Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Cabdi Sheekh Farxaan oo hore u ahaa Amiirkii Al-Shabaab ee Baar-sanguuni iyo Xubin kamid ah guddiga shuurada ee kooxdaasi, ayaa xiligan ah Shaqsi si weyn u kala fur-fura dagaal-yahanada Al-Shabaab. Cabdullaahi oo kasoo hor-muuqday barnaamijka Daljir ee Telefishanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in sababta u weyn ee kooxdaas ugu baxay aheyd kadib markii uu arkay gefaf badan oo ka dhan ahaa Diinta Islaamka. “Markaa shaqadoodii ka tegay, waxay (Al-Shabaab) i xireen 40 cisho kadib markaa ka hor imid in aan soo guro lacagaha ay ka qaatan beelaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh. Markii uu ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay maamulka Jubbaland, oo asagu uga faa’iideystay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee maamulku kula jiro fikirkaas xagjirka. Cabdullaahi Sheekh Cabdi ayaa waxa uu waqti badan geliyay tan iyo markii uu kasoo baxay kooxda Al-Shabaab sidii uu dad badan uga soo saari lahaa kooxdaas, maadama uu xiligan is-bedel weyn ku yimid fikirkiisi. “Dadku inta badan wey ila soo xiriiran, aniguna aan qolada amniga la xiriiriyo, kadib marka aan tagno furimaha hore ayaa ka shaqeyna sidii aan ninkaas u soo galin laheyn xeyndaabka aan rabno,” ayuu yiri. Si kastaba, waxa uu ku guuleystay intii uu ku jiray howsha kala fur-furka Al-Shabaab in kooxdaas ka soo baxaan in ka badan 100 ruux oo iskugu jira dumar iyo rag, kuwaasi oo badankooda ay fursado shaqo abuuris ah siisay maamulka Jubbaland. The post Nin kaligii ku guuleystay inuu Al-Shabaab kaso xareeyo dad kor u dhaafaya 100 qof appeared first on Caasimada Online.
  2. Kadib buuqii ka dhashay xalay doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in la guda galo howlaha doorashooyinka, isla markaana la dhameystiro Saddexda Xubnood ee Maamulka Hir-Shabeelle uga harsan Aqalka Sare. Kursiga buuqa uu ka dhashay ee doorashada loo hakiyay xalay ayaa waxaa ku tartamayay Cali Shacbaan Ibraab, CabduQlqaadir Xanafi Sheek Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar & Cabdalle Cabdi Xuseen Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar ay buuq ka sameeyeen Goobta doorashada, kuwaas oo uu sheegay in Guddiga anshax la marin doono. Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaannada buuqa ka sameeyay Goobta doorashada aysan jirin eax cabasho ah oo ay wadeen, balse kaliya fowdo ay sameeyeen lana xalin doono. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta la geba-gabaynayo appeared first on Puntland Post.
  3. Jowhar (HOL) - Hirshablle MPs abandoned the federal senate election in Jowhar on Saturday after unhappy candidates and their supporters chanted angry slogans and physically obstructed election administrators from conducting the vote tally - at one point cutting live TV coverage and shutting off the lights in the election venue. Source: Hiiraan Online
  4. Doorashadii Aqalka Sare ee caawa ka socotay magaalada Jowhar ayaa lagu kala tagay markii buuq iyo gacan-qaad ka dhacay hoolka doorashada. Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa buuqa iyo gacan-qaadka bilaabay xili ay dhamaatay cod tirinta wareegga koowaad ee doorashada kursiga lixaad Aqalka Sare oo ay ku tartamayeen 5 musharax oo beesha Xawaadle ka soo jeeda oo mid ka mid ah tanaasulay. Doorashada oo ahayd mid toos loo daawanayay ayaa markii dambe lagu kala tagay, mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay guddiga doorashada iyo guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle. Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale xili habeen ah ay isu gacan-qaadeen guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo isku qabtay doorashada Aqalka Sare. Saddex xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa caawa qorshuhu ahaa in la doorto, hase ahaatee waxaa doorashadiisu si caadi ah ku dhamaatay hal kursi oo ku guuleystay Axmed Maxamed Cali Afcadeey. Afcadeey oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa wareeggii 2-aad ee doorashada 52 cod kaga guuleystay xildhibaankii hore kursiga ugu fadhiyay Maxamed Amiin oo helay 44 cod. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka duwan doorashooyinkii kale dowlad goboleedyada, waana mid adag oo ay cod ku kala baxayaan musharaxiin kala aragti duwan. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Doorashadii Aqalka Sare oo buuq iyo gacan-qaad ku dhamaatay appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin oo lagu waday inuu shalay ku laabtay Muqdisho, ayaa lagu xanibay dalka Jabuuti, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo kadibna dib ugu laabtay magaalada Istanbul. Dowladda Jabuuti waa ay beenisay in Fahad ay xanibtay, waxayna sheegtay in sababta diyaaradda Tukish Airlines ay uga baaqatay duulimaadkii Muqdisho ay aheyd cilad farsamo. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta ka degtay Muqdisho, hase yeeshee ma uusan saarneyn Fahad. Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay diyaaradaha caalamiga ah siiyeen amar ah inaysan soo qaadi karin Fahad Yaasiin. Haddaba maxay ka dhigan tahay imaanshaha Fahad? Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa sheegay in imaanshaha Fahad, haddii ay dhacdo ay guul weyn u tahay madaxweyne Farmaajo. “Imaanshaha Fahad waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin saameyn weyn ku leh dalka, sidoo kalena ah xeelad yaqaaan wax kala furfuri kara. Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahay Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble. The post Maxay imaanshaha Fahad Yaasiin uga dhignaan doontaa Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  6. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka ka dhex-taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo saameeynta uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Xubnaha Golaha Amaanka oo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ayaa qoraal ay goordhweyd soo saareen ugu baaqay dhinacyada in ay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal, ayna muhiimada siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku booriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in khilaaf kasta oo siyaasadeed uusan ka weecin la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah. Ugu dambeyn Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen inay xurmad u hayaan madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka oo war ka soo saaray xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee siyaasadda dalka, isagoo baaqyo kala duwan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh oo hadalkiisa uu walaac badan ka muuqday ayaa sheegay in shacabka iyo maal-gashadayaasha Soomaaliyeed ay niyad-jab weyn ku abuurtay xaaladda siyaasadeed ee maanta dalka ka jirta. “Waxaa kor soo martay cabsida ah in dalku galo xaalad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto, Hooyo iyo Aabe kasta waxay bilaabeen inay ka fekeraan, mustaqbalkii ay caruurtooda u qorsheeyeen iyo waxa iska bedeli kara, ganacsade kasta hadda waxa uu ka walwalayaa maal-gashigii uu dalkiisa ku sameystay, shaki ayaa ku yimid rajadii wanaagsaneed ee mustaqbalka dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladaan ay abuureen hoggaamiyayaasha qaar oo ka gows adeygay fulinta wixii lagu heshiiyey, gaar ahaan maareynta doorashooyinka dalka, xilligaan kala guurka ah. “Xaaladaas jirta aawgeed waxaan bogaadinayaa odaytinimada, Ra’iisul wasaare Rooble oo inta badan si ay u turis ku jirto ku wajahay xaaladihii lasoo dhaafay, waxuu u taagnaa meel dhexe oo koox kasta ay u arkeyso qof ku taagan fulinta heshiisyadii la gaaray,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Mar uu la dardaarmayey shacabka Soomaaliyeed waxuu yiri, “Garab istaagga caddaaladda waa waajib diini ah, dastuurina ah, ee aan qeyb ka noqono sidii ay qoyska Ikraan u heli lahaayeen caddaaladda ay xaqa u leeyihiin.” Fariin uu u diray Taliyeyaasha ciidamada qaranka ayuu Xasan Sheekh ku yiri, “Taliyeyaasha ciidamada waxaa idin saaran mas’uuliyadda amniga dalka, ka digtoonaada ku milmidda siyaasadda oo ku taagnaada mabda’a aad u taagan tihiin oo ah ilaalinta sharafka Soomaaliyeed. Xilliyadaan oo kale waa in aad iska hubisaan tallaabooyinka aad qaadeysaan.” Madaxda dowlad goboleedyada ayuu tilmaamay inay qaateen kaalin wax ku ool ah oo dalka soo gaarsiisay in ay billaabato doorasho. “Waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan dadaalkaas ilaa dalku ka baxayo marxaladdan kala guurka ah.” “Faa’iidooyinka uu federaalku leeyahay waxaa ka mid ah in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn badan ku yeelan Jowhar, Garowe,Baydhaba, Dhuusamareeb iyo Kismaayo, nidaamkaan waxa uu naga badbaadiyey in hal meel uu dalkeenu ka burburo” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh. “Mudane Farmaajo hanoo sheegin ra’iisul wasaaihii aad ku wareejisay amiga dalka waan kala noqday maanta, caqliga saliimka ah ma aqbali karo taas, shalay waxaad ceyrisay ra’iisul wasaarihii hore markii doorasho laga hadlay, taasi waxay muujineysaa in wax doorasho la yiraahdo aysan qorshaha kuugu jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in isaga iyo saaxiibadiis aysan Soomaaliya uga darin, hadii aysan dalkaan ka fikireyna ay ugu yaraan mustaqbalkooda ka fikiraan. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xaaladda dalka baaqna u diray ciidanka appeared first on Caasimada Online.
