-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Erdogan oo ka laabtay go’aankii uu Dalkiisa kaga saarayey 10 safiir oo reer galbeed ah+Sababta Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ka laabtay hanjabaadiisa aheyd inuu eryayo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah oo soo saaray bayaan ay ku taageerayaan ganacsade Turkish ah oo xiran. Go’aanka Erdogan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo dalalka kale ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay ixtiraamayaan Axdiga QM ee dhigaya in diblomaasiyiinta aysan faro-gelina arrimaha gudaha ee dalalka marti-geliya. Erdogan ayaa kadib kulan uu la yeeshay isbaheysiga haya talada dalka iyo golaha wasiirada wuxuu taleefishinka kaga dhowaaqay in 10-ka safiir ay barteen casharadooda ayna “hadda kadib taxadari doonaan.” Bayaanka cusub ee kasoo baxay reer galbeedka “wuxuu muujinayaa inay dib ug laabteen aflagaadeynta dalkeena,” ayuu yiri Erdogan. Qiimaha lacagta Lira ee Turkey ayaa heerkii ugu hooseeyey hoos ugu dhacday kadib markii ay xiisaddan cusub ka dhex qaraxday Turkey iyo Reer Galbeedka, Isniintii toddobaadkii horey. Xiisadda ayaa billaabatay kadib markii war-saxaafadeed ay soo saareen ay safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka ay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Osman Kavala.” Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ceyrinta 10-ka safiir ay noqan laheyd arrin aan horey u dhicin oo dhex marta dalal xubno ka wada ah NATO. Qaran News
-
Qardho (HOL) - Election officials in Puntland have announced the results of the historic 'one-person,one-vote' local election on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa galabta si rasmiya u shaaciyay natiijada doorashada degmada Qardho. Degmada Qardho ayaa markii u horraysay yeelatay gole degaan oo lagu doortay doorashada hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. Guddiga ayaa sheegay 33 xubnood oo loo doortay golaha degaanka Qardho. Muxsin Cabdulaahi Xaaji Cabdi oo kamid ah Barakacayaasha soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa kamid noqday golaha degaanka Qardho isagoo ka soo baxay urur siyaasadeedka KAAH. Sidoo kale, Xasan Ciise iyo xaaskiisa Faa’isa Siciid Cali ayaa kamid noqday xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Qardho. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Natiijada doorashada degmada Qardho oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday bilooyin kadib xukunka dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Cabdikhadar Maxamed Xasan oo xukunkaas warbaahinta ka hor akhriyay ayaa sheegay in xukun xabsi shan sano ah ku riday maxkamaddu Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sidoo kale waxay maxkamadda xukun ku riday Ajaaniib kale oo kamid ah aasasayasha hay’adda Sahan Research oo dhamaantood maqanayaal ah, ayaa waxa laamaha dambi baarista lagu faray inay soo qabtan eedeysanayaasha. “Maxkamadda ayada oo raaceysa habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxay eedeysane Matt Bryden ku heshay qoddobada 215 faqrada 1-aad iyo 328 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 5 sano oo xariga ah,” ayuu yiri Guddoomye Cabdikhadar Maxamed Xasan. Sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir ay wax dambi ah ku weysay eedeysanayaasha Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopkins iyo nin kale oo Ajnabi ah dacwadihii ka dhanka ahaa ee loo haystay. Eedeymaha u weyn ee loo haystay ayaa waxaa kamid aheyd inay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay basaasnimo. Dadkan ajnabiga ah ayaa fadhigoodu yahay Kenya, waxayna wax ka qoraan arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay, waxaana lagu eedeeyaa inta badan in ay dusiyaan macluumaad xasaasi ah, oo aan warbaahinta loogu tala-galin. Hay’adda Sahan Research ayaa waxaa shaqadii gudaha dalka laga joojiyey bishii December ee 2018-kii, kadib markii uu maamulka Farmaajo u arkay inay khatar ku