-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul-wasaarihii hore ee Israel Netanyahu oo fadeexad Laf-jab ka faafiyey Joe biden Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo. Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” “Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur. Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda Soomaaliya, kadib markii afduubka Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, uu horseeday khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, saraakiisha Mareykanka ayaa hadda qaba su’aalo la xiriira heerka xasilloni-darrada Soomaaliya, iyo haddii istaraatiijiytadda Washington ee ku aadan Soomaaliya ay u baahan tahay isbeddel. Michael McCaul, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, islamarkaana ah Jamhuuri laga soo doorto Texas ayaa sheegay inuu aad ula socdo khilaafka siyaasadeed Soomaaliya, uuna “aad uga walaacsan yahay halka Soomaaliya ay ku wajahan tahay.” “Ayada oo ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Soomaaliya, oo Al-Qacida ay dhiiri-gelin ka heshay wixii ka dhacay Afghanistan, waa dhab in Al-Shabaab ay taas maskaxda ku hayo,” ayuu yiri McCaul. “Weli waa halis, waxayna awoodaan inay halis geliyaan danaha Mareykanka iyo dhulka Mareykanka.” “Nasiib darro sanado badan oo Mareykanka uu taageerayey ciidamada Soomaaliya, kuna bixiyey balaayiin dollar, taasi waxba kama baddalin xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri McCaul. Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, balse waxaa cad in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu dhaawacay kalsoonidii lagu qabay dowladda federaalka. Qoraalka Jimcihii kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya. The post Mareykanka oo dib uga fakaraya Soomaaliya kadib khilaafkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Feedhyahanka shaaciyey inuu doonaayo inuu madaxweyne ka noqdo dalkiisa Feeryahan Manny Pacquiao Feeryahanka u dhashay dalka Philippine, Manny Pacquiao ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne xilli sanadka dambe lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorasho. Ninkan waxaa soo xushay garab ka tirsan xisbiga PDP-Laban ee haya talada dalkaas. Marka laga reebo xirfaddiisa feerka, Mr Pacquiao oo 42 jir ah, waa xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Philippines. Madaxweynaha hadda haya talada Rodrigo Duterte ayaa laga hor istaagay in mar kale uu xilka madaxtinimada isku soo sharaxo balse waxaa soo xushay garab kale si uu ugu tartamo xilka madaxweyne ku xigeenka, tallaabadan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay, waxaana lagu tilmaamay isku day uu awoodda mar kale kula wareegi rabo. Waxaa feeryahanaka loo xushay in uu la tartamo nin lagu magacaabo Christopher “Bong” Go balse ninkan ayaa sheegay in uusan dooneyn in xilka xisbiga uu kala wareego madaxweyne Duterte. Halka xisbigiisa ay ka codsadeen Mr Go in uu dib u eegis ku sameeyo go’aanka uu ka qaatay arrintaas. Tallaabadan ayaa horseeday in gabadha madaxweyne Duterte, Sara loo soo jeediyo inay ku tartanto xisbigaas uu Mr Go ku gacan seyray. Markii uu feeryahanka ahaa Mr Pacquiao wuxuu ku guuleystay tartamo caalami ah oo feerka ah. Waxaa dhawaan ka adkaaday feeryahan u dhashay dalka Cuba, wuxuu sheegay in uu ka fariisanayo tartanka feerka. Feeryahanka oo ka hadlay markii loo soo xulay musharraxa doorashada madaxweynaha, wuxuu yiri ” Haddii aan ahay feeryahan, mar kasta gudaha iyo dibadda ayaan ka dagaallami doonaa” Mr Pacquiao wuxuu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono musuq maasuqa iyo macluusha. Waan nin caan ka ah dalka Philippine balse wuxuu wajahaya caqabado dhowr ah. Ma kala cadda in garabyada isaga baxay xisbiga haya talada ee PDP-Laban uu guddiga doorashada dalkaas uu aqoonsano xisbi iyo in kale marka la gaaro doorashada 2022-ka. Qaran News
