-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxaa Khaldan: Caymiska gaadiidka (auto insurance) Somaliland? Bilihii u danbeeyey waxaa socday dedaalo uu hormood ka ahaa Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska Somaliland, Saleebaan Bukhaari, taas oo la doonayey in khasab lagaga dhigo gaadiidlayda dalku inay yeeshaan caymis (auto insurance). Hadaba waxaynu halkan u eegi doonaa sida khaldan ee Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku isugu dayey in si “fool erin” ah uu u hirgaliyo hawshan, caqabadaha waajahaya mustaqbalka dhow iyo sida loo waajihi karo. Ka dib markii Golayaasha xeer dejinta ay ansixyeen Xeerka Hay’ada Caymiska (Xeer Lr. 92/2021), ayaa madaxweynuhu wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’ada. Halkaa markay marayso waxay ahayd in la curiyo Xeerka Caymiska kaas oo sifo sharci u yeelaya, faahfaahina ka bixinaya waxyaalaha ay ka mid ka yihiin waajibaadka iyo xuquuqda cida la caymiyey (insured person/entity) iyo cida caymisay (the insurer). Ta labaad waxay ahayd in la magacaabo dhismaha Guddida Caymiska Qaranka (The National Insurance Board of Directors) ee xeerku sheegay. Intaa midna lama yeelin ee Gudoomiyihii Hay’ada ayaa soo saaray wareegto uu ku waajibinayo caymiska gaadiidka. Arintani waxay dhalisay guux iyo buuq aad u badan oo ka soo yeedhaya gaadiidlayda oo ay hormoood ka yihiin ganacsatada haysata macdaarada gaadiidka. Markii ganacsatadii macraarada iyo Gudoomiyihii Hay’adu ay waxba isku af-garan waayeen, waxay ganacsatadu dacwad u gudbiyeen Golaha Wakiilada oo guddi soo baadha u saaray arinkan. Maxaa dhacay hadaba? Maalin ka hor intaan gudidii Golaha Wakiiladu u saaray baadhida arinkani la kulmin Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska ayaa Madaxweyne Biixi soo saaray 18/9/2021 waraaq uu ku magacaabayo Gudida Caymiska Qaranka (National Insurance Board). Waraaqdu waxay muujinaysaa in Saleebaan Bukhaari, Gudoomiyihii Hay’ada Caymiska ee soo saaray warqada waajibinaysa caymiska gaadiidku uu yahay kaliya xubin ka tirsan Gudida Caymiska Qaran oo aanu xataa Gudoomiye u ahayn. Waxaa is waydiin leh markaa sidii ayaa xubin Gudida Caymiska ka mid ahi go’aanka saamaynta intaa leh u qaadan kartaa iyadoo aanay la ogayn Gudoomiyaha Gudida iyo xubnihii kale oo aan xiligaa magacownayniba. Waxaa intaas ka sii daran, in Maxkamada Sare soo saartay go’aan degdeg ah oo ay ku sharciyeynayso caymiska gaadiidka isla maalintii (18/9/202) madaxweynuhu magacaabay Gudida Caymiska. Magacaabida madaxweynaha iyo go’aanka Maxkamada Sare labaduba waxay u muuqdaan in lagaga hortagayo baadhitaanka gudida Golaha Wakiilada ee ka jawaabaysay cabashada ganacsatada macdaarada gaadiidka, isla markaana gabood sharci loogu samaynayo Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska oo xadgudub iyo ilduuf sharci oo badan sameeyey. Inagoo ay tahay inaynu ixtiraamno go’aanada Maxkamada Sare, haddana waxaan rajaynayaa inay maxkamadu dib u jaleecdo (Review) go’aankeeda iyadoo tix galinaysa si gaar ahna u fiirinaysa: 1) Caymisku (insurance) inuu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka oo Qodobka 5aad ee dastuurka Somaliland waajibinayo inay xeerarka dalku waafaqaan maadaama uu ku fadhiyo caymisku baycul qarar بيع الغرر oo xaaraan ah 2) Inay lagama maarmaan tahay in la curiyo xeerka caymiska kaas oo sheegaya inay khasab tahay qaadashada caymiska iyo inuu ikhtiyaar yahay 3) Inay sharci tahay go’aanka lagu waajibinayo caymiska gaadiidka ee uu soo saaray xubin ka mid ah Gudida Caymiska oo aan xitaa Gudoomiyahay Gudidu ka war hayn Si kasta oo ay u dhacdo, waxaan ku boorinayaa in Golaha Wakiiladu ka doodo nooca caymiska ee dalka laga hirgalin karo, xeerna ka soo saaraan. Abdillaahi A.Yare Qaran News
-
Diyaarada Air Arabiya Oo Mar Kale Dulimaadyadeedii Ka Bilawday Somaliland. Diyaarada Air Arabia Ayaa Maanta Ka soo Degtay Madaarka Hargeisa, Oo Dib U Bilawday Duulimaadyadeedi Hargeisa, Kadib In Mudo Ah Oo Ay xayirnayd Diyaaradu. Masuuliyiinta Air Arabiya Ee Somaliland Iyo Masuuliyin ka Tirsan Xukamada Somaliland Oo Ay Kamid Ahaayen Maareyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Cumar Sayid Iyo Wasiirka Biyaha Cali Hassan Ayaa Soo Dhaweeyey Rakaabka Saarna Diyaarada Iyo Shaqaalaheeda. Diyaarada Air Arabiya Ayaa Maalmaha Axada Iyo jimcaha Iman Doonta Garoonka Diyaaradaha Hargaysa. Qaran News
-
