-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Kabul)-Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaadh ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaadh,” ayuu yidhi Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shakhsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan ayna wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. AFP, REUTERS Source
-
Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. AFP, REUTERS, VOA The post Taalibaan oo ku dhowaaqday Gole Wasiiro + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye Cirro Oo Kulan Hadhimo Sharafeedaku maamusay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Waddani Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga ee muddaysan in uu qabsoomo 30-ka iyo 31-ka bisha October 2021. Kulankan oo isugu jiray is xogwareysi iyo dardaaran waxa uu Guddoomiyaha iyo Hoggaanka sare Xisbiguba siiyeen guddida talada iyo tilmaamaha ku aaddan hawlaha loo igmaday ee agaasinka Shirweynaha iyo sidii ay hawlahooda si habsami ah ugu dardargelin lahaayeen. Guddoomiyaha waxa kulanka ku wehelinayay Xubnaha sare ee Hoggaanka Xisbiga oo dhammaantood Guddida qaban qaabada shirweynaha kula dardaarmay in ay si xilkasnimo iyo hufnaan leh u gutaan hawsha Xisbigu u igmaday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaad Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa taageero ballaaran u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona luuqad adag kula hadlay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay soo baxday in uu rabo in la baabi’iyo kiiska Ikraan oo galaaftay Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay in Farmaajo uusan hal maalin ka hadlin inta ay maqan tahay Gabadhooda Ikraan, islamarkaana uu diiday in uu qaabilo qoyska iyo ehelladeed oo uu qeyb ka yahay Ugaaska. “Haddii xaqii dhinac ka dilaacay, Ilaahay ayaa dilaaciyey xaqa, maanta howshii oo meel fiican mareysa sida hore loo sheegay waxba maalin ka qaban (Farmaajo) uu hadda hor-istaago, waxaa leeyahay madaxweyne arrintaas kuguma haboona,” ayuu yiri “Sida naloo sheegayo waxa uu madaxweynaha ka shaqeynaya in uu rabo in uu duugo dhibka ku dhacay gabadheena, warkaas si sir ah ayuu noo soo gaaray. Waxaa leenahay madaxweyne gabadha maqan waxay lamid tahay gabdhaha aad dashay, waxaa leenahay kiiskaas waxay sharaftaada ku jirtaa in cadaalada ka abaarto.” Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku dhaliilay in uusan mas’uuliyadiisa ku aadan kiiskaas uusan gudan, islamarkaana ay hadda u baahan yihiin in maxkamad la soo taago cidda ka dambeysay arrintaas. “Ra’iisul wasaarihii wuu dadaalay in aad hor-istaagto kuguma haboona ee madaxweyne arrintaas ha sameyn, waxaa mar labaad u sheegaya Ra’iisul wasaaraha qodxo badan ayaa iman doona in uusan u istaagin oo anaga aan garab taaganahay cid walba oo damaceedu yahay in kiiskaas duugta uusan dhageysan oo sharaftiisa ka weyne.” Ugu dambeyntiina waxa uu raali-gelin ka bixiyey dhalinyaro ku beel ah Ikraan oo falal afduub ah oo aargudasho ah ka sameysay magaalada Beledweyne, isagoona u mahad-celiyay dadkii ka qeyb qaatay sii deynta dadkaas. Hoos ka daawo hadalka Ugaaska The post Daawo: Ugaaska Gaaljecel oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan, fariin-na u diray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
UAE Golden Jubilee: Sketch Portrait of UAE’s Founding Father Sheikh Zayed Covers Pleasures Magazine Sept/Oct 2021 Issue Pleasures Magazine is a bi-monthly luxury magazine with offices in Dubai, London and New York ABUJA, Nigeria, September 7, 2021/ — This year marks the 50th founding anniversary of the United Arab Emirates (UAE). To celebrate this golden jubilee, the President of the country, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, declared 2021 as the ‘Year of the 50th’. Celebrating the year of the 50th The “Year of the 50th” as declared by Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan specifically celebrates the significant milestone in UAE’s history, as it witnessed outstanding development in all regions, with a noble yet extraordinary journey in human and nation building. Basically, United Arab Emirates (UAE), a nation shaped by values, sacrifice, and propelled by innovation and inclusiveness, was declared an independent, sovereign, and federal state on 2 December, 1971 and was established by its founding Sheikhs; UAE comprises seven emirates: Abu Dhabi, Dubai, Sharjah, Ras Al Khaimah, Ajman, Umm Al Quwain, and Fujairah. The September/October issue of PLEASURES Magazine is dedicated to celebrating this remarkable journey and incredible growth of the UAE and its people. “Via these pages, we hope the world would learn more about the history of the United