-
Taliban oo Baaba’iyey wasaaraddii Arimaha Haweenka+Wasaaraday ku bedeleen Taliban ayaa u muuqataa in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday wasaaradda qaabilsaneyd arrimaha haweenka isla markaana ay ku baddashay wasaarad qaabilsan fidinta arrimaha dacwada ee dalkaas, sida laga soo xigtay kooxo si weyn ula socota arrimaha shareecda. Jimichii, astaan ku dhagneyd wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa meesha laga saaray, waxaana dhismaha wasaaraddaas lagu baddalay boor ay ku qorantahay wasaaradda arrimaha dacwada. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay haween u dhashay Afghanistan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismaha wasaaradda kuwaas oo Taliban ka codsanayay inay u ogolaadaan in shaqada ay dib ugu laabtaan. Xilliggii maamulkii Taliban, 1990s wasaaraddii arrimaha dacwada waxay xeerar adag kusoo rogtay haweenka. Haweenka Afghanistan waxay 20 sano ee lasoo dhaafay u dagaallamayeen sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah xilli dalka ay gacanta ku hayaan Taliban waxay ka cabsi qabaan in meesha ay ka baxdo xuquuqdooda. Weriyaha BBC ee ku sugan Kabul, Lise Doucet waxay kusoo warrameysaa in hoggaamiyeyaasha Taliban ay sheegeen inay ogyihiin in Afghanistan uu isbaddal ku yimid basle waxay haatan u muuqdaan kuwa qaadayaa tallaabooyin ka dhan ballanqaadka ay sameeyeen iyo siyaasadahooda. Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa horraan ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dacwada inay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah dadka kasoo horjeeda iyo in xeerar adag ay kusoo rogeyso muwaadiniinta gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha. Taliban replaced the Women's Affairs Ministry with the Ministry of Vice and Virtue. #Kabul #Afghanistan pic.twitter.com/odVd4avdHx — Khalil Noori (@KhalilNoori) September 17, 2021 Balse xubno ka tirsan Taliban ayaa sheegay in wasaaradda ay qabaneyso arrimo muhiim ah isla markaana ujeedka loo aasaasay uu yahay fidinta dacwada islaamka si xumaanta looga hortaggo loona faafiyo waxyaabaha wanaagga ah. Maxay qaban doontaa wasaaradda dacwada? Wasaaradda arrimaha dacwada ayaa ah mid horey loo aasaasay ka hor maamulkii Taliban balse waxaa howlaheeda la ballaariyay intii u dhexeysay sanadihii 1996 ilaa 2001. Wasaaradda waxay shaqo gelisaa boolis qaabilsan dhaqangelinta dacwada. Wasaaraddan ayaa soo shaac baxday markii xubnaheeda ay garaaceen haween ku labisnaa dhar ay ku tilmaameen in uu anshax xumo ahaa ama garaac loo geystay haween maxrim la’aan ahaa oo kaligood iska socday. Haweenka Afghanistan Gabdhaha looma ogolo inay wax ka dhigtaan iskuulada dalkaas, waana tallaabo ay dhaqangeliyeen ururka. Wasaaradda waxay mamnuucday in dadka ay isugu tagaan goobaha muusigada iyo goobaha kale ee maddadaalada. Booliska ka tirsan wasaaradda waxay amar ku siiyaan dadka in xarumahooda ganacsi ay xiraan oo ay salaadda aadaan, waxay sidoo kale tallaabo ka qaadeysaa ‘dadka timaha u jarta sida reer galbeedka’ Maxay sameyn doonaan dumarka Afghanistan? Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa isku dayay in dib ay ugu laabtaan shaqadooda balse waxaa loo diiday inay galaan dhismaha wasaaradda. Mid kamid ah haweenka ka shaqeeya halkaas ayaa tiri, “Haddii aan nahay haweenka wax inoo soo haray ma lahan, mas’uuliyad ayaa inaga saaran qoysaskeena, waxaan nahay dad wax soo bartay ma dooneyno in aan guryaha joogno” Haweeney kale oo ku sugneyd afaafka hore ee dhismaha wasaaradda ayaa sheegtay, “Haddii aysan jirin wasaarad ka shaqeysa arrimaha haweenka, dumarka Afghanistan, maxey sameyn doonaan? Taliban ma wuxuu damirkooda siiyay in haweenka Afghanistaan ay waddooyinka ka dawarsadaan?” Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban Qaran News
