Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay degmada Guriceel. Shirka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga gudaha, maqaamka magaalada Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Gurceel. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta maamulka ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud. Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Galmudug oo degmo u aqoonsatay Guriceel appeared first on Puntland Post.
  2. Guriel (HOL) - The leader of Ahlu Sunna Waljama'a Sheikh, Mohamed Shakir Ali Hassan, spoke for the first time since his group evacuated Guriel district after four days of fighting between his forces and government troops. Source: Hiiraan Online
  3. Sababta Shirkadda Facebook-gga Ay Magaceeda Ugu Bedeshay (META) Shirkadda *Facebook-gga* Oo Magaceeda U Bedeshay *META* Markii Dib U Eegto Xaqiiqada! Khamiis Oct 28,2021 – Facebook Inc (FB.O) Hadda Waxaa Loogu Yeeraa Meta, Shirkaddu Waxay Sheegtay Khamiista, Dib-U-Cusbooneysiin Diiradda Lagu Saarayo Dhismaha “*Metaverse*”, Jawi Wadaag Ah Oo La Wadaago Oo Ay Ku Sharaddo Inay Noqon Doonto Beddelka Mobeelada Internetka. Magaca Beddelka Ayaa Imanaya Iyadoo Shirkadda Ugu Weyn Ee Warbaahinta Bulshada Ee Adduunka Oo Soo Wajahday Culays Dagaallo Iyo Dhaleeceynta Kaga Imaanaya Sharci-Dejiyeyaasha Iyo Maamulayaasha Iyo Shirkadaha Waaweyn Qaarkood Iyadoo Ah Quwad Suuqeed Xoog Badan Go,aamada Iyo Ilaalinta Xadgudubyada Adeegyadeeda, Kolkaa Facebook-gga Cadaadintaa Fara Badan Darteed Iyo Inay Shirkadda Facebook-gga Soo Celiso Sumcadeeda Waxay Dhistay Metaverse Waana Jadiidinta Shirkadeeda. Ali Sheikh Adan adam783@rocketmail.com Inline image Sent from Yahoo Mail for iPhone Qaran News
  4. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo arrimmaha canshuuraha oo ah ajeendaha ugu horeeya oo heer caalami ah. Madaxweynaha ,ayaa sidoo kale habeenka Axada ee soo socota u ambabixi doona Scotland, si uu uga qayb galo shirka cimilada ee Qaramada Midoobay. Mr Biden waxa uu isku dayi doonaa in uu gudbiyo fariinta ah in Maraykanku uu dib ugu soo laabtay dadaalka loogu jiro wax ka qabashada isbadalka cimilada, ka dib markii madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump uu ka baxay heshiiskii cimilada ee Paris. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah appeared first on Puntland Post.
  5. While the impact of the COVID-19 pandemic has been well documented in high-income countries, much less is known about its impact on low-income and conflict-affected countries where there are significant challenges in information generation and dissemination. Source: Hiiraan Online
  6. Hargeisa (HOL) - Police in Somaliland have arrested two men for allegedly stealing $7,000 from a taxi driver's phone. Source: Hiiraan Online
  7. Several days of fighting between government troops and militia have heightened political uncertainty over the long-overdue national polls. In addition, there is still no agreement on the electoral procedure. Source: Hiiraan Online
  8. Guddiga hirgelinta doorashooyinka labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka. Kuraasta doorashadooda ay shaaciyeen ayaa kala ah kuraasta sumadoodu ay tahay #HOP239 iyo HOP237. Guddiga ayaa ku war geliyay in musharixiinta ku tartameysa kuraastan in ay isdiiwaan geliyaan 29 illa 30 Bisgaan October. Source: goobjoog.com
