-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Guddiga Fulinta ee Olombikada Soomaaliyeed ay aheyd sharci darro, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan la aqbalin doorashada GOS. “Waa mudo kororsi doorashadii ka dhacday Muqdisho ee GOS, waana wax lagu xumaado talaabada ay qaadeen hogaanka GOS” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayaihii hore Guddiga Olombikada Dr.Cali Cusmaan. Dhinaca kale Dr.Cali Cusmaan wuxuu sheegay Dhalinyarada ku soo biirtay Guddiga Olombikada in aysan aheyn shaqsiyaad aan aqoon wanaaagsan u laheyn daadajinta shaqooyinka culus ee horyaalka guddiga Olombikada. “Waa loo baahanyahay dhalinyaro aqoon u leh isboortiga,balse kuwa hada ku soo biiray GOS, waxba Kama badalayaan hanaanka shaqo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr.Cali Cusmaan. Guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliya mudane Tarabi ayuu Dr.Cali Cusmaan ku eedeeyay in uu ku fashilay shaqooyinka Guddiga Olombikada Qaranka, sanadihii la soo dhaafay wuxuuna bahada ciyaaraha ugu baaqay in loo midoobo badbaadinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed. “Gudoomiye Tarabi saddexdii sanno la soo dhaafay laguma arkin dhacdooyinka isboortiga gudaha,maantana cid ka yeelayso ma jirto in uu dib isku doorto” ayuu sheegay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya mudane Dr.Cali Cusmaan Cali. Ugu danbeyntii Dr.Cali Cusmaan waxa uu Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo ciyaartooydii hore dalka kula dardaarmay in aysan aqbalin doorashada af duubka ah ee ka dhacday Muqdisho. “Hadii lagu aamuso doorasho isku sheega ka dhacday Muqdisho, waxay caqbad ku tahay geedi socodka isboortiga dalka, balse Wasiir Xamse iyo dhamaan ciyaartooydii hore dalka waxaan u sheegayaa in ay ka qeyb qaaataan badbaadinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Xiriirada kala duwan ee Ciyaaraha Soomaaliya. Daawo Dr.Cali Oo Eedeeyay Doorashadii GOS Sidoo Kale Warar Ku Saabsan Dr.Cali Cusmaan Dr.Cali Cusman Cali “Waan Bogaadinayaa Horomarka Ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubadcag Yaraha Soomaaliya ” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
UK:Sawirka Maanta Laba Xildhibaano oo walaalo ah oo wadashaqeyni ka dhexeyso oo ka kala Tirsan Barlamaanada Somaliland & Somalia oo Kulamo yeesha Qaran News
-
PRESS RELEASE United Kingdom Contributes £3 Million to Help Malagasy Families get through Drought and Food Crisis The contribution through FCDO will enable WFP to support 100,000 people with cash-based assistance as part of the drought responses in the South of Madagascar LONDON, United Kingdom, October 22, 2021/ — The United Nations World Food Programme (WFP) welcomes a contribution of £3 million (US$4.1 million, equivalent to 15 trillion Malagasy ariary) from the United Kingdom towards its assistance to people in the regions of Androy, Anosy and Atsimo Andrefana, in southern Madagascar. This funding from the Foreign, Commonwealth and Development Office (FCDO) will support some of the 1.3 million people affected by the worst drought in a decade in the South of the country. British Ambassador David Ashley said: “I am pleased that the UK is able to contribute further to the humanitarian response in the south of Madagascar, following our grant to UNICEF earlier in the year. Our new grant to WFP will enable 100,000 people to access sufficient food over a period of five months. The desperate situation in southern Madagascar only reinforces the importance of the world taking concerted action