-
Dhawaanahaan warfidiyeenka adduunku waxay mashquul ku ahaayeen fallanqaynta dhacdo dhabanahays ku noqotay dadkoo idil! Arrinka filan waa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid madaxweynaha jumhuuridda Tuunis ( Tunisia) uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta dastuurka, dhammaan shaqooyinkii hay’adaha garsoorkana uu isagu gacanta ku dhigay. Talaabadaas – filan waa’ga ku noqotay dunidoo idil- waxay muujinaysa kaligii-talisnimo uu la soo baxay macallinkii “qaanunka dastuuriga ah” ee jaamacadaha Tuunis. Waa dalkii kaliya ee ka badbaaday hirarkii “Gu’ga Carabta” waa dalkii xorriyadda ee uu maansayahankii caanka ahaa “Abuul-Qaasim Al-Shaabi” ka tirayay tixdii taarikhda gashay ee “IDAL SHACBU YOOMAN ARADAL AL-XAYAAT). Maantase, Tuunis waxay u muuqataa in ay god mugdiy ku dhacday. Qays Siciid waa 63 jir, wax ku bartay dalkiisa iyo dibaddaba, isagoo shahaadada sare ee takhasuskiisana ka soo qaatay Talyaaniga. Wuxuu bare-sare ka noqday qaar ka mid ah jaamacadaha dalkiisa ee Tuunis. Dayrtii 2019-kii ayaa doorasho dad weyne uu ku noqday madaxweynihii 7-aad ee jamhuuriyadda Tuunis. Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed wuxuu hantay quluubta dadweynaha Tuunis, wuxuu ka sheekayn jiray sida uu barwaaqo u gaarsiin doono muwaadiniinta aan heli karin nolol-maalmeedkooda, ugu qareemi doono, wax uga qaban doono dhibaatooyinka haysta. Badiba, wuxuu ku hadli jiray Afka Carabiga fasiixa ah, wuxuu iska dhawri jiray adeegsiga “lahjadda” arrinkaas ayuu ku macnayn jiray: in uu yahay ruux aan haybtiisa doorin, welina ku faro-adeeygaya dhaqankiisa iyo afkiisa hooyaba! Dhamaadkii bishii July sannadkaan aan ku guda jirno ee (2021) ayuu Qays Siciid soo saaray wareegto uu ku kala diray golayaashii dowladda Tuunis, isagoo cuskaday -siduu sheegay- qodobka 80-Aad ee dastuurka dalkaas! Haddaba, aan u dhaadhacno ubucda dhambaalkayga ee nuxurkiisu yahay: is-bar-bardhigga labada hoggamiye ee kala ah: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qays Siciid. Maxay wadaagaan xagga aragtida siyaasadeed? Sidee u maareeyeen dalalkooda? Muxuu yahay raadka ay ka tageen?!! Su’alahaas iyo kuwa kaleba ayaa ka guuxaya maankayga, waxaan in badan u fiirsaday sida labadaa hoggaamiye ay u maran-habaabiyeen dadkooda, sida ay ugu ciyaari karaan caqliga shacabka, u adeegsan karaan warbaahin u durbaan tunta, ugu dadaalayaan -labaduba- in ay noqdaan madaxweynayaal aan waligood kursiga bannayn! Ku dayasho! Ma aha arrin ugub ah in hoggaamiye kastaa uu yeelan karo mid kaloo uu ku daydo, waa taxane soo jireen ah, haddaan tusaale dhow u soo qaadanno madaxweynihii Tuunis ee kacdoonkii “Gu’gii Carabta 2011” talada dalka qabtay “Abuu Munsif Al-marzuuqi” waxaan in badan ka akhriyay -dhambaaladiisii joogtada ahaa ee uu qori jiray- in hoggaamiyihii Koonfur Africa Nelson Mandela (1918-2013) uu ahaa ruux uu ku daydo xagga siyaasadda, ma ahayn arrin uu qarsan jiray dhaqtarkaas bidixda fog ahaa, dabadeedna la shaqeeyay xisbi Islaami ah (Al-Nahda oo ah xisbiga aqlabiyadda barlamanka Tuunis) noqdayna hoggaamiye si xushmad iyo nabadba ku dheehan tahay u wareejiyay taladii dalka Tuunis. Anigu, qof ahaan, waxaan xaqiiqsaday in “Abuu Munsif Al-Marzuuqi” uu ahaa hoggaamiye ka dhabeeyay aragtiyadii uu qori jiray ee lagu daabici jiray warbaahinta dunida Carabta kuwooda ugu afka dheer. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Aadam Cabdulle Cismaan (1908-2007) madaxweynihii ugu horreeyay markaanu madax-bannaanida qaadannay uu yahay hoggaamiye uu ku daydo, sawirkiisa ayuu ku xardhay darbiyada madaxtooyada “Villa Somaaliya” ficillada ka soo fulayase, dhammaantood waa kuwa muujinaya xil isku dhajin, awood maroorsi, la dagaallanka waxay Soomaali ku heshiisay, dhinac-mar dastuurka ah. Haddii – Alle ha u naxariistee- madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uu xilka si nabad ah ku wareejiyay, Farmaajo uma muuqato arrinkaas, waxa uu hammuun iyo harraadba u qabaa kursi. Madaxweyne Qayska Tuunis, markuu loolanka doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in maamulka uu baahin doono, ogolaynna in awoodaha dowladnimo ku aruurto gacan kaliya; maanta oo uu yahay madaxweynaha Tuunis isaga ayaa xukuumaddii madax u ah oo ay wax kasta ku soo dhamaadaan; wuxuu guluf-colaadeed la galay raysul-wasaarohii dalka, guddoomiyihii barlamanka, madaxdii garsoorka, meel uu dalka u wadana cid saadaalin kartaa ma jirto! Sidaas si la mid ah ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu uga horyimid wax kasta oo uu ballanqaaday. Labada hoggaamiye waxay wadaagaan nacaybka dastuurka ay madaxda ku yihiin, midkoodna ma oggola ku dhaqankiisa! Qodobbo Dastuuri ah! Markii uu Qays Siciid kala dirayay golaha sharci dajinta ee dalka Tuunis wuxuu cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka dalkiisa; kaas oo qeexaya in madaxweynuhuu kala diri karo barlamanka marka uu dalka xaalad khatar ahi ay soo foodsaarto. Tuunis iminka wax halis galin kara jiritaankeeda qarannimo kama dhicin, madacweyne Qaysna wuxuu cuskaday qodob aan xiriir la lahayn tilaabada uu qaaday! Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo saaray wareegtooyin uu ku carqaladaynayay xafiiska raysul-wasaaraha intii lagu guda jiray baaritaankii gabadhii la afduubay Ikraam Tahliil. Waraaqihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Farmaajo soo saaray waxaa dhammaantood uu ku xusay qodobka 87-Aad oo farqadiisu “C” qeexayso in madaxweyne Farmaajo uu yahay ilaaliyaha guud ee mabaa’dida dastuurka. Qodobkaas cuskashadiisu ma aha mid ku habboon dhacdada meesha ka dhacday, ee waa ka shaqaynta nidaamka Federalka ee dalku leeyahay iyo dhamaysirka dastuurka ku-meel-gaarka ah. Farmaajiyo Qays waa laba hoggaamiye oo aad u yaqaan humaag isku qarinta, fasiraadda dastuurka sida ay iyagu doonayaan. Igu sawir ! Labada hoggaamiye waxay aad u jecelyihiin adeegsiga warbaahinta, mudane Qays muddaba markuu joogo wuxuu la kalmaa warbaahinta dalkiisa ka hawl gasha, isagoo dhoolatus xagga aftahammada luuqadda ah soo bandhiga, ma ogola in saxafiyiintu su’aalo weeydiiyaan, ta baddalkeed wuxuu ku dul akhriyaa casharro xagga dowlad-wanaagga ah iyo in warbaahintu ka shaqeyso dowlad-dhiska, dulucduse, waa in warfidiyeenku u sawiraan isagu in uu yahay hoggaamiye aragti leh! Waa barti-yaqaan, tiisa mooyee, aan tu kale aqoon! Dhanka Farmaajo ma leh isagu aftahammo uu ku xardhan karo tiraabtiisa, wuxuuse la wadaagaa Qays, in aanu jeclayn weeydiimaha warbaahinta, dhammaan khudabadihiisu waa kuwa diyaarsan. Waxay labaduba xoogga saaraan in ay majaraha ka lumiyaan shacabka, adeegsadaan caadifad wadaniyadeed, halkeenaan Soomaaliya waxaa aad u faafay “Farmaajo ii geeya” Tuunisna wuxuu Qays ku qalbi-diirsadaa “KULUNAA QAYS SICIID” oo iyadu tan hore la macne ah! Raadka ay ka tagi doonaan waa mid taban, waa mid dhaawici doonaa dareenka shacabka ay xukumaan, waxay horseed u noqon karaan in aan la aaminin qof kastoo Sheegtaa hufnaan iyo dhawrsanaan, labuduba dadka waxay ku sireen is-dabcin, qunyar socod aan dhagar ka marnayn, horay ayay Soomaalidu u tiri “ Abeeso dhul u eki bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki.”! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Farmaajo iyo Qays – Maxay wadaagaan xagga aragtida? appeared first on Caasimada Online.
