-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuxusha ayaa maalmahan lagu gubaa deegaanka Weydow ee galbeedka Muqdisho, iyada oo la sameeyey goobo gaar ah oo ilaa 2KM ah isku wareeg ah. Ganacsatada oo la lahlay Goobjoog News ayaa sheegaya in goobaha Al-shabaab lagusoo canshuuro geedi ahaan balse ay Weydow ku gubaan. “Ma rabno in nala duubo, Shabaab miyaa naga daba keeni rabtaan, qolada Gaaska Cunaqabteyn ayey nagu rideen, duulaan ayaan ku aheyn, wax qaaliyoobey ma leh intii hore ayey taagan tahay”ayey tiri Haweeney ka mid ah ganacsatada. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii Muqdisho laga waayey Gaaska, oo haddii la helo halkii 13kg uu ka ahaa $21 la iibinayo $30. Qaar ka tirsan ganacsatada Gaaska oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Covid 19 uu saameyn ku yeeshay, sidaas darteed uu qaaliyoobay. Gobjoog News Source: goobjoog.com
-
After bubbling for weeks, tensions between Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble and President Mohammed Abdullahi Mohamed “Farmajo” have burst into the open, nearly triggering another clash between rival branches of the federal forces, in scenes that echoed confrontations in Mogadishu several months ago. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lingarde. Mursal iyo safiirka dowladda Sweden ayaa ka wada-hadlay dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka billowday ee dalka iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu faah faahiyey kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa xoghayaha golaha Cabdikariim Buux. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya #Lingarde ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay xafiiska gudoomiye Mursal. Sweden ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxayna si aad ah ula socotaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka. Si kastaba, kulankan ayaa waxa uu ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaana si gaar ah isugu qabtay kiiskan, waxaana xiisadan ay saameysay deganaasha siyaasadda dalka. The post Sawirro: MURSAL oo laba qodob kala hadlay safiirka cusub ee Sweden? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda International Crisi Group ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Hay’adda International Crisi Group ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yanay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, si aysan markale dib ugu dhigin waqtiga loo qorsheeyey inay dhacaan doorashooyinka dalka. Warbixintan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu wel-wel xoogleh ka dhashay tallaabooyinkii uu qaaday Farmaajo, waxayna intaasi ku dartay hay’addu inuu Mursal ka codsan karo in cod uu geliyo mooshin xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Rooble ““Dadka qaar ayaa ka welwelsan in madaxweynuhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado mooshinka xil ka qaadista Rooble” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka hay’adda International Crisi Group Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble ay keeni karto muran siyaasadeed oo horleh, maadaama uu mas’uul ka yahay doorashada. “Tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble waxay noqon doontaa mid aad loogu murmo, marka la eego doorkiisa dhexe ee diyaarinta doorashooyinka,” ayaa lagu yiri. Warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa “Dadka qaar ayaa ku doodaya in tallaabada noocan oo kale ah ay sidoo kale noqon doonto mid sharci ahaan shaki ku jiro marka la eego in muddadii baarlamaanku ay dhammaatay December 2020. Intaa waxaa dheer, wakiilada cusub ee aqalka hoose weli lama dooran, xitaa iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la soo xulay ay kuraastooda qaateen.” Hay’adda International Crisi Group ayaa qoraalkeeda ku soo hadal qaaday amarkii ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee la xiriiray maamulka maaliyadda ee dalka, waxayna tilmaamtay inuu sii hurin karo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jirta Muqdisho. “Rooble ayaa caddeeyay inuu gacanta ku hayo maaliyadda dowladda, isagoo caddeeyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan – tallaabadaas oo qasab ku ah inay ka careysiiso dhinaca Farmaajo.” Ugu dambeyn hay’adda ayaa soo jeedisay in xayiraad lagu soo rogo madaxda mas’uulka ka ah khilaafkan, si cadaadis xoogan loo saaro. Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu saameyn ku yeeshay geeddi socodka doorashooyinka dalka. The post Hay’adda IGG oo warbixin xasaasi ah kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalena mar soo noqday madaxweynihii Puntland Cabdiweli Maxaxmed Cali (Gaas) oo wareysi siiyey BBC-da ayaa markale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aannada is diidan ee ka soo kala baxay labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in labaduba ay iskala baxeen xeendaabka dowladnimada. Sidoo kale wuxuu kuu taliyey in kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee sida weyn la’isugu hayo loo daayo hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan kuwa Cadaaladda. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in guusha Rooble ay kaliya ku jirto inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah. “Guushiisu iyo guul darradiisa waxay ku xiran tahay doorasho sax ah oo lagu kalsoon-yahay oo dadka Soomaaliyeed ay u wada riyaaqaan oo cadaalad ah in uu sameeyo. Guushiisa kuma xirna ka gun gaaridda kiiska Ikraan Tahliil,” ra’iisul wasaarihii hore ee dalka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan oran lahaa gabadhan kiiskeeda haloo daayo hay’adaha cadaaladda madaxweynahana faraha ha kula baxo ra’iisul wasaaruhuna ha u jeesto qabashada doorashada,”. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu gaaray meeshii ugu sarreysay, wuxuuna saameeyey doorashooyinka dalka ee 2021-ka. The post Maxay ku xiran tahay guusha R/W Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa Maalinti labaad magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka qabsoonto doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle. Musharixiinta maanta tartameysa oo kor u dhaafaya 15 musharax ayaa ku tartami doona 5 kursi oo qeyb ka ah kuraasta Aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Hirshabeelle. Xubnaha Musharixiinta ah ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala gedisan la qaadanayay xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle kuwaas oo saaka dooranaya 3-kursi oo ka mid ah 5- kursi oo dhineyd. Xalay ayaa xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku toorteen 3- oo ka mid aheyd 8-kursi oo uu madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeyay, iyadoo hoolka baarlamaanka ay hadda ka socota diyaar garowgii ugu dambeyay doorashada Saaka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu doortay kursigi seddaxaad ee kuraasta Aqalka Sare. Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiinta kala ah Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama iyo Sacdiyo Yarow. Marka ay doorashada bilaabatay ayaa Musharax Sacdiyo Yarow sheegtay in ay u tanaasushay Senator Fartuun Karamaa. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada Kursiga seddaxaad ee Aqalka Sare kaas oo ay cod gacan taag ah ugu soo baxday Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Inkastoo aan la gaadhin Muddadii loo cayimay qabsoomidda Shirwaynaha Xisbiga Waddani oo ah halka lagu jaangoynayo Hoggaanka sare ee Xisbiga rejada Shacabka, dhammaan taageerayaashiisu na diyaar u yihiin la shaqaynta cidda loo doorto, haddana waxa aan idin la wadaagayaa Afar Qodob oo aan u arko in ay sababi karto in Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan loo doorto Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) beddeli doona. Q/1aad: Beesha Bariga Burco oo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo jeedo waxa ay si aan kala hadh lahayn u noqdeen Mucaarid ku qancay Dariiqii Siyaasadeed ee Xirsi ugu yeedhay shan Sano ka hor. Waxa ay markhaati u fureen in uu ka saxsanaa yar iyo wayn, xitaa Madaxwayne Siilaanyo na ku dhahoo. Waxa ay isku raaceen in inta Xirsi arakayay aanay iyaga u muuqan oo hungadii uu uga digayay iyo dabinkii Muuse la maagganaa ay ku dheceen. Taasi waxa ay Beeshan ku keentay in ay indhohooda iyo garaadkoodii ay ka jeediyeen ba ay mar qudha Xirsi ku eegaan oo dareemaan Ruuxda Hoggaamineed ee ku duugan, Siyaasad ahaanna qaar badan oo ku ceebaynayay fekerkii uu 2015kii qaatay na ku daba faylaan. Waxaabad moodaa in ay rumowday Heestii ay ugu heesayeen ee ahayd: “Siilaanyo Dabadii Noo noqo Siyaasiga Somaliland Haga.” Hadaba, Maadaama Codka Bulshadani go’aamin doono Natiijada Doorashada, Xirsi na kalsoonidaa ay ku qabaan, waa suurogal