-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Wax ka ogow Taariikhda Fahad Yaasiin Taliyaha Sirdoonka Somalia,laguna tilmaamo Mulkiilaha Dawladda Somalia Fahad Yaasiin Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsaneyd Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo la sheegay inay shabaab dishay. Kiiska gabadhan oo la waayay dhammaadka bishii Juun ayaa khilaaf weyn ka dhex dhaliyay madaxweynaya iyo raysal wasaaraha Soomaaliya kadib markii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in uu shaqada ka hakiyay Agaasime Fahad Yaasiin. Go’aankaas oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aysan waxba ka jirin. Raysal wasaarahu waxa uu si ku meel gaar ah agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe). Haddaba waa kuma Fahad, ninka xuddunta u ah khilaafka? Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo. Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto. Ururkii Itixaad ee Gedo Dad kala duwan waxay BBC u sheegeen in uu Fahad ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakooyinkii diimeed ee sida weyn ugu sii faafay Soomaaliya sagaashameeyadii. Waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dhallinyaradii la shaqeyneysay ururka Itixaad ee gobolka Gedo kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Balse ma ahayn askari dagaalama, sida ay sheegeen dad kala duwan. Waxaa lagu tilmaamaa nin si wanaagsan diinta u bartay, kuna adag, isaga oo si wanaagsan ugu hadla afka Carabiga. Fahad iyo shaqada weriyenimada Wuxuu Fahad bilaabay shaqada warbaahinta horraantii 2000kii, isaga oo wax ku qori jiray boggii caanka ahaa, ee sida weyn loo akhrisan jiray ee Somalitalk. Waxa uu wax ka qori jiray shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socday dalka Kenya, siyaasada iyo hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya. Waxa uu Fahad wareystay dad caan ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Muqdisho kula kulmay. Wuxuu qori jiray maqaallo lagu dhaliili jiray hoggaamiya kooxeedyadii Soomaaliya iyo dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf. Shaqadiisii Al- jasiira Sannadihii 2005 ilaa iyo 2011-ka Fahad Yaasin waxaa uu wariye u ahaa telefishinka Al-Jazeera qeybta Carabiga ee fadhigiisu yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar. Waxaa uu u uga soo warrami jiray dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa lagu xusuustaa wareysigii uu la yeeshay Sheekh Xasan Turki oo hogaaminayay ururkii Ras Kambooni. Waxa uu sidoo kale wareystay hogaamiyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab. Qiyaastii 2014 ama 2015 ayuu ku biiray xarunta daraasaadka iyo cilmibaarista ee Jasiira, taas oo u noqotay marin uu kasoo galo siyaasada Soomaaliya. Fahad Yaasin Sida uu siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Fahad Yaasin Waxa uu markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada xilligii uu socday ololaha doorashada Soomaaliya ee 2012kii. Waxaa la sheegaa in uu qeyb ka ahaa kooxda olelaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, xilkaas oo uu iska diiday. Waxa uu sanadkii 2016kii hormuud u noqday ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, waxa uu Fahad noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya kahor inta uusan noqonin madaxa Hay’adda Sirdoonka oo markii hore uu ka noqday agaasime ku xigeen. Waxaa lagu tiriyaa in u yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, saameyn ballaaran uu ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda. Dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay in uu Fahad wax weyn ku kordhiyay dowladnimada Soomaaliya. “Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo la hadlay BBC. Laakiin Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar lama dhacsana hab fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin. “Inta aan aniga ka aqaannana ,Fahad ma ahan qof garan kara inuu arko waxa umadda oo dhan u dan ah. Wuxuu arki karaa dowladnimadu inay qabyaalad ku dhisan tahay. Qofka ugu fariidsan ma raadiya ee kan uu isaga wadan kara ayuu raadsadaa. Xaga dambe qofkii ka maamulayay dowladda ayuu isu arkaa, waana taasi sababta loo yiri waa milkiilaha dowladda,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo la kulmay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Fahad yasiin waxay xulafo dhaw yihiin madaxweynaha Soomaaliya “Sanadkii 2012-kii, wuxuu bilaabay inuu door weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya, isagoo sida la sheegay u isticmaalaya lacag ka timid dalka Qadar, inuu ku gato codadka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Illaa iyo dhawaan, wuxuu ahaa Fahad mid leh kaalin ay Qatar u isticmaasho siyaasadda Soomaaliya, isaga oo aan muuqaneyn, taasoo gaarsiisay heerka guusha siyaasadda ee uu u tallaabay, ” waa sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada. Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go’aamadiisa siyaasadeed. Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya. Qaran News
-
Dawlada Kenya ayaa soo magacowday wakiilka ufadhiyi doona xafiiska ay ka furayso caasimada Somaliland ee hargaysa kaasi oo ay weheliyaan sadex masuul oo kale kuwaasi madax ka ah waaxaha xafiiskeeda Somaliland. Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa qoraal ay ka soo saartay ku shaacisay magacyada masuuliyiinta ufadhiyi doona xafiiskeeda caasimada hargaysa oo dhawaan la furi doono. Arintan ay dawlada Kenya kusoo magacowday wakiilka ufadhiyi doona Somaliland ayaa daba socotay heshiishkii ay maaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha Kenya ku kala sexeexdeen magaalada nariobi. Halkan ka akhri Qoraal rasmiya oo ka soo baxay Kenya: Qaran News
-
Michael J. Duran waxa uu ahaa duuliye katirsan ciidanka cirka ee Mareykanka, hadda waa Qoraa, waxa uu howlgeb ka noqday ciidamada Cirka ee USA, waa Duuliyihii duulinayey diyaaraddii Nuuca qummaatiga u kaca ahayd ee ku soo dhacday Magaalada Muqdisho intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey General Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidanka Huwanta ahaa ee Mareykanku horkaceyey ee ka qaybgalay dagaalkii Axad 3-October-1993 ku dhexmaray Muqdisho ciidankaas iyo taageerayaashii Genaral Caydiid. Duran waxa uu hadda u tartamayaa kursiga Senator -ka laga soo dooranayo gobolka Alabama ee Mareykanka, sanadka 2022-ka. Durant wuxuu u ahaa duuliye hawlgalada gaarka ah (special operations pilot for the 160th Special Operations Aviation Regiment (SOAR) laga bilaabo 1988 illaa 2001. Wuxuu shaqada ciidamadanimada howlgeb ka noqday isaga oo haysta darajadda afaraad ee milatariga Mareykanka. Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kaddib dhacdadii “Black Hawk Down” ay ka dhacday xaafadda Tokiyo ee magaalada Muqdisho, dhacdadaasi waxa ay kamid tahay sheekooyinka dagaal ee ugu xiisaha badan taariikhda casriga ah ee Mareykanka Intii uu socday hawlgalkii Dagaalkii Muqdisho, Durant ayaa kamid ahaa askartii Ameerikaanka ee u gacan-galay ciidankii AUN, Gen Maxamed Faarax Caydiid kuwaasoo kalkii dambe isaga oo nool sii daayey. Markii la sii daayay, Durant oo maxbuus ahaa muddo 11 maalmood ah wuxuu sii waday gudashadda waajibaadkiisa qaranka illaa aakhiritaankii uu ka fariistey shaqadda ciidanimadda. Sannadkii 2006, Durant wuxuu qoray buugga “Shirkadda Geesiyaasha: Sheekada Shakhsiyeed ee Ka Dambeysa Black Hawk Down,” kaasoo bixiyey tafaasiil fahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay. Durant waa madaxweynaha iyo maamulaha Injineerinka hawada sare iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka Pinnacle Solutions, Inc, oo ah shirkad ganacsi yaryar leh oo xarunteedu tahay Huntsville. Shirkadda ayaa sidoo kale maamusha goobo dayax-gacmeed oo ku yaal Kentucky iyo California. Pinnacle si lamid ah waxay shuraako la tahay warshado, Waaxda Difaaca Mareykanka iyo NASA. Durant oo siyaasi firfircoon ah ayaa xubin ka ah guddiyada agaasimayaasha ee ururka ay ku mideysan yihiin ciidamada howlgalada gaarka Mareykanka iyo askartii shaqadda ka fariisatay. Sidoo kale wuxuu doorarkii hoggaamineed ka cayaarey ololihii doorashada madaxwayne George Bush ee 2004 iyo sidoo kale ololihii madaxweynenimada 2008 ee Seneator John McCain. Markii wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa ku aaddan Senate -ka Mareykanka, Durant wuxuu u sheegay YN inuu si lama filaan ah u qaadan doono go’aan ku saleysan “waxa ay ku jirto danta gobolkayga.” Xigasho: Mustaqbal Media The post Maxbuuskii uu sii daayay Jeneral Caydiid oo xil Aqalka Senate-ka ah u tartamaya appeared first on Caasimada Online.