-
Ganacsade u dhashay Somailand oo Xabaalaha Waqooyiga Hargeysa ugu deeqay Cagaf ka caawin doonta Qodista xabaalaha Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadansiiro) oo kamid ah culimada somaliland ismarkaana ah shakhsiyaadka ka shaqeeya danta caamka ah Gacantana ku haya xabaalaha baqiic ee magaalada hargaysa ayaa umahad celiyay ganacsade Axmed Cismaan Ismaaciil Samater(Midhiq) oo ganacsatada Somaliland iyo jabuutiba oo xabaalaha baqiic ugu deeqay cagaf bulshada ka caawin doonta xabaalo qodista oo ay baahi wayn uqabeen, dadka aan awoodi In ay xabaasha qotaan, Dhanka kale sheikh Aadansiiro ayaa ka waramay qiimaha ay ku joogto cagaftu isagoo ilaahay uga baryay in uu miisaanka xasanaadka ugu daro. Qaran News
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo. Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” “Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur. Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel. The post Netanyahu oo faafiyey arrin ‘ceeb ah oo JOE BIDEN ku qabsatay’ kulankii Bennet appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Turkiga ayaa wadahadalo muhiim ah ka yeelanaya arinta wadanka Afghanistaan, si gaar ah Amniga Garoonka Magaalada Kabul. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka mid tahay waxyaabaha ay madaxdaani ka wadahadli doonaan hubka Dowlada Turkiga ay ka soo iibsatay Ruushka, kaasi oo sumadiisu ay tahay S-400. Turkiga iyo Mareykanka ayaa Sanadihii dambe waxaa u dhexeeyey Khilaaf la xiriira dhinaca hubka iyo sida Turkiga uu ula macaamilayo Ruushka. Xoghayaha Arimaha dibada Washinton Atoniyo Bilinken ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu ugu baaqayo si deg deg ah xal looga gaaro kala aragti duwanaanta u dhexeeya labada dhinac. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Mareykanka oo ka wadahadlaya Xaaladihii ugu dambeeyey ee Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa mar kale soo saaray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Habraaca dambe ayaa lagu daray doorkii hubinta Ra’iisul Waasaare Rooble oo ka maqnaa habraacii hore ee maanta oo dood badan ka dhalatay. Habraaca dambe ayaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay soo xulayaan musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, markaas kadibna ay u gudbinayaana Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo markale la soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa yeeshay kulan gaar ah oo ay heshiis uga gaarayeen madmadow waayahaan soo kala dhex-galay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kulanka oo goordhaw u soo idlaaday Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay uga heshiiyeen xorguf siyaasadeed uu u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay. Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah. Waxaa guul-dareystay dadaaladii ay hor kacayeen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ee lagu xalinayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo haatan gaaray heer laga quustay dhex-dhaxaadintooda, inkastoo Puntland ay ku dhawaaqday inay dhex-dhexaadin doonto. Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in caawa meesha laga saaray mad-madowgii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo labadoodu ay xal ka gaareen. The post Qoor Qoor iyo Rooble oo caawa heshiiyey – Maxay isku hayeen? appeared first on Caasimada Online.