in uu bedelo Guddoomiye Cirro oo xisbigu odoroskan arko. Q/2aad: MIISAANKIISA SIYAASADEED; Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu bulshada Somaliland baray in uu yahay Siyaasi Miisaan culus, aragtidiisana ku qancin kara dad badan. Dhaawaca uu gaadhsiiyey Xirsi xisbigii Kulmiye ka dib markii uu diiday Jujuubka Muuse loogu cumaamaday, si la mid ah sida ay dhayda uga cadaysay in uu yahay Siyaasi Ildheer waxa ay daaha ka qaaadday Miisaankiisa Siyaasadeed. Waxa mar isla casilay oo fekerkiisa la qaatay kala badh Xukuumaddii xilligaas talinaysay oo lagu tilmaamo tii ugu tunka waynayd ee Waddanka ka arrimisa iyo kala badh Xisbigii kulmiye. Tiraba 2 Jeer oo xiligii Xirsi ka horaysay iyo mid ka danabaysa ba Xisbiga Kulmiye Doorashooyin dhexdiisa ahaa khilaaf iyo kala jab waa ka dhashay balse mar na ma dhicin in tiro leeg Garabka Isbaahaysigu ay ka tagaan. Labada ka horreeyey mar wuxuu ahaa Xiligii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Saylici la kala dooranayay oo Garabkii Tolwaa aanay saamayn ku yeelan xisbiga. Markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna aan wax-ka-soo qaad yeelan iyo mar ka danbeeyey oo ahayd Markan Maxamuud Xaashi oo uu keligii ka huleelay Xisbiga balse aan hal qof -Xubin Gole dhexena Alle ha ka yeelee, aanay fekerkiisa raacin ee isagoo suke ah uu debedyaal ku danbeeyey. Tani waa astaan caddaynaysa Misaaanka Siyaasadeed ee Xirsi, waana mid sababi karta in Xubnaha Xisbigu ugu xishaan Guddoomiye na ugu doortaan. Q/3aad: SALBALLAADHNIDA SIYAASADDA XIRSI; Weelka siyaasadeed ee siyaasigu tosho wxay ka caawisaa Hiigsiga mustaqbalka. Xirsi Cali Xaaji Xasan intii uu Siyaasadda ku jiray laguma xaman, lagumana arag qoqob bulsho iyo qabyaalad, halkay doonto ba ha joogtee. Waa siyaasi furan oo aan albaabbadiisa Laxaamad Qabyaaladeed ku xidhnayn, dadkana kula saaxiiba Feker ee aan caabudin Qolada. Waxa ku xidhan oo la jaal ah Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda Gobollada Dalka, halka Siyaasiyiinta lodkiisa ahi ku mashquulsanyihiin kala xantaynta Jufadooda. Tusale ahaan, qaar Siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin oo Xirsi lodkiisa ahi waxa ay Lacag ku bixiyaan kala shirinta, kala xuuraamidda iyo isku eryidda beeshooda. Xirsi hal maalin lagama hayo arin qoqob ah, Maalinna lagama arag kala qaad qaadka beesha uu kasoo jeedo, iska dhaafe xitaa dhammaan beelaha Dalka, maadaama Xisbigu aanu u baahnayn qof godobaysan waxa laga yaabaa in Xisbigu Salballaadhnida Siyaasadiisa awgeed Guddoomiyaha ugu cimaamadaan. Q/4aad: KARTIDA XIRSI, HAYALSAMIDA JIRDE & HOGGAAMINTA CIRRO; marka la joogo Xisbiga Waddani, saddexda Xil ee ay kala hayaan Cirro, Xirsi iyo Jirde waa kuwa ugu sarreeya Xisbiga. Guddoomiye Cirro waxa laga yaabaa in uu Guddoonka wareejiyo inkastoo aanay jirin wax ku khasbaya in aanu taramin haddana sida ay u badan tahay waa uu wareejinayaa, haddii taasi dhacdo waxa isku soo hadhaya Xirsi iyo Jirde. Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde waa astaan Qaran iyo mid Xisbi oo Ixtiraam iyo mudnaan ka mudan dhamaan Bulshada Somaliland. Waa Oday Waayo arag ah oo mudan in uu waddanka Hoggaamiyo. Balse isagoo dardargelinta Hawlaha Xisbiga iyo in uu Guulaystaba ka talinaya waxa laga yaabaa in uu Xilka Guddoomiyaha u garto in Xirsi oo ka da’yar laga dhigo. Waa qodob aad u macquul ah oo qof kasta oo dadnimada Jirde garanaya iyo halka uu Xisbiga ka joogo uu saadaalinayo in uu dhaho “waqtigaygii u badnaa waan soo qaatay oo carcar iyo orod badani iguma hadhine ninkaas dhallinyarada ah u dhiiba anna Khibraddayda iyo Waayo aragnimadayda ayaan la garab taagnaan doonaa”. Bir kumaan jarin balse waa afar qodob oo aan isleeyahay aawadood Xirsi Cali X. Xasan gafi mayo Xilka Guddoomiyaha, Ilaah baana garanaya cidda noqon doonta wixii ka danbeeya 31 October oo wax kastaaba dhayda ka caddaan doonaan. Haddaanu Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga nahay na waxa naga go’an la shaqaynta Xubin kasta oo naga mid ah oo noqota Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee waxba qolada Kulmiye yaanay cimri dherer ka dhiganin wadwadka hawlaha xisbigayaga dhexdiisa ee tiina baylahda ah kala gurta ayaan leeyahay. Qore: Siyaasi Abiib M. Waasuge London,UK Source
-