  9. Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Guriceel ayaa la kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada deegaanka, kuwaa oo saacadihii ugu dambeeyay dib ugu laabtay magaalada. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dadka reer Guriceel kala hadlay xaaladda guud iyo midda amniga, kadib dagaaladii saddexda cisho ka socday magaaladaasi iyo ka bixintaankii Xoogagga Ahlu Sunna. Qoor Qoor ayaa ka qaybgalayaasha ka dhageystay talooyin ay ka siiyeen, sida magaalada kaga gudbi karo marlxaadda ka jirta, isagoona kaga mahad-celiyay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi-socodka nabadda, dowladnimada iyo wadajirka dadka reer Galmudug. Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Guriceel, maalin ka dib markii ay magaaladaasi baneeyeen Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay. The post QOOR QOOR oo kulamo ka billaabay Guriceel + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Shirkadda Facebook oo magaca iska bedeshay Mark Zuckerberg Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan. Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub. Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay “sii badinayaan” waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo. Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda. Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay “badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd”. Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga baddalay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase yeeshee, magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishan October ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida. Bal qiyaas Duni bilaa facebook ah Dhowr saacadood ayay Facebook hawada ka maqneyd waxaana ka dhashay saameyn aad u ballaaran oo isugu jirta dhinaca isgaarsiinta iyo dhaqaalaha. Ma ahayn oo kaliya in bogga hoos u dhacay, balse dhammaan raadadkiisii ​​ayaa meesha ka baxay. Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ayaa xitaa laga xannibay xarunteeda inay galeen maadama kaararkii lagu geliyay ee qaabka dijitaalka u shaqeynayay ay fadhiisteen. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaan durba aragnay mowjado warar aan wanaagsnayn oo ku saabsan Facebook iyo sida ay wax kasta uga hormaisay danaha macaash ee shirkadda. Kevin Roose oo wax ku qoray Wargayska New York Times, ayaa yiri: “Facebook waa uu ka daciifsan yahay sidii aan ku naqaannay.” Dadka qaar ayaa qiyaasayay in ka maqnaashahii hawada ee Facebook ay sababtay jabsi -loo geystay shirkada.” Facebook wuxuu noo soo bandhigay dhadhanka waxa adduunyada xorta ah ee warbaahinta bulshada ay u ekaan doonto Oktoobar 4 ka dib markii app-ka Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ay hawada ka maqnaayeen in ka badan shan saacadood. In kasta oo maalintaas ay cadaab u ahayd qof kasta oo adeegsada WhatsApp si uu ula xiriiro qoysaska iyo asxaabta, haddana waxaa la sameeyay kaftan ku saabsan dhacdadaasi iyadoo la sheegay in dadka ay isugu yimaadeen barta Twitter -ka, Mark Zuckerberg waxaa laga yaabaa inuu lumiyey dhowr bilyan oo doollar, laakiin dadka caadiga qaar ayaa sheegay inay u maleeyeen inay marayaan sagaashameeyadii. Dunidu sidee ayay ahaan lahayd haddii Facebook uu sidaa hawada uga bixi lahaa? Ama haddii baraha bulshada guud ahaanba la waayi lahaa? Dadku waxay ku dhawaaqi lahaayeen raacitaanka dariiqii hore. Haddii hooyadaa ay doonayso inay kugu ag ammaanta saaxiibbadaada oo dhan hortooda, ma jiri doonaan sawirro ay soo geliso facebook. Ma adaan ogaan lahayn haddii saaxiibbadaa ay adiga oo aan la joogin meel kale caways u aadaan ama dalxiisa sababtoo ma jiri lahayn sawirro ay soo dhigaan Facebook. Waxaad illoobi lahayd dhalashada walaalkaa, markaa, arrimuhu sidooda ayay ahaan lahaayeen. Mark Zuckerberg ma noqon lahayn maanta qofka uu yahay. Waxaad akhrin lahayd buug. Kuma xirmi doontid Wi-Fi dukaan kasta oo qaxwe ah oo aad weligaa booqatay maxaa yeelay uma baahnaan lahayn inaad hubiso taleefankaaga lixdii ilbiriqsi kasta. Telefoonkaaga kuma xiran doontid Wi-Fi markasta oo aad booqato maqaayadaha lagu qaxweeyo sababtoo ah waxaad ku qanacsanaan doontaa inaad kafee cabto oo aadan eegin telefoonkaaga lix ilbiriqsi kasta. Waxaad ugu dambeyntii ogaan lahayd waxa nabadda ay tahay. Fikraduhu waxay ku nagaan lahaayeen madaxaaga badalkii aad ku matagi lahayd ama aad waxwalba soo dhigi lahayd Twitter-ka saddexdii daqiiqoba mar. Waxaa kuugu dhici lahaa madax xanuun marka aad weyso meel aad fikradahaaga ama waxa aad ku soo bandhigto. Waqtiga cibaadada aad ku bixiso ayaa badan lahaa. Qaran News