-
As Somalia's politics and election process is on tenterhooks with candidates jockeying for positions in pursuit of power at all costs, it is advisable to step back and take a breathing space to assess what these political manoeuvring and political debacle means for the Somali people citizens and beyond. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kusoo laabtay Jabuuti, maalmo kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu xanuusan yahay, kuwaas oo dowladda ay beenisay. Geelle oo ku maqnaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa qoraal u muuqda inuu ku socday dadka faafiyey wararkaas oo uu maanta soo dhigay twitter ku yiri “Hamiga aan ku hiigsaneyno horumarka dalkeena lama kulmi doono waxa tabar-darri ah. Waxaan madaxweynaheena u rajeyneynaa soo laabasho nabad ah.” Toddobaadkii tageya ayaa waxaa aad ugu baahay baraha bulshada, warar sheegayey in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.” Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad. The post Sawirro: Madaxweyne Geelle oo maanta ku laabtay Jabuuti kadib wararkii laga faafiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa wax ka beddel ku sameeyay habraacii doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo dhawaan ka heshiiyay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay ayaa maanta soo saaray habraac cusub oo lagu hagayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Habraaca cusub waxaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay soo xulayaan musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, toos-na ugu gudbinayaan guddiga doorashooyinka heer Somaliland. Waxaana meesha laga saaray hubintii Ra’iisul Waare Rooble ee ku jirtay habraacii ay Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen 22 August 2021. Habraaca cusub doorashada Aqalka Sare ee Somaliland Habraacii Golaha Wadatashiga Qaran ee 22 Aug. 2021 PUNTLAND POST The post Habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo laga saaray hubintii Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa caawa ka dhacday magaalada Jowhar. Kursigan oo hore cabasho uga timid ayaa waxaa ku guuleystay Xasan Iidow Maxamuud (Xasan Kobac) waxaana kula tartamay Cabdinuur Farey kadib markii uu tanaasulay Cismaan Axmed Macow oo hore ugu fadhiyay kursigan. Xasan Kobac oo ah ganacsade ayaa wareeggii kowaad ee doorashada helay 69, halka Cabdinuur Farey uu helay 22 cod. Xasan Iidow Muxumed (Xasan Kobac) ayaa noqday senator-kii 6-aad ee Aqalka Sare ee ka soo baxa dowlad goboleedka Hirshabeelle. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle waxaa ka harsan labo kursi oo lagu wado in maalmaha soo socda la doorto. PUNTLAND POST The post Senator caawa lagu doortay Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Hoos ka aqriso habraaca. Habraaca Doorashada Aqalka Sare BFS (Somaliland) Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, Habraacii doorashada dadban ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee 2016kii oo saldhig u ah hannaanka doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo heshiisyadii madasha Wada-tashiga Qaran ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah oo aan daahitaan lahayn, waafaqsanna Shuruucda, heshiisyada iyo habraacyada sare ku xusan. Waxay soo saareen hanaanka loo marayo dooorashada kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Qodobka 1aad: Shuruudaha Murasharaxa Aqalka Sare Si waafaqsan Qodobka 58aad ee Dastuurka KMG ee JFS, Murashaxa u tartamaya BFS: 1. waa in uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ka soo jeeda Somaliland, da’diisuna aanay ka yarayn 25 sano xiliga doorashada. 2. Inuusan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagu hakin 5-tii sanno ee u dambeeyey ama aanay Maxkamaddi ku xukumin dambi 5-tii sanno ee u dambeeyey; 3. Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ah ama waayo aragnimo u dhiganta oo la xaqiijiyey, 4. In lagu yaqaan dhaqan suuban iyo akhlaaq wanaagsan. 