tahay amniga iyo dowladnimada dalkeena. Qoraal December 17, 2018 kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya.” The post Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku riday Matt Bryden iyo Sahan Research appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ururka ahlu-sunna maamulkiisa kula jiro ee maalinti afaraad ka taagan magaaalada guriceel ee gobalka galgaduud. Qoor-Qoor ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeyay dadkii ku dhintay dagaalka ka socda guriceel oo uu sheegay in ay Ahlu-sunna dadka ay duullaan ku soo qaadday. “Waxaa shacab weynaha Galmudug uga tacsiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacabka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabsadeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Ahlu-sunna ay muddo ugu baaqayeen magaalada in ay isaga baxaan isagoo yiri “22 berri ayay fadhiyeen kooxdaas duulanka soo qaaday, intaas waxa u gudbinayna oo ka codsaneynay inay ka baxaan degmada Guriceel oo dadka u daayan xasiloonidooda iyo dowladnimadood, waxay qabaan oo tabasho ahna si nabad ah u sheegtaan, taasi badalkeed waxay qaateen in dhufeysyo iyo xeryo ciidan ay ka dhigtaan Guriceel.” Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa waxa uu sidoo kale cadeeyay mowqifka galmudug ee dagaalka ahlu-sunna, isagoo sheegay in galmudug aysan qaadaneynin daadinta dhiigga muwaadiniinteeda. “Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mowqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwaadin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo laga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Qoor-Qoor ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka reer galmudug in ay caawiyaan walaalahood dagaalka ka barakacay. “Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmudug dal iyo dibedba halka ay joogan inay caawiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo gaartay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bini-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wefti ka socda Somaliland oo la kulmay Wasiirka Beeraha Kenya+Arimahay ka wadahadleen Dhinacyadii kulmay oo sawir guud wada galey Wasiirka beeraha Kenya, Peter Munya, ayaa qaabilay wafdi ka socda jamhuuriyadda Somaliland, oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda, Ciise Kayd. Labada dhinac ayaa ka wada hadley sida uu bartiisa twitter-ka soo dhigey wasiir Peter, iskaashiga waxyaabo badan sida xoolaha, ka ganacsiga Qaadka iyo wax soo saar kale oo la xidhiidha dhanka Beeraha. Sidoo kale, wefdiga Somaliland, ayaa la kulmey jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Kenya. Peter Munya, ayaa kasoo jeeda gobolka uu ka baxo Qaadka, isagoo intaanu noqon wasiirka guddoomiye gobol ka ahaan jirey ismaamulka Meru. Met a Delegation from the Republic of Somaliland led by Minister of Foreign Affairs Hon. Kayd Essa. Our deliberations majored on various issues of collaboration which include opening up and enhancing trade lines for Miraa, Livestock and other agricultural related products. pic.twitter.com/JXFdis4Ii1 — CS Hon. Peter Munya (@PeterMunya) October 25, 2021 Qaran News
-
Haweenay soo saartay Shanlo cusub oo loogu talogalay Timaha Dumarka Afrikaanka ah Yumna Haweenay soo saartay shanlo cusub oo loogu talogalay timaha dumarka Afrikaanka ah ayaa doonaysa in dumarka da’da yar ee Afrikaanka in ay ku dhiirogaliso in galaan xirfadaha injineeriyadda, “Waxaan jeclaan lahaa markii aan yaraa in ay wax I barto haweenay madoow ah” ayay tiri Yumna Maxamed, oo ku dhaqan magaalada Swansea ee UK. Waxa ay dhowaan heshay aqoonsiga Akadeemiyadda Boqortooyada ee injineeriyadda, iyada oo laga caawinayo in ay sii horumariso wax soo saarkeeda shanlada. Wax ka yar boqolkiiba 2% ee dadka ku jira xirfadda injineeriyadda ayaa ah dumarka kasoo jeeda dadyoowga laga tirada badanyahay ee Ingiriiska. “Waxaan rabaa in aan qeyb ka noqdo isbadalka, si qofka da’da yar ee gadaashay dhasha ay u helaan meel ay ku dareemi karaan