Aniga & Aabahay waxaan isku fara-saarnay Goob Dagaal waxaanu ku kala jirnay labo ciidan oo iska soo horjeeda Alemtsehay Kasa waxay darajo sare ka gaartay booliska ka dib markii la riday xukuumaddii milatariga Haweeney taliye boolis ah oo u dhalatay dalka Itoobiya ayaa BBC-da uga sheekeysay qisada ku saabsan sidii ay dabayaaqadii 1970-meeyadii iyadoo dhowr iyo toban jir ah ugu biirtay koox fallaago ah oo lagu magacaabo dhaqdhaqaaqa xoreynta shacabka Tigray-ga(TPLF), ayna goob dagaal ku wajahday aabaheed. Wuxuu gabadhan aabaheed markaas ka barbar dagaallamayay ciidamada dowladda Milatariga ahayd ee xilligaas ka arrimineysay dalka Itoobiya. “Aabaheen, Kasa Hailu wuxuu dhinaca siyaasadda kula dagaallamay dhammaan shan carruur ah oo uu dhalay. Laakiin aniga iyo isaga waxaan isku farasaarna, dagaal khaas ah oo lagu magacaabo Adi Emiru, markii aan isfara-saarnay ka dibna ugu dambeyntii wuxuu dib ula gurtay ciidankiisii dhaawacmay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Alemtsehay Kasa. Ms Alemtsehay hooyadeed waxay sidoo kale ahayd taageere daacad u ah Fallaagada TPLF, waxayna isku dayday inay ka dhaadhiciso ninkeeda, oo askari ahaa, inay ka badasho fikradda, sida ay gabadhooda sheegeyso. Waxay seygeeda u qortay warqad ay uga baryeyso inuusan dagaal uga hortagin gabadha 14 jirka ah ee ay wada dhaleen – laakiin wuu ku gacan seyray codsigaas, isagoo ku dalbaday in haddii ay wanaag dooneyso ay gabadhooda kasoo celiso fallaagada ay duurka kula jirto. Ms Alemtsehay markaas ka dib u dirtay warqad ay ku leedahay sidan: Hase ahaatee, Mar kale ayuu diiday inuu kasoo goosto ciidamada dowladda, oo lagu yaqaannay inay gacan bir ah kula dhaqmi jirtay mucaaradka, iyadoo kumannaan q foo dowladda kasoo horjeedayna la dilay. Alemtsehay Kasa oo ah qofka labaad ee dhinaca bidixda jira, waxay fallaagada TPLF ku biirtay iyadoo 14 jir ah Markii dambe Mr Kasa waxaa lagu dhaawacay dagaal kale oo la magac baxay Feres My, waxaana maxbuus ahaan gacanta ugu dhigay xoogagga fallaagada, ugu dambeyntiisa wuxuu isagoo maxbuus wali u ah geeriyooday sanadkii 1982-kii. Ms Almetshay waxay sheegtay in markii ay dagaal yahannada ay isku kooxda yihiin ka maqashay geerida aabeheed ay aad u murugootay. “Iima suurtagalin inaan aabahay dib u arko – aad baan u walbahaaray markii aan warka maqlay. Balse intaasoo dhan waxaa iiga sii darneyd in aabahay uu dhintay isagoo wali taageersan maamul dilaa ah oo aad u xukun adag”, ayey tiri. Muddo 17 sano ah ayey xoogagga fallaagada ku qaadatay inay xukunka ka tuuraan dowladdii milatariga ee Mengistu Haile Mariam, kaasoo dibadda u baxsaday sanadkii 1991-kii. Labo kamid ah Ms Almetshay walaalaheed ayaa sidoo kale ku dhintay intii uu dagaalka socday. Hadda oo ay tahay taliye ka tirsan booliska Itoobiya, ayna hooyo u tahay labo carruur ah, Ms Almetshay waxay sheegtay in ay wali ku faraxsan tahay doorkii ay ku lahayd afgambigii lagu sameeyay Mengistu, xitaa iyadoo arrintaas darteed ku weysay aabaheed iyo walaalaheed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey waraaq been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay sare usii kacday xiisadda ka dhaxeysa isaga iyo madaxweyne Farmaajo. Warqadda ayaa muujineysa in Ra’isul Wasaare Rooble ku dalbaday lacag ku jirta qasnadda dowladda. Warqaddan ayaa ku socota Bankiga Dhexe, iyadoo Ra’iisal wasaare Rooble ku dalbanayo in lagu soo wareejiyo lacagtii Imaaraadka Carabta ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa 9.6 milyan oo dollar, welina ku xayiran Bankiga Dhexe. Warqaddan ayaa waxaa si degdeg ah ah u beeniyey oo been abuur ku tilmaamay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Maxamed Ibrahim Macalimuu, wuxuuna war uu soo saaray ku yiri: “Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh”. Warqaddan ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ku tilmaamay inay muujineyso in Villa Somalia ay kusoo ururtay kaliya inay sameyso been abuur. “Halkaan ayay naf ka dooneen CBB-dii shaqa la’aanta la dhigay! Warqadddani kama duwana kuwii maalmihii dhoweyd xafiiska Villada ka soo baxayey,” ayu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia waxay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dambeysay faafinta waraaqdaan been abuurka ah si loo sumcad xumeeyo Rooble oo hadda u muuqda inuu haysto inta badan taageerada shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay sida uu uga falceliyey kiiska Ikraan Tahliil Warsame. Halkaan hoose ka arag waraaqda been abuurka ah ee laga sameeyey Rooble The post Yaa ka dambeeyey warqada laga faafiyey Rooble, maxaase ku qoran? appeared first on Caasimada Online.