5. Musharraxa u tartamaya Aqalka Sare ee BFS waa in uu ka soo-jeedo gobolka uu yaalo kursiga uu u tartamayo sida waafaqsan habraacii doorashada Aqalka Sare ee 2016. 6. Musharaxiinta aan ka mid ahayn Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada aqal, waa in uu la yimaado warqadda dambi la’aanta oo ka soo baxday Waaxda Dambi Baadhista Booliska Soomaaliyeed, 7. Murashuxu waa in uu bixiyey lacagta musharaxnimada ee lagu jaangooyey heshiiskii Madasha ee 22 August 2021. Qodobka 2aad: Habraaca Doorashada 1. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liistada u gudbinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) si ay u asteeyaan goorta doorashada. Goobta doorashada kuraasta Aqalka sare ee Xildhibaanda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxay noqoneysa Hanger-ka ciidamadda Cirka ee Afisiyooni. 2. Ergo ka kooban 46 xubnood oo ka kala yimaada 23-da saxeexe (Oday dhaqameed) iyo 23 xubnood oo ay saxeexayaashu soo xuleen ayaa dooranaya xubnaha Aqalka Sare. 3. Codbixintu waxa ay noqonaysaa mid sir ah oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland (SEIT) korjoogtana ay ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyo Gudiga khilaafaadka. 4. Haddii kursiga ay ku tartamayaan in ka badan labo murashax, waxa guulaysanaya murashixii hela 2/3 codadka ergada codsanaysa, haddii kale waxa loo gudbi karaa wareegga labaad ilaa saddexaad, 5. Kursiga ay u tartamayaan labo musharax waxa lagu kala guulaysanayaa hal dheeri (50%+1) ee codadka ergada codaynaysa. 6. Haddii kursi uu u tartamayo murashax kali ah, waxa loogu codaynayaa hab gacan taag ah, waxaanu ku murashuxu ku guulaysanayaa hal dheeri codka ergada (50%+1) Qodobka 3aad: Mabaadii guud 1. Murashaxa u tartamaya kuraasta labada Aqal ee BFS ee haya xil dawladeed (ee aan hayn xubnaha golayaasha Qaranka ee mudo xileedkooda dhamaanayo) ama shaqaale dawladeed ahi waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiya Guddiyada Doorashooyinka (SEIT iyo FEIT) 7 maalmood ka hor maalinta doorashada. 2. Murashaxa u tartamaya Aqalka Sare mar labaad uma tartami karo Golaha Shacabka. 3. Si looga hortago in bulshada dooranaysa wakiiladooda ku metelaya golayaasha qaranka la soo dhexgelayo laaluush, musuqmaasuq iyo eex, loona fuliyo shuruucda dalka ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka, waxaa ka reeban dhamaan dadka ku lugta leh doorashada sida oday dhaqameedyada, gudiyada doorashada, gudiga xulista ergooyinka, ergooyinka wax dooranaya iyo murashaxiinta tartamaya adeegsiga nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah. 4. Cid kasta oo lagu qabto ama ay ku cadaato qaadashada nooc kasta oo laaluush, musuqmaasuq iyo eex ah wuxuu gelayaa fal dembiyeed, waxayna gudoonka sare ee Doorashada Somaliland ka joojinayaan hawlaha doorashada, waxaana kiiskiisa lagu wareejinayaa hay’adaha garsoorka. M.ne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS The post Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
The present short piece of writing follows the one appeared on Hiiraan Online Website in August 2021 in which the focus was on the malpractices and irregularities which accompanied the Municipal elections of 1958. Like the 1958 Municipal elections, the political elections of 1959 were conducted in an ambience far from being serene. Rigging elections results has been a central preoccupation of the government. The political climate of the election campaign was characterized by protests against the Somali Government and the Administering Authority (Afis) on the way the electoral process was being handled. Source: Hiiraan Online
-
Xasan Iidow Muxumad Kobac ayaa kusoo baxay kursiga 6aad ee Aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka Hir-shabeelle. Waxa uu ka guulaystay Musharax Cabdinuur Fareey kadib markii uu tanaasulay Ex sanetor Cismaan Axmed Macow oo kursigaan hore ugu fadhiyay. Cabdinuur Ibraahim Fareey ayaa helay 22 cod halka senetor Xasan oo guuleystay uu helay 69 cod. GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuled ayaa soo saaray Hannanka loo marayo Doorashada aqalka sare ee Gobolada Waqooyi(Soomaaliland). Waxana Qeyb ka ah Hannaanka lasoo saaray, habraacyada doorashada iyo shuuradaha laga doonayo musharixiinta aqalla sare. Halkan hoose ka akhriso Hannaanka Doorashada Gobolada Waqooyi:- Source: goobjoog.com
