who came to visit him at a North Melbourne unit and with seriously injuring a friend. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa beeniyay hadal uu warbaahinta u sheegay wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, kaas oo ahaa in la xiray ninkii bastooladda ula baxay shacab dibad-baxayey. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u warramayay idaacadda VOA-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inaan la xirin shaqsigaas, wuxuuna intaas ku daray iney jimcahii ku arkeen aagga madaxtooyada. “Mala xirin, anagaa og, ma xirna, waxaan heynaa sawir uu jimcahii hor taagnaa madaxtooyada oo aan la wadaagnay madaxda dowladda, hadduu xiran yahay ha lagu qanciyo gabdhahii uu xabadda ku riday hana la tuso, warka wasiirka sax maahan, ma xirna hadii inta la xiro sharciga la marsiiyo waan ku qanceynaa,” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Amniga uu xaqiijiyay in shaqsigaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay. “Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.
  8. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaysay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadisay waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in mar walba ay ka go’antahay xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah. Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya yaa ku soo beegmay saacado, kadib markii dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ku heshiiyeen in ay dib u furan xuduudkooda dhulka Badda iyo Hawada, kadib markii ay ka heshiiyeen khilaafkoodi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo bogaadisay Heshiiska Qatar iyo Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  9. Haweeney loo soo Magacaabay Danjiraha UK u fadhiyi doona Somalia Britain ayaa Soomaaliya u soo magacowday Safiir cusub, kaasoo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka danjire Ben Fender oo xiligiisu dhamaaday. Haweenay lagu magacaabo Kate Foster ayaa loo soo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia taasoo si rasmi uga howlgeli doonta dalka marka ay xilka la wareegto. Qoraal kasoo baxay dowladda Britain ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub danjire Ben Fender loo wareejin doono xil kale. Ben Fender oo xilka danjiraha Somalia loo soo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka ayaa muddo ku dhow labo sanno ka howlgalayey dalka. Qaran News
  10. Maxkamad ku taal Dalka UK laashay Codsi Mareykanka ku doonayey in loo soo gacan geliyo Ruux ay ku haystaan Denbiyo Basaasnimo Maxkamad ku taal dalka Ingriiska ayaa maanta laashay codsi uga yimid Mareykanka kaas oo ay ku doonayeen in loo gacan-geliyo aas-aasaha website-ka sirta faafiya ee Wikileaks Julian Assange. Go`aanka maxkamadda ayaa soo baxay maanta oo Isniin ah kadib isbuucyo oo ay socotay dacwadda ah in Assange loo dhiibo Mareykanka. Mareykanka ayaa Julian Assange ku haysta dambiyo la xiriira basaasnimo iyo in uu ka xaday wasaaradda difaaca dalkaasi xogo sir ah oo la xiriira dagaalka Mareykanku ka waso waddamada Ciraaq iyo Afghanistan dabadeedna uu kusoo daabacay website-kiisa Wikileaks. Assange ayaa magangelyo siyaasadeed u galay sannadkii 2012-ka safaaradda ecuador ku leedahay magaalada London halkaas oo uu ku jiray ilaa laga soo eryo horraantii sannadka 2019-kii. Tan iyo sannadkii 2019 waxaa uu ku jiray xabsi si weyn loo ilaaliyo kaas oo ku yaal dalka Ingriiska. Mareykanka ayaa racfaan ka qaatay diidmada maxkamadda, waxaana haddii loo gacangeliyo uu muteysanayaa xaris dhan 175 sano ah. Qaran News
