Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa weerar culus oo dhanka afka ah u qaaday Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dhaqaayada ciidan ka wada degaanada maamulka Galmudug. Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin Al-Shabaab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu raado hub iyo awood dagaal, sida uu hadalka u dhigay. “Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligii hubka laga qaadanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ahaa, isla-markaana laga soo gudbay. Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta guud ee bulshada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka. “Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamadeeda. Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab. The post Sheekh Bashiir oo weerar culus ku qaaday Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa daahfuray kulanka wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo lagu dardar galinayo shaqooyinka Wasaaradaha Dowlada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqooyinka Wasaaradaha ay yihiin laf dhabarta Shaqooyinka dowlada taas oo hadii si hufan loo qabto wax weyn kusoo kordhinaysa hiigsiga Xukuumada ee fulinta adeegyada bulshada loo hayo. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii hormuudka Wasaaradaha dowladu ay xooga u saari lahayeen hufnaanta shaqada iyo ka mira dhalinta waxyaabaha hortabinta leh. Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Machadka Juba Valley Institute ee kulankan soo qaban qaabiyay iyo aqoonyahanada intuu socdo casharada ka bixin doona isagoo hoosta ka xariiqay in kulankan uu fure u noqon doono dardar galinta shaqada shacabka loo hayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo daah-furay kulan wadareedka hiigsiga xukuumadda Jubaland appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Jigjiga)-Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad si buuxa u ansixiyay in madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu noqdo shanta sano ee soo socota madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kale golaha barlamaanka ayaa madaxweyne ayaa ansixiyay in madaxweyne ku xigeenka uu noqdo Ibrahim Cusmaan faarax, sida lagu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida. Source
  4. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Markabka diyaaradaha xambaara ee Maraykanka Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka, kuwaas oo xambaara diyaaradaha waxay astaan u yihiin awoodda militariga Mareykanka. Waxay milatariga Mareykanka u suurto geliyaan joogteynta duqeymaha ba’an ee cirka ee ka dhanka ah ciidamada cadowgooda ah. Waxay u babac dhigaan weerarrada looga soo qaado dhulka amaba badda muddo bilooyin ah, gaar ahaanna iyagoo awood u leh boqollaal bartilmaameedyo inay beegsadaan maalin walba. Si ka duwan qaababka kale ee dagaalka, uma baahna inay tagaan saldhigyada ku yaallla xeebaha si ay u gutaan waajibaadkooda. Awoodda laga baqo ee maraakiibta qaada diyaaradaha ee Mareykanka ayaa qalab muhiim ah u ah dagaal yahannada iyagoo aan u baahan ku tiirsanaanta hubka nukliyeerka. Si kastaba, falanqeeyeyaasha militariga wax ay ka gaabsadaan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay sii nuglaanayaan inta gantaallada riddada dheer ee maraakiibta ka dhanka ah ay ka jiraan dunida. Tusaale ahaan, mid ka mid ah weriyeyaasha aadka loo xushmeeyo ee tebiya wararka ku saabsan arrimaha militariga wuxuu falanqeyn dakhliga ku saabsan oo 12-kii March la sameeyay ku ogaaday in gantaallada Beijing ay u muuqdaan kuwo heli kara oo curyaamin kara markab dheer oo kumannaan qaada. Shaki kuma jiro in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay yihiin kuwo aad u waaweyn. Marka laga tago in ay kun feet fidsanyihiin, dhirir ahaan waxa ay la egyihiin dhisme dheer, oo ka kooban 25 dabaq, iyada oo dabaq kasta uu dhan yahay in ka badan 16,000 oo mitir oo isku wareeg ah. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Markabka Abraham Lincoln ee diyaaradaha xambaara ee Maraykanka Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha ciidammada badda ayaa rumeysan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay hadda ka wanaagsan yihiin amni ahaan marka la barbardhigo sidii ay kuwii hore ahaayeen intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, waxayna si joogto ah ugu sii yaraanayaan u nuglaanshaha weerarka. Marka aad tixgeliso dhammaan qaabka loo sameeyay, Mareykanka waxaa uu leeyahay in ka badan tobban markab oo ah nooca waaweyn ee diyaaradaha xambaara. Way fududdahay inay noqon karaan qalabka ugu wanaagsan ee lagu raadsado dagaal weyn. Waa kuwan sababaha muujinaya inay leeyihiin awood xad dhaaf ah. Maraakiibtan ayaa ah kuwa socda oo howlgal ku jira mar walba Maraakiibta xambaara diyaaradaha ayaa ah kuwa xawaare aad u dheereeya ku socda, waxayna ka orod dheer yihiin maraakiibta quusta. Waxay saacadiiba ku socdaan xawaare gaaraya 35 mayl, waxaana lagu tilmaamay in 700 oo mayl ay ku gaari karaan muddo sodon daqiiqo ah halka 90 daqiiqana ay gaari karaan masaafo dhan 6000 oo mayl. Marka in cadowga uu bartilmaamedsado ama ku raad joogo markabka xambaara diyaaadaha ma aha arrin sahlan. Baaxada Maraakibtan ayaa ah kuwo aan xad lahayn Howlagallada maraakiibtan ayaa ah kuwa aan joogsan karin. Tusaale ahaan, xilli dagaal uu jiro xitaa haddii sahayda shidaal ee maraakiibta xambaara diyaaradaha ay go’do ama la qabto shidaalkii loo sii waday taasi saameyn kuma yelanayso waayo waxay ku shaqeyaan awooda tamarta ee nukliyeerka, taas oo u sahlaysa markabka in uu socdo sidoo kalena weerarro baaxad leh geysto. XIGASHADA SAWIRKA,U.S. INDO-PACIFIC COMMAND Qoraalka sawirka,Marakiibta diyaaradaha xambaara ee Maraykanka iyo ilaaladooda Diyaaradaha markabkan saaran waxaa ay ka kooban yihiin F/A-18 iyo F-35 oo ay ku rakiban yihiin dareemayaal casri ah iyo nidaam sax ah oo hagaya hubka. Waxaa kale oo saaran diyaarado soo jiidanaya radar-ka maraakiibta iyo diyaaradaha ka agdhaw markabkan kuwaas oo cadawga uusan fahamsanayn balse ah in dhaqdhaqaaqooda lala socdo, diyaarna loo yahay in laga jawaabo halis walba oo markabkan diyaaradaha xambaara kusoo wajahan. Markabkan kaligiis ma safro oo waa la ilaaliyaa Haddii ay u safrayaan Galbeedka Baasifigga ama Gacanka Faaris ama Badda Waqooyi, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ma socdaan wehel la’aan ama ilaalo la’an Mar walba oo uu markabkan dhaqaaqo waxaa weheliya Markab loo yaqaano destroyer(cagta mariye) oo shaqadiisu tahay in uu jejbiyo ama baab’iyo doon walba ama markab walbo oo usoo dhawaada diyaarad xambaaraha. Destroyer ama cagta mariye waxaa ku xiran hub difaaca hawada loogu talagalay iyo gantaalada ugu casrisan dunida kuwaas oo xitaa lagu oganayo maraakiibta quusta ee halis ku noqon karya markabka weyn. Waxaa kale oo weheliya Markab nooca lagu magacaabo “frigate”, kaas oo isna ay ku xiran yihiin hub culus sida gantaalada riddada dheer iyo qoryaha sida darandooriga u dhaca. Markabka diyaaradaha xambaarsan waxaa kale oo weheliya gujis, oo shaqadiisu tahay in uu badda hosteeda ka ilaaliyo caqabad walba oo kusoo wajahan. Markabkan waxa uu qaadaa kumannaan qof Markabka diyaaradaha qaada oo 25 dabaq dherirkiisu dhan yahay ayaa waxaa uu qaada 6,000 qof oo ka kooban ciidamada badda iyo kuwa cirka, kuwaas oo si toos ah u wada shaqeynaya. XIGASHADA SAWIRKA,U.S. INDO-PACIFIC COMMAND Qoraalka sawirka,Dhoolatuuska dhamaan diyaaradaha Markabkan qaado Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran? Waxaa saaran ilaa 130 diyaarad oo ah diyaaradaha xawaara ku socda ee dagaalka ah, kuwaas oo kala ah F-A18 iyo F35. Waxaa kale oo saaran ku dhawaad 30 diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee helikobtar loo yaqano. Markabkan waxaa uu sidoo kale wadaa hubka nukliyeerka, kaas oo dunida meeshuu doono kaga weerari karo marka uu amarkaas bixiyo Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, oo ah madaxweynaha.. Sidoo kale waxaa saaran hubka gantaallada ridada dheer iyo qoryo waaweyn. Meeqa maalmood ayuu badda ku jiri kara? Waxaa uu badda ku jiri karaa inta maalmood ee howlgal ahaan loo igmado inuu shaqadiisa soo guto, balse mararka qaar waxa uu markabkan diyaaradaha xambaara badda ku jiraa in kabadan seddex bilood isagoo gaaf wareegaya dhacalada dunida oo dhan. XIGASHADA SAWIRKA,US NAVY Qoraalka sawirka,Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran? Maraakiibta wax xambaara ayay dhif tahay inay quusaan. Sababo la xiriira dhererkooda, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka waxay leeyihiin boqollaal qeybood oo biyaha ka hortaga. Waxay sidoo kale leeyihiin kumannaan tan oo qalab difaacid ah, iyo fiilooyinka korontada. Marka hal hub oo ka dusi kara difaaca kama dhigna inay dhaawici karo markabka. Markabku ma quusayo, shaqaaluhuna waxay awoodi doonaan inay ka shaqeeyaan cillad walba oo ku timaadda si ay u sii wataan gudashada waajibaadkooda. Dhererka markabka oo khubarradu qaar ay ka baqayaan inuu u nugleyn karo inuu wax weeraro ayaa dhab ahaantii ka dhigeysa mid ka adag markab walba oo kale oo noocyada dagaalka ah. Qaran News