-
The trial against a Norwegian sentenced to death in Somaliland postponed again – VG The trial against Norwegian Saad Jider Hayd, who has twice been sentenced to death in Somaliland, was postponed again on Saturday. This time indefinitely. Saad Jider Hayd has twice been sentenced to death in Somaliland for the murder of a man in April 2020. According to the plan, a new hearing in the country’s Supreme Court, where the death sentences will be reconsidered, was to have started on Saturday, but was postponed until Sunday. On Saturday night, however, Jirde’s Norwegian development assistance lawyer Farid Bouras in the law firm Elden states that the trial has been postponed. “Unfortunately, we have been informed that one of the judges is ill, and that the court proceedings in the Supreme Court in Somaliland have been postponed indefinitely,” aid lawyer Farid Bouras told TV 2 and to Dagbladet. Hayd has lived in Norway for the past 25 years and has an address in Oslo. In November 2020, he was sentenced to death for premeditated murder in Somaliland. He himself claims that he defended himself when he was attacked on the street without warning. Both the defender and Hayd’s son believe that the Norwegian authorities could have done much more to help. – The effort is minimal, I feel. Almost completely absent, said Yusef on Friday. The Ministry of Foreign Affairs has replied to TV 2 that the case is a high priority for them and that they do everything they can “to resolve the situation in the best possible way for the accused”. According to NTB, the Norwegian Ministry of Foreign Affairs is following the case and has provided consular assistance since the arrest last spring. – The Foreign Service continues the consular follow-up of the case in consultation with the Norwegian citizen and his lawyers. We will also continue to raise the matter with the authorities in Somaliland to emphasize Norway’s principled view of the death penalty, and to request that the death sentence, if it stands, will not be enforced, said communications adviser Ane Haavardsdatter Lunde at the Ministry of Foreign Affairs to NTB before the weekend World news today Qaran News
-
Kabtankii hore kooxda Heegan Jabriil Xasan Fariid ayaa dib ugu laabtay kooxdiiisa sida lagu shaaciyay boga naadiga Heegan, wuxuuna laacib Jabriil Xasan Fariid sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa naadiga Raadsan, wuxuun Jabriil sheegay in uu ku faraxsanyahay ku soo laabashada kooxdiisa hore ee Heegan oo marar badan kula guulystay tartamada gudaha. “Waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabto gurigayga, waxaan rajaynayaa in aan Heegan ku biiriyo waxbqad wangaasan sanadaha soo aadan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay kabtankii hore kooxda kubbadda cagta Heegan Jabriil Xasan Fariid oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir. Maamulka, Macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Heegan ayaa iyagana soo dhaweeyay dib u soo laabashada kabtankoodii hore Jabriil Xasan Fariid, iyagoo qiray in uu soo laabtay mid ka mid xidigihii ugu wanaagsanaa ee soo mara naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed Heegan. “Dib u soo laabashada kooxda Heegan waa guul weyn oo u soo hooyatay taageerayaasha iyo macallimiinta Heegan, waxaan kabtan Jabriil Xasan ka rajaynayaa in uu la yimaado waxqabad wanaagan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tabaabraha kooxda kubbadda cagta Heegan Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon). Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Cabdiraxmaan Mursal ” Macallin Cabdi Joon Ku Soo Dhawoow Heegan” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com