-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka aroortii soo gaaray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga. Fahad Yaasiin ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey saraakiil sar sare oo ku dhow dhow Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha, waxaana sidoo kale garoonka diyaaradaha ka soo galbiyey ciidamo gaar ah oo geeyey xarunta madaxtooyada. Haddaba maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin? Maxamuud Cumar oo ah falanqeeye siyaasadeed, sidoo kalena ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa ka hadlay imaatinka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku soo aaday, xilli adag oo hadane xasaasi ah. Falanqeeye Maxamuud Cumar ayaa shaaca ka qaaday in imaanshaha Fahad ay macno weyn u tahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, dhanka kalena ay walaac ku tahay ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, sida uu hadalka u dhigay. “Imaanshaha Fahad Yaasiin waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu yiri Maxamuud Cumar. Qorshaha Fahad Yaasiin ayaa ah in shirka golaha amniga qaranka uu ku soo bandhigo warbixin la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, balse shirka ayaa dib u dhacay, kadib markii diyaaraddii sidday 17-kii bishan laga celiyey garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Jabuuti. Si kastaba, la-taliyaha amniga qaranka ayaa waxaa haatan ay si weyn isku hayaan ra’iisul wasaaraha oo horay uga qaaday xilka agaasimaha hay’adda NISA, kadib markii uu soo shaac-baxay warka sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax. The post Maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin? appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Djibouti Signs its First Country Programme Framework (CPF) for 2022–2027 2022–2027 CPF identifies seven priority areas VIENNA, Austria, September 20, 2021/ — Dr Nabil Mohamed Ahmed, Minister of Higher Education and Research, and Hua Liu, IAEA Deputy Director General and Head of the Department of Technical Cooperation, signed Djibouti’s Country Programme Framework (CPF) for the period of 2022–2027 on 20 September. A CPF is the frame of reference for the medium-term planning of technical cooperation between a Member State and the IAEA and identifies priority areas where the transfer of nuclear technology and technical cooperation resources will be directed to support national development goals. Djibouti has been an IAEA Member State since 6 March 2015. Its 2022–2027 CPF identifies seven priority areas: Human health and nutrition (cancer control and non-communicable diseases) Food and agriculture (Soil and crop management, and food safety) Water resources management Environmental protection and Climate Change Energy planning Mining exploration Radiation protection Agency (IAEA). SOURCE International Atomic Energy Agency (IAEA) Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Senatarada cusub ee dhowaan lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Kulanka oo ahaa mid isugu jiray casho sharaf iyo soo dhoweyn ayaa waxaa loo qabtay lixda Senatar ee illaa iyo hadda kusoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jowhar, waxaana sidoo kale madasha goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed. Cali Guudlaawe oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa Senatada cusub ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen, wuxuuna shaaca ka qaaday inay hortaallo shaqo adag. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay u istaagaan wax u qabashada bulshada reer HirShabelle iyo midnimadooda. “Waxaan ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay kulankaasi. Dhankooda xubnaha Senatarada cusub oo ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi iyo Dr Dufle oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxda HirShabelle, sida hufan ee ay u qabteen doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya maamulkaasi. Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan hakad-gashay, waxaana harsan illaa laba kursi oo kale oo mid ka mid ah uu dhowaan hareeyey buuq xoogan. The post Sawirro: Muxuu Guudlaawe kala hadlay Senatarada lagu doortay magaalada Jowhar? appeared first on Caasimada Online.