  5. <a href=”https://opportunitiescorners.info/scholarships-in-austria-without-ielts/”>Click here to read Qaran News
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni, waxa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo dadweyne kale. Madaxweyne Deni, oo mudda lix iyo toban cisho ah ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay hawla siyaasadeed, gaar ahaana arrima la xiriira Doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. Jijiga (HOL)- Somali state in Ethiopia has today elected a new president and leadership of the state parliament amid an ongoing war in the country’s north. Source: Hiiraan Online
  8. Jijiga (HOL)- Somali state in Ethiopia has today elected a new president and leadership of the state parliament amid an ongoing war in the country’s north. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku sifeeyay mudaharaadkii ka dhacay dugsiga Faarax Oomaar, mid muujinaysa sayaasad xumada lagu haggayo waxbarashada dalka. Guddoomiye Cirro waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook. “Dhacdadii ka dhacday dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Sabtidii 16-ka October 2021, oo xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa siyaasad xummada lagu hagayo waxbarashada dalka. Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada iyo maarayn xummadda falcelimaha ka yimaadda go’aan cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee lagu furdaamiyeyna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addeegsi ciidan. In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro. Source
  10. MOGADISHU (HOL)- A section of Somali International University was this morning engulfed in fire following a suspected electric fault. Source: Hiiraan Online
  11. Baarlamaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta magaalada Jigjiga ku yeeshay kalfadhiga koobaad kulankiisi ugu horeyay kadib doorashadooda. Xildhibaanada ayaa maanta kulankoodu ajandahiisa ahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, doorashada gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha. Ayaan Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada sanadkaan ku soo baxay doorashadi ka dhacday dalka Itoobiya ayaa loo doortay in ay noqoto guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad deegaanka Shanta sano ee soo socota. Halka Ibraahim Xasan Cali, loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Mustaga Cumar Maxamed Cagjar u doortay in markale uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka. Cagjar ayaa DDS hoggaamin doono shanta sano ee soo socota, kadib markii xisbigiisa uu guullo ka soo hooyay doorashadii dhawaan ka dhacday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ogaatay, kadibna ay fashilisay qorshe gaar ah oo uu deegaanada maamulkaas ka lahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Wararka ayaa sheegaya in Xijaar uu bilaabay in dhalinyaro kasoo jeedo beeshiisa uu ka qorto magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliya. Dhalinyaradaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa boqol ayaa saraakiil ka tirsan Puntland waxa ay shaaciyeen in lagu diiwaan-gelisay xarun laga sameeyey Buuhoodle. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi qaarkood loo qaaday Kulliyadda ciidanka ee Carmo, halka kuwa kalena Puntland ay ku xirtay magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay halkaasi ku marayeen socdaal dhuumasho ah. Puntland ayaa sidoo kale ku guuleysatay in ay dib u soo celiso ku dhowaad 30 dhalinyaro ah oo la geeyey kuliyadda Carmo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online ayaa shaki weyn ka muujisay ciidamadaasi iyo sababta keentay in hal beel laga qoro, si ay ugu biiraan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan arrinta dhalinyaradaasi. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanadaasi, kuna biiray ciidamada Soomaaliyeed. The post PUNTLAND oo fashilisay qorshe uu deegaanadeeda ka waday taliye Xijaar (XOG) appeared first on Caasimada Online.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaana ee maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi. Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay. Hay’adda nabad sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay ka codsatay inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. ”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay hay’adda NISA ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Ugu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay sii wadi doonto howl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi. Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan sheegatay kooxda Al-Shabaab. The post Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  14. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa dhowaan magaalada Buuhoodle ka samaystay xarun laga qoro dadka doonaya in ay ku biiraan Booliiska dowladda Federaalka. Puntland Post ayaa ogaatay, in Xarunta laga diiwaan-geliyay in ka badan 100 dhalinyaro ah oo isaga yimid magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliyeed. Dhalinyaradaas oo loo sheegay in tababar loogu qaadayo Kulliyadda Ciidanka ee Carmo, ayaa qaarkood lagu xiray magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay si dhuumasho ah ku marayeen halkaas. Sidoo kale, 27 kamid ah dhalinyaradaas oo gaaray Kulliyadda Carmo ayaa Puntland dib uga soo celisay, waxaana lagu amray in ay guryahooda ku laabtaan. Sida la xaqiijiyay, mas’uuliyiinta Puntland ayaa shaki ka muujiyay sababta hal beel oo keliya looga qortay dhalinyaradaas haddii booliis loo tababarayo. Dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda beelo kala duwan, islamarkaana ku biiray ciidamada Gorgor iyo Haramcad. PUNTLAND POST The post XOG: Puntland oo fashilisay barnaamij uu watay Taliye Xijaar appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka ka imaanaya xaafadda xamar jadiid ee gobalka banaadir ayaa shegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay xarun waxbarasho oo ku taalla xaafadda. Xarunta weyn ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya SIU, ayaa la sheegay in uu dab ka kacay goordhaw kaas oo sababay in ay gubato qeyb ka mid ah jaamacadda. Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay koronto, taas oo sababtay in uu ku sii fido qeyba ka mid ah Jaamacadda. Ardayda Jaamacadda ayaa lagu wargeliyay in jaamacadda la fasaxay, mana jirto khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka . Gadiidka dab damiska oo soo gaaray goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka ka kacay Jaamacadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-London)-Booliska Britain ayaa su’aalo weydiiyay aabbaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah. Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday afhayeenkii warbaahinta raysal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo degen magaalada London iyo Nairobi. Wuxuu xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta booliiska wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xadhiga wiilkiisa. Xarbi Kulanne ayaa u sheegay The Sunday Times: ‘Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama weligay ku riyoon jiray”. Wararka waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafimaad awgiis xaalad wadnaha ah oo ku jiro cisbitaalka Bart. Sidoo kale Booliiska Ingiriiska ayaa baadhitaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadiisa ninka lagu tuhunsan yahay inuu dilay Xildhibaan David Amess. Saraakiisha ayaa baadhay guriga oo ku yaalla waddo ku taalla Croydon, koonfurta London. Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baadhaya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xidhiidhto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu Cali Xarbi ku xidhan yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada Source