Arab Emirates and be inspired by its founding father Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan’s tutelage and legacy of tolerance and understanding between cultures. Sheikh Nahyan’s work thrives everywhere as recorded in the prosperity of the nation, educational development and myriads of business opportunities, and above all, the sustainability of its diverse culture and spirit of brotherhood among all. “On this auspicious occasion, we are also delighted to share with you an incredible collection of UAE photography (past and present), its breathtaking natural beauty and elegance to its ultra-modern, unique architecture, and fascinating history. We truly believe you will want to view these stunning images again and again,” says Adedotun Olaoluwa, President of Dotmount Communications, publishers of PLEASURES Magazine. Legacy of a nation A voyage back in time, reminiscing on the nation’s past and how far it has come. In the past 50 years, the people of the UAE have experienced so many moments and cherished so many memories. Also featured in this edition is the CEO of Octo5 Holdings, a Lagos-based real estate firm. Babajide Odusolu speaks with PLEASURES Magazine about the growth of Octo5 Holdings and what the future holds for the real estate industry in Nigeria. Also, a peep at One57, a luxury living located in the heart of New York, and the latest collections from Boucheron. The French luxury watches and jewellery house headed by Hélène Poulit-Duquesne is one of the most iconic top jewelry brands in the world. Also, our property team explores some of the most desirable properties and luxe interiors from the UAE, UK, US, and beyond. Our travel writers further serve you with some incredibly tempting locations, from the spectacular slopes of Maldives, Switzerland, to the luxury beachfront collection of properties in Zaya Nurai Island. Available in print and digital, for front door delivery, click here (https://bit.ly/3zR2eHC and https://bit.ly/2WXLXCD). Or call +234 902 598 0912 in Nigeria, +233 24 853 5560 in Ghana, +27 63 515 5148 in South Africa, +44 7466 634 694 in the UK, +41 78 955 84 48 in Switzerland and +971 56 826 3211 in Dubai or click here (http://bit.ly/2XidTLM). Also available on Amazon within the United States, as well as U.S. protectorates, including Puerto Rico, U.S. Virgin Islands, Guam, American Samoa, Marshall Islands, Northern Mariana Islands, Palau, and the Federated States of Micronesia. Call Afia Christy on +1 (347) 839-8872. SOURCE Pleasures Magazine Qaran News
-
Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ku matali doona Baarlamaanka 11-aad. Cali Guudlaawe ayaa muddooyinkii u dambeyay kulama siyaasadeed la qaadanayay siyaasiyiinta Hirshabeelle. Liiskaan ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa hareeyay muran fara badan, kaas oo beelaha kuraasta isla leh iyo siyaasiyiinta qaar ay dood ka dhex taagneyd. Hirshabeelle ayaa ah maamulka keliya ee aan weli guda galin howlaha doorashooyinka Aqalka sare, iyadoo dhamaan maamulada dalka ay soo bilaabeen doorashada Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE African countries to speak in one voice at UN food summit The Summit will focus the discussions on game-changing solutions to transform food systems across the globe in order to achieve all the 17 SDGs of Agenda 2030 ADDIS ABABA, Ethiopia, September 7, 2021/ — The Economic Commission for Africa (ECA), in partnership with the African Union Commission (AUC) and the Africa Union Development Agency (AUDA), is spearheading the conversation that will ensure that African countries speak in one voice at the upcoming United Nations Food Systems Summit (UNFSS) UNFSS will be convened by the UN Secretary-General on September 23 in New York to expedite achievement of the Sustainable Development Goals through game-changing solutions to address food insecurity and build resilience to vulnerabilities and shocks. Vera Songwe, the United Nations Under-Secretary-General and ECA Executive Secretary said the Summit will focus the discussions on game-changing solutions to transform food systems across the globe in order to achieve all the 17 SDGs of Agenda 2030. “In the African context, food systems transformation will help the continent to also achieve all the goals of Africa’s Agenda 2063,” said Songwe. ECA has worked closely with AUC and AUDA between March and July 2021 to further refine Africa’s common position for the UNFSS and has helped to define the process that has led to the endorsement of Africa’s common position at an extraordinary session of the African Union Specialized Technical Committee (STC) on Agriculture, Rural Development, Water and Environment. Africa’s