-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkada Apple oo Digniin u dirtay Dadka isticmaala Mobile-ka iPhone . Dadka isticmaala teleefanada gacanta ee iPhone ayaa looga digay gariirka xoogan ee ay sameeyaan mootooyinka ama dhugdhugleyda waaweyn oo dhaawici kara habka ay u shaqayso kamarada telefoonkaas, sida ay sheegtay shirkadda Apple. Shirkaddan weyn ee dhinac tiknoolajiyada ayaa digniintaas ku sheegtay in ay dadka adeegsada telefoonadaas aanay saarin ama aanay dul dhigin mishiinka dhugdhugleydayaas. Gariirka mishiinka ayaa waxa uu dhaawici karaa habka ay u shaqayso kamaradda telefoonadaas ee ah tiknoolajiyadda fadhiisisa muuqaalka marka sawir la qaadayo. Dadka adeegsada mootooyinka yaryar sida noocyada loo yaqaan Scooter ayaa sidoo kale lagula taliyey in ay adeegsadaan buushka gariirka mishiinka ka yarayn karaya telefoonadooda iPhone marka ay khaanadda dhugdhugleyadooda ku ridayaan ama ay dul dhigataan mishiinka. Dadka adeegsada telefoonadaas ayaa qoraallo ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay in telefoonadooda dhaawac gaadhay ka dib markii ay ku rideen khaanadaha mootooyinkooda oo gariirka mishiinku wax yeelay amaba ay ku xidhaan isteerinka. Shirkadda Apple ayaa sheegtay in dhawr nooc oo ka mid ah telefoonada iPhone ay u nugul yihiin dhaawacaas. Qaybta dhaawacu gaadhayo ayaa ah ta loogu talo galay in ay hagaajiso tayada sawirada oo ah tiknoolajiyad dhaqdhaqaaqa iyo gariirka iyo sidoo kale saamaynta cuf isjiidadka isku dheeli tirta. Laakiin dhugdhugleyda guuxoodu aadka u weyn yahay ama awoodda mishiinkoodu dhaliyaa “gariirka xoogga ah” ayaa wuxuu ku baahaa dhugdhugleyda oo idil. Xalku markaa waxa weeyi in aan la saarin ama aan lagu ridin khaanadaha mootooyinkaas ku xidhan telefoonada iPhone, arintaas oo ah mid badanaa ay dadku sameeyaan oo ay ku rakibaan telefoonadooda shookaanta mootada si ay uga eegtaan khariidada wadooyinka marka ay meelo aanay garanayn tagayaan. Qaran News
-
Dorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka HirShabeelle ayaa u muuqata inay ka loollan adag tahay dhammaan doorashooyinka la mid ah ee Federaalka, maadaama ay usoo baxeen musharraxiintii ugu badnaa, kuwaasoo shalay khudbadahooda jeedinayay. Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan soo dhammeystiray liiska musharraxiinta, halka doorashadana la filayo inay dhacdo maanta oo Talaado ah. Muusa Suudi wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta tartanka adag u galaya kuraasta Aqalka Sare, oo baarlamaanka hadda jiro uu ku soo metelayay HirShabeelle, waxaase kursiga ku haysta saddex musharax oo adag. Haddaba waa kuwan Muuse Suudi iyo musharaxiinta kursiga ku haysta. Muusa Suudi Yalaxow 1- Khudbaddii uu shalay ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaas ayuu kusoo gaabiyay; “Wax aan soo qabtay ma aqaanno, ,a ii ,iisaanna, sanduuqa dhalada ah ayaan ka arki doonaa, wax aan qaban doonana ma ogi, wixi Alle igu aaddiyo ayay noqon doonaan. Haddii aan xiulka u qalmo iigu celiya, haddii aad i dhibsateenna iga reeba.” Ilaa afar siyaasi ayaa u xusul duubaya inay meesha ka saaraan Yalaxoow, oo afartii sano ee lasoo dhaafay Hirshabeelle ku malatayay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Cabdullaahi Sheekh Xasan, Dr Xasan Cadaay Cali iyo Axmed Xasan Cadoow ayaa ka mid ah, waxaana ay shalay jeediyeen khudbadaha ay xildhibaannada baarlamaanka hoose ee Hirshabeelle uga dalbanayaan inay codadkooda siiyaan. Haddaba maxaan ka garaneynaa musharraxiinta loollanka culus galinaya Muuse Suudi Yalaxoow? 2- Cabdullaahi Sheekh Xasan Sida uu isaga qudhiisaba shalay ka sheegay khudbaddii uu ka jeedinayay munaasabadda hadal jeedinta, waxa uu ku dhashay Hirshabeelle balse uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho. Waxbarashadiisa waxa ay gaarsiisan tahay ilaa heerka labaad ee Jaamacadda, oo uu ku bartay cilmiga Maamulka Ganacsiga. “Waxaan 1990-meeyadii macallin kasoo ahaa dugsiyada maxalliga ah. Waxaan ka mid ahaa aasaaseyaashii dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir, gaar ahaanna waxaa guddoomiye u ahaa hay’ad la dhaho al-Kheyriya oo weli shaqeysa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan. Markii uu u wareegay dhinaca siyaasadda waxa uu ka qayb galay shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti, kaasoo ugu dambeyntii lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah. Kaddib waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii