-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin oo markii u horeysay ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhowrka maalmood ka socday degmada Guriceel ayaa hanjabaad culus u diray dadkii gacanta siiyay Ahlu-Sunna oo qaarkood ku sugan yihiin degmada. Guddoomiye Anas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dadka qeybta ka ahaa waxyeelada soo gaartay bulshada Guriceel, islamarkaana ay maxkamad kasoo hormuuqan doonaan, sida uu sheegay. “Cid walba oo gacan ku laheyd oo Guriceel ha joogto ama ha ka maqnaate waxaa rajeynayaa inay maxkamad kasoo hor-muuqan doonto. Raali kama noqon doono in maalin walba la dhibaateeyo guryaheen oo haddan xaafadaha naloo joogo oo dad wanaagsan oo fiican oo wanaagsana la iskaga dhigo wax shaqeyn doono maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Anas Cabdi Macalin. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, ganacsiga, caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee degmada Guriceel. “Dadka reer Guriceel waa baraargusan yihiin mana aha dad raba in ay laabtaan oo xiligan kadib lagu qancin karo aan jabhadeyno oo xaafado hoose aan u dagaalano. Waa dad fahansan cadowgooda iyo kuwa wax u galay.” Guddoomiye Anas ayaa ballan-qaadya in sida ugu dhaqsaha badan ay gargaar gaarsiin doonaan dadkii ku barakacay dagaalka Guriceel, isagoona hay’addaha samafalka ugu baaqay ka qeyb qaadashada taakulada dadkaas. Maamulka sare ee degmada Guriceel ayaa u muuqda kuwo aargoosi xun kula kacaya dadkii gacanta siiyay ururka Ahlu-Sunna ee xiligan ku sugan degmada, waxaana sidan oo kale shalay wacad ku maray Taliyaha saldhiga booliska degmada inay si nabad ah ku joogeen dadkaas. The post Guddoomiye Anas Cabdi oo soo saaray hanjabaad cusub iyo dad ku sugan Guriceel oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo issued a decree on Thursday suspending the agreement on any new transfer, lease or sale of public land until parliament finalizes the rules and regulations. Source: Hiiraan Online
-
A granny casting her vote in one polling station in Puntland. Another morning with very high hopes has risen in Puntland as people lined up to cast their votes to be able to elect their local governments. Excitement at the democratic progress was brewing in every corner of polling stations. Many voters woke up early to fulfil their duty towards the democratization process in Puntland State of Somalia. More than five decades ago people in this part of the Federal Republic of Somalia went to the polling stations in the last national direct elections, before a military junta had overthrown the civilian government in 1969. People have waited for a long time to witness the transformation of Puntland political system from one based on handful of elders and politicians to one based on people’s democratic rights expressed through the ballot box. President Abdirahman Farole’s 2013 attempt to transform the political system is noteworthy, not as a failure but as the first foundation stone of a gradual democratization process. Voters line up to vote in the first direct elections in Puntland State of Somalia. The incumbent Puntland government’s commitment to this process has paved the way for the historic elections that took place on the 5th of October 2021. President Said Abdullahi Deni is commendable for entrusting the task of overseeing elections with the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC), under the leadership of its Chairman, Guled Salah, who through months of research, and training, and coordination with political associations, had chalked up a remarkable achievement. Members of TPEC in a planning meeting before elections. TPEC took the challenges of the process by the horns and tackled unforeseen complications in a consultative manner. The timeframe for bringing he democratization process to fruition initially seemed to be obstacle, but the spirit of stakeholders’ compromise facilitated the march towards the historic elections. Guled Salah, TPEC Chairman, with a ballot box. Democracy is premised on several fundamental principles such as political equality and liberty to enable citizens to exercise their right to elect leaders. It was encouraging to see citizens – elders, men and women – voting peacefully, raising the hope that one person, one vote poll can take place in Somalia in the future. A man with a disability ready to cast his vote in Garowe. The election concluded peacefully, with both international and local observers at polling stations. I am glad to have witnessed international observers positively commenting on how elections were conducted. Voters observing Covid-19 rules before voting in Puntland. The process of democratization has started to ensure that the 47 remaining districts and cities will go to the polls. There is a need to commit more resources to training to prevent the high rate of wasted votes relative to the total number of votes. District Commissioners and local governments of Eyl, Ufayn and Qardho are the unsung heroes of the first direct elections in Puntland. I take my hat off to them. By Abdirahman Abuuraas abuuraas13@gmail.com Twitter: @abuuraas131 The post Some Thoughts on the First Democratic Elections in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeedhay safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka millatari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen. Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.” Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi. Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.” Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan. Hadallada Kordahi “ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga,” ayaa lagu yidhi bayaan ay sii daysay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM. Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadallada Kordahi “la diiday oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda,” ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday kahor inta aan Kordahi loo magacaabin wasiir bishii September. Source
-
(SLT-Paris)-Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xidheyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka. Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xidheyso in kasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaalla magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka. Source
-
MOGADISHU (HOL) - The African Union forces in Somalia (AMISOM) has dismissed claims by Ahlu Sunna Waljamaa that the AU force took part in the Guriel fighting as ‘false, toxic and malicious, deliberately intended to cause disaffection between AMISOM and the Somali communities.’. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Khartoum)-Bangiga Adduunka ayaa hakiyay lacagihii uu ku bixin jiray mashaariicda dalka Suudaan, go’aankan oo jawaab u ah afgembigii millatariga xukunka kala wareegay dowlad ku meel gaadh ah. Xayiraadan dhaqaale ayaa lagu soo beegay xilli ay shaqaalaha shirkadaha batroolka ee dowladda, dhakhaatiir iyo duuliyeyaal ay ku biireen kooxaha rayidka ah ee ka soo horjeeda inqilaabkii millatariga. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka tan iyo maalintii isniinta ee afgambiga uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, waxaana dhowr qof lagu dilay isku-dhacyo ay la galeen ciidamada ammaanka. Burhaan ayaa kala diray golihii dalkaasi maamulayey oo ka koobnaa militariga iyo rayidka ee loo dhisay inay dalka gaadhsiiyaan doorasho dimuqraadi ah kadib kacdoonkaii 2019 ee xukunka looga tuuray hogaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir. Jeneraalka ayaa sheegay inuu inqilaabka ku dhaqaaqay si uu uga hortago dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dhaca, balse go’aanka Bangiga Adduunka ee lagu joojiyey lacagaha iyo mashaariicda horumarinta waxa ay dhabarjab weyn ku tahay waddanka Suudaan oo kamid ah dalalka Afrika ugu saboolsan. Waxaa hore u sheegay inay deeqda dowlada Suudaan ka jarayaan waddanka Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka shiray xaalada Suudaan ayaa weli laga sugayaa inay kasoo saaraan qaraar ku aadan sidii loola macaamili lahaa militariga la wareegay awooda dalkaasi. Source
-
Dawladaha Boqortooyada Sacuudiga & UAE oo u yeedhay Safiirada Lubnaan u fadhiyey+Sababta Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan iyo Mohammed bin Salman Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen. Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.” Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi. Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.” Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan. Hadallada Kordahi “ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ay sii daysay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM. Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadallada Kordahi “la diiday oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda,” ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday kahor inta aan Kordahi loo magacaabin wasiir bishii September. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen. Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.” Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi. Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.” Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan. Hadallada Kordahi “ee ceebta ah dhinacana u janjeera waxay u gefeen dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ay sii daysay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM. Dowladda Lubnaan ayaa Talaadadii sheegtay in hadallada Kordahi “la diiday oo aysan ka tarjumeyn mowqifka dowladda,” ayada oo intaas ku dartay in wareysiga su’aashu ay ka taagan tahay la qaaday kahor inta aan Kordahi loo magacaabin wasiir bishii September. AFP + VOA The post Sacuudiga iyo Imaaraadka oo aad uga carooday arrin uu sheegay George Kordahi appeared first on Caasimada Online.
