-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Kulan la yeeshay Wakiilka UAE u qaabilsan Arimaha Somaliland Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Mr Abdulla Al-Naqdi. Ujeeddada guud ee kulankan ayaa ahayd isbarasho, waxaana intii uu kulanku socday lagaga wadada hadlay sidii wada shaqayn looga dhex abuuri lahaa baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka dawladda Imaaraad-ka. Shirguddoonka iyo Wakiilka ayaa isla afgartay in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan. Qaran News
-
Ciidamada booliska Soomaaliya aya xabsiga dhigay saxafiyiin tabinayay isku so baxay ka dhacay mogdishu oo lagu dalbanayay in cadaalad hesho ikraan tahliil. Bashiir maxamuud oo barnaamij soo saare goobjoog ka tirsan ah iyo sawir qaade ka tirsan universal TV aya kamid ahaa dadka la xiray iyadoo jirdil loo gaystay. Muuqaala laga soo duubay goobta banaabaxa ayaa muujinayo ciidamo ka tirsan Booliiska oo jirdil xoogan u geysanaya Wariye Bashiir Maxamuud. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/09/VID-20210905-WA0040.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay geerideeda. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble. Rooble ayaa qoyska iyo ehelada Ikraan ka dalbaday in in si deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay. Tan iyo markii ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay Ikraan, kuna baxday gacanta Al-Shabaab, ayaa waxaa isa-soo tarayay afduub aargudasho ah oo ay sameynayeen maleeshiyaad qaraabo la’ah Ikraan. Ra’iisul wasaaraha ayaa hore u sheegay in markii ay u soo dhameystiranto xogta uu u baahanahay uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas, islamarkaana uu la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan qirsanahay in sida aan habooneyn ee loo mareeyey kiiska Ikraan ay taabatay dareenka dhacabka Soomaaliyeed oo ay abuurtay caro dhalisay in la afduubto mawaadiniin aan waxba galabsan,” ayuu yiri Rooble. Rooble ayaa si dhow ula socday sida uu shalay sheegay mudadii labada bilood aheyd ee arrintaan ay taagneyd, waxaa la filayaa in uu go’aan adag ka gaari doono natiijada kiiskaas, taasi oo lagu wado inay galaafan doonto hogaanka sare ee NISA. The post Sawirro: Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ballan-qaad culusna siiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno ay ku jiraan odayaal dhaqan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qoyska Ikraan ay helaan caddaalad, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyin laga maarmaan ah, si uu u xaqiijiyo arrintaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo dadka aan waxba galabsan ee ku afduuban magaalada Beledweyne. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda”. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay” ayaa la sii raaciyay. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku afduuban dad shacab ah oo ay isku beel yihiin Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin. PUNTLAND POST The post Rooble oo ku baaqay in degdeg loo siidaayo dadka ku afduuban Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Qoyska Ikraan Tahliil Faarax. Kulanka ayuu Rooble la yeeshay Hooyada dhashay Ikraan Tahliil iyo qoyska gabadha oo dulmane u ah hay’adda NISA. Rooble ayaa waalidiinta u sheegay sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in ay cadaalad hesho Ikraan Tahliil. Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay u balan qaaday qoyska Ikraan in NISA uu ka sugayo warbixin 48-gudahoodna uu jawaab ay ku qancaan ka bixinayo Kiiska. Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Weeraro lagu qaaday Xarumo shidaalka Qani ku ah oo ku yaalla Dalka Sacuudi Carabiya Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka. Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan. Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha. Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga. Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda. REUTERS Qaran News
-
Buurdhuubo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaan ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay. Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3. Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishan September. Saldhigyada ay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM baneeynayaan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana la filayaa inay saldhigyadaas oo ku kala yaalla Buurdhuubo iho Qansaxdheere ay la wareegaan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidanka ka Itoobiya ee ka baxaya magaaladda Buurdhuubo ayaa la gaynayaa magaaladda Garbahaaray, oo ka mid ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka loo diray AMISOM The post Sababta ay ciidanka Itoobiya uga baxayaan saldhigyo ay ku leeyihiin Gedo iyo Bay appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Itoobiya oo shaacisey inay Dagaal ku dileen 5600 oo ka tirsan Falaagada TPLF Ciidammada Tigray aya weerarayey gobollada deriskooda ah Millateriga waddanka Itoobiya ayaa ku andacooday in dagaalkii 10-ka bilood ka socday waqooyiga dalkaasi ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-da. Colaaddaas ay dadka badan ayaa waxa ay dalkaasi ka taagneyd tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, hasayeeshee bayaanka uu soo saaray janaraalka sare ee Bacha Debele ayaanan sheegin waqti cayin oo dadkaasi lagu laalay. Weriyayaasha ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in tiradaasi laga soo minguuriyay dagaalladii ugu dambeeyay. Jeneraalka ayaa sheegay in sidoo kale 2,300 jabhaddaas ahi ay ku dhaawacmeen, halka ay nolol ku qabteen ku dhawaad lab kun. Milyimaad shacab ah ayaa waajahaya macalluul uu khilaafkani sababay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Jen, Debele, ayaa ku eedeeyey jabhadda TPLF Nin ay isku deyeyeen in ay kala gooyaan dalkaasi, xilli kooxduna weerarraro ka geysatay gobollada deriska la ah ee Amharada iyo Canfarta. Illaa hadda se ma jirto wax jawaab ah o arrintan ku saabsan o ka timi dhanka TPLF. Dagaalkan ayaa bilaabmay sannadkii tegay kaddib bilo dawladu raysalwasaare Abiy ku eedaynaysay jabhadda TPLF in ay isku dayeen oo weerareen goobo millatari oo ku yaal halkaas. Isagoo Abiy halkaa ciidammo u diray si ay meesha uga tuuraan dawladii gobolkaas. Waxaa la rumaysan yahay in dagaalkaasi ay ku dhinten kumannaan qof halka ay milyamaad kalena ku barakaceen, oo qaarkood u yaaceen dhankaa iyo Suudaan. Waxaana haayadaha u dooda xuquuqda aadamaha labada dhinacba ku eedeeyeen xasuuq, uu ka mid kufsi iyo laynta shacab aa waxba galabsan. Caqabad aad u daran Kalkidan Yibeltal, Weriyaha BBC ee Ethiopia Tirada ay sheegeen ciidammadu waa ay badan tahay, waana ay adag tahay in si madax bannaan loo xaqiijiyo. Laakiin hal mid ayaa la isu raacsan yahay, in dagaalkani ka tegay cawaaqib daran, tobankii bilood ee uu socday. Jeneraal Bacha, ma uu bixin wakhti cayiman xilliyadii ay waxani dhaceen. TPLF se waxa ay kal hore gacmaha dowladda dib ugala wareegtay June gacan ku haynta Tigray, iyaga oo xilligaas fiditaan ku sameeyey gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta. Labadii Toddobaad ee u danbeeyay dowladdu waxay u muuqatay in ay baacisay kana qabsatay meelo muhiim ah. 10-kii Juun, Qaramada Midoobay ayaa waxa ay xaaladda waqooyiga Itoobiya ku tilmaantay inay macaluul tahay. Daraasad ay Qaramada Midoobay baritaaraysay ayaa waxaa lagu ogaaday in 350,000 oo qof oo ku sugan gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo ay ku nool yihiin “dhibaato wayn”. Sida lagu sheegay bayaanka, xaaladda cuntada ee gobolkaasi ayaa gaartay heer “musiibo ah”, taas oo caddaynaysa gaajada iyo dhimashada saamaynaysa dadka yar ay ku sii fidayso dhul ballaaran. Maalmihii u danbeeyey waxa ay dawladda dhexe ku eedeeyeen in ay is hor taagayso gaaadiidka gargaarka, ee gobolka. Halka ay dawladu sheegtay in 500 oo gaadhi ay gaadheen, sida oo kalena labadii maalmood ee u danbeeyey oo keliya ay tageen 156 gaadhi. Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta. Waxaase UN ku andacoonaysaa in aan hal gaadhina soo gaadhin tan iyo August, halkaas oo maalinkiiba loo baahna 100 gaadhi oo wada gargaar. Qaran News
-
Dammam (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka. Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan. Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha. Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga. Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda. REUTERS + VOA The post Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray gantaal ballistic ah iyo diyaarado appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kala hoggaaminayey labada garab ee isku hayey maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 4 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho. Heshiiskan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna kasoo jeeda deegaanada Somaliland. Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii muddada ka taagnaa kuraasta gobollada waqooyi, waxaana guddoomiyaha guddiga la siiyey garabka Mahdi Guuleed, halka guddoomiye ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi. Sidoo kale qodobada lagu heshiiyey ayaa waxa ay kala yihiin:- 1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland). 2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada. 3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn. 4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland). Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland. The post Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo afar qodob ku heshiiyey (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Mudane Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka fal-celiyey go’aankii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo amarka uu dul dhigay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed. Ugu horeyn Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inay la-yaab ku noqotay in ra’iisul wasaaraha uu markale dib u weydiiyo xog kale hay’adda NISA oo iyada looga shakisan-yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sidoo kalena horey u sheegtay inay dileen Al-Shabaab. Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sidoo kale soo bandhigay su’aalo horleh oo ka dhashay hadalkii ra’iisul wasaaraha, una baahan in laga jawaabo, kuwaas oo kala ah:- 1-Xogta galka baarista ah ee ay sii deysay NISA, kuna sheegtay in Shabaab ay dishay Ikraan ma lala wadaagay ra’iisul wasaaraha, ka hor inta aysan soo saarin? 2-Waxaa lagu soo daabacay bogga ay leeyihiin telefishinka qaranka iyo raadiyaha wasiirka warfaafinta ma ka war-geliyey ra’iisul wasaare Rooble in xogtaas ay heleen? Ismaaciil Daahir ayaa xusay in loo baahan-yahay in su’aalahan iyo kuwa kale loo helo jawaabo sax ah, isagoo intaasi ku daray in Rooble uu ka hordhay, sida uu hadalka u dhigay “Marka su’aallo badan waxaad moodaa in uusan jawaab u heynin, waxna uusan kala soconin in uu ka hor dhacay,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna NISA u qabtay 48 saac, si ay jawaab cad uga bixiso dilka la sheegay inay Ikraan u geysteen xoogaga Shabaab, walow ay iska fogeeyeen. The post Aqriso: Su’aalo horleh oo ka dhashay go’aanka Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii Arrimaha doorashada ee ka dhexeeyay labadaas mas’uul. Labada dhinac ayaa soo bandhigay heshiis ka kooban afar qodob oo ay ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Somaliland. Qodobka ugu muhiimsan Heshiiskan ayaa dhigaya in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga doorashada gobollada waqooyi islamarkaana labada mas’uul ee Mahdi iyo Cabdi xaashi kala qaataan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddigaas. Hoos ka akhriso Heshiiska PUNTLAND POST The post Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo heshiis ka gaaray khilaafkii Arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar. Labada mas’uul oo muran kooda dhanka doorashada mudda soo taagna ayaa maanta shaaciyay in ay xal ka gaareen khilaafka. Heshiiska oo goordhaw warbaahinta loosoo bandhigay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in guddoomiye ku-xigeenka guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi la siiyo garabka Cabdi xaashi. Hoos ka akhriso Heshiiska oo dhameystiran Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka carootay in madaxweyne Farmaajo uu afkiisa ka dhowrto gobolka ay ula baxday Heylaan oo laga jaray gobolka Sanaag, kaas oo cayaartooy ka socota uu shalay Farmaajo ku qaabilay Villa Somalia. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey carada ay Puntland ka qaaday in madaxweynuhu uusan soo hadal qaadin magaca gobolkaas, intii uu la hadlaayey dhalinyarada cayaartooyada ah ee madaxtooyada uu ku qaabilay. Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inay jirto koox caadeysatay inay siyaasadeyso gobollada Puntland. “Magaca Gobolka Koobka Puntland qaaday waa Haylaan oo ka tirsan Gobollada Puntland, xaruntiisuna waa Dhahar, Ninkii aan afkiisa soo marin Karin muxuu ka maamuusi! Hore ayaan u sheegay in kooxda caadeysatay in Puntland goboladeeda ay siyaasadeyso aysan waxba ka heleyn kuna helayn!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Gobolkaan ay Heylaan ugu magac-dartay Puntland oo aan ku jirin 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga jaray gobolka Sanaag, waxuuna xulka u cayaara kubada cagta sanadkaan qaaday koobka cayaaraha kubadda cagta ee gobollada Puntland. Taasi waxay kaliftay in Muqdisho looga yeero xulka, si ay maalmaha soo socda ula cayaaraan koox kale, waxaana madaxtooyada Qaranka ku casuumay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, balse Puntland waxay ka carootay in afkiisa uu ka dhortay magaca gobolka ay ka socdeen kooxda uu casuumay. The post Puntland oo caro xoogan ka muujisay in Farmaajo uu ku dhowaaqi waayey magaca… appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin ay soo saartay Hay’adda la socodka iyo Maareynta musiibooyinka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in abaaro ba’an ay ku dhufteen gobalada ku yaalla waqooyiga dalkaas. Hay’adda ayaa sheegtay in inkabadan 70% dadka ku nool Gobalada waqooyiga dalka Kenya ay wajahayaan macluul iyo abaar daran. Warka ay soo saartay Hay’adda ayaa sidoo kale ay ku sheegtay in dadka iyo duunyada ku nool gobaladaas aysan seddaxdii sano ee la soo dhaafay helin biyo ku filan. Roobabka ayaa la sheegay in gobaladaas aysan iyaguna ka da’in muddooyinkii dambe, dadka ayaana soo foodsaarta biya yari baahsan. Dadka ayaa la soo wariyay in