  17. 1. Shirwaynaha Dhalinyaradda Beeleha ARABWAYNE Wuxuu Ayidsanyahay In Qaranimadda Iyo Madaxbanaaninadda Somaliland ay Tahay Lama Taabtaan Sidoo Kale Shirkani Wuxuu Dhiiri Galinayaa Nabad Ku Wada Noolaanshaha Iyo Wadajirka Umadda Somaliland 2. Mudadii Shirkani Soo Jiitamayay Wuxuu Soo Maray Maraaxil Kala Duwan waxaana Kahor imanayay Caqabado Farabadan oo Mararka qaar laga dhigayay inuu shirkani yahay mid halis ku ah amniga Iyo Xasiloonida Qaranka taasoo ay faafinayeen dad war xumo tashiila oo doonayay inay isku dhuftaan xukuumadda somaliland iyo dhalinyaradda beelaha ARAB waxaana ilaahay mahadiiya inuu shirkani si nabad galyo ah inoogu qabsoomay islamarkaana ay haayadaha amnigu ku qanceen inaanay waxba ka jirin dacaayadihii laga fidinaayay shirka waxaanu u mahad naqaynaa cidkasta oo door muuqda ku lahayd qabsoomida shirka sida madaxdhaqameedka waxaanu si gaara ugu mahadnaqaynaa guddidii dhexdhexaadinta ee isku soo jiiday xukuumadda, madaxdhaqameedka iyo guddida qabanqaabadda shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB islamarkaana mudaysay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee shirkani ku qabsoomay. 3. Shirkan waxa Lagu Doortay Guddi Horumarineed oo ay Yeelan doonto Dhalinyaradda Beelaha ARAB 4. si loo sugo cadaaladda muwaadiniinta somaliland wuxuu shirkani ku baaqayaa in loo sinaado fursadaha maalgalineed, shaqo abuur iyo manaasiibta kala duwan ee qaranka. 5. Shirkani wuxuu xukuumadda somaliland ee uu hogaamiyo madaxwayne biixi ugu baaqayaa in deegaanadda beeshani dagto oo dibu dhacsan la gaadhsiiyo mashaariicda horumrineed ee qaranka sida biyaha, waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka iyo Kaabayaasha kale ee nololeed. 6. Shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB wuxuu axsaabta muncaaradka gaar ahaan waddani ugu baaqayaa inuu fulliyo heshiiskii xisbigaasi la galay beesha ee gudoomiyaha xisbiga waxaanay dhalinyaradda beeshu si gaara isha ugu hayn doontaa waxyaabaha kasoo baxa shirwaynaha xisbiga waddani ugu dambayntii wuxuu shirkani umadda somaliland u rajaynayaa inay ku noolaadaan bashbash, barwaaqo iyo horumar taama. 7.Xisbiga kulmiye waxaanu usoo jeedinaynaa in uu ilaaliyo aasaaskii xisbiga iyo kaalintii wada lahaanshiiyeed ee beesha arab ku lahayd xisbiga kulmiye. 8.Beeshu waxay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ugu baaqaysaa in uu si degdeg ah usoo celiyo saamigii ay beeshu kulahayd xukuumadihii ka horeeyey. Axmed aadan Rooble Afhayeenka Gudiga Shirka dhalinyaradda. Source
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay toogasho u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia. Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambooni, waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa halkaasi. Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin lagu magacaabi jirauy Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo rayid ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara badan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50 neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa waxa keenay in ciidamada Kenya ay dhibaatadaas u geystaan dadkaasi shacabka ah ee aan waxba galabsanin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan cabsi ka muujinayo inay sii wadaan ciidamada Kenya Kenya dhibaatada ka wadaan halkaasi, waxayna baay u direen Jubbaland & dowlada. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyey Kenya. Ciidamada Kenya ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah rayidka ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. The post Ciidamada Kenya oo ‘dad shacab ah iyo xoolo badan ku laayey’ Jubbada Hoose appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Shiinaha ayaa sabtidii gargaar banii’aadamnimo u fidisay Soomaaliya iyada oo arrintaas wakiil uga ahaa safiirkeeda Muqdisho. Deeqda ayaa la sheegayaa iney isugu jirtay teendhooyin, maryaha kaneecada iyo agab kale oo caafimaad oo guud ahaan ahaa 28-kunteenar oo u dhiganta in ka badan 40-kun Kg. China on Saturday donated a batch of humanitarian assistance to Somalia amid flourishing bilateral ties. Fei Shengchao, oo ah Ambassador-ka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye guddoonsiiyey 10,000 