against climate change and in support of climate vulnerable countries at COP26 next month in Glasgow.” The contribution through FCDO will enable WFP to support 100,000 people with cash-based assistance as part of the drought responses in the South of Madagascar. Each household will receive MGA 100,000 per month. “We are extremely grateful for the support of the United Kingdom, at this critical time, of WFP’s emergency response to support vulnerable people in southern Madagascar. Their food and nutritional situation remains alarming while we are only at the beginning of the lean season,” said WFP Representative in Madagascar, Pasqualina Disirio. At least 1.3 million people need emergency food and nutrition assistance in southern Madagascar, the only place in the world right now where “famine-like conditions” have been driven by climate not conflict. An almost total disappearance of food sources has pushed people to desperate survival measures such as eating locusts, raw red cactus fruits or wild leaves and tubers. SOURCE Government of UK Qaran News
-
Liiska Safiirada 10 dal oo M/weyne Erdogan ku hanjabay inuu Dalkiisa ka eryi doono+Sababta Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. “Waxaan u sheegay wasiirkeena arrimaha dibedda inaan u heli karin qanacsanaan aan ugu marti-gelino dalkeena,” ayuu ku yidhi Erdogan hadal ay kasoo xigteen warbaahinta Turkey. Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhawr ah oo la xidhiidha dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaadho kiiskiisa.” Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga cadheysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika. “Ma ku jiraa xadkaaga inaad cashar noocaas oo kale u dhigto Turkey? Yaad tahay adiga?,” ayuu yidhi Erdogan oo hadalkiisa uu baahiyey taleefishinka NTV. Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo Erdogan uu filayo inuu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Labada mas’uul ayaa leh xidhiidh aan wanaagsaneyn marka loo eego kii adkaa ee Erdogan iyo Trump. Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November. Qaran News
-
Mareykanka oo shaaciyay hal sabab oo uu kula dagaallami karo Shiinaha Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu difaaci doono Taiwan haddii Shiinuhu uu soo weeraro, taas oo u muuqata in uu ka baxayo mowqifkii siyaasadeed ee muddada dheer uu Maraykanku arrintaas ka taagnaa. Hase ahaatee afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa markii dambe u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka in hadallada Madaxweynaha aysan ka turjumayn isbaddal dhanka siyaasadda ah. Maraykanka ayaa leh sharci u oggolaanaya in Taiwan uu ka caawiyo sidii ay isu difaaci lahayd. Laakiin waxay si ula kac ah u caddaynaysaa waxa uu dhab ahaan samayn lahaa haddii Shiinuhu weerari lahaa Taiwan, taas oo loo yaqaanno “madmadow istiraatiiji ah”. Shiinuhu wali kama jawaabin hadalka Madaxweyne Biden. Maxay yidhaahdeen Biden iyo Aqalka Cad? Munaasabad ka dhacday hoolka CNN, ka qeybgale ayaa tixraacay warar dhawaan soo baxay oo sheegayay in Shiinuhu tijaabiyay gantaal aad u dheereeya. Wuxuu weydiiyay Mr Biden haddii uu “ku dhaaran karo ilaalinta Taiwan”, iyo waxa uu ka sameyn doono horumarka militariga Shiinaha. Mr Biden ayaa ku jawaabay: “Haa” wuxuuna intaas ku daray in aan loo baahnayn in “laga walwalo in Shiinuhu uu sii xogaysanyo”, waayo “Shiinaha, Ruushka iyo caalamka kaleba way ogyihiin in militari ahaan aan adduunka ugu awood badannahay” Waxaa mar labaad su’aal ka keenay weriyaha CNN Anderson Cooper oo waydiiyey haddii Shiinuhu uu soo weeraro Taiwan in Mareykanku uu difaaci doono iyo in kale? “Haa, waxaa naga go’an inaan arrintaas sameyno.” Ayuu Biden ku jawaabay. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa markii dambe muujiyey in uu gadaal uga gurtay hadalkii Biden, asagoo warbaahinta u sheegay in Maraykanku uusan “waxba ka baddalayn siyaasaddiisa” Maahan markii ugu horraysay ee ay arrintani dhacdo. Bishii August, Mr Biden ayaa mowqif kan la mid ah ka qaatay mar uu waraysi siiyey warbaahinta ABC News. Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in aan la baddalin siyaasadda Maraykanka ee Taiwan. Maraykanku lama lahan Taiwan xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ah, balse wuxuu ka iibiyaa hubka asagoo adeegsanaya sharciga uga yaal xidhiidhka Taiwan, kaas oo dhigaya in Maraykanku uu jasiiraddaas siiyo taakulada ay u baahan tahay si ay isu difaacdo. Wuxuu xidhiidh rasmi ah la laleeyahay Shiinaha, wuxuu sidoo kale aqoonsan yahay mowqifka Shiinaha ee ah in Shiinuhu uu yahay hal dowlad oo qudha. Sidee Shiinaha iyo Taiwan ay uga jawaabeen? Xafiiska madaxweynaha Taiwan ayaa sheegay in aysan isu dhiibayn cadaadiska la saarayo isla markaasna aysan “degdegayn” marka ay taageero hesho. Afhayeenka madaxtooyada Xavier Cheng, ayaa sheegay in “Taiwan ay ka go’an tahay in ay is difaacdo,” wuxuuna u mahad celiyey maamulka madaxweyne Biden oo uu sheegay in uu taageero la garab taagan yahay. Shiinuhu wali wax jawaab ah kama uusan bixin hadalka Biden. Hase ahaatee gelinkii hore ee Khamiistii, ka hor hadalka Biden, safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu qaadayo “tallaabooyin khatar ah, oo xaaladda Taiwan u horseedi karta in ay u jihaysato meel khaldan”. Shiinaha iyo Taiwan Maxaa xumeeyey xidhiidhka Shiinaha iyo Taiwan? Shiinaha iyo Taiwan ayaa la kala qaybiyey intii uu socday dagaalkii Sokeeye sannadkii 1940-kii.Markii Taiwan ay u sheegatay in ay tahay dal madax bannaan, Shiinuhu wuxuu u arkayey in ay tahay gobolka ayada ka mid ah oo gooni u goosad ah, oo mar uun dib ugu soo laabanaysa dal weynaha Shiinaha, haddii laga fursan waayana xoog lagu muquunin karo. Sidee Taiwan loo maamulaa? Jasiiraddaas waxay leedahay dastuur iyada u gooni ah, hoggaamiyeyaal si dimuquraadi ah loo soo doortay, iyo ku dhawaan 300,000 oo ciidan ah oo si buuxda u qalabaysan. Yaa aqoonsaday Taiwan? Dhawr dal oo qudha ayaa aqoonsaday Taiwan. Waxayse dunida badankeedu aqoonsan tahay xukuumadda Shiinaha ee fadhigeedu yahay Beijing. Qaran News
-
Dhakhaatiirta qalliinka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen in kelli doofaar ay ku tallaaleen qof bukaan ah ayagoo sheegay in ay rajaynayaan in ugu dambayn arrintaasi ay xallin doonto gabaabsiga xubnaha jirka ee dadku ay ku deeqaan. Qofka kellida loo geliyey ayaa ahaa mid maskaxdiisu dhimatay, taas oo ka dhigan in markii hore ay xaaladdiisu liidatay oo aan rajo laga qabin in uu bogsado. Kellida waxaa laga keenay doofaar taas oo hidde ahaan la baddalay si looga hortago in jirku uu u aqoonsado in ay tahay mid (qalaad) oo markaas uu diido. Shaqadan ayaa ah mid aan wali dib-u-eegis lagu samayn amase aan la daabicin, balse qorshaha ayay ku jirtaa in sidaas la sameeyo. Tijaabooyin taas la mid ah ayaa horay loogu sameeyey xayawaanka, balse waa markii ugu horraysay oo bini-aadam lagu sameeyo. XIGASHADA SAWIRKA,NYU LANGONE In doofaarka loo adeegsado tallaalka xubnaha ma ahan fikrad cusub. Qalfoofka wadnaha doofaarka ayaa horay loogu adeegsaday bin-aadamka. Xubanaha doofaar kuna waa kuwo ay si