common position builds on the outcomes of the Regional Dialogue on African Food Systems, which was organized by ECA, in close partnership with some of Africa’s major partners and stakeholders in agriculture and food systems. The event, convened within the auspices of the 7th Africa Regional Forum for Sustainable Development, featured high-level technical and policy sessions and was successful in identifying needs, drivers and game-changers for accelerating African food systems transformation. Feedback and inputs were garnered to revise the background document for the Regional Dialogue. Africa’s common position was communicated during the pre-summit event that took place on 26-28 July 2021. It is also expected that Africa’s common position will be voiced out during the UNFSS through the voice of the current President of the African Union. It is expected that the momentum to be created by the UNFSS will result in mobilizing and galvanizing support for the implementation of the identified priorities within the context of Agenda 2063, CAADP Malabo declaration, the Africa Continental Free Trade Agreement (AfCFTA), and other continental frameworks that have the consensus of AU Member States. Within the African context, Ms Songwe said food security in Africa will require essential interventions that include increased investment in research and extension to improve yields, especially of nutritious foods, and to diffuse the adoption of modern technologies, including digitalization and mechanization. “Policies and interventions throughout the food system will be needed to raise yields, lower transaction costs, promote nutritious foods, and reduce health and environmental costs,” Songwe noted. “A common vision, strong political leadership and effective cross-sectoral collaboration, intensively involving the private sector, are essential to identify and implement sustainable solutions to transform food systems for healthy, affordable diets.” Joan Kagwanja, Chief of the Agriculture &, Business Enabling Environment Section (ABEE) says Africans will together seek to address the issues of climate change and food insecurity on the continent at the UNFSS Summit. She said African farming systems are dominated by small-scale family farms due to low diversification; low access to productivity-enhancing inputs, finance, extension, infrastructure, insecure land tenure significantly hindering investments. Ms Kagwanja said 75% of African population cannot afford a “healthy” diet, and more than half cannot afford a “nutrient adequate” diet. This is because African food systems cannot produce food at affordable prices, in addition to dominated low purchasing power income. “The challenges of African food systems include the rise of African middle class, rapid urbanization, which causing shift in food demand; rising competition over African farmland & climate change,” she said. “Increase in food production does not match population growth as there is a widening gap between production and the attendant consumption.” She said the private sector, a key player in addressing the challenges of African food systems, had invested $19 million in agricultural technology in Africa (2016-2019), and agri-tech startups grew by 110%. The ABEE Chief noted that to address the challenges of food insecurity, countries need to turn COVID-19 challenge into an opportunity by shifting from business-as-usual and adopt holistic, multi-sectoral approaches and systems thinking with special focus on building resilience. “African countries need to consider Africa’s peculiarities in designing strategies and plans including recurrent and heightened climate variability, wide-spread land degradation, natural disasters and conflicts,” said Ms Kagwanja. Young people, she said, should be supported to engage in innovative approaches that make food systems attractive for youth engagement. Women should be empowered to end the productivity gap along food value chain, including in enhancing land access and tenure. The UNFSS will be held virtually during the UN General Assembly in New York. The agenda for the Summit include a statement of action from the UN Secretary-General, compendium of the Summit’s two-year preparations, National dialogues, and pathways for food systems to deliver the Sustainable Development Goals (SDGs) by 2030, Coalitions cutting across the five action tracks and incorporating the four levers of change around key areas, a follow-up and review process supported by the UN and its agencies. The UNFSS addresses the sustainable development value of voluntary sustainability standards by pooling resources, synchronizing efforts, and assuring policy coherence, coordination, and collaboration among United Nations agencies. SOURCE United Nations Economic Qaran News