-
Amiirad Mansabkeedii Boqortooyo ku weyday Guur Amiirad Mako iyo Kei Komuro Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Mako oo ah gabadh ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Jaban ay shaacisay inay guursaneyso wiil ay isku fasal ahaayeen oo lagu magacaabo Kei Komuro, waxay sheegtay inay si weyn u jeclaatay ninkan. Gabadhan oo lagu magacaabo Amiirad Mako, oo 25 sano jir ah ayaa waxaa awoowe u ah boqorka dalka Jaban Akihito waxayna guursatay Kei Komuro, oo ka shaqeeya xafiis Qareen kaasi oo ay isku da’a yihiin. Amiirad Mako ayay isbarteen ninka ay calmatay sanadkii 2012 xilligaasi oo ay isku Jaamacad dhigan jireen. Gabadhan ayaa mansabkeedii boqortooyada ku waaysay guursashada ninkan maadama sharciga u yaal qoyska Boqortooyada uu dhigaya in haddii qof ka tirsan qoyska Boqortooyada uu damco in uu guursado qof caadi ah ay tahay in uu iska dhigo darajada ama maaqaamka Boqortooyada. Waxaa si weyn isha loogu hayay arooska amiiradda iyo Kei Komuro maadama xaaladda qoyska boqortooyada si weyn ay dadka iyo warbaahinta ula socdaan, waxaana laga filayay inay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo xeerarka u yaalla arooska boqoqrtooyada balse taas ma dhicin. Labo bilood kadib, waxaa soo baxay warar sheegayo in muran ka dhashay lacag uu dhexmaray hooyada dhashay Kamuro iyo gabadh hadda ka hor uu la socon jiray. Gabadha waxay ku anddacootay in Kamouro iyo hooyadiisa ay ku guul-dareysteen inay bixiyaan lacago deyn ah oo ay ku laheyd. Arrintani waxay keentay su’aal ah in Kamuro uu dhaqaale ahaan is maareyn doono mustaqbalka iyo in kale. ,Amiirad Mako iyo qoyskeeda ka hor xafladda arooskeeda Ms Mako waxay wax ka dhigatay jaamacadda caalamiga ah ee Christian University ee ku taalla Tokyo halkaas ay ka baratay culuumta dhaqanka iyo farshaxanka, waxay shahaadada labaad ee jaamacadda kas oo qaadatay jaamacadda Leicester ee Ingiriiska. Dadka ku dhaw Mako waxay ku tilmaameen qof madaxbanaan oo furfuran oo ka dhiidhisa yoolkeeda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda amiirnimo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Kyodo. Waxay markii ugu horreysay 2012 la kulantay Kamuro xilli uu socday kulan ay lahaayeen ardey oo loogu diyaarinayay inay dibadda waxbarasho loogu qaado, waa qareen wax ka dhigta Jaamacadda Fordham University ee ku taalla New York dalka Mareykanka. Wuxuu dalka Japan kusoo laabtay bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay, Mr Kamuro waxaa la arkayay isaga oo aanan si wanaagsan u labisneyn , dadka qaar waxay sheegeen in uusan u qalmin in uu guursado amiiradda. Ugu dambeyntii labada lamaane wey is guursadeen, arooskooda ma waafaqsaneyn xeerarka u yaalla qabashada aroosyada boqortooyada, waxayna Mako diiday inay bixiso lacag gaareyso $1.3m oo doolar taas oo la siiyo boqortooyada marka qof laga guursanayo. Gabadhan waxay hareer martay dhaqankii iyo xeerarkii u yaallay boqortooyada, Ms Mako waxay noqotay qofkii ugu horreeyay oo ka tirsan boqortooyada oo tallaabadaas qaada. Dibadbax ayaa maalintii uu dhacayay arooskooda ka dhacay halkaas, dadka waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin, “ilaaliya gurigeena’, ” Qoyska boqortooyada waa nolosha Japan” Hadal heynta iyo weerarka ay kala kulmeen baraha bulshada waxay saameeyeen maskaxeed ku yeelatay Mako haatan waxay wajaheysaa welwel, sida laga soo xigtay warbaahinta Imperial Household Agency. Mako waxay beenisay wararkaas oo ay ku tilmaantay mid been ah. “Kei Komuro, qof aan ku baddasho ma hayo, guurkeena waa mid xulasho oo qalbiyadeena ayuu kasoo go’ay” ayay tiri Mako. Lamaanahan ayaa la filayaa inay u wareegaan Mareykanka halkaas oo uu qareen ka yahay Mr Kamuro. Qaran News
-