wacan isu qaadan karaan xajmi ahaan kuwa bini-aadanka. Intii lagu guda jiray qalliin laba saacadood qaatay oo ka dhacay jaamacadda New York University Langone Health medical centre, ayaa dhakaatiirtu waxay kellida doofaarka ku xiriiriyeen halbowleyaasha dhiigga ee bukaanka maskax ahaan u dhistay si ay u eegaan in si caadi ah ay u shaqaynayso. Labadii cisho iyo barkii xigay ayaa si dhow dhakhaatiirtu ula socdeen kellida, ayagoo ka qaadayey tijaabooyin dhowr ah. Madaxa baaritaanka Dr Robert Montgomery ayaa u sheegay barnaamijka World Tonight ee BBC -da: “waxaan aragnay kelli u shaqaynaysa sidii kelyaha bini-aadanka oo kale, taas oo qabanaysa shaqada ay qabato kellida bini-aadanka”. “Waxay u shaqeyneysay si caadi ah, mana diidin in ay shaqayso”. Dhakhaatiirta qalliinka ayaa ku tallaalay qeyb ka mid ah qanjirka doofaarka, oo ay weheliyaan kelyaha. Waxay u malaynayaan in xubintani ay gacan ka geysan karto joojinta jidhka bini’aadamka oo diidaya kelyaha mustaqbalka fog iyada oo kor u qaadeysa unug kasta oo difaaca jirka ah oo laga yaabo inuu si kale ula dagaallamo unugyada doofaarka. Dr Montgomery horay asag laftiisa wadnaha looga qalay ayaa sheegay inay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in xubno badan loo helo dadka ku jira liisaska sugitaanka, inkasta oo uu qiray in shaqadiisu ay tahay mid muran badan dhalisay. “Dhaqanka soo jireenka ah ee ah in qof u dhinto qof kale si uu u noolaado marna ma sii socon doono. “Xaqiiqdii waan fahamsanahay welwelka iyo waxa aan dhihi karo waa in hadda qiyaastii 40% bukaannada sugaya beddelidda ay dhintaan kahor inta aysan helin xubintii ay u baahnaayeen. “Waxaan doofaarrada u isticmaalnaa cunto ahaan, doofaarrada waxaan u isticmaalnaa daawooyinka – joojinta dhiigga. Waxaan u malaynayaa inaysan sidaas ka duwanayn.” Wuxuu sheegay inay wali tahay cilmi baaris hore loona baahan yahay daraasado dheeri ah, laakiin wuxuu raaciyay: “Waxay na siinaysaa, kalsooni cusub oo ah in ay wanaagsan tahay in arrintan loo wareejiyo rugta caafimaadka.” Qoyska qofk bukaanka ah, kuwaas oo doonayey in markii hore ay iyagu xubinta ku deeqaan, ayaa dhakhaatiirka u fasaxay in ay qalliinka guda galaan. Dr Montgomery wuxuu rumeysan yahay in toban sano gudahood, xubnaha kale ee doofaarka sida – wadnaha, sambabada iyo beerka – la siin karo aadanaha u baahan in xubin kuwaas ka mid ah lagu tallaalo. Qaran News
-
Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, ayaa ka hadlay shaqaaqa maanta ka dhacday degmadaas, xilli uu socday ololaha urur siyaasadeedka Kaah. Wasiirka ayaa sheegay in ururka uu ka tirsanyahay ee Kaah lagu weeraray degmada Eyl, islamarkaana khasaare ka dhashay dhagxaan lagu tuuray taageerayaasha urur siyaasadeedka Kaah, xilli ay ku jireen isu soo baxa ololaha doorashada la qorsheeyay in ay ka dhacdo saddexda degmo. Wasiirka Xasan Abgaal ayaa sheegay in ay hayaan caddayma muujinaya in taageerayaasha urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sinnaan& Caddaalad ay ka dambeeyeen shaqaaqadii lagu sameeyay Kaah. Dhinaca kale, Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay eedaynta ka timid wasiirka Maaliyadda Puntland ahna xubin ka tirsan Kaah “ Urur Siyaasadeedka MIDEEYE wuxuu si cad u beeninayaa eedaynta wasiirka maaliyadda dawladda Puntland mudane Xasan Shire Abgaal oo ku hadlayey afka urur siyaasadeedka Kaah” ayaa lagu yiri qoraalka Mideeye. Halkaan ka daawo muuqaalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Urur siyaasadeedka Kaah oo sheegay in lagu weeraray degmada Eyl appeared first on Puntland Post.