-
Dabley hubaysan ayaa maanta dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ku toogtay qof shacab ah, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Galmudug. Kooxda oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Shire oo kamid ahaa ganacsatada xaafaddaas. Marxuumka ayaa lagu dilay goob dukaan ah oo uu kulahaa xaafadda Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaystay, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Laamaha Amniga oo halkaas hawlgal ka sameeyay dilka kadib ayaan weli gacanta ku dhigin kooxdii weerarka fulisay. PUNTLAND POST The post Dil ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Qarax miino ayaa markale xalay lagu burburiyay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan, oo dhawaan ka soo kabtay burburkii sanadkii hore loo geystay. Qaraxa oo lagu xiray gudaha garoonka ayaa warar waxay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qof, sidoo kale waxaa burbur xoogan soo gaaray qeybo ay ka mid yihiin dhismahii xafiisyada garoonka. Sawirro laga soo qaaday gudaha garoonka laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka soo gaaray qeybaha garoonka diyaaraha Buulo-barde. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu burburiyay garoonka Buulo-barde oo ay isticmaalaan ciidmada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti. Bishii Jun 2020 ayaa sidoo oo kale qarax lagu burburiyay garoonka diyaaradaha Buulo-barde. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Buulo-barde oo markale la burburiyay appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaasha Taalibaan Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa si rasmiya u xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha. Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso Wasaaradda Wacyigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha. Taalibaan ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka. Bayaan ay soo saartay Sabtidii wasaaradda waxbarashada ee ay maamusho Taalibaan ayaa lagu yiri ” Dhammaan macallimiinta iyo ardayda waa inay tagaan xarumahooda waxbarasho.” PUNTLAND POST The post Taalibaan oo beddeshay wasaaraddii Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Safar ugu baxay New York,halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkan. Khudbaddii uu u jeediyay guddiga Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan xoogga saari doonaa taageerada xooggan ee Turkigu u hayo dhinacyo badan iyo yoolka ah in la sameeyo nidaam caalami ah oo caddaalad ah.” Waxaan la wadaagi doonaa aragtideenna ku aaddan arrimaha muhiimka ah ee ajandaha Qaramada Midoobay. Fadhiga Golaha Guud, waxaan ku muujin doonaa sida aan u wajahayno caqabadaha halista ku ah dhammaan aadanaha ayuu Erdogan u sheegay wariyeyaasha garoonka Istanbul. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dalka Turkiga oo u safray New York appeared first on Puntland Post.
-
The launch of a national payments system has allowed Somalia to centralise its digital payments. The country is on the cusp of a digital revolution, with opportunity ripe for the picking. Source: Hiiraan Online
-
Warar Wargayska Waaberi ka helay ilo looga qaateen ah, waxa ay tibaaxeen inGuddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ay weheliyaan Siyaasiyiin kale iyo Madax-dhaqameed ay kullamo ku yeesheen toddobaadkii hore Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga imaraadka Carabta. Guddoomiyaha UCID ayaa la sheegay in uu toddobaadkii hore uu Magaalada Dubai kullamo kula yeeshay siyaasiyiin uu hoggaaminayey Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo madax-dhaqameed ay kamid yihiin Boqor Buurmadow,waxaana la sheegay in dhincayaddu ay yeesheen kullamo kale duwan,kuwaas oo la xidhiidha sidii ay siyaasiyiintaas ay ugu soo biiri lahayeen Xisbiga UCID, isla markaana ay uga soo dhex muuqan lahayeen saaxadda Siyaasadda iyo tartan doorashada Madaxtooyadda ee sannadka 2022-ka. Hase-yeeshee, Warar Wargaysku ka helay dhinacyo kala duwan, ayaa qaarkood xuseen in kulanka Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu salka ku hayey sidii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Siyaasiyiin kale oo sahan ahi ay ugu soo biiri lahayeen Xisbiga UCID,isla markaana ay ula shuraakoobi lahaayeen Guddoomiye Faysal,waxaanay ilaha aanu xogaha ka helnay qaarkood tibaaxeen in kullamadiis is afgarad ay dhinacyaddu ka gadheen arrimaha qaar. Dhanka kale Wararka amuurtan ku saabsan qaarkood, ayaa kulankaa ku fasiray inuu ahaa mid ka dhashay dalab uu Siyaasi Maxamuud Xaashi ka helay Guddoomiyaha Xisbiga UCID,dalabkaas oo ku aroorayey in Maxamuud Xaashi uu kamid noqdo Xisbiga UCID, maddaama oo uu si weyn oo toos ah uu ula shaqeeyey Xisbiga doorashooyinkii isku sidkanaa iyo tii shir guddoonka Golaha Wakiillada,maddaaama oo ay xiligan dalka ku soo wajahan tahay doorashada Madaxtooyadda