Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka digay faragelinta ciidamada shisheeye ee gobolka, iyada oo Australia ay iska fogeysay cadhada sii kordheysa ee Beijing ,taas oo la xiriirta in dalkaasi uu doonayo in uu helo maraakiibta quuusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka ee Mareykanka. Khudbad uu Madaxweynuhu ka hor jeediyay Ururka Iskaashiga Shanghai Jimcihii, wuxuu ku boorriyay madaxda dowladaha gobolka inay gabi ahaanba iska caabiyaan xoogagga dibedda oo uu ku tilmaamay in ay wadaan faragalin shisheeye. Mr. Xi Jinping waxaa uu ballan qaaday in uu difaaci doono sarreynta sharciga hawada sare iyo biyaha badda,gaaar ahaan dhulalka Jasiiradaha ah ee la isku hayo. Hadalladaan ayaa daba socda ku dhawaaqistii Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia ee ah inay samaystanayaan ​​iskaashi xagga amniga iyo difaaca ah, iyo go’aanka Australia ee ah inay Maraykanka ka iibsanayso maraakiibta quusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha oo ka digay faragelin shisheeye appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay khilaafka ka dhex taagan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Warsaxaafeed kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa loogu baaqay labada mas’uul in si nabad ah ay ku xalliyaan khilaafka dhexdooda, islamarkaana diiradda la saaro Arrimaha doorashooyinka dalka. Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo xal loogu keenayo khilaafka Rooble iyo Farmaajo, si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada arimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo war ka soo saaray Khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa shaaciyey inay shir iskugu imaanayaan maalinta Talaadada ee toddobaadka soo socda, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadli doono dar-dargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna socon doona 21 illaa 24 bishaan September. Hase yeesheem, shirka Garoowe kuma casuumna Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo asagu ah hogaamiyaha u sareeya ee loo igmaday hanaanka doorashada iyo amniga, waxaana la isweydiinayay sababta xilligaan keentay shir u gaar ah madaxda dowlad goboleedyada, ayada oo uu jiro Golaha Wadatashiga Qaranka. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in mugdi badan uu ku gadaaman yahay shirka Garoowe. “Ma muuqato sabab ay Dowlad Goboleedyadu kaligood doorashada uga shiraan. Waa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu shirka Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeraa si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka,” ayuu yiri. “Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland mowqifkoodu wuu caddaa, waxayna taageereen in hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka looga danbeeyo Raysalwasaaraha, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay dhexdhaxaadin kaga siibteen in ay mowqif qaataan. Markii uu Farmaajo diiday dhex-dhaxaaintii ay wadeena way kala tageen.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxda dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna arrinta doorashada lagu jaangooyo un Golahaas. “Golaha Wadatashiga Qaranka deg-deg ha iskugu imaado, Ra’iisul Wasaarahana lagu taageero in asaga uu hore u wado oo uu dadajiyo doorashooyinka, aan shirar kale lagu dhinac qaban ee shirka Golaha lagu wado arrimaha doorashooyinka.” Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Rooble uu dalka bad-baado u yahay, islamarkaana uu hayo wadada keliya ee xilligaan ku samata-bixi karto Soomaaliya, oo kal hore ku sigatay dagaal siyaasadeed aan la mahdin. The post Madax goboleedyada ‘oo albaabka ka xirtay’ ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Goodax Barre ayaa ugu horeyntii sheegay in Farmaajo uu kasoo daray, kadib markii uu shalay soo saaray Wareegto uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona u soo jeediyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in uu qaado tallaabo adag. Wareegtadaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, ayaa waxa uu Goodax ku macneeyay mid awood aan jirin uu isku bidayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna cadeyn u tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu go’aansaday in isbaaro aan dhamaad laheyn uu hordhigo doorashooyinka dalka. “Waxaa cad oo marqaati ah oo umadda Soomaaliyeed u muuqata in Ra’iisul Wasaaraha uu aad u qadariyey oo ugu samray in madaxweynaha wax badan oo isbaaro ah oo wadanka dhibaato ku ah, waxaa leeeyahay intaas ha ku filnaato sharaftii iyo qadarintii la siiyey madaxweynaha,” ayuu yiri. “Mar hadduu cadeystay in uu hor-istaago umadda Soomaaliyeed waxay ila tahay in tallaabo ka duwan sidii loola dhaqmi jiray uu Ra’iisul Wasaaraha ula dhaqmo.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka qaadayo mas’uuliyada waddanka lagu curyaaminayo haddii uu qaadi waayo tallaabo adag oo looga hortagayo isbaarooyinka horta leh ee uu Farmaajo hordhigayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble. Goodax ayaa ugu dambeyntiina arxan darro ku tilmaamay waxa hadda socda, waxa kali ah ee daawo u ah ay tahay qabsoomida doorashada dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu door ku laheyn arrintaas, oo ay shaqadooda billaabaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. The post Goodax Barre oo Rooble ugu baaqay tallaabo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - The international community is alarmed that Somalia's current constitutional crisis that has paralyzed that national executive will hinder efforts at organizing federal elections. Source: Hiiraan Online