-
The Security Council entity overseeing sanctions on Somalia sent two letters covering issues concerning possible adjustment of the arms embargo on that country, and measures to counter the funding of Al-Shabaab, its Chair said today, briefing on the subsidiary body’s work between 15 June and 20 October. Geraldine Byrne Nason (Ireland), Chair of the Security Council Committee pursuant to resolution 751 (1992) concerning Somalia, added that the letters also covered the updating of the sanctions list and combating violations – including sexual and gender‑based violence – of international humanitarian law and human rights by various actors. The Chair said the communications were part of the Committee’s follow‑up to the six recommendations contained in the midterm update by the Panel of Experts on Somalia. In that connection, she added, the Committee agreed to a Chair’s proposal to invite Pramila Patten, Special Representative of the Secretary‑General on Sexual Violence in Conflict, to deliver a briefing at a future date. She went on to report that the Committee held back‑to‑back informal consultations on 1 October 2021, recalling that during the first, the Panel of Experts briefed members on its final report (document S/2021/849). Eight of the 16 recommendations contained in the Panel’s report were addressed to the Council, she said, adding that the remaining 8 are under consideration by the Committee. During the discussion, Committee members asked about various aspects of the Panel’s reporting, with its members providing clarifications. In the second meeting, she continued, the Committee heard a briefing by the Office for the Coordination of Humanitarian Affairs on the report of the Emergency Relief Coordinator concerning the delivery of humanitarian assistance to Somalia and any impediments thereof (document S/2021/847). Committee members expressed appreciation for the efforts of the Office for the Coordination of Humanitarian Affairs and its partners and support for continuing the humanitarian carve‑out to the Security Council’s asset‑freeze measures. She said that since her last briefing, the Committee received the Expert Panel’s first thematic report, focusing on the management of weapons and ammunition management in Somalia. It also received a letter from Mogadishu concerning air strikes and shelling conducted inside the country, and another from a Member State regarding the seizure of a shipment of potassium nitrate destined for Somalia, she reported. The Committee has written to the reporting State and the shipment’s reported State of origin seeking additional information, she said, adding that the latter has replied. The Committee received a proposal from the Secretariat regarding the nomination of a sixth expert to serve on the Panel, which remains under consideration, she said. The meeting began at 3:10 p.m. and ended at 3:17 p.m. Source: United Nations The post Letters to Somalia Covered Possible Adjustment of Arms Embargo appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. “Waxaan u sheegay wasiirkeena arrimaha dibedda inaan u heli karin qanacsanaan aan ugu marti-gelino dalkeena,” ayuu ku yiri Erdogan hadal ay kasoo xigteen warbaahinta Turkey. Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.” Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika. “Ma ku jiraa xadkaaga inaad cashar noocaas oo kale u dhigto Turkey? Yaad tahay adiga?,” ayuu yiri Erdogan oo hadalkiisa uu baahiyey taleefishinka NTV. Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo Erdogan uu filayo inuu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Labada mas’uul ayaa leh xiriir aan wanaagsaneyn marka loo eegaa kii adkaa ee Erdogan iyo Trump. Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November. AFP + VOA The post Erdogan oo shaaciyey inuu Turkey ka eryi doono safiirada 10 dal oo Reer Galbeed ah appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ayaa maanta madaafiic ku garaacay fariisimo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ka sameysteen meel u dhow magaaladaas. Dadka dagan Magaalada Guriceel ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa tiro madaafiic ahm oo ay ciidamada Ahlu Sunna ku rideen fariisimaha ciidamada weerarka kusoo ah magaalada, gaar ahaan kuwa dhanka jihada Woqooyi, inkastoo aan weli la ogaan haddii ay khasaaro ka dhasheen. Madaafiicda ay ciidamada Ahlu Sunna rideen ayaa kusoo aadeysa xilli ay fashilmeen dhammaan dadaalladii lagu doonayey in lagu joojiyo dagaalka kusoo socda magaalada Guriceel. Labada dhinac weli kama hadlin tallaabada ay qaaday Ahlu Sunna, waxaana weli socda barakaca magaalada Guriceel maadama ay shacabka cabsi ka qabaan in dushooda lagu dagaalamo, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaarto, sidoo kalana waxaa xirmay inta badan ganacsigii Magaalada. Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo ka sameystay illaa seddex aag oo u dhow magaalada Guriceel, halka ciidamada Ahlu Sunna ay dufeysyo adag ka sameysteen bannaanka iyo gudaha Magaalada. Sheekh Shaakir oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Guriceel ayaa ciidamada Dowladda uga digay inay ka qeybgalaan dagaalka lagu hayo Ahlu Sunna, taas badalkeedana ay xoogooda isugu geeyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. The post Ciidamada Ahlu Sunna oo madaafiic culus ku garaacay ciidamada GALMUDUG ee weerarka ku ah Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - AMISOM forces admitted that its peacekeepers unlawfully killed seven civilians in Somalia, promising that the soldiers responsible will be held accountable. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister and President have agreed to end their longstanding political standoff on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin degaanno ka tirsan Sool iyo Sanaag oo ka maqan gacanta Puntland. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay hadal ka jeediyay xarunta PDRC ee caasimadda Garoowe ayaa sheegay warkaas. Wasiir Dhabancad ayaa tilmaamay in Puntland mashaariic ka wado dhammaan degmooyinka Gobolka Sool oo ay ku jirto magaalada Laascaanood. Dhabancad ayaa sidoo kale xusay in Laascaanood keliya aysan Amnigeeda gacanta ku hayn balse mashaariicda Puntland ka socoto. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad: Ma jiraan Gobollo ka maqan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
A crippling shortage of coronavirus vaccines in sub-Saharan Africa isn’t just a health risk, it’s having a major impact on economic growth. While richer countries roll out booster shots from their abundant supplies, only 3% of people in the region are fully inoculated. That risks the emergence of new, more virulent strains of Covid-19 that could become a permanent problem, the International Monetary Fund said this week. That may weigh on investor confidence, restrict growth and widen the rift in incomes between advanced and developing economies. It could also reverse decades of progress in the continent’s fight against destitution. The pandemic plunged 30 million people into extreme poverty in 2020, meaning they live on less than $1.90 a day. Only a handful of sub-Saharan African countries are likely to achieve widespread vaccine availability before 2023 and their prospects are at the mercy of the international community. Should rich countries continue to look inward for ways to end the pandemic, the virus will most likely thrive elsewhere. Sub-Saharan Africa needs $425 billion in additional financing over the next five years to secure a robust recovery and regain lost ground, according to the IMF. The lender is exploring options to redirect new reserves to members in need from those that won’t use them. With the Group of 20 developed economies’ pandemic debt plan set to expire in December, the World Bank has called on rich nations to continue supporting African countries struggling with huge debt burdens. The question is: Will they step up or persist with vaccine and resource hoarding? Source: Bloomberg The post Next Africa: A terrible cost appeared first on Puntland Post.