  11. Garoomada Diyaaradaha ee ugu khatarta badan Caalamka Safarka hawadu waa hab caan ah oo dadku ku safraan sababtuna waa waqtiga gaaban, adeegyada iyo jawiga fiican, safarkuna waa raaxo marka la barbar dhigo basaska tareennada lagu tago qaar ka mid ah dalalka Afrika. Inkastoo ay qurux badan tahay diyaaraddu, haddana waxaa walaac xooggan laga muujinayaa badqabka garoomada ay isticmaasho. Daraasado hore ayaa muujiyey in marka diyaaraddu ugu khatarta badan tahay ay tahay marka ay kacayso iyo marka ay cago-dhiganayso, waxayna xilliyadaasi ka khatar badan yihiin marka diyaaraddu ay hawada ku jirto. Garoomada hoos ku qoran waa 8-da garoon ee ugu khatarta badan caalamka. 8: Juancho E. YrausquinAirport (Holland) Wuxuu ku yaal jasiiradda Saba ee dalka Holland, waana mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu baaxadda yar caalamka, ballaciisu waa 396 oo mitir, wuxuuna qiyaastii le’egyahay afar garoon oo kuwa kubadda cagta ah. Maadaana bilowga dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ay hareeraha ka xigaan dhagxaan waaweyn, way dhib badan tahay in diyaaraduhu ay si sahlan ugu dagaan. Waxaa intaas dheer in tiirada garoonku uu dhimayo xawaaraha diyaaradda, gaar ahaan marka ay dagayso. 7: Wellington Airport (New Zeeland) Dalka New Zealand waa mid ka mid ah dalalka ugu buuraha badan caalamka, waxaana gebi ahaantiisba ku xeeran bad iyo buuro. Garoonka diyaaraha ee Wellington wuxuu leeyahay hal dhabbo oo diyaaraduhu ku ordaan wuxuuna leeyahay jog dhan 2,500 m wuxuuna ka bilowdaa badda wuxuu sidoo kale ku dhammaadaa isla badda. Meesha uu ka bilowdo waa bad halka uu ku dhammaadana waa bad kale. Garoonka waxaa loogu magac daray ”wind” dabaysha xoogga badan ee halkaas ka dhacaysa awgeed. 6. The Princesa Juliana Airport (Holland) Garoonkaan wuxu ku yaal jasiiradda San Martín, oo u dhow xeebaha Maho, ee dalka Holland. Marka ay diyaaraddu caga-dhiganayso iyo marka ay duulayso, waxaa dul maraya diyaarado ku duulaya jog hoose, oo aad ugu dhow madaxa qofka taagan. Waa garoon diyaaradeed oo sannad kasta ay ka safraan rakaab kor u dhaafaya 1.8 oo qof, waxaana halkaa ka hawgala ugu 170 diyaaradood maalin kasta. 5: ParoAirport (Bhutan) 17 duuliye oo kaliya ayaa loo oggol yahay in ay garoonka ku soo dagaan. Si kasta oo aad khibrad u leedahay ma sahlana in aad diyaarad ka soo dajisid garoonkaankaan. Duuliyeyaashaan waxaa la siiyey oggolaansho gaar ah sababtuna waa xaaladda garoonka oo qallafsan awgeed. Maalintii oo kaliya ayaa diyaaradaha loo oggolayahay in ay garoonkaas ku dagaan ayadoo maliba aad looga taxaddarayo. Dhulka oo wada buuro ah awgiisna daruuraha ayaa si weyn u saameeya duuliyeyaasha marka diyaaraddu ay caga dhiganayso. Waxaa garoonkaas markii hore dhisay oo uu saldhig u ahaa ciidamada Hindiya oo u adeegsan jiray in diyaaradaha qummaatiga u kaca ay ku dagaan ayagoo oggolaansho ka haysta boqortooyada Bhutan. 4. Courchevel Airport (Fransiiska) Garoonkaan wuxuu ku yaal buur dheer dusheed oo 518 oo mitir dhulka ka sarraysa. Ma jiraan cid hagta diyaaradaha, cimilada meesha oo aad u adag awgeed. Duuliyeyaal khibrad leh oo kaliya ayaa diyaaraha halkaas ka dajiya. 3: Cristiano Ronaldo (Madeira) Airport – Santa Cruz (Portugal) Madeira waa halka uu ku dhashay ciyaaryahanka Manchester United Christiano Ronaldo, waxaana lagu sharfay wiilkooda da’da yar, kabtanka qaranka iyo xiddigii hore ee Portugal, garoonka ayaa hadda loo yaqaan Christiano Ronaldo International Airport. Garoonka waxaa ku hareeraysan buuro dhaadheer, kuwaas oo keena isbeddel cimilo oo joogto ah. Marka laga soo tago dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, garoonkaasi waa meelaha ugu daran caalamka ee dabaylaha xooggani ay ka dhacaan. 