  8. NAIROBI — The disappearance of a young intelligence officer in Somalia has led to a rapidly escalating power struggle between the president and prime minister that has torn apart the government and potentially gives new openings to al-Qaeda-linked militants. Source: Hiiraan Online
  9. Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar waxaa caawa ka socota doorashada laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee dalka, waxaana goordhaw soo gabagabowday doorashada hal kursi, kaas oo loo doortay Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey. Senator Afcadey ayaa wareegii koowaad ee doorashada kursigaas 52-cod uga guuleystay musharaxii la tartamayey Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo helay 44-cod. Musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Amiin Sheekh Cismaan waxuu kursigaan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Musharaxa guuleystay ee Senator Afcaddey oo ah Sarkaal Militeri ah ayaa laba jeer soo noqday Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale xilal kale ayuu ka soo qabtay taliska ciidanka xoogga Soomaaliya. Haatan waxaa Jowhar ka socota doorashada kursiga labaad ee caawa la dooranayo, waxaana sidaas ay ku noqonayaan kuraasta la doortay lix, halka labada hartay loo balansan yahay in la doorto Axada berri ah, waxaana sidaas lagu soo gabagabeynayaa doorashada 8-da kursi ee taallay Jowhar – HirShabeelle. The post Jeneraal Afcadey oo ku guuleystay kursigii Senator Maxamed Aamiin appeared first on Caasimada Online.
  10. Senetor Axmed Maxamed Afcadeey ayaa ku kusoo baxay Kursiga Senatarnimo ee Aqalka Sare ee hirshabelle, isagoo wareegga ugu dambeeya ka adkaaday Ex senetor Maxamed Amiin oo kursigan ohar ugu matalayay Hirshabeelle. Senatar col.Axmed Maxamad Afcadeey oo lagu tiriyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa wareeg saddaxaad helay 52 cod halka halka maxamed Amiin uu helay 44 cod. Doorashada aqalka saree ee Hirshabeelle ayaa si hambsami leh uga socota magaalada jawhar ee Caasimadda Maamulkaasi. GOOBJOOG News Source: goobjoog.com
  11. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirkii amniga qaranka ee Fahad Yaasiin ka jeedin lahaa warbixinta kiiska Ikraan Tahliil. Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi ayaa lagu yiri “Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay”. “Waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayaa qoraalka la raaciyay. Baaqashada shirka ayaa la xiriirta markii shalay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin lagu xanibay Jabuuti, dibna loogu celiyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo markii hore ka soo duulay. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Shirkii Amniga Qaranka oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo. Afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dib ay ka soo shaaci doonaan goorta la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey. “Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid. Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax. Hase yeeshee Fahad Yaasiin hadda waxaa loo diiday inuu dalka soo galo, taas ayaana keentay in shirkaan uu baaqdo, Fahad ayaa shalay laga celiyey Jabuuti, isaga iyo rakaabkii la socday, waxaana maanta Muqdisho timid diyaaradii shalay ku celisay Istanbuul – Turkiga. The post Villa Somalia oo go’aan cusub kasoo saartay shirkii Golaha Amniga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  13. NAIROBI (HOL) - Former Deputy speaker in Kenyan parliament Farah Maalim has pleaded with President Uhuru Kenyatta to 'order the release' of political analyst Abdiwahab Abdisamad. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen Shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo Shirkadaha Gaadiidleyda kuwaasi oo ka kala cabanayay adeegyo loo xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka, ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda muddo sannad ah, waxay sidoo Maxkamaddu ayiday go’aamo ay Hay’adda Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya, geesta kale waxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera ee kala ah:- Ganaaxa basaska gurran. Badqabka gaadiidka (BBG). Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:- Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajinayay in caymiska gaadiidka la qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021. Guddida Garsoorka Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye Maxamed Cumar Geelle Xubin Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi Wa bilaahi Tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