-
The Horn of Africa is a region in Eastern Africa home to the countries of Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Somalia. It is also a region that is positioned in such a geographically strategic location, per its proximity to the Middle East oil fields and the Indian Ocean, and the Red Sea trade routes. Historically, these routes attracted the attention of the world powers, including the United States. Because of its strategic location—just south of the Red Sea—foreign powers in the West, the Middle East, and the Far East have long intruded in the region’s affairs to increase their own political influence, gain strategic leverage, and have exclusive access to the most untapped natural resources in the area. Intrusions that continue to this day and intrusions that threaten to shift the geopolitical paradigm with proxy wars and more bloodshed. It is, in essence, a dangerous model of conflict. Lines are drawn and sides inevitably and predictably being formed. Those in contention are lining up against each other. Each is waiting for the other to yield. And the unfortunate result is that the region becomes more unstable, armed conflicts persist, and the neighborhood continues to fracture. The battle for geographic dominance in the Horn of Africa continues to fuel instability in an already volatile region. And at the center of it all is Somalia whose northern coast funnels all maritime traffic to Bab el-Mandeb, a narrow chokepoint through which all ships heading to and from the Indian Ocean and the Red Sea must pass through. It has once again thrust Somalia into the geopolitical spotlight as a focal point of strategic and political importance. And, because of its geographic positioning, the stability of this region is dependent upon the stability of Somalia. And stability won’t come easy as world powers continue to assert themselves deliberately and aggressively in the area. China has built one of its largest military bases abroad in Djibouti. Russia is establishing itself as one of the region’s largest arms dealers and is looking at building a base on the Red Sea to realize its aspirations in the Middle East. And the United Arab Emirates (UAE) & other Gulf Powers continue to expand their role in the region, establishing strategic rivalries with the intention to create further instability in the area to strengthen their foothold in the region. And, of course, the United States continues to pitch itself as a positive alternative, knowing that losing the waterways would have a significant economic and military impact. But while the words of the United States seem to indicate a vested interest in strengthening democratic institutions, improving stability and security, and delivering services for the Somali people, the actions, unfortunately, do not. The United States cannot be content to continue with a foreign policy that seems to be exclusively built around reinforcing the Somalia campaign against al-Shabab while competing for foreign powers (China, Russia, Turkey, etc.) are building bases, armies, hospitals, airports, and shipping ports in one of the most important geostrategic locations on the planet. It’s very clear that the United States cannot stay out any longer. Given the importance of the region and the loss of influence that would likely result, the United States needs to increase its presence both economically and militarily to stabilize the region and promote order in the Horn while protecting itself from the damages of competing and corrupting foreign interests. Spanish philosopher George Santayana once said, “Those who cannot remember the past are condemned to repeat it.” And history doesn’t lie. We have seen what happened in Afghanistan. Presidential elections are scheduled to be held in Somalia in the coming months and the United States needs to engage directly to ensure the integrity of the election process for the sake of inclusive political & economic development in the region. Let’s not condemn ourselves by repeating the mistakes made in Afghanistan. It is certainly a great challenge, but one must face it together for the good of the world. Ismail D. Osman Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Somalia’s Untapped Resources – Geopolitical Paradigm Shift and Proxy Wars appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay una dhexeeya guddi Soomaali ah oo maamula masjidul Quba, oo ah masjid Soomaalidu maamusho oo ku yaal Magaalada Amsterdam ayaa weli xal laga gaari la’ yahay. Khilaafkani wuxuu bannaanka u soo baxay markii iimaamkii masjid Quba Shiikh Suldaan uu ka saaray KVK-ga C/risaaq oo guddiga ka tirsan, taas oo sababtay in xubno kale oo guddiga ka mid ah, kana caraysan tillaabada Shiikhu qaadayay in iyagana Shiikh Suldaan ka saaraan KVK-ga, waxaanna khilaafku lugaha la soo galay marxalad cusub, iyada oo maalin ba maalinta ka dambaysa la soo warinayay in xaaladu ka sii darayso. Kaddib, maxaa dhacay? Inkastoo howlihii masjidku si caadi ah u socdaan, xubnaha guddiga ee uu khilaafku ka dhexeeyo-na ay qolo kastaahi howsheeda si caadi ah u gudaneyso, haddana waxaa muuqda walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka bixiya qidmada masjidka lagu caawiyo iyo kuwa ku jira qaybta caymiska oo ay doonaya su’aalo badan oo ay qabaan in jawaabo u helaan. Khilaafku wuxuu u dhexeeyaa iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & 6 xubnood oo ka tirsan guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah, waxaanna ku soo baxay guddi ka mid ah waxgaradka Soomaalida, iyada oo 2da dhinac ay u madax dhiibteen. Tillaabooyinkan guddigani qaaday waxaa ka mid ahaa; in 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay ka saxiixeen in wixii guddigoodu soo