2. ToncontinAirport (Honduras) Gegida caalamiga ah ee Toncontin ee Tegucigalpa, waxay tan iyo 1934-kii uu qaabili jirtay in ka badan 800,000 oo rakaab ah sannadkii. Garoonkan ayaa waxa uu ku yaalaa agagaarka meel buuro ah waxa uuna leeyahay wado cidhiidhi ah ama wado ay isticmaalaan diyaaraduhu marka ay soo dagayaan iyo marka ay ka duulayaan. Cimilada deegaankan waxaa weheliya dhaxan iyo sidoo kale ceeryaamo culus, xaaladdan awgeed, joogitaanka buuraha iyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee cidhiidhiga ah ayaa keena dayac-mushtar diyaaradeed gaar ahaan marka ay soo degayaan. Duuliyaha waa inuu si degdeg ah u duulo buuraha, haddii kale way sahlan tahay inuu ku dhufto buuraha ama guryaha dadka oo ay ku yaalaan meelo badan oo bini’aadam ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha. 1: Tenzin-Hillary Airport (Nepal) Gegida dayuuradaha ee Tenzin-Hillary waxa ku hareeraysan tiirooyin dhaadheer iyo buuro badan. Waddada duulimaadkeedu waa 526 mitir oo dhererkeedu yahay 526 mitir oo bilawga waxaa ku yaal gidaar, dhamaadka dariiqa waxaa ku yaal jeex weyn. Sida laga soo xigtay shabakada Forbes sanadka 2019 garoonka waxaa loo arkaa inuu yahay kan ugu khatarta badan adduunka. Khatarta garoonkan, waa jidka oo gaaban, waadi iyo buuro ku xeeran. Haddii duuliyuhu khalad yar sameeyo ma jirto si uu uga badbaado cawaaqibka ka dhalan kara. Cimilada buuraha Himalaya ee u dhow gegida diyaaradaha ayaan la saadaalin karin, waxaana si lama filaan ah laga yaabaa in ceeryaamo, roob ama baraf yimaado oo soo degista diyaaradaha ka dhigaysan mid khatar ah. Aad ayey ugu badan tahay garoonkan in duulimaadyada dib loo dhigo. Shilalka ugu xusuusta badan waxaa ka mid ah 2008-dii markii diyaarad Yeti (Flight 103) ay ku burburtay buuraha ayna ku dhinteen dhammaan 16-kii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarnaa. Waxaa ka badbaaday duuliyihii oo kaliya. Qaran News
  12. Mekele (Caasimada Online) – Militariga Ethiopia ayaa duqeymo xooggan ka fuliyey magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Mekele, taasi oo sarkaal ka tirsan isbitaal uu sheegay in lagu dilay 10 qof. Dowladda waxay sheegtay in weerarka, oo ahaa kii ugu dambeeyey olole duqeymo ah oo ku socda Mekele, lagu beegsaday warshad ay adeegsadaan kooxda TPLF. “Duqeynta waxay burburisay qeybta labaad ee warshadda injineeriyadda ee Mesfin. Goobtan waxay argagixisada TPLF u adeegsadaan inay ku dayactiraan qalabkooda,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Selamawit Kassa. Hase yeeshee, Dr Hayelom Kebede oo ah cilmi-baare ka tirsan Isbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhaceen goobo dadweyne, ayna sababeen khasaarooyin xooggan. “Dhimashada waxay gaareysaa 10, dhaawucna waa 21,” ayuu yiri Dr Hayelom Kebede. Xafiiska isgaarsiinta ee TPLF ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goobo ay degan yihiin rayid. Goor sii horreysay afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa xaqiijiyey duqeynta, isaga oo intaas ku daray in habkooda difaaca uu ku howlan yahay iska difaacidda diyaradaha cadowga. Gobolka Tigray ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku socday duqeymo xooggan ayada oo ciidamada dowladda ay sare u qaadeen weerarka ka dhanka ah TPLF. Maamulka hawada iyo duqeymaha ayaa ah mid ka mid ah meelaha faro ku tiriska ee ciidamada dowladda ay kaga awood sarreeyaan xooggaga TPLF. Hase yeeshee dagaalka cusub oo dhowr toddobaad kahor ay dib u billaabeen militariga dowladda iyo maleeshiyada Amxaarada kadib guul-darrooyin ku dhacay bishii June, ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in TPLF laga xoreeyo dhulka ay qabsatay. Taa beddelkeed waxay kusii siqeen goobo cusub ayagoo qarka u saaran inay qabsadaan magaalada Dessie oo 400km waqooyi ka xigta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia oo natiijo lama filaan ah ay ka muuqato appeared first on Caasimada Online.