  11. Boqortooyada Sacuudiga oo ka qaadey Go’doomintii ay gelisay Dalka Qatar Tan & 2017-kii Waxaa la shaaciyey in guulo waaweyn laga gaaray wadahadalladii uu Mareykanku gadaal ka riixayey ee mudooyinkii dambe u socday dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo ku kala tegay khilaafkii adkaa ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka. Bishii July ee sanadkii 2017-kii afar dal oo Sacuudigu u horeeyey ayaa go’doomin dhan walba ah ku soo rogay dalka Qatar, balse arrintaas waxaa la shaaciyey in heshiis hor dhac ah laga gaaray, isla markaana berri lagu kala saxiixa doono dalka Sucuudiga. Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Talaadada berri ah heshiis rasmi ah oo colaadaasi lagu soo afmeerayo lagu kala saxiixa doono dalka Sacuudiga. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, sarkaalkan oo aan magiciisa la sheegin ayaa si rasmi ah u sheegay in khilaafkaas hadda xal laga gaaray, wax walbana ay ku soo laaban doonaan sidii ay ahaayeen sanado ka hor. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kuweyt Axmed Naasir Al-Sabaax ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii mudada sanadaha ah lagu hayey dalka Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono saacadaha soo socda. Dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo safarba ku soo rogay dalka Qatar bishii July ee sanadkii 2017-kii. Xilligaas waxay ku eedeynayeen dowladda Qatar inay taageerto argagixisada, balse Qatar ayaa iska diiday eedahaas, waxayna sheegtay in xayiraadahaas lagu cuuryaaminaayo dhaqaalaheeda iyo madax-banaanideeda. Markii go’doonka la geliyey Qatar waxay garab istaag ka heshay dowladda Turkiga oo aad uga hortimid daan-daansiga ay ku hayeen dalaalka kale ee Khaliijka, waxayna dalkaas yare e hodanka ah geysay ciidamo ka difaaca saaxiibadiisii hore ee Khaliijka. Sidoo kale dowladaha sida weyn u garab istaagay Qatar waxaa ka mid ahaa Iraan oo ay siyaasad ahaan arrimaha Bariga Dhexe isku aragti ka yihiin Turkiga. Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinyada dhulka iyo badda ay la wadaagto la isagama gudbi karin. Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay Talaadada berri ah ku shiraan Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka dhici doono shir sanadle ah, kaas oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka Qatar iyo Sacuudiga. Qaran News
  12. Bilyaneer Caan ah oo la la’yahay Meel uu Jaan & Cidhib dhigay Jack Ma Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka iyo bogagga warbaahinta qabsaday hadal-heyn ku saabsan meesha uu jaan iyo cirib dhigay bilyaneerka u dhashay waddanka Shiinaha ee lagu magacaabo Jack Ma, kaasoo la sheegay in la la’yahay muddo. Wargeyska Business Insider ayaa soo tabiyay in ganacsadahan caanka ah aan fagaareyaasha lagu arkin muddo ka badan labo bilood. Bilyaneerkan, oo ah milkiilaha iyo aasaasaha shirkadda ganacsiga ee Alibaba, ayaa la filayay in uu kasoo muuqdo duubista xalaqadii ugu dambeysay ee barnaamij isaga u gaar ah oo uu ka sameynayo halyeeyada ganacsiga qaaradda Afrika. Barnaamijkaas ayaa lagu waday in uu uga qeyb galo garsoore ahaan, balse waxaa baddalkiisa markii dambe galay mas’uul kale oo ka tirsan shirkadda Alibaba, sida laga soo xigtay wargeyska Telegraph ee kasoo baxa UK. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ganacsadaha maalqabeenka ah uusan kasoo qeyb gali karin barnaamijkaas maadaama uu ku mashquulay arrimo kale oo u qorsheysnaa. Warkaasna waxaa tabiyay wargeyska kale ee lagu magacaabo Financial Times, kaasoo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha. Wararka ku saabsan in la la’yahay Jack Ma ayaa soo baxay kaddib markii ay waaxda kalsoonida ganacsiyada ee dowladda Shiinaha baadhitaan ku billowday shirkadaha Alibaba iyo shirkadda ay bah-wadaagta yihiin Ant Group. Baadhitaanka ayaa yimid kaddib markii ay dowladda Beijing si khasab ah ku hakisay mashquuc ku kacaya $37 bilyan oo doolar oo ay shirkadda Ant Group daah furi rabtay, kaasoo la filayay in uu noqdo mid ka mid ah mashruucyadii ugu waaweynaa ee abid laga fuliyo adduunka. Mashruucan oo magaciisa loo soo gaabiyo IPO ayaa ujeeddadiisu ahayd in saamiyada ganacsiga looga iibiyo maalgashadayaasha meel kasta oo ay joogaan. Waxaa la hakiyay 48 saacadood ka hor inta aan si rasmi ah looga furin suuqa saamiyada ee magaalooyinka Shanghai iyo Hong Kong. Shirkadda Ant Group ayaa sidoo kale waxaa horay ugu socdo baadhitaan aad u culus oo lagu billaabay kaddib markii khudbad uu jeediyay Jack Ma uu ku dhaliilay hannaanka wax loo sharciyeeyo ee dalkaas, isagoo bandhiyadana ku tilmaamay “dillaaliin faa’iido kaliya raadiya”. Bogga Bloomberg ee ka faallooda sheekooyinka la xiriira maalqabeennada adduunka ayaa shaaciyay in Jack Ma uu saddex bilood gudahood ku khasaaray qiyaastii $11 bilyan oo doolar. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Afar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka iyo duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi. Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah heshiiska ay gaareen afarta shirkadood oo ay ku saxiixan yahiin wakiilo ka socda shirkadahaas, waxaana muuqata in aad sare loogu qaaday qiimaha tikidka duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadaha ayaa ku heshiiyay in qofka weyn ee doonaya inuu ka safro Muqdisho una safro Nairobi uu bixinayo 260$ halka caruurta ay bixinayaan 230$, waana qiimo saa’id ah maadaama markii hore uu ahaa 140$. Wakiilada ka socda shirkadaha ku heshiiyay qiimo kordhinta oo kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa arrimahaan kala hadlay wasiiradda gaadiidka ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxeyna markaan doonayaan iney arintaan ka dhaadhiciyaan maareyayaasha garoomada iyo Wakiilada hay’adda Duulista Hawada. Shirkadahan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay kordhiyaan qiimaha Tikit-ka lagu raaco diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka iyaga oo go’aamiyey in ay joojiyaan tartanka u dhexeeya ee dhinaca qiimaha iyo adeegga, sidaas awgeed waxa ay ku heshiiyeen hal diyaarad oo keli ah ay tagto maalinkii halkii ay laba ilaa saddex diyaarad geli jireen duulimaad maalinkii. Sida ay sheegeen madax kamid ah hay’adaha duulimaadka Soomaaliya, Shirkadaha Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo fadhigoodu yahay Kenya kana mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka Kireeya diyaaradaha ayaan illaa hadda kordhin Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya uga Kireeyaan diyaaradaha, hase yeeshee Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa go’aansaday in ay qalaiyeeyaan Qiimaha Tikit-ka si ay u sameeyaan Faa’iido badan. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli ka hadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka. Qorshe kala ayaa soo ifbaxay oo ay heshiis ku noqdeen afartaan shirkadood taasoo ah iney ka maarmaan tartankii u dhaxeyn jiray ee dhanka qiimaha isla markaana maalintiiba ay baxdo hal shirkad taasna ay kaa saacidi karto iney sare u qaadaan duulimaadka gobolada dalka. Lama oga qiimaha saxda ah oo ay sare u qaadeen tikidhada gobolada dalka, balse heshiiska ayaa ka dhigan iney ka maarmayaan tartankii dhanka qiimaha ee mar walba u dhaxeyn jiray maadaama ay ugu yaraan saddex shirkadood maalintii duulimaad wada sameyn jireen.