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga ee muddaysan in uu qabsoomo 30-ka iyo 31-ka bisha October 2021. Kulankan oo isugu jiray is xogwareysi iyo dardaaran waxa uu Guddoomiyaha iyo Hoggaanka sare Xisbiguba siiyeen guddida talada iyo tilmaamaha ku aaddan hawlaha loo igmaday ee agaasinka Shirweynaha iyo sidii ay hawlahooda si habsami ah ugu dardargelin lahaayeen. Guddoomiyaha waxa kulanka ku wehelinayay Xubnaha sare ee Hoggaanka Xisbiga oo dhammaantood Guddida qaban qaabada shirweynaha kula dardaarmay in ay si xilkasnimo iyo hufnaan leh u gutaan hawsha Xisbigu u igmaday. Source
-
Macaluusha ayaa gaadhay heer halis ah gudaha gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya xili weli dagaalka goolku uu socdo. Maamulka Tigrayga ayaa sheegaya in 150 qof ay u dhinteen macaluul iyo gaajo saacadihii lasoo dhaafay. Xaaladda bini aadamtinimo ee gobolka ayaa ah mid cakiran, iyadoo dawladda dhexe ay beeninayso is hor taag ay ku samaysay gargaarka loo waday dadka baahan ee colaaduhu ay guryahooda ka saareen. Atinkut Mezgebo, madaxa beeraha iyo dalaga ee TPLF ayaa warbaahinta u sheegay in xoolaha iyo dadkuba ay dhimanayaan gudaha gobolka, iyadoo xaaladu ay kasii xumaan karto sida ay imika wax yihiin. Wuxuu ku baaqay in dawo degdeg ah lala gaadho dadka iyo xoolaha. “Dadka ayaa ku dhimanaya hortayada iyadoo cuno yaraani ay hayso caruurta iyo dumarka” ayuu Atinkut Mezgebo u sheegay waraahinta BBC qaybteeda ku hadasha afka Amxaarada. Nus malyuun qof ayaa guud ahaan gobolka Tigrayga halis ugu jira in ay u dhintaan gaajo halka 5 milya oo kale ay siyaabo kala duwan u saameeyeen colaaduhu una baahaniyihiin dawo iyo gargaar kale. Source
-
On Saturday evening, June 26, at 8:03PM, 24-year-old Ikran Tahlil, a cybersecurity expert for Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), disappeared just outside of her home in Mogadishu (close to the agency’s headquarters) and has not been seen or heard from since. By all accounts a bubbly, energetic and scholarly young woman, Tahlil was a rising star, and the case of her disappearance has gripped the nation, not just because of who she was and the future she had, but because of where she worked and the information and officials, she has access to. On September 2, sixty-eight days after one of their own agents seemingly disappeared into thin air, the National Intelligence and Security Agency posted a brief and befuddling statement on its website indicating that, after an internal investigation, NISA agents had determined that the young woman’s kidnappers had taken her and handed her over to the al Qaeda-linked Al-Shabaab terrorist operation, who promptly killed her. In the same statement, NISA extended its “condolences to the family, relatives, and all members of the Agency, on the heinous act of Al-Shabaab militants who killed the girl.” Here’s the thing. “Condolences” are not adequate when it comes to the death of a young woman, particularly when that young woman works for the National Intelligence and Security Agency of Somalia. “Thoughts are prayers” aren’t good enough when a family’s life has been shattered and getting answers from your own government has proven at best, deficient and, at worst, impossible. The fact is that the explanation provided by the Security Agency appears a little too convenient given the circumstances surrounding Tahlil’s disappearance. And although the statement released on September 2 was clearly meant to close the book on the mysterious abduction of the talented and dedicated young civil servant, the end result was exactly the opposite. And as more and more details began to emerge following the release of the inadequate statement, the questions and the suspicions began to surface almost immediately. How could NISA be so sure of Tahlil’s death when there was no body to be found and no location to be searched? Why had Tahlil’s mother, Qali Mohamoud Guhad, claimed that her daughter was on her way to meet a senior NISA commander on the day she disappeared? And why had Al-Shabaab, typically not shy about its intention in targeting spy officers, been so quick to deny involvement in this disappearance? With the eyes of a nation closely watching and the tensions of a country rising like a flash flood, this week Prime Minister Mohammed Hussein Roble gave a forty-eight-hour ultimatum to NISA Director Fahad Yasin, demanding an account detailing NISA’s full knowledge of the disappearance. Yasin, in turn, responded by demanding that President Mohamed Farmaajo reconvene the national security council meeting to address the situation, a guileful