  13. Boqol Ugaas Oo Isku Beel Ah iyo Soo Dhawayntii Hal Ugaas! W/Q Cabdiraxmaan Cadami Qabiilka Ciisuhu wuxuu ka mid yahay qabaa’ilka Soomaalida kuwa ugu tirada badan, xagga dhulka waxay degaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland, sida Soomaalida kale inta badan noloshoodu waxay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha nool; inkasta oo wakhtiyadan dambe la soo baranayo tabcashada beeruhu kuma badna dhulka Ciisaha. 130-kii sanadood ee u dambeeyay geyiga Soomaalidu degto waxa ka samaysmayay magaalooyin iyo dhaqan dhaqaale ka duwan kii reer Guuraaga. Tusaale ahaan bulshada miyigu waxay lahaayeen nidaam iyo xeerar u gaar ah oo ay isku maamulaan, arrimahaa waxay u lahaayeen xeer beegti u dhiganta maxkamadaha maanta, waxay maarayn jireen kiisaska, xurgufta iyo iska-horimaadyada jifooyinka ama beelaha. Dhaqanka Soomaalida waa ceeb in la diido xukunka xeer beegtida fulinta go’aammada se waxa ka masuul ahaa cuqaasha iyo odayaasha reeraha. Doorka Suldaanku, Ugaasku ama Garaadku wuxuu ahaa ama lahaa guddoonka iyo in uu ku duceeyo wixii la isku raacay. Intii aan la biyo dhicin salaadiinta Beelaha Somaliland kama ay badnayn 10 Suldaan, waxay ahaayeen rag haybad iyo karaamo leh oo bulshaduna xushmayso, waxay ahaayeen rag u qalma magaca, mansabka iyo taajka madaxa loo saaray, suldaanku wuxuu u taagna nabadda, midnimada iyo sharafta beeshiisa. Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka waaweyn waxa isugu yimid ama soo degay dad ka soo kala jeeda beelo iyo deegaanno kala duwan oo ku khasban in ay wada noolaadaan iyo in ay dhawraan xeer qoran oo ummadda oo dhan loogu talo galay. Sidaa daraadeed waxa hoos u dhacay meeqaamkii iyo saamayntii madax dhaqameedku ku lahaan jireen bulshada. Isbedelka wakhtigu wato bulshada Somaliland waxa u dheera dagaallo, barakac iyo tacaddiyadii sanadihii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii; saban xumadii iyo duruufihii soo maray waxay wiiqeen ama dhaawaceen kala dambeyntii iyo qiyamkii (values) wanaagsana. Waayahaa adag waxyaabaha laga dhaxlay waxa ka mid ahaa in beeshii hal suldaan lahaan jirtay 20 suldaan yeelato maanta. Haddaba waxa xusid mudan Beesha Ciise ee aynu soo sheegnay tiradooda iyo baaxadda dhulka ay degaan waxay leeyihiin hal ugaas oo kaliya. Runtii waa qabiil istaahila ammaan iyo in lagu bogaadiyo midnimada, kala dambeynta, is maqalka iyo ilaalinta dhaqankooda soo jireenka ah. Qoraalkan waxa igu kallifay markii aan shaashadaha TV-yada ka daawaday raxan salaadiinta Somaliland ah oo isku beel qudha ka soo wada jeeda oo magaalada Wajaale ku soo dhawaynaya Ugaaska Beesha Ciise. Xidhiidhiyihii hadallada Ugaaska lagu soo dhawaynayay si aan loola yaabin wuxuu ka xishooday in uu sheeg-sheego raggan hadlaya dhammaantood in ay yihiin salaadiintii Somaliland, waayo waxa imanaysa su’aal: sidee hal beel oo Beesha Ciise la gudboon 100 ugaas u yeelan karta? Muwaadin rag talo kama dhammaato ee suldaan bararkan wax ma ka qaban karnaa mise waynu sii kordhina? W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@gmail.com Qaran News
  14. Maamulaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkadiisu ay isu beddelayso Meta si ay u soo koobto aragtideeda dhabta ah ee mustaqbalka. Isbeddelku ma quseeyo goobahooda gaarka ah, sida Facebook, Instagram iyo Whatsapp, kaliya waxaa la baddelay magaca shirkadda ay hoos iman jireen ee Facebook Inc. Sidoo kale qaab dhismeedka shirkada isma baddeli doono, laakiin 1-da December, saamiyadeedu waxay bilaabi doonaan in ay ku ganacsadaan calaamada cusub ee “MVRS” ama metaverse. Shirkadda Facebook ayaa sannadihii u dambeeyay la kullantay baaritaanno sii kordhaya oo uga imanaya sharci-dejiyayaal iyo sharci-yaqaanno caalami ah. PUNTLAND POST The post Facebook oo magaca shirkadeeda u baddeshay Meta appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayaa shaaca ka qaaday tallaabada xigta oo ay qorsheynayaan kadib dagaalkii Guriceel. Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray.”Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu way iska caddahay, horay ayayna u bayaaniyeen culimada iyo hoggaankuba,” ayuu yiri. “Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna. Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ayay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen magaalada Guriceel kaddib dhowr maalmood oo ay halkaas ku dagaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka. Cabdisalaan ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sharraxay sababta keentay in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada Guriceel. “Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaaliyeed ayay go’aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel,” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Dowladdu way jabisay heshiiskii Guriceel looga soo baxay. Haddaba muxuu yahay qorshaha xiga ee Ahlu Sunna? Isla qodobkaas isagoo faahfaahinaya ayuu Cabdisalaan yiri: “Dagaalkeennu hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkeennu wuxuu ku wajahan yahay a-Shabaab, waxa uu qorshaheennu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u qalmaan inay dhintaan inaan dilnana uma qalmaan.” Billowgii bishan October ayay soo cusboonaatay colaadda Galmudug kaddib markii ay xoogag daacad u ah ururka Ahlu Sunna ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir la wareegeen magaalada Guriceel. Dadka dhaliilsan siyaasadda kooxdan ayaa ku eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli lahaayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas, waxa uuna sheegay in kuraasta mar walba ay yihiin kuwo lagu kala qaybsado qaab qabiil”. Dhowr jeer oo hore ayuu isku dhac dhex maray ciidamada HLU Sunna iyo kuwa dowladda federaalka kaddib markii ay madaxdu isku khilaafeen arrimo siyaasadeed. Marar kala duwan ayay socon waayeen heshiisyo ay galeen labada dhinac oo mid walba uu kan kale ku eedeeyo ku xad gudubka wixii la isku afgartay. The post Madaxa siyaasadda Ahlu Sunna oo shaaciyey qorshahooda cusub appeared first on Caasimada Online.