-
Families are invited to a Somali-language storytime 10:30 a.m. Saturday in the children’s wing at Blue Earth County Library, 100 E. Main St. Source: Hiiraan Online
-
Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ugu baaqay in si deg deg ah loo xaliyo khilaafka ka dhex taagan hogaanka Villa Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Blinken ayaa lagu sheegay in cawaaqib xumo aan la mahdin ay horseedi karto khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. “Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken. Xoghayaha ayaa sidoo kale ugu baaqay labada mas’uul in ay si nabad ah u soo afjaraan ismari waagooda mudada dheer taagan. “Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. Mareykanka ayaa sidoo kale labada dhinac ugu baaqay in ay ka fogaadan xaald waliba oo xasarad Abuuri karta. “Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uuwajahayo mowjada seddaxaad ee xanuunka COVID-19 oo markale soo laba kacleeyay. Wasaaradda ma aysan shaacin ayaa xaqiijin nooca viruska ee hadda soo laba kacleeyay hase ahaatee loo baahan yahay dhaqam galinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuga COVID-19 iyo Talooyinka. Wax ay wasaaradda caafimaadka ay soo gudbisay yaraynta isku socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa daruuriga ah, bandow habeenkii ah, in la joojiyo kulamada iyo isku imaatinnada dadka. War- ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay “xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo laabashada caabuqa COVID-19. Wasaaradda ayaa soo gudbisay tallaabooyin ay tahay in la qaado, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimista badani kasoo qaybgalaan, Iyo in dadka ka imanaya 11 waddan ay iska soocaan dadka kale muddo 14 maalmood ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad qaas ah ay saakay xiligii hore garoonka diyaaraddaha Muqdisho kasoo dejisay Agaasimihii hore ee NISA oo ra’iisul wasaare Rooble xilka ka qaaday. Diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga lana socdeen xubno uu hoggaaminayay Fahad Yaasin ayaa soo caga dhigatay garoonka Muqdisho waaberigii saakay, halkaasi oo ay ku sugayeen ciidamo gaar ah oo usoo galbiyay dhinaca madaxtooyada. Imaanshaha Fahad Yaasiin iyo xubnaha la socday ayaa ahaa mid qarsoodu ah oo aysan ka war qabin xubnaha xafiiska ra’iisul wasaaraha oo horay u xayiray in diyaarad sida aysan soo caga dhigan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaraddaha Jabuuti 17-ka bishan xili uu kusoo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaraddii uu saarnaa ee Turkish Airline ay diiday inay u socdaasho Muqdisho, dibna ugu laabatay magaalada Turkiga oo ay kasoo kicintay. Xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisa dhaamaday ayaa tallaabadaasi ku eedeyay dowladda Jabuuti oo la fahansan yahay inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse hay’adda duulista Somalia uu amarkaasi kasoo baxay iyadoo tixgelineysay amar ugu yimid xukuumadda. Fahad Yaasiin oo saaxiibkiis Farmaajo xil ka qaadistiisa kadib u magacaabay la-taliyihiisa amniga ayaa la filayay inuu ka qeybgalo shirkii golaha amniga ee uu ku baaqay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaayay si uu ugu soo bandhigo xog ku saabsan marxuumad Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo Fahad Yaasiin iyo saraakiil ka tirsan NISA iyo madaxtooyada balse dib loo dhigay markii Fahad Yaasiin 18-kii bisha lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul. Illaa hadda lama oga in wada ogolaansha uu ku yimid Muqdisho Fahad Yaasiin iyo in kale, base waxy u eg tahay inuu si dhuumaaleysi iyo ka war qab la’aan uu kusoo gaaray Muqdisho. Waxaana la sugayaa saacadaha soo socda war hor leh oo cusub. Ali Muhiyaddiin Caasimada News The post Fahad Yaasiin oo si lama filaan ah ku yimid Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Amniga Puntland iyo madax ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM), ayaa shir gaar ah ku yeeshay xarunta wasaaradda ee caasimadda Garoowe. Shirka waxa ka qayb-galay Wasiirka Puntland, oo ay wehliyaan Wasiir xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale wefdiga UNSOM waxaa hogaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM. Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta Barnaamijka Amniga Doorashooyinka, u diyaar garowga mashruuca JPP – wajiga labaad iyo siday labada dhinac oga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland. War ay soo saartay wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay, in Shirkaas kusoo dhamaaday is afgarad iyo natiijo wax ku ool ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka shiray Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Taliyihii Haya’adda sugida Qaranka ee shaqada laga eryay Fahad Yaasiin ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Fahad Yaasiin oo loo haysto Kiiska Ikraan Tahliil ayaa kol hore lagu xanibay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti dibna loogu celiyay Dalka Turkiga. Mr Yaasiin ayaa la sheegay in Garoonka Muqdisho ay ka soo dejisay diyaarad gaar ah oo uu ka soo qaatay dalka Turkiga halkaas oo uu maalmahanba uu ku sugnaa. Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday sabab la xiriirta dhinacyadii ka qayb gali lahaa oo jawaab siin Villa Soomaaliya iyo Maqnaanshaha Fahad Yasiin . Fahad Yaasiin oo shaqada laga eryay ayaa Shirka ka jeedin lahaa Warbixin la xiriirta maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo ka tirsan Hay’adda NISA oo ku maqan isla Hay’ada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) of the Federal Republic of Somalia has signed a historic formal agreement with the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations to transfer the Food Security & Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and the Somalia Water & Land Information Management (SWALIM) Programs from FAO to the SNBS. Source: Hiiraan Online