ka mid ahaanshiyo iyo aqlabaad dheeri ah” ayay tiri. Waxa ay wadday waxbarashadeeda heerka ugu sareeya ee Phd-ga markii ay ku dhalatay fikradda shanlada caynkan ah, oo magaceedu yahay Nyfasi Deluxe Detangler. Taas oo jilcinaysa timaha Afraha ee dumarka madoow. Intii ay wax baranaysay waxa ay lacagta waxbarashada kasoo saari jirtay shaqo dhanka adeegtonimada ah iyo haynta gabadh yar, taas oo marka la oyn jirtay xanuunka ay dareento marka timaha loo hagaajinayo. “Markii dambe ayuu igu dhashay fikirkani ah in aan xal u keeno dhibaatada gabadha yar haysata” ayay tiri haweenaydan. Markii ay soo saartay noocii tijaabada, ayay raadisay dumar madoow ah oo ay ku tijaabiso, taas oo markii dambe si wanaagsan u shaqaysay. Mid ka mid ah dumarkii lagu tijaabiyay shanlada cusub “Marka timaha la dhaqayo waa arrin aad u daran oo xanuun badan, balse markii qalabkan cusub ee shanlada ah aan ku tijaabiyayna waa ay wada jecleysteen” ayay tiri. Keliya ma doonayso in tani ay u noqoto fikrad ganacsi, balse waxa kale oo ay sheegtay in ay rabto in ay noqoto qof tusaale wanaagsan u ah dumarka madoow. Shanlada cusub Shanladan casriga ah ayaa timaha si fudud u kala furfureysa iyada oo aysan goynin qeyb tinta ka mid ah. Yumna waxaa arrinkan ka caawiyay Prof Dylan Jones-Evans oo ka tirsan jaamacadda South Wales. Wuxuu rajaynayaa in dumar oo dadka laga badanyahay ay la yimaadaan fikrado waxtar leh. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay dagaalka maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, halka kuwii ku dhaawacmay uu Ilaahay uga baryay caafimaad deg-deg ah, isagoona sheegay in uu aad uga xun yahay barakacinta dadweynaha Guriceel. Waxa uu sheegay in koox ku been abuuranaysa magaca Diinta Islaamka si ay u fuliso damac shaqsi ah oo uu ula jeedo Ahlu-Sunna ay bilowday dhibaatada ka dhalatay Guriceel, ayna duulaan ku tahay nabada maamulka. “Waxaa shacab weynaha Galmudug uga tacsiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacabka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabsadeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor. Sidoo kale waxa uu sheegay in mowqifka Galmudug uu marwalba yahay in wax lagu xaliyo wada-hadal, hase yeeshe ay Ahlu-Sunna ka dhago adeygtay arrintaas, ayna qaateen inay qorsheyaan magaalooyin cusub oo xasiloon, sida uu sheegay. “22 berri ayay fadhiyeen kooxdaas duulanka soo qaaday, intaas waxa u gudbinayna oo ka codsaneynay inay ka baxaan degmada Guriceel oo dadka u daayan xasiloonidooda iyo dowladnimadood, waxay qabaan oo tabasho ahna si nabad ah u sheegtaan, taasi badalkeed waxay qaateen in dhufeysyo iyo xeryo ciidan ay ka dhigtaan Guriceel.” Waxa uu sheegay in dowladda Galmudug ay ku qasbanaatay inay dagaal ku qaado si ay isku difaacdo, maadama uu sheegay in Ahlu-Sunna ay duulaan ku tahay sharciga iyo dowladnimada Galmudug. “Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mowqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwaadin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo laga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku dhawaaqay guddi cusub oo ka kooban xubno golaha wasiirada ah iyo maamulka degmada Guriceel oo loo xil-saaray inay gar-gaar deg deg ah gaarsiiyan dadweynaha reer Guriceel ee ku barakacay dagaalka socda. “Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmudug dal iyo dibedba halka ay joogan inay caawiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo gaartay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bini-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.” Hoos ka daawo Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka kala dhaxeeya Ahlu-Sunna, kuna dhowaaqay in… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa markii u horraysay ka hadlay colaadda ka aloosan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dagaalka ka socda Guriceel oo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug. Madaxweynaha Galmudug wuxu sidoo kale sheegay in uu magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo mas’uuliyiin heer Gobol ah, si wax looga qabto xaaladda banii’aadanimo ee ka dhalatay dagaalka Guriceel. Sidoo kale, wuxu eedayn kulul u jeediyay xoogagga Ahlusunna oo sida uu sheegay ay gadaal ka taagan yihiin Soomaali iyo ajaanin hurinaya colaadda Guriceel. Halkaan ka daawo muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo si adag uga hadlay dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Waxa aan shaki igaga jirin in madaxweynuhu uu rabo in uu u ordo kursiga madaxweynaha mar labaad , waxaana aan anigu shaqsiyan ishaaradaasi qaatay maalintii uu ka hadlayey degmada Agabar oo uu wax badan daaha ka fayday , walow dhinacyo kale loo fasiray ; Goobtu waxa ay ahayd goob taariikh iyo tilmaan weyn ku leh deegaanada uu madaxweynuhu ka soo jeedo , dadka meeshaasi isugu tageynay waxa ay qayb laxaax leh ka ahaayeen dadkii codkooga , cududooda iyo cuudkoogiiba isugu daray madaxweynaha shuruud la’aan . Dareenkaasi oo jira ayuu madaxweynuhu ka fekeray in aanu u abaalgudi karayn , wax uu ku faano oo uu u qabtayna aanay jirin , filashada xukuumadiisa ee gaar ahaan Gobolka degmadaasi ka mid tahayna uu ahaa wax weyn ayaa madaxweynuhu wuxuu yidhi hadal sarbeeb ahaa oo ah ; ” Sadex sanadood waxa aan ku mashquulsanaa qoladii aynu ka badinay iyo xanaftii doorashada ka dhalatay ” waxaa halkaasi iiga soo baxday wax badan oo la iga filayey na ma qaban karayo , wax badana oo ii qorsheysnaana wakhtigii baa igaga lumay dhacdooyinkii doorashadii 2017kii ka dambeeyay, halkaasi waxa ka muuqata saluug in mudo xileedkiisii kala dhantaalmay. Haddaba waxa cad in uu mar kale u taagan yahay madaxweynaha , sidoo kale wax ka go’an in uu doorashooyinka xiligooda kuwada qabto sida iiga muuqata , laakiin dadku waxa ay isweydiinayaan tolow yaa u codeyn doona doorkan maadaama oo dadkii hore ee taageerayna aanu wanaajin ? Waxa ay ila tahay in uu doorkan codka ku raadsan doono ; 1- Maadaama oo uu Madaxweyne yahay in wax badani uga sahlanaan doonaan maalintii aanu talada gacanta ku hayn. 2- Inta uu joogey oo uu isku arko in uu sameeyay wax wanaagsan oo dawladnimadu u baahnayd inta itaalkii ahna uu dalka ku mitiday. 3- Doorashooyinkii uu qabtay iyo kuwa soo socda oo uu ku helayo sumcad wanaagsan oo aduunka iyo gudahaba ah . 4- iyo 40 sanadood oo uu dadkan soo dhex joogey oo u ah khibrad iyo xirfad gaar ah oo marka uu soo diyaar garoobo uu wax ku heli karo. Adigu Maxaad is leedahay? W/Q Dhimbiil Mohamed Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa qoraal uu u diray ra’iisul wasaare Rooble wuxuu shaaca ka qaaday in wasiirka wasaaradda Xuseen Badni uu caqabad ku noqday dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga. Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in muddo sannad ku dhow dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol), balse uu wasiirka diiday inuu jawaabo, taasi oo keentay inuu wasiir ku-xigeenka jawaabo. “Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagufurayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka. Hoos ka aqriso qoraalka wasiirr ku xigeenka oo dhameystiran. KU: RAIISAL WASAARAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA UJ: Hagardaamada Safarkii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dh & D Ee Saudi Arabia Mudane Raiisal Wasaare, anigoo ah Wasiir-Ku-Xigeenka Xanaanada Xoolaha Dh & D waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhibaato ka timi safarkii uu Wasiir Xuseen Badni ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya dhibkaas oo ah in ay sii xayirnaadaan dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed ka dib markii muddo la sugayay in nidaamka xoolo u dhoofinta Sacuudiga la furo. Waxaa jirtay in muddo sannad ku dhow dowladda Saudigu inaga sugaysay in aan xiriir fiican kala yeelano xagga xoolaha ugana soo jawaabno warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol) si iyaguna ay inoogu fududeeyaan xayiraad ka qaadidda xoolaheena. Wasiirka wuu ka dhego adaygay inuu uga jawaabo Saudiga taas oo keentay in aan anigu ka jawaabo si dhoofka xooluhu inoogu sii socdo maaadaama ay tahay isha dhaqaale ee ugu wayn ee umadda Soomaaliyeed leedahay. Xiriirka xoolo dhoofinta ee inaga dhexeeya Sacuudiga oo xumaadaa wuxuu sabab u noqonayaa in wadamo kale laga qaato sida Sudan, Georgia, Romania IWM. Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagu furayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha. Waxaa dhib iyo hagardaamo keenay safar aan loo baahnayn oo uu codsanayay in muddo ah wasiir Xuseen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo uu kula kulmay Wasiirka Bii’ada ee Sacuudi Carabiya. Wasiir Xuseen halkii uu ka shaqayn lahaa furidda xoolaha ةيلاموصلا يشاوملا نع رظحلا عفر waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday hawlihii ay ka soo shaqeeyeen Madaxwaynaha, Raiisal Wasaaraha iyo safiirkeenii loo igmaday inuu dhameeyo xal u raadinta xayiraadda xoolaha. Wasiirku waxa uu la tagay meesha shuruudo aanay qaadi karin maxjarada Soomaaliya dibna u sii dhigaysa xayiraad ka qaadidda dhoofinta xoolaha. Waxaa nasiib darro ah in Wasiir Xuseen Badni sida uu soo dhigay bartiisa Twitter ka isagoo jooga xaramka (Kacbada) uu yiraahdo waxaan umadda Ilaahay uga baryayaa horumar iyo barwaaqo joogto ah!. Xaggee bay iska qabanaysaa in safar dheer loo galo hagardaamada umadda Soomaaliyeed iyo in isla dhibkii iyadoo uu wado xaramka uga soo duceeyo. Wasiirku wuxuu dhib wayn ku hayaa ganacsatada xoolaha isagoo ugu hanjabaya maxjarada ayaan idinka xirayaa haddii aydaan si gaar ah ii fahmin taas oo cabsi badan ku beertay mulkiilayaasha maxjarada. Maadaama aan anigu xil wayn aan ka hayo wasaaradda la iguna aaminay in siday wax u jiraan aan muujiyaa waa waajib i saaran. Wasiirka waajibaadkiisa shaqo waa in uu dejiyo siyaasadda lagu hagayo wasaaradda ee maaha in ganacsatada u safar u galo si uu ugu kallifo shuruudo aanay fulin karayn. Ugu dambayn Mudane Raiisal Wasaare waxaan soo jeedinayaa in arrintan qaran (xayiraad qaadidda) ee inoo ah halbowlaha dhaqaale ee kaliya in xukuumad ahaan xal deg deg ah loo raadiyo iyada oo loo danaynayo shacabka Soomaaliyeed saamayn aan la mahadinna ku yeelanaysa magaalooyinka iyo reer miyiga Soomaaliyeed ee waxa yar ka raadinaya neef ka ay sayladaha xoolaha keenaan. WABILLAAHI TOWFIIQ Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dh & D The post Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha oo shaaciyey arrin caqabad leh oo uu wasiirka wasaaradda sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP ee Somaliya El-Khadir Doloum. Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxa Xafiiska WFP Gaalkacyo Lakule Ladowani, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxa Xafiiska WFP Somalia Shaqooyinka u hirgalay iyo kuwa dhawaan ay ka qabanayaan Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug isagoona Gudoomiyaha uga mahadceliyey Shaqooyinka Dowladda Puntland ay ka qabatay Gaalkacyo iyo dibu dajintii ay usameeyeen shacabkii laascaano laga soo barakiciyey. Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “ ku soodhawoow Magaalada Gaalkacyo, waan idinkaga mahadcelinayaa sida aan wada shaqaynta dhow uleenahay, sidoo kalena waxaan idinku bogaadinayaa waxtarka leh ee ay ka qabtaan Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug.” PUNTLAND POST The post Gudoomiye Sanyare oo kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP Somaliya appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warbixiyey inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee weli ka socda gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ahlu Sunna aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda, isla-markaana ay dagaallami doonto illaa uu dhinto askarigeeda ugu dambeeyo. Waxa kale oo uu xusay in weli ay ku sugan yihin gudaha Guriceel, ayna iska caabin doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee dagaalka ku qaaday magaaladaas. Marka la eego