Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  3. Security forces in Somalia repulsed an attack by Islamic State suicide bombers on a military base in the northeastern region of Puntland on Tuesday, the local state broadcaster and a military official said. Source: Hiiraan Online
  4. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  5. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, iyada oo Puntland ay dhankeeda ka dhinteen illaa 12 askari, halka ay ka dhaawacmeen tiro kale. Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.
  9. Under President Hassan Sheikh, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach to formulating a foreign policy. Mogadishu (PP Editorial) — Today is the last day of 2024, a year marked by inter-clan and intra-clan conflicts in Somalia. The Federal Government of Somalia has faced a significant loss of confidence due to several contentious policies: attempts to amend the draft constitution without achieving consensus; efforts to overthrow a Federal Member State, and: alleged support for clan militias attacking Ceelbaraf with government-supplied weapons. These actions highlight the shortcomings of the federal system, two decades after its adoption in Kenya. The Federal Government has also been criticised for misusing Somalia’s sovereignty by signing multiple defence pacts with various countries. This was ostensibly to counter Ethiopia’s illegal maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland Administration, a secessionist entity in northern Somalia. In foreign policy, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach. According to Ibrahim Farah, the author of Somali Foreign Policy 1960-1990: An Analysis of Thirty Years of Diplomatic History, “Somalia does not have a foreign policy. Only the group occupying Villa Somalia formulates foreign [policy] without consultations.” Divergent views on key articles of the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia further corroborate this assessment. For instance, National Security Adviser Hussein Mo’allim tweeted that no decision has been made regarding Ethiopian troops in the 2025 AU peacekeeping mission in Somalia, while Somalia’s UN Mission last week stated that Ethiopian troops “will not be participating in the AU peacekeeping missions.” As a country dependent on peacekeeping forces due to institutional inability to tackle transnational terrorism, Somalia should not have been permitted to sign oil agreements withTürkiye . Türkiye is exploiting Somalia’s weak institutional capacities. The benefits Somalia might reap from debt relief are negated by the risks of incurring new loans or entering into resource agreements with foreign countries and companies. These policies represent a repudiation of the state-building initiatives spearheaded by Britain in Somalia since 2012, when the transitional period ended after agreements by Somali stakeholders. Britain, as the penholder for Somalia at the United Nations, has neglected Somalia’s interests. As the drafter of resolutions on Somalia, Britain should have avoided creating the impression among Somalis and academics that its emphasis is on saddling Somalia with feeble federal institutions that Somalis cannot hold accountable. It can be argued that Somalis’ interests were more safely protected during the trusteeship years (1950-1960) than in 2024, when Somalia claims to be a sovereign country. Like the flawed 4.5 power-sharing system, the federal system has enhanced the political privileges of powerful clans at the expense of those unfairly labelled as minorities, who are not numerically minorities. © Puntland Post, 2024 The post The 2024 Political Landscape in Somalia: A Year of Turmoil and Constitutional Woes appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta iyo Daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada. Dikreeto ka soo baxday Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku socod-siiyay dhammaan wasaaradaha ay khusayso ayuu ku magacaabay guddiga Taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ka shaqayn doona Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Calmiskaad, waxaana ay kala yihiin xubnaha guddigani: 1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) 2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur 3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle 4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo) 5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre 6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid 7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan Xafiisyada ay khusayso Hawshani in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta hawlgalka ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka. Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay. Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya. Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto. “Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey. Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.” Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan. Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka. Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay. “Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.
  13. Dowladda Puntland oo bayaan Rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ayaa shaacisay in aysan cidna dib uga laaban oo dhammaantood ciidanku dilay Argagixisadii weerarka soo qaaday. Bayaan ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday lagu dilay hawlgalkii saaka oo aysan jirin cid ka baxsatay gacanta ciidamada. “Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.” “Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada difaacu ku ruqaansadeen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen kooxaha Argagixisada ah balse dowladda faahfaahin kama bixin Khasaaraha dhinaceeda gaaray. PUNTLAND POST The post Puntland oo bayaan rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ka dhacay degaanka Dharjaale ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo ka agdhow. Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka sakaay ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isqarxiya, halka kuwa kalena ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada maamulka. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi. Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland, wuxuuna dhawaan maamulka sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan.
  15. Mogadishu (HOL) — Luul Jeylaani Ali, one of Somalia’s most celebrated singers and a cherished icon of Somali music, has passed away in Minneapolis, Minnesota. She died on Monday night after battling a long illness, leaving behind a legacy that shaped generations of Somali music and culture. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — Burundi has accused Somalia of betrayal and ingratitude after being excluded from the list of countries permitted to contribute troops to the new African Union mission for peace restoration in Somalia, known as AUSSOM. The decision comes as the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes its mandate at the end of December. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) — Somali government forces struck multiple Al-Shabaab strongholds in the Lower Shabelle region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaysa dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ku dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puintland iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad. dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qarax ah oo uu fuliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland, ka dibna is rasaasayn toos ahi dhex martay labada dhinac. Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 xubnood oo Ajaaniib ah, kuwaas oo kamid ahaa kooxda weearka soo qaaday, asagoo sheegay inay dagaalamayaasha Daacish jab xooggan gaarsiiyeen. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar ciidanka Puntland ee isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya maydadka dad lagu sheegay Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalki saaka dhacay. Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabulaysay guluf iyo duullaan aad u ballaaran oo ay sheegtay inay gobolka bari iyo guud ahaan deegaanada maamulka uga saarayso kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) — Johann Rupert has emerged as Africa’s wealthiest individual in 2024, overtaking Aliko Dangote. Rupert’s fortune surged to $14.3 billion this year, up $1.9 billion, thanks to his leadership of Richemont, a global luxury goods conglomerate. Conversely, Dangote, valued at $13.4 billion, saw his net worth decrease due to Nigeria’s economic struggles and the depreciation of the naira. Source: Hiiraan Online
  20. Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in carruurta halkaasi ku nool ay u dhiimanayaan qabow daran oo deegaannadaasi ka dhacaya. Dadka reer Qasa oo u badan dad ka barakacay guryahoodii ama la dumiyay ayaa bannaanada ku wajahaya dhaxan iyo qabow daran taasoo hadda keentay in carruurta yaryar ee qaarkood maalmaha jira ay u geeriyoodaan. Qoysas badan ayaa tobanaan jeer ka barakacay deegaannada qaar waxaana arrintaan ay sii murjinaysaa dhibaatooyinka faraha badan ee Falastiiniyiinta Qasa ay la kulmayaan. Laba carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay qabowga u dhinteen ilaa iyo hadda halka kuwa kalana looga cabsi qabo in qabowgu uu galaafto. Hooyooyinka ayaa iyaguna la ildaran nafaqo darro baahsan oo ka dhalatay xaaladaha xanuunka badan ee isugu jira colaadda, barakaca, cunno yarida iyo hoy la’anata dadkaasi haysata. Bbcsomali Qaran News
  21. Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas. “Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil. Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.