-
The Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) of the Federal Republic of Somalia has signed a historic formal agreement with the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations to transfer the Food Security & Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and the Somalia Water & Land Information Management (SWALIM) Programs from FAO to the SNBS. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddooyinkan joogay waddanka Turkiga, ayaa saaka dib ugu laabtay Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan, in diyaarad khaas ah Muqdisho keentay Mr. Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Maalmo ka hor, diyaarad Turkiga ka soo qaadday Fahad Yaasiin ayaa saacado lagu xannibay caasimadda waddanka Jabuuti, waxaana dib loogu celiyay Turkiga. Fahad Yaasiin ayaa laga sugaya in uu Golaha Amniga Qaranka la wadaago warbixin ku saabsan kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo saaka diyaarad khaas ah gaysay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhex-dhexaadintii laga dhex-waday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmay, ayada oo isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka. Dhinacyadan ayaa marka hore la kulmay madaxweyne Farmaajo, ayaga oo dhageystay waxa uu doonayo iyo qodobada uu ka tanaasuli karo, si heshiis loo gaaro. Kulanka Farmaajo kadib ayaa dhinacyada waxay haddana la kulmeen ra’iisul wasarae Rooble, ayada oo markii dambe ay guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoor Qoor ay ku hareen ra’iisul wasaare Rooble. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro. Waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro, maadaama qodobada la isku hayo ay yihiin kuwa aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday. Waxaa si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya. The post Dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble oo xalay dib loo billaabay iyo xog ku saabsan appeared first on Caasimada Online.
-
La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa goordhoweyd ka degay garoonka Aadan Cadde Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa waxaa siday Diyaarad Khaasa, Waxaana laga soo gelbiyay Garoonka Diyaaradaha. Fahad Yaasiin ayaa maalmo ka hor laga celiyay Garoonka Jabuuti. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Darbo Weyne oo sheegay inuu macalin u ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhaliilay hab maamulkiisa iyo in uu jeebka kala soo baxay dhaqan qaab daran, xilli ay ka dhamaaday afartii sano ee la doortay. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wax badan ka xishoonayo, si dalka aysan uga dhicin dagaal hor leh, isagoona ku taliyey in lagu ixtiraamo oo looga dambeeyo arrimaha dalka, xiliga kala guurka. “Ninka la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dhumiyay ninkii ka horeeyay Rooble, ninkastana in sidaas uga aamusayo ayuu u maleynayey, Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay muu dhihin hal berri dadkayga waxaas ma istaagan,” ayuu yiri. “Waxaa kula dar-daarma (Ra’iisul Wasaare Rooble) hunguri meesha kuma keenin, waxaa ku keenay sharaf iyo in aad bad-baadiso umaddan, maanta sharaf waa ku taagan tahay ha ka leexan.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba xaqeeda la duudsiin karo Ikraan Tahliil, oo kiiskeeda ay si weyn ugu kala fogaadeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha. Ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha oo lala qaato nabada iyo maslaxa uu wado, si doorasho loo gaarsiiyo dalka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Macallinkii Farmaajo oo ka hadlay hab maamulkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maamul cusub u magacaabay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kadib xilka qaadis lagu sameeyay maamulkii hore. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Caabudwaaq loogu magacaabay inuu noqdo Faarax Cabdulle Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka degmada laga dhigay Liiban Cabdi Cali. Sidoo kale Cali Daahir Ciid ayaa Xoghayaha Caabudwaaq u magacaabay Faarax Cali Warsame, waxaana dhammaan Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabayla faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa kaloo hay’addaha amniga Maamulka ku amray inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Caabudwaaq, ku-xigeenkiisa iyo Xoghayaha, si loo dardar-geliyo shaqada degmada. Gal PUNTLAND POST The post Galmudug oo maamul cusub u magacowday degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.