  16. (SLT- Dessie)-Dagaalo xooggan ayaa lagu warramayaa ka socdaan magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Axmaarada, kaas oo u dhaxeeya fallaagada Tigreega ah iyo ciidamada Itoobiya oo kaashanaya xulafadooda. Magaalada Dessie ayaa waxay hoy u tahay tobanaan kun oo qof oo gudaha ku barokacay kuwaas oo ka qaxay guryahoodii markii uu dagaalku ku fiday magaalooyinka koonfureed ee Tigrayga. Dhinaca kale magaalada Kombolcha ayaa ah xarun warshadeed oo hoyga u ah garoonka diyaaradeed ee ugu weyn deegaankaas. Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale duqeymo dhanka cirka ah mar kale laga soo sheegayaa caasimada Tigray ee Mekelle. Xafiiska isgaarsiinta ee dowladda ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay ahaayeen qeybo ka mid ah Mesfin Engineering, oo ah warshad. Duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya ee Mekelle, ayaa dilay lix qof – oo ay ku jiraan saddex carruur ah – waxaana ku dhaawacay ugu yaraan 27 kale, kalkaaliye caafimaad sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada Faderaalka ayaa magaalada ka waday duqeymo dhanka cirka ah muddo ka badan todobaad, taasoo qeyb ka ah dagaalka ay kula jiraan jabhadaha Tigreega ee mudada sanadka ah socday. Waa duqeymihii lixaad ee ka dhaca magaalada Mekelle, oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000, tan iyo todobaadkii hore. Kooxda TPLF iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Mekelle ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ah lagu garaacay xaafad ay daganaayeen dad shacab ah. Source
  17. Siyad Ali Jama:”Puntland started the first leg of a long democratic journey whose destination is constant refinement of the democratic norms.” The pilot local government elections conducted in Eyl, Qardho and Ufayn have shown what people are capable of doing when they decide to modernise their governance. Puntland started the first leg of a long democratic journey whose destination is constant refinement of the democratic norms. This conception of democracy should dispel any pessimistic assessment of the nascent democratisation process in Puntland State of Somalia. It should, however, not lead us to think that the electoral outcomes will give the old winner-take-all system a new lease of life. The impression that leaders of the three successful political organisations hail from the same district clan wise might dampen the spirit of ardent supporters of the democratisation process. This unexpected outcome gives credence to the argument of several political organisations that the political process is rigged against them. If the electoral outcomes are interpreted as field-testing for the democratisation process to conduct local government elections in all Puntland districts, political stakeholders will be able to maintain the democratic momentum. An unexpected electoral outcome: Asad Abdullahi, the leader of Mideeye (left), Mohamud Khalif Hassan, the leader of Justice and Equality (middle) and President Said Abdullahi Deni, the leader of Kaah. Since 1998 Puntland has been an autonomous administration that distinguished itself through a staid political process that places premium on rotating the presidency among a select group of leaders. A leader with a mandate to rule Puntland has powers over the legislature, making the autonomous administration the most centralised and the most ardent pro-federalism sub-national polity. The democratisation process aims to rectify this political anomaly. Economically, Puntland is facing is facing tougher challenges, some of them are self-inflicted, others are common national setbacks. Bosaso Port remains underdeveloped despite the questionable agreement with DP World. President Said Abdullahi Deni recently blamed the Federal Government of Somalia for opposing the deal with DP World although Mogadishu has never given the green light to hand over the management of the port to DP World. Youth unemployment and lack of investment in public services are two pressing economic problems resulting from missed political opportunities. The main lesson from the twenty plus years of Puntland’s tradition-bound political system is that political stakeholders’ attitude will determine the success of the democratisation process. One yardstick by which the democratisation process will be judged is the extent to which MPs and district councillors are accountable to their constituencies. If the perception that the executive controls the legislature and district authorities persists, the democratic experiment in Puntland will have been a false dawn. By Siyad Ali Jama, Puntland Post columnist. The post How to Maintain the Democratic Momentum in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