Somaliland, waxa muuqata in Siyaasi Maxamuud Xaashi uu qudhiisu doonnayo inuu bannaysto meel uu hankiisa u mudd’ada dheer ku taamayey ee Musharraxa Madaxweynenimo uu ka muujiyo,isla markaana uu u tartamo Doorashada Madaxtooyadda ee kal dambe 2022-ka Xisbiga UCID Geesta kalene ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Xildhibaan Maxamed Khadar ayaa sheegay in ay u bilaabmeen kullamo dib loogu dar-dar gelinayo Xisbiga UCID,waxaanu sheegay in ay soo dhawynayaa cid kasta oo ku soo biiraysa ka xisbi ahaan, isla markaana u tartamaysa kuraas sare ee Xisbiga UCID “waxa innagu soo fool leh shir weynihii Xisbiga, waxa kale oo in la sheego ah in Xisbigu uu maanta 20 jir sadday,wax-yaabo baddan ayaan hadda gacanta ku haynaa, kullamo ayaa noo bilaabay, maantana kullan mihiim ah ayaanu leenahay oo xagga Xisbiga aanu ku leenahay,sida ugu dhakhasaha baddan ayaanu u soo cayimaynaa shir weynihii Xibsiga,”sharaf ayey noo tahay haddii dad baddan yimadaan oo lagu tartamo Xisbiga ,ciddii ka soo baxda meeshaas-na aannu u arragno ,ciddii na hoggaaminaysay waa sax,hadda Hoggaankayagu waa Faysal Cali Waraabe,haddii uu hoggaan Faysal ka hoboon uu yimaado waanu doorran.”ayuu yidhi Haddaba, inkastoo ‘War jiraaba uu Cakaara iman doono’, sidaa awgeedna maalmaha fooda inagu soo haya si cad loo kala ogaan doono ujeedooyinkii dhabta ahaa ee kulankani daarnaa. Source
-
Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore socdaal ku tegay Magaalada Boorama, ayaa la sheegay in uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedkaiyo Haldoorka Gobolka Awdal,kuwaas oo la sheegay inay natiijo la’aan ku soo dhammadeen. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in wax-garad reer Awdal ay kale hadleen tabashooyin kale duwan oo ay ka tabanayeen Xukuumadiisa,kuwaas oo ay kamid ahayeen saamiga Xukuumaddiisa iyo qadiyadda Banka Wajeele iyo jidka Berbera Corridor iyo arrimo kale. Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahaa mashruuca banka Wajaale, mashruucaas oo sida aynu ka war hayno dan guud ah,hase-yeeshee dadka la degaanka ah ayaa lagaga daray degaano, Gobolka Awdal waxa ka jirta tabasho ah in Madaxweynuhu uu ku ciiray degaanka reer Dilla ,isagoo ugu magacdaray in Mashaariic horumarineed laga fullinayo Banka Wajaale,lakiin’se ay ka muujiyeen dhalliilo farra baddan.” Waxa uu intaas ku sii darray “Madaxweyne haddii aad horumarin ka fullinayso ka caddaalad samee, haddi aad maalgashi ka fullinayso ka caddaalad samee, haddii si kale looga faa’iidaysanayo aad ka samaynaysona ka caddaalad samee gacantaada ayey ku jirtaaye.”ayuu yidhi Xoghaye Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in reer Awdal ay Madaxweyne Biixi kale hadleen jidka Berbera Corridor,kaas oo laga leexinayo halkii saxda ahayd “Qoddobka kale ee Madaxweynaha lagala hadlay waxa kamid ahaa Berbera Corridor oo ah jid gacansi oo isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya , Berbera marka laga soo bilaabo ilaa Wajaale waxa uu maraa jidkaasi Degaanka uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi,saddex killo mitir oo keliya ayuu ka maraa Gobolka Awdal ,waxay dadku tabanayaa in saddexdii kiillo mitir ee uu ka marayey Gobolka Awdal uu Madaxweynuhu ka leexiyey uuna marinayo koonfurta Wajaale,Ganacsato ay isku hayb yihiina uu yidhi maalgashada,su’aalihii laga weydiiyey Madaxweynaha waxa aan xog oggaal u ahay in aanu wax baddan ka qancinin,lakiin waxa aanu ku leenahay Madaxweyne dalku waa dalkaagii addigaana ayaana Madaxweyne u wadda ah, waddada halkii uu sarfay-gu marray marri caddaaladana illaali Gobolka Awdal,waxa uu kamid yahay waddanka aad Madaxweynaha u tahay .”ayuu yidhi Geesta kale Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Reer Awdal ayuu sheegay in ay Madaxweyne Biixi kale Madaarka Magaalada Boorama iyo dhismaha jeelkii weynaa ee Gobolkaas,maddaama oo la iibiyey jeelkii hore “Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahayd ee kale madaarka Magaalada Boorama,kaas oo la weydiiyey inuu dhisayo iyo in kale waxa uu sheegay haddal aad uga nixiyey haldoorkii hor fadhiyey oo uu yidhi waxani ma Madaar-baa,Waxa kale oo lagala hadlay Madaxweyna jeelkii Magaalada Boorama ku yaallay oo maanta haddii qof in la xidho dadkii loo daad gurraynayo Gobollada kale iyo degmooyin kale ,Gabiley ,Hargeysa iyo Mandheera,Madaxweynuhu jawaab waafi ah oo lagu qanco taanna kama uu bixinin “ayuu yidhi Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ognahay in jeelkii hore la iibiyey ku kalena la dhisin ,lakiin illo xog-oggaal ahi waxay tilmaamayaan in jeelkaa laftiisa lacagtiisii la musuq-maasuqay, isla Madaxweynaha ayey ku maqan tahay,taana Madaxweyne addiga ayaa jawaab waafi ah lagaa sugayaa.” Gunnaanadkii Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa sheegay in kullamadii uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo qoor weynta reer Awdal ay ku soo dhammadeen natiijo la’aan”Kullamadii gooni goonida iyo guud ahaanba lahaa ee uu reer Awdal la yeesheen Madaxweyne Biixi waxay ku soo dhammadeen natiijo ma dhallays ah.”ayuu yidhi Source