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa saacadihii lasoo dhaafay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan kala hadlay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneral Mukhtaar iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe. Danjire James Swan ayaa mas’uuliyiintaas kula xariiray qadka Internet-ka, waxayna ka wadahadleen xal u helidda khilaafka hareeyey maamulka cusub HirShabeelle, gaar ahaan xiisadda ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Kulamada uu James Swan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sida la sheegay aad loogu gorfeeyey tallaada ugu haboon ee lagu soo afjari karo xiisadda salka kuheysa diidmada madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle ee ka taagan gobolka Hiiraan. Intii ay socdeen kulamadaas James Swan ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay wadahadal dhex-mara dhammaan daneeyayaasha siyaasadda HirShabeelle, si loo helo dib u heshiisiin dhab ah. Sidoo kale James Swan ayaa madaxweynaha iyo wasiirka u balan qaaday in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas lagu xalinayo khilaafka ka jira HirShabeelle. Tan iyo markii maamulka HirShabeelle loo doortay madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka socday dhaq-dhaqaaqyo lagu diidanyahay maamulkaas, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay. Go’aanka ugu adag oo ay qaateen reer Beledweyne ayaa ahaa in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uusan tegin magaaladaas, halka isaguna uu doonayo in lagu caleemo saaro. Doorashadii Cali Guudlaawe ee HirShabeelle kadib, waxaa Hiiraan laga aas-aasay jahbad hubeysan oo saldhigeeda ugu weyn uu yahay deegaanka Ceel-Jaalle, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Abuukar Xuud oo aad u diidan madaxda cusub ee maamulkaas.
  15. Baarlamaanka 10-aad oo labo aqal ah, waxaa uu sameysmay iyada oo baarlamaanka federaalka ah 9-aad oo hal aqal ahaa uu qabtay shaqooyin badan, rajo weyn ayaa laga qabay iney dhameystiraan arrimo ay ku jiraan dastuurka, garsoorka, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo qaar kale, laakin nasiib darro hawlahaasi lama qaban. Haddaba, Goobjoog News waxaa isbardhig ay ku sameysay shaqadii labada baarlamaan ay ku ogaatay in baarlamaankii 9-aad uu ka shaqo iyo tayo badnaa baarlamaanka 10-aad. Haddaba, halkan hoose ka akhriso isbarbardhig la xiriira labada baarlamaan ee dhanka ansixinta sharciyada, qaraarrada, heshiisyada caalamiga ah, miisaaniyadaha, la xisaabtanka xukuumadda, matalaadda iyo arrimo kale. Baarlamaanka 10-aad: Sida aan sheegnay baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka koobanyahay labo aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare), xubnihiisana waa ay ka badnaayeen baarlamaankii 9-aad oo ahaa hal aqal iyo 275 xildhibaan halka 10-aad lagu daray aqalka sare oo 54 Senator ah. Haddaba, si la mid ah madaxweynaha 2017-kii la doortay ee Farmaajo, baarlamaanka 10-aad waxaa laga filayey waxqabad adag gaar ahaan: Dhameystirka dib u eegista Dastuurka. Dhameystirka Shuruucda Federaalka ah. Matalaadda Dadweynaha. Arrimaha horyaalay waxaa ugu muhiimsanaa oo kale: Sharciga doorashada, sameynta maxkamad dastuuri ah, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo wixii la mid ah, laakin arrimahaas marka laga reebo midka doorashada inta kale lama qaban, taa badalkeeda waxaa la ceyriyey guddoomiyihii golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday wada shaqeyntii labada aqal, baarlamaankii waxaa la wareegay xukuumadda federaalka ah, oo awooddii