Kenya loogu qabtay Soomaaliya oo lagu soo dhisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Khudbaddii uu shalay Jowhar ka jeediyay ayuu Cabdullaahi Sheekh ku sheegay inuu mar ka mid ahaan jiray guddi loo xil saaray inay kasoo shaqeeyaan sidii Soomaaliya hubka looga dhigi lahaa. “Markii uu dagaalka dhex maray dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo qolyihii maxkamadaha, waxaan ka tagay waddanka, waxaana dibad joog ku noqday dalka Britain muddo afar sano ah,” ayuu yiri. Soomaaliya waxa uu dib ugu soo laabtay sanadkii 2011-kii, halkii ayuuna kasii waday dhaqdhaqaaqyada siyaasadda. Inta uusan usoo istaagin xilka kursiga Aqalka Sare, jagadii ugu dambeysay ee uu soo qabtay waxay ahayd inuu noqday Wasiirka Dastuurka. 3- Axmed Casan Cadoow (Daaci) Axmed Daaci waxaa aad loogu yaqaannaa inuu soo noqday guddoomiyihii Degmada Wadajir, xilligii ay jirtay dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Xasan. Dhowr sano uu uu ka mid ahaa saraakiisha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeedda dowladda Soomaaliya. Hase ahaatee, markii dambe isaga iyo dowladda Federaalka ayaa isku maan dhaafay howlgal hub ka dhigis ah oo la damacsanaa in lagu sameeyo siyaasigan. Sanadkii 2014-kii ayaa mar la dhigay xabsiga, inkastoo lasii daayay muddo kaddib. Bartamihii bishii August ee sanadkii 2014-kii ayay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM weerar ku qaadeen guriga Axmed Daaci, halkaasoo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamo daacad u ah siyaasigan horay u ahaan jiray guddoomiyaha degmada Wadajir. Wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in hubka uu haystay inuu isku difaaco. Khudbaddii uu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka HirShabeelle kama uusan sheegin wax ku saabsan taariikhdiisa, siyaasad iyo waxbarasho toona. Isha: BBC SOMALI The post Maxaad ka taqaan saddexda musharax ee Muuse Suudi kursiga ku haysta maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Qatar ayaa gaaray caasimadda Kabul ee dalkaAfgaanistaan, wasiirka ayaa noqonayaa masuulkii ugu horeeyey ee heer sare ah kaas oo gaara Afgaanistan tan iyo markii ay qabsatay Taliban. Afayeenka Taliban Suhail Shaheen, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar kulan ku wada qaateen madaxtooyadda ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Afgaanistaan Mullah Hassan Akhund iyo xubno kale oo ka mid ah Xukuumadda ku-meel gaar ah ee Taliban dhowaan ku dhawaaqday. dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, ayaa sheegtay in kulanka looga wada hadlay siyaabaha kor loogu qaadayo nabadda Afgaanistaan iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira hawlgelinta Madaarka Kabul iyo xaqiijinta xorriyadda marinka iyo safarka dadka oo dhan. Wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta Afgaanistaan inay dhammaan dhinacyada Afgaanistaan ka qayb -qaataan dib -u -heshiisiinta qaran. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar oo booqday Kabul appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya dib uga bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamada qowmiyadda Tigrayga. Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa laga saaray dhowr magaalo oo ay qabsadeen toddobaadkii hore, kadib markii ay dagaal culus soo qaadeen kuwa TPLF. Afhayeenka maleeshiyada Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib u qabsadeen magaalooyinka kala ah, Saakoota iyo Joona. Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay maxaabiis ahaan u qabteen boqolaal askari oo u badan Amxaarada, inkastoo aysan weli sheegashadaan ka hadlin Dowladda Itoobiya. Sarkaal u hadlay ismaamulka Gobolka Amxaarada ayaa Al-Jazeera u sheegay in ciidamada Federaalka ay dib uga gurteen dhowr magaalo oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qabsadeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin sababta keentay ka bixitaanka. “Waa in aad isku dhiibtaan ciidamadeenna u dagaallamaya sidii nabad loo heli lahaa, xal kale idiinma furna,” ayuu yiri hoggaamiyaha TPLF. Ciidamada TPLF ayaa lagu eedeeyey inay xasuuq iyo kufsi ka geysteen Gobolka Amxaarada, waxayna hadda xaaladda Itoobiya u muuqataa mid kasii dareysa, iyadoo TPLF ay ku hanjabtay inay tagi doonto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. The post Ciidanka Abiy Ahmed oo ka baxay magaalooyin cusub kadib guul-darrooyin dagaal appeared first on Caasimada Online.