tirada dhimashada ee ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa aad ugu badan mida ay sheegtay Galmudug oo horay u baahisay in dagaalkaas looga dilay 16 akari, loogana dhaawacay 45 kale, dagaalka culus ee ay haatan kula jirto ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Dhinaca kale dadka ku barakacay dagaalka ka socda Guriceel ayaa gaaraya illaa 100,000 oo qof, sida ay shaacisay QM, kuwaas oo ku dhibaateysan duleedka degmadaasi. Si kastaba, xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo labada ciidan ay isku horfadhiyaan aaga Jaamacadda oo ku taal dhanka waqooyi magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. The post Tirada dadka illaa hadda ku dhintay dagaalka ka socda GURICEEL oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay yara dagan tahay, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac dagaalamaya. Dadka degmada ku haray qaarkood waxaa ay ku waramayaan in mararka qaar ay maqlayaan rasaas Goos Goos ah oo ay is weeyraadsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqda. Labadda dhinac ayaa wali isku horfadhiya Isbitaalka Cubeyd, dabaqa Erkollo ee dhanka Waqooyi Beri magaaladda Guriceel. Ciidamadda Ahlu-Sunna ayaa difaaca ugu adag uga jira halka loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidamadda dowladda weeraro culus ku qaadeen balse wali aysan ku guuleysan in ay gudaha u galaan, waxay ayna iska caabin kala kulmayeen ciidanka Ahlu-Sunna. Ciidamada dowladda ayaa maanta ku sugan oo lagu arkayaa saldhigga degmadda, guriga degmada, Beder 1 iyo 2, Quraca Xadiyo Cad ilaa dabaqa Koosow ee dhanka galbeed ee magaalada. Ma jirto illaa iyo hadda xabad joojin ay gaareen labada dhinac, waxayna haatan ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan oo ku aadan dagaalkaasi. Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa waxaa u imanaya gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa, sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan degmada Guriceel. Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay geysay degmada Guriceel, kuwaas oo dagaal la geli doona Ahlu-Sunna. Dagaalka Guriceel ayaa sababay dhimashada dad ka badan 120 qof, dhaawac, burbur iyo barakac, waxaana qoysaskii ku noollaa halkaasi ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaaladaasi. Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay dagaalka ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Guriceel, halka la kala joogo iyo ciidan gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo kulan dhanka fogaan aragga ah warbaahinta kula hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyay xalaadda Soomaaliya. Mr Swan ayaa soo hadal qaaday ugu horeyn dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud taas oo uu sheegay in uu ay aad uga xun yihiin. James Swan ayaa carabka ku dhuftay in QM ay ka walaacsan tahay waxa ka socdo guriceel, waxa uu sheegay in dagaalka uu dadbay howlihii laga qaban lahaa doorashada. James Swan ayaa caddeeyey in dagaalka Guriceel ka socda uu saameeyey 20 kun oo guri, oo micnaheedu yahay in ay qaxeen ilaa 100 kun oo qof. Dhanka kale Ergayga oo soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka ayaa ku booriyay maamulada sida ay u dardar geliyeen howlaha doorashada Aqalka sare. Swan ayaa ugu baaqay in maamulada in la guda galo doorashada golaha shacabka baarlamaanka oo muddo iyadana dib u dhaceysay. Xoghayaha ayaa ku amaanay maamulada dalka in ay ilaaliyeen kootada haweenka isagoo sheegay in doorashadii aqalka sare ee dhacday in 26% ay ka heleen isagoo rajeeyay in golaha shacabka ay haweenka ku yeeshaan 30%. Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa sidoo kale inta kulanka uu socday soo hadal qaaday abaaraha iyo xaaladda bini’aadanimo ee ka jirto qeyba ka mid ah gobalada dalka. James ayaa sheegaya in dad gaaraya 7.7 milyan oo soomaali ah ay wajahayaan xaalada bini’aadanimo isagoo xusay in xafiiskiisa uu horay u taageeray 2.5 milyan oo ka mid ah dadkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in CIA-da ay mas’uul ka aheyd xil ka qaadistii 2015 lagu sameeyey taliyihii hore ee NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare. Sida warbixinta ay tiri, waxaa sanaddii 2015 ii khilaaf soo kala dhex-galay Jeneraal Tuuryare iyo madaxii saldhigga CIA-da Mareykanka ee Muqdisho, oo aan magaciisa la shaacin. Sarkaalka CIA-da ayaa ku eedeeyey Tuuryare maamul xumo iyo musuq-maasuq, hase yeeshee Tuuryare ayaa New York Times u sheegay inuu ahaa dhibanaha kibirka iyo isla weynida Mareykanka. “Waxaan diiday inaan madaxa u raariciyo boqorka is-magacaabay,” ayuu Tuuryare u sheegay New York Times, isaga oo ula jeeda madaxa saldhigga CIA-da ee Muqdisho. Muranka ayaa salka ku hayey maamulka iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ciidanka Gaashaan ee ka tirsan NISA, balse ay tababaraan CIA-da. CIA-da ayaa si toos ah u maamusha Gaashaan, sida warbixinta lagu sheegay. Gaashaan waa ciidan xul ah oo ka kooban 300. Muranka Jeneral Tuuryare iyo CIA-da ayaa socday muddo sanad ah, waxaana madaxda wasaaradda arrimaha dibedda Mareykana ay ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka ka qaado Tuuryare, taasi oo uu diiday. Si kastaba, kaliya markii sidoo kale uu wasiirkii arrimaha dibedda UK ee xilligaas Philip Hammond uu madaxda Soomaaliya u sheegay in xiriirkooda uu halis ku yahay muranka ku hareereysan Jeneraal Tuuryare, ayaa uga dambeyn taliyihii NISA xilka laga qaaday. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in xilligii xilka laga qaaday Tuuryare ay aheyd dhammaadkii muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh. The post Sidee sarkaal CIA ah uu uga dambeeyey xil ka-qaadistii taliyihii NISA Gen. Tuuryare? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Maanta oo kale lix sanno ka hor, waa 26 October 2015 ayay In ka badan laba iyo toban ma’suul oo xilal ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Somaliland, kaddib markii ay sheegeen in madaxweynuhu la saftay mid ka mid ah musharaxiintii u tartamayey musharaxnimadda xisbiga kulmiye. Mas’uuliyiintaa waxaa ka mid ahaa; Wasiirkii Madaxtooyada, Xirsi Cali xaaji Xasan, wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis , Wasiirkii shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Aw Daahir, Wasiirkii Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, wasiir ku xigeenkii hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, agaasimihii wasaaradda ganacsiga, Wasiir ku xigeenkii shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiir ku xigeenkii dib u dejinta iyo Afhayeenkii madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul. “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar-baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay inaan si rasmi ah isaga casilo xilkii aan Qaranka u hayay ee wasaarka madaxtooyada muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd,” ayuu yiri wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. xasan oo ka mid ahaa wasiiradda ugu awoodda badnaaa golaha wasiiradda, isla markaana shanti sano ee madaxweynuhu talinayey aan marna la bedelin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa isagana sheegay in markii madaxweynuhu dhinac noqday uu xilkii iska casilay. Wasiirradan ahaa ayaa ahaa isbahaysi si weyn uga soo horjeeda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Cabdi oo hadda ah madaxweynaha Somaliland waxa ayna aad u taageersanaayeen Maxamed Biixi oo uu rabay inuu musharax u noqdo xisbiga kulmiye si uu isna guddoomiyaha xisiga kulmiye u noqdo. Dad badan oo markii hore dhaliilsanaa ayaa hadda ay si weyn teegeersan tallaabadii ay wakhtigaa qaadeen wasiirradan ka tirsanaa xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaana sannado dhawr ah ka dib bulshada dhexdeeda caan ka noqotay khudbad uu wakhtigaa jeediyay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo nuxurkeedu ahaa waxaanu dalka ka badbaadinaynaa hoggaan xumo. Source
-