-
Diyaarada Air Arabia ayaa maanta duulimaadkeedii ay ku iman jirtay Somaliland dib u bilowday, waxay soo caga dhigatay maanta 1:00 duhurnimo 19/9/2021 garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha Hay,adda Duulista oo uu horkacayo Maareeyaha Guud Cumar Sayid Cabdilaahi Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland xildhibaano iyo masuuliyiinta diyaarada Air Arabia. Source
-
Tan iyo intii uu Xisbiga KULMIYE qabtay xilka Madaxweynenimada dalka sannadkii 2010-kii,waxa isa soo tarayey mar-ba marka ka dabaysay dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Magaalada Laascanood,kuwaas oo ah qaar lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan. Dilalka qorshaysan ee mudda’daa 11 sanno ee uu xilka hayey Xisbiga KULMIYE ka dhacay Magaalada Laascanood,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiinta kale duwan,ayaa tiradoodu kor u dhaaftay 70 qof,kuwaas oo isugu jiray masuuliyiin iyo haldoorkii Gobolkaas,waxaana la sheegay in aan gacanta lagu dhigin inta baddan gacan ku dhiiglayaashii fallalkaasi geystay,iyadoo uu ugu dambeeyey dilaalkaasi qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka Gobolka Sool dilkii habeen hore loo geystay Marxuum Xildhibaan Cabdirasaaq Gardoofe oo 12 bishan September 2021-ka lagu dilay guddaha Magaalada Laascanood. Dhanka kalene Sannadkan hadda aynu ku jirno iyo sannadkii hore ee 2020-kii ayaa dilalka ka dhacay Magaalada Laascanood ay yihiin qaar lagu beegsaday nin doorkii Gobolka Sool,isla markaana lagu khaarajiyey masuuliyiin kale duwan,kuwaas oo aan gacanta lagu soo dhigin cidii dilka u geysatay. 1. Guddoomiyihi Maxkamadda Laascanood Xasan Shiikh 2 march 2020 2. Taliyihi Sirdoonka Gobolka Cabdiqani Guhaad 16 march 2020 3. Guddoomiye ku- xigeenkii Maxkamadda Laascanood Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, 18 November 2020 4. Xubin katirsan Wasaradda Maaliyada Gobolka Sool Cabdirashiid 5. Guddoomiyihi Komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Labagole 31 Juun 2021 6. Xubin Golaha deegaan Magaalada Laascanood Cabdirisaq Cardoofe 12 september 2021. Geesta kalena Dilalka qorshaysan ee lagu ugaadhsanayo haldoorka Gobolka Sool ayaa u muuqda qaar xidhiidhsan,kuwaas oo isku mid ah, maddaama oo ay ka siman yihiin in aan la qaban oo aan gacanta lagu dhigin gacan ku dhiiglayaashii falalkaas ka dambeeyey. Xukuumadda KULMIYE ayaa inta baddan lagu canaantaa in aanay falalkaas si weyn uga hawlgelin,isla markaana aanay war-bixino ay ku qancaan bulshada reer Sool iyo gud ahaan-ba bulshada reer Somaliland ka soo saarin” ‘Dil Walba oo ka dhaca Laascaanood waxaa Masuul ka ah Somaliland,Dilalka Qorsheysan waxay ka bilowdeen magaalada Laascaanood 2010 , waana intii ay Somaliland Joogtey ,iyadaana masuul ka ah .”Sh C/Naasir Xaaji Axmed Source
-
Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax ayaa salluug ka muujiyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi,taas oo uu sheegay in aanay wax xil ah ka hayn beesho,isla markaana aanay metelin masiirka Beesha Wasiir ku-xigeen Yurub Abiib,maddaama oo ay tahay haweenay. Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan”Madaxweyne Muuse Biixi intii uu xilka qabsaday wax allaale wax uu noo dhiibay ma jirto Golayaashiisa Hay’addaha uu Magacaabo wax uu nagaga daray ma jirto,laba iyo sideed tannaad 82 ayaanu ahayn SNM dadkii nagaga dhintay illaahay ayaa oggaa ,waxa aanu ka dagaalamaynay dulmiga ayey ahayd ,beeshan dhexe dadka kalena wey dulmiday iyaduna wey is dulmiday,waxa aanu kamid nahay inta la dulmiyey .” Waxa uu intaas ku sii daray “Halka ay sartu ka qudhintay waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan wax-ba tirade nagu darrin ama saamiqaybsiga ayaananu kuba jirin annaga iyo beelo kale,waxa aanu leenahay dib ha loo eego Axdi qarameedkii beeluhu ay ku gadheen 1991-kii shirkii Burco “ Dhanka kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in aaanay gabadhi masiirka beesha matelin “Masiir ummaddeed gabadhi ma qaadi karto mana aqbali karno nama mateli karto,waayo waa dumaashiday weeye,beel ma noqon karto ,masiir ummaddeed qof dumar ahi ma qaadi karto oo illaahay ma oggola, annaguna ma oggolin “ayuu yidhi Geesta kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in Madaxweyne Biix uu khadka ka saaray beesha ayuub “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland wuu naga saaray khadka wax uu noo dhiibay ma jiraan walaa wasiir ku-xigeen ayaananu lahayn,beeshani cabasho baddan ayey qabtay inay la kullanto Madaxweynaha wey isku dayday,lakiin meel ay u marto ayey weyday, taas ayaa caddaynaysa in aanay meesha cidi noo joogin.” Source
-