ay inta badan bilaabeen in ay isaga barakaacaan deeganada ay ka jiraan biya la’aanta baahsan iyagoo u ruuqaansanaya goobaha biyaha laga heli karo. Xoola dhaqato badan oo Soomaali ah ayaa la soo wariyay in ay soo wajahday xaalad nololeed oo adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo afduub ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. Kooxdaan oo qaraabo la ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. “Haddii aan 48 saac gudahood jawaab cad heli weyno, waxaa ragaan marsiin doonaa wadadii ay martay Ikraan Tahliil,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay kooxdaan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamuud Cabdulle. “Dadkaan kaliya kuma sinaan doonto xaalada ee waxaan beegsan doonaa dadka ay ka dhasheen Kulane Jiis iyo Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli oo u hadlay kooxda afduubka ka wada Beladweyne, islamarkaana ka careysan dilkii iyo afduubkii Ikraan Tahliil. Mar la weydiiyay in ay wax ku qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo iyo dadaalada socda ayuu Cabdiweli sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka aheyn in waddo caddaalad ah la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, iyagoo sidoo kale weeraray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ilaa hadda kiiskaan ka aamusan. Weli waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil oo ay NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay Al-Shabaab iska fogeeyeen. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wareysi: Maleeshiyada ku beesha ah Ikraan Tahliil ee gaysanaya afduubyada oo hanjabaad culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalada kooxda TPLF, taas oo ay shegen in ay jihooyin badan ka soo weerareeen gobalka Amxaarada. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda ay dooneysay in ay isku sii fidiyaan gobalka, balse ciidamadooda ay iska caabiyeen qorshaha TPLF. Madaxa Waaxda Dhismaha Ciidanka ENDF Let.-Gen Bacha Debele, ayaa sheegay in Tigrayga ay abaabuleen in ka badan 10,000 dhalinyaro la askareyay kuwaas oo dulaan ku soo qaaday gobalka Amxaarada. Sarkaalkan ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in abaabulka Tigrayga ay ciidamadooda u kala qeybiyeen seddax qeyb oo ay qeyba dhinac u qorsheysay in gobalka ay kala wareegto. Dhanka kale ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in intii ay socdeen dagaalada Tigrayga iyo Xukuumadda Abiy ay dileen kumanaan askar ah oo ka tirsan kooxda TPLF. Generaal u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in inkabadan in 2,300 oo ka tirsan Jabhadda dagaalada bilawday bishii Novermber ay ku dhaawaceen halka TPLF ay ka qabsadeen 2,000 Dagaal yahan. Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dagaalada ku dileen kumanaan aan tiradooda la soo koobi karin oo ka tirsanaa Jabhadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Sahan,” said Sahan Journal founder Mukhtar Ibrahim, is a “beautiful Somali word which means ‘pioneer.’” He explained that when faced with a drought, the ancient nomadic villagers of East Africa would search for greener pastures by sending out the sahans: “The most trusted figures in the community doing the scouting and coming back with reliable information.” Source: Hiiraan Online
-
Sometimes when Shugri Said Salh is running errands in Sonoma, Calif., where she currently lives, she says she has "visions" of her former life as a young nomad in Somalia. For example, one day, while eating sushi in front of Whole Foods, she spotted a customer carrying an African-style basket and a water jug — and suddenly she was transported. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo weerar madaafiic loo adeeg saday oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Madaafiicda ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga dhaceen xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaagga, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda loo adeegsaday, ee ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Hirshabeelle. Xaaladda magaalada Jowhar ayaa sakaa ah mid dagan kadib weerarkii xalay, ciidamada Ammaanka ayaa saaka waaberigii hore baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada. Maamulka Hirshabeelle ayaa dhankooda war ka soo saaray Weerarka xalay lagu qaaday magaalada. Wasaaradda Amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay Madaafiicda. ” Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay ayaa lagu yiri, Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Free medical camp brings relief for poor IDPs in Beletweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Displaced Somali grandmother Sharifo Harun Mahdi, 70, was grateful to receive free treatment for malaria, along with her three sick grandchildren, by volunteer doctors. Source: Hiiraan Online