  18. For the past few weeks, a song called “Isii Nafta” by a Somali singer called Nimco Happy has been doing the rounds. The singer had already cultivated a respectable fanbase back in Somalia and East Africa, but she wasn’t hugely well known in the West, until footage of her performance started doing the rounds, first on TikTok and then Instagram and Twitter. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed kasoo baxay Xisbiga Amniga iyo Caddaalada ayaa walaac xoogan looga muujiyey xaalada Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay xabsi guri gelisay dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday. Xisbigan oo uu hoggaamiyo Roobow ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaalad caafimaad xumo iyo daryeel la’aan oo uu wajahayo Roobow, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiinsan tahay xadgudubka ay geysanayaan Rajiimka Farmaaj, sida lagu yiri qoraalka. “Rajiimka Farmaajo waxay ku tilmaaman yihiin koox aan xeerineynin Diinta Islaamkka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xeeerka Caalamiga ah. Waxaa wax lala yaaabo ah in hay’adihii Cadaalada iyo Garsoorka ay noqodaan kuwo aaan Madaxbanaaneyn islamarkaana ku milmey laamaha fulinta ayna noqdeen kuwo u nugul dhageysiga Awaamiitka kaga imaaneysa kooxda Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay xisbiga amniga iyo cadaalada. Sidoo kale waxa uu xisbigu soo dhaweeeyay dacwada ka dhanka ah Farmaajo ee qareenada Soomaaliyeed u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Aduunka (ICJ). “Xisbiga waxa uu ka wel-welsan yahay Nolosha bed-qabka Musharax Sheekh Mukhtaar tan iyo markii Wareysi gaar ah uu siiyey warbaahinta VOA,” ayaa sidoo kale lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedkaas. Waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Beesha Caalamka iyo hay’addaha xuquuqul insaanka inay si dhow ula socdaan Nolosha iyo Bedqabka Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow. “Xisbiga waxa uu cod dheer ku sheegayaa haddii ay dhacdo inay dhibaato gaarto Musharax Sheekh Mukhtaar waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo Fahad Yaasiin.” Hoos ka aqriso qoraalka Xisbiga The post Mukhtaar Roobow oo la sheegay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay appeared first on Caasimada Online.
  20. (ERGO) – After six years of fruitless job hunting, accounting graduate Hamdi Jama Warsame’s own small business selling home décor online is starting to take off. “We produce some of our items locally and import others from abroad. The items we produce are used in home and office decorations,” said Hamdi, whose business Haqabtire Home Décor opened in August. She was among 35 unemployed degree holders who received a six months’ training on business development provided free of charge by SIMAD university’s Institute of Innovation, Tech and Entrepreneurship (IITE). Hamdi, a SIMAD graduate, pitched her business idea to the public using Kaal Somalia, a SIMAD university-owned crowdfunding platform. IITE gave a small start-up donation and fundraising was open to the public for a month. Hamdi managed to raise $7,000. “When you come up with an idea and get the financial support, life and that of people around youchanges for the better. It also becomes a source of employment forthe society. I encourage the youth with business ideas to come forward so that they turn their ideas into a successful business,” she said. Helped by her cousin, Hamdi advertises her stock on Facebook and takes orders online. She managed to save$3,000 and hopes to open a walk-in shop in Mogadishu in November, when her first shipment of imported goods from Dubai will arrive in the country. “Once we open the shop, we will play a role in job creation by hiring employees. We will hire local unemployed Somali youth,” Hamdi said. Maryama Mohamed Daleel, a qualified doctor,also took the training course and openedSom Healing and Mindful Service, aimingto bridge the gap in mental health services. She said she was moved by the lack of counselling centres catering for people suffering from illnesses like depression. “I was moved when I came across a 2011 report by WHO saying one in every three Somalis suffers from mental health issues. Our people don’t know their mental health status, but many who are walking the streets are mentally ill,” said Maryama, who graduated from Banadir university in 2017. Maryama offers her services online and has received more than 100 inquiries from clients wanting counselling. She offers free services to those who cannot afford the fees. Her business pitch collected $858 on the crowdfunding platform to get it going. “The money I received helped me with the things I needed for my start-up such as advertisements, opening a small counselling office and equipment. To get an investment for our business is very motivating, it gives us the independence to start and grow our business,” she said. The head of innovation at IITE, Mohamed Okash, told Radio Ergo they aimed to make young people into employers instead of searching for jobs. “Our local banks have a lot of requirements to get a loan. The money they give out as a loan is little. The fresh graduate who wants to start a business mostly doesn’t get a guarantor and the banks don’t trust them with money,” he said. The youth employment project is being implemented in Nigeria and Mali as well as Somalia with financial support from several organisations. In the last two years, 480 Somali youth have been trained by IITE. Source: Hiiraan Online