Waxaa maanta [19/092021/ loo madlan yahay in jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland, gaar ahaan Amsterdam iyo agagaaraheeda ay dhageystaan natiijadii ka soo baxday baaritaanka guddiga dhexdhexaadinta [Tilburg] oo in muddo ah ku howlahaa in ay baaritaan ku sameeyaan khilaafka u dhexeeyey guddiga maamula masjidka Quba Amsterdam, waxaanna lagu wadaa in mushtamaca la wadaagaan wixii ka soo baxay baaritaaankooda, iyada oo qaddiyada ku saabsan khilaafka masjidka ay si weyn u dhibsadeen Soomaalida dalkan ku dhaqan & kuwa dacalada dunidda ku sugan. Khilaafka masjidka, wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim & Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka & howlwadeenada masaajidka. Guddiga maanta natiijada warbixintiisa la sugayo oo isugu jira odayaal indheer-garad ah fadhigooduna yahay Tilburg & Eindhoven ka sokow; Sidoo kale khilaafka dadka ku soo baxay ee degan Amsterdam iyo agagaarkeeda waxaa ka mid ah guddi ay xubno ka yihiin Cali Waare & Eng. Faysal oo ah aqoonyahanno ka mid ah hormuudka Soomaalida, waxaanna siddeedii cisho ee u dambeysay ee la sugayay natiijada baaritaanka dhacday 2 dhacdo oo xaalada khilaafka kaga sii dartay. Dhacdada hore, wadaadka Shiikh Suldaan Gasle ayaa Axadii shir uu isugu yeeray mushtamaca Soomaalida, madasha ka sheegay in sababta khilaafka keenay ee loo cayrsanayo ay kow ka tahay isaga oo hortaagnaa dhaqaalaha masjidka oo si shaqsi ah loogu tasarufay; dhinaca kale na wuxuu duray dhexdhexaadnimada guddiga odayaasha Tilburg. Dhacdada 2aad ayaa aheyd; 14-kii bishan in Shiikha xilli habeenimo ah loo geeyey warqad lagu wargelinayo in marka subaxa la gaaro inuu masjidka isaga tago, waxaana Shiikhu arrintaasi uu ku wargeliyey qaar ka mid ah mushtamaca Soomaalida, isla subixii loo balansanaa in Shiikhu isaga tago masjidka waxaa afaafka hore ee masjidka soo buuxiyay dad Soomaali ah, una badnaa dumar iyada oo sawaxankii & qeylada dadkii u soo baxay inaan Shiikha masjidka laga saarin ay sababtay in boolis goobta uu yimaado, waxaanna xaaladu ku dhammaatay in Shiikha amar lagu siiyo inuu masjidka isaga tago. Muuqaalada shaashadaha laga arkay ee tilmaamaya Shiikhii iimaamka ka ahaa masjidka tan & markii la aasaasay, dad badanina u aqoonsanaayeen inuu ahaa [Shiikhul-balad] waxay noqotay dhado dad badani ka careysiisay. Dadka qaar doodoodu waxay aheyd xittaa calal-aqal haddii Shiikhu qaldanaa waxay aheyd inuu ku baxo xaalad taasi ka duwan. Labadaas dhacdo ee dhacay intii ay dhexdhexaadintu socotay waxay soo xireen albaab kasta oo suurtagelin karay in khilaafkaasi waqtiga dheer soo jiitamayay xal loo helo. Wareysiga maanta aynu la yeelanay Guddiga masjidka ku haray, oo ahaa waraysigii ugu horreeyey ee ay bixiyaan Guddiga, iyaga oo sababaha aamusnaantooda dheer ku sheegay in uu jiray heshiis laga saxiixay labada daraf markii ay dhexdhexaadintu billaabaneysay, heshiiskaas oo qeexayay in labada dhinac aysan saxaafadda la hadli karin inta guddigu howshiisa baaritaanada uu soo dhammeysanayo, iyada oo laga duulayo in xaaladda aan looga sii darin. [Heshiiskii oo qoraal & saxiix ah waxaa na tusay C/llaahi Qalaf & Guuleed Wayrax]. Kulanka saxaafadda ay isugu yeereen guddiga ku haray masjidka waxaa goob joog ka ahaa Guuleed Wayrax, Shiikh Ibraahim oo loo yaqaan [Abuu-Khadiija], C/llaahi Khalaf, Xassan Barre, Guuleed Xersi & xubno kale. Guddiga masjidka waxay u xilsaareen in su’aalihii saxaafadu ay weydiisay guddiga inuu ka jawaabo Guuleed Wayrax oo maamulka guddiga ka tirsan. Guddiga ayaa sidoo kale fursad u siiyay saxaafadda in ay la wadaagaan dokumintis muujinaya heerarka khilaafku soo maray. Su’aalaha la weydiiyay Guuleed waxaa ka mid ahaa; Inuu si koobban u sharaxo sida khilaafku ku bilowday & marxaladihii uu soo maray, wuxuuna ku jawaabay: “Masjidka wuxuu ku aasaasmay dad walaala ah oo isu tegay, Jaaliyadii SOMVOA ee xilligaasi jirtay ee aynu ka wada tirsaneyn waxay ka koobnayd qeyb howlaha ishtimaaciga u xilsaarnaa, waxaanna horkacayay waddaadada & qeyb maamulka qaabilsan, walaalo uu ka mid ahaa Abuu-Khadiijo oo magaalada nala dagan ayaa qeybtaas hayn jiray aniga iyo walaalo kale waxaan kaga soo biirnay Amsterdam west, intii aan masjidka la aasaasin waxaan si weyn kaga qeybqaadan jirnay marka dalkeena ay ka dhacaan arrimaha masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha, mushtamaca dalkan Holland degan waxay kaga duwan yihiin Soomaalida kale ee qurabaha waa dad aan shaqo ku lahayn qabiil & xisbi oo midnimo ku caana-maala, waana tan dhaxalsiisay in masjidkan oo ka mid ah masaajidada ugu quruxda badan dalka, kuna yaal xuduntii dalka in ay dhistaan. “Fikirka quseeya in loo baahan yahay masjid, wuxuu yimid markii ay nagu yaraatay goobtii masaajidka & dugsiga ee waddaadu ay ku shaqeynayeen, waxaanna is tusnay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo muásasaad ballaaran, howsha masjidka waxaan bilownay 2007, muddo kaddib