Dagaal culus ayaa xalay Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Sida wararku sheegayaan, Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerartay saldhiga ciidamada dowladda Federaalka ee degmada Afgooye, waxaana halkaas ka dhacay dagaalka labada dhinac. Xog dhammaystiran weli lagama soo werin khasaaraha ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye. Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka halka laba kalena ku dhaawacmeen, balse dowladdu dhankeeda weli kama hadal. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Weftigii Somaliland ee uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Ciise Keyd ayaa maanta Nayroobi kula kulmay waddamada bahwadaagta ah ee horumarinta caalamiga ah, siduu daabacay wargeyska The Star. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland oo ay wehelinayaan wasiirrada horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta ayaa la kulmay waddamada bahwadaagta ah ee Dheenmaarig, Fiinlaan, Jarmani, Holan, Iswidhan iyo Midawga Yurub. Wargeyska The Star oo soo xiganaya qoraal kasoo baxay safaaradda Somaliland ee Kiiniya ayaa sheegay in kulankaasi uu qayb ka ahaa dedaallada horumarinta ah ee Somaliland ay ku doonayso in xidhiidh cusub ay la yeelato saaxiibada Somaliland ee dibadda iyo dib u habaynta ay ku waddo siyaasaddeeda dibadda. Wargeysku waxa kale oo uu intaas raaciyay in weftiga Somaliland ay u sheegeen waddamada ay la kulmeen rabitaanka xooggan ee Somaliland ee ah inay sii waddo ku dhaqanka mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyinka xor iyo xalaasha ah. Waddamada bahwadaagta ah ee Horumarinta caalamiga ah ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaradka ah ay ka go’an tahay in la qabto doorashada madaxtinnimada ee 2022-ka. Ugu dambayn, wargeysku waxa uu qoray in somaliland ay tahay dal madax bannaan oo xorriyaddiisii dib ula soo noqday, kaasoo si gooniya ay ula macaamilaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageera dhinacyada dimuqraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani aadannimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Ciise Kayd ayaa gaadhay dalka Kiiniya todobaadkii hore. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dhacdo murugo leh ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihii ku dilay Mindi ama Toorey uu kaga dhuftay dhanka wadnaha. Marxuumka oo qiyaastii 60 jir ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Garboojo, wuxuuna caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir oo uu ka shaqeysan jiray. Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay oo isna 20 jir ah uu goobta iskaga baxsaday, kadib falkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cismaan Garboojo. Mid ka mid ah raggii ay isla shaqeyn jiray Aabaha la dilay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in cisbitaalka loo qaaday, kadibna uu geeriyooday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu baxsaday wiilka dilka geystay, isaga oo ugu baaqay saraakiisha laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha baxsadka ah. “Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajicuun mid aan suuqley isla nahay oo Garboojo la dhahaayo oo suuqaas weyn aan wax iskala dhacsaneynay aa wiilkiisa mindi ku dhuftay wiilkiisana waayey,” ayuu yidhi mid ka mid ah ragga ay isla shaqeynayeen marxuumka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Annaga suuqa ayaan joognay taleefoon ayaa naloo soo diray isaga oo cisbitaalka loo qaaday marka laga soo celiyeyna meyd ayuu ahaa wiilkiina waa baxsaday,”. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii lasoo dhaafay uu muran ka dhex jiray qoyska iyo wiilka dilka geystay oo la sheegay inuu lahaa balwad, isla-markaana uu isticmaalayey daraagis, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada marxuumka. Dhacdadan ayaa si weyn la yaab ugu noqotay dadka deegaanka, waxaana guriga marxuumka buux dhaafiyey dadweyne iskaga kala yimid xaafadaha Muqdisho. Source