Bashiir Cabdulqaadir Siciid, oo ka tirsan Garsoorka Puntland ayaa dacwad ku saabsan Diin cay iyo aflagaado shakhsiya ka gudbiyay xildhibaan, Cabdirisaaq Maxamed Sahal (Macoow) oo kamid ah Baarlamanka Puntland. Dacwad ka kooban shan qodob, oo Bashiir u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayuu ku qoray in xildhibaan Macow aflagaado iyo hanjabaad shakhsi ah ku sameeyay, islamarkaana caayay waalidkiisa iyo Diintiisa isagoo ku sugan xafiis kamid ah Garsoorka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaan Macoow uu carqalad iyo rabshad ka sameeyay xafiis ka tirsan Garsoorka Puntland oo markaas shaqo ka socotay. Bashiir Cabdulqaadir ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda ka codsaday in tallaabada ku habboon laga qaado xildhibaan Cabdirisaaq Macoow, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo dacwad laga gudbiyay appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac ayaa war xasaasi ah ka soo saaray dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Guriceel iyo sababta rasmiga ah ay uga baxeen gudaha magaaladaasi. Sheekh Shaakir ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay degmada Guriceel intii ay dagaalladu socdeen, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Sababta ay dib uga baxeen magaalada Guriceel waxa uu ku sheegay inay ku timid, kadib codsi ka yimid ganacsatada, bulshada rayidka ah, Senataro iyo siyaasiyiin reer Galmudug ah, ayna aqbaleen, iyaga oo u turayo dadka iyo deegaankaba , sida uu hadalka u dhigay ”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay culimada, cuqaasha , ganacsatada , siyaasiyiinta , midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna shacbigeena,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhanka kale xusay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay magaalada Guriceel, gaar ahaan burburka iyo barakaca ka dhashay dagaalladii dhacay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku ballaameen, iyaga iyo dhinacyada kale ee wada-hadallada garwadeenka ka ahaa inay dagaan ciidamadooda deegaanka Bohol oo uu markii kasoo billowday dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in laga codsaday inay wareejiyaan gaadiidka dagaal ee ay horay uga qabsadeen Galmudug, ayna wareejiyeen gaadiidkaasi oo labo ahaa. Ugu dambeyn Sheekha ayaa u mahadciyey shacabka iyo ganacsatada Guriceel ee sida weyn u taageeray muddadii ay ku sugnaayeen gudaha magaaladaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, kadib dagaallo maalmo qaatay oo ka dhacay Guriceel, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in ciidanka Ahlu Sunna ay isag baxaan magaaladaasi. The post Sheekh SHAAKIR oo shaaca ka qaaday sababta ay uga baxeen degmada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka falceliyey dikreetada uu soo saaray madaxweynaha, kuna joojiyey dhismaha dhulalka danta guud ayaa su’aallo ka keenay xeerka madaxweynaha, isaga oo soo qaadanayo dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee Guriceel. Fiqi ayaa sheegay in xeerka uu soo saaray madaxweynaha uu yahay mid wanaagsan, balse wuxuu ku eedeeyey inuu fasaxay dhiigga dadkii ku dhintay & kuwii ku dhaawacmay Guriceel. “Oday Farmaajo dhulka xeer ayuu ka soo saaray waana arrin fiican laakin dhiigga dadka ee uu fasaxay in la daadiyo ayadoo la adeegsanayo ciidamadii qaranku wada lahaa see laga yeelayaa?,” ayuu qoraal soo saaray ku yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada Farmaajo qaaday ee xagga dhulka danta guud ay muujineyso inuu ka tegayo dal oo uusan ka tageyn dad, siduu hadalka u dhigay. “Mase og yahay ama la socdaa dadka iyo dhulka dawladda midka qiimo badan!? Asagoo dad ka badan 200 qof dhimashadooda iyo dhaawacooda oo ciidamada qaranka iyo saraakiishoodu ay ku jiraan sabab u ahaa maantay in uu dhul dawlo wareegto ka soo saaro sow ruwaayadii dal baan ka tagayaa ee dad kama tagayo ee aan kol hore daawanayey dib nooguma daarin!?,” ayuu markale sii raaciyey qoraalka uu soo saaray Axmed Macalin Fiqi. Axmed Macalin Fiqi oo siyaasad ahaan si weyn u mucaarado Farmaajo ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday duukaankii lagu qaaday Ahlu Sunna. Si kastaba, hadalkan ayaa daba socda dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku mamnuucay ku takri-falka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud ee xilligaan uu uu dalku aaday doorasho. The post FIQI oo weerar ku qaaday Farmaajo – Dhiigga dadka ayuu fasaxay in la daadiyo appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo manta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha. Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas. Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari Uga Mahadceliyay Kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamadaan waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwaba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah. PUNTLAND POST The post Amniga magaalada Boosaaso oo laga shiray appeared first on Puntland Post.