Shiikha ayaa ku wargelinay, markii aan aragnay in lacagtii la uruuriyay ay badan tahay ayaa billownay raadinta dhul aan ribo lahayn, mu’asasada waxaa ku qornaa Nuuradiin, Abuu Khadiija & Guuleed markii la aasaasayay 2008-dii, 3 sanno kaddib oo ku beegneyd 2011 ayaa go’aansanay in Shiikha ku soo biirino guddiga, waxaanna ka dhignay Guddoomiye. Markii masjidku furmay howlo badan ayaa soo fakaday, jaanibyo badan ayaa u baahday in howshooda la tayeeyo, sida in dadkii masaajidka ku xirnaa in la badiyo, tabarucaada oo uu masjidku ku socday la xoojiyo, dhinicii tahliinta iyo dacwada la ballaariyo, waxaa dhacday in dhinicii dacwada sidii la rabay horumar looga gaari waayo, khilaafka wuxuu salka ku hayaa horumarkinta dacwada & khidmada masaajidka. Annaga muddo badan ayaa isku daynay inaan qaab is fahan ah ku wajahno, waa dhalan waysay isfahamkii, halkaas ayuu khilaafku ka bilowday. Teeda kale, intii howsha dhedhexaadintu socotay khilaafka waxaa ku soo baxay dhinacyo badan waxaa ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo UK joogta, go’aankoodu wuxuu ahaa in Shiikhu dacwada uu ekaado howlaha maamulkana uusan soo fara gashan, sidaas ayaa lagu xaliyay shiikhana waa aqbalay, muddo kaddibna khilaafku wuu soo noqday. Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay, Arrimaha Shiikhu idinku eedeeyey waxaa ka mid ahaa; ku-takrifal hantida masjidku leeyahay, doodaas maxaad kaga jawaabaysaan.? “Masaajidka lacagaha ka baxaayo Accoun-ka masaajidka wuxuu leeyahay 3 kaar bangi. Lacagaha la isticmaalo waa lacago maalin walba [daily] la isticmaalo, waxaanna ruqsad loo weydiiyaa 3 qofood oo kala ah: Shiikh Suldaan, aniga & Cabdullaahi Qalaf, lacagaha ka baxsan [daily] waxay ku baxaan ogolaanshaha aniga & Shiikha, mana jirin lacag qasnada masjidka ka baxday oo aanu Shiikhu saxiixin Waxaan haynaa lacag kasta oo masjidka qasnada ku soo dhacday & sida ay ku baxday. Guuleed, waxaa kale oo la waydiiyay su’aal ahayd; Haddii loo baahdo in baaritaan lagu sameeyo bangiga masaajidka lacagihii soo galay & sidii ay lacagahaasi u baxeen xilligu Shiikhu sheegayo in wax la is-daba mariyay baaritaan madax bannaan ma ogoshihiin.? Wuxuu ku jawaabay: “Haa, sannad walba xisaab xir waa la sameeyaa hay’aad annaga naga madaxbanaan ayaa sameysa wax kasta oo aan sameynayo isaga oo digital ah ayaa la hayaa, way sahlan tahay in qofku hadal iska yiraa, laakiin cid kasta ee wax sheegta waa in ay cadeysaa, marka Shiikha ha na tuso lacagta lagu tasarufay” Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd; Dadka Soomaalida ah ee u aqoonsan Shiikha inuu masjidka oday ka ahaa, kana careysan sida aad Shiikha ula dhaqanteen ama ku sagootiseen maxaad dadkaasi oran laheydeen.? Guuleed, wuxuu ku jawaabay: “Waxaa ina qabsatay 2 darran mid doorta, Shiikhu iyada oo natiijadii baaritaanka laga dhur-sugayo isagaa booliska dacwad geeyey oo [Aangift] sameeyey, booliska inuu masjidka yimaado annagu raali kama aynaan ahayn, umana yeerin. Shiikha dadka isaga ayaa u yeeray oo cajalad u duubay, waxaa nasiib darro in dadkii yimaaday aysan dhihin war Shiikhoow xaalada deji, annagu ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan Shiikha la hadalno oo aan dhahno warqada gurigaaga ku sug, dadkii xittaa markaas yimid ee careysnaa markii ay booliska tageen waa aan dhageysanay, horayna waa isugu daynay inaan dejino, markii dambe cabashadooda waa dhageysanay. Su’aal kale, oo la weydiiyey waxay aheyd, Markii boolisku yimid waxaad tiraahdeen Shiikha ha baxo, dadka bannaanka dhoobana ha la hadlo, sidii ayeey boolisku yeeleen, shalay Video aad soo duubteen waxaad sheegtay in Shiikha aydnaan ku qasbin inuu baxo, hadaladiina sow is khilaafi maayaan.? Guuleed, wuxuu sheegay in Shiikha ay ku wargeliyaan bixitaankiisa, balse aysan ku qasbin xilliga uu baxay. “Boolisku, markii uu yimid ee dadka uu sarta ka saaray annaga iyo Shiikha waa ay nala kulmeen, Shiikha waxay ka dalbadeen inuu dadka kala diro, isagana uu iska baxo, markuu bannaanka u soo baxay wuxuu ku yiri dadkii meesha isugu soo baxay, raggani booliska waxay ka dhaadhiciyeen inay yihiin milkiilayaal [Eigenaar], wuxuuna u sheegay in hantidooda oo ay iyagu leediyihiin ay si kale u dhacsadaan. 