-
Vienna (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa laba gabar oo Soomaali ah caawa ku dilay xaafadda Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, sida ay xaqiijiyeen booliska. Booliska ayaa tegay xaafadda kadib markii ay deriska u yeereen, waxayna ugu tageen meydka laba gabdhood oo Soomaali ah oo da’dooda lagu kala sheegay 35 jir iyo 37 jir. Mid ka mid ah gabdhaha ayaa lagu magacaabay Shurki Axmed Abtidoon, halka gabadha kalena lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xirsi. Shukri ayaa la dhalatay xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya. Xildhibaan Abtidoon ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaa maqribadii lagu dilay Dalka Austaria, Vienna walaasheey: 1- Marxuumad Shukri Axmed Abtidoon, 2- Iyo Saaxiibteed Marxuumad Faaduma Maxamed Xirsi, allaha u wada naxariisto, dambigooda allaha dhaafo, alla hooy uga dhigo Janatul Firdaws naxariistiisa darteed, Aamiin” Booliska ayaa markii ay tageen guri apartment ah, waxay ugu tageen tuhmanaha dilka gaystan oo ah 28 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim, wuxuuna u sheegay inuu dilay laba gabdhood. Isla goobta ayey ku xireen, kadibna waxay galeen gudaha, oo ay ugu tageen meydka gabdhaha. Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu mindiyeeyey labada gabdhood. Wararka qaar oo ay werinayaan warbaahinta gudaha ee Vienna ayaa sheegaya in labada gabdhood ay mid aheyd xaaska hore ee Maxamed, midda kalena ay hayed saaxiibteed. Maxamed ayaa la sheegay in xaaskiisa hore ay u dhashay gabar afar jir ah. Maxamed ayaa markii booliska ay baareen waxa uu ahaa mid aad u cabsan, waxaana dhiigiisa laga helay alchohol heerkeeda lagu sheegay 2.2. Kiiskan ayaa waxaa hadda baaraya booliska, waxaana warbixino horudhac ah ay sheegayaan in maskaxda looga jiray. Maxamed Ibraahim, oo magan-galyo ka dalbaday dalka Austria, ayaa loo diiday sababo la xiriira inay booliiska u diiwaan-geliyeen laba dacwo oo ka dhan ah oo mid uu la xiriiray isku day kufsi. The post Sawirro: Nin Soomaali ah oo laba gabar oo Soomaali ah ku dilay Vienna, Austria appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu caawa soo saaray warqad uu ku shaaciyey in guddi soo baara uu u magacaabay kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax ayaa waxaa ka dhashay caro iyo fal-celin adag oo shacabku ay ku soo bandhigeen qeybta aragtida ee Pageka Villa Somalia oo halka Page ee lagu baahiyey warkaas. Caasimada Online waxay u kuur gashay aragtida bulshada ee ku aadan tallaabada Farmaajo ee la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, waxaana idiin soo bandhigeynaa qaar ka mid ah dadkii aragtiyada ama commentiga ka dhiibtay warka Farmaajo ee lagu baahiyey Pageka Villa Somalia. Arrinta yaab kale ayaa ah in dadka aragtidooda ka soo dhiibtay warqadaas ka soo baxday xafiiska Farmaajo ay ka mideysan yihiin la yaabka tallaabada uu guddigaas ku magacaabay, iyagoo ku tilmaamaya carqaladeyn hor leh oo Farmaajo uu ku sameynayo baaritaanka kiiska Ikraan. Dadka aan aragtidooda idiin soo uruurinay waxaa ka mid ah Maxamed Deeyoo oo comment uu ka dhiibtay qoraalkii ka Farmaajo ku yiri, “Maxamed Qasaaye mar dhaw waa lagu soo qaban oo caddaalad lagu hor keenayaa bi idnillaah.” Cabdifitaax Cali Sanbuur ayaa yir, “Yaab wlhi ninkii diley ayaa hadana guddi u saraa fadlan Mohamed Abdullahi Farmaajo kiiska gabdha inaad carqalad ku tahay bulsho weynta Soomaaliyeed waa u jeedaahe, kiiskaan cadalad kama rabtide udaa RW Mohamed Hussein Roble.” Cabdimahad Guure ayaa yiri, “Mar hore ayaa lagaa rabay Farmaajow. Xiligan waxba soo kordhin meyso waayo RW Rooble ayaa dusha saartay cadaalad u raadinta kiiska ikran Allaha u naxariistee.” Abshir Yuusuf ayaa yiri, “Xubinka uu soo magacaabayo Taliyaha NISA ayaaba la isku haystaa ee ma Bashir Goobe ayaa soo magacaabaya mise Hebelkaa Farey. Wali wax lee la isku dhex karinaa meeshaan, anagana waan wareernay oo habeen kasta dhafar iyo ha anbanin sidaan isku dhahaynay.” Axmed Shaur ayaa yiri, “Nabad sugidda oo lagu tabayo dilka sarkaaladda see baaritaanka uga qeeyb qaadan kartaa?! Soomaalida haka tashato kooxdaan.” Cali Xasan Xuseen ayaa yiri, “Kuwii dilay ayaa kiiska baaritaankiisa ka mid noqonaayo miyaa noo sheegee, war nio meeshaan iskaga tag hasoo hortaagnaan umadaan qof ay dhibsatay hadalkiisa. Gudiga 3bil lamagacaabi waayay hada lamagacaabaayo maxeey tahay.” “PM Rooble ayaa howshaan u xilsaaran gudigaas ayaa laga sugayaa baritaankaas. Kan wax kama jiro.” Waxaa xusid mudan in warbaahinta dowladda aysan baahin warka Farmaajo, tallaabadaasna waxaa la shaagay inay ku timid amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble. The post Shacab si yaab leh uga fal-celiyey qoraalkii Farmaajo ee lasoo dhigay Facebook appeared first on Caasimada Online.