  15. Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  16. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii uu warbixin siiyey eregyga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya James Swan. “Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac qoto dheer ka muujinayaan khilaafka sii socda ee ka dhex-jira dowladda Soomaaliya iyo saameynta taban ee uu ku yeelanayo hanaanka iyo jadwalka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka. “Golaha Ammaanka waxay ku boorinayaan dhammaan saamileyda inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimadda joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.” Xubanah Golaha Ammaanka ayaa sidoo ku booriyey dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, danta shacabka Soomaaliyeed darteed. “Waa inay muhiimadda siiyaaaan qabashada doorasho nabad ah, daah-furan, la isku haleyn karo islamarkaana loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda, si waafaqsan heshiisyadii 17-ka September iyo 27-ka May,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijiyaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed aanu ka weecin ficil loo mideysan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey ixtiraamka ay u hayaan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, seeraha dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. The post DEG DEG: Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  17. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka tyaaqshiid & degmada shibis, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,. Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Hey’ada Guryasamo Axmed Abshir geedi Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed “Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariha Hyundai-ga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood “Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyaya abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan” Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid mudane Axmed C/laahi Cariif oo aa doo bogaadiyay kalinta muuqata ee shirkadda isgaarsiinta somtel ‘Waxaan goob jog u ahaa Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood taasoo lagu qabtay Hotel Elite ee magaalada muqdisho Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 9aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waxaan leeyahay soomaaliyeed waad qaadatay kaalintii laga sugayay shirkadda dadweynaha soomaaliyeed ay wax ku leeyihiiin taasoo laga rabo inay u damqato bulshadeena jilicsan” Waxaa sidoo kale munaasabada Cusmaan Saalax Muuse oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan ‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano” Waxaa erayo kooban munaasabada ka sheektay Xafso Axmed Yusuf oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah “Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay” Ugu danbeyntii waxaa Shucuurteeda Cabirtay Najmo Cabdi Muuse oo ku guuleysatay Labtop ‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada oo aan dhawaan qoraayo Madaxa Waaxda ganacsigaee Somtel, Mudane: C/lahi Cali Caamir oo soo xiray munaasabadda macaamiisha lagu abaalmarinayay ayaa yiri “Dhammaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai oo ay horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi qaba si shirkadda ajar fara badan ugu hesho.” The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 9-aad abaal-marisay 1000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal aad looga naxo ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Waaberi, halkaasi oo wiil dhallinyaro ah ii isku dilay. Wiilka dhallinyaro ah, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo Harqaan ku lahaa meel u dhow isgoyska Dabka ayaa isku dal-dalay gudaha xaruntiisa Ganacsi. Waxaa la waayey maalintii Khamiistii aheyd markaas oo la waayey nolol iyo geeri. Ehelada wiilkaan ayaa go’aansaday maanta inay jabiyaan xaruntiisa, waxaana si lama filaan ah loo arkay isagoo ku xiran xariga uu isku daldalay, oo meyd ah. Lama ogo waqtiga rasmiga ah ee uu Cabdiraxmaan is daldalay maadaama la waayey Maalintii Khamiista aheyd, waxaana loo badinayaa inuu is daldalay Jimcihii, sida ay sheegeen xubno ka mid ah ehelka. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaan dhallinyarada ah uu maalmihii dambe ku jiray buuq dhanka qoyska ah, oo aan faah-faahin laga bixin. Cabdiraxmaan ayaa qoray warqad dardaaran ah oo uu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo laba caruur, warqaddaas oo laga ag helay meydkiisa. Wiilkaan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Degmada Waaberi, wuxuuna muddo dhowr sano ah ka shaqeenayey tolista dharka noocyadiisa kala duwan. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray xarunta uu wiilkaan isku daldalay ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista ee CID. The post Daawo: Wiil dhallinyaro ah oo isku daldalay xaruntiisa ganacsi ee Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. PRESS RELEASE Djibouti’s First National Strategy on Migration Targets Challenges from Horn of Africa The strategy will offer help and promote sustainable livelihoods for migrants impacted by conflict, protracted crisis, climate change and the lack of jobs in the region DJIBOUTI CITY, Djibouti, September 18, 2021/ — Host to 150,000 undocumented migrants and a transit hub for thousands of others from the Horn of Africa heading to the Gulf, Djibouti aims to improve their welfare and that of hosting communities through the country’s first National Strategy for Migration, launched with the support of the International Organization for Migration (IOM). The strategy will offer help and promote sustainable livelihoods for migrants impacted by conflict, protracted crisis, climate change and the lack of jobs in the region. “We hope that this new strategy will contribute to the economic and social prosperity of the country but also to the welfare of migrants,” said Stéphanie Daviot, IOM’s Chief of Mission in Djibouti. “This is the result of consultations conducted for several months with all relevant stakeholders.” Launched in the capital this week, the strategy will help coordination between the country’s institutions on migration laws, policies, and future legislation, as well as promoting awareness of the rights of migrants, and their humanitarian and protection needs. It will also support the National Coordination Office for Migration, which is the main interlocuter for partners working in the area of migration. With a population of only a million people, Djibouti is bordered by Ethiopia, population 112 million, and Somalia, with more than 15 million people, and thousands of migrants mostly from these countries head through Djibouti seeking safety, security or work, primarily in the Gulf nations. Over half (55 per cent) of the more than 9,900 migrants who arrived in Yemen from the Horn of Africa in the first half of 2021 had travelled through Djibouti, then across the Gulf of Aden. Many die along the way, from starvation and dehydration in harsh desert conditions. Hundreds are targeted by traffickers and smugglers, risking exploitation and gender-based violence. Increasingly, women and children are transiting through Djibouti. According to the IOM Missing Migrants Project, 97 migrants, including 16 children, have died crossing the Bab al-Mandeb Strait for Yemen since the beginning of 2021. IOM’s country strategy for Djibouti (2021-2024) will support implementation of the government’s initiative and enhance collaboration between key migration stakeholders in the country, including civil society and other UN agencies. The development of the National Strategy on Migration and IOM’s Djibouti plan was financed within the framework of the European Union-funded “Sustainable solutions for the most vulnerable host populations, refugees and migrants in Djibouti” project. “This new strategy is a decisive step towards effective migration management, in accordance with the commitments made by the Republic of Djibouti, during the signing of the Global Compact on Migration in 2018,” said Djibouti’s Minister of Interior, Said Nouh Hassa. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). Access Multimedia Content SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  20. Maxkamadda Sare ee S/land oo laashay Go’aankii Hay’adda Caymiska Qaranku Kootada ugu xidhay Shirkada Amaano insurance Maxkamadda Sare ee JSL oo laashay go’aan, ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay Shirkada Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka dekeda Berbera, sidoo kale waxay ayiday go’aamo gaadiidka lagu farayo in ay caymiska qaataan, halka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Caymiska Qarankana la faray, in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera. 18/09/2021- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen Shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance) iyo Shirkadaha Gaadiidleyda kuwaasi oo ka kala cabanayay adeegyo loo xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano (Amanah Insurance).Shirkada caymiska ee Geeska Afrika ayaa ka cabanaysay in adeega caymiska ee dekedda Berbera loo xidhay shirkada Amaano halka ay shirkadaha gaadiidleydu ka cabanayeen khidmada adeegyada caymiska ee shirkadaha caymiska iyo khidmadaha kale ee laga qaado. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markay daristay cabashooyinka shirkada Caymiska Geeska Afrika (Horn of Africa Insurance iyo Shirkadaha Gaadiidleyda iyo jawaab celinta Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay tirtirtay go’aan ay Hay’adda Caymiska Qaranku gaar ugu xidhay shirkadda Caymiska ee Amaano adeega caymiska gaadiidka, ka soo dagaya dekeda Berbera iyo gaadiida galaya dekeda muddo sannad ah, waxay sidoo Maxkamaddu ayiday go’aamo ay Hay’adda Caymiska Qaranku, ku fartay gaadiidleyda in ay qaataan caymiska maadaama shilalku ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan dhaliya, geesta kale waxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si wadajir ah u fartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib-u-eegaan kharashaadka laga cawday ee culayska ku ah gaadiidka ka soo degaya dekedda Berbera ee kala ah:- 1. Ganaaxa basaska gurran. 2. Badqabka gaadiidka (BBG). 3. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) 4. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. GO’AANKA MAXKAMADDA SARE EE JSL:- 1. Waxay ay laashay oo ay tirtirtay go’aanka Hay’adda Caymiska Qaranka, kaas oo go’aaminayay in shirkadda Caymiska Amaano (Amanah Insurance) oo kaliya ay bixiso adeegga caymiska ee gaadiidka kasoo dagaya dekedda Berbera iyo gaadiidka galaya muddo sannad ah oo ka bilaabmaya 15/09/2021-14/09/2021. 2. Waxay fartay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay shirkadaha kale ee caymiska ka shaqeeya ee haysta liisanka ay u ogolaato in ay bixiyaan caymiska gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera iyo kuwa gelayaba. 3. Waxay ayiday oo ay dhaqangal ka dhigtay go’aamadda ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ee waajinayay in caymiska gaadiidka la qaato maadaama shilalka baabuurtu ay ka mid yihiin waxyaabaha dhimashada badan keena. 4. Waxay faraysaa dhammaan shirkadaha gaadiidka kasoo dejiya dekedda Berbera iyo kuwa ka dhoofinaya iyo kuwa xuduudaha kale ka soo dejiya ama ka dhoofiya iyo sidoo kale shirkadaha ku shaqaysta gaadiidka dalka gudihiisa iyo dhammaan gaadiidleyda oo dhan in ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada ka soo baxay Hay’adda Caymiska Qaranka. 5. Waxay go’aamisay in shirkadaha ka shaqeeya caymisku in ay u madax bannaanyihiin khidmaha adeegyada caymiska iyaga oo aan dhaafayn xadka khidmaddaha ee ugu hooseeya ama ugu sarreeya ee ay Hay’adda Caymiska Qaranku u goysay. 6. Waxa la farayaa Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay wareegtooyin ku soo saarto xadka ugu hooseeya iyo xadka ugu sareeya ee khidmahaddaha adeegyada caymiska gaadiidka kala duwan. 7. Waxa si wadajir ah loo farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka JSL in ay dib u eegaan kharashaadka laga cawday ee culeyska ku ah gaadiidka kasoo degaya dekedda Berbera oo kala ah:- b. Ganaaxa basaska gurran t. Badqabka gaadiidka (BBG) J. Qalabka dhimista xawaaraha gaadiidka (GPRS) X. Lacagta gaadiidka waaweyn lagaga qaado dekedda gudaheeda. 8. Go’aankan waxa loon cuskaday qodobada 11,97,98 ee Dastuurka JSL iyo qodobada 10, 259 XHM iyo qodobada 7aad, faqradiisa 1aad, 3aad, 6aad 10aad iyo qodobka 16aad, faqradiisa 8aad ee Xeerka Caymiska Qaranka Xeer Lr 92/2021. 9. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/09/2021. Guddida Garsoorka 1. Aadam Xaaji Cali Axmed guddoomiye 2. Maxamed Cumar Geelle Xubin 3. Cabdiraxmaan Xasan Nuur Xubin Oo ay kaalinaysay kaaliyaha Maxkamadda Sare Sahra Ismaaciil Cabdilaahi Qaran News