  6. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada. War-saxaafadeed wadajir oo goordhaweyd ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “saaxiibbada Beesha Caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”. “Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayaa warka Beesha Caalanka lagu daray. War-saxaafadeedka waxaa soo wada saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka: “Farmaajo iyo Rooble waa in ay degdeg u xalliyaan khilaafkooda” appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - Djibouti's Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf released a statement on Friday denying any involvement in the alleged detainment of embattled former National Security Agency chief Fahad Yassin at a Djibouti City airport. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Djibouti's Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf released a statement on Friday denying any involvement in the alleged detainment of embattled former National Security Agency chief Fahad Yassin at a Djibouti City airport. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada. Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay xakameeyaan is-weydaarsiga qoraallada xaaladda ka sii daraya. Sidoo kale beesha caalamka oo qoraalkeedu u muuqdo mid dhex-dhaxaad ah ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqday inay deg deg u xaliyaan khilaafkooda, isla markaana la dardar geliyo fulinta heshiisyadii doorashada. Qoraalka beesha caalamka oo ahaa mid aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya sanad kadib caawa oo kale markii Muqdisho lagu kala saxiixday heshiiskii doorashada ee 17-kii September, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo haatan uu khilaaf adag kala dhaxeeyo. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada. Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday. War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  11. Dowladda Jabuuti ayaaa beenisay in ay xanibtay diyaarad uu saarnaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir La-taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Waxaa jira warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada oo isku dayaya inay abuuraan jaahwareer iyo inay Jabuuti u jiidaan caqabadaha gudaha Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonnaa inaan garab istaagno walaalaheenna Soomaaliya laakiin marnaba ma faragelinno arrimahooda gudaha”. There are fake news released in social media trying to create confusion and drag Djibouti into Somalia internal challenges and crisis . We will continue to stand by our brothers and sisters in Somalia but never interfere in their internal affairs . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa yiri “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta Muqdisho u socotay waxay ku noqon doontaan Istmbul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.” All passengers onboard of today’s Turkish flight to Mogadishu will go back to Istanbul to embark on another flight to Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Wasiirka ayaa sheegay in duulimaadku u baaqday cilad farmo oo diyaarada ku timid “Duulimaadkii maanta ee diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho ku sii jeeday ayaan ka soo kicin Jabuuti sababo la xiriira cilado farsamo sida ay shirkaddu sheegtay” ayuu Twitter-ka ku yiri. The today’s Turkish Airlines flight scheduled to Mogadishu did not take off from Djibouti due to technical problems according to the company ( one of the pilots did it have the special autorisation to land in Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Hadalka ka soo baxay Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyadoo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaaashi uu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo la socotay. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo beenisay in ay xanibtay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid. Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul. “Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri, shirkadda Turkish Airlines. Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Xaqiiqda ah in diyaaradda ay ku laabatay Istanbul ayaa muujineysa in loo diido inay timaado Muqdisho, ayada oo sidada Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” The post Diyaaraddii sidday Fahad oo dib ugu laabatay Istanbul appeared first on Caasimada Online.