-
Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada sarkaalad ikraan Tahliil ayaa si kulul uga jawaabtay Guddiga uu Farmaajo usaaray kiiska gabadheeda, waxa ayna sheegtay in is hortaagidda Cadaaladda ee farmaajo ay cadeyn utahay inuu isagu bixiyay amarka lagu afduubay Ikraan. Qaali oo saxaafadda lahadashay aya tilmaantay in caddaalad uhelidda gabadheeda Ikraan uu caqabad ku yahay Farmaajo waxa ayna tiri ” ma aqbalayo kumana qanacsani, Guddiga Farmaajo” Waxa ay sidoo kale Qaali ay raacisay iney dacweyn doonto Farmaajo, iyada ku sheegtay in uusan ahayn qof lagu tilmaami karo madaxweyne qaran. “Galdacwadeed aan ku dacweynayno Farmaajo ayaan ka furanayna dal iyo dibad” ayey Qaali maxamuuud ku sheegtay shirkeeda jiraa’id. Hooyo Qaali aya ku dartay “Kiiska ikraan waxa uu yaalla Maxkamadda, haddii Allihiis uu alle yahay Farmaajo ha iiga haro arintayda” Jawaabta Qaali Maxamuud oo ah Hooyada ikraan Tahliil aya kuso aadaysa iyada oo Farmaajo uu Fiidnimadii hore Caawa sheegay in Guddi ay qeyb ka yihiin kuwa lagu tuhunsanaa uu usaaray Kiiiska ikraan Tahliil. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan-seyrtay guddiga uu caawa Farmaajo u magacaabay baaritaanka kiiska gabadheeda, iyadoo sheegtay in kiiskaas ay baaritaankiisa u daba fadhiyaan guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. “Kuma qanacsanin, mana aqbali doonno guddiga uu madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamadda ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacwadda kiiska gabadheyda,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud. Waxay sheegtay in hadii Farmaajo uu sii wado is hortaaga baaritaanka kiiska gabadheeda ay u qaadanayaan in isagu uu bixiyey amarka lagu afduubtay. “Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farmaajo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay hooyo Qaali. Maama Qaali oo sii hadleysay ayaa tiri, “Farmaajo kiiska gabadheyda Ilaahey waa uga baqi waayey, gabadhiisa camal waa uga baqi waayey, inuu madaxweyne u yahay waa uga baqi waayey, laf dhuun gashay ayuu Farmaajo nagu noqday, waxaan Ilaahey SWT uga baryaa inuu gurigiisa, golihiisa iyo caruurtiisa inuu ka arko.” Sidoo kale Qaali Maxamuud Guhaad ayaa digniin u dirtay laba xildhibaan oo la kala yiraahdo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda Ikraan. “Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, midna Fahad ayuu qaraabo la yahay midna Madaxweynaha, umadda Soomaaliyeedey arka in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad. Ugu dambeyntii maamada ayaa sheegtay inay ku kalsoonyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo cadaaladda kiiskaas ay isaga ka sugayaan, “Umadda Soomaaliyeed oo markii horaba i garab taagneed waxaan leeyahay arka gardarada Farmaajo iyo labadaas nin ay igu hayaan.” Hoos ka daawo Hooyo Qaali The post Daawo: Hooyo Qaali oo si qiiro leh uga jawaabtay tallaabadii uu qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u saaray in ay soo baaraan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo sababtay khilaaf aad u adag oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay labadii sano ee la soo dhaafay magacowday guddiyo kala duwan, si ay u soo baaraan xaalado abuuray hadal hayn badan oo bulshada dhexdeeda saameyn ku lahaa. Guddiyadaas ayaan dib loo maqlin, mana aysan soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaannadii loo diray. Guddiga Farmaajo uu caawa magacaabay ayaa imanaya, xilli uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Daahir Maxamuud Geelle oo horraantii bishan ka hadlayay arrimaha guddiyada la magacaabo ayaa yiri: “Marka arrinta la marin-habaabinayo waxaa la dhahaa ‘guddi u saara’. “Anaga arrinkaa waayo-arag baan u nahay. Guddiyo badan oo la iska daba sameeyay ayaa jiraan oo wax xaqiiqo ah aan keenin. Marka waxaan rabnaa in guddi loo saaray aysan arrinta ku ekaanin”, ayuu yiri Daahir Geelle. Arrimaha guddiyada loo saaray waxaa ka mid ahaa dhimashadii Alle ha u naxariistee Cabbaas Siraaji, oo ahaa wasiir iyo xildhibaan oo bishii May, 2017-kii lagu dilay Muqdisho. Guddigaas weli wax cad ma aysan keenin. Sidoo kale, Ka dib markii la dilay gudoomiyihii degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, Cabdixakiim Dhagajuun, bishii January ee sannadkan, dowladda waxay magacowday guddi baaritaan, balse weli xaqiiqo raadintii ma aysan ka soo warcelinin. Haddii aan eegno qaar ka mid ah guddiyadaas waxaa ka mid ahaa: Qarixii Xarunta Gobolka Banaadir Bishii July, sannadkii 2019-kii, wuxuu qarax wayn ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka iyo qaar ka mid ah agaasimeyaashiisa. Alle ha u naxariisto, Cabdiraxmaan Yariisow oo dhaawacmay ayaa loo qaaday dalka Qatar, halkaas oo uu ku dhintay. Ka dib dowladda waxay u saartay guddi baaritaan ku sameeya qaraxaas, balse wixii ka soo baxay arrintaas ayaana dadka lala wadaagin. Waxaa jiro warar sheegaya in qeyb ka mid ah baaritaanka wixii ka soo baxay loo gudbiyay masuuliyiinta dalka. Qaraxa waxaa ku dhintay masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyayaal, Agaasimayaal iyo dadkale oo katirsanaa maamulka gobolka Bnaadir. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaameen in bartilmaameedka uu ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalintaa booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir. Askartii loo diray Eritrea Ka dib markii ay dheceen isu soo baxyo ay sameynayeen dad kala duwan iyo waalidiin ka cawanayay in carruurtooda loo qaaday dalka Eritrea, ka dibna ay “ka dagallameen Itoobiya”, waxaa la saaray guddo soo baara arrintaas. Bishii July, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiintaas. Waxay dadkaas sheegayeen “in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.” Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnood ayaa la sheegay in ay u kuur geli doono xaaladda dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, ayaa weli soo saarin warbixinta baaritaankooda. Maalmo ka hor intaan guddigaas la dhisin, waxaa BBC Somali la hadashay hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo. “Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan. “Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini’aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay.” Dhacdadii 19-kii February Maalintaas waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo diidanaa dib u dhaca doorashada dalka. Musharrixiintaas ayaa sheegay in rasaas lagu riday, ayna kala carareen. Qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in la damacsanaa “in la dilo musharrixiinta”. Khilaafkaas oo aad u cakirmay, wuxuu sababay in ciidamo gadoodsan ay magaalada Muqdisho soo galaan, balse markii dambe waxaa kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrixiinta, waxayna isku raaceen in la dhiso guddi soo baara dhacdadii 19-kii Febraayo. Sidoo kale, habeenkii ka horeeyay wuxuu “weerar ka dhacay hotel ay degannaayeen” madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Guddigaas oo ahaa mid madax-bannaan oo ka koobnaa lix xubnoo, ayaan weli soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaankii ay sameeyeen. Waa guddi isku-dhaf ah oo ka kala socday mucaaradka, dowladda. ‘Afduubkii’ Ikraan Tahliil Bil ka dib markii la waayay Ikraan Tahliil, Xeer Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qalabka Side, ayaa guddi u saaray arrintaas si ay u soo baaraan. Janaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda, si ay u soo baaraan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Xilligaas, waalidiinteeda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxay tuhmayeen in hay’adda NISA ay “ku dhex maqan tahay” gabadhaas oo mar ka shaqeysay xafiiskii Yariisow, intii uu ahaa Gudoomiyaha Banaadir. Guddigaas weli lagama hayo warbixin ku saabsan baaritaankooda, balse dhowaan ayay dowladda shaacisay in “Al-shabaab ay dileen Ikraan” taas oo ururka iyo waalidkeedaba ay beeniyeen. Arrinta Ikraan ayaa khilaaf ka dhex abuurtay labada xafiis ee dalka ugu sareeya, taas oo weli taagan. Waxay sababtay in isbedello iska soo horjeeda ay sameeyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku kala socday NISA iyo wasaaradda Amniga. Waxaa mudo bil ka badan nolol iyo geeri aan lagy heyn Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, waxaana gabadhan markii ugu dambeesay gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan. Gabadhan ayaana kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana Ehelada gabadhan ,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kalaba sheegeen in Ikran tuhmayaan in ay afduubteen ama dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda NISA. Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Faray Taliska ciidamada Nabad sugida in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan. Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Ikraan Tahliil Faarax, kuwaa oo tuhmaya in maqnaashaha gabadhooda Taliska NISA ku lug leeyihiin. Isha: BBC SOMALI The post Afar guddi oo la la’yahay oo muujinaya qorshaha Farmaajo ee guddiga Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa durba ka fal-celiyey warqadii caawa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, taas oo lagu shaaciyey guddi uu u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo horay loogu eedeeyey inuu isagu caqabad ku yahay. Ugu horeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Oday Farmaajo kiiska Ikraan dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baaraya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa? Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?! Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!? Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!” Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri “Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladnimada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka mahadhada noqday. Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaaliyeed. Laguna baaba,iyo kiiska, waxba kama jiraanna looga soo qaado. Sida aan wada ogsoonahay kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad ee waa in maxkamadda loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda. Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri: “Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siyaaro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash farax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ayaa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay marayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wuxuuna u geeyey qaaddigii deggaanka. Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri “Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri “War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qirto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagtiina iyagaa qaybsaday” Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri ooraah caan baxday oo aheyd ; حاميها حراميها “Kii la raacshay ayaa lunsaday” Warqadaan wax kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay.” The post Siyaasiyiin jawaab deg deg ah ka bixiyey tallaabadii uu caawa qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Arrintan ayaa u muuqato marin habaabinta cadaalad u helidda kiiska dilka ahaa ee Ikraan Tahliil, Farmaajo ayaa NISA oo la tuhunsanaa ku daray kuwa soo baaraya kiiska Ikraan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horkacaya gudigan Farmaajo uu magaabacay oo ka kabooban:- 1-Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka. 2-Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda CQS. 3-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha booliska. 4-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. 5-Xubin uu soo magacaabo Agaasimaha Hay’adda NISA. Tallaabadan ayaa kuso aadaysa iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu faray Xeer ilaalinta Ciidmada Qalabka-sida in ay baarto kiiskan, Sidoo kalena Qoyska sarkaalad Ikraan Tahliil ay galdacwadeed ka dhan ah Fahad yasiin agaasimiihii hore ee NISA iyo saraakiil ka tirsan hay’adda ay ugudbiyeen maxkamadda Ciidamda qalabka sida. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faaee ku xardhan khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddi qaran oo baara kiiska Ikraan, kaas oo ka kooban 5 xubnood: Guddiga waxaa guddoomiye u ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana kamid ah xeer ilaaliyaha ciidamada qabaka sida, taliyaha ciidamada booliska, taliyaha ciidamada xoogga iyo taliyaha NISA ee lagu muransan yahay. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo kamid ah culimaa’udiinka degmada Laascaanood, ayaa maanta sheegay in Somaliland mas’uul ka tahay dilalka qorshaysan ee ka dhaca gudaha degmadaas. Waxa xusid mudan in dhammaan dilalkii ka dhacay Laascaanood mudadii Somaliland joogtay aysan jirin cid loo qabtay, waxaana u dambeeyay marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo habeen ka hor lagu dilay Laascaanood. Haddaba, aan wax yar dib u milicsanno dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay degmada Laascaanood mudadii Somaliland joogtay, kuwaas oo lagu laayay hal-door ay ku jiraan wadaado, cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin. 15 October 2007-dii, ayay Somaliland la wareegtay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii ay dagaal kaga qabsatay Puntland oo degmadaas gacanta ku haysay mudda sagaal sano ah. Inkastoo aanan halkan kaga hadlayn taariikhda ku saabsan dagaalkii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, haddana waxaan xusayaa in mudda saddex sano ah ay Somaliland ku qaadatay in ay si buuxda u caga-dhigato Laascaanood. Mudadii u dhexaysay 2007-2010, waxa socday dhaqdhaqaaq ku jihaysan in Somaliland laga xoreeyo Gobolka Sool, kaasoo bilowgii Puntland qayb ka ahayd, balse isaga hartay sannadkii 2008-dii, kadib markii ay wajahday sicir-barar iyo dhaqaala-xumo baahsan. January 2010, halkaan ayuu ka bilaaban musal-salka dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka socda mudada 11 sano ah, islamarkaana aysan jirin cid loo qabto, lana aqoon cid ka dambaysa. 16 January 2010, waxa xilli fiid ah gudaha Laascaanood lagu dilay Cismaan Cabdi Faarax oo kamid aha hal-doorka Gobolka Sool. Dilkiisa cidna looma qaban welina lama yaqaan cid dishay. 26 June 2010, Caaqil Xuseen Dalqaf Garcase ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2010, waxa Laascaanood lagu dilay aqoonyahan Saleebaan Dheere oo kamid ahaa bahda Waxbarashada Gobolka Sool. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 7 March 2011, Marxuum Maxamed Axmed Xirsi oo kamid ahaa hal-doorka Gobolka Sool ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 17 May 2011, waxa Laascaanood lagu dilay Shiekh Maxamed Ibraahim Samatar oo ka tirsanaa culimaa’duunka magaalada. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2011, Marxuumad maamo Cibaado Cilmi ayaa lagu dilay Laascaanood, Cidna looma qaban dilkeeda, welina lama yaqaan wax dilay. 6 October 2011, waxaa Laascaanood lagu dilay Ibraahim Axmed Shire oo kamid ahaa cuqaasha magaalada Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 24 June 2012, Laascaanood waxaa lagu dilay Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali (Dhuunkalax) cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay. 3 August 2012, Marxuum Cabdi Cawil Xasan (Jufe) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiis lamana oga wax dilay ilaa iyo hadda. 