-
Howlgalka midawga Afrika ee Nabad ilaalilnta u jooga Soomaaliya AMISOM, ayaa ka jawaabay eedeynta ururka Ahlu-sunna ay u jeediyeen ee ku aadaneyd in qeyb ay ka ahaayeen dagaalki ka dhacay magaalada guriceel. Ahlu-sunna ayaa sheegtay in AMISOM ay taagero saanad iyo burburin hanti dadweyne ay ka geysatay Afarti maalin ee uu dagaalka ka socday Magaalada Guriceel. AMISOM, ayaa shegtay in aysan taagero ku bixin dagaalka sidoo kalena aysan qeyb ka aheyn waxa ka dhacay magaalada Guriceel. Qoraal ka soo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in aanan Hubka AMISOM, aan lagu galin dagaalka guriceel. Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay AMISOM. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah ugu jawaabay hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. AMISOM ayaa marka hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Guriceel. Sidoo kale AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka eedeyntaas ay tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed “Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo inay caawiyaan ciidanka dowladda. Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa xusay inay xoojin doonaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaan ammaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa. Hadalkan ka soo yeeray AMISOM ayaa kus oo aadaya, iyada Ahlu Sunna oo haatan isaga baxday Guriceel ay ku eedeysay ciidamada Midowga Afrika inay taagaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isla-markaana ay siiyeen hub fara badan iyo gaadiid dagaal. The post AMISOM oo jawaab ka bixisay eedeyntii Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaynta ka timid Ahlusunna, oo ku saabsan in ciidamada AMISOM ku jireen dagaalkii Guriceel. War ka soo baxay Taliska AMISOM, ayaa lagu sheegay in aysan sal iyo raad lahayn eedaynta Ahlusunna, islamarkaana aysan ciidamada AMISOM marna qayb ka noqon dagaalkii Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Ahlusunna. “Waxba kama jiraan eedaynta ku saabsan in Ciidamadeennu ka qayb-qaateen dagaalkii Guriceel ee Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna” ayaa lagu yiri warkaas. Sidoo kale, AMISOM waxay sheegtay in ay Soomaaliya u joogaan la-dagaallanka Al-shabaab iyo Daacish, si ay gacan u siiyaan ciidamada Soomaaliya. “AMISOM, waxay doonaysaa in ay si cad u sheegto in ciidamadeedu ay u joogaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab, Isis iyo kuwa raacsan” PUNTLAND POST The post AMISOM oo si adag u beenisay eedaynta Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe gudaha magaalada Lagu xiray Wariye Maxamed Cabdiwali Tooxoow, oo ka mid ah wariyayaasha Galmudug ka howl gala. Tooxoow ayaa la shegay in xalay loogu yeeray xarunta talisla Booliiska magaalada Guriceel, si uu wareysi uga qaado taliska booliska balse marki uu goobta gaaray ayaa lagu war geliyay in xarig uu yahay wariyaha. Taliyaha booliiska degmada guriceel ayaa lagu soo waramaya in uu bixiyay amarka lagu xiray wariyaha. Tooxoow ayaa maalmihi la soo dhafay si aad ah u tabinayay dagaalka ka dhacay magaalada guriceel. Goobjoog News Source: goobjoog.com