  13. Row over the government escalated when President Mohamed suspended the executive powers of PM Roble. Source: Hiiraan Online
  14. Click here to read more about this article Qaran News
  15. Turkey has selected SpaceX for the launch of the country's first domestically produced communications satellite, a mission that will fly from Florida on a Falcon 9 rocket. Source: Hiiraan Online
  16. Maxamuud Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Djibouti ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradda Turkish Airline aaney Muqdisho iman sababo la xiriira cilad heshay. Wasiir Yuusuf ayaa wararka ku saabsan Fahad Yaasiin ku sheegay kuwoo aan sal iyo raad laheyn, oo laga badbadiyey, waxaa uuna intaas raaciyey in diyaaradda iyo rakaabka saaran ay dib ugu noqon doonaan Turkiga si diyaarad kale usoo qaataan. Arrintan ayaa imaaneysa kadib saacado uun markii Villa Somalia ay sheegtay in Djibouti hakisay diyaarad uu la socday lataliyaha Farmaajo Fahad Yaasiin iyada oo ku hanjabtay in wixii ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  17. MOGADISHU — Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed on Friday accused neighboring Djibouti of illegally detaining his national security adviser, a criticism which appeared linked to a destabilizing row between the president and his prime minister. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (Reuters) – Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed on Friday accused neighbouring Djibouti of illegally detaining his national security adviser, a criticism which appeared linked to a destabilising row between the president and his prime minister. Djiboutian authorities held the adviser, Fahad Yasin, preventing him from travelling to Mogadishu by air, the director of communications in the presidency Abdirashid Hashi said, without providing more details. “Such acts will not help to strengthen our ties between our governments,” Hashi said in a statement. There was no immediate comment from Djibouti authorities. Yasin was suspended from his post as director of the National Intelligence Service Agency (NISA) by Prime Minister Mohammed Hussein Roble last week. The president then stepped in and appointed someone other than Roble’s choice to head NISA, and gave Yasin a job as his security adviser. The row between Mohamed and Roble, nominally over a murder investigation, marks an escalation of months of tension between them in a country riven by militant attacks and clan rivalries. Political Cartoons on World Leaders View All 91 Images “His (Yasin’s) presence is quite polarising, so if he is back in Mogadishu, that is a boon for Mohamed and it is a concern for Roble’s side,” Mahmood Omar, Somalia analyst at the International Crisis Group, a Brussels-based think-tank, told Reuters. Mohamed has not gotten on well with the Djibouti government, Omar said, after he embraced Eritrea and Ethiopia and left Djibouti feeling isolated. “Djibouti has not been happy with the Mohamed government for quite some time so it is not a surprise to see them do something, whether intentionally or unintentionally, that is a detriment to Mohamed,” he said. Mohamed and Roble first clashed in April, when the president unilaterally extended his four-year term by two years, prompting army factions loyal to each man to seize rival positions in the capital, Mogadishu. The confrontation was resolved when the president put Roble in charge of security and organising delayed legislative and presidential elections. That process was supposed to be concluded next month but was pushed back again last week. Roble has accused Mohamed of “obstructing effective investigation” of the case of Ikran Tahlil Farah, a NISA agent who went missing while working in the agency’s cybersecurity department. Farah’s family has said it believes she was murdered, while the agency has not commented on the case. (Reporting by Abdi Sheikh and Abdiqani Hassan; Writing by Duncan Miriri, Editing by William Maclean) Copyright 2021 Thomson Reuters. The post Somalia’s president berates Djibouti for detaining his security adviser appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah kasoo saartay wixii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Jabuuti, xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xanibtay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri shirkadda Turkish Airlines. “Mid ka mid ah duuliyayaasha wuxuu haystay fasax gaar oo ah inay soo caga dhigan karto Muqdisho,” ayuu yiri Wasiirka, oo tixaraacaya wararka sheegaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay diideen in diyaarad sidda Fahad aysan iman karin Muqdisho. “Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Dadka duulimaadka saaran ayaa gaaray 40 qof, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin. Wasiirka ayaa sheegaya in wararka kale ee arrintan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, islamarkaana Jabuuti lugaha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya. “Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doonni arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. The post DEG DEG: Jabuuti oo war rasmi ah kasoo saartay arrinta Fahad iyo diyaaradii baaqatay appeared first on Caasimada Online.