-
Buulo-Burde (Caasimada Online) – Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qarxiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde. Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gabaadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhismihii garoonka diyaaradaha. Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku burburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde. Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha amiirada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaalada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab. “Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi. Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka deegan yihiin magaalada oo aysan waxaba u geysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan. “Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burburineysaan waa guryihii ay wada laheed umadda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli meynee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dabada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasaska Al-Shabaab oo muran dhalisay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann. Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbarashada oo ay wadaan Wasaaradda Waxbarashada, Bahwadaagta Waxbarashada iyo sida ay Wasaaradda uga go’an tahay inay xaqiijiso baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh, loona dhan yahay. Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celisay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guulaha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jibbaaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxbarashada iyo farsamada gacanta si loo horumariyo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Arrimaha Waxbarashada appeared first on Puntland Post.
-
Sida caadiga ah Maxkamadda markii ay gebo-gabayso dhagaysiga Dacwadda waxa ay gashaa showr ay kaga doodayso Kiiska hor-yaalo “deliberations”, marka ay Garsoorayaasha u codeeyaan cod aqlabiyad ah ama go’aan kali kali ah hadba sida ay u dhacdo codaynta sida ay jideenayaan Qodobada 55, 57 Xeerka Maxkamadda ICJ iyo Qodobka 95/2 Xeer hoosadka Maxkamadda ICJ (rules of court, 1978), waxa uu farayaa Xeerka in la xadido ku dhawaaqista fadhi furan ama xiran marka ay jiraan xalado, laguna war-galiyaa dhinacyada Wakiiladoodo in lagu dhawaaqayo Dacwadda sida ku xusan Q. 94/1-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda “rules of court, 1978” iyo Qodobka 58-aad ee Xeerka Maxkamadda “ICJ STATUTE”. Sida uu xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed Maxkamadda waxay ku war-galisay dhinacyada in ay xukun kasoo saari doonto 12 October 2021, taas oo ka dhigan sida ay jidaynayaan qodobadaas in lagu dhawaaqayo Xukunkii Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, lana soo dhameeyey. Awoodda Xukunka ICJ Xukunka Maxkamadda ICJ kasoo baxaa waxuu qasab ku yahay dhinacyada uu ku soo baxay in ay u hoggaansamaan, sida ku cad Qodobka 59-aad Xeerka Maxkamadda iyo Qodobka 94/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda, haddii dhinaca laga guulaystay si iskiis ah u fulin waayo waxaa loo gudbinayaa Golaha Amaanka QM si uu uga-qaado Tallaabooyin amni sida ku cad Q. 94/2-aad ee Cahdiga Qaramada Midoobay. Mar hadii lagu dhawaaqo xukunka ICJ, dib maloo furi karaa mar kale?. Xukunka Maxkamadda ICJ waa mid Kama dambays ah, mana leh rafcaan sida ku cad Q. 60/1-aad ee Xeerka Maxkamadda balse waa dhici kato xaalado kooban oo dib-loo furi karo, Waxaa kamid ah xaaladahaas; 1- Marka uu ka yimaado dhinac codsi la xariiro Fasiraada xukunka ““Requests for the Interpretation“ ama codsi fasiraad baaxadia