-
Madaafiic iyo hubka culus ayaa saaka oo Jimce ah laga maqlayaa nawaaxiga magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka taagantahay xiisad colaadeed. Wararku waxay sheegayaan in madaafiicda ay is weydaarsanayaan xoogagga Ahlusunna iyo ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug. Faahfaahin sugan weli lagama hayo madaafiicda ka dhacaysa labada dhinac islamarkaana lama oga haddii uu khasaare ka dhashay madaafiicdaas. Magaalada Guriceel ayaa inta badan shacabkii ka bara-kacay waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ku dhex maro Xoogagga Ahlusuna iyo Ciidamada dowladda Federaalka & kuwa Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaafiic iyo hubka culus oo laga maqlayo furimaha magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland. Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Xaaji Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka RRU ayaa lagu toogtay bartamaha Laascaanood sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Lama sheegin weli cid loo qabtay dilka islamarkaana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas. Dilkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Somaliland sheegtay in ay xaqiijisay Amniga Laascaanood kadib markii laga raafay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin dhowr ah ayaa ka hadlay heshiiska ay xalay Villa Somalia ku gaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu xaliyey khilaafkii u dhaxeeyay. Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin aragtidooda ku aadan heshiiska, hase yeeshee waxaa ka hadlay dhowr xildhibaan iyo murashax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed. Mas’uuliyiinta ka hadlay heshiiska ayaa yiri: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Meel wanaagsan ayaa la dhigay Heshiiska, waana mudan yahay in la bogaadiyo. Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen waa ku mahadsan yahay inuu ku guulaystay dhammaynta kala aragti duwanaantii madaxda qaranka ka dhex jirtay. Xildhibaan Maxamed Abtidoon: Waxaan bogaadinayaa heshiiska madaxda Qaranka caawa ka gaareen khilaafkii ragaadiyay hawlihii qaranka. Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha Koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Laftagareen guusha uu ka gaaray heshiisiinta madaxda qaranka. Waxaan talaabadaan ka baraneynaa in musuulkii daacad iyo dhexdhexaad ka ah xal u helidda khilaaf jira in uu Allah ku guuleynayo. Qoorqoor wuu ku fashilmay dhexdhexaadinta madaxda. Fashilkiisana waxaa kalifay in uusan daacad ka aheen xalinta khilaafka iyo in uu dhinacyada is hayana mid ka mid ah uu la jiray. Cabdikariin Xuseen Guuleed: Waa soo dhaweynayaa heshiiska ay caawa madaxda dowladda ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee intii muddo ahba dhexdooda ka jiray. Waxaana u arkaa in is fahamkaas iyo heshiiskaas uu qeyb weyn ka qaadan doonno dadajinta doorashooyinka Qaranka. Si dalka uu oga baxo firaaqa dastuuriga ah ee uu ku jiray. Madaxweyne Laftagareen waa ku amaanayaa waana ku bogaadinayaa dowrka odaytinimo ee uu qaatay iyo mudada gaaban ee uu guusha oga gaaray soo abyidda khilaafaadka hareeyay nidaamkii dowdnimo ee dalka. The post Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey HESHIISKA ay gaareen Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Lafta Gareen ayaa sheegay in si buuxda loo soo afjaray khilaafkii mudada ka dhaxeeyey madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag ku jiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badan oo ay sameeyeen. Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka. Hoos ka aqriso qodobada ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble 1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab. 3- In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. 4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle. 5- Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto. 6- Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan. The post Muxuu Laftagareen ka yiri heshiiskii uu kala dhex dhigay Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah. Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur. Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xiriira toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah. Maxamed Nuur ayaa xabad ku dhuftay Justine kadib markii ay isaga iyo sarkaal kale oo boolis ah ay tageen gurigeeda taasi oo ka dambeysay markii ay soo wacday taleefonka xaaladda deg degga ah ee 911, si ay ugu wargelisay kufsi ay suurta-gal aheyd inuu ka dhacayey gurigeeda gaadaashiid. PUNTLAND POST The post Maxamed Nuur oo lagu riday xukun xabsi ah appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxtooyada Galmudug ay toddobaadkii hore amar ku bixisay in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaynaan haddana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug gaarin magaaladaasi. Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay laba jiho ka kulaayay Magaalada Guriceel, kuwaa oo aad mooddo inay foodda gelin la’yihiin magaaladaasi. Ciidamada, kuwii dhinaca waqooyi kaga sii siqaayay Guriceel ayaa ku sugan deegaanka Good-wiil oo qiyaastii 15km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaaladaasi. Maamulka Galmudug iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan ka hadlin waxa ciidamada ka hor taagan inay gaaraan xaruntii hore ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in howlgalka lagu weerarayo Guriceel ay ka horyimaadeen laba caqabad oo dartood weerar loo qaadi la’yahay. Caqabadda koowaad ayaa ah in Ciidamada Dowladda ay ku kala qaybsameen weerarka Magaalada Guriceel, iyadoona Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad ay ku jiraan Xoogagii Ahlu Sunna, ee ay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre qarameysay, bishii July ee sanadkii 2019. Caqabadda labaad ayaa ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka horyimid in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay weeraraan Guriceel, waana sababtaas baa la leeyahay midda ciidamada ka hor taagan inay gudaha u galaan magaaladaasi. Rooble ayaa lagu warramay inuu doonayo in xal nabadeed laga gaaro xiisadda u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu-Sunna, xalkaas oo ah midka ay sidoo kale ku baaqayaan odayaasha beesha degta Guriceel iyo Dhuusamareeb. Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dadkii magaalada deganaa ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan, kuwaa oo xaalado adag ku wajahaya duleedyadeeda, iyadoona ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato. The post Xog: Laba caqabad oo mid Rooble uu yahay oo ka hor-timid weerarkii GURICEEL appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Amisom iyo Guddiga Midowga Afrika (AUC), xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay qorshaha howlgalka Amisom loogu beddelayo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-Galyada Midowga Afrika ee ku baaqay howlgal sidaas ah 7-dii October, ay Muqdisho ku casuuntay wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo Amisom. Qoraalka ayaa lagu sheegay in kadib ay dhinacyada wada-hadallo yeesheen 12-kii iyo 14-kii October, si looga wada-xaajoodo xal ay dhinayada ku wada qanci karaan, waxna loogu wada darso warbixinta Golaha Ammaanka QM uu soo saarayo 15-ka November. “Nasiib darro Howlgalka Midowga Afrika iyo AMISOM waa ay diideen inay taageeraan war-saxaafadeed wadajir ah oo lagu muujinayo horumarka ay illaa hadda sameeyeen dowladda federaalka Amisom iyo AUC, oo saldhig looga dhigayo in dowladda federaalka aysan taageerin baaqa Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda. “Waa nasiib darro in AUC iyo AMISOM ay doorteen waddo carqaladeyn iyo dib-u-dhigis ah intii la wada shaqeyn lahaa.” Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay si joogto ah u diiday howlgalka QM iyo Midowga Afrika, ayna taageereyso qorshaha ay ciidamada Soomaaliya Amisom ugala wareegayaan amniga. “Dowladda federaalka waxay Amisom iyo AUC ugu baaqeysa inay si deg deg ah ugu soo biiraan dowladda federaalka soo loo dhameystiro war-saxaafadeed wadajir ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Afrika. The post DF oo weerar culus ku qaaday Midowga Afrika iyo Amisom kadib tallaabo ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu sheegay in la maxkamadeynayo Ciidanka Uganda ee 7-da ruux ee rayidka ah ku dilay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose 10-ka August 2021. AMISOM ayaa xaqiijisay in Guddi ay u xilsaartay kiiskaan uu soo gunaanaday baaristooda oo ay ku ogaadeen in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada Uganda, nasiib darro ayuu howlgalku ku tilmaamay in askartaan xiran dariiska Midowga Afrika dilaan Dad rayid ah. “ Sidaas darteed AMISOM waxay qaadaneysaa mas’uuliyadda buuxda ee falkaan oo ay geysteen ciidamada AMISOM, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo nbaxay AMISOM. Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Uganda oo ay kasoo jeedaan ciidamada falka geystay ay leedahay maxkamad loogu talagalay in la saaro askarta dambiyada sameeya, waxayna ballan qaaday in askartaas lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyntii, AMISOM ayaa ugu baaqday dowladda Uganda inay si deg deg ah xiriir ula sameyso qoysaska ay kasoo jeedaan dadkii la laayey si ay magdhow u siiso ulana qeybsato murugada ka dhalatay falkii ay geysteen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM. Go’aanka kasoo baxay AMISOM ayaa kusoo aadayo xilli ehelada dadkii la laayey ay dalbanayaan inay helaan caddaalad. Haalkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay AMISOM The post Amisom oo sheegtay tallaabo ay ka qaadeyso askartii dadka rayidka ku dilay Golweyn appeared first on Caasimada Online.