Doorashadii Somaliland ka dhacday 31/5/021 waxay ku soo dhammaatay guul wayn oo u soo hoyatey Somaliland, taas oo ku soo biirtay guulihii hore, siina xoojisay iftiinka Geedi-socodka dimoqoraadiada iyo horumarka Somaliland, iyo guud ahaan tan Geeska Africa. Sidaas ooy tahay, haddana waxaa kaloo soo baxay god-daloolooyin halis ah oo loo baahan yahay in lagu eego aragti aan ku-danaysi iyo kursi-doon ku salaysnnayn, balse loo maro hanaan Daacadnimo iyo Xeel-dheeri ah, kana bilaabmaysa dib u eegid iyo qiimayn looga jeedo ogaanshaha dhaliilaha ka soo baxay waxii la soo maray ee in la daboolo u baahan. Dhalliisha ugu darran ee ka soo if-baxday Geedi-socodkii dimoqoraadiyada Somaliland waxaa lagu soo koobi karaya Fashalkii ku dhacay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland guud ahaan, iyo gaar ahaanba: Xisbiyada siyaasadda Somaliland waxay nuxur ahaan ku dhismeen reernimo ama reero is-garabsada, taas oo la xidhiidha maqnaanshaha aragti siyaasadeed iyo qorshe qaran oo horseed u ah (lack of National political doctrine) oo sababtay inay ka xoroobi waayaan Xayndaabka reernimada una gudbi kari waayeen xisbiyo qaran oo magaca dhaafsiisan. Haddaba, su’aashu waxay tahay; sidee Xisbiyada siyaasadda Somaliland uga gudbi karaan Xayndaabka reernimada una kasban karaan kalsoonida reeraha kale iyo bulshooynka kale ee Somaliland, haddaba, si taas loo helo waxaa baahi wayn loo qabaa in: 1. In Madaxda Xisbiyada siyaasaddu horumarinta Xisbiyada u adeegsadaan adduun-arag isbeddel doon ah (Reform oriented National thinking) oo ku dhisan waayo-argtida iyo aqoon-wadareedka Adduunwaynaha heerka uu maanta gaadhsiisan yahay, taas oo ah waddada keliya ee loo sii marayo ogaanshaha marba waxa ka dhiman dhamays-tirka qore-qarameedka, ugu horreyso qorshe-Xisbiyeedka lagu hormarinayo dhismaha xisbiyada (Party Building Strategy). 2. In la ballaadhiyo aagga aragtida lana derso waxa Afrika ka jira dhinaca dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo xilkoodu yahay xaqiijinta ujeedada ah ka gudubka kala qaybsanaanta bulshada Afrika ee reernimada ku salaysan oo loogu gudbi lahaa heerka ummadnimmada. Taasi waxay iman karta haddii la higsado siyaasad isbeddel-doona oo ku salaysan geedi-socod joogtaysan oo ka bilaabmaya in la helo qaab Xisbinimo qaran, Caddaalad, iyo dimoqoraadiyad ku dhisan. 3-Xisbigu waa in uu yahay xarun cilmiyeed (School of Thought) iyo ilaaliyaha Xuquuda dadka dalka oo dhan kana reebanaada mid u taagan xuquuqda reer keliya ama koox qudha, taas beddelkeeda waa inuu xisbigu yahay mid u taagan danta dadka dalka oo dhan. Sidaas darteed, waa in xisbigu daafacaa xuquuqdda bulshada nugul ee reernimadu hadhaysay, sida bulshooyinka laga tirada badan yahay, dumarka, iyo xuquuqda shaqaalaha noocydiisa kala duwan. Xisbina ma gudan karo xil ku dhisan dimoqoraadiyad haddii aanu isaga naftiisu ahayn xisbi dimoqoraadi ah oo go’aannadiisa lagu gaadho qaab wadareed (Collective, Bottom-up based institutional manner) oo ka fog nin-toocsi iyo keli-talis-nimo. Go’aamada xisbigu waa in aanay noqon kuwo dadka korka kaga yimaada, balse noqdaan kuwo ka yimaada hoos-iyo korba. 4-Shaqaaluha iyo loo-shaqeeyuhu waxay leeyihiin xuquuq siman, oo ay tahay in ay isu dheelitirmaan, Sidaas darteed, waa in xisbiyadu yihiin kuwo u taagan xuquuqda maqan nooc kasta ooy tahayba. Waxaa kale oo loo baahan yahay in xisbiyadu dhiirri-gelyaan abuuritaanka iyo horumarinta uruurrada Bulshada (Trade Uinions) si xisbigu u helo taageerada uruurrada Bulshada halkii uu ku tiirsanaan lahaa tageerada reernimada keliya, si xisbigu ugu muuqdo xisbi Qaran. 5-Isku-dheelitirka danaha beelaha Somaliland xagga ka qayb-galka maamulka dawladnimada iyo u sinaanta dhaqaalaha oo ah mabda’a dhextaalka u ah deganaansha, nabdadda iyo dhismaha qaranka, taas oo la’aanteed aanay dimoqoraadiyada iyo Caddaaladi jiri karin. Haddaba Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay lahaadaan qorshe qaran oo ku aaddan daboolidda tabashooyinka beelaha darafyada oo ah tan saldhigga u ah dhamaystirka Qaranimada Somaliland. 6-Xisbiyada Qaranka Somaliland waa muhiim inay ogaadaan waxa ka jira Afrika iyo adduunka iyo hanaanka Xisbyada dimoqoraadiga ahi u shaqeeyaan iyo waayo-arragtida ah in dalna aanu noqon karin dimoqoraadi haddii aanu ka jirin xisbiyo dimoqoraadi ahi. Dalalka Afrika ee ay ka hirgaleen xisbiyo hanaqaaday, kuwaa soo xisbiyada Somaliland wax badan ka barran karaan, waxa ka mid ah Suudan, Koonfur Afrika iyo Senegal, iwm. Kuwaas oo ay Xisbiyada Somaliland xidhiidh sokeeye la samaysan karan, si ay wax uga bartaan, ugana korodhsadaan. Ceeb maaah inaad wax bartid, balse waxa ceeb ah inaad waxba baran waydo. Source
