-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Areyga “Caloshiis u shqeyste” (Mercenary, Murtaziq) waxaa inta badan loo isticmaalaa qof xirfadle milltary ah oo la kireysto oo hadafkisu yahay inuu lacag helo, diyaarna u ah inuu u dhinto ama u dhaawacmo lacagtaas. Qofkaasi dan kama laha qaddiyadda uu u dagaallammaayo ama cidda uu howsha u fulinaayo. Kaliya waa qof lacag doon ah oo aan cidna daacad u ahayn naftiisa mooyee. Qofkaasi muraad kama laha dal, dad, diin, qabiil, waalid ama walaal, iyo wax kasta oo uu qofka caadiga ahi uu ilaashado. Isaga waxaa u dan ah calooshiisa kaliya. Laakiin dadka sidaan u shaqeysta kuma koobna xirfadlayaasha millatari ee waxay ku jiraan sidoo kale bulshada qeybeheeda kala duwan. Waxaa jira siyaasi calooshiis u shaqeyste ah, wadaad, oday dhaqameed, suxufi, taqtar, ganacsade, IKK, oo kulligood calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan dan kale laheyn meeshii loo dirana shaqo ka soo qabta, kistoodana qaata. Waxaana caadi iska ah iney u adeegaan saaxiibkooda iyo cadowgooda labadaba waa haddiiba ay cadow ama saaxiib leeyihiine. Bulshadeenna waxaa ka buuxa rag iyo dumar badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah, laakiin marka aan qiimeyneyno aan ku ajarn nahay shaatiga ay gashan yihiin, iyo magaca ay wataan, ama ha ahaado mid siyaasadeed ama mid qabiil ama mid diineed ama mid aqooneed intaba. Nasiib darro dadkaan qaarkood waxay hayaan ama u han weyn yihiin iney xilal sare ka qabtaan maamulka dowladnimo qeybihiisa kala duwan, iyo xataa hogaanka bulshada. Maalmahaan oo doorasho aan ku dhex jirno, waxaa masraxa ka soo buuxsamaya dad badan oo calooshood u-shaqeystayaal ah. Tan waxay saadaal u tahay waxa ay dhali doonto doorashadaas. Waxaa suuro gal ah in calooshood u shaqeystayaashu ay aqlbiyad ka noqdaan maamulka mustaqbalka, taasna ay ka dhalato inaan yeelanno dowlad Caloosheed U-shaqeysato ah, aan dan iyo heello ka laheyn dadka, dalka, iyo diinta iyo tolka intaba. Adigoo aan xanaaqin waxaad is weydiisaa; meeqo calooshiis u shaqeyste ayaad taqaannaa oo aad la macaamishaa adiga oo waliba aad ku faraxsan tahay iney kugu matalaan dhaqanka, diinta, iyo dowladnimda intaba, lagana yaabo inaad dartood u xanaaqdo ama u raalliyowdo, iyaguna ayasanba kuu ogeyn intaas oo ad u raran tahay. Ka bacdina Adiga laftaadu is miisaan inta aadan dadka kale miisaamin! Ha ku biirin NAADIGA CALOOSHOOD U-SHAQYSTAYAASHA. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post NAADIGA calooshood u-shaqeystayaasha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar. Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta. Wasiir oo sidoo kale boggaadiyay doorka safaaradda Soomaaliya ee Masar, ayaa kulamo dooceed la yeelan doona wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-galaysa Shir weyne ka dhacaya Masar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo caawa warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa mar kale dowladda ka dalbatay in la cadeeyo kiiska gabadheeda oo meel loogu sheego nolol iyo geeri. Hooyo Qaali ayaa sharaxaad dheer ka bixisay halka ay ku dhalatay gabadheeda Ikraan, halka ay wax ku baratay, goorta ay ku biirtay NISA iyo xogta ay siisay habeenkii ugu war-dambeysay ee la waayey. “Waxaa jirtay inaan maalin soo wacay gabadheyda, waxay maalinkaas igu tiri Hooyo madaxaa i xanuunaaya oo waxaa iga soo xanaajiyey nin Kullane Jiis la yiraahdo oo hey’adda igala tirsan, oo i handaday, waxyaabo aana jecleysana i weydiiyey, markii iima aysan sheegin waxa uu weydiiyey oo ay ka xanaaqday, balse waxay igu tiri mar kale ayaan kuu sheegayaa,” ayuu yiri Hooyo Qaali. Sidoo kale waxa ay sheegtay in habeenkii u dambeeyey ee looga wacay xarunta NISA ay gabadheeda kula hadashay Video-Call, isla markaana ay u sheegtay in xarunta looga yeeray gaarina loo soo diray. Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in markii la eego halka ay deganeed gabadheeda iyo feejignaanta ay qabtay Ikraan markii ay dib u eego aysan suurta gal aheyn in Al-Shabaab ay u gacan gashay. Markii la waayey gabadheeda kadib Hooyo Qaali waxay sheegtay in Fahad Yaasiin uu u yeeray oo markii ay la kulantay uu ku qanciyey in laba maalmood gudahood uu jawaab ka soo siin doono halka ay jirto gabadheedii Ikraan, balse taasi ma dhicin. “Labadii beri ee Fahad Yaasiin qabsaday waxay qaadatay seddax bilood oo wax yar dhiman, waxaa iigu soo xigtay qoraalkii Facebookga ee lagu yiri gabadhii Shabaabaa dilay, wax caqliga gelaayana maahane gabadheydii hadey dileen meydkeedii ayaan ka rabaa, hadii ay nooshahana ha ii soo daayeen,” ayey tiri Hooyo Qaali. Dhanka kale Maamada dhashay Ikraan ayaa ehbisay oo reerkiisa uga