wiiqday taasi oo meesha ka saartay la xisaabtankii iyo xisaab xirradii laga rabay. Halkii baarlamaanka 9-aad uu xoogga saaray dhismaha sharciga la xiriira dhismaha hey’adaha federaalka ah, kuwa guddiyada kala duwan ee dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee tiirarka dowladnimada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu xoogga saaray kheyraadka iyo arrimo keenay khilaaf siyaasi ah oo ay labada heer ee DF ku kala tageen, loona arkay daneysi iyo boob. Dhanka sharaciyada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ansixiyey 26 sharci oo in badan oo ka mid ah ay soo bilaabeen baarlamaankii hore, waxaa uu madaxweynaha saxiixay oo kale 6 heshiis oo caalami ah halka la soo saaray wax ka yar 10 qaraar. Sharciyada ka gudbay ee uu madaxweynaha ansixiyey waxaa ugu muhiimsanaa marka laga soo tago heshiistada caalamiga waxaa ka mid ahaa: isgaarsiinta, naafada, musuqa, batroolka, doorashooyinka, dhakhliga, Ilaalinta hidda dhaqameedka & mdka dabiiciga, Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyada (PFM) , Wax Ka Badelka Sharciga Furdooyinka, dib u eegista sharciga saxaafadda, Sharciga Istaatistikada Soomaaliyeed , Sharciga Duulista Rayadka ee Hawada, H/Sharciyeedka Jaangaynta iyo Tayo dhawrka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo weli Farmaajo la yaalla: Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aaan muuqan, Hindise Sharciyeedka Leelitirka siyaasiyiinta Soomaalia, Hindise-sharciyeedka Hawlgabka & Xaqsiinta Ciidamada, Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, Wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda, Heshiiska waxbarshada ee Soomaliya iyo Turkig iyo qaar kale. Miisaaniyadaha: Dhanka miisaaniyadaha, baarlamaanka 10-aad waxaa ay meelmariyeen 9 miisaaniyadeed iyo hal xisaab xir sanadeed. Waxaa xusid mudan in labada aqal arrimaha ay isku khilaafeen ay ka mid aheyd ansixinta miisaaniyadda. Guryaha Baarlamaanka 10-aad: Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda ayaa taageeray labada aqal, Aqalka sare waxaa ay siiyeen dhisme cusub halka ay ballaariyeen dhismihii Villa Hargeisa oo haatan si KMG ah uu golaha shacabka ugu shaqeeyo inta ay ka dhisayaan aqalkii weynaa. Matalaadda Shacabka: Baarlamaanka 10-aad waxaa ku adkaatay matalaadda shacabka, oo inta badan marka laga reebo Puntland inta kale waxaa yar xildhibaannada dib ugu laaban karay sababo amni, iyada oo inta badan aan dhaafin caasimadda. Baarlamaanka 9-aad(2012-2016): Baarlamaanka oo ahaa midkii federaalka ahaa oo ugu horeeyey waxaa uu qabtay hawllo badan oo markaasi horyaallay sida: Xeer hoosaadka, Barnaamijka sharcidejinta, Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha, Sare u qaadista sugidda ammaanka, Dib u eegista dastuurka, Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani, Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta, Xafiiska deegaannada doorashooyinka, Kaabayaasha iyo dhismoyaal, Waaxda barista shuruucda, Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta. Baarlamaanka 9-aad iyo Arrimaha Sharci Dejinta: Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis Golaha shacabka waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah Villa Hargeisa: Baarlamaanka 9-aad 2017-kii kahor waxaa uu Villa Hargeisa ku lahaa 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale 30 qof ku shiri kareen, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale. Shaqaalaha Baarlamaanka: Baarlamaanka 9-aad waxaa uu u yimid 53 shaqaale ah oo keliya, markii uu tagayey waxaa joogay ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween. Matalaadda shacabka: Xildhibaannada baarlamaankii 9-aad waxaa ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose. Baarlamaankaas waxay sameeyeen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay. Madaxda Soo Booqatay baarlamaanka 9-aad: Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi Isbar-badhigga labada aqal marka laga soo tago, guddoomiyihii la ceyriyey ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu ahaa khabiir wax ka qoray dastuurka lagu dhaqmo ee KMG ah, inta ka badan 50 sano ku jiray nidaamka dowliga ah oo madax soo ahaa, una soo joogay isbadallada halka Maxamed Mursal uu xildhibaan ka noqday baarlamaankii 8-aad iyo midka 10-aad, saddex wasaaradood, safiir iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo. W/D: Abdiaziz Ahmed Gurbiye
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ku bixisay baraha bulshada lacag dhan 70-kun oo dollar-ka Mareykanka, kaasi oo lagu fulinayo ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha bulshada’, sida uu shaaciyay wargeyska Somaliland Chronicle. Warbixinta ay daabacday waraabinta Somaliland Chronicle ayaa lagu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay sanadkii tagay dad gaar ah ku naas-nuujisay difaacida baraha bulshada, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay aamusinta qaar kamid ah warbaahinta gudaha. “Sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland waxay lacag gaareysa 70,000 dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada,” ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale waxay shaacisay in lacagtaas qeybteeda u badan la siiyey warbaahino internet, si aan loo daabicin wax lidi ku ah Somaliland, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad faro ku tiris ah oo baraha bulshada ka difaaca xukuumadda. “Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada,” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warbixinta Somaliland Chronicle oo soo xiganeysa ilo-wareedyo muhiim ah. Xukuumadda Somaliland ayaa sanadihii dambe ku howlaneyd sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd warbaahinta madax-banaan, kuwaasi oo ay u adeegsaneyso danaheeda gaarka ah iyo qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida.
  17. Minneapolis (Caasimada Online) – Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota ayaa waxa ka billowday banaan-baxyo xoogan, kaasi oo looga soo horjeedo wiil Soomaali ah oo dhawaan booliska ay magaaladaas ku toogteen. Dadka banaan-baxa dhigayay oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ku wehlinayay dad kale, kuwaasi oo muujinayay sida ay uga xun yihiin toogashada loo geystay wiilka Soomaaliga ah, isla markaana cadaalada la marsiiyo booliska fuliyay toogashadaas. Waxay cod dheer ku dalbanayeen dadkii isugu soo baxay waddooyinka Minneapolis in si deg deg ah cadaalada u helaan qoyska Doolaal Ciid, sidoo kalena aysan dib usoo laaban fal noocaas oo kale. Dadweynaha oo wajiyadooda laga dheehan karayey qaabka ay uga xun yihiin toogashada wiilka Soomaaliga ah ayaa balan-qaaday inaysan wadooyinka ka tageyn ilaa inta wax laga qabto dilkaas, isla markaana ay sii wadayaan banaan-baxaas. Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa saameynta uu reebay aad looga dareemay magaalada Minneapolis, waxaana dadweynuhu maalintii saddexaad ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas. Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo. Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah. Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.