political ploy designed to weaken the Prime Minister’s influence on this situation. The Prime Minister countered by sacking the controversial Intelligence Director, who has recently come under intense suspicion by, among others, the family of Ikran Tahlil. And, in an unbroken circle of confusion, coverup and conspiracy, President Farmaajo denounced the sacking of Yasin, reaffirming his support of the Director and declaring that the firing was unconstitutional. And while the wheels of ineptitude continue to spin in the shady backrooms of the Somalia government, one thing is still certain. The disappearance of Ikran Tahlil is no closer to be solved today than it was on June 26, the day she went missing. For the sake of Ikran Tahlil and her family, the powers in the Somali government need to set aside their political preferences and affiliations, put aside the distrust and animosity they have for each other and get to the bottom of this disappearance. Continuing to operate the government like a convention of keystone cops is only going to plunge our country further into a nation pungent with instability, chaos and destruction. The connection between the resolution of the case of Ikran Tahlil and the future stability of the Somali government is uncomfortably linked. The next steps taken to help find Ikran Tahlil could very well determine the future structure of Somalia’s government and the path towards stability for our country and our region. It goes without saying that the people of Somalia will stand for nothing less than the elimination of all corruption and cronyism within the hallways of our government buildings. Clean up the politics and you will clean up the country. But lest we lose sight of what really matters as the shell game of politics is distracting our attention, let’s all remember one important thing. Her name is Ikran Tahlil. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Finding the truth of missing intelligence agent [Ikran Tahlil] exposes the cover-up of Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann iyo dowladda Shiinaha FEI Shengchao. Danjiraha cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa madaxweyns Farmaano la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday. Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao oo madaxweyne Farmaajo la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping ayaa soo bandhigay in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran. Madaxweynaha Soomaaliya oo danjiraha cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Midowga Yurub iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL - Prime Minister Mohamed Roble has called for an end to the ongoing fighting in some areas in Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
-
Dad ka badan150 qof oo “macluul ugu dhintay gobolka Tigray”
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dad ka badan150 qof oo “macluul ugu dhintay gobolka Tigray” Iyada oo ay sii xumaanayso duruufta bini’aadanimo ee jirtaa gobolka Tigray ayaa fallaagada Tigray waxay sheegtay in boqol iyo konton qof ay dhici karto in ay macuul u dhinteen. Xukuumadda Itoobiya ayaan ilaa haatan ka falcelinin warkaas. Balse waxay hore u diiday eedo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay oo ah in ay gargaarka gobolkaa la xannibtay. Madaxa beeraha ee kooxda TPLF Atinkut Mezgebo, ayaa sheegay in dadka iyo xooluhuba ay u dhimanayaan cunto la’aan “waxaana laga yaabaa in dhibaatada intaas ka sii weynaato ”. Waxa aan macquul aheyn in si madaxbanaan loo xaqiijiyo eedeymaha maadaama khadadka taleefanka iyo internetka ay weli ka go’an yihiin gogbolka Tigray. Balse hay’adaha gargaarka ayaa in muddo ahba ka digayay masiibo bani’aadamnimo. Qoraalka ay sii daayeen ciidamada Tigreega Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka dhintay qaarkood ay ku jireen xerooyin ay ku noolaayeen dadka ka soo barakacay colaadda socota. Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda wuxuu kulan uga socdaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah dhammaan taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Bashiir Goobe, oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey, iyadoo la filayo inuu kusoo biiro guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh. Farmaajo iyo Rooble ayaa laga dhex wadaa waan-waan ku aadan sidii loo soo dhammeyn lahaa khilaafka ka dhashay shaqo ka joojintii lagu sameeyey agaasimihii hore ee Hay’ada NISA, Fahad Yaasiin. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu kasoo dabcay mowqifkiisii hore, islamarkaana uu diyaar u ahay inuu aqbalo shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin. Qodobka ay hadda labada mas’uul isku hayaan ayaa ah in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana la joojiyo amarkii uu Rooble ku bixiyey in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay baaritaan deg-deg ah ku sameyso kiiskan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanyo inaan la joojin karin kiiska Ikraan Tahliil, oo ah midkii keenay shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin, lamana qiyaasi karo nooca go’aanka ay gaari karaan labada mas’uul. Marka uu dhammaado kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la filayaa in Rooble iyo taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA ay tagaan xarunta Hay’adda si shaqada loogu wareejiyo agaasimaha cusub. Wixii kusoo korha kulanka waxaad kala socon doontaan wararkeen dambe, Inshaa Allah. The post DEG DEG: kulan u socda Rooble iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Taalibaan oo rasaas Nool la dhex qaaday dad ku mudaharaaday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taalibaan oo rasaas Nool la dhex qaaday dad ku mudaharaaday Kooxda Daalibaan ayaa rasaas ku ridday dadweyne badan oo isugu soo baxay mudaaharaad ballaaran oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul. Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dad cararaya, halka oo rasaas xooggan laga maqlayay aaga uu mudaharaadka ka socday. Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa Talaadadii isugu soo baxay waddooyinka iyaga oo dalbanaayay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka isla markaana dhaleeceeyn u jeedinayay xukunka Taliban. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Pakistan, maadaama dad badan ay rumeysan yihiin in dalka dariska la ah Pakistan uu taageero Taliban, taasoo uu dalku beeniyay. Fiidiyow loo diray BBC ayaa muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo qoryahooda cirka u ridaya – tallaabadaas oo kooxda ay mamnuucday toddobaadkii hore. Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shuruud adag oo yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadistii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sameeyey agaasimihii Hay’adda Nabad-Sugidda, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Farmaajo ayaa aqbalaada xil ka-qaadista Fahad Yaasiin ku xiray in la baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil iyo baarista la amray inay sameyso maxkamadda ciidamada qalabka sida. Farmaajo ayaa shuruudan usoo dhiibay xubno dhex-dhexaadin ka dhex waday isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdweli Muudey, oo shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha. Waxa kale ooo lasoo sheegayaa in arrintaan uu si weyn uga horyimid Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ballan-qaaday caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil oo lagu tuhunsan yahay hoggaankii NISA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha dhex-dhexaadinta wado u sheegay inaysan suurtagal aheyn inuu ka leexo jidka uu cadaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax kasoo sabab u ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin. Sidoo kale, shuruudda uu madaxweyne Farmaajo soo bandhigay ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijisay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo sheegtay in Farmaajo dhigga Ikraan uu kala fiican yahay saaxiibkiis Fahad. “Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan ku ekaan waraaqdii uu soo saaray, wuxuu bilaabay inuu shuruud uga dhigo aqbalaalada xil ka qaadista Fahad Yaasiin in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahlil, ummadda Soomaaliyeed ha arkaan madaxweynihii afarta sano soo maamulayey sida uu sameenayo, Ikraan dhiigeeda waxaa kala fiican nin saaxiibkiis ah,” ayey tiri Xildhibaan Aamina. Xildhibaan Aamin Maxamed ayaa Rooble uga digtay inuu aqbalo shuruudda Farmaajo, islamarkaana waxay ugu baaqday inuu sii wado caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta hey’adda NISA. Farmaajo ayaa u muuqda hadda inuu kasoo dabcay go’aankii uu ku diiday xil ka qaadistii Fahad Yaasiin, waxaana muuqato inuu Farmaajo doonayo in ugu yaraan la damiyo kiiska Ikraan, taasi oo haddii ay dhacdo dhaawici karta Ra’ii sul Wasaare Rooble oo horey qoyska Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed u ballan qaaday caddaalad u raadinta kiiskaan. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Aamina The post Xog: Farmaajo oo shuruud yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadista FAHAD appeared first on Caasimada Online.
-