  22. Dimishiq (Caasimada Online) – Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta. Qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya ayaa waxaa maamula maamulka Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ciidankooda loo yaqaan SDF, kuwaas oo hormuud ka ahaa in looga adkaado kooxda Daacish 2019-kii, ayaga oo taageero ka helaya Mareykanka. Turkiga ayaa ku eedaysay qaybta ugu muhiimsan SDF ee YPG, in ay xiriir la leeyihiin xisbiga mintidiinta Kurdish-ka ee PKK, kuwaas Washington iyo Ankara ay labadaba u u arkaan koox argagixiso. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in toddoba dagaalyahan oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageero lagu dilay iska horimaad Isniinta maanta ah ka dhacay waqooyiga bari ee Manbij ee gobolka Xalab. Dagaalyahannada SDF ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay dib ula wareegeen kooxaha ay taageerto Ankara horaantii bishan, ayey tiri kooxda. Lix dagaalyahan oo kale oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageerto iyo saddex ka tirsan ciidamada SDF ayaa maalin ka hor lagu dilay isla gobolka Xalab, sida ay sheegtay kooxda. SDF ayaa sheegtay Isniinta maanta in weeraro ka fulisay meelo kale oo gobolka ah oo ay ku burburisay “laba raadaar, iyo taankiyada Turkiga” meel u dhow buundada istiraatiijiga ah ee webiga Furaat. Sida laga soo xigtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, 13 xubnood oo ka tirsan kooxaha Turkey ay taageerto iyo laba xubnood oo ka tirsan SDF “ayaa lagu dilay dagaal ka socda” agagaarka buundada iyo biyo xireenka Tishreen. Waxay intaas ku dartay in iska horimaadyada aaggan ay socdeen muddo saddex toddobaad ah. Turkiga ayaa hawlgalo kala duwan ka fulinayey aagagga SDF tan iyo 2016, islamarkaana kooxaha ay taageerto Ankara ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo waqooyiga Suuriya ah oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen. Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markii fallaagada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay xukunka ka tuureen Bashaar Al-Asad, 8-dii December. Hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa, oo kooxdiisa HTS ay muddo dheer xiriir la lahayd Turkiga, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya Axadii in ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ay tahay lagu daro ciidamada qaranka. “Hubku waa inuu ku jiraa gacanta dowladda oo kaliya, cid kasta oo hubeysan oo u qalanta inay ka mid noqoto wasaaradda gaashaandhigga, waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri. “Ayada oo la eegayo shuruudahan iyo xeerarkan, waxaan wada-hadal la furi doonnaa SDF, si loo helo xal ku habboon.”
  23. Ururka Daacish ayaa saaka arooryadii weerar loo adeegsaday gaari Toyota Surf ah oo walxaha qarxa laga soo buuyiyay iyo dagaal toos ah ku qaaday guri ay daganaaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire iyo taliyaha ciidmada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabi Xaashi. Mas’uuliyiinta ayaa ka badbaaday weerarka, basle waxaa ku dhintay ilaa 9 ruux oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka ay ku dhaaawacmeen ku dhaawaad 30 qof. Kooxdii argagixisada Daacish ee wararka soo qaaday ayaa 6 ka mid ah la toogtay, halkii intii kalana baxsatay. Sidoo kale waxaa wararka ku gubtay gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah, kuwaas oo sahay u waday ciidamada Puntland. Deegaanka Dharjaalle oo ka tirsan ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa saldhig ka sameystay ciidamada Puntland ee isu diyaarinaya gulufka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  24. Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray deegaanka Shangeed oo ka tirsan dhulka cayn loo yaqaanno ee hoostaga gobolka Togdheer. saraakiisha Ciidanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa militariga Soomaaliland ku eedeeyay inay weerarkan ku soo qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada SSC-Khaatumo ee aaggaasi, balse dhinaca Soomaaliland weli faahfaahin dhammatstiran kama bixin iska hor-imaadkan Si kastaba ha ahaatee lama soo warin waxyeello dhimasho ama dhaawac oo uu sababay dagaalkani, balse iska hor-imaadyada labada dhinac ee aaggaas ayaa dhawr horay u dhacay sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan gobolku. Source: goobjoog.com
  25. Garowe (HOL) — Puntland Deputy Speaker Mohamed Shire Baari narrowly survived an attack by Islamic State militants in the Dharjaale area of Bari region on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online