  18. Doha (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyey in guulo waaweyn laga gaaray wadahadalladii uu Mareykanku gadaal ka riixayey ee mudooyinkii dambe u socday dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo ku kala tegay khilaafkii adkaa ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka. Bishii July ee sanadkii 2017-kii afar dal oo Sacuudigu u horeeyey ayaa go’doomin dhan walba ah ku soo rogay dalka Qatar, balse arrintaas waxaa la shaaciyey in heshiis hor dhac ah laga gaaray, isla markaana berri lagu kala saxiixa doono dalka Sucuudiga. Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Talaadada berri ah heshiis rasmi ah oo colaadaasi lagu soo afmeerayo lagu kala saxiixa doono dalka Sacuudiga. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, sarkaalkan oo aan magiciisa la sheegin ayaa si rasmi ah u sheegay in khilaafkaas hadda xal laga gaaray, wax walbana ay ku soo laaban doonaan sidii ay ahaayeen sanado ka hor. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kuweyt Axmed Naasir Al-Sabaax ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah laga gaaray go’doomintii mudada sanadaha ah lagu hayey dalka Qatar, kaas oo madal wayn lagu saxiixi doono saacadaha soo socda. Dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo safarba ku soo rogay dalka Qatar bishii July ee sanadkii 2017-kii. Xilligaas waxay ku eedeynayeen dowladda Qatar inay taageerto argagixisada, balse Qatar ayaa iska diiday eedahaas, waxayna sheegtay in xayiraadahaas lagu cuuryaaminaayo dhaqaalaheeda iyo madax-banaanideeda. Markii go’doonka la geliyey Qatar waxay garab istaag ka heshay dowladda Turkiga oo aad uga hortimid daan-daansiga ay ku hayeen dalaalka kale ee Khaliijka, waxayna dalkaas yare e hodanka ah geysay ciidamo ka difaaca saaxiibadiisii hore ee Khaliijka. Sidoo kale dowladaha sida weyn u garab istaagay Qatar waxaa ka mid ahaa Iraan oo ay siyaasad ahaan arrimaha Bariga Dhexe isku aragti ka yihiin Turkiga. Tan iyo waqtigaas diyaaradaha Qatar ma istcimaalaynin hawada wadamada go’doomiyey, sidoo kalena xuduudaha dhinyada dhulka iyo badda ay la wadaagto la isagama gudbi karin. Hogaamiyaasha wadamadan carbeed ee Khaliijka ayaa lafilayaa inay Talaadada berri ah ku shiraan Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka dhici doono shir sanadle ah, kaas oo la filayo in lagu shaaciyo heshiis lagu soo afjarayo khilaafka Qatar iyo Sacuudiga.
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/01/Bar___Qubanaha-412021-ok.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaaf adag oo soo kala dhex galay rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo soo shaac baxay markii ay wasaaradda ganacsigu kala dirtay maamulkii hore ee rugta, isla markaana magacaawday guddi doorasho ku qabta 60-cisho gudahood ah. Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku taageereen go’aankii ay wasaaraddu ku kala dirtay maamulkii hore ee rugta ganacsatada, iyagoo ku eedeeyey musuq maasuq culus. Ganacsatadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa lacag dhan $16 milyan (Lix iyo toban milyan oo dollar) ku eedeeyey inay lunsadeen xubnihii maamulka u ahaa rugta ganacsatada ee la kala diray. Lagactaas waxay sheegeen inay ugu tala galeen dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, balse aan hadda meel lagu sheegin, waxayna guddiga cusub ka dalbadeen inay qabtaan doorasho deg deg ah, si la isula xisaabtamo. Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo ka mid ahaa xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xubnaha cusub ee loo soo magacaabay inay 60-ka cisho ee soo socota doorasho guud qabtaan. Sidoo kale guddoomiye Xasan Mire ayaa sheegay in 12-kii sano ee lasoo dhaafay aysan rugta ganacsada Soomaaliyeed laheyn maamul fadhiya, sida uu hadalka u dhigay. “12-kii sano ee u dambeysay metelaad sax ah ma laheyn ganacsatadu, dadkuna waa ka niyad jabeen rugta ganacsiga, maalin kasta nin ganacsade ah siduu uga baxaayey, waxaa ku soo haray ragga ay wasaaraddu kala dirtay, waxaana meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambeyntii rugta” ayuu yiri Xasan Mire. Sidoo kale Xasan Mire ayaa sheegay in guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka Tahliil Shaatax uu ku qaldanaa markii uu yiri ‘rugta ganacsigu waxay ka mid tahay ururrada bulshada rayidka’. Hoos ka Daawo
  21. Saudi Arabia will reopen its airspace and land and sea border to Qatar, as of Monday, Kuwait’s foreign minister said, citing a deal towards resolving a political dispute that led Riyadh and its allies to impose a boycott on Qatar. Source: Hiiraan Online
  22. All coronavirus patients in an intensive care unit in Egypt have died after the oxygen supply to the ward failed. Source: Hiiraan Online