-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jubaland ayaa soo dhaweysay shaqado joojinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo magacaabida Taliyaha KMG ah ee NISA. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in lagu boggaadinayo doorka iyo go’aanka uu ra’iisul Wasaare Rooble ka qaatay kiiska sarkaal Ikraan Tahliil. Jubaland waxay caddeysay in Ra’iisul Wasaare Rooble mas’uul ka yahay amniga doorshada iyo hirgelintya qorshayaasha amni ee dalka. Sidoo kae Jubaland waxay ku eedeeysay madaxweyne farmaajo, inuu xagal-daacinayo go’aanada iyo mas’uuliyadaha Ra’iisul Wasaaraha, taasi ay sababi karo carqalad ku timaada doorashada dalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo taageertay Rooble, eedeyna u jeedisay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Maamul goboleedka jubalaand ayaa tageeray taallabadii rooble uu xilka kaga qaaday taliyihii NISA ee Fahad yaasiin. Jubbaland ayaa sheegtay in go’aanka Rooble uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin, ay ku qanacsan tahay Jubbaland. “Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil” aya lagu yiri war saxaafadeed kaso baxay xafiiska madaxweynaha jublaand. Hoos ka akhriso War saxaafadeedka Jubbaland Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu caddeeyey mowqifkooda ku aadan khilaafka ka dhashay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka. Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya. “Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland. Warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan amniga doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga dalka uu mas’uul ka yahay Rooble. Dhinaca kale Jubbaland ayaa madaxweynaha ku eedeysay inay qaranimada ay kala weyn tahay saaxibtinimada iyo danaha gaarka ah, sida ay hadalka u dhigtay. “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si buuxda ugu bidhaamiyay umadda Soomaaliyeed & Dunidaba in shakhsi uu ka weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga & cadaalad darrada garab buuxa u yahay” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay hay’adaha amiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay raacaan awaamiirta uu soo saaray Rooble. Jubbaland Waa maamulkii ugu horreeyey ee war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxyday Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqo joojintii agaasimihii NISA. The post Jubaland oo war culus kasoo saartay xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay, kadib qoraallo liddi isku ah oo ka soo kala baxay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, kuwaas oo la xiriira kiiska lagu heysto hay’adda NISA. Ra’iisul wasaare Rooble oo qaaday tallaabada hore ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, isaga oo mid kale oo KMG ah magacaabay, waxaase ka horyimid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, waxba kama jiraana ku tilmaamay. Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA? Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur. Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay. “Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabis ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax weliba ay ka bilaabmayaan, kuna dhammaanayaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa. “Golaha xukuumadda ayaa leh , waxaana ugu sarreeyo Prime Minister-kam sidaas darteedna Prime Minister-ka ayey ka imaaneysaa oo soo ogolaanayo in taliye hebel laga dhigo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed ama ciidanka Booliska oo kale. Marka sidaas darteed waxaan anigu qabaa sharcigana uu qabaa in wax walba ka bilaabmaan oo ay xitaa ku dhammaadaan xukuumadda,” ayuu hadalkiisa raaciyey aqoonyahay Ciise Dhoolo-Waa. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku caddeeyo ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. The post Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in dhacdooyinka 48-saac ee u dambeeyay muujiyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya gashay fashil iyo fawdo siyaasadeed. Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo oo raja-beel ka noqday kursiga uusan waxba xeerinayn taasina tilmaamayso” fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed”. Ex. Wasiirk Juxaa ayaa muujiyay in shaqa-ku-celinta uu Farmaajo u sameeyay Fahad Yaasiin ay xaaladda uga sii darayso, xilli ay taagantahay fadeexadda ka dhalatay kiiska, Ikraan Tahliin Faarax oo ka tirsanayd hay’adda NISA taas oo raq iyo ruuxba la waayay. “Madaxweyne Farmajo waxaa mudadii xil-hayntu ka dhamaatay 8-dii Febraayo 2021, waxaana keli ah oo is-af-garad siyaasadeed oo xil-gaarsiin ah iyo kalsooni xilliga kala guurka ah ku jooga RW Rooble.” Ayuu yiri juxaa. Sidoo kale, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Hay’adaha Dawladda, xoogagga siyaasadda iyo Beesha Caalamkuba ayuu Juxaa ka dalbaday in ay Ra’iisul wasaaraha gacan buuxda ku siiyaan xilliga adag ee kala guurka. PUNTLAND POST The post JUXAA: Dhacdooyinkii u dambeeyay waxay muujiyeen fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin u diray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu isugu yeeray shir deg deg ah, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale. Lama shaacin ujeedka kulankan, balse waxa ay u badan tahay in looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii guud ee NISA, sidoo kalena madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu kasoo horjeestay, taas oo keentay inay ka sii darto xiisada ka jirta dalka. Khilaafka haatan soo shaac-baxday ayaa durbo saameyntiisa laga dareemay dalka waxaana la ogeyn halka uu dambeyn doono muranka ka dhashay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo dilka la sheegay inay xoogaga kooxda Al-Shabaab u geysteen Ikaraan Tahliil Faarax. Si kastaba dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa walaac ka muujinayo xiisadda kasii dareysa ee haatan ka dhex-qaraxday hoggaanka Villa Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemayo Muqdisho. The post Xijaar oo shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tallaabo saxan ku tilmaamay shaqa-joojinta Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin. Dr. Cabdiweli Gaas oo sidoo kale Ra’iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin tallaabo kale oo u furnayd Ra’iisul wasaare Rooble, ayna tahay in lagu taageero go’aankiisa, si dalka loo badbaadiyo. Ex. Ra’iisul wasaare Gaas, ayaa tilmaamay in Agaasimaha NISA uusan macluumaad lagu qanci karo ka bixin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliin Faarax, islamarkaana ka jawaabi waayay su’aalihii laga rabay. Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad Yaasiin baal-maray dalabkii Ra’iisul wasaaraha, ee ahaa in warbixin dhammaystiran laga siiyo Kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii uu Fahad sheegay in warbixinta uu ka hor-jeedin doono Golaha Amniga Qaranka. Ugu dambayntii, Cabdiweli Gaas ayaa uga digay Madaxweyne Farmaajo in uusan carqalad ku samayn go’aanka Ra’iisul wasaaraha, ugana sii darin xaaladda ka dhalatay Kiiska Ikraan Tahliin Faarax. PUNTLAND POST The post Dr. Cabdiweli Gaas: Rooble wuxu qaatay go’aan saxan waana tallaabada keliya oo u furnayd appeared first on Puntland Post.
-
The downfall of Somalia's military government in 1991 led to a series of crises for the Somali people in terms of security, the economy and social services overseen by decaying government institutions and administrations. Source: Hiiraan Online
-
Saadi Gaddafi, son of Libya's late dictator Muammar Gaddafi, who was overthrown and killed in a 2011 uprising, has been freed from jail, a justice ministry source confirmed to AFP Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Golaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid fure u noqon doona caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, wuxuuna Goluhu ka horyimid warqadda ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo oo lagu buriyay go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble. “Goluhu wuxuu u arkaa qoraalka ka soo baxay Maxamad C/laahi Farmaajo oo ah Madaxweyne xilkiisu dhamaaday mid lagu carqaladeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo kan doorashooyinka”. Ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharrixiinta. Sidoo kale, waxay sheegeen in Ra’iisul wasaare Rooble uu masuul ka yahay amniga dalka iyo kan doorashooyinka, islamarkaana Goluhu ku garab taagan yahay go’aanka uu cadaaladda ugu raadinayo ehelka Ikraan Tahliil. PUNTLAND POST The post Midowga Musharrixiinta oo soo dhoweeyay shaqa-joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. “Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta. Xaanshida kasoo baxday Musharixiinta ayaa taageero loogu dalbay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Shacabka, Golaha Wadatashiga qaranka, Beesha Caalamka & dhinacyada taageera Soomaaliya. Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qaatay shaqo joojinta Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta. Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta. The post Midowga Musharixiinta oo war kasoo saaray go’aankii RW Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Guinean special forces staged a coup on Sunday, capturing President Alpha Conde and announcing a nationwide curfew "until further notice" as well as the replacement of governors by the military. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha mudda xilkeedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid shaqa joojinta Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in shaqa-joojinta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ay baal-marsantahay Dastuurka dalka, islamarkaana ay waxba kama jiraan tahay. Madaxweynaha ayaa ku amray Agaasimaha Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Fahad Yaasiiin Xaaji Daahir, in uu sii wado hoggaaminta hay’adda, wuxuuna ka dalbaday in uu Golaha Amniga Qaranka horkeeno warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda, in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. Halkaan ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; 1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. 2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. 3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. 4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid Shaqa-joojinta Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeestay shaqa joojintii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu ku sameeyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta AgaasimahaHay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; 1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. 2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. 3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. 4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. The post Farmaajo oo diiday Shaqa joojintii lagu sameeyay Taliyaha NISA appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay go’aanka Ra’iisul wasaaraha dalka Xilka uu kaga qaaday Taliyihii nabad sugidda qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Midawga musharixiinta ayaa sheegay in ay go’aanka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha uu sidoo kale fure u yahay sidii ay Ikraan Tahliil Cadaalad ku heli laheyd. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Xukumada S/land oo Dawlad-degaanka Somalida Itoobiya ku wareejisay Gaadhi laga soo dhacay & Dadkii lagu qabtay Gaadhi noociisu yahay NISSAN DEISEL (iskarogo Shaamboo ah) oo bilaa taariko Number ah gacantana ay kusoo dhigeen ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan Saldhiga Macalin Haaruun goor saacaddu ahayd 2:00 am habeennimo muddo laba bilood ku dhaw ayaa baadhitaan lagu hayey aakhirkii waxa la ogaaday in lagala soo baxsaday dawlad deegaanka Soomalida, waxa xarunta maamulka Gobolka Maroodijeex noogu yimid nin ganacsade ah kana soo jeeda Dawlad deegaanka Soomaalida oo watta buuggii gaadhigan kuna dhamaayeen dhammaan astaamihii sharci ee mulkiyadeed. Heshiiska wada shaqayneed ee xuduudaha una dhexeeya Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomalida iyo guud ahaan Dawladda Federalka Ethiopia oo labada dhinacba ay fuliyaan aadna u wanaagsan wakhtigan aawadeed waxaanu xukuumad ahaan ku wareejinay gaadhigii oo dhamaystiran, eedaysanihii watay iyo Ganacsadihii sheegtay in lagala soo baxsaday laamaha amaanka ee Dawlad Deegaanka Soomalida. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay qoraal uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook. Sheekh Shariif ayaa qoraalka uu soo dhigay Facebook wuxuu kaga hadlayey heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. “Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska la xiriira arrimaha doorashada ee ay maanta gaareen Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland). Waa tallaabo mudan hambalyeyn iyo bogaadin iyadoo waqtina aan ku bixinnay sidii xal waara looga gaari lahaa kala duwanaanshihii u dhaxeeyey,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Hase yeeshee Sheekh Shariif ayaa cambaareyn xoog leh kala kulmay qaar ka tirsan shacabkii ra’iyiga ka dhiibtay qoraalkaas, kuwaas oo ku eedeeyey inuu ka aamusay kiiska Ikraan Tahliil oo ah mid ay ka hadleen inta badan siyaasiyiinta musharixiinta ah. Dadka ra’yiga ama commentiyada ka dhiibtay qoraalkaas ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, oo weli xiligaas ahaa agaasimaha NISA, balse xalay laga qaaday, sidaas darteedna uu kiiska uga aamusay. “Shariifoow Fahad boqor hakaa dhigo, ujeedkaagu garanay ee nama gaadid markale” ayuu ra’yi ahaan u dhiibtay qof ay Facebook ugu qoran tahay Saadak Jannaaw oo kamid ah dadkii ka hadlay qoraalka uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook. Khaled M Moallim oo isna kamid ah dadka ra’yiga ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa yiri, “Farmaajo iyo Shariif, Fahad ayaa wata Soomaalaay wax fahma odayga Shariif ah wuu fashilmay khalaas. Qof kale oo ay Facebook ugu qoran tahay Zacky Mohamed ayaa isna yiri, “Sheikh Shariifow heshiiska doorashada waad lasoo oroday adigoo bogaadinaa, balse arinta dilka Ikraan waad ka aamustay, aad iyo aad ayaan uga xumahay adigoo madaxweyne soo maray nagu dhahay, waxaan u hadlaa dhibanayaasha in aad maanta ka mustay. Shariifow, Fahad boqor haakaa dhigo. anaga nalama gaadi karo markaan, Ikraana cadaalad way hili doontaa.” Qof kale oo Facebook kusoo gala magaca Qamar Abdulahi Adoontii Alle ayaa isna yiri, “Shiikhoow Arinkii Ikraan maxaad uga gaabsatay, Misa Fahad baa boqor kaa dhigaya baad istiri hhh #kubaranay baraadar.” Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka Sheekh Shariif ayaa ah kuwa tiro badan oo aan warbixintaan lagu soo koobi karin, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen muujinta tuhunka ah in Sheekh Shariif uu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, sidaasna uu uga gaabsaday inuu ka hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo siyaasiyiinta oo dhan ay ka hadleen. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dadka aragtida ka dhiibanayey qoraalka Sheekh Shariif aysan ka hadleyn oo aysan waxaba ka soo qaadin qoraalkiisa uu uga hadklaayey heshiiska siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxayna dadku qeybta comentiga ku gorfeynayaan saababta uu Sheekh Shariif uga aamusay kiiska Ikraan oo maalmahaan cirka ku shareernaa. The post Sheekh Shariif oo dhaleeceyn xooggan kala kulmay qoraal uu soo dhigay Facebook appeared first on Caasimada Online.
-
Farmaajo oo Ganafka ku dhuftay shaqo joojinta Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Taliyaha Sirdoonka Somalia Fahad Yaasiin Madaxweynaha muddo xilleedkisa dhamaaday ayaa ka horyimid shaqo joojinta uu ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay taliyaha ciidamada Sirdoonka Fahad Yaasiin. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa u qornaa sidan; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha Sirdoonka Somalia iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaadh ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. Qaran News
-
Askar xoog ku soo furatay taliyahoodii oo xabsiga ku jiray Booliska la dagaalanaka Argagixisada ee Maali ayaa si weyn loo dhaleeceeyay ka dib markii ciidamo hubeysan ay xoog ku galeen xabsiga si ay u soo furtaan taliyahooda. Waxaana u suuro gashay in loo sii daayo. Ilaa haatan macadda sida saxda ee loo soo daayay Oumar Samake. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaalada xabsiga ay dhinac u istaageen markii ay askartaan ku dhaqaaqeen falkan inkastoo dadka qaarna ay sheegayaan in sii deyntiisa ay amartay dowladda si uusan iska hor imaad u dhicin. Taliye Samake ayaa lagu eedeeyay dambi dil oo la xiriira dhimashada ugu yaraan 14 qof oo ka mid dibadbaxayaashii dowladda looga soo horjeeday ee Maali ka dhacay bishii July ee 2020-kii. Dowladda cusub ee Maali ayaa cambaareeysay ficilka ay ku dhaqaaqeen ciidamada ku labisan dareeska askarta ee hubeysan kuwaas oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada. Waxaa sidaasi lagu sheegay warbixin laga sii daayay Telfishinka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP. Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Maali ayaa sheegtay in ay aad uga naxday ficilkaasi waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ka soo horjeeda sharciga dalka. Waxay hay’addu sheegtay in rasaas ay ku fureen magaalada Bomako ka hor inta aysan u jahayesan dhanka xabsiga dhexe ee magaalada halkaas oo taliyahooda Samake lagu xiray saacada ka hor falkaasi. Ciidamada gaarka ah ayaa waxaa soo tababaray Midowga Yurub iyo Mareykanka si ay uga caawiyaan la dagaalanka koxaha jihaad doonka ah ee ka dagaalama Maali. Qarmada Midoobay iyo Faransiiska ayaa waxaa Maali ka joga kummaanaan ciidan oo la dagaalamaya urururada hubeysan ee jihaad doonka ah. Hase yeeshe khalaalaase ayaa ka dhacay dalkaasi sannadkii tagay ka dib markii ay ka dhaceen laba afagambi milatari. Qoraalka Muuqaalka,. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), sidoo kalena mar soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Gaas ayaa ugu horreyn taageeray, soona dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugiDda iyo sidroonka qaranka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta soo dadajisay shaqo joojinta inay tahay jawaabta dhabta ah ee lagu waayey agaasimaha hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan uu sidoo kale yahay midka ugu fudud, isla-markaana aysan jirin doorasho kale. “Jawaabta Agaasimaha nabad sugidda ayaa soo dedejisay shaqo joojinta, waa go’aanka ugu fudud oo aan doorasho kale lahayn ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu, inta xaaladdu iska bedeleyso wuu ku saxnaa tallaabadaas” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay aheyd in marka hore Fahad Yaasiin uu xogta la wadaago ra’iisul wasaaraha, si xal loogu helo kiiska Ikraan, xiisaddana loo qaboojiyo. “Waxyaabaha keenay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waa jawaabta dhabta ahayd oo uu waayay, Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda waxa ay ahayd in macluumaadka uu la wadaago,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo ka dalbaday in xiisadda uusan uga sii darin, inta ay xaaladda iska bedaleyso, maadaama haatan lagu jiro xilli kala guur ah iyo doorashooyin. “Madaxweynaha haddii uu talo dhageysanayo in uusan baasiin ku sii daarin, inta xaaladda si kale isku bedeleyso in uu dejiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Gaas. Si kastaba khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya ayaa u muuqdo mid sii xoogeysanaya, waxaana haatan xaaladdu ay taagan tahay meeshii ay ugu adkeyd. The post Maxay tahay sababta soo dadajisay shaqo joojinta lagu sameeyey Fahad Yaasiin? appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wajahayo culeyso uga imanaya qabiilada iyo Villa Somalia. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiil ka socota Madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ku cadaadiyeen in uu liiska murashaxiinta Aqalka Sare ku daro xubno ay wadato oo qaarkood la tartami doono Senator Muuse Suudi Yalaxow, taasi oo uu ogolaaday. Si kastaba, Guudlaawe ayaa dhinaca kale waxaa saraakiil ciidan iyo odoyaal dhaqan oo ka mid ah beelaha Shabeellada Dhexe ay ku cadaadinayaan inuu u xiro kuraasta qaar. Dad ka agdhow Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle ayaa noo sheegay in Cali Guudlaawe uu isku dayayo in uu qanciyo labada dhinaca, balse uu saaran yahay culeys badan oo aan la ogeyn sida uu ku xalin doono. Xubno kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Shabeellada Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in Jowhar aan nabad lagu joogi doonin haddii aan dib loo dooran Senator Muuse Suudi Yalaxow. Saraakiisha hanjabada jeedinaya ayaa ka tirsan kuwii hogaaminayay ciidankii ku sugnaa Waqooyiga Muqdisho ee Badbaado Qaran, iyagoo muddo saldhig ka dhigtay guriga Senator-ka intii ay socdeen qalalaasihii ka dhashay arrimaha doorashada. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maalmo ka hor Jowhar ka sheegay in qof kasta oo sharuudaha soo buuxiya uu ku soo bixi doono liiska Aqalka Sare, taasoo shaki gelisay murashaxiinta qaar oo aaminsan in baarlamaanka HirShabeelle ku xiran yihiin Madaxweyne Farmaajo, oo ay dhici karto in dadka uu wato ay soo doortaan. Guudlaawe waa madaxweyne goboleedka kaliya ee aan soo gudbin liiska musharaxiinta, isaga oo ay hareeyeen cabsida uu ka qabo Villa Somalia iyo beelaha awoodda leh ee gobolka, taasi oo muujineysa heerka hoggaan xumadiisa. The post Xog: Cali Guudlaawe oo laba hanjabaad la duli dhigay iyo Jowhar oo cabsi wajaheysa appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News