Guinea Conakry waxaa mararka qaar loogu yeeraa Guinea Conakry si ay uga soocdo deriskeeda Guinea-Bissau iyo Jamhuuriyadda Equatorial Guinea.Waagii hore, Guinea Conakry waxay ka mid ahayd Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Gaana, oo la dhisay qarnigii kow iyo tobnaad ee tariikhda Miilaadiga.Sanadkii 1849 ayey noqtay maxmiyad Faransiis hoos tagta, balse sanadkii 1904 ayuu Faransiisku ku dhawaaqay inay qayb ka tahay dhulka uu gumeystihii ee Galbeedka Afrika, bishi oktoobar 2, 1958, Waxay xornimadeeda ka qaadatay dalka Faransiiska halgan dheer ka dib, kaas oo uu hogaminayey halyeygii wayna ee Axmed Sekou Toure isaga ayana xukunka u qabtay 2dii bishii oktoobar sanadka 1958kii ilaa 26kii bishii Maarso 1984kii, isla maalinta bishii Maarso 26, 1984 ayuu Axmed Sekou Toure ku geeriyooday dalka maraykanka qaliin lagu sameeyay oo guul daraystay, ka dibna Raiisel wasaare Loi Lansana Biavogi ayaa xilka madaxweynenimo si ku meel gaar ah u qabtay muddo 8 maalmood ah. Ka dibna 3, bishii Abriil sanadkii 1984 ayuu Lansana Conte ayuu hoggaamiyey afgambi millatari kaas oo lagu afgembiyay dowladdii Lansana Biavogi, Wuxuuna ku dhawaaqay laalista dastuurki dalka sidoo kalena wuxu kala diray Baarlamaanki kuna beddelay Gole Militari oo uu ku magacabay Badbaadinta Qaranka oo uu madax u yahay Conte, bishii apriil 5, 1984 ayuu Conte wuxuu ku dhawaaqay in uu ahay Madaxweynaha rasmiga ah ee dalka, bishii July 4, 1985 Raiisul Wasaare hore Diarra Traore oo marka aha jeneraal ka tirsan ciidanka qeyb wayn ka qaatay afgambigii u sameyey saxiibki Conte markana laga dhigay ra’iisul wasaaraha dalka muddo kooban ka dibna laga qaaday, hadaba ninka ayaa isku dayay afgambi waqti uu Conte ku sugnaa Blome caasimadda dalka Togo oo uu shir uga socday Ururka Dhaqaalaha ee Dawladaha Galbeedka Afrika uga qayb galay, Xoogagga ciidankii daacadda u aha Conte ayaa awooday inay si fudud gacanta ugu soo dhigaan Diarra Traore iyo 100 qof oo milaterigii inqilaabka aha halkaa ayana la dilay Traore iyo dhamaan ciidankii ku lugta laha afgambigii dhicisoobay, bishi December 23, 2008: Conte ayaa geeriyooday ka dib mudo uu la halgamay xanuun soo wajahay, Saacado yar ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay geerida Conte, kabtan ciidan oo lagu magacaabo Moussa Dadis Camara ayaa idaacadda dowladda ee magalada Conakry kaga dhawaaqay kala diridda dowladdi iyo laalista dastuurka iyo joojinta dhamaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka.Isaga oo sameyey gole uu ku magacabay “Golaha Qaranka ee Horumarinta iyo Dimuqraadiyadda” oo ay qayb ka yihiin milateri dalka iyo bulshada rayidka ahiba kuwaas oo maamuli doona dalka, Mr Camara wuxuu dadka u xaqiijiyay in ay hoggaamiyeyaasha milaterigu aysan ku talo jirin inay xukunka sii hayaan wax ka badan laba sano oo ay raban in ay dalka gaadhsiyaan doorashada madaxnimo oo hufan lana qaban doono dhammaadka sanadka 2010. December 24, 2008 aya waxay u doorteen Captain Moussa Dadis Camara in uu noqdo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka isaga oo rasal wasaraha dalkana u magacabay Kabini Kumara oo ka socday dhanka bulshada rayidka ahayd.Camara wuxuu ka shaqeeyay dib -u -habaynta nidaamka dhaqaalaha ee dalka iyo in caddaaladda la horkeeno kuwa ku lugta leh musuqmaasuqi dalka ka dhacayey. Xasuuqii September 2009 September 28, 2009. Ciidamada ammaanka ayaa dilay in ka badan 150 qof oo isugu soo baxay mudaaharaad looga soo horjeedo dowlad oo ka dhacay caasimadda Conakry waxana ay gaysteen gabood falo badan. Dalka guinea conakry ayaa marka qarka u saarmay dagaal sokeeye oo lagu hoobto toddobaadyo ka dib dhacdadaas, waxaa dhaawac soo gaaray madaxa taliskii milateriga ee talada hayay Moussa Dadis Camara ka dib markii mid taliye ahi uu isku dayey in toogto isku daygiina waa ka fashilmay. Diseembar 3, 2009: Skoba Konate oo reer galbeedku taageero ayaa la wareegay awoodda dalka guinea conakry wuxuuna ballanqaaday inuu awoodda ku celin doono bulshada rayidka ah.Diseembar 21, 2010. ayuu Madaxweyne Alpha Conde yimid xukunka kadib markii ugu horreysay ee doorasho xisbiyada badan ahi dalka ka dhacdo taas uu ku guulaystay Alpha Conde. Isku day dil ee Alpha Conde & qilaab military. July 19, 2011. Conde waxaa loo gaystay isku day dil oo ay fuliyeen milatarigu kuwaas oo u bartay afgembiga guinea conakry. Ka dib waxay ciidanku soo xireen daraasiin ka tirsan milatariga oo ay ku jiraan taliyayaal sare oo ku dhow madaxii taliskii hore ee ku meel -gaarka ahaa, General Scuba Konate, iyo madaxii hore ee golaha militariga, Musa Camara qilaab military wuu fashilmay waqtiga. Sebtember 6, 2021 xalay ayey Ciidamada Gaarka ah ayaa xiray Madaxweyne Alpha Conde waxayna kala direen hay’adihii dowliga ahaa, halka ay Wasaaradda Difaaca ay iyana xaqiijisay in ay iska caabinaan weerar xalay ee ay Ciidamada Gaarka ah ku soo qaadeen madaxwaynaha. Balse Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Guinea Conakry Korneyl Mamady