go’aamiyo ay qaadanayaan, taas oo ay aqbaleen, hasse ahaatee ilamaa haatan guddigaasi wuu ka soo raagay in bulshada Soomaaliyeed uu la wadaago natiijada baaritaanadii ay sameeyeen iyo wixii kaga soo baxay. Xubnaha guddiga oo intooda badan ka yimid magaalooyinka Eindhoven iyo Tilburg waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 10 xubnood, hadda waxaa la leeyahay waxaa ku soo haray 4 xubnood, waxaanna jira xubno guddiga isaga baxay markii ay ula muuqatay in rajada in xal la gaaraa ay fog tahay. “Waxay aheyd ragga culimida ah ee maamulka masjidka haya haddii khilaaf yimid inta aanu bannaanka u soo bixin in ay is xaliyaan, ma dhicin, khilaafkii bannaanka ayuu yimid, waa in ay ogaadaan in habsami u socoshada howlaha masjidka iyaga ka muhiimsan yahay, waxaana ay ku qasban yihiin in ay shacabka la wadaagaan waxa la isku haysto, qof kastana la dhageysto, qofkii ama kooxdii qaldanna howsha laga wareejiyo, culimadii shalay ay bulshadu u soo gurmatay oo hooyooyinku ay dahabkooda u gadeen si masjidka loogu dhiso, dhalinyaradu ay hiil iyo hoo isla garab taageen in la yiraa iyagii baa is haysta waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay sumcadooda” Ayuu yiri Xassan Cumar Kaahiye oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam. Muxuu yahay shirka Sebtida la iclaamiyay? Guddi kale oo fadhigiisu yahay Amsterdam ayaa horay khilaafka ugu soo baxay, lana kulmay labada dhinac, iyaga oo ka dalbaday in ay dhexdhexaadiyaan, maadaama ay yihiin waxgarad Soomaaliyeed oo daggan magaaladu masjidku ku yaal iyo agagaarkeeda, waxaanna dalabkaasi soo dhoweeyey Shiikh Suldaan, halka garabkii kale ay ku gacan sayreen, waxayna doodoodu noqotay: “Howsha dhexdhexaadinta hadda waxaa ku jira guddi kale, aan ka war sugno”. Iyada oo xaaladu ay sidaa tahay guddigii laga dhursugayay na uu waqti dheer qaatay, khilaafkii na uu weli halkiisii joogo, ayaa shalay laga war helay guddigii Amsterdam fadhigiisu ahaa oo Soomaalida waxgaradkeeda ku casuumay in ay kulan isugu yimaadaan maalinta Sebtida ee bishu ku beegan tahay 11, waxaanna kulanka lagu wadaa in looga hadlo khilaafka u dhexeeya guddiga maamul masjidka, iyada oo kulanka lagu wado inuu ka soo qeybgalo Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeyo. Shirkan cusub waxaa ka biyo-diday garab ka mid ah guddiga, waxaanna suurtagal ah in Shiikh Suldaan la wadaago dadka Soomaalida ee madasha ka soo qeybgeli doono waxa la isku haysto & dhumucda khilaafka. Si kastaba, masaajidkan ayaa kaalin muhiim ah kaga jira fidinta diinta, barashada & wacyigelinta mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan, waxaanna masaajidka adeegyada ugu muhiimsan ee uu Soomaalidu u hayo ka mid ah aaska meytida & in ay u fududeeyaan ehelada dadkoodu ay dalkan ku xijaabtaan, ee doonaya in dalkeenii lagu aaso. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Amsterdam: Maxaa kusoo kordhay khilaafkii guddiga masjidka Quba ee Soomalida? appeared first on Caasimada Online.
-
The death of a Somalia intelligence officer laid bare a rift within the nation’s executive, and could increase instability in the nation ahead of crucial elections scheduled for next month. President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as Farmajo, on Monday asked spy chief Fahad Yasin to continue in his role in a rebuke of Prime Minister Mohamed Hussein Roble’s earlier decision to suspend him. The disagreement came in the wake of the alleged failure to investigate the death of Ikran Tahlil, an agent whose demise gripped the nation after the intelligence agency said she was killed by al Shabaab, an al-Qaeda-linked group. The insurgents, however, denied any involvement in Tahlil’s death. Roble, named prime minister last September, and the intelligence agency are key to the holding of peaceful elections planned for October. The postponement of balloting in February triggered violence and a plan for the president to remain in power without a vote prompted the U.S. to consider sanctions. Farmajo is expected to seek to renew his mandate. The Federal Electoral Implementation Team announced on Saturday that parliamentary elections will be held from Oct. 1 to Oct. 18. It hasn’t said yet how this timetable affects the presidential vote earlier set for Oct. 10. The Horn of Africa nation is struggling to rebuild after two decades of civil war. The federal government, with help from neighboring states, the U.S. and the European Union, is also still battling al Shabaab. — With assistance by David Malingha Source: Bloomberg The post Spy’s death exposes new faultline in Somalia before elections appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu goordhow madaxtooyada kula kulmay agaasimaha ku-meel garaka ah ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe.” Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu Farmaajo kala hadlay Bashiir Goobe, oo magacaabistiisa uu kaga horyimid warqad uu soo saaray subaxnimadii Isniinta, warqaddaas oo uu sidoo kale ku amray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato. Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la-kulanka Bashiir Goobe ay u muuqato inuu Farmaajo ku aqbalay magacaabistiisa, kana tanaasulay mowqifkii uu ku diiday shaqo ka-joojintii agaasimaha NISA Fahad Yaasiin. Haddii ay sidaas tahay, way adag tahay in la fahmo waxa beddelay maskaxda Farmaajo wax ka yar 24 saac gudahood, hase yeeshee waxay u muuqan kartaa inuu garowsaday inaysan waxba gacanta ugu jirin, oo awoodda dalka uu si buuxda u haysto ra’iisul wasaare Rooble. Rooble ayaa fiidnimadii Isniinta la kulmay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen inuu haysto taageeradooda, fariin culusna u dirtay Farmaajo. Haddii Farmaajo uu aqbalo xil ka-qaadista Fahad Yaasiin, waxay si rasmi ah u xaqiijin doontaa in talada dalka ay gacantiisa ka baxday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay madaxweyne sharafeed kursiga sii gaarsinaya madaxweynaha beddeli doona. Go’aanka uu Farmaajo ku taageeray Fahad Yaasiin ayaa dhaliyey caro xooggan, sababtoo ah kiiska Fahad ma aheyn mid siyaasadeed, balse wuxuu la xiriiray dilka gabar yar oo dowladda lagu aaminay, taasi oo muuqaal xun ka bixisay Farmaajo. Farmaajo ayaa afartii sano ee uu dalka maamulayey caan ku ahaa inaanu mar kasta ka fiirsan go’aanada uu qaadanayo, waxaana marar badan ku dhacday inuu ka laabto go’aano qaldan oo uu qaatay kadib markii ay meel mari waayeen, ayada oo ay ugu dambeysay isku daygiisii muddo kororsiga. The post Xog: Farmaajo oo la kulmay agaasimaha cusub ee NISA appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland ayaa taageertay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan dastuurka dalka” “Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda dastuuriga ah” ayaa qoraalka lagu daray. Puntland waxay sheegtay in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga qaranka, hirgelinta doorashada iyo hoggaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka. Ugu dambayna Puntland waxay ku baaqday in cid walba ay illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. PUNTLAND POST The post Puntland maxay ka tiri shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah, waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, isla markaana wax walba ku xaliyaan wadahadal. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Guudlaawe oo amar deg deg ah siiyay Laamaha Amniga maamulkaas appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo. Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa. Saraakiisha ayaa waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya. Raggan baxsadka ah ayaa waxaa ku jira hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad. Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa’iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah.” Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay halyeynimo. PUNTLAND POST The post Maxaabiis ka baxsaday xabsi ku yaal Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero buuxa u muujisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseeen Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.” Dowladda Puntland ayaa sidoo kale boggaadisay, soona dhaweynaysay dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah. “Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland. “Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.” Puntland ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee taageera ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo raacday maamulka Jubaland. Qoraal ay saaka soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowladda Jubaland waxay bogaadineysaa doorka iyo go’aanka xilkasnimada iyo mas’uuliyadda ay ku dheehan tahay ee uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka qaatay maareynta iyo ka gun-gaaridda arrinka sarkaalad Ikraan Tahliil.” “Sidoo kale, Dowlada Jubaland waxay soo dhoweeneysaa go’aamada ra’iisul wasaaraha uu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, islamarkaana ku magacaabay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’addaas, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.” The post PUNTLAND oo war kasoo saartay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
Rooble Oo Kulama La Qaatay Hogaanka Ciidamada Iyo Garsoorka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ahaa kulama kala gedisan la qaatay Hogaanka qeybaha kala duwan ciidamada dalka iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka sida. Rooble ayaa kulanka hore fiidnimadii caawa la qaatay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir. Halka kulanka kale uu Rooble Caawa la qaatay dhamaan Taliyayaasha ciidamada Qaranka. Rooble ayaa kala hadlay dhamaan saraakiisha xaaladda Amni ee dalka iyo sugidda Amniga caadimadda. Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen Kiiska Ikraan Tahliil. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sidoo kale la sheegay in Taliyaba cusub NISA iyo Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida kale hadle sidii cadaalad loogu heli laha Qosyka Ikraan Tahliil Faarax. Source: goobjoog.com -
Mogadishu (Commentary) — The Prime of Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble fired the Director of the National Intelligence and Security Agency Fahad Yasin. Under the draft constitution, it is the prerogative of the President to appoint or fire the NISA Director. Roble’s decision was annulled by President Mohamed Abdullahi Mohamed, who instructed Fahad to carry on with his duties and submit a report on the death of Ikran Tahlil to the national security committee. Roble instructed the Attorney General to begin investigations into the death of Ikran. Several days ago Roble instructed Fahad to write a report on the case “within 48 hours”. With only 9 weeks to go before the Presidential Elections, the renewed disagreement over the limited powers of the two leaders of the two executive branch might affect the electoral process. Roble seems to have acted on recommendations from the the alliance of presidential candidates, who, on several occasions, called for the sacking of Fahad. The fragility of federal institutions necessitates a careful handling of political disagreements. The Somali Federal Parliament in 2014 resolved a similar power struggle involving the sacking of a NISA Director by a Prime Minister. The grounds for sacking Fahad are not only dubious; they hint at a pattern of hasty decision-making on the Prime Minister’s part from a visit to Kenya to a controversial