teendho, 50,000 oo ah maryaha kaneecada, 20,000 oo isugu jira qalabka gargaarka degdegga iyo agabka cabirka miisaanka caruurta, qalabka cabirka garaaca wadnaha iyo kulka. “Cudurka waxaa uu saameeyey arrimaha banii’aadnimada, qaadista qalabka waxaa uu kor u kacay 15%” sida waxaa yiri Fei Dhankeeda, wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye ayaa safiirka Shiinaha uga mahadcelisay sida dalkiisa ay mar walba u taageeraan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degmada Guraceel ee gobalka Galgaduud oo muddooyinkii la soo dhaafay isku hayeen ciidamada dowladda iyo urur diimeedka Ahlu-sunna. Inta badan xaafadaha magaalada ayeey shacabka ku dhaqan isaga barakaceen iyaga oo ka cabsi qabo in dagaal magaalada uu ku dhex maro Ahlu-sunna oo ku sugan magaalada iyo ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa DF. Ganacsiyada magaalada ayaa guud ahaan xiran kuwaas oo shacabka ay walaac ka muujinayaan in magaalada ay xaalad kacsanaan ah afka u saaran tahay. Ciidamada Ahlu-sunna ayaa labadi malin ee la soo dhaafay magaalada dhoolatus ku sameynayay magaalada halkaas oo ay ku soo bandhigeen ciidamadooda. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa horay Ahlu-sunna ugu baaqay in ay ciidamadooda magaalada ka saaran. Maamulka galmudug oo horay ugu baaqay in Ahlu-sunna magaalada ay ka saarayaan ayaan dhankooda illa hadda howl gallo qaadin. Ahlu-sunna ayaa muddo sanad kadib ah ku soo noqotay deeganada Galmudug, kadib muddo hogaankooda ay dalka dibadiisa ay ku maqnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wararka naga soo gaarayo degmada wadajir ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Nasteexo. Dabka ayaa la sheegay in uu ka bilawday kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Nasteexo, dabka ayaana sidoo kale ku fiday dukaamo yar yar oo ka ag dhawaa kaalinta. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dabka ayaa sababay bur bur hantiyadeed oo kaliya, ma jirto wax dad ah oo waxyeello ay ka soo gaartay. Gadiidka dab damiska oo soo gaaray gobta uu dabka ka kacay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay damiyaan dabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Jigjiga (Caasimada Online) – Sii-hayaha madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Mustafe Muxumed Cagjar oo ismaamulka hoggaaminayey saddex sano ee lasoo dhaafay, kadib markii xilka laga qaaday, lana xiray Cabdi Maxamuud Cumar. Cagjar ayaa sharciyan markii hore wuxuu ku magacownaa madaxweyne ku-xigeen, hase yeeshee wuxuu sii hayey xilka madaxweynaha, kadib markii uu sanadii 2018 is-casilay madaxweyne Cabdi Iley. Cagjar ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, kadib markii ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad deegaanka. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ayaa markale hoggaamin doono dowlad deegaanka Soomaalida shanta sano ee soo socota, sida uu shaaciyey baarlamaanka. Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax. Dhinaca kale waxaa haatan socota qaban qaabada xafladda caleema saarka ee madaxda cusub, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulkaasi. Caleema saarka waxaa ka qeyb-galaya oo lagu casuumay mas’uuliyiin kala duwan oo intooda badan ka socda Ismaamulada Itoobiya, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, wafdi ka socda Somaliland iyo madaxda federaalka Itoobiya. Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xafiiska yimid 22-kii August 2018, markaas oo uu isbedal ballaaran ku yimid hoggaankii dowlad Soomaalida ee Itoobiya. The post Mustafe Cagjar oo si rasmi loogu doortay madaxweyne appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Imaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa 2-dii bishan October safar aan la shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka isagoo sii maray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya. Madaxweynaha oo mudda lix iyo toban cisho ah ku maqnaa Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay arrima siyaasadeed. Dad lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweyne Deni uu halkaas u tegay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin kadib ku wajahan caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.