Domboya ayaa isna ku dhawaaqay clip ku faafay baraha bulshada in xilkiba laga qaaday Madaxweyne Alpha Conde,Domboya ayaa ku yiri bayaan uu u diray muwaadiniinta dalka “Waxaan go’aansannay inaan kala dirno hay’adaha iyo dowladda oo aan xirno xuduudaha dhulka iyo circa”. waxay baahiyeen muuqaal ah Madaxweyne Conde la xiray oo ku fadhiistay kursi kuna labisnaa jiinis iyo funaanad diiday inuu ka jawaabo markii la weydiiyey in si xun loola dhaqmay iyo in kale. Dal guinea conakry juqraafi & bulsho ahan waa noocma Magaca rasmiga ah ee dalku : Guinea Conakry caasimaduna: waa Conakry Nidaamka siyaasadeed ee dalku: waa jamhuuri Lacagta dalku waa: Guinean franc Goobtu dhaco: Waxay ku taal xeebta galbeed ee Afrika, dhanka koonfureedna waxaa xuduud kala leh Jamhuuriyadda Liberia iyo Sierra Leone, dhanka waqooyi waxaa ka xiga Jamhuuriyadda Senegal iyo qeyb ka mid ah Guinea-Bissau, dhanka bari waxaa ka xiga Jamhuuriyadda Mali iyo Ivory Coast. Badka dalka waa: 245.857 kiiloomitir oo laba jibbaaran Khayraadka dabiiciga ah ee dalku waa: macdanta birta, kalluunka, yuraaniyamka, dheemanka, dahabka. Cimilada dalku waa: kulayl Tirada Dadweynaha dalkaasi waa : 13,026,502 qof (qiyaasti la sameyey sanadkii 2018 ) Qaybinta Qowmiyadaha dalka degana: waxay yihiin 24 qowmiyadood, kuwa ugu caansan waa Fula waxayna ka kooban yihiin 43%, Mandinka 35%, Susu 20%inta kalena waa qowmiyado yaryar. Diinta dalka waa sidan: 85% Muslim, 8% Masiixi, 7% caqiidada dadka asaliga aha. Luqadaha dalka: Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin dadka badankiisu waxay ku hadlaan mid ka mid ah afafka Afrika kuwaas oo ah Fulani, Ngo, Soso ama Soso, Toma, Kissi. Dhamaad Waxa qoray: samaale Mohamed Contact: samalemo111@gmail.com Source
-
(SLT-Kabul)-Xoogaga Daalibaan ee haatan la wareegay dalka Afghanistan ayaa toogtay haweeney ka tirsaneyd booliskii hore ee ciidamada Afghanistan caasimadda gobolka Ghor. Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Banu Negar, ayaa lagu dilay guriga qoyskeeda oo ay ku sugnaayeen dad ehelkeeda ah. Dilka ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ay sii kordhayso caburinta haweenka Afghanistan. Hase yeeshee Daalibaan ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen dilka haweeneydan”Waan ka warqabnaa dhacdadan waxaanan xaqiijinayaa in Taliban ayna dilin, baadhitaankayagu wuu socdaa”. ayuu yidhi afhayeenka Daalibaan Zabiullah Mujaheed. Wuxuu intaas ku daray in Taliban ay mar hore ku dhawaaqday cafis ay u fidinayso dadkii u shaqayn jiray maamulkii hore. Ururka Daalibaan ayaa ku dhawaqay inay deegaankii ugu dambeeyay eek u jirey gacanta koox ka soo horjeeda ay la wareegaan haatan ay maamulaan dhamman dalka Afghanistan. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa saraakiil culus oo ka shaqeynaya xafiiskeeda Somaliland u soo dirtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Saraakiishan ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah madaxa xafiiska xiriirka, Charles K Waichari oo ah la -taliyaha Labaad iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -xigeennada maamulka, sid ku cad warqad ay Kenya u soo dirtay labadii bishan Somaliland. Arrintan ayaa qeyb ka ah is afgaradkii ay sanad ka hor gaareen labada dhinac oo ahaa inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh, si xoojiyo xiriirka Kenya & Somaliland. Si kastaba madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta. In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi. In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka. In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka. In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale. The post Kenya oo saraakiil culus usoo dirtay Somaliland + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Maamul gobolleedka Puntland ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ku boggaadisay tallaabadii uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin. Waxay Puntland tallaaabadaas u aragtaa mid kamid ah doorkiisa hoggaamineed ee raysal wasaaruhu ka qaadanayo hoggaaminta amniga Qaranka waqtigan kala guurka ah. Puntland waxay sidoo kale raysal wasaaraha ku taageertay dedaalka uu ugu jiro sidii looga gun gaadhi lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyskeeda ay helaan caddaalad ku filan. Waa maaamulkii labaad ee taageera shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin, xilli madaxtooyada Soomaaliya ay ka hortimid go’aanka raysal wasaaraha, soona saartay qoraal lagu burinayo go’aankaas. Arrinta Ikraan Tahliil ayaa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato geeddi socodka doorashada, inkastoo madaxweynaha Soomaaliya uu xalay la kulmay taliye Bashiir Goobe, lamase oga waxa uu kulankooda ku saabsanaa. Source