  20. There are fake news released in social media trying to create confusion and drag Djibouti into Somalia internal challenges and crisis . We will continue to stand by our brothers and sisters in Somalia but never interfere in their internal affairs . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 All passengers onboard of today’s Turkish flight to Mogadishu will go back to Istanbul to embark on another flight to Mogadishu . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) September 17, 2021 Qaran News
  21. As a Top Official from @TheVillaSomalia and Communication’s Director, I’m asking you brotherly to refrain from any inappropriate and baseless statements. You rather better finds out the reality. #Djibouti will shortly release an official communication from HE MoFA. https://t.co/JBUwIJftbp — Ilyas M. Dawaleh (@Ilyasdawaleh) September 17, 2021 Qaran News
  22. Dawlada Jabuuti oo xidhay Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somalia+Xafiiska Farmaajo oo war Cusub ka soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidatan:- DFS waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa. pic.twitter.com/9kGKatNd65 — Abdirashid M. Hashi (@MrDuqa) September 17, 2021 Qaran News
  23. PRESS RELEASE Africa Investment Forum to host third Market Days in Abidjan, December 1-3, 2021 Invited participants to this third edition, including investors, project sponsors and decision-makers, will be presented with a pipeline of deals that are ready for investment ABIDJAN, Ivory Coast, September 17, 2021/ — The Africa Investment Forum will hold its 2021 Market Days in Abidjan, Côte d’Ivoire, from the 1-3 of December 2021. The annual business gathering will showcase transformative investment opportunities across the African continent, many of which hold the potential to drive Africa’s recovery from the Covid-19 pandemic. Invited participants to this third edition, including investors, project sponsors and decision-makers, will be presented with a pipeline of deals that are ready for investment. Market Days 2021 will be held in a hybrid format. There will be boardroom sessions, where deals are agreed among those physically present, while other attendees will participate virtually. Discussions at Market Days 2021 will focus on many different sectors, notably: agriculture and agro-processing; energy and climate; health; ICT and telecommunication; and industrialization and trade. These are all sectors prioritized under the Africa Investment Forum’s Unified Response to Covid-19 initiative, launched in 2020. Boardroom sessions, where deals are finalized, will feature projects that: (1) are women-led; (2) are in Africa’s creative industries; and (3) promote financial, economic, and social sustainability. “We look forward to welcoming investors to join us in Abidjan – and virtually around the world – to take the next step in Africa’s growth,” said Dr. Akinwumi A. Adesina, President of the African Development Bank. “To achieve this growth, however, and to bounce back to pre-pandemic levels, Africa will need significant financial support. As an example. the whole of Sub-Saharan Africa will need $425 billion in additional gross financing by 2030,” he added. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Press Contact: Olufemi Terry Communication and External Relations Department African Development Bank Email: o.terry@afdb.org About the Africa Investment Forum: The Africa Investment Forum is a multi-stakeholder, multi-disciplinary platform that advances private and public-private-partnership projects to bankability, raises capital, and accelerates deals to financial closure. A flagship initiative of the African Development Bank, the Forum was launched in 2018 with seven other founding partners: Africa 50; the Africa Finance Corporation; the African Export-Import Bank; the Development Bank of Southern Africa; the Trade and Development Bank; the European Investment Bank; and the Islamic Development Bank. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  24. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo wehelisa. Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa xannibaadaas ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga, waxaana uu dowladda Jabuuti ka codsaday in ay fududayso Safarka mas’uuliyiintaas. Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Jabuuti mas’uul ka tahay wixii gaara Amniga Shakhsiga ah ee Fahad Yaasiin iyo saraakiisha la socota, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid fara-gelin ku ah Soomaaliya. “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb-geli doono shir ku saabsan Amniga Qaranka oo berri Muqdisho lagu qaban doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Fahad Yaasiin lagu xannibay waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.