-
(SLT-Washington)-Saddex sarkaal oo hore ugu soo shaqeeyay hey’adaha mukhaabaraadka iyo millatariga Mareykanka ayaa qirtay in ay si qarsoodi ah ugu shaqeeyeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, si ay uga caawiyaan in Imaaraadku beegsado kambuyuutarrada iyo teledoonnada cadawgiisa. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Salaasadii sheegtay in saddexdani nin ay aqbaleen in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo toddobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka. Hey’adda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah. Eedeysanayaasha kala ah Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke ayaa lagu soo eedeeyay inay maamulayeen hey’ad saldhigeedu yahay dalka Imaaraadka, taas oo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada dadka kasoo horjeedda Dowladda Imaaraadka. Kambuyuutarrada ay u dhaceen ayaa la sheegay inay yaalleen meelo badan oo dunida ah oo uu ka mid yahay Mareykanka. Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka la xidhiidha macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta markale ka dhacaya doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Xildhibaanada HirShabelle ayaa u kala codeynaya musharixiinta saddexdan kursi, waxaana ku jira mid ay si aad ah isugu hayaan Musharax Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), Musharax Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Musharax Raage Xasan Xuute. Sidoo kale kursiga xiga waxaa ku loolamaya Musharax Xasan Iidow Muxumed, Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur, Musharax Cismaan Axmed Macow. Waxaa sidoo kale kan saddexaad ku tartamaya illaa shan musharrax oo iayguna kala ah Musharax Cali Shacbaan Ibraahim, Musharax Caballe Xuseen Cabdi, Musharax Caasho Xuseen Abuukar, Musharax Cabdulahi tawaad iyo Musharax Cabdiqaadir Xanafi. Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, marka la eego sida ay ku bilaabatay, waxaana au ka duwan tahay doorashooyinkii kale ee ka dhacay dowlad goboleedyada. Shalay waxaa Jowhar lagu doortay illaa saddex Senatar, waxaana kursiga ugu adag uu noqday midka uu kusoo baxay Muuse Suud Yalaxow oo la tartamay siyaasiyiin caan ah. Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo beri oo Khamiis ah, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka ee HirShabelle. The post Yaa ku tartamaya kuraasta ay maanta doorashadooda ka dhaceyso JOWHAR? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wararkaas, oo shalay aad ugu baahay baraha bulshada, sidoo kalena ay weriyeen warbaahinta qaar, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.” Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf. “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xidhiidha nasasho la’aan oo ah in aanu ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yidhi. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad. Source
-
Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa maanta ka furmaya shirweyne ku saabsan Amniga magaalada. Shirkan waxa ku baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka Sool, waxaana ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Laascaanood. Odayaasha dhaqanka qaarkood, ayaa sheegay in shirkan aysan ka qayb-geli doonin cid ka socota mas’uuliyiinta Somaliland. Shirkan ayaa looga tashanayaa Amni-darrada ka taagan degmada Laascaanood iyo dilalka qorshaysan ee ka socda halkaas. PUNTLAND POST The post Shirweyne ku saabsan Amniga oo maanta ka furmaya Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Kuraas kamid ah doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Jowhar. Saddex kursi ayaa sida qorshaysan maanta lagu tartami doonaa, iyadoo berrito la dhammaystiri doono doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle. Kursiga ugu adag waxa ku tartami doona; Dr Cismaan Maxamuud Dufle, Amb. Maxamuud Axmed Nuur tarsan iyo Raage Xasan Xuute. Kursiga labaad waxa ku tartamaya; Xasan Iidow Muxumed, Cabdinuur Ibraahim nuur iyo Cismaan Axmed Macow. Kursiga saddexaad ayaa isna waxa ku tartamaya; Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdalle Xuseen Cabdi, Caasho Xuseen Abuukar, Cabdulahi tawaad iyo Cabdiqaadir Xanafi. PUNTLAND POST The post Xubno kamid ah Aqalka sare oo maanta lagu dooranayo Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Saddex sarkaal oo ka tirsanaan jiray hay’adaha Sirdoonka Maraykanka ayaa qirtay in ay si qarsoodiya ugu shaqeeyeen dowladda Imaaraatiga Carbeed si ay uga caawiyaan beegsiga macluumaadka Cadowga. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddexdaan sarkaal ay aqbaleen in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo todobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxdaas. Hey’adda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah. Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke ayaa lagu soo eedeeyay in ay maamulayeen hey’ad saldhigeedu yahay waddanka Imaaraadka, taas oo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada dadka kasoo horjeedda Imaaraadka. Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka la xiriira macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka. PUNTLAND POST The post Rag ka tirsanaa Sirdoonka Maraykanka oo qirtay in ay qarsoodi ula shaqayn jireen Imaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa si aan caadi aheyn uga falceliyey guushii uu xalay gaaray Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ee dib loogu doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Guusha Muuse Suudi ayaan loo arag kaliya guul Aqalka Sanete-ka ah, balse waxaa loo arkay guul ay inta diidan muddo kororsigii fashilmay ee Farmaajo ay ka gaareen Villa Somalia oo dadaal iyo lacag ku bixisay sidii looga adkaan lahaa Xaaji Muuse. Muuse Suudi ayaa hormuud u ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa muddo kororsiga, isaga oo hoggaamiye ruuxi u ahaa ciidamadii badbaado qaran ee fashiliyey muddo kororsiga kadib markii ay Muqdisho soo galeen.. Haddaba waa kuwan siyaasiyiintii ka falceliyey guusha Muuse iyo wixii ay ka yiraahdeen. Xasan Sheekh Maxamuud: Hambalyo Senator Muuse Suudi Yalaxoow. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mas’uuliyadda ay shacabkaagu kuu idmadeen. Waxaan bogaadinayaa dhammaan shacabka & mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Waxaad qaadateen kaalinta idinkaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka dalka. Axmed Macallin Fiqi: Xaajiga iyo ushiisii oo dib loogu doortay kursiga 1aad ee aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mahadsnaidiin xildhibaanada Hirshabeelle waxaad gudateen waajibkiina qaran, waxaadna dhowrteen magaca Hirshabeelle. Hambalyo Xaaji Muuse, afar sano oo kale oo xaqqa iyo cadaaladda aad garab istaagi doonto ayaa kuu bilaabatay. Mahad Salaad: Hambalyo Al-Xaaji Muuse Suudi Yaxalow. Duqii Badbaado Qaran reer Hirshabelle si sharaf leh ayay ugu abaal gudeen. Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Barlamaanka Hirshabelle waa mahadsanyihiin. Daahir Maxamuud Geelle: Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Sen. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo loo doortay xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo noqday dowlad gobaleedki ugu horreeyay ee hirgaliya doorasho daahfuran oo si xor ah loogu tartamo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan u hambalyeynayaa Senator Muse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Waxaan u rajaynayaa in Ilaaheey la garab galo xilka. Waxaan kaloo ammaan mudan madaxweynaha dawlad Goboleedka Hir-shabeele, Cali Guudlaawe Xuseen oo suura geliyey doorasho tartankeedu furan yahay. Cabdikariim Guuleed: Hambalyo senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu soo doortay xilkaas. Waxayna aheyd doorasho si sax ah loogu tartamay. Waxaan maamulka Hirshabeele iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ugu bogaadinayaa kuna amaanayaa doorashada daaha furan ee ay qabteen, taas oo fursad siman oo isku mid ah lagu siiyey dhammaan murashaxiintii iyo daneeyayaalkii siyaasadeed oo idil. Yuusuf Madaale: Waxaan halkan Hambalyo uga diraa senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo mar labaad dib loogu doortay inuu aqalka sare ku matalo dowlad gobaleedka hirshabeelle, waxaan alle uga baryaa inuu u fududeeyo wajibaadka loo igmaday, sidoo kale musharaxiintii la tartamay iyaggana waxey muujiyeen dimoqdaariyad iyo tartan wanagsan oo cajiib ah. The post Guusha Xaaji Muuse oo si aan caadi aheyn looga falceliyey appeared first on Caasimada Online.