xukunka “scope of the judgment “. Marka dhinaca wax codsaday uu soo gudbiyo meelaha uu rabo in la fasiro ama la cadeeyo dhinaca kale waxa uu xaq u leeyahay in uu kasoo jawaabo, waxaa nidaminayo Q. 98-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda 2- Waxaa kale oo dhinaca qasaaray uu dalban karaa dib- u eegis in lagu sameeyo xukunka haddii uu helo xaqiiqooyin cusub oo wax-karatayo Dacwadda kana maqnayd, taas oo aan ku dhicin gaabis dhankiisa ah, waana in lagu dalbadaa 6-bilood gudahood, waxaana dib loo furi karaa Dacwadda, sida ay nidaaminayaan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda iyo Q. 99-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda. 3- Haddii ay jiraan wax-kabadalo ama ku daris ay dhinacyada isku raacansyihiin una soo gudbiyaan Maxkamadda maxkamadda waxay leedahay tix-galin marka laga reebo xaalado koobaan “MODIFICATIONS PROPOSED BY THE PARTIES “ sida uu Nidaaminayo Q. 101-aad ee Xeer-hosaadka Maxkamadda. Maxay Soomaaliya filanaysa maxkamadda ICJ? Dooda Soomaaliya ee qaabka Xaddeynta badda ee ku salaysan “Equidistance principle” waa mid wafaqsan Heshiiska Caalamiga ee badaha, The United Nations Convention on the Law of the Sea “UNCLOS 1982” iyo Xeerarka badda Soomaaliya Xeer n. 37, 1972-dii, Xeer N. 5, 1989-kii iyo Xeerarka badda Kenya ” Territorial Waters Act 1972, Act No. 2 of 1972), “The Maritime Zones Act, 1989”. Sidaas darteed waxay ka qabtaa rajo wayn in Maxkamadda ay taageeri doonto doodeeda, waxaa kale oon badnayn in ay dalbato Kenya Dib u eegis maadama aysan jirin xaqiiqooyin maqanan oo la ogyahay, horeyna ay isu difaaci waysay, balse way dhici kartaa in ay codsi fasiraad dalbato. W/Q. Cali Sheekh Aadan Yusuf “Cali Somali”. Calisomali400@gmail.com The post Ku dhawaaqista xukunka ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya – Tallaabooyinka xigi kara iyo filashada Somalia (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray uga digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. “Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken. “Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweyneyso ballan-qaadka labada mas’uul ee ku aadan hanaanka doorashada, hase yeeshee ay ka walaacsan tahay in doorashada ay mar horeba dhowr bil dib uga dhacday jadwalkeeda. “Dib u dhac kale oo dheeri ah wuxuu sare u qaadayaa suurta-galnimada rabshado, wuxuuna fursad siinayaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah ee raadinaya inay dalka ka abuuraan xasillooni darro,” ayuu yiri Blinken. Blinken ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay ka fogaadaan soo saarista qoraallo kale oo dareen kicin ah ama ay qataan ficillo xasarad abuur ah, ayna khilaafyadooda ku aadaan magacaabista xilalka ku xaliyaan si nabad ah. “Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri. The post Blinken oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
The Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) of the Federal Republic of Somalia has signed a historic formal agreement with the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations to transfer the Food Security & Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and the Somalia Water & Land Information Management (SWALIM) Programs from FAO to the SNBS. The transfer will happen through a three-phased approach that is expected to conclude within three years. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) - The Chinese Embassy in Somalia said on Monday it will organize a China-Somalia Friendship Photo Contest to help enhance bilateral relations ahead of the 72nd anniversary of the founding of the People's Republic of China. Source: Hiiraan Online