dacwootay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo reerka ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ku metela golaha shacabka, waxayna xildhibaanka ku eedeysay in kiiska gabadheeda uu xagal daacinayo. Hoos ka daawo The post Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrimo dhex-maray Ikraan, Fahad iyo Kulane appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu garaacay hoobiyeyaal, waxaana la xaqiijiyey in illaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, sidoo kale magaalada waxaa laga dhex-maqlayaa rasaas goos goos ah. Labada xaafadood ee Horseed iyo Hanti-wadaag oo caawa hoobiyaha lagu garaacay waxaa aad u degan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda. Inkastoo aan weli la xaqiijin in khasaare ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafadahaas ka tirsan Jowhar, hadana cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay duleedka magaalada ka soo ridayaan hoobiyayaasha. Weerar loo adeegsaday bamboo-gacmeed oo xalay ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah xaafadaha caawa la duqeeyey ayaa waxaa ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle, kadib markii bamkaas lagu tuuray guri ay ku sugnaayeen. Weerarradaan waxay ku soo aadayaan xilli u diyaar garow doorasho xoog leh uu ka jiro Jowhar, sidoo kale qoraal ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe looga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle. Hoos ka akhriso codsiga guddiga The post Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil. Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa muuqaal soo duubay ayaa sheegay in aysan ahayn mid lagu qanci karo warbixinta ay soo saartay NISA, isla markaasna aysan wadan caddeymo ka jawaabaya su’aalaha la xiriira kiiska Ikraan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu la socday kiiska Ikraan oo waqti ku filan siiyay hoggaanka Hay’adda Nabad-sugidda si ay u soo gudbiyaan xog dhamaystiran oo lagu qanci karo, balse aysan taasi dhicin. Waxa uu sheegay marka ay soo gaarto warbixinta kiiska Ikraan in uu go’aan ka qaadan doono oo la wadaagi doono shacabka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan degganaan, isla markaana aysan waxyeelo u geysan dad aan waxba galabsan. Hoos ka daawo muuqaalka Rooble PUNTLAND POST The post Rooble oo amar dul dhigay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka. Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September. Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka. 1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November. Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Jadwalkaan ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, iyadoo ay horay u fashilmeen jadwallo ka soo baxay guddiga doorashooyinka, sidoo kalena doorashada Aqalka Sare aysan weli ka bilaaban HirShabeelle iyo xubnaha reer waqooyiga, halka Galmudug iyo Jubbaland ay xubno kale weli ku dhiman yihiin. Hoos ka eeg Jadwalka doorashada BFS The post Jadwalka doorashada oo isbeddel lagu sameeyey iyo mid cusub oo lasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa soo saaray markale jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashooyinka Golaha Shacabka. Jadwalka ay guddiga soo saareen ayaa lagu sheegay in ay bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka 1 October, iyadoo inta ka sokeyso la dhameystiri doono doorashooyinka Aqalka sare ee dalka. Doorashooyinka Aqalka sare ee dhiman ayaa jadwalka lagu cadeeyay in lagu soo gaba gabeeyo illa iyo 18-ka bishaan. Hoos ka akhriso jadwalka doorashada ee cusub Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan. Rooble ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa ay waajib ka saaran tahay sidii Ikraan Tahliil ay cadaalad ku heli laheyd. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in marka ay soo dhameeystirmaan Jawaabaha uu sugayo uu qaadan doono go’aan ka dhan ah NISA. Rooble ayaa tan iyo markii ay NISA soo saartay warbixin ay ku sheegtay in Ururka Al-shabaab ay dileen Ikraan Tahliil la kulmaye cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sida uu kiiska u maareynayo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin. Rooble ayaa faray Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan, wuxuuna sheegay inuu kadib qaadan doono go’aan. “Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, islamarkaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso xog dhameystiran. Balse waxa uu nasiib darro ku tilmaamay warbxintii ay hey’addu ka soo saartay kiiska Ikraan. Taas oo uu sheegay in aysan wadan wax cadeymo ah oo lagu qanci karo. “Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble. The post Daawo: R/W Rooble oo war kasoo saaray kiiska Ikraan iyo Fahad oo waqti loo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa uga digay dhiggooda Mareykanka inay aad u dhalleeceeyaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee Masar iyo Sacuudiga, ayaga oo ka walaacsan in taasi ay dalalkan ku qasbi karto inay xiriir dhow la yeeshaan Iran, Russia iyo China, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Times of Israel. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay wargeyska in saraakiisha Israel ay marar badan u sheegeen maamulka Biden in dhalleeceyn xooggan oo ka dhan ah Masar iyo Sacuudi Carabiya ay saameyn ku yeelan karto dadaal goboleedyada looga hortagayo Iran. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray, in inkasta oo maamulka Biden uu weli sii wado hadallada lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha dibedda, haddana “uu illaa hadda ka fogaaday inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka ee Qaahira iyo Riyadh.” Israel ayaa u aragta Masar iyo Sacuudi Carabiya tiirar carbeed oo dhex-dhexaad ah, oo ay dooneyso inay u kaashato loolanka Iran, waxana lagu warramay inay horey ugu ololeysay taageero dhaqaale oo Mareykanka uu siiyo labada dal. Hase yeeshee, digniinta Israel ee ku saabsan in China ay gobolka kala wareegi karto Mareykanka, ayaa imaneysa ayada oo Israel nafteeda ay kusoo dhowaaneyso Beijing. Shirkado Shiinees ah, oo qaarkood ganacsiyo la sameeyey Iran, ayaa saami ka qaatay mashruucyo lagu dhisay kaabayaasha oo laga fuliyey Israel, waxayna maal-gashteen shirkadaha taknoolajiyadda Israel. Khamiistii, saraakiisha Israel ayaa furay terminal cusub oo laga dhisay dekedda Haifa, oo ay maamuli doonto shirkadda ay leedahay dowladda China ee Shanghai International Port Group. Terminalkan oo ay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka Mareykanka, ayaa saraakiisha Washington waxay walaac ka muujiyeen in China ay howlgallo basaasnimo ka fulin karto. Biden ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday inuu Sacuudiga kula xisaabtami doono tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ay gaysteen, oo uu ka mid yahay dilkii Jamaal Khaashuqji. Hase yeeshee maamulka Biden ayaa weli joogteynaya xiriirka Washington ee Qaahira iyo Riyadh, oo muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee ka hortagga aragagixisada ee gobolka. The post Israel oo Mareykanka siisay digniin la xiriirta Masar iyo Sacuudi Carabiya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Maqnaanshaha 70-ka maalmood socday iyo geerida ka danbeysay ee Ikraan Tahliil Faarax oo ay shaacisay Hay’addii ay u shaqeyneysay ee Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxay kicisay mowjado naxdin, tacsi iyo diidmo isugu jira, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo kiiskan ku hareereysan. Kiiska Ikraan wuxuu mar kale bannaanka keenay sida Hay’adii Nabadsugidda Qaranka u noqotay afartii sano ee xukunka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid isu bedeshay Hay’ad lumisay sumcadeedii, horena loo siyaasadeeyay, markii ay faraha la gashay arrimo fadeexado badan usoo jiiday. Su’aalaha waaweyn ee dul hoganaya Kiiska IKRAAN TAHLIIL FAARAX, weliba u baahan in la ogaado, loogana fadhiyo inay NISA caddeyso waxay kala yihiin: 1- Sidee loo afduubay Ikraan? Maqnaanshaha Ikraan Tahliil wuxuu soo bilowday markii la waayey habeenkii 26-ka June 2021, sida ay sheegtay hooyadeed. Waxaa soo wacay mid ka mida taliyeyaasha NISA, gaari u soo diray, kadiba ay ka raacday gurigii ay deganeyd oo ku yaalla meel tallaabooyin u jirta Xarunta weyn ee Hay’adda NISA, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho. Markii ugu War-danbeysay Ikraan waxaa lagu ogaaa hoggaanka Hay’addii ay ka tirsaneyd ee NISA, waxaa laga qaaday goob xiran oo aan la geli karin, ammaankeeda si weyn loo sugo, waxaan telefoonkooda la damiyay iyadoo isla meeshaas ku sugan, arrintan waxay shaki badań ku dhalisay qof kasta, wuxuuna tuhunka saaran yahay NISA. Sidee afduubka uga dhacay NISA xarunteeda? waa su’aasha aan laga jawaabin ee NISA laga sugayo inay caddeyn ka bixiso, waana arrinta iyadoo aan laga jawaabin, lagu qanci karin wax kasta oo ay kiiskan ka sheegto Hay’adda NISA. 2- Yaa Afduubtay Ikraan? Waa su’aasha labaad ee furaha u ah kiiska Ikraan Tahliil. Hooyada dhashay Ikraan iyo mas’uuliyiin ka mida beesha ay kasoo jeedo waxay sheegeen in markii ugu danbeysay Ikraan lagu qaaday gaari uu leeyahay nin madax sare ka ah hay’adda NISA. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo marar badan kiiskan ka hadlay, isagoo u muuqday inuu difaacayo Hay’adda NISA, wuxuu caddeeyay in xarunta NISA la geeyay oo la tusiyey Gaariga lasoo geliyey baraha bulshada ee markii ugu dambeysay qaaday Ikraan, lana yaqaan qofkii lahaa gaariga. Marka baaritaa dhab ah jiro waxaa kiiska laga bilaabaa halkii ay ugu danbeysay markii uu dhacay, waxaa la yaab leh in kiiska Ikraan aan marna lasoo hadal qaadin qofkii soo wacay ee ay gaarigiisa raacday, sida in la qarinayo, waxayna shirkaddii Telefoonada Qoyska u diiday inay siiso lambarkii ugu danbeeyay ee wacay Ikraan. Su’aashan oo la xiriirta weydiintii koowaad waxay muhiim u tahay in la ogaado sida kiisu ku dhacay ee iyo inuu ku lug leeyahay mas’uul sare oo ka tirsan NISA iyo in kale. 3- Yaa gacan ku lug lahaa afduubka Ikraan? Haddiiba ay sax tahay in Ikraan u gacan gashay Alshabaab sida ay caddeysay Hay’adda NISA, waxaa ka horeeya su’aal weyn oo hortaalla, taasoo ah: “Yaa Alshabaab u gudbiyey ama gacan ku siiyey Afduubka Ikraan?”. Su’aashan waxay jawaab u noqoneysaa tuhunka marar badan lasoo celceliyay ee ah inay wada shaqeeyaan ama isku milmeen hay’adda NISA iyo Al-Shabaab, tuhunkaas oo si meesha looga saaro u baahan si dhab ah kiiskan loo baaro, lagana dhaafo siyaasadeynta mucaaradka iyo daboolista madaxda NISA. 4- Sidee lagu xaqiijiyey dilka Ikraan? NISA waxay markii hore ka gaabsatay inay haba yaraatee ka hadasho kiiska maqnaanshaha Ikraan oo weliba ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda, waxayna in ka badan laba bilood waxaa warbaahinta u taagneyd hooyadeed oo sheegtay in mar kaliya loo geeyay agaasime Fahad Yaasiin, kana soo bixi waayey ballanqaadkii uu siiyay. Iyadoo sidaasi jirto ayaa warka kaliya ee ay NISA soo marisay Warbaahinta dowladda waxay noqotaya inay Al-Shabaab u gacan gashay, ayna dilden…!!!. Alshabaab ayaa iska fogeysay dilka Ikraan, kuna tilmaantay masabid. Ma cadda sida Ikraan oo lagu ogaa inay tahay sarkaal NISA ah oo degan xarunta NISA meel u dhow, kaliya loo ogaaday geerideeda, balse aanay jirin xog kale oo laga sheegay maqnaanshaheedii labada bilood ka badnaa. Haddii aan kiiskan si cad oo daah furan loo soo bandhigin, lagana gun gaarin kaliya ma dhiman doonto Ikraan ee waxaa la dhiman doonta Hay’addii NISA, waxaana dhaawaca ugu weyn gaari doonaa dowladnimadii dib loo dhisayey. 5- Maxaa kiiska Ikraan looga gaabiyay oo loo daboolay? Inkastoo kiisku yahay mid ku lug leh sirdoon, haddana sida ay NISA u wajahday waxay ahayd mid gaabis ah oo aanay ka muuqan dadaal badan iyo wixii laga fili lahaa hay’ad sirdoon oo sarkaal ka tirsan maqan yahay ama halis ku jiro. Agaasimaha NISA iyo madaxda Hay’adda, marka lagu daro madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Villa Somalia fadhiya haddii aan kasoo qaadno inaysan wax lug ah ku lahayn kiiskan oo saraakiil kale ka dambeeyeen waxay kaliya oo ay ku badbaadi karaan inay tallaabo cad qaataan oo kiiskan cadaaladda mariyaan, ciddii ku lug lahaydna soo bandhigaan. Haddii la isku dayo in aamus xal loogu raadiyo Kiiska Ikraan ama la is moogeysiiyo waxaa kaliya ka dhalan doona qalalaase iyo dhaawac weyn oo gaara dowladnimada Soomaaliya, waxayna Farmaajo iyo Fahad ka dhigi doontaa inay dib u celiyaan dowladnimadii dalka ee meesha hoose laga soo bilaabay 20 sano ka hor. Gabagabo Tallaabooyinka xalka u noqon kara kiiska Ikraan ee la hadal hayo waxaa ka mida xil ka qaadis, iyo guddi baaritaan madaxa bannaan oo loo saaro, laakiin waxaa xusid mudan in dowlada hadda jirta ay magacawday tobannaan guddiyo ah oo aan wax natiijo ah keenin dhacdooyin iyo shilal qaran oo ka mida ama k aweyn Kiiska Ikraan, meeshiii lagu magacaabayna ku dhammaaday. Waxaa miiska saaran kalsoonidii yareyd ee hay’adaha dowladda lagu qabay, waxaana cadaalad u baahan saraakiishii dowladda ee laga sugayey inay ka shaqeeyaan amniga dadka, markii ay iyagii amni waayeen. Xalka kaliya waaa Guddi madax bannaan iyo runta oo lasoo bandhigo ciddii ay rabto ha u darnaatee. Xigasho: Goobjooge.net The post Kiiska IKRAAN TAHLIIL: Shan su’aal oo jawaab uga baahan madaxda hay’adda NISA appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhammadka toddobaadkii hore waxa uu isku la sii saadaalinayay ku sameeyay xukuumaddiisa Isku shaandhayntan oo ah tii ugu ballaadhnayd ee uu sameeyo tan iyo intii uu xilka qabtay ayaa haddana waxa isbedelay qaabkii la filayay inay noqoto iyada oo dad badan ay saadaalinayeen in madaxweyne Biixi uu samayn doono isku shaandhayn uu ugu diyaar garoobaya ololaha doorashada madaxtooyadda ee mudaysan sannadkan inagu soo waajahan ee 2022-ka. Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa dadka faalleeya arrimaha siyaasadda ee baraha bulshada wax ku qora waxa ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen isku shaandhaynta madaxweynaha iyada oo intooda badan ay ku tilmaamayeen mid saamaynteedu ay yar tahay. Haddaba sidee ay u dhacday isku shaandhaynta Madaxweynuhu, waxa ay tusaaleyaal dhawr ah ka soo qaadan doonaa masuuliyiinta uu Madaxweynuhu magacaabay iyo kuwa uu xilka qaaday. 1. Madaxweynuhu dadka uu magacaabay waxa ka mid ahaa 4 murrashax oo ku guul-darraystay doorashadii isku sidkanayd ee sannadkan ka dhacday Somaliland, taas oo dad badan u arkaan in aanay waxba ka tarayn tartanka dambe oo doorashada Madaxtooyadda. 2. Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu caydhiyay waxa ka mid ahaa masuuliyiin lagu xaman jiray inay wakiillo u yihiin ganacsato iyo shirkado waaweyn, kuwaas oo la sheegay inay u dhaxayn jireen xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo ganacsada dhan kasta ay hawlaha ka fudaydin jireen, taas oo lagu macneeyay inay isaseegi doonaan Madaxweynaha iyo ganacsatadu. 3. Dadka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu indhaha ka laliyay in uu xilal xukuumaddiisa uga magacaabo beelo cod uga heli lahaa tartanka uu mar labaad u geli doono doorashada Madaxweynaha. 4. Madaxweynuhu waxa uu xilka wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibadda u magacaabay Amb Baashe Cawil ahaa wakiilka Somaliland u fadhiyay dalka Kenya oo dad badan ay u saadaalinayeen in loo magacaabi doono wasiir buuxa iyada oo loo arkayay nin muhiim ah ololaha doorashada Madaxtooyadda ee sannadkan dambe, Baashe Cawil ayaa waxa uu ka mid ah qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo saamayn weyn ku leh siyaasada dalka, balse arrinta xusida mudan ayaa ah in laba maalmood ka uu Baashe Cawil iska casilay xilkii uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi. 5. Arrinta layaab leh ee ay dadku baraha bulshada aad ugu hadal hayaan ayaa waxa ay tahay in madaxweyne Muuse Biixi uu xilkii uu iska casilay Baashe Cawil ee ahaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda uu u magacaabay masuul uu 3 cisho ka hor caydhiyay oo ku magacownaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, iyada oo dadka qaar taa ku macneeyeen in jahwareer la soo darsay madaxweyne Biixi iyo in madaxweynuhu uu cidla taagan oo uu waayay cid uu u magacaabo xilka uu diiday Baashe Cawil. 6. Madaxweynuhu waxa uu meesha ka saaray culimadda ictisaamka oo dhaqaale badan iyo ganacsi badan gacanta ku haya kana mid ahaa tiirarka xukuumadii ee hore Madaxweyne Siilaanyo oo ay xaalado badan kala soo dabaasheen. 7. Madaxweyne Biixi oo la filayay in uu cashar ka barto doorashadii sida weyn loogaga adkaaday ee wakiillada iyo deegaanka oo ay dadku saadaalinayeen in uu soo dhiso doono xukuumad saamaynteeda leh ayaa la sheegaya inay fashil ku soo dhammaatay. W/Q Xamse Maxamed Iimaan Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxrooyada ee Villa Somalia munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey xulka Haylaan ee dhawaan ku guulaystay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland. Madaxweyne Farmaajo oo ciyaartoyda Haylaan ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada, maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda. Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galay wasiirrada wasaaradaha, dhallinyarada iyo isboortiga Xamsa Siciid Xamsa, qorshaynta Jamaal Maxamed Cismaan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xulka kubbadda cagta Haylaan ee Puntland ayaa muddo tododbaadka ka badan ku sugan magaalada Muqdisho, haalkaas oo ku casumay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Cismaan. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo la kulmay xulka Haylaan ee horyaalka kubbadda cagta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
“Somaliland Waxa ay u diyaargaroobaysaa ka Qaybgalka Dagaalka loogu Jiro Dekadaha” Financial Times “Jabuuti boqolkiiba boqol kuma faraxsana maalgashiga DP World ku samaysay Berbera.” Maayirka Berbera. Waxa sidan ciwaan looga dhigay maqaal lagu qoray wargeyska Financial Times oo ah mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan dunida, ka na faallooda ganacsiga iyo dhaqaalaha taariikhdu markii ay ahayd 2-dii September 2021. Markab sita calanka dalka Itoobiya oo ku soo xidhay dekedda Berbera ayaa rogay shixnado sonkor iyo bariis uu ka keenay dalka Hindiya, taas oo tilmaan u ah in Jamhuuriyadda Somaliland gashay marxalad cusub oo ganacsiga caalamiga ah. Waxa mahadda isk leh maalgashiga 442 milyan ee shirkadda dekedaha caalamiga ah Dubay ee DP World ku samaysay dekedda. Berbara ayaa soo ceshanaysa ganacsigii qadiimka ahaa ee ay qarniyo badan la lahayd dunida, waxa ayna bilaabaysaa in ay dagaal u gasho