renegotiation of electoral modalities to grant Federal Member States more powers to influence the selection of the new MPs. As a political leader, Roble is required to act impartially — getting close neither to the presidency nor the self-styled opposition politicians. Mogadishu is still grappling with the legacy of 1991. Questions are being raised about the merits of the limited security reform; sections of the security forces can easily be rebranded as National Salvation Forces modelled on pre-2007 warlord militias. Roble had better de-escalate the political tension and allow for level-headed members of the political leaders to have a role in preventing power struggles that could delay elections. By Mohamud Budul Ashkir The post Political Misjudgment of Prime Minister Roble appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadalka jeediyey kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka ayaa si adag uga hadlay isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu xilka hoggaanka NISA sii hayo Fahad Yaasiin, isagoo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn cambaareeyey warqadii uu madaxweyne Farmaajo ka soo daba saaray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo sheegay in hadii aan laga hor tegin fidnada ka soo socota go’aannadaas is diidan ay wax badan halaabi doonaan. “Ma aqbaleyno qaabka uu Farmaajo ku doonayo in loo baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, waxaan digniin u jeedineynaa madaxweynihii hore Farmaajo, warqadii uu soo saarana waan cambaareyneynaa, waxayna ficilladiisu keeni karaan fidno weyn, horumarka iyo doorashada la hiigsanaayo ayeyna caqabad ku tahay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ay soo dhaweynayaan tallaabadii Ra’iisul wasaare Rooble, “Go’aankii uu qaatay si uu qaranka u badbaadiyo waan soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Rooblow cudur jiray waayahaan oo dowladnimada ragaadiyey ayaad go’aan sax ah ka qaadatay,” ayuu yiri. Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay taageeraan oo garab istaagaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shacabka ayuu sidoo kale ka dalbaday inay ra’iisul wasaaraha taageeraan. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Xaad ugu baaqay beesha caalamka inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa, maadaama uu Farmaajo kolhore wareejiyey mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka. Hoos ka daawo muuqaalka Xaad The post Odayaasha beelaha Mogadishu Clan oo soo saaray DIGNIIN ku socota Farmaajo (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen waraaqaha is-khilaafsan ee ay soo saareen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee ku aadan shaqo joojinta iyo ku celinta Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan ku gadaaman awooda Farmaajo. Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Farmaajo uusan xaq u laheyn in uu shaqada kusoo celiyo Fahad Yaasiin, maadama uu ka dhawaajiyey in awood fulin ama maamul uusan laheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu magac sharafeed keliya u sito “Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida,” oo aysan aheyn taliyo-nimo xaqiiq ah. “Shaqo joojin waa hab anshax marin ah si KMG laguna fuliyo mas’uul shaqadii uu hayay ku dhex sameeyay fal keeni kara anshax marin ama baaris fal-dambeiyeed laga shakiyey inuu dhacay, waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo maamul, sida; Taliye ciidan ayaa sameyn kara, DG Wasaarad, Wasiir, Ra’iisul Wasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uusan waqtiga ka dhamaan malaha awoodaas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul,” ayuu yiri. “Macnaha inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiq ah. Madaxweynaha amaaha taliye ciidan, awoodaha madaxweynaha waqtigiisa 4 sano ah haysta waxaa caddeynaya Dastuurka KMG ah.” Jeneraal Cabdalla ayaa waxa uu ugu dambeyntii usoo jeediyay Farmaajo iyo Fahad inaysan isku sii fogeyn midida oo ay sharciga u hogaansamaan baarista xeer ilaalinta ka war-sugaan, sida uu hadalka u dhigay. The post Muxuu Cabdalla Cabdalla ka yiri isku dayga Farmaajo ee shaqo kusoo celinta Fahad? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa kala eryay dad isugu soo baxay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigaayey banaanbax ay ku taageerayaan xilka qaadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin. Banaanbaxaan oo galabta aad la isugu balansaday baraha bulshada ayaa caawa 7:00 pm fiidnimo ka bilaawday isgoyska Banaadir, balse ciidamada Haramcad oo durba goobta gaaray ayaa rasaas ku kala ceyriyey dadkii isku soo baxay. Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu soo baxday banaanbaxaas, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa hareeraha wadada Maka al-Mukarama dhigtay gaadiidka dagaalka, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadweynaha. Qaar ka mid dhalinyarada la kala ceyriyey oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay banaanbaxaas ku taageerayeen go’aankii Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho. Waa markii labaad oo ciidamada ammaanka ay dhiciseeyeen banaanbax ay dhalinyarada Muqdisho ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo gacanta NISA ay cadaalad hesho, waxaana maalin ka hor sidaan oo kale ay ciidamadu u kala ceyriyeen dhalinyaro isugu soo baxday isgoyska KM-4, kuwaas oo qaarkood jirdil loo geystay. Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu waayey nolol iyo geeri ee Ikraan Tahliil ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadashay waxay aad ugu mahad celisay dhalinyaradii isugu soo baxday si ay cadaalad ugu dalbaan walaashood Ikraan. The post Shacab caawa dibad-bax ka dhigayey Muqdisho oo awood ciidan la isku hortaagay appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed ayaa ka mid ahaa dhalinyaro boqolaal ah oo ku dibadbaxayey agagaarka Banaadir ee degmada Hodan. Booliiska ayaa la sheegayaa in Maxamed ay ka wateen goobta kadibna ay qaateen, lama oga halka ay la aadeen. Dhalinyaradan ayaa taageerayey go’aanka ra’isul wasaare Rooble uu ku ceyriyey agaasimihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyey ka gaabis waajibkiisa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay shaqo joojintii Fahad Yaasiin. Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan noqon karin mas’uuliyada dalka mid dayacan, islamarkaana ay tahay in xiliga kala guurka loo hoggaansamo isbedallada uu sameynayo Rooble. “Xilliga lagu jiro oo xasaasi ah awgeed, masuuliyadda dalku ma noqon karto mid dayacan, cid walba daraf ku dhagantahay iyo sharciyad habawsan. Waxaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay masuuliyadda guud iyo maareynta xilliga kala guurka ah waana in lagula shaqeeya oo loo hoggaansamaa isbadallada uu sameeyay,” ayuu ku yiri Cabdikariin Guuleed qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook. “Farmaajo waa madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo aan wax awood sharciyeed laheyn, waana inuu taas garwaaqsadaa. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub.” Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aan la iska indho-tirin caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda, laguna garab siiyo arrintaasi Ra’iisul Wasaaraha. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub. Waa inaan dhammaanteen masuuliyad iska saarnaa hirgelinta doorasho hufan oo aan daahin si loo badbaadiyo miraha Dowladnimada, sidoo kale waa inaan la iska indho-tiran caddaalad u raadinta Ikran Tahliil iyo qoyskeeda oo aan arrintaas ku garabsiinaa ra’iisul wasaaraha. Cabdikariin ayaa dalbaday in xiligan xasaasiga ah mas’uuliyad weyn la iska saaro hirgelinta doorasho hufan oo an daahin, si buu yiri loo bad-baadiyo miraha dowladnimo. “Waxaan ku baaqaya in laga foggaadaa dib u dhac cusub iyo in loo turo nidaamka Dowliga ah ee dalka, oo aan dhamaanteen wehel ka dhiganaa tanaasulka.” Xiisada cusub ee ka dhalatay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo shaqo ku soo celintiisa oo kasoo kala baxay xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa horseed u noqon kara dib u dhac cusub oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka dalka. The post Guuleed oo Farmaajo u sheegay inuu hal mid garwaaqsado appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta la kulmay taliyaha uu sida KMG ah ugu magacaabay NISA, hoggaanka maxkamadda ciidammada qalabka sida iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidammada qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo degdeg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Agaasimaha uu u magacaanay NISA Bashiir Goobe iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan. Kulanka uu Ra’iisul wasaare la qaatay Gen. Bashiir Goobe iyo saraakiisha kale ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxweye Farmaajo diiday shaqo joojintii Fahad Yaasiin. PUNTLAND POST The post Muxuu Rooble kala hadlay taliyaha uu u magacaabay NISA? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin. Kulanka oo ka dhacay xafiiska Rooble ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan. Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada ee saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu rabo inuu xilka ugu sii hayo Fahad Yaasiin. The post DEG DEG: Rooble oo la kulmay taliyaha cusub ee NISA iyo taliyeyaal kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan. “Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho. Dhinaca kale, Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digtay inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheeda. “Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheed oo uusan fiirin saaxiibtinimada kala dhaxeyso Fahad Yaasiin oo uu fiiriyo cadaaladda ay gabadheeda u baahan tahay,” ayey tiri mar kale. Hooyo Qaali ayaa Farmaajo u sheegtay inay u joogaan gabdho iyo wiilal, islamarkaana waxay si naxariis leh ugu baaqday inuusan nabsi ka gelin oo uu la dareemo xanuunka ay Maanta dareemeyso. Ugu dambeyntii Hooyo Qaali ayaa u mahadcelisay dhallinyaradii shalay Muqdisho ka dhigay banaanbaxii cadaaladda loogu raadinayey gabadheeda Ikraan Tahliil Faarah kuwaas oo ay ciidamo boolis jir dil u geysteen. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali The post Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo si qiiro leh uga hadashay dagaalka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Islamic Development Bank Group (IsDB Group) PRESS RELEASE Islamic Development Bank (IsDB) Group Private Sector Institutions Hosted the Private Sector Forum 2021 The Private Sector Forum highlighted the IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries on the investment, trade and insurance fronts Access Multimedia Content TASHKENT, Uzbekistan, September 6, 2021/ — The private sector institutions of the Islamic Development Bank (IsDB) Group (www.IsDB.org): the Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC), the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD), and the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) in cooperation with IsDB Group Business Forum (THIQAH) organized the “Private Sector Forum” on September 2, 2021, in Tashkent – the Republic of Uzbekistan, in conjunction with the 46th Annual Board of Governors Meeting of the Islamic Development Bank Group, under the theme “Respond, Restore, Restart: Post-COVID Resilience and Prosperity for all”. The Private Sector Forum highlighted the IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries on the investment, trade and insurance fronts. The Private Sector Forum provided a unique platform to network and establish business relations and partnerships with other leading representatives and stakeholders from the business community to share their related experience, success stories and best practices, while jointly exploring the investment and trade opportunities offered by CIS countries. Furthermore, the forum connected business communities in member countries by arranging parallel B2B and B2G scheduled meetings. H.E. Dr. Muhammad Al Jasser Chairman of IsDB said “All IsDB Group entites are catalysts of development. Every dollar spent by them brings more activities. I invite you to take advantage of the technical know-how present here. Private sector has a huge role to play in rebooting economies and buildingback better.” The Forum discussed the future outlook to overcome the COVID-19 pandemic. In addition, the Forum highlighted the IsDB Group’s US$ 2.3 billion Strategic Preparedness and Response Program (SPRP) for COVID-19 under its 3Rs approach “Respond, Restore and Restart”. Key outcomes from this session noted considerable progress in terms of launching and implementing the projects involving the growth of trade, investment and insurance in member countries. The sessions also addressed the key challenges limiting the business community and concerned trade and investment authorities of the countries in both CIS and other member countires by nurturing an environment where the parties can benefit from the opportunities that exist. In his opening address, Mr. Oussama Kaissi, said: “The pandemic is not yet over, but one thing we are certain of is that ICIEC will continue supporting its member countries through its full suite of Shariah-compliant credit and political risk mitigation solutions to overcome this crisis together and adjust to the new collective reality, stronger and more resilient than before.” Eng. Hani Salem Sonbol said: “In line with its pandemic Response Plan, ITFC allocated $1.1 billion of financing and launched several development programs to support member countries’ recovery that targeted improving food security, building resilience, and supporting the health and export sectors. Out of the $1.1 billion approved, around $400 million was directed to SMEs, reflecting the focus on supporting SMEs recovery, sustaining agriculture value chains and building capacities. ” Mr. Ayman Sejiny said “The IsDB Group ‘Strategic Preparedness and Response Facility’ can underpin our joint efforts to not only cope with the crisis, but to overcome it with a concrete, actionable blueprint. ICD’s geographical outreach across 55 member countries, along with its network of over 100 financial institutions and 5 regional offices and their local linkages, has doubled our collective capabilities and potential to efficiently mitigate the pandemic’s short-term fallout. This collaborative facility is the first of its kind and designed to unite the power of the public and private sectors to serve humanity in times of emergency.” The Forum gathered more than 1,000 participants from multiple sectors across the globe such as government officials, Chairmen, Presidents & CEOs of local and international companies, multilateral and financial institutions, Chambers of Commerce & Industry, business associations, investment promotion agencies, individual investors, entrepreneurs, hundreds of policy and decision-makers, as well as their Excellencies the Governors of the Islamic Development Bank. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group). About Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC): ICIEC is a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. ICIEC was established in 1994 to strengthen the economic relations between member countries of the OIC. Over 27 years, ICIEC has insured in trade and investment more than USD78 billion. USD 62.3 billion represents support for exports and imports, while USD 15.6 billion covered foreign direct investments into ICIEC’s member countries. ICIEC is Rated Aa3 by Moody’s. ICIEC’s cover has been provided to its 47 member countries across the Muslim world, assisting in their economic prosperity, development and diversification. ICIEC is recognized as the preferred enabler of trade and investment for boosting sustainable economic development in Member Countries, facilitating trade and investment between member countries and the world through Shariah-compliant risk mitigation solutions and tools. ICIEC.IsDB.org SOURCE Islamic Development Bank Group (IsDB Group) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo koofiyad casta ah la dul-dhigay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta, kadib xiisada ka dhalatay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin. Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin ciidan qabsaday xarunta wasaaradda warfaafinta, xaaladduna ay caadi tahay. Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta, si loola wareego warbaahinta dowladda ee ka howl-gasha xaruntaas. Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii uu Rooble shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin, halka uu Farmaajo amray in uu shaqadiisa sii wato. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh. Rooble ayaa sidoo kale Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe, wuxuuna sheegay in uu shaqo ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. “Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay,” ayaa lagu yiri qoraalka Farmaajo. The post Maxaa ka jira in ciidamo ay qabsadeen xarunta wasaarada warfaafinta ee Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.