9-ka subaxnimo inuu baxo ayeey aheyd waxaan dhahnay ha iska joogo isaga waqtiga uu rabo ha baxo. Booliska markii uu nala fadhiyay waxaan ku niri wixii dhexdeeana ah annaga ayaa xalineyno, dumarka maadaama shiikhu u yeeray annaga iyo Shiikha oo wada jirna inaan dadkaas hor istaag markii uu soo baxay Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay sida uu arko in waddaadadu xilligii ururkii SOMVOA iyo maamulkiisa ay is-qabteen inay ku doodeen in boolis loogu yeeray, in ku dhowaad 15 sanno kaddib iyagii ay boolis isugu yeeraan, sida uu tillaabadaasi u arko.? Guuleed wuxuu sheegay in waddaadadu marnaba aysan oran boolis ayaa na loogu yeeray. “Walaalaha SOMVOA waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee aan ku wargeliyay markii dhulka la gaday, weliba waxaan ka dalbanay in ay dhismaha na la soo dagaan inkastoo markii ururkaasi burburay” Ayuu yiri Guuleed Wayrax Arrinta kale, ee ay muhiimka tahay in halkana lagu xuso ayaa ah; been abuur laga sameeyey walaal Guuleed Xersi oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka u qidmeeya. Warbixinadii hore ee masjidka laga qoray mid ka mid ah ayaa lagu xusay in maamulka masjidku iyaga oo isticmaalaya dhaqaalaha masjidka in baabuur taksi ah ay u iibiyeen Guuleed Xirsi. Baaritaan ay saxaafaddu sameysay markii uu warkaasi baxay waxaa la soo ogaaday in Guuleed Xirsi uu arrintaasi beri ka yahay, taksiga uu wato-na uu ku iibsaday lacagtiisa. The post Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen. Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub. Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob. Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin. Source
-
Maxkamadda Sare Oo amartay Wasaaradda Gaadiidka in ay dib u eegis ku samayso lacago kala duwan oo laga qaado Gaadiidka Dekedda Berberaa ka soo degaya. Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aamo ay shalay soo saartay, waxa ka mid ahaa in ay Wasaaradda Gaadiidku dib u eegis ku samayso lacago ay la cowdeen Gaadiidlaydu, kuwaas oo ay ka qaado Wasaaradda Gadiidka, waxaana lagu yidhi go’aankan Maxkamadda sare ” Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. Source
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalmaha soo socda wada-hadal taleefon la yeelan doona dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, xilli ay xiisad diblomaasiyeed ka dhex oogan tahay labada dal ee xulufada ah, waxaas sidaas sheegay afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Gabriel Attal. France waxay raadin doontaa “sharaxaad” ku saabsan baabi’inta dalab ay Australia ku iibsan laheyd gujisyada Faransiiska, kaasi oo hadda ay ka iibsaneyso Mareykanka, sida uu Attal u sheegay taleefishinka BFM TV. Dhinaca kale, Australia ayaa maanta difaacday ka bixidda heshiiska gujisyada Faransiiska, waxayna sheegtay in muddo bilo ah ay Paris la wadaageysay walaacyo ay ka qabto, kahor inta aanay heshiis cusub la saxiixan Mareykanka iyo Britain. “Kama shaleynayo go’aanka aan danta qaranka Australia uga dhigay midda koowaad,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Scott Morrison. Australia ayaa ka baxday heshiis ay 2016 la gashay shirkadda Faransiiska ee Naval Group ay ugu dhisi laheyd gujisyo, waxayna Khamiistii ku dhowaaqday inay sideed gujis u dhisi doonaan Mareykanka, taasi oo qeyb ka ah heshiis amni oo ay sidoo kale Britain ku bixin doonta taknoolajiyadda. Tallaabadan ayaa ka carreysiisay France, oo xulufo NATO la ah Mareykanka iyo Britain, taasi oo dhalisay inay u yeerato safiiradeeda Washington iyo Canberra. Marrison ayaa sheegay inuu dareensan yahay niyadjabka Faransiiska ee baabi’inta dalabka oo lagu qiimeeyey 40 bilyan oo dollar, hase yeeshee wuxuu ku celiyey in Australia ay go’aanadeeda u qaadato si waafaqsan danteeda ugu wanaagsan. “Tani waa arrrin bilo ka hor aan shaqsi ahaan usoo hadal qaaday, waana ka wada-hadleynat arrintan, ayada oo uu qeyb ka yahay wasiirka difaaca” ayuu yiri Morrison. Heshiiskan cusub ayaa wuxuu horseeday xasard diblomaasiyad oo ka dhex-qaraxday Washington iyo Paris, taasi oo fallanqeeyayaasha ay sheegeen inuu horseedi karo waxyeelo raagta oo ku timaada isbaheysiga Mareykanka ee Faransiiska iyo Yurub. Paris ayaa baabi’inta heshiiska ugu yeertay “dhabarka oo laga mindiyeeyey,” ayada oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jean-Yves Le Drian uu sheegay in xiriirkooda Mareykanka uu ‘qalalaase” galay. REUTERS + VOA The post Xiisadda Faransiiska kala dhaxeysa Mareykanka iyo Australia oo xaalad cusub gashay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey Xeer Muhiima ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen. Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub. Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob. Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin. Qaran News
-
Al-Shabaab oo buburisay Garoon diyaaradeed oo cusub & Dhismayaashii Nasashada + Sawirro Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran. Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac. Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay saacado badan, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan maamulkaasi. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweyne Lafta Gareen oo qeyb ka ah mas’uuliyiinta ku howlan qaboojinta xiisadda ka taagan dalka. Baydhabo ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee Soomaaliya. Si kastaba, kulamadan siyaasadeed ee is-daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah dalkana ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.