23 October 2012, weriye Axmed Saakin Faarax ayaa xilli fiidnimo ah lagu dilay gudaha Laascaanood, weli lama yaqaan cid dishay, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa. 8 December 2012, marxuum Cabdiraxmaan Ismaaciil Saleebaan ayaa lagu dilay Laascaanood ma jirto cid loo qabtay dilkaas wax dilayna lama yaqaan. Sannadihii 2013 ilaa 2015, waxaa dib u xoogaystay jabhado hubaysan oo ka jiray Gobolka Sool, kuwaas oo weeraro kala duwan la beegsaday ciidamada Somaliland, waxaana istaagay dilalka madax-jebiska ah ee ka dhaca gudaha Laascaanood, marka laga reebo ganacsade lagu magacaabi jiray Xasan Cabsiye oo Laascaanood lagu dilay 7 December 2015. 13 April 2016, marxuum Cabdullaahi Axmed Maxamed (Carrabey) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay ilaa iyo hadda. 3 September 2016, waxaa Laascaanood lagu dilay ganacsade Maxamed Xirsi oo kamid ahaa madaxda shirkadda Dahabshiil, cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan cid dishay. Bilowgii sannadkii 2017, waxaa dib u xoogaystay jabhaddii SSC ee Gobolka Sool, taas oo weeraro ka dhan ah Somaliland ka fulisay degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana istaagay dilalkii qorshaysnaa. 8 January 2018, Somaliland ayaa qabsatay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana tallaabadaas ka dhashay dagaallo dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo muddo sannad ah socday, iyadoo Laascaanood uu ka dhacay kacdoon dadweyne iyo muddaharaadyo rabshado watay. 2019, waxaa mar kale xoogaystay weeraro ay Jabhadda SSC ee Col. Faysal Falaalug ka waday Gobolka Sool, gaar ahaanna Laascaanod iyo Tukaraq, kuwaas oo ay ku beegsatay Ciidamada Somaliland, lamana soo werin wax dilal qorshaysan ah. 2 March 2020, waxaa Laascaanood lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilkiisa, lana aqoon wax dilay. 15 March 2020, waxa Laascaanood lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaana la sheegay in khilaaf kala dhexeeyay mas’uuliyiinta ka sarraysay. Dilkiisa cidna looma qaban. 31 July 2021, dabley hubaysan ayaa xilli fiidnimo ah Laascaanood ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Shire (Laba-go’le) oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland ma jirto cid loo qabtay dilkiisa. 11 September 2021, marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani ayaa lagu dilay Laascaanood, ma jirto cid loo qabtay dilkiisa ilaa iyo haddana lama oga cid dishay. FG: waxa macquul ah in ay jiraan dilal qorshaysan oo aanan xasuusnayn kana dhacay Laascaanood mudadaas 11-ka sano ah. W.Q: Cabdiraxmaan Ciise The post Laascaanood: Somaliland iyo dilalka qorshaysan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah: 1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye 2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen 3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin 4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin 5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda. Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta. Siisas badan oo isugu jira dilal, qaraxyo, askartii la geeyey Eritrea iyo arrimo kale oo guddiyo loo magacaabay ayaa waxaa warkooda ugu dambeysay markii guddiyadaas la magacaabay. Maxkamadda Ciidamada ayaa waxay guddiyada uga duwan tahay inaan baaritaankeeda la hor-istaagi karin, sidoo kalena ay u yeeri karto ciddii ay doonto, balse waxaa muuqata in Farmaajo uu middaas diidan yahay. Hoos ka akhriso warqadda The post Farmaajo oo kiiska Ikraan u magacaabay guddi, xilli uu weli diidan yahay baaritaanka Maxkamadda Ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta dhageystay khudbada ku dhowaad 30 mushariax oo u taagan tartanka xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamul goboleedkaas. Musharixiinta oo markii hore kor u dhaafiyey illaa 30 musharax ayaa hadda hoos u dhacay kadib markii qaar ka tirsan musharixiinta ay go’aansadeen inay isaga haraan tartanka xilli ay shalay ku ekeyd is-diiwaan gelinta musharixiinta. Musharixiinta is-casilay ayaa iskood u go’aansaday inay isaga haraan tartanka, waxaana xusid mudan inaysan dhiibin lacagta is diiwaan gelinta oo aheyd 20 kun oo Dollar, taasi oo qaar badan ku adkaatay Lixda musharax ee isaga haray tartanka ayaa waxay kala yihiin: 1- Mukhtaar Xuseen Afrax, 2- Dr. Cabdiraxmaan Muuse Xabbad, 3- Muxyadiin Xasan Afrax, 4- Maryan Maxamed Kuulow, 5- Cabdalla Maxamuud Cusmaan, 6 – Adna Xasan Mahad Cabdi Hoos ka aqris liiska musharaxiinta la diiwaan-geliyey ee isku soo haray A): 1- Muuse Suudi Yalaxow 2- Cabdullahi Sheekh Xasa 3 -Axmed Xasan Caddow 4 -Dr. Xasan Cadaay Cali B) 1- Maxamed Amin Shiikh Cusmaam 2- Daaha Muhudiin Sh. Daaud 3- Axmed Maxamed Call (Afcadeey) 4- Yussuf Macalin Xasan (Filla-Dheere) C) 1- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) 2 – Raage Xasan Cusmaan (Xuuti) 3- Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) D) 1- Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun 2 – Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) E) 1- Call Shacbaan Ibraahim 2- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir 3- Cabdullahi Axmed Tawaad 4- Caasho Xuseen Abuukar 5- Cabdalle Cabdi Xuseen F) 1- Xasan Iidow Muxumed Kobac 2- Cusmaan Axmed Macow 3- Cabdinuur Ibraahim Nuur G) 1- Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama 2- Sacdiya Yarrow Aadan H) 1- Naciimo Ibraahim Yuusuf 2- Zamzam Cabdullahi Xuseen 3- Maxamed Macallin Xasan Kulmiye 4- Abuukar Xasan Call (Maqaneey) The post Musharaxiin badan oo ka haray tartanka Aqalka Sare ee HirShabelle + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda. “Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan. Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah. Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF. The post Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo kale oo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Dubai becomes gateway for African multi-billion-dollar stationery imports Paperworld Middle East to attract African buyers as continent’s stationery market forecast to reach US $5 billion by 2027 DUBAI, United Arab Emirates, September 13, 2021/ — Dubai has emerged as a key export gateway for stationery goods which are in spiralling demand throughout Africa, according to a new report by market information advisory 6Wresearch. Its Africa Stationery Market report forecasts the continent’s stationery consumption will reach a value of US $5.04 billion by 2027, growing at a compound average growth rate of 2.4% annually from its current US $4.39 billion valuation. The report was produced by 6Wresearch on behalf of Paperworld Middle East, the region’s largest international trade exhibition for the stationery, paper, gifts, and office supplies industry, which will mark its 10th anniversary showing at the Dubai World Trade Centre from December 14-16 this year. It cites a growing education sector throughout Africa and upscale commercial sector investment as behind the surging demand. “Africa’s stationery market is majorly import driven, with Dubai being the major exporter to African countries,” says the report. South Africa, where office inventory is set to reach 14.83 million square meters by the end of this year, Egypt and Nigeria account for the lion’s share of the stationery and office supplies demand. “Office space in South Africa has been increasing over the past few years on the back of government initiatives to drive the real estate and corporate industries,” says the report. “Due to the increasing office sector outlook, new potential opportunities for deployment and use of video conferencing solutions in the corporate sector are expected to increase.” Education though represents 60% of overall sector demand in Africa and, though the COVID-19 pandemic has slowed demand with schools being forced to close, the report believes the sector will rebound by the end of this year. Given the forecasted demand and Dubai’s increasing role as a supply base for the continent, African buyers and suppliers are expected to be a significant force at Paperworld Middle East 2021, which is organized by Messe Frankfurt. The show, which was originally scheduled for March this year, has moved to the December date when it is likely to benefit from an influx of visitors for Expo 2020 Dubai. “This move to December was made following regular contact with our stakeholders,” explained Syed Ali Akbar, Show Director for Paperworld Middle East. “The feedback we received prompted the change of date, which is widely supported by our customers, partners and trade associations. “The show and the debut of its associated Gifts & Lifestyle Middle East exhibition will now open doors at the same time as Expo 2020 Dubai – a global mega-event that’s expected to attract more than 25 million visitors during its six-month run from October 2021 to April 2022. “These trade shows will benefit from the association with Expo 2020 so we can confidently predict an influx of new visitors from an expanded geographic footprint which means a wider opportunity base for exhibitors Source Paperworld Middle East Qaran News
-
Odayaasha Dan iyo Duco iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Cabdillaahi Abokor oo yeeshay kulan is laab-xaadhasho ah. Odayaal, siyaasiyiin iyo Masuuliiyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdillaahi Abokor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa xalay yeeshay kulan ay isku laab-xaadhanayeen, iskagana cafinayeen gardoofooyin iyo is jiidh-jiidh siyaasaddeed oo salka ku hayey doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka dalka ka dhacay, kuwaas oo ay Odayaashan iyo siyaasiyiintu u horseeday in ay Muxaafid iyo Mucaarad u kala jabaan, iyaga oo Xildhibaanno kala duwan wata. Kulan is laab-xaadhashada ahaa, oo qaar kale ka horreeyeen ayey Odayaashan iyo siyaasiyiintan, ayaa isku af-gartay in la isa saamaxo oo jewi cusub oo wada shaqayneed la bilaabo, madaama doorashadii dhamaatay, tii madaxtooyaduna soo dhawdahay. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kale ee kulankan ka qayb galay waxa ka mid ahaa Caaqil yare, Jaamac Rooble, Maxamed Cabdillaahi Mirre, Cabdi Qarax iyo Cabdiqani Xaaji Muuse. Source