  21. A report released Thursday by the Committee to Protect Journalists reinforced what press freedom experts have stressed for years: The killers of journalists often walk free. Source: Hiiraan Online
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeeyay sheegay in maamulka Galmudug dalbaday in ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna laga saaro Guriceel, si loo gudo galo tabashadooda, taasina ay aqbaleen. Wasiirka ayaa u mahad-celiyay guddiga labada dhinac waan-waanta ka dhex wada, kuwaasi oo ku guuleystay in hogaanka Ahlu-Sunna aqbalaan dalabka maamulka Galmudug. “Nuxurkayaga waxa uu ahaa nimankaan Guriceel ha laga saaro oo dadkana magaalada ha kusoo noqdaan, wixii ay tabanayaan ha ka hadlaan, Nimankii ayey arrintaas ka ogolaadeen welina wey isku maqan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Falagle. “In deegaanka nabad yahay farxad ayay noo tahay, in dhibtaada intaas ku eekato waa waxa raadineynay, cid kasta oo ku guuleysata gacmo furan ayaa ku soo dhaweynayna. Haddii ay ka baxeena waa mahadsan-tihiin ayaa leenahay.” Sidoo kale waxa uu dagaalkii Guriceel ku tilmaamay inqilaab dhicisoobay oo meesha looga saarayay nidaamka iyo sharciyada Galmudug, islamarkaana uu ka hortagay maamulka. “Nimankaas odayaasha ah in Guriceel ka baxeen oo haddana dowladda ay joogto ayaa warkeena yahay, intaan oo kale deegaanka iyo dadka wax isku haya jawaab u noqon mayso anfici mayo,” ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey in Ahlu-Sunna awood ciidan uga baxday degmada iyo inkale. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday dagaalkii Guriceel, islamaarkaana ay Ahlu-Sunna garawsadeen in sharciga raacan oo ka baxaan magaalada, si dhibaatada intaas uga sii badan. The post Yaa ka dambeeyey inay Ahlu-Sunna ka baxdo GURICEEL? appeared first on Caasimada Online.
  23. 7The top U.S. military officer, General Mark Milley, has provided the first official U.S. confirmation of a Chinese hypersonic weapons test that military experts say appears to show Beijing’s pursuit of an Earth-orbiting system designed to evade American missile defenses. The Pentagon has been at pains to avoid direct confirmation of the Chinese test this summer, first reported by the Financial Times, even as President Joe Biden and other officials have expressed general concerns about Chinese hypersonic weapons development. But Milley explicitly confirmed a test and said that it was “very close” to a Sputnik moment — referring Russia’s 1957 launch of the first man-made satellite, which put Moscow ahead in the Cold War-era space race. “What we saw was a very significant event of a test of a hypersonic weapon system. And it is very concerning,” Milley, chairman of the Joint Chiefs of Staff, told Bloomberg television, in an interview aired on Wednesday. Nuclear arms experts say China’s weapons test appeared to be designed to evade U.S. defenses in two ways. First, hypersonics move at speeds of more than five times the speed of sound, or about 6,200 kph (3,853 mph), making them harder to detect and intercept. U.S. military brass testify in the House on Afghanistan Second, sources tell Reuters that the United States believes China’s test involved a weapon that first orbited the Earth. That’s something military experts say is a Cold War concept known as “fractional orbital bombardment.” Last month, Air Force Secretary Frank Kendall alluded to his concerns about such a system, telling reporters about a weapon that would go into an orbit and then descend on a target. “If you use that kind of an approach, you don’t have to use a traditional ICBM trajectory — which is directly from the point of launch to the point of impact,” he said. “It’s a way to avoid defenses and missile warning systems.” Fractional Orbital Bombardment would also be a way for China to avoid U.S. missile defenses in Alaska, which are designed to combat a limited number of weapons from a country like North Korea. Jeffrey Lewis at the Middlebury Institute of International Studies summed up fractional orbital bombardment this way: “The simplest way to think about China’s orbital bombardment system is to imagine a space shuttle, put a nuclear weapon into the cargo bay, and forget about the landing gear.” Lewis said the difference is that the Chinese re-entry system is a glider. China’s foreign ministry denied a weapons test. It said it had carried out a routine test in July, but added: “It was not a missile, it was a space vehicle.” U.S. defenses are not capable of combating a large-scale attack from China or Russia, which could overwhelm the system. But the open U.S. pursuit of more and more advanced missile defenses has led Moscow and Beijing to examine ways to defeat them, experts say, including hypersonics and, apparently, fractional orbital bombardment. The United States and Russia have both tested hypersonic weapons. Source Reuters Qaran News