-
At least 11 people, including soldiers and civilians, were killed and several others wounded when a suicide bomber blew himself up at a tea shop in Mogadishu's Wadajir neighborhood on Tuesday evening, said the police. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaacisay magacyada labo xildhibaan oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda. Labada Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayey si adag ugu digtay hooyada Ikraan oo xiligan dadaal dheer ugu jirta sidii ay gabadheeda u heli laheyd cadaalad. Sidoo kale waxay sheegtay in labada Nin ay qaraabo dhow yihiin mid kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka ka kalena ay is-xigaan Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee NISA. “Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, umadda Soomaaliyeedey arka oo marqaati ka ahaada in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad. Hooyo Qaali ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay kalsooni badan ku qabto Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ay kiiskaas cadaaladiisa ka sugayaan, xilli uu dhawaan bilaabay dar-dar gelinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Arrintan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday isku dayayo in uu hoos u dhigo miisaanka kiiska Ikraan oo sida la rumeysan yahay lugaha la galay mas’uuliyiin sare, uuna rabo in si dhaqan ah lagu xaliyo, qoyskeedana la siiyo diyo. Hoos ka daawo Hooyo Qaali The post Daawo: Hooyo QAALI oo shaacisay laba xildhibaano oo qeyb ka ah kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
Khilaafka ka dhex istaadhmay Hogaanka sare ee Taalibaan+Gacan-ka -hadal ka dhex qarxay Xubnaha ugu tunka waaweyn Mullah Abdul Ghani Baradar Khilaaf weyn ayaa ka dhex bilaabmay hoggaamiyeyaasha Daalibaan oo ku saabsan sida loo dhisayo dowladda cusub ee Afghanistan, sidaana waxa BBC-da u sheegay saraakiil sare oo ka tirsan Daalibaan. Muranku wuxu u dhexeeya aasaasaha kooxda Mullah Abdul Ghani Baradar iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada oo waxay isku maan dhaafeen madaxtooyada dhexdeeda. Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya ismaandhaafka hoggaanka Daalibaan taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay. Hase yeeshee arintaas wuu beeniyey ururku. Daalibaan ayaa la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan bishii la soo dhaafay tan iyo xilligaasna waxay ku dhawaaqday in dalkaasi yahay “Imaarad Islaami ah”. Golahooda cusub ee ku meel gaadhka ah gabi ahaanba waa rag waxayna ka kooban yihiin saraakiil sarsare oo Daalibaan ah, kuwaas oo qaarkood caan ku yihiin weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka labaatankii sano ee la soo dhaafay. Xog ay laanta Af-Pashto ee BBC -du ka heshay Daalibaan ayaa tibaaxaysa in Baradar iyo Khalilu Raxmaan Xaqaani – oo ah wasiirka qaxootiga isla markaana ah shaqsi caan ka ah shabakadda xagjirka ah ee Haqqani – ay is weydaarsadeen ereyo adag, rag kala taabacsanina ay gacan iskula tageen ba. Xubin sare oo ka tirsan Daalibaan oo fadhigiisu yahay Qatar iyo qof ku xidhiidh la leh dhinacyada is khilaafsan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in muran dhacay dabayaaqadii toddobaadkii hore. Wararka ayaa sheegay in muranku soo baxay ka dib markii Baradar, oo ah ra’iisul wasaare ku -xigeenka cusub tibaaxay in aanu ku la dhacsanayn qaab dhismeedka dawladdooda ku meel gaadhka ah. Waxaa la sheegay in khilaafku ka dhashay cidda sheegan karta libta guushii ay Daalibaan ka gaadhay Afghanistan. Baradar ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in guusha lagu gaadhay diblomaasiyaddii ay rag uu ku jiraa wadeen halka xubnaha ka tirsan kooxda Xaqaani ay iyaguna qabaan in libta lagu gaadhay dagaal. Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Daalibaan ee si toos ah ula xidhiidhay madaxweyne Mareykan ah ka dib markii uu taleefan kula sheekeystay Donald Trump sannadkii 2020. Taa ka horna wuxuu saxiixay heshiiskii Doha ee ku saabsanaa bixitaanka ciidamada Mareykanka isaga oo wakiil ka ah Daalibaan. Dhanka kale kooxda Xaqaani ee awoodda badan ayaa lala xidhiidhiyaa qaar ka mid ah weeraradii ugu rabshadaha badnaa ee ka dhacay Afghanistan ka dhanka aha ciidamada Afghanistan iyo xulafadooda reer Galbeedka sannadihii la soo dhaafay. Kooxdan ayaa Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso. Hoggaamiyahooda Sirajuddin Haqqani, waa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda cusub. Wararka xanta ah ee ku saabsan soo bixitaanku waxay sii fidayaan tan iyo dabayaaqadii toddobaadkii hore, markii Baradar – oo ka mid ahaa wejiyada ugu caansan ee Daalibaan – laga waayay fagaarayaasha. Waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay in laga yaabo inuu dhintay. Xogo ay BBC-du ka heshay Daalibaan ayaa sheegay in Baradar uu ka tagay Kabul uuna u safray magaalada Kandahar ka dib markii uu khilaafku soo if baxay. Cod la duubay oo lagu sheegay inuu ahaa Baradar ayaa la faafiyey daayay Isniintii oo aasaasaha Daalibaan ayaa sheegayo inuu “ku maq maqnaa safarro”. “Meel kasta oo aan joogo xilligan, dhammaanteen waan fiicanahay,” ayuu yiri. BBC-da umay suurto galin in ay xaqiijiso codkaas oo lagu faafiyey bogaga internet-ka ee taageera Daalibaan. Daalibaan waxay ku adkeysteen in aanu jirin wax khilaaf ah iyo in Baradar uu badqabo laakiin waxay sii daayeen hadalo iska soo horjeeda oo ku saabsan waxa uu hadda sameynayo. Af-hayeen ayaa sheegay in Baradar uu aaday Kandahar si uu ula kulmo hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, laakiin markii dambe wuxuu u sheegay laafta af-Pashto ee BBC in hoggaamiyahaasi ” daalay oo uu doonayay waxoogaa nasasho ah”. Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa dareemi doona inay haystaan sabab wanaagsan oo ay uga shakiyaan hadalka Daalibaan. Sannadkii 2015, kooxdu waxay qirtay inay qarinayaan geerida hoggaamiyahoodii Mullah Cumar muddo ka badan laba sano, muddadaasna waxay sii wadeen inay ku soo saaraan bayaanno magaciisa. Ilo wareedyo ayaa BBC -da u sheegay in Baradar la filayo inuu ku laabto Kabul oo laga yaabo inuu ka soo muuqdo shaashadaha si uu u beeniyo in wax muran ah uu dhacay. Waxaa weli la isla dhexmarayaa taliyaha ugu sarreeya Daalibaan, Hibatullah Akhundzada, oo aan weligiis lagu arag meel fagaare ah. Wuxuu mas’uul ka yahay arrimaha siyaasadda, militariga iyo diinta ee Daalibaan. Dhanka kale sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan ayaa Salaasadii ku baaqay in deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay dib u billaabaan gargaarka, isagoo sheegay in beesha caalamku aysan siyaasadeyn kaalmooyinkooda. In ka badan $ 1bn oo gargaar ah ayaa dalka loogu yaboohay Isniintii, ka dib digniino ka yimid Qaramada Midoobay oo ku saabsan “masiibo soo socota”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dhicisoobay qorshe ay Villa Somalia ka laheyd magacaabistii Yaasiin Fareey ee aheyd in uu noqdo agaasimaha KMG ee hay’adda NISA. Qorshaha Villa Somalia iyo damaceedii magacaabista Yaasiin Fareey ayaa ahaa sida la sheegay in uu baabi’iyo documents muhiim ahaa oo yiilay xarunta NISA, ururinta warbixinada fududeyn kara helista xogta kiiska Ikraan Tahliil iyo maareeynta hub iyo hanti kale oo taala gudaha xarunta NISA. Villa Somalia ayaa dadaal weyn ku bixineysa in la daboolo xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil, waxayna sidoo kale diidan tahay in maxkamadda ciidamada ay baarto kiiskan. Saraakiil kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in aysan suurtoobin damacii Villa Somalia balse ay ilaa hada wado dadaalo badan oo nuucaas ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu Yaasiin Cabdullaahi Fareey u magacaabay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, waxaana markaas ka sokow sax ahaanshihiisa taagnaa dood kale oo tilmaameysa sababta uu Madaxweynaha u baalmaray nidaamka awood qeybsiga beelaha. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xafiiskii agaasimaha NISA, xafiiska maaliyada, xafiiska diiwaanka iyo xogaha, qeybta hubka iyo VIP-da ee hay’adda NISA la dejiyey ciidankaas, kadib amar kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble. The post Xog: Waa maxay qorshaha FARMAAJO uu ka leeyahay magacaabista Yaasiin Fareey? appeared first on Caasimada Online.