marin badeedka saddex meelood meel doonyaha dunidu maraan. Dekedda Berbera oo dhawaan la cusboonaysiiyey ayaa muuqata in ay noqonayso mid beddesha dekedda Jabuuti oo noqon doonta albaabka laga galo marinnada ganacsi ee Kanaalka Suways. Berbera mar waxa ay ahayd magaalo madaxdii maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland (magaaladii uu ka soo dagay). Berbera ka hor intii aanay ku burburin dagaalladii soddon sano ka hor, qarniyo badan waxa ay xarun u ahayd ganacsiyadii badaha ee u dhexeeyey Geeska Afrika, Jasiiradda Carabta iyo Hindiya muhiimadda halka ay ku taal awgeed ee Gacanka Cadmeed. Hadda, “waxa aanu haysannaa fursad kale oo aanu ku noqonno xarun ganacsi oo caalami ah,” sidaas waxa yidhi maayirka Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan. Dibadda xafiiskiisa, tirooyin geel ah iyo kadinno adhi ah ayaa lagu sii wadaa dekedda oo loo dhoofinayo dekedda Jiddah ee Sacuudiga. “waxa jiri doona tartan toolmoon oo u dhaxeeya dekedaha jaarka ah,” sidaas ayaa u ku daray maayirku. Dekedda Berbera oo xadhiga laga jaray Bishii June, waxa ay qaabili kartaa maraakibta ugu waaweyn dunida. Shixnadaha ay qaadi karto waxa laga soo kordhiyay 150,000 TEU (cabbirka shixnadaha) sannadkii iyada oo la gaadhsiiyey 500,000 TEU ah sannadkii. Waxa sidoo kale laga shaqaynayaa in la gaadhsiiyo sannadkii laba milyan. U jeeddada ugu weyn ee dakaddu waa in ay u adeegto Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika. Itoobiya ayaa ah waddan u baahan meelo badan oo laga soo galo sida uu sheegay Supachai Wattanaveerachai, maareeyaha guud ee DP world ee Berbera. Marka la eego waxqabadka warshadaha adduunka, sannadkan 2021 Baanka Adduunka iyo HIS Markit waxa ay dekedda Jabuuti ku qiimeeyeen dekedda ugu shaqada wanaagsan Afrika, iyada oo lagu qiimeeyay inta daqiiqo ee shixnad kasta lagu qaaday… hase ahaatee, tartanka ayaa xoogaystay ka dib markii ay DP World ay timi Somaliland ee ay tartan fool ka fool ah la gashay Jabuuti. …Suldaan Axmed Binu Sulaymaan, Maareeyaha guud ee DP World ayaa sheegay in Berbera ay noqon doontaa mid aad ugu habboon ganacsiga gobolka ka socda, gaar ahaan shixnadaha u socda dalka Itoobiya. “waxa aanu aaminsannahay in jidka Berbera eek u xidhaya Addis Ababa fure u noqon doono faa’idooyin dhaqaale oo waaweyn oo u soo hoyda Itoobiya”. Ayaa uu yidhi. Yididiilooyinkan waddamada jaarku ma ay soo dhaweyn sida uu qabo Maayirka Berbera, waxa uu yidhi: “boqolkiiba boqol kuma faraxsana Jabuuti maalgashiga DP World ku samaysay Berbera.” …sidoo kale, mashruuca jidka isku xidhaya Berbera iyo magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa la rajaynayaa in uu dhamaado sannadka 2022, wali na waxa ay Somaliland u baahantahay in ay horumariso kaabayaasha dhaqaale oo aanay helayn dhinacyo badan oo u maalgaliya sababta oo ah waa dal aan wali la aqoonsanayn. Si ka duwan Jabuuti oo maalgalin badan ka hesha Shiinaha, Somaliland waxa ay xidhiidh la leedahay Taywaan. Hase ahaatee, wax badan ayaa ku xidhan xaaladda siyaasadeed ee dalka Itoobiya, dalweynahan gobolka ku yaalla ayaa ah macmiilka ugu muhiimsan ee dekedahu u loollamayaan. Tobonaankii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya mucjiso korodh dhaqaale oo la mid ah habkii waddamada Eeshiya ayaa ay ku tallaabsatay iyada oo dhaqaalaheedu korayay celcelis 9.4 boqolkiiba sannadkii. Hase ahaatee, faafiddii Karoonaha iyo dagaalka sokeeye eek a bilaabmay ayaa carqaladeeyey korodhkaas. W.T: Maxamuud Bulxan Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ayaa dhaariyay, xubintii ay dhaartu u hadhsanayd ee golaha Wakiillada cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/09/2021-ka, dhaariyay Cabdikariim Aadan Cali Dubad, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Wakiillada JSL. Xubinta la dhaariyay ayaa dalka ka maqnaa 03/08/2021 oo la dhaariyay 81-ka xildhibaan ee kale ee golaha Wakiillada, 02/09/2021 ayuu guddoomiyaha golaha Wakiilladu, Maxkamadda Sare u soo diray codsi uu ku dalbanayo in la dhaariyo Cabdikariim Aadan Cali Dubad. Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay. Source
-
Foreign Affairs State Minister Redwan Hussein held discussion with the President Musa Bihi Abdi of Somaliland on ways of strengthening cultural exchanges and enhancing people-to-people relations to the next level. The two sides further exchanged views about security and immigration issues at border areas. According to Ministry of Foreign Affairs, Foreign Affairs State Minister Redwan Hussein arrived yesterday in Somaliland for a two-day official visit. The Acting Minister of Foreign Affairs of Somaliland, Liban Yusuf, and diplomats warmly welcomed him upon his arrival at Egal International Airport. During the discussion with the acting foreign minister, the two sides deliberated on ways of resuming immigration services by respecting COVD-19 Protocols at the Wuchale border. The state minister also met high officials of Somaliland and visited the Berbera Port corridor. During his discussion with the Governor of Sahil Region, Ahmed Osman, and the Mayor of Berbera, Abdishakur Mohamud, Redwan noted the potential of Somaliland as a destination for Ethiopian export products. He said Ethiopia needs to maximize these economic ties to the highest level by expanding engagements in investment and tourism, while utilizing the Berbera Port corridor. Source Africa press Qaran News
-
Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka & Degmooyin ay ka mid yihiin Bardaale,Balan-bale, Guri-ceel ,Hodan, Ceelasha biyaha,Jilib,Aadan-Yabaal Sablaale I.w.m Todobaadka 7aad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, laptops, Gasaalado, Fridges, TV screens, iPads, eDahab Cash, Dahab & Hadiyado Dhowr ah. Munaasabada Macaamiisha lagu abaalmarinayay Todobaadkii 7aad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mudanayaal ka tirsan Mas’uuliyiin Ka socday Ururada bulshada ,Jaamacadaha, Ururada haweenka iyo shaqsiyaad can ahan oo Si Wadajir ah U abaalnariyay Guuleysatayaasha Todobaadka 7aad Dhamaan Mas’uuliyiinta Munaasabada Ka hadashay ayaa si wadajir ah u bogaadiyya Shirkadda Somtel & Sida ay xil iga saartay inay bulshada soomaaliyeed ku celiso daqligii yaraa ay macaamiiisha ka heshay shirkaddanwaa talaabo ku dayasho mudan oo mudan ia la dhiirageliyo Ugu horeynta waxaa munaasbada ka hadlay Madaxa suuqgeynta somtel Mudane: Axmed Ciise Xaaji oo ku tilmaamay Ololahaan ku shubo oo guuleyso inuu yahay mid dhaxal gal ah “Waxaan bogaadinayaa Macaamiisha guuleystay kuwa kale waxaan u rajeeynayaa inay sameeyaan ku shubasho Sidaan oo kale loo abaalmariyo waa barnamij u furan dhamaan umada soomaliyeedee ku nool koonfurta & bartamaha Soomaaliya Wxaa gocasho togan oo dareen leh igu reebay Maamada ku guuleysatay Gaariga Hyndai oo aheyd Mamo beeraleey dan yar ah Muujisay Inay aad baahi ugau qabto Hadiyadaan Lama fIlaanka ay ku heshay” Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadklay Madaxa Waaxda Gnacsiga Somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir oo ku tilmaamay olalaha ku shubo oo guuleyso Waa Olole Taabagalay “Ololahan ku shubo oo guuleyso waa barnaamij lagu farxad gelinaayo macaamiisha somtel Hadiyadaha aan ku bixino waa hadiyado wax tar u leh Oo Macaamiilkii guuleystay xitaa uga faa’ideyn karo ehelkiisa waa hadiyado ka turjumaya rabitaanka & baahida macaamiisha guuleysaneyso waxaan leenahay Somtel awaxaa ka go’an inay xaqiijiso Qanaacada macaamiisha shirkadda “ Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Mudane Axmed Macalin Maxamuud oo ka socday Hey’ada Socdaalka & Jinsiyadaha Isagoo ku dheeraaday ahmiyada olaha ku shubo oo Guuleyso “Somtel waa Shirkad Haldoor oo Macaamiisheeda ku celisay 10,000 hadiyadood iyadoo si hufan logu tartamaayo macaamiilka nasiibkiisu wanaagsan sidoo kale sameeya ku shubasho ayey shirkaddu si tos ah u abaalmarineeysaa Marqaati ayaan ka ahay waa barnaamij daah-furan” Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadashay Hani C/kariin oo ka socotay ururada haweenka “Waxaan ku faraxasanahay inaan arko macamiil la abaalmarinayo si gaar ah awaxaan ugu hambalyeynayaa maamadii ku guuleysatay gaariga Hyundai awaxaan rajeeynayaa in Todobaadyada kale Guuleystayaasha hablo inay u bataan si dumarku dowrkoodu umuuqdo” Ugu danbeyntii Waxaa si wadajir ah oo ugu mahad celiyeen shirkadda isgaarsiinta somtel Guuleeystayaasha Todobaadka 7aad iyago muujiyay dareenkooda b& sida ay ugu faraxsanyihiin inay ka mid noqdaan Macaamiisha La Abaalmarinayo Todobaadka 7aad Marwo Sahro Adam Ducaale oo ku guuleysatay bajaaj ayaa u hambalyeeysay Guuleysatayaasha “waxaan leeyahay dhamaan inta guuleysatayHhambaly Somtel waxaan u rajeeynayaa Guul” Waxaa sidooo kale shirkadda u mahad-celiyay Ibrahim Cusman Cali oo joogo duleedka Magaalada Muqdisho o kuna guuleystay 10gr o Dahab ah aya isgana bogaadiyaya Somtel ”waxaan leeyahay Somtel ilah ha idiinka ajar siiyo howsha adag aad bushada u heeysaan” Waxaa isagana dareenkiisa Cabiray Yusuf Farey oo joogo Magalada Bardaale ee Gobalka Baay “Somtel waxaan leeyahay waa Shirkadda Dadweynaha Waxan rajeeynayaa inay howshaan wanaagsan ay halkeeda ka sii wadaan macaamiisha shirkadda la abaalmariyo xili kasta” Si kastaba ha ahaatee Ololaha ku shubo oo Guuleyso ee shirkadda isgaarsiinta somtel ayaa si habsami leh uga socda guud ahan dalka soomaaliya iyadoo shirkaddu abaalmarisay mudadii koobneyd ee ololhan socday ku dhawaad 6,000 Macamiil. The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 7-aad abaal-marisay 1000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ah Ugaaska Beesha Gaaljecel, oo ah Beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax, ayaa si faahfaahsan uga hadlay kiiskeeda, wuxuuna ku dooday inay weli nooshahay. Ugaas Cabdiraxmaan ayaa marka hore sheegay in Ikraan ay ka maqan tahay 70 Maalin, islamarkaana wuxuu sheegay inay aheyd gabar aqoonyahan ah oo wax badan kusoo kordhisay hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA. Wuxuu umadda Soomaaliyeed iyo Beeshiisa ugu baaqay in la joojiyo tacsiyada loo dhigayo Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in gabadhooda ay nooshahay oo aysan dhiman islamarkaana ay ku tabayaan gacanta Hay’adda NISA. Ugaaska ayaa sheegay inay fahmi waayeen, islamarkaana ay maskaxdooda qaadan weysay warka habeenkii Jimcaha kasoo baxay Hay’adda NISA ee ahaa in Ikraan ay dishay kooxda Al-Shabaab, taasi oo kooxda ay iska diiday. “Waxaan aamisanahay in gabadheena ay ku maqan tahay gacanta hey’adda NISA, waxaan filaynay haddii ay dambi gashay waa qof bini’aadam ah in maxkamad lasoo taago, haddii aysan dambi gelina xuriyadeeda la siiyo, balse warka kasoo yeeray NISA waa mid aysan qaadan karin maskaxdeena,” ayuu yiri Ugaas Cabdiraxmaan. Ugaaska ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuusan hal maalin ka hadlin falka lagula kacay Ikraan Tahliil oo u shaqeeneysay dowladda, wuxuuna sidoo kale sheegay in Farmaajo uu diiday inuu la kulmo, isagoo xusay in isaga adduun iyo aakhiro wax laga weydiin doono. Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka gaabiyey kiiskaan, wuxuuna ugu baaqay Ra’isulwasaaraha inuu arrintaan ka hadlo waxna ka qabto. Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa ku baaqay in la joojiyo afduubka loo geysanayo dadka kasoo jeedo qabiilka Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin isla markaasna lasii daayo dhallinyarada hadda la xiray isagoo intaas ku daray in Fahad Yaasiin ay la tiigsan doonaan maxkamad. The post Daawo: Ugaaska Beesha Ikraan Tahliil oo sheegay in gabadhooda ay nooshahay appeared first on Caasimada Online.
-
Xog: Rooble oo laba sabab uga aamusan kiiska Ikraan Tahliil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa illaa hadda ka aamusan afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay’ada sirdoonka Soomaaliya sheegtay in ay dileen Al-Shabaab. Waxaa kasoo wareegtay 48 saac markii uu soo baxay warka ku saabsan in la dilay Ikraan, iyadoo ay ka dhasheen falal afduub oo aargudasho ah, kuwaasoo ka dhacay gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Si kastaba, Rooble oo la filayey inuu jawaab siiyo ehellada Ikraan, sidoo kalena dejiyo xiisadda ka dhalatay, ayaa ilaa hadda ka aamusan, waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Rooble uu arrintaan uga aamusay laba sabab oo kala ah. 1- In uu ka aamusay intii ay wax ka qabad laheyd islamarkaana ay hadda gaartay meel aan waxba laga qaban karin, iyadoo sidoo kale kiiska ay ku lug leeyihiin xubno culus, oo ka mid ah dowladda oo aan si deg deg ah go’aan looga qaadan karin, uuna xeerinayo arrimo badan kahor inta aanu go’aan gaarin. 2- In siyaasiin ay wadaan dadaallo qaab siyaasayeed ah loogu xalin lahaa kiiskaan oo gaaray meel adag, iyadoo sidoo kale ay xafiisyada Madaxweynaha iyo Rooble ka socdaan kulamo wadatashi ah. Qorshaha ayaa ah in lala kulmo qoyska Ikraan iyo odayaasha beesha kadibna kiiska loo qirto dowlad ahaan, lana qoyska la siiyo lacag magdhow ah oo ay ku qanci karaan, maadaama gabadhooda aan loo soo celin karin.. Dhinacyo kala duwan oo talooyinka qeyb ka ah ayaa soo jeediyay in Rooble cadaadis lagu saarayo xil ka qaadista Fahad Yaasiin, balse ay jiraan culeysyo kale iyagana diidan, kuwaasoo door bidaya in qaab siyaasadeed ah loo xaliyo. Saacadaha hore ee galabta ilaa caawa ayaa la filayaa in Xukuumada Soomaaliya ay war ka soo saarto kiiska Ikraan Tahliil oo ah dhacdada ugu weyn ee ka jirta Soomaaliya. The post Xog: Rooble oo laba sabab uga aamusan kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online. -
M/weyne Muuse Biixi oo Wasiir-xigeen uu Doraad Xilkii ka qaaday Xil kale u Magacaabay,Iscasiladii Baashe Morgana aqbalay Wareegto Madaxweyne: 04/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD Ku: Baashe Cawil Cumar Mudane, Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland <img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 632Hodan Hussein Bile, Akram